Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. ^^ Madaxweyne kasta walo abtirin 4.5 bu ku yimi Somalinimo kuma iman
  2. Prof. Gandhi fallout with president Sheik Sharif over the deployment of the troops, Sharif wanted the troops to be deployed to Mogadishu to help him repel Alshabab, but Gandhi refused that, insisting that the troops were recruited from Juba and Gedo Provinces and there is no way they should go to elsewhere very interesting
  3. Yeah to many Koofiyad Bacle is no good but the King is a nice man he is not like boqor buur madow in the Sixties we had Limited Elders
  4. Roob Lagu Qabowsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Roob lagu qabowsaday oo biyo dhigay wadooyinka ayaa galabta ka da’ay magaalada Hargeysa. Roobkaasi oo dadweynuhu aad ugu farxeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee curashada xiliga gu’ga ee ka da’a caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ka jirtay biyo yaraan sababtay in xaafadaha qaarkood biyo dhaamis loo sameeyo. Roobkan galabta ka da’ay Hargeysa ayaa dhalinyarada iyo carruurtu qadar isku dhigayeen, waxaana daad ka dhashay roobkan uu qul qulay wadooyinka magaalada Hargeysa. Xaafadaha ay qasadaha wakaaladda biyuhu ugu jiraan guryaha iyo kaalmaha biyaha ee dadweynaha ayaa inta badan xiliga gu’ga biyo ku filan hela. Halka xiliga jilaalkana ay biyuhu adkaadaan. Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa dhawaan shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in abaaraha kulul ee ka jira dalka ay saamayn ku yeelatay caasimada Hargeysa, isagoo ku dooday in booyadihii biyaha u dhaamin jiray xaafadaha cidhifyada magaalada ay u wareegeen miyiga si ay uga helaan macaash ka badan kii ay ka heli jireen gudaha Magaalada Hargeysa.
  5. Muuse Biixi Oo Madaxweyne Geelle Ku ******tay Horumarka Uu Gaadhsiiyay Jabuuti April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee tallada Somaliland haya Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Jabuuti ku ******tay kuna ammaanay wax uu ku tilmaamay horumarka uu gaadhsiiyay dalkiisa. Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbigaasi oo uu dhambaal Hambalyo ah Guddoomiyuhu ugu diray madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo markii sadexaad loo doortay ka dib markii uu ka adkaaday murashaxii madaxa banaanaa Maxamed Warsame Raagge ee kula tartamayay doorashadii dhacday jimcihii 8-dii bishan. War-saxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxu isagoo ku hadlaya magaca Hogaanka, Guddiga Fulinta, kan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo kiisaba hamalyo iyo salaan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaacill Cumar Geele doorashada loo doortay mar seddexaad Madaxtinimada dalka Djbouti ee ka dhacday dalka Djibouti maalintii Jimcaha ee bishan April 8, sannadka 2011, isagoo ku guulaystay aqlabiyad aad u sareysa. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxuu sheegey in guusha uu Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka helay shacabka reer Djibouti ay tusaale u tahay sida niyad samida ah ee reer Djibouti ugu kalsoon yihiin Madaxweynahooda. Mudane Ismaciil Cumar Geele wuxuu muddadii uu Madxweynaha ka ahaa dalka Djibouti uu gaadhsiiyey dalka horumar dhinaca walba gaar ahaa dhinaca adeega bulshada, wuxuuna ku xidhay Djibouti wadamo badan oo ka tirsan qaaradaha adduunka. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale mudadii uu xilka hayey aad u wanaajiyey xidhiidhka uu la leeyahay wadamada ay deriska yihiin sida Somaliland, Ethiopia, Kenya iyo Yemen. wuxuu u rajeeyey Madxweyne Ismaaciil Cumar Geelle caafimaad, dalka iyo dadka reer Djiboutina horumar.”
  6. Wiil Cusub;710538 wrote: Who is this Boqor ma buur madow iyo buur cad buu la tartamayaa kuwii horaa loo taagla'aa Maya wa boqorka beelaha Gobolada saaxil woqoyiga hargeysa iyo gabiley i think 2 years ago ba la caleemo saaray
  7. Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashadii Jabuuti Iyo Xidhiidhka Labada Dal April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti, taasi oo uu markii sadexaad ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynuhu wuxuu qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo natiijadii ka soo baxdayba uu kaga hadlay dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaka soo saaray Afhayenka Madaxtooyada Cabdilahaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka. Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kuuga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kale oo aan aaminsan nahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehan tahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.”
  8. I don't understand why are the pirates against Azania , i mean Azania wants to fill the vacuum when Shabaab leaves
  9. Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Guubaabin Isugu Jira U Diray Madaxwaynaha Djabuuti Ee Marka Saddexaad Ku Guuleystay Madaxwaynenimada Dalkaas. Hargeysa (Ramaas) Apr 10,2011- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo iyo guubaabin ah u diray Madaxwaynaha dalka Jamhuuriuyadda Djabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle oo mar saddexaad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii todobaadkii hore. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya Magaca dawlada iyo shacabka reer Somaliland waxa uu Madaxwayne Geelle iyo shacabka reer Djabuutiba u rajeeyay inay ku waraan nabadgalyo iyo barwaaqo isaga oo rajeeyay in xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti sii xoogeysto. War-saxaafadeed kooban oo mar dhawayd laga soo saaray Madaxtooyadda kuna saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla-markaana soo gaadhay xafiiska wararka ee Ramaasnews ee Magaaladda Hargeysa ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kaloon aaminsanahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena Dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar" Ramaasnews Desk Hargeisa
  10. Jiiroow Bakaal;710516 wrote: Somaliland should never listen TFG and go to Erbil there will be big conference for the worlds unrecognised countries Kurdistan Somaliland Northern Cypern Northern Ossetia Abkhazia Azania etc ;);)
  11. Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Cod ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. + DHAGEYSI Halkan ka Dhageyso Fadhigii Golaha ee Maanta Hargeysa(Waaheen) Xildhibanada Golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Cod yar ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. Fadhigaasi maanta ay yeesheen Xildhibanadu ayaa waxa shirgudoominayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad Md. C/casiis Maxamed Samaale, waxa ka soo xaadiray 67 mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha wakiiladu. Fadhigan ayaa ahaa mid aad u xaasaasi ah iyada oo amaanka guud ee golahana aad loo adkeeyay, waxana iyaguna ka soo xadiray fadhigaasi marti sharaf aad u badan iyo Masuuliyiin ka kala socoday Shirkadaha Somcable iyo Dalkom. Xildhibanada Golaha Wakiilada ayaa cod gacantaaga ah ku Meel mariyey Xeerka Isgaadhsinta Qaranka waxan u codeyay 34 mudan, waxaana diiday 29 mudane, halka ay ka aamuseen 3 mudane, gudoomiyuhuna Mu codeynin, sidaasina uu ku ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka. Waxanu yidhi Samaale“xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Somaliland Xeer Nomber 50, 2011. waxa uu ka kooban yahay 81qodob, waxa uu xeerkani ka soo gudbay Xukumada, waxana la galiyey Isbedelkii ay guddida dhaqaluhu ay soo sameeyen, waxa madasha ku sugan 67 mudane, 34mudane ayaa xeerkasi u codeyay, 29 mudane ayaa xeerkasi ka soo horjeedsaday, 3mudane ayaa ka aamusay Gudomiyuhuna muu codeyaynin Xeerkasina sidaas ayuu ku ansaxay”.Ayuu yidhi Samaal.
  12. no the news is : granade attack hits southern laascanood Just like it did hargeysa 2 days ago
  13. Hablaha Jaaliyada Deegaanada SSC ee ku sugan Cardiff Oo Deeq lacageed Sogadhsiyay Cusbitalka magaalada laascaanood+ Video) Posted to the web on Apr 09 Deeq lacageed ay maanta soo gaadhsiyeen haweenka udhayshay Gobolada SSC ee ku nool cariga Ingirska Gaar ahaan magaalada Cardiff Cusbitaalka magaalada laascaanood oo ay ku soo hagaajiyeen,wakiilka Xawalaada amal Siciid (LG) ayaa kuwareejiyay agaasimaha cusbitaalka magaalada laascanood Ismaaciil Muuse ciise (ilka case) Wareejintii lacagta oo goob joog ahaayeen masuuiyiin kale oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Ruush iyo Cabdiwali oo ah madaxa shaqaalaha isbitaalka laascaanood ayaa waxaa ka hadalay Agaasimaha Cusbitaala Ismaaciil muuse (ilka case) oo mahad balaadhan u soojeediyay hablaha Deeqdan soo gaarsiyay cusbitaalka magaalada laascanood,lacagtan oio dhamayd kun labaatan iyo shan dolar ,Sidookale waxa uu ugu baaqay Qurbajoogta kusugan Daafa dunida ee udhashay gobolda ssc inay ka qaybqataan u gargaarka bukaan jiifka isbitaaka laascaanood oo aan cidina waxba u qaban.
  14. War Deg Deg ah Qarax Bamgacmeed ah oo lala Beegsaday Saldhiga Wadnaha Magaalada laascaanood on Apr 09 Qarax bam gacmeed ah ayaa Waxaa Caawa lala beegsaday Saldhiga Boliska ee ku yaala Koonfurta magaalada laascaanooda,iyadoo Kooxdii gaystay Werarkan ay baxsadeen Khasaaraha qaraxa bam gacmeedkan ayaa ilo xog ogaal ah ay sheegayaan dhaawaca Taliyihii Saldhigaasi askari ka tirsanaa ciidanka saldhiga iyo wiil dhalinyaro ah oo ku xidhnaa kuwasaoo lagu dabiibayo cusbitaalka Guud ee magaalada laascanood Qaraxan, ayaa ahaa mid xoog badan oo laga dareemay magaalada lamana garanayo cida ka dambaysa Qaraxa sidookalena aan cidloqaban
  15. Saldhiga Koonfureed ee Laascaanood oo goor dhaweyd qarax lala beegsaday iyo dhaawac soo gaadhay sadex qof Laascanood(Waaheen) Koox aan ilaa hada la aqoonsan ayaa goor dhaweyd qarax la beegsatay saldhig Booliis oo ku yaala koonfurta magaaladda Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay taliyihii saldhigaasi, askari iyo Maxbuus ku xidhnaa saldhigaas. Wariyaha waaheen ee magaaladda Laascaanood ayaa sheegay qaraxaasi inuu ahaa mid weyn oo gilgilay magaaladda, waxaanu intaa ku daray inaan ilaa hada la ogayn khasaare kale oo intaa ka badan sida uu sheegayna waxa xaaladiisu adag tahay Taliyaha Saldhigaasi oo la yidhaahdo Cali Axmed Shire, waxaana uu ku jiraa koomo iyadoo isla imikaba si deg-deg ah loogu qaado doono dhinaca Hargeysa.
  16. Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Laascaanood . Saturday, 09 April 2011 Laascaanood(Togdhnews)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegayaa in caawo fiidkii qarax bambaano uu ka dhacay saldhiga Boolis oo ku yaala dhinaca koonfureed ee magaaladaasi,halkaasoo ay ku dhaawacmeen Taliyihii saldhigaasi Cali Axmed Muuse,waxa kale oo iyaguna dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid askartii saldhigaasi iyo maxbuus ku xidhnaa . Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdullaahi Jaamac Diiriye ,ayaa xaqiijiyay in falkani qaraxa ahi ka dhacay saldhigaasi,islamrkaana aan lahayn cidii gaystay balse la raadinayo kuwii ka dambayay qaraxaasi. TogdheerNews..Laascaanood.