-
Content Count
29,977 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland President on the Killing of Osama Bin Laden
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Dilka Hoggaamiyihii Al-Qacida May 3rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku ay ku khaarajiyeen ku guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay. “Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida. “Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu waraysigaasi kaga waramay socdaalkiisii qaatay 17-ka maalmood ee uu ku soo maray dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwayt, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi uu guul u ahaa Somaliland, waxaanu tilmaamay in Kuwayt ay balan qaaday inay Somaliland ka taageerto mashaariic ay ku baxayso 15 milyan oo doillar, kaasi oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha,caafimaadka iyo waxbarashada. Waxa kale oo uu sheegay in dalka Imaaraadka carabtu ay balan qaadeen inay dhisayaan dayactirka jidka u dhaxeeya Berbera iyo Burco.waxaanu labada dawladoodba uga mahad celiyay sidii heerka sare ahayd ee ay weftigiisa u soo dhaweeyeen. -
May 3rd, 2011 , sannad guuradii 9-aad ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda SL, marxuum M.I.Cigaal Written by Mohamed Ali Muse May 03, 2011 at 05:59 AM May 3rd, 2011 , sannad guuradii 9-aad ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, ha loo aqoonsado maalin Qaran Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, xaqana u hiiliya, baadilka iyo dulmigana ka fogaada. Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisana sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda Geeska Afrika iyo caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland,gacantiisana ku soo sexeexay xornimadeenii, June 26,1960 kii. Inkastoo laab la kac aan macnno ku dhisneyn, hanfade nimo ,fudayd , talo la'aan,ca adifad iyo waxaan meeqaan dhaamin, ay sabab u noqotay in aan maalmo yar ka dib gacateenna ku sad qaynno Qaranimadeenii. Marxuum Cigaal (AHUN), 1993 kii,ayuu mar labaad madaxweyen ka noqday Somaliland,waqtigaasi Dalka iyo dadkuba waxay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed,amni darro ,is aaminid la'aan ,geyigana dhammantii ka muuqato burburkii,xasuuqii iyo nabaradii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodii inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta cidnna hoos dhigan,ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo. Anigu waxaan qabaa , in marxuum Cigaal, Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso,lagu qadariyo , lagu sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa uu inooga tagay , ee maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay.Maanta,May 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad,ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoon sado maalin Qaran,oo shaqada laga nasto,loo duceeyo, laguna xasuusto. Inkastoo aan qalin iyo buug, aan lagu soo koobi karayn waxtarkiisii iyo wax qabad kiisii,bal aan dhowr shay ka tilmaammo: • Sameyntii Dastuurka Somaliland • Sameyntii Calanka • Sameyntii ciidanka Qaranka • Hub ka dhigistii Beelaha • Nabadayntii Beelaha • Dib u dhiskii Dalka • Sameyntii lacagta Somaliland • Sameyntii Baasboorka Somaliland • Sameyntii hannaanka Dawladnimo • iyo kuwo kale oo badan May 3,2002, oo ah maalintii marxuum Cigaal,ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu ahaa dareenka Somalilandersku meel ay maalintaa joogeenbba, bal waxaan isku dayi inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiq ah,oo uu maalintaa tiriyey Gabayaaga weyn , Cabdiraxman Cumar Cashuur, Ilaahay magaciise ha daayee. Waxaanu yidhi: Rashiidaw nin dookh leh baa,araartu deeqdaaye Da'dii ugu fil roonow,adigaan daadin dhaqan kiiye Adigaan dariiqii ka lumin , daahirka ahaaye Anbba kuuma leexdeen,haddaad dhuuni raac tahaye, Waxaan kuu doortay ,daacaddaad tahaye Dabuub tayda maqal,waayahaan kuu dul mara yaaye Dadku nimuu jecleystaba, wad baan laga difaacaynne Danbaa burada dhiiladu,markay degelka soo gaadhay Sidii Danab onkoday,baa mar qudha laysku soo didaye Doorbba kaad ku raysaa , waqtigu kaa dallacayaaye Duul duulka wararka,dhaguhu maqalka diideenne Iska daa rag maan doorsoomay,iyo dumar baroortiiye Darbiyadii dhisnaa baan ka baqay,inay dillaacaane Difnna Caalin waa awgayoo,laydhka oo damaye Dayax lagu maraa buu ahaa, dawga buuraha'e Waa deeq , aqoontiyo cilmiga u yaroo, Waana dabaqad aadmiga,sidaa daaimku u dhigay Darajada shaqsiga,maal mahaa daabaca'e Daddan beel nabadduu ahaa, daawo loo liqo Inkastoo nin Diricii ka madhan,degelka guudkiisa Toban hal uu haldoor u ahaa, baan abdi i deyneyn Dal bur buray ,dabkii iyo saanad guntiga lagu haysto Isagoon dagaal kala hor tagin,duunyana u qaybin, Deg degguu u soo hoyn jiray, baan abdi u deyneyn Dugub qiiqay,duul muran dhex maray ,Dirir la heenseeyey Darmadiisa kiiyoon ka kicin,dunida u qayshan Dilka siduu u kala baajin jiray, baan abid i deyneyn Doc wareenka ceebta iyo af xumada daadifada uunka Kama dixin dixoon jirin , markay kula dulaamaane Dulqaadku bulshada kula socday,ayaan abid i deyneyn Nin u darran,dadaalnna ugu jira,dabin qoolkiisa Isagoon dareensiin,inuu daaqsin ka horreeyo, Siduu darrabta ugu loogi jiray,baan abid i deyneyn Nimuu daajiyaba,maalintuu dib ugu soo jeesto Sidii dawli Aar weyn,markuu daaladaha muujo Daymadii Libaaxuu lahaa ,baan abid i deyneyn Duco qabe,dagaal hoose,duullaan badheedhe Dawladiyo kooxo,colbba halkuu ka soo degey Markuu diiradda u saaro,difaacuu kuwad quusin Jiray,ayaa abid i deyneyn Dacwad murugtay,dood iyo odhaah,rag isku dooyeystay Ninbba docuu ka qaadaba,markay diilinti adkaato Xigmaddiisii lagu doogsan jiray,baan abid i deyneyn Qudbad loo diyaar yahay,markuu hadalka deeqsiiyo Diiwaanka waayaha,markuu daaha uga faydo Daliilkuu u soo qaadan jiray,baan abid i deyneyn Hadal dabacsan,tix gelin ,deeqsinimo taam ah Qof dul tagay ,madhnaan kagama noqon duunka abidkiiye Sidii Diinta ugu hiilin jiray,baan abid i deyneyn Cid kastaba dacaami in la odhan, mawdka dacartiisa Naftuun baa didaye,xaq ku yimid igama daahneyne, Dan baabnna uma jeedee,haddii deelku ila baydho Adigaa dul qaad lehee,Rabbiyaw daymo naxariisa Isagana Ducaa naal gudbboon ,inaan u deeqnaa Dabnni iyo quluub wada jira,ayaan ugu diraynaa Inuu Daaimki innaga aqbalo,dagalka soo jeestoo Inta shay dareen lehee socdaa, iyo daafid iyo jayga Waxa daar iyo geed qotoma ama dulqaad jiifa Qudhaanjada digaaftiyo,intii garab lahee duusha Naxariis Dareemada ka badan,doogga & ciidda Inta uu Quraan Sheekh darsaa,dunida sii joogo Ama subax mid daakiray,Salaad duubyada maydho Cisi ugu diyaafadee,adaa deeq u saaxibada'e Annagana intii lagu daray,ee Nabiga daawysta Ee aan dariiqada ka lumin,Daaimaw naga dhig Balaayada Rabbaw naga dabbaal,lala digleynaayo Afartaba maan deel qaafine,daw ma qabad siiyey * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbbana ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , inaanu magaciisu dhiman doonin , nool yahaynna inta adduunka korkiisa la sii joogo , lana xasuusan doono,loona duceyn doono. Waxaan soo jeedinayaa,in Bisha May 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad ,ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,loo aqoonsado maalin QARAN , oo shaqada laga nasto, loo duceeyo, lana xasuusto. Waxaan ku soo af meerayaa qalinkayga, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumka danbi dhaaf u fidiso ,qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, Aamiin , Aamiin, Aamiin.
-
Sannad-guuradii 9aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Marxuum Cigaal iyo Xusas la Filayo in loo Sameeyo Tue 03rd May,2011 Hargeysa (Jam)- Sannad guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 3-dii May sanadkii 2002-dii ku geeriyooday cusbitaal milatari oo ku yaala magaalada Prirtoriya ee wadanka Koonfurta Afrika, ayaa ku beegan salaasadda maanta iyada oo la filayo in loo qabto xusas loogu ducaynayo marxuumka, isla markaana lagu soo bandhigi doono taariikhdiisa iyo yagleelida qaranimada Somaliland oo uu isagu aabo u ahaa. Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 6 May 2002 aas qaran loogu sameeyey magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa halyey geesi ah oo ka baxay Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Afrika, iyada oo tododbaadadii u dambeeyey la dareemayey qabanqaabo loogu jiro sidii xus ballaadhan loogu samayn lahaa marxuumka, xuskaasi oo la sheegay inay qabanqaabadiisa wadaan marwadii uu ka geeriyooday ee Marwo Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno kale oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo mujaahidiin dalka iyo dadkaba magac ku leh. Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa lagu tilmaamaa Aabihii seeska dawladnimada u dhigay Qaranka Somaliland muddadii Jagada Madaxweynaha loogu soo doortay shirkii magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal lagu qabtay sannadkii 1993. Waxayna dad badani aaminsan yihiin in marxuum Cigaal ahaa xuduntii isku xidhay qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku dhaqan guud ahaanba Somaliland, marka la eego hub-ka-dhigistii uu ku sameeyey maleeshiyooyinkii dalka ka jira, aasaaskii ciidammada qaranka, asluubta iyo booliska, samaynta lacagta Shillinka Somaliland, baasaaboorka Somaliland, samaynta dastuurka iyo aftidii lagu ansixiyey, sees u dhigidii hannaanka siyaasada xisbiyada badan ee Somaliland ka hannoqaaday, xisbiyada siyaasada iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay. Allaah ha u naxariistii marxuum Cigaal waxa uu ahaa halyey si gaar ah ugu suntannaan doona taariikhda Somaliland, iyada oo shalayna marwadii uu ka baxay Kaltuun Xaaji Daahir tagtay qabriga uu ku aasan yahay ee magaalada Berbera, iyada oo u soo ducaysay, isla markaana Illaahay uga bariday inuu marxuumka jannooyinkiisa Farduusa ka waraabiyo.
-
she looks devastated and the so called General is not even looking is he scared
-
But then again we will only know if he is really dead ,, if he stops sending audio tapes to Aljazeera
-
So obama killed osama ,, lol i am not sure the pictures of the dead body seem fake
-
bilan;716411 wrote: XX, meesha ma Riyaale baad u malaysay inuu fadhiyo, in PL waligeed nin laba term iskuma darsan. First thing for everything ku darso Faroole wa nin ka so jeeda caasimada Buntiland the other two leaders were from bosaaso iyo north galkacyo
-
Che aa kula tahay camo
-
Boqorka Wadanka Kuwait oo *****lka ka Qaaday in Somaliland Qani ku Tahay Khayraad Dhulka Dushiisa iyo Hoostiisa ka Buuxa Mon 02nd May,2011 Madaxweyne Siilaanyo oo Qoraallo Xambaarsan Baahiyaha Somaliland u Gudbiyey Boqorka Kuwait Kuwait (Jam)- Boqorka Wadanka Kuwait Sabah Al-ahmed Al-jaabir Al-sabah, ayaa *****lka ka qaaday in Jamhuuriyadda Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa iyo dushiisaba ka buuxa, isla markaana dawladdiisu ka hawlgeli doonto sidii ay ugu fuddudayn lahayd cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa Somaliland. Boqorka wadanka Kuwait oo shalay si heer qaran ah qasrigiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxa uu balan qaaday in dawladiisu diyaar u tahay sidii ay wax ula qaban lahayd Somaliland, isaga oo madaxweyne Siilaanyo ku dhiirigeliyey inay ku fara adaygaan nabadgelyada iyo xasiliinida buuxda ee Somaliland ka jirta. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland waxa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey boqorka wadanka Kuwait qoraalo ay ku muujiyeen baahiyada kala duwan ee Somaliland ka jira, iyaga oo ka codsaday in wax lagala qabto baahiyaha Somaliland tirsanayso. Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan: “Boqorka dalka Kuwait Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah, ayaa saaka [shalay] xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ee booqasho-hawleedka ku jooga waddanka Kuwait. Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinacyada nabadgelyada iyo hannaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna dhinaciisa Boqorka dalka Kuwait uga warramay xaaladda guud ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladduba ka sameeyeen dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha horyaal ee u baahan in dawladda Kuwait ka caawiso Somaliland. Waxa kaloo Madaxweynuhu uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraallo ah oo koobaysa baahiyaha Somaliland qabto, kuwaas oo Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday inuu ka caawiyo. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay Boqorka in Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo baddaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka, sidaa awgeedna diyaar u tahay inay fududayso oo soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa, gaar ahaanna dawladda Kuwait iyo tujaarteedaba. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhowaynta qiimaha leh ee dawladda Kuwait ku qaabishay weftigiisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen. Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanadkii kulankaas Madaxweynaha ku dhiirrigeliyey inay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysatay, waxaannu ballanqaaday in dawladda Kuwait diyaar u tahay inay Somaliland wax la qabato, iyadoo iminkaba ay jiraan mashaariic horumarineed oo Kuwait ka wado Somaliland. Boqorku waxa uu Madaxweynaha weji furan ugu ballanqaaday inuu tixgelin doono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraallada uu u gudbiyey. Intaa kadib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen hay’adda kulmisa hay’adaha iyo ururrada samafalka ee waddanka Kuwait, waxaannu Madaxweynuhu uga xaal-warramay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahan yahay hay’adaha samafalka ee muslimnimo iyo bani’aadanimo. Hay’adahaas ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada taageerada ay u baahan yihiin shacbiga Somaliland, dhawaanna soo diri doonaan koox daraasad ka soo samayn doonta dalka Somaliland,” ayaa lagu soo afjaray warsaxaafadeedka laga soo saaray safarka Madaxweyne Siilaanyo ku joogo Kuwait,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.
-
Bilan i dont think faroole inu meel u socdo wa idin si fadhiyaya Garowe and i don't think he will go to xammar so he and his Boys will stay in Garowe and do things they are best at:D
-
bilan;716374 wrote: laakiin xididkiisa jecel, does that count. Good one Bilan ;) laakin slaantisa maha inu tolkis u duleyo lol
-
Che -Guevara;716365 wrote: ^Somaliland Faroole maxey dhaantaa? wa adigu malaaig iyo bina adan is barbar dhigay
-
Hayland oo Wafti Siilaanyo Diray ay Gaadhay Daawo Sawiro Posted by Boosaaso on May 2, 2011 in Warar | Sahal Dhac Dhacood La Taliyaha Siilaanyo Dhahar (SPR): Wafdi balaaran uu hogaaminaayo lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha gobolka Sanaag, Mudane Sahal Maxamed Jaamaac oo ay ku weheliyeen siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa maanta soogaaray magaalada Dhahar, halkaasi ay kula kulmeen qaar kamid ah odaayasha dhaqanka degaankaasi. Lataliyaha madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in socdaalkiisu uu la xiriiro arimo badan oo khuseeyo shacabka gobolkaasi oo ay kamid yihiin waxkaqashada xaaladaha amniga, wadatashi beelaha gobolka iyo waliba dhambaal tacsi uu uga sido madaxweyne Siilaanyo eheladii ragii lagu laayay degaanka u dhaxeeyo Qardho iyo Dhahar. “Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa ugana sidaa dowlada SL dhambaal qoysaskii ay ka dhinteen sadexdii qof ee rayidka ah ee lagu dilay degaanka u dhaxeeya Dhahar iyo Qardho, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo,” ayaa kamid ahaa hadaladiisi uu ka sheegay shirkii kadhacay magaalada Dhahar. Socdaalka lataliyaha Siilaanyo ayaa kusoo beegmayo xilli maalmo laga joogo fal dambiyeed dil ahi ay ku geeriyoodeen sadex ruux oo shacab ah, falkaasi uu lataliyaha Siilaanyo ku tilmaamay mid xambaarsan damac siyaasadeed. Sahal Maxamed Jaamac ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa isla markaana ku eedeeyey in dilkii ka dhacay deegaanka Qardho ay ka dambeeyeen maamulka PL isla markaana lagu laayey gaadiid ay leeyihiin ciidanka PL. Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa eedayntaasi kutilmaamay mid wax kama-jiraan ah, mar uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Bosaaso uu dhawaan soo gaaray. Qaar ka tirsan odayaasha Degamada Dhahar oo uu la kulmey oo soo ajiibay shirkaasi lagu casumay ayaa dhankooda xusay in ay soo dhawaynayaan masuulka ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland, ayna ka gudoomeen tacsida uu ka siday madaxwaynaha Somaliland, waxana ay xuseen in ay ka dhursugayan madaxwaynaha in ay ka helan samigii ay ku lahaayen xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu hogaamiyo madax wayne Axmad Maxamad (Siilanyo).
-
Shir Beelaha Bariga Sanaag Uga Socda Degmada Dhahar iyo Go’aammo Hor-dhac ah Oo Laga Soo Saaray May 2nd, 2011 Dhahar(Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriydada Somaliland u qaabbilsan arrimaha Bariga Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, ayaa Waraysi uu xalay khadka taleefanka kula yeeshay Wargeyska Dawan, waxa uu kagaga warramay ujeeddada Shir beelaha Bariga Sanaag uga socda degmada Dhahar, waxaanu sheegay in lagaga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Beelahaas, isla markaana waxa uu sheegay in dadka deggan halkaasi ay 90%-kiiba diyaar u yihiin sidii ay Somaliland wax ula qabsan lahaayeen. La-taliyahaha Madaxweynaha ee Bariga Sanaag, waxa uu sheegay in muddo laba maalmooda magaalada Dhahar uga socday Odayaasha Dhaqanka, Garaaddada, Wax-garadka iyo masuuliyiinta heer Maamul ee dawladda Somaliland, lagu lafa-guray sida ay deegaannadaasi ugu baahan yihiin taageero siyaasadeed, nabadgalyo iyo Xuduud-sugidda ee Somaliland. “Shirka waxa lagaga hadlay baahida loo qabo in maamul dawladeed oo dhammaystiran Somaliland ka hirgeliso deegaannada Bariga Gobolka Sanaag, maaddaama oo ay daraf ku yaallaan, duullaan siyaasadeedna maamulka la baxay Puntland ku hayo deegaanka. Waxa kale oo lagaga hadlayey shirka oo laba maalintii saddexaad galay dil ay Ciidammo Puntland ka tirsani u geysteen dad rayid ah oo deegaanka u dhashay.” Sidaa waxa yidhi La-taliyaha arrimaha Bariga Sanaag u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland, Mr. Sahal Maxamed Jaamac. La-taliyuhu waxa uu sheegay in Shirkaas oo socon doona inta toddobaadkan ka hadhsan weli aan go’aammo dhammaystiran laga soo saarin, hase ahaatee, haddana ay jiraan go’aammo hordhac ah oo ka soo baxay shirkaas. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana Sahal waxa uu yidhi; “Shirku weli wuu socdaa oo waa loo dhan yahay Guurtidii iyo maamulkii dawladda ee deegaannada Bariga Sanaag oo dhan ayaa isugu yimi, inta toddobaadka ka hadhsanna waxa la filayaa inuu sii socdo oo gebagabada go’aammo dhammaystiran laga soo saaro, hase ahaatee, hadda waxyaabaha ka soo baxay waxa ka mida illaa saddex go’aan oo ay ka mid yihiin, inay Somaliland caddeyso mawqifkeeda ku aaddan Bariga Gobolka Sanaag, inay Somaliland Bariga Sanaag ka hirgeliso maammulo dhammaystiran oo haysta taageero siyaasadeed, in la sugo Xuduudka Bariga Sanaag ee Somaliland ee ay Puntland ku soo duushay, isla markaana guranayso ama boobayso Macdanta deegaannada Bariga Somaliland, iyo inay dadka Deegaannada Bariga Sanaag diyaar u yihiin inay Somaliland wax la qabsadaan 90%-kiiba.” Su’aal la-taliye Sahal Maxamed Jaamac laga weydiiyey inuu isagu shirka goob-joog ka ahaa iyo taytal beeleed iyo mid dawladeed ka uu ku matalayey, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Waa su’aal fiican, walaal anigu Shirka waan ka qaybgalay, waxaanan kaga qaybgalay magaca dawladda Somaliland, maaddaama oo aan Madaxweynaha kala taliyo arrimaha Bariga Sanaag. Sidaa, daraaddeed, waan dhagaystay go’aanka hordhaca ah ee Guurtida Bariga Sanaag ka soo saareen shirkooda, ka dibna, waxaan u sheegay inay dawladda Somaliland ka go’an tahay sidii ay maamul dhammaystiran uga samayn lahayd deegaannada Sanaag-Bari, sugidda xuduudka iyo adkaynta nabadgalyada dalka oo dhan oo dabcan Bariga Sanaagna ka mid yahay. Waxa kale, oo aan u sheegay inay Somaliland weli ka dhur-sugayso inay Beelaha Bariga Sanaag si buuxda uga soo qaybgalaan Gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyey Beelaha Sool, Buuhoodle iyo Bariga Sanaag, taasoo ay si buuxda iigu ballan-qaadeen inay soo dhawaynayaan, isla markaana diyaar u yihiin inay xilli kasta oo suurtagal ah oo loo muddeeyo ka soo qaybgalayaan Gogoshaa nabadeed.” “Waxa kale oo aan gaadhsiiyey Tacsi aan uga siday Madaxweynaha Somaliland ehelada dadkii Puntland gardarrada cad ku laysay 21-kii bishii April 2011. Guurtida Shirku si weyn ayey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisaba ugaga mahadceliyeen tacsidaas iyo gurmadkii Abaaraha ee ay Xukuumaddu gaadhsiisay deegaannadaas.” Ayuu hadalkiisa raaciyey La-taliyuhu. Lataliyaha Madaxweynuhu Sahal Maxamed, waxa uu sheegay inay Roobabka Gu’gu si fiican uga curteen inta badan deegaannadaas, isla markaana ay waxyeello soo gaadhsiiyeen xoolo-dhaqatada. “Roobku si fiican ayuu uga curtay inta badan deegaannadan, inkasta oo aanu biyo-dhig mooyee Roob weyni weli ka di’in Dhahar, haddana si fiican ayuu nawaaxigeeda u helay. Waxa uu Roobku khasaare gaadhsiiyey illaa 15 Qoys oo uu Xoolihii ka laayey oo aan Adhigii waxba uga hadhin, kuwaasoo deggan deegaannada ku hareeraysan deegaannada Dhahar iyo Badhan..” Gebagabadii, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland kala taliya arrimaha Bariga Sanaag, waxa uu sheegay inuu rejo fiican ka qabo go’aammada ka soo bixi doona dhammaadka Shirkaas, isla markaana uu filayo inay si weyn isula jaan-qaadaan dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
-
oba hiloowlow;716364 wrote: ^^ in conclusion Somalidiid waaye lool tool toolka naga dhaaf niyow Ha wa Somali diid wa nin ka so horjeeda wax alaale wax ay Somali u tagantahay wa ninki Somalida bay iyo bakool ka so qaxay dagaalada yidhi waxay ka danbeyaan dilalka qorsheysan eeh ka dhaca Bosaaso wa wax lala yaabo.
-
Kuwaiti Emir Meets Somaliland President KUWAIT CITY — This weekend the Emir of Kuwait Sheikh Sabah IV Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah received a high level delegation from Somaliland led by President Ahmed M. Silanyo at his palace for talks. The Emir applauded the President and the people of Somaliland for their efforts in stabilizing their country and for the formation of functioning government. He urged the Somaliland people to maintain peace and tranquillity that the state had been enjoying for the last two decades. He said Kuwait is willing to assist Somaliland directly in key areas of development. He pointed out that Kuwait is already providing funds for a number of initiatives including hospitals and airports. The President thanked the Kuwaiti Ruler for the warm welcome and briefed him of the situation in Somaliland. He discussed the areas of security, development, economy and political atmosphere. The President talked in detail about the opportunities to invest in mineral exploration, marine resources, agricultural products and livestock supplies for the Gulf nation. He said Somaliland is open for business and is willing and keen to deal with Kuwait, its corporate and other relevant sectors. The President also past on a report detailing Somaliland’s needs and an urgent request for practical assistance as well as aid and investment which the Kuwaiti Ruler promised to study. Later in the day, the Emir organized a meeting between Somaliland delegation and Kuwaiti donor groups and aid agencies. They told the President they will send officials to Somaliland to gather information and decide how they can help. This is the first time a Somaliland leader has directly met with the Emir of Kuwait. Mr Silanyo expressed his profound thanks and appreciation for the Sheikh, government and people of Kuwait for their support and understanding. The Gulf nation has one tenth of entire world’s oil reserves and a per capita income of US$55,300. The President and his delegation which includes the Foreign Minister have been touring the Gulf states of United Arab Emirates and Kuwait for the past two weeks. The trip was aimed at promoting relations between the Arab nations and the African state. Somaliland was also seeking direct investment and development assistance in number of fields. Both UAE and Kuwait insisted they will help Somaliland combat maritime piracy off the coast of neighbouring Somalia. Somaliland is a former British protectorate that gained independence June 1960. It later unified with the Trust Territory of Somalia (the former Italian Somaliland) forming what became known as the Somali Republic. However the union collapsed in 1991 following two decades of internationally-hidden civil war that left more than 50,000 Somalilanders killed. In May 1991, Somaliland declared the restoration of its sovereignty however it has not managed to regained international recognition.
-
Faroole wa nin tolkis neceb wa ninki la heshiiye galmudug si ugu xumeyo tolkis degen Woqoyiga Galkacyo ,, wa ninki yidhi dadki masajidka lugu laayeye iyo beelaha is dilay waxa ka danbeya ssc oo ah tolkis dega Bariga gobolka sool. Wa ninki Maraykanka jabuuti jooga ku yidhi cirka ka duqeyaa galgala oo ah tolkis Bariga sanaag galbeedka bari. Wa ninki yidhi dawlada sh sharif ba ka danbeysa dagaalka galkacyo oo u jeedo inadeerki Farmaajo sabab galkacyo ba tageertay farmaajo marki ay is haysteen beesha calaamka. Wana Ninka tolkis ka ganacsada eeh yidhi Somalida Ethiopia degen Maha Somali eeh wa Dad Ethiopian oo afsomaliga bartay yaa yidha Nimankaas ka afsomali badan.
-
muxu laha cali dhuux war dheer baan islaha deg sidi wadaadki eh xaaji xunjuf iyo waalihi baan islaha wabiga jidhsii dhe
-
Is that guy faroole looolz
-
Well he is part of the transitional federal government of Somalia he knows if he sets foot in the garowe clan enclave controlled territories he most likely would be arrested. But i don't think they will hold him that long he will be deported back to Xammar.
-
:D:D
-
In Shift, Egypt Warms to Iran and Hamas, Israel’s Foes
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
For the first time in years of talks the Hamas leaders were invited to the headquarters of the Egyptian Ministry of Foreign Affairs instead of merely meeting at a hotel or the intelligence agency — a signal that Egypt was now prepared to treat Hamas as a diplomatic partner rather than a security risk. A new policy by the Egyptians no more pleasing isreal.