-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland interior Minister Dr Gaboose visits sool
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Che -Guevara;712844 wrote: Hada waxaad leedahey Burco qabiil qabiil lookala dagan yahey? Gaalkacayo maxaa dadku afka ugu taagaan? Maya burco wada greeni ma dhex marto saxib balse saxafada iska diidan inay beelaha afka ku dhufato laakin beelaha burco wa is dhex degenyihin hal badhisaab bay leeyihin hal mayor hal mayor kuxigeen hal taliye Boolis hal abanduule ciidan -
Ciidamadda Liyuu Booliska oo magaaladda Harta-Sheekh ku xidhxidhay 15 Ganacsato ah iyo Suldaan Xiiray oo taageeray Degmooyinka Kililka 5aad Harta-sheekh (Waaheen) Ciidamada kililka shanaad ee ismaamul goboleedka Somalida ayaa shalay raafay magaaladda Hart-sheekh in ka badan shan iyo toban ka mid ah Ganacsatada Waaweyn ee magaaladaasi. Sida ay Waaheen wararka ka imanaya deegaankaasi soo gaadhsiinayaana ilaa hada lama oga dhab ahaan looma oga meehs ay geeyeen ganacsatadaasi iyo sabab ay u kaxaysteen toona, hase yeeshee waxa ay dad nala soo xidhiidhay sheegeen inay u malaynayaan in kooxda kililka shanaad ka amar ku taaglaysa ee ********iya ay ka cadhoodeen cabasho ay beelaha Somalida ee ku nool deegaankaasi ay maamulka EPRDF ta u gudbiyeen dhawaan, kaasoo ay ku diidan yihiin sida Madaxweyanaha Kililka shanaad u sameeyay degmooyinka iyo gobolada dhawaan la magacaabay oo uu reerkooda ku taxay. Ciidamadda Liyuu Booliiska kililka oo la sheegay iyana inay u badan yihiin reerka Madaxweynaha ayaa la sheegay inay beryahanba ka wadeen deegaankaasi dhibaatooyin farabadan oo ay ku laynayaan wixii ka hor yimaada iyagoo xiisado colaadeed ka huriyay deegaanka intii lagu wareejiyay awooda Kililka, waxaanay ku kaceen Dil, dhac iyo Kufsi xad dhaaf ah oo ay ka sameeyeen meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay degaan qabiilooyinka Somaliland iyo Ethiopia ba dega , kuwaasoo imika bilaabay dhaqdhaqaaq ay kaga hor tagayaan falalkaasi Dhinaca kale, sida ay baahisay shabkada Cakaara, shir ay u wada dhanaayeen Cuqaasha, Salaadiinta, waxgaradka, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Beelaha woqoyiga Kilinka shanaad ay kulan kuyeesheen magaalada jigjiga. Kulankan oo ahaa mid gaar u ahaa beelaha Somalilanders ee itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagaga wada tashanayay qodobo laxidhiidha arimaha beesha, sidoo kale shirkan oo lagaga hadlay arimo laxidhiidha dadaalka ay dawlada deegaanku wado oo ah mid mudan in lagarab istaago ayaa waxay beeshu kadib markii ay arimo badan falanqeeyeen waxay ugu danbayntii soo saareen baaq afar qodob kakooban oo ku aadan Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya. Shirka oo ay ka hadlayeen Culumaa-udiinkii iyo odayaal dhaqameedkii goobta kusugnaa Ayaa waxaa gabagabadii soo xidhay suldaanka guud ee beelaha Suldaan Yuusuf Suldaan Maxamud Xiirey Kadib waxaa kaloo kahadlay qaar kamida madax dhaqameedyada iiyo odayaasha iyo culumaa udiinka beelahaas Waxaana laga soo saaray baaqan oo ka kooban 4 qodob oo kala ah 1. Inay u hanbalyaynayaan Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo Dawlada Dhexe ee Fadaraalk 2. Inay tageerayaan kuna faraxsan yihiin ansixinta 15 dagmo ee lagu ansixiyay kal fadhigii labaad ee barlamaanka DDS 3. Inay u hambalyaynayaan ururadii hore nabada uqaatay 4. Inay beelahan muruqooda maskaxdooda iyo maalkoodaba kaga qayb qaadanayaan mashruuca biyo xidheenka laga samaynayo wabiga abaay hadaanu nahay beelaah dega woqoyiga Kilinka shanaad.
-
Somaliland interior Minister Dr Gaboose visits sool
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Che -Guevara;712840 wrote: loool@Beelaha Bariga Burco Why not just say the tribe It's good man that means the people won't hear every day reer hebel iyo reer hebel. But they will hear Beesha bariga burco beesha Woqoyiga Hargeysa Beesha Qurilugud beesha Koonfurta Laascanood beesha bariga sanaag beesha bariga awdal beesha borama etc , besides it's good for saxafada two and for SOL lol -
Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Daakhilga Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Caynaba. Monday, 18 April 2011 Caynaba(Togdhnews)-Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose , iyo wafti uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Caynaba ee gobolka Saraar,waxaana halkaasi si diiran ugu ugu soo dhaweeyay,Maamulka Gobolka,Madaxdhaqameedka degaankaa iyo dadweyne badan. Wasiirka oo dadkaasi soo dhoweeyay kula hadlay goob fagaare ah ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho u kuurgalida xaalada guud ee gobolada Bariga Somaliland,islamrkaana uu madaxweynuhu na soo diray,waxa uu intaas ku daray in dawladu markasta diyaar u tahay inay horumariso oo wax u qabato goboladeeda balse loo baahan yahay ayuu yidhi in bulshadu noqoto mid wax qabsanaysa oo ka qayb qaadanaysaa horumarka degaankeeda. Suldaan C abdilaahi Suldaan Cali oo suldaanka guud ee Beelaha Bariga Burco,ayaa isaguna halkaasi ka sheegay inay si wey ugu soo dhaweynayaan waasiirka iyo waftigiisa degaanka gobolka Saraar,raalina ka yihiin imaantinkiisa,waxa kale oo iyaguna goobtaasi ka hadlay Badhsaabka gobolkaasi iyo xubno ka mida madaxdhaqameedka degaankaasi. Socodkan waftiga wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobolada bariga Somaliland ka taaagan tahaay xaalad abaareed oo aad xumi, bulshada degaamadaasina ay u baahan yihiin gurmad balaadhan oo isugu jira Raasjin,Biyo iyo dawoooyin,madaama nolasha dadkaasi ay hada adag tahay goobo badana laga soo barakacay. Waa markii u horeysay ee wasiirka daakhiligu tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay uu safar ugu baxao gobolada Bariga Somaliland.waftigan ayaa la sheegay in kormeer ku soo mari doonaan gobolada Sanaag iyo Sool,inkastoo wasiirka iyo waftigiisu ayaa saaka hareerta ka dhaafeen magaalada Burco oo aanay ku soo leexan. TogdheerNews..Burco
-
Somaliland President meets UAE Minister of Higher Education ABU DHABI — President Ahmed Silanyo met the UAE Minister of Higher Education and Scientific Research, Sheikh Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan at his palace in Abu Dhabi on Sunday. Sheikh Nahyan facilitated a meeting between the Somaliland delegation and over 60 local and multinational business leaders based in the Gulf nation. The businesses, some of the largest in the region, congratulated President Silanyo for creating open and optimal investment environment and for maintaining stability in the country. They promise to send a business delegation to Somaliland to study the country and investment opportunities in the coming weeks. Abu Dhabi - President Silanyo warmly received by Sheikh Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan Sheikh Nahyan said the UAE was ready to help Somaliland in the areas of security, economy and development. He promised to connect local and international companies in the UAE to Somaliland to increase the volume of capital investment, while continuing to assist Somaliland with its humanitarian needs. He added his department will help structure and lift the education standards in the country. The President thanked Sheikh Nahyan and the other delegates for their warm hospitality. He briefed them of the country’s achievements, investment and business opportunities. He also told them a new investment law will ensure that his government creates good conditions for foreign investment. The president equally highlighted the challenges in the country including the high unemployment, ongoing drought and the enormous water scarcity and water quality problems. He requested the help of UAE since its the leading foreign direct investment destination in the Middle East and is home to major water companies and desalination plants. Abu Dhabi, the seat of the government of UAE, consumes 550 liters of water per person per day while in Somaliland on average less than 30 liters of water per person per day are consumed. The Somaliland delegation, UAE officials and the 60 or so business leaders later had lunch at Sheikh Nahyan’s palace. The President and his delegation which includes Mohamed Abdullahi Omar, Minister of Foreign Affairs, Abdirisaq Khalif Ahmed, Minister of Trade, Industrialization and Tourism, Abdullahi Mohamed Dahir, Presidential spokesman, Hersi Ali H. Hassan, Chief of Cabinet and first lady Amina Sheik Mohamoud will be in the Gulf nation until Thursday.
-
Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Kulamadoodii Maanta ee Dalka Imaaraadka Carabta April 18th, 2011 Dubia (Somaliland.Org)- Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku maraya Imaaraadka Carabta ayaa ka xog waramay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi. Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay in maalintii shalay ay qasrigiisa kulan balaadhan kula yeesheen Wasiirka Tacliinta ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarak Al Nahyaan, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland u bandhigay waxyaabaha ay ka dalbanayaan dalka Imaaraadku inuu ka taageero Somaliland waxaanu tilmaamay in qodobadii ay ka dalbadeen ay ka mid ahaayeen sidii shirkadaha dalkaasi u maal gashan lahaayeen Somaliland iyo sidii ay dawlad Imaaraadku ay dalka uga saacidi lahayd dhinacyada waxbarashada, Biyaha iyo shaqo abuurka. Chief of Cabinet-ku waxa kale oo uu sheegay inay caawa kulan la yeesheen mid ka mid ah shuyuukhda ka arrimisa Madaxtooyada Imaaraadka oo ay ka wada hadleen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen arrimo badan isla markaana u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadka labada wadan. Md. Xirsi Cali X. Xasan oo caawa u waramayay BBC-da waxa kale oo wax laga weydiiyay inuu tafaasiil ka bixiyo shirweyne lagaga hadlayo la dagaalanka Budhcad badeedka oo lagu qabtay dalka Imaaraadka oo ay ka qeyb galeen xubno ka mid ah weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo. “Shirkaasi Madaxweynuhu kama uu qeyb galin ee waxa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadada waxaana lagu casuumay Wasiirradda arrimaha dibada ee Konton wadan oo caalamka ah, shirkaasi wali muu dhamaan ee wuu socdaa, tafaasiishiisana waxaad ka weydiin kartaan Wasiirka Arrimaha Dibadda,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali X. Xasan. Chief of Cabinet-ku, waxa kale oo uu sheegay inay socdaalkoodan Imaaraadka Carabta uga sii gudbi doonaan dalka Kuwayt oo ay ka haystaan martiqaad rasmi ah, waxase uu xusay inay jiraan dalal kale oo khaliijka ah oo ay qalqaalinayaan inay socdaal ku tagaan.
-
Ilahay ku naxariso Muj Ibrahim Koodbuur iyo Mujahid Col cabdilahi Askar barkhad iyo dhamaan mujahidinti Hawlagalka galay , Muj ibrahim koodbuur was great he was a double agent the SNA thought he was with them they thought wrong when the SNA (Hangash) troops captured Cabdilahi Asker he planned the operation He Killed 8 of the Prison security which led to the freedom of Cabdilahi Askar.
-
Somaliland Coast Guard takes on pirates (Video)
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
Good report by cnn. -
Deg Deg: Iska Hor Imaad Ka Dhacay Qabuuraha Magaalada Gaalkacyo
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Where is duke when you need him -
Madaxweynaha Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Isla Faaqiday Iskaashi Dhex Mara Labada Dal April 17th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al-Nahyaan, ayaa maanta qasrigiisa ku qaabilay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku maraya dalkaasi oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay. Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay illaa 60 ka mid ah shirkadaha Ganacsiga ee dalka Imaaraadka Carabta iyo kuwa dalkaasi ku sugan ee caalamkaba, waxaana kulankaasi lagu faaqiday sidii Imaaraadka Carabtu uu Somaliland wax ugala qaban lahaa dhinaycada Maalgashiga, Biyaha iyo Horumarinta Waxbarashada. Sidaasi waxa lagu sheegay war-murtiyeed caawa Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulankaasi kaasi oo u dhignaa sidan :- “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Gaar ahaan Magaalo Madaxda Abu-Dubai ayaa maanta waxa lagu Martiqaaday Qasriga Wasiirka Tacliinta ee isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al-Nahyaan. Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay Halkaa kula Kulmeen in ka badan 60 Xubnood oo uu Wasiirku Qado Sharaftaa Casuumada ah ugu yeedhay si ay ula kulmaan Weftiga kuwaas oo ka kala Socday Shirkadaha ugu waa weyn ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga oo ka kala yimid Caalamka oo dhan kuna Sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Shirkadahaas oo ay Masuuliyiinta Ka socday Madaxweynaha ku Hambalyeeyeen sida uu dalka Somaliland u yahay Dal diyaar u ah Maal-gashi dibadeed waxaanay Madaxweynaha u balan qaadeen in ay Dalka u soo diri doonaan Wufuud kala duwan kuwaas oo dhawaan iman Doona Dalka Daraasadna ku Samayn doona Waxyaalaha ay ka Ganacsadaan ama ay ka Shaqeeyaan Kambaniyadaasi (Company)-yadaasi oo kala Duwani. Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-Nahyaan oo ah Wasiirka Wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu waa weyn Imaaraadka Carabka Waxa uu Madaxweynaha u sheegay in ay Imaaraartu diyaar u yihiin inay Somaliland kala Shaqeeyaan dhinaca Nabad-gelyada, iyo Weliba dhinaca Ganacsiga sidoo kale ay Shirkadaha, Kambaniyada ( Company)-yada ugu Waa weyn Caalamka ay ku soo Xidhaan Dalka, Nahyaan waxa kale oo uu sheegay in uu Diyaar u yahay inuu dhinaca waxbarashada Tacliinta Sare ka Caawiyo Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna u sheegay Sheekha in uu Dalka Somaliland yahay dal dimu-quraadi ah, Nabad ah ku Kalsoon in uu Caalamka kale wax la qabsado aadna u danaynayo inuu Caalamka Islaamka ah iyo Caalamka kaleba ay yimaadaan Dalka oo ay Maal-gashi ku sameeyaan. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay Sheekha in ay Somaliland dooratay Shuruucda iyo maal-gashiga Dalka Somaliland gudihiisa haatana uu dalku u baahan yahay oo keliya in wax lagala qabto dhinaca dhaqaalaha, Wax-barashada, Caafimaadka iyo wax-yaalaha kale ee la xidhiidha Adeeg-yada Bulshada ee Magaalooyinka iyo shaqo la’aanta ku Habsatay dhalin yaro aad iyo aad u badan kuwaas oo doonaya markay Wax-barashada dhamasytaan Shaqo tagaan sidaa Awgeed waxa uu xusay madaama oo uu Dalkeenu yahay dal aanu imika uun Abuurnay, Yab-yabnay oo ku guulaystay inuu noqdo Laambad (Lamp)-ka iftiimaysa Geeska Mandaqada uu ku yaalo waxa aanu doonaynaa oo aanu walaalahayaga aad ka midka tihiin ka Codsanaynaa in aad wax nagala Qabataan si aanu Dhalin yaradaas Shaqo ugu Abuuri karno, si ay taasi suurta gal u noqotana shirkadihiina tirada badan ee halkan fadhiya waxa aanu idinka Codsanaynaa sida aad balan qaadeen inaad Dalkayaga Soo gaadhaan oo qiimaysaan meeshii Maal-gashigiina ku haboon shirkad walba gaarkeeda waxa aanu diyaar u nahay in aanu anaguna idiin fudaydino oo ay suura gal-noqoto dhinaca wixii idiin dan ah oo anagaba noo dan ah kana wadda hadalno, Waxa aanu Abuurnay Sharciyo, Shuruuc maal-gashiga Fudaydinaysa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo la hadlaayey Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-nahyaan wasiirka wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo martiqaaday Weftiga Madaxweynaha iyo in ka badan 60 Shirkadood ama Company oo kulankaa goob-joog ka ahaa. Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday oo uu ku nuux-nuuxsaday Mushkilada Somaliland, Magaalooyinka iyo kuwa Baadiyahaba ka haysata Biyo la’aanta ku habsatay sidaa awgeedna madaama uu yahay dalka Imaaraadka Carabtu, Dal door balaadhan kaga jira dhinaca ganacsiga iyo xidhidhka Caalamkaba Company-yo badan oo biyaha ka Shaqeeyaana uu leeyahay in ay suurto gal-tahay inuu wax nagala qabto dhinaca biyaha. Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al- Nahyaan ayaa isaguna waxa uu dhinaciisa balan qaaday inay isu-tagga Imaaraadka Carabtu inay Somaliland wax kala qabtaan Dhismaha iyo Dedaalka ay ugu jirto inay noqoto qaran ku guulaysta in Mushtamaceedu mahadiyo, waxa kale oo uu sheegay in Walaaltinimada iyo Wada dhalashada iyo Muslin-nimada ka dhaxaysa labada Wadan khasbayso in ay iyaguna kaalin weyn ka Ciyaaraan oo ay wax taraan Somaliland. waxa kale oo uu balan qaaday Sheekh Nahyaan in uu wax badan kala qaban doono Somaliland dhanka wax-barashada oo uu xil weyn iska Saari doono Balan-qaadkiisa kuwajahan Wax-barashada.”
-
Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maamulaha Xarrakada Al-shabaab Oo Ka Hadlay Dagaalladii Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya Iyo Ciidamada AMISOM April 17, 2011(Cadceed) – Amiirka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo cajalad maqal ah soo gaarsiiyay warbaahinta qaarkeed ayaa kaga hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay koonfurta Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM. Sheekh Abuu-Zubeyr oo ugu horreyn ka hadlay dagaalladii ka dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada hoose isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo looga horjeedo ku dhaqanka sharciga islaamka iyo ammaanka ka jira deegaannadaas. “Dagaalladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya waxay saldhig u yihiin laba qodob oo kala ah: in la carqaladeeyo ku dhaqanka shareecada Islaamka isla markaana qal-qal la geliyo wilaayaadka islaamiga ah ee jira iyo in dadka muslimiinta ah mar kale laga qixiyo deegaannada ay ku nool yihiin,” ayuu yiri hoggaamiyaha Xarrakatul Shabaab. “Beelaha muslimiinta ah ee ku nool gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Galguduud waxaan leeyahay idinka ayaa difaac iyo xayn-daab u ah walaayaadka islaamiga ah ee gobolladiina ka jira, yaana dhankiina looga soo dhicin Islaamka una tartamaha khayrka iyo jihaadka,” ayaa cajaladiisa maqalka ah ku yiri amiirka Xarrakada Al-shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr. Sidoo kale, wuxuu kalamadiisa ku sheegay inuu bogaadin u jeedinayo shacabka ku nool Muqdisho oo uu sheegay inay naf iyo maal u hureen jihaadka cadowga lagula jiro, sabarkoodana uu tusaale u yahay muslimiinta kale ee caalamka ku nool. “AMISOM waxay noqon doontaa isbahaysigii ugu dambeeyay ee Muqdisho kusoo duula wayna burburi doonaan,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr. Sidoo kale, amiirku wuxuu sheegay in dalalka calaamku ay shirqoolladooda kusoo urureen inay dalka u qaybiyaan maamul goboleedyo ay hormuud u yihiin dadkii ay soo carbiyeynayeen 20-kii sano ee ugu dambeeyay kuwaasoo uu sheegay inay jirka kaga eg-yihiin Soomaali, qalbiga iyo caqiidadana ay kala mid yihiin gaalada. “Waxaa cirbi-qaadasho mudan sida ay gaalada ula dhaqmayaan daba-******yadooda marka ay ka dhameystaa,” ayuu yiri Amiirka Xarrakatul Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu sheydaanku u lumiyo bani’aadamka markii Alle hortiis la tagana uu u sheego inuusan waxba kala socon arrintooda. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in mujaahidiinta uu u soo jeedinayo inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan cadowga ayna ogaadaan inay tahay halka ugu sarreysa diinta Islaamka, isagoo soo qaatay axaadiis laga wariyay rasuulka oo tilmaamaya in jihaadku yahay mid jannada lagu galo. -
Newest regional Somali state (Galgaduud state) declared
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha cusub eeh Mamuul goboleedka Galguduud state. -
Newest regional Somali state (Galgaduud state) declared
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics