Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. oba hiloowlow;714476 wrote: loool anigana beritoole maamul goboleed cusub aan ku dhawaaqa oba hiloowlow State.. Aniga na igu casun aan camarada ka duube eh
  2. Taleexi;714465 wrote: Anigu mar hadday sheekadu tahay waxaan doono aan sameeyo, waxaan doono aan ku hadlo, waxaan doono aan diido, weliba si kastaba anaa u saxan. Dee anigu dhagax dixeed inaan la dagaalamo mooyee lama doodi karo abti. Taleexi adigu wax aan la is barbar dhigi kareyn baad rabta inad is barbar dhigtiid waxad ku doodaan xasuuq ba agagaarka buhoodle ka dhacay ,,wali na wax cadayn ah maydan keenin, waxad ku doodaan Laascanood ba maalin kasta dad lugu xasuuqa , taleexi waligeed ma dhacday laascanood ina wiilasha reer laascanood ama kuwa gobolka cayn in 40, 40 la so qabtay oo geed lugu xidhay oo rasaas lugu sii dayey dabeedna maydadkoodi laga so dhiijiey sii ay u noqdaan Dhiiig spare ah for askarta Cadawga eeh duulaanka ah.
  3. A_Khadar;714458 wrote: Beelo and qaranimo in one sentense caadi maha.. Qaran dee wa ummadu isku tegey ma wax kalaad u haysata oo asaas sameystey oo ay ku bahoobeen
  4. These guys live in their own world did he just say Somaliand does not reach some parts of Ceerigaabo:D:D let me ask you a question what xafaad does Somaliland not control ileen ceerigaabo wa affar xafadood eh?
  5. Taleexi adiga yidhi Somali ba raba inay wada joogaan anigu na ma arko Somali wada joogta oo rabba inay wada joogaan bal adiga anu kaa so qaadno , waxad tahay nin taleex ka yimi nimanka jaajaleya oo qardhona wa ku muqata walaalkaga qardho kula degen dal iyo mamuul lama qeybsan kartid balse waxad aminsatahay inad tol tihin xigaal iyo xidid iyo wixi la mid ah dal iyo mamuul na ma wadaagi kartan anigu cilada ma samayn . Kuwa dad iskugu xiga eeh galkacyo wada degen ba hal mamuul ah yeelan kari wayey kuwa Woqoyiga muqadisho iyo kooonfurta Muqadisho ba kala xidhan. Dhuusamareeb galguduud na sadex mamuul ba ka taliya Gobalada Jubooyinka waxa lo sameyey 4 mamuul greenland jubbaras state azania iyo jubbaland dadkan somalida aad sheegeysid eeh rabba inay wada joogaan adeer halkeed ku aragta? Taleexi anagu wixii aad ku sheegi jiirteen Xooga dalka Somalia baan u babac dhignay oo waliba wata south african iyo qaar caloosha u shaqeystayaal Somali maxammad jareer iyo jilleyc waxane ay rabeen inay dhulkayaga ummado kale ku beeran laakin wa runta Mujahidin ba u kacay oo carada difaacay. Laakin SNM kolkey ay dalka xoreyeen oo calanki u tageen ummadaha Somaliland degan waxay u yeedheen dhamaan beelihi Somaliland wada degi jirey ahna inti u ingriisku gumeysan jirey British Somaliland protectorate waxana lugu heshiyey in ay Somaliland noqoto dal xor ah oo xalaal ah oo calan leh oo noqota jamhuuriyada madax banaan reerkasta oo Somaliland degen na waxay tabanayeen inay miiska so dhigaan shirki ugu horeyey wuxu ka dhacay burco shirki labaad na wuxu ka dhacay borama shirki ugu danbeysti na wuxu ka dhacay Ceerigaabo sanaag inta ba waxa lugu heshiyey inaynu noqono beelo u bahoobay qaranimo.
  6. A khadar adeer who are you fooling your garaads have more power then your Xaglatoosiye and sabaray when garaad abshir said i am going to talk to the Somaliland officials your xaglatoosiye could not stop him. while buurmadow gets beaten up by some of his tribes men in the UAE you can't compare the two try again.
  7. Taleexi;714442 wrote: War raggu cabaad badanaa.... bal Soomaali oo dhan baan waxba isula hadhin oo haddana rabta inay wada noolaato.... Some folks never learn... Adeer bal tirtira beelaha kale ee idinkula nool waqooyiga waa sidii hore loo yiriye bal aarsada oo hadalka naga daaya. Somali rabta inay wada noolato anagu manu arkin after 20 years halkeed ku maqnayd 20 sannadood eeh ay xabadu maalin kaliya is taagin
  8. ^^ that was funny afka wax ka xadeen 8 sannoh xaabsade wuxu laha Somali diid from 1999 till 2007, hada affar sannoh wuxu leeyahay Somalilandiid give him time hala qabsado niyo
  9. Wasiirka Cadaaladda Ee Somaliland Oo Sheegay In Dadka Reer Awdal Aanay Weligood Ka Laaban Doonaan Midnidamada Somaliland. Hargeysa (Ramaas)Apr. 25, 2011- Wasiirka wasaarada cadaaladda iyo gasoorka ee Somaliland Pro Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay shacabka ku nool gobolka Awdal marnaba taageerin doonin qorshe lagu wiiqayo midnimada Somaliland oo ah mid muqadasa. Pro Aare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta ku faafiyeen dad qurojoog ah oo u dhashay gobolka, kuwaas oo sheegay in dadka reer Awdal ay ka noqdeen midnimada Somaliland oo ay taageersanyihiin maamul ay ula baxeen Awdal State oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka, isaga oo sheegay in wararkaas ay yihiin dacaayado raqiis ah oo aan sal iyo raad lahayn. Waxa uu sheegay in beeshiisu ay hormuud ka ahayd shirarkii dib heshiisiinta beelaha Somaliland oo dhidibada loogu taagay Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay labaatankii sanno ee u dambeeyay ay masraxa siyaasada Somaliland ay ka dhexmuuqanayeen siyaasiyiin ka soo jeeda oo talada dalka mansabyo ka sare ka soo qabtay, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalku Md Daahir Rayaale Kaahin oo hogaanka hayay muddo sideed sannadood ah uu ka soo jeedo gobolkaas sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay in aanay dhagjalaq u siin kooxaha Somaliland diidka ah. Pro Aare waxa uu sheegay kooxda in maamulka Awdal Stat kaga dhawaaqday Maraykanku ay yihiin qaar aan wax taageero ah ka haysayn oo marin habaabiyeen dad dano gaar ah ka leh burburinta Somaliland oo adeegsanaya si ay u gaadhaan yoolkooda, waxaana uu sheegay in midnimada ay markasta tahay muqadas ay u wada hogaansanyihiin dhamaanba shacabka reer Somaliland.
  10. Wasiirka Cadaalada Oo Sheegay Inaanay Masiirka Awdal Aanay Go’aamin Karin Shakhsiyaad Qurbo-joog Ahi April 25th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad Somaliland diid ah oo ka soo jeeda qurbo jooga gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay inay qorshaynayaan sidii Maamul gaar ah ay ugu sameyn lahaayeen Gobolka Awdal. Wasiirka Cadaalladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu sheegay inaanay iraadada shacbiga Gobolka Awdal aanay majaro habaabin Karin shakhsiyaad qurbo joog ahi. Wasiirku wuxuu sheegay in dadweynaha Gobolka Awdal ay kaalin wax ku ool ah ku lahaayeen Somaliland illaa xiligii gobinimo doonka iyo marxaladihii dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland ee shirkii beelaha Somaliland ku yeesheen sanadkii 1991-kii Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer. Prof. Ismaaciil Muumin Aar waxa uu sheegay inaan mugdi la gelin Karin mowqifka Somalilandnimo ee shaciga gobolka Awdal, waxaanu tilmaamay in Magaalada Boorame lagu qabtay sanadkii 1993-kii shirkii labaad ee beelaha Somaliland kaasi oo lagu soo doortay maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal isla markaana uu Madaxweyne Ku Xigeen ka ahaa Mujaahid C/Raxmaan Aw- Cali Faarax. Wasiirku wuxuu sheegay in muddo sideed sanadood ah uu Somaliland Hoggaaminayay Madaxweyne ka soo jeeday Gobolka Awdal , imikana ay u hoggaansamayaan Hoggaanka dalka. Waxaanu xusay in shakhsiyaadka qurbo jooga ah ee dibadaha ka hadaaqayaa aanay ka tallin Karin masiirka siyaasadeed ee reer Awdal. Prof. Ismaaciil Muumin Aarre wuxuu u soo jeediyay shakhsiyaadka dhalinyarada ah ee Somaliland diidka ahi ay dadkooda wax ka soo taraan abaaraha ba’an ee dalka ka jira, waxaanu ku dooday in cidii wax ka tabanaysa xukuumadda uu ka tirsan yahay ay la xidhiidhaan dawlada dalka ka jirta. “Shacbiga reer Awdal Somalilandnimadooda muran kuma jiro oo Somaliland reer Awdal baa leh cidi kama laha, cidna uma dabo fadhiisanayayaan, waxyaabaha ay tabanayaanna Anagaa xukuumaddii ugu jirna oo matalayna Xildhibaanadii iyo waxgaradkii ayaa qoray tabashadoodii waxaana loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland,”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muumin Aare. Wasiirku waxa uu u soo jeediyay dadka ka dambeeya dhalinyarada qurbo jooga ahi ay wax kale ka waantoobaan “Waxaan leeyahay raga dhalinyarada yar yar ee qurbaha ku dhashay marin habaabinaya ee ku gabraaranayoow wax kale raadso waxani idiin suurtoobi maayaane’e.
  11. War niyo wadada ha mucaraadin niyo wa wado ku so korodhay caasimadeena.
  12. All i said was spend your Money well on your people instead of wasting it that's an advice that's not crying we will wait for the response of the garaads. Good luck awoow
  13. A_Khadar;714404 wrote: Bunch of confused.. The city still is divided and ur militia rules its side. Back then and now is the same nothing has change! That is not true my friend ceerigaabo has one admin one police chief one , one governor one mayor one intelligence officer one deputy mayor and one Military commander (Ciidanka qaranka Qeybta Lixaad).
  14. A_Khadar;714416 wrote: Awdal self governance is here!! Welcome Awdal. yeah ur right its here on sol like ssc is here on sol
  15. A khadar dee adeer maad naga deysid sheekooyinka sheeka mafriska ssc wa sheekadi maraykanka oo kale aad tidhahdeen Madaxweyne Siilaanyo baanu u diidnay inu maraykanka soo galo oo xaglatoosiye ba dhagta ugu sheegey hillary clinton. anigu waan idin la taliyey uun intad lacag iska kharashgeereynsaan oo aad iska khasaarineysan dadkina wax ugu qabta haday idinka dacaad tahay hadayse idinka dacaad ahayn dee xafladaha ino wada lol
  16. Salaaax you are right there is no side side in Ceerigaabo when the SNM hosted the peace conference in ceerigaabo in 1993 to talk about the future of sanaag and Somaliland why didn't their elders speak up why did they not talk about their side or even brought it on the table because they know there is no side.
  17. ^^you took the time to click on this topic and you posted a little black dwarf after searching on google and you want us to believe you don't care adeer naga daa dee:D
  18. Mayar Jiciir oo wadadi sodonaad eeh ay dawlada hoose ka hirgeliso caasimada Hargeysa xashiga ka jaray maanta Wadada sariibada jigjiga yar oo beryahanba Dawlada Hoose eeh Caasimadu ka waday dib u dhis oo maanta xadhiga laga jaray. Hargeysa togaherer 25 april 2011 Duqa Caasimada Eng Xuseen Maxammad jicir Gudoomiyahaha Xsibiga Kulmiye Muj Muusa Biixi cabdi Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo kuwa degaanka iyo culimaa udin odayaal Dhaliyro iyo marti sharaf kala duwan ayaa ka soo qayb galay furista wadadan cusub eeh sariibada jigjiga yar. Duqa Caasimada oo isagu xadhiga ka jaray wadadan ayaa hadal u ka jeediyey Xafladi furitaanka wadada ayaa ugu horeyn u mahadnaqay dhamaan Qaybtihi kale duwana eeh ka so qayab galay xaflada iyo dadweynihi ka qeyb qaatay qaadhanka wadadan lagu dhisay. Read more http://www.togaherer.com/2011/04/25/wadada-sariibada-jigjiga-yar-oo-beryahanba-dawlada-hoose-ee-caasimadu-ka-waday-dib-u-dhis-oo-maanta-xadhiga-laga-jaray/
  19. Jb i think it's a good idea today it's Alshabaab versus the TFG now not 15 warlords all claiming presidents like the 90s if the TFG and Alshabaab start a crucial dialogue and come to an agreement there will be a solution for wartorn Somalia But i don't think that is going to happen. Since mahiga and his crew and the so called UN don't like to see Koonfurians to come to an agreement for the future of their country that's why he is undermining the authority of the TFG and supports clan states like Galmudug and the Garowe Admin to block the initiative Farmaajo and sharif proposed for a possible political solution.
  20. Malika;714322 wrote: Oh xaji thanks for your concern about fundings - haa uu biqiin - those back home faced with draught are well catered for - crocodile tears kaa iska tirtir, munafiqnimada, Allah majeeclaa hee iska jiir - waa iga talo. Malika intad bariis iyo baasto iyo Hilib macaan aad isla dhacayseen oo aad isku dhaamiseen sharaabka noocisa kala du duwan oo aad hudheelka Holidayinn aad Ku shireysan ku heeseyseen kharash lixaad leh aad ku bixiseen ka buranburteen ka geeraarteen, dalkad is leedihin wax u qabta waxba umaydan qaban Carruur Haraad ugu Geeriyootay deegaanka Buuhoodle Mar kale By Cali on Apr 24, 2011 with Wararka Hada Naga soo gaadhay Deegaanka Xodayle oo dhinaca Hawdka sare kaga Beegan Magaalada Buuhoodle ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi Carruur Haraad ugu Geeriyoodeen iyo Gaajo kamid Markii Abaaraha ka jira Guud ahaanba Somalia haatan Gaadheen halkii ugu saraysay Waxana Wararku intaasi ku Darayaan in Xaalada Deegaankaasi haatan Gaadhay Meel Xun. Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Waxana Dhimashada Carruutani ku soo Beegmaysaa iyadoo Dad kale Biyo La,aan ugu Geeriyodeen Deegaanka Deegaano kale Maalintii Doraad Waxana Dadka iyo Duunyada Somalia kunool Xaaladoodu ay haatan Maraysaa Halkii ugu saraysan haatan Waxana inta badan Gababsi ah Ceelasha biyaha oo Xoolihii iyo Dadkiiba ay ka bateen kadib Markii Culus badani uu soo fuulay Waxana Haatann Dadwaynuhu Bilaabeen Saalado Roob Doon ah oo ilaahay lagu barinayo