Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,970
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Dahabshiil oo Ballan Qaaday Inay Taageeri Doonaan Horumarinta Dhallinyarada May 1st, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil ayaa ballanqaaday in kaalin muhiim ah ka qaadan doonto wax kasta oo lagu horumarinayo da’yarta Somaliland ee u baahan in laga qayb qaato mustaqbalkooda. Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo hadal kooban ka jeediyey maanta xaflad ballaadhan oo lagu furayey tartan kubadda cagta ah oo ay ka qaybgalayaan 80 kooxood ka dhisan magaalada Hargeysa looga furay garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Studuim, waxa uu kaga dhawaaqay in shirkadiisu diyaar u tahay inay kaalin buuxda ka qaadato barmaamujyada kala duwan ee lagu horumarinayo da’yarta dalka. Shirkadda Dahabshiil oo iyadu maalgelisay inta badan kharashka ku baxaya tartankan, isla markaana bixisay 300 kubbadood oo kuwa cagta ah, ayaa waxa kale oo shirkaddu ballanqaaday in dib-u-habaynta Hargeysa Staduim kafaala qaadayso iyada oo lala kaashanayo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ugu horreyn Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid waxa uu yidhi, “Waxaan halkan ka hambalyada Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee i siiyey fursadan qaaliga ah ee lagu furayo tartanka kubadda cagta ee dhallinyaradu kaga qaybqaadanayso wareeggan isreebreebka ah ee kubbadda cagta. Waxa kale oo aan hambalyeynayaa dhallinyarada tartankan ka qaybqaadanaysa ee isugu timi inay tartan caafimaad qaba ku loollamaan.” Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu tilmaamay in sida ay uga go’an tahay dhallinyarada ka qaybqaadashada tartankaasi uu muujinayo hankooda mustaqbalka, kaas oo uu ballanqaaday inay ka qaybqaadanayaan. “Isu imaatinkiinnan baaxadda lihi waxa uu muujinayaa sida aad diyaarka ugu tihiin ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarineed ee naftiinna, qoysaskiinna iyo ummaddiinnaba wax taraya, iyada oo ay muuqato inaad u baahan tihiin in barnaamijyo iyo mashaariic shaqo-abuuris ah la idiinku talogalo si aad uga midho dhalisaan himiladiinna, waxbarashadiinna iyo tacabka waalidkiinna si dedaalladaas wadartoodu u noqoto mid loo aayo. Shirkadda Dahabshiil waa wax ka go’aan oo aanay Ilaahay mooyaane cid kale abaal kaga doonayn inay kaalin kasta oo ay buuxin karto ku taageerto horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan barnaamijyada ku abbaaran da’yarteeda ee mustaqbalkooda dhisaya,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid. Gebogabadii waxa uu maamuluhu soo jeediyey in la sii wado tartannada noocan ah ee dhiirigelinaya dhallinyarada, “Ugu dambayn waxaan bogaadin kal iyo laab ah mar kale u soo jeedinayaa guddiyada kala duwan ee hawshan agaasimay, kooxaha dhallinyarada ah iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay ama dhiirrigelisay barnaamijkan, waxannuna leenahay dedaalkaa muuqda ha kala goynina ee halkaa ka sii wada, Allena ha idinku guuleeyo Aamiin.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil. Waxa kale oo uu xusay in Shirkadda Dahabshiil ka qaybqaadato horumarinta ciyaaraha ee da’yarta ee meelo ay ka mid yihiin dalalka Yurub, Sucuudiga, Jabuuti, kanadda iyo New zealand. Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan dawladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo ka qaybgalay xafladaasi ayaa iyaguna hadalo ka jeediyey. Badhasaabka Maroodi-jeex Mr. Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada gobolkiisu fursad u helaan tartan noocan ah, isagoo tilmaamay ay muhiim tahay dhallinyarada la dhiirigeliyo. Ugu dambayn Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Ibraahim Madar oo si rasmi u furay tartankaasi, ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu dib u soo noolayn doonto tartamadii ciyaaraha ee dalka, isla markaana ay tayeyn doonto.
  2. 'Liibaan';716025 wrote: Brother CHE, well said, the VIVE is for all Somali Regions that want to live under the Blessed Flag of SOMALIA, with the White Star and the Blue background. We hope clan-secessionists to rejoin the rest of Somali tribes and regions to restore United SOMALIA. So that means your are against Djibouti because they refused to live under that Blue flag and the NFD state of kenya
  3. AfricaOwn;716026 wrote: Somehow this will unite people? In the south they wave the blue flag so what's with the turmoil? Good point waving the blue flag and dancing in the west declaring nonsense clan states from abroad sure will not bring peace and stability to Somalia nor will it restore the Somali state . if the so called Blue flag could not unite Libaan and his clan cousins from garowe i don't know what will
  4. Somaliland is making a break trough when it comes to the Arab world For the First time especially the Khaliji Arab states relations between Somaliland and the Khaliji Arabs are opening up, a Somaliland office being opened in the UAE.There will be coorparation in health infrastructure and in the exploration of natural resources. The Khaliji Arabs feel they are losing political influence in the horn of africa as african states and Igad are deciding what happens to the transitional federal govt And the millions of dollars they spend on the TFG fell into the pockets of corrupt leaders Mostly spent in Nairobi. The Khaliji Arabs are concerned about piracy in the horn they are losing Millions of dollars to pirates and Somaliland is the only Main force combating these pirates in the horn africa piracy is a big issue for them they are losing Millions to pirates the UAE and Kuwait both have large shipping lines they can't afford to lose Millions of dollars. So supporting Somaliland is benefiting them in the long term The Kuwaitis have big interest in Somaliland they already fund the airport projects in Somaliland the Amiir will also fund the Military hospital in sheikh it's under construction now.The Somaliland presidents trip was to attrack Kuwaiti investors in Somaliland to boost the economy of the country. It's going well so far stay tuned.
  5. ^^ But they are not head of states we were talking about head of states mar ba meel u bood thankful:D
  6. Chinese president hu jintau with King abdulah Bin abdulaziz al saud i only see the saudi flag behind him Don't forget Amiir sabah is a Royalty while Siilaanyo is a president
  7. Yeah i can tell the difference Bush is holding the hand of the Amiir sabah and sarah palin is wearing a t Shirt Just like lara croft. While president Siilaanyo is not holding the hand of the crown prince of kuwait.
  8. Africa own you are right Pakistani President asif ali Zardari with Emperor of japan Akhitiro
  9. I think the meeting is between two head of states not between two flags i don't think the flags do much talking or sign contracts Thankful you went from the Somaliland president is equal to a Minister then he got a red carpet welcome in kuwait then he met the Amiir of kuwait man , you need to stay consistent
  10. war gaalka afka maxy kaga hayan tuwaal na maha xalwad na uma eeka
  11. Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxwayne Siilaanyo iyo Waftigiisa. Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba Daawo Sawiradda Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah ayaa saaka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hugaaminayo ee booqasho hawleedka ku jooga wadanka Kuwayt. Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku amaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo hanaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ayaa Boqorka dalka Kuwayt uga waramay xaaladda guud ee dhinac-yada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabad-gelyada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha hor yaala ee u baahan in ay dawladda Kuwayt ka caawiso somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraalo ah oo koobaysa baahiyaha ay Somaliland qabto kuwaas oo uu Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday in uu ka caawiyo. Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u sheegay in ay Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo badaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka, Sidaa awgeedna ay diyaar u tahay in ay fududayso oo ay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa gaar ahaana dawladda Kuwayt iyo tujaarteedaba. Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha leh ee ay dawladda Kuwayt ku qaabishay weftigiisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen. Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanadkii kulankaas Madaxweynaha ku dhiiri geliyey in ay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysatay. Waxaanu ballanqaaday in ay dawladda Kuwayt diyaar u tahay in ay Somaliland wax la qabato iyadoo ay imikaba jiraan mashaariic horumarineed oo ay Kuwayt Somaliland ka wado. Boqorku waxa uu Madaxweynaha waji furan ugu ballan qaaday in uu tixgelindoono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraalada uu u gudbiyey. Markaa ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen Hay’adda Kulmisa hay’adaha iyo ururada sama-falka ee wadanka Kuwayt. Waxaanu Madaxweynuhu uga xaal waramay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahanyahay hay’adahaas sama-falka ee muslinimo iyo benni-aadanimo. Hay’adahaa ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar u yihiin gacan ka geeysashada taageerada ay u baahanyihiin shacbiga Somaliland, dhawaana soo diri doonaan koox diraasad ka soo samayn doonta Dalka Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
  12. Shirkada Diyaaradaha ee Djabouti Air oo Duulimaadkeedii ugu horaysay ka bilowday Soomaliland: Berbera-Dubai-Dubai-Berbera Berbera(Waaheen)-Shirkada Diyaarada ee Jabuuti Air ayaa Duulimaadaydeedii ugu horeeyay maanta ka bilawday Somaliland, gaar ahaan Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, iyadoo Diyaarad nooceedu yahay Point 737 ay ka qaaday Rakaabkii ugu horeeyay iskagana gooshtay Berbera-Dubai-Dubai-Berbera Duulimaadyadan Shirkada Djabuuti Air ka bilawday Maanta Somaliland oo kala ahaa Berbera-Dubai-Dubai-Berbera waxa markii ay saaka Soo cago dhigatay Diyaaradu Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maamulaha Madaarka Berbera, Wakiilka Shirkada Djabouti Air ee Somaliland, Saraakiil iyo Hawl wadeeno ka socday Wasaarada Duulista Hawada iyo madaxda laanta Socdaalka ee Madaarkaasi Berbera, kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyay Shirkadan Cusub iyo Adeegyada ay ku soo kordhisay Duulimaadyada Diyaaradaha ee Wadanka. Badhasaabka Gobolka Saaxiil Maxamuud Cali Saleban ( Ramaax) oo ugu horayn ka hadlay Munaasibadii lagu soo furayay Diyaaradaasi Jabouti Air ee markii ugu horaysay ka soo degtay Madaarka Berbera ayaa sheegay in Diyaaradan baahi weyn loo qabay, isla markaana Bulshada ku dhaqan Gobolka iyo kuwa ka soo jeeda ee ku nool dibadaha ee dalka ku soo laabanaya ay wax weyn ka bedelayso Safarkii dheeraa ee ay meelaha kala duwan ku soo mari jireen, waxaanu intaasi ku daray inay isaga iyo in badan oo ka mid ah Bulshada ay shirkadani u fududaysay Duulimaadkii ay kaga soo wareegayeen Hargeysa ee ay ku imayayeen Berbera ” shirakada Jabouti Air waxaanu leenahay ku soo dhawaada Gobolka Saaxil,gaar ahaan Magaalada Berbera, dadka ka faa’idaysanaya Duulimaadyadeena aniga ayaa ugu horeeya oo Reerkaygii, markii hore ka soo wareegayay Jabouti ilaa Hargeysa maanta waxa ay toos uga Imanayaan Jabouti ilaa Berbera, waana arin lagu farxo, mid kale shirkadani Nooligii wax badan ayay ka dhimeen, taasi waxa weeye wax aad u fiican oo lagu farxo”. Maamulaha Shirkada Jabouti Air qaybteeda cusub ee Somaliland Mr: C/Qafaar Maxamud Ciise oo isaguna goobtii lagu soo dhawaynayay Diyaarada ka hadlay ayaa sheegay inay Macaamiishooda u fidin doonaan Adeegyo aad u hufan oo lagu ******an karo Shirkada Jabouti Air, maadama oo ay ku soo beegmeen Xili uu bilaamay wakhtigii Xagaaga ee dadka Reer Somaliland Dalkooda iman jireen,isla markaana qiimo Macquul ah oo ka duwan kii markii hore dadka laga qaadi jiray, ay iyagu ku soo qaadi doonaan dadka, waxa kale oo uu Maamuluhu tilmaamay inay Macaamiishooda u samaynayaan adeegyo casri ah oo ka tayo badan kuwii hore wadanka uga jiray ee Dhinaca Duulimaadyada. Mr: C/qafaar Maxamud Ciise waxa kale oo uu sheegay in Shirkada Jabouti Air ay tahay Shirkada labaad ee laga bilaamo hada Duulimaadyo Caalami ah oo toosa dunida daafaheeda isaga gooshi doonta,iyada oo ku shaqaynaysa magaca wadanka Jabouti, isla markaana dadka ay ka soo qaadi karaan meel walba oo caalamka ka mid ah, maadaana oo ay ku shaqaynayaan Magaca Dawlada Jabouti ee Caalamka laga aqoonsanyahay. Maamulaha Madaarka Berbera Airporta Axmed Maxamed Cawaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Shirkadan Cusub ee Duulimaadkeedii ugu horeeyay ka bilawday Berbera,waxaanu sheegay inay si fiican ula shaqayn doonaan Madaxda ka wakiilka ah Diyaarada, isla markaana ka maamul ahaan ay ku faraxsanyihiin Diyaaradan cusub ee dalka timi, maadaama oo ay wax badan ku soo kordhinayso shaqadii madaarada dalku qaban jireen iyo Dhaqaalihii ka soo bixi jirayba, taasi oo ay arkaan inay tahay muhiimada koowaad ee Diyaaradani wadanka ku soo biirinayso. Diyaarada Jabouti Air ayaa saaka Rakaabkii ugu horeeyay u qaaday Dubai,waxaanay galabta Madaarka berbera ka soo dejisay Xamuul Cargo ah oo ay ka soo qaaday Magaalada Dubai, iyada oo halkaasina uga sii gudubtay Wadanka Jabouti oo ay saaka ka soo Duushay. Waxaanay Duulimaadkasta oo ay samayso ku soo noqon doontaa berbera isla maalintaasba Waaheen Desk Hargeysa Berbera Airport
  13. Liibaan then if ssc and puntland are brothers then how come they can't share a mamuul i mean if you say they share the same vision and country and even they share the same clan lineage that would've been a great advantage to unite and form one strong state wouldn't it Liibaan?
  14. Silanyo Meets with Somaliland Expatriates in Kuwait KUWAIT CITY — President Ahmed M. Silanyo and his high-level delegation met with Somaliland expatriates residing in Kuwait during a reception thrown by the community there on Friday night. The President thanked the 150 or so participants for their warm host and stressed the high importance of having strategic relations between the government and Somaliland expats around the world. Mr Silanyo also accepted an award and thanked them for it. “I welcome wholeheartedly your gesture for giving me this order (achievements) that I received on behave of my administration, country and people,” he said. The president then briefly laid out the agenda of their trip and drew attention to the fact that Arab nations who were in the past hostile were now keen on entering a new phase of mutually beneficial cooperation and bilateral ties with Somaliland. He emphasized the importance of Kuwait and the United Arab Emirates, the two countries he has been touring for the past two weeks. He said this is only the first phase and expressed the desire to establish cordiality and friendship with the Arab world. Dr Mohamed Abdullahi Omar, the Foreign Minister, who also addressed the jubilant people spoke of his foreign policies and Somaliland’s new relations with the outside world. He pointed out that it was important for Somaliland to enter into strategic partnerships with the international community including the Arab world. Somaliland expats in Kuwait host a welcome dinner for the delegation Mr Abdullahi Mohamed Dahir, Presidential Spokesman, outlined the administrations performance since taking the leadership in July 2010. He said they were in office for 274 days while accusing the previous government of leaving them with a lot of mess to clean up. He insisted he was pleased with the Government’s progress in key areas. After brief questioning, the leaders of Kuwait’s Somaliland community took their opportunity to thank the President and his delegation. They thanked them for the manner which they carried themselves, the Somaliland name and the people of Somaliland during their visit to the Gulf nations. All in all, both sides regarded the meeting productive and important interaction. Kuwait is home to roughly 4,000 Somaliland expatriates who lived in the Kingdom for over three decades. Somaliland is a former British protectorate that gained independence June 1960. It was formally recognized for few days as the State of Somaliland before unifying with the Trust Territory of Somalia (the former Italian Somaliland) forming what became known as the Somali Republic. However the union went sour and the Somali republic collapsed in 1991 after two decades of internationally-hidden civil war. Shortly after, Somaliland declared the restoration of its sovereignty, it has not regained international recognition.
  15. ^^ if they are going to restore a united Somalia together why don't they stay united now Ileen gacmo wada jir bay wax ku gooyaan eh
  16. Ciidamada Birmadka SPU ee ka hortaga Rabshadaha iyo Argagixisada ayaa maanta Hargeysa ku qabtay laba nin oo ay uga shakisan yihiin Argagixisnimo Hargeysa(Waaheen) Ciidamada Birmadka ee loo yaqaano SPU ee ka hortaga Rabshadaha ayaa caawa xaafada Isha-borame ee Hargeysa ku qabtay laba nin oo ay uga shakisan yihiin inay yihiin Argagixiso kuwaasoo ka yimi Somaliya oo maalmahanba ay raadinayeenlabada nin oo ka soo kala jeeda Beelaha Somalida Ethiopia iyo Niman reer konfuureed ah dad goob-joog ahaa markii la qaadayay Waaheen u sheegeen inuu midkood qabay dhaawac uu kala yimi Somaliya kaasoo loo malaynayo inuu ka mid yahay Ururka Alshabaab halka ka kalena la sheegay inuu kolba muuq rogasho samayn jiray oo baryahanba ay xaafadu ka shakisnayd. labada nin markii la qabanayay ayaa la sheegay inay ku soo buuqeen Ciidanka dadka xaafadda degani taasoo sababtay in ay Ciidamadu raaciyeen laba Haween ah oo ay mid tahay gabadhii lahayd Guriga ay deganaayeen labadaas nin iyo gabadh u shaqaynaysay iyo laba dhalinyar ah oo kale oo la sheegay inay nimanku u dhaceen gurigooda markii ay Booliisku qabanayeen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn arrintaasi waxaanu yidhi “waxba ilaa hada imay soo gaadhin shan mirir baan magaaladaba joogay, saaka Mandheeraan joogay, hadana Gabilay baan u baxay markaa wixii jira waynu ogaan doonaa” ayuu ku soo koobay hadalkiisa. hase yeeshee warar kale oo aanu helnay kadib markii nimankaasi la qabqabtay ayaa sheegay nimanku inay haayeen niman tababaran Booliisku markii ay isku dayeen inay qabtaana ay baxsadeen isla markaana ay booliisku rasaas ooda kaga qaadeen taasina ay sababtay in lagu guulaysto qabashadooda warku waxa uu intaa ku darayaa nimanku inay hubaysnaayeen isla markaana ay wadeen qorshe ay qaraxyo dalka kaga fulinayeen munaasibada 18 ka May, waxaana la filayaa inay yihiin nimankii baabuurka UN ka ka goostay Taarikada si ay ugu adeegsadaan isqarxinta ay maleegayeen ilaa hada ma cada inay kooxdan la qabtay inay intaas uun ahaayeen iyo inay jiraan nimanka kale oo dhuumaalaysanaya