Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,977
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweynaha oo markii uu degay Calanka Somaliland ku dul istaagay,iydoo la wada ogyahay in KELMADA TOWXIIDKU ku qaran yahay,ma aqoon daraa mise waa isbedekii Kulmiye dadka iyo dalka u balan qaaday). oo ma kabaada ku taala tawxiidku looooool
  2. Actually 4 pictures was when he was the prime minister of the state of Somaliland and the other 4 Pictures were when he was the prime minister of the Somali republic.
  3. I posted the Picture first on sol when Siilaanyo met the deputy Prime minister and Foreign Minister of kuwait a day later they came with that photoshopped picture.
  4. Muhammad Haji Ibrahim Egal was the prime minister of the state of Somaliland Chairman of the SNL party leading the delegation From Somaliland Which led to the union of the State of Somaliland and Somalia in 1960. He later became the Prime minister of the short lived Somali republic For two years. But his legacy will be that of Somaliland the longest serving president of Somaliland from 1993 till 2002. President Maxamamd xaaji ibrahim cigaal will be remembered for creating the Somaliland constitution and all the government institutions disarming all the clans and clan factions and creating Ciidanka qaranka the Somaliland National army and police force and intelligence service. Holding clan meetings with all the clan chiefs of Somaliland , which let to the outcome when he created the Somaliland house of lords or Guurti.president cigaal also successfully he managed to establish bilataral trade with foreign countries and he also introduced the Somaliland Shillings. currency of Somaliland and the Somaliland passport. Creating the Somaliland 3 political party system in 2001, President cigaal put all his energy in Somaliland in his 9 years reign. a real statesmen indeed.His legacy will live on
  5. Wasiirka Duulista Oo Ku Guulaystay la Xisaabtanka Ha’yadaha Maamula Cashuuraha Hawada Somaliland May 5th, 2011 Nairobi(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka qeyb galay shir qaramada midoobay ku qabatay Kenya oo lagaga hadlayay cashuuraha hawada sare ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu wasiirku ku guulaystay inuu la xisaabtamo shirkada qandaraaska ku haysatay inay maamusho hawada sare ee Somaliland CACUS). Sidaasi waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya, oo tafaasiil lagaga bixiyay nuxurka iyo natiijada ka soo baxday shirkaasi., waxaanu war saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org uu u dhignaa sidan:- “Wefti ka kooban sadex xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Muxumed Cabdi Caamir iyo Maxamed Xirsi oo maalintii Salaasadii soo gaadhay caasimada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay si rasmi ah uga qeyb galay shir heer sare ah oo lagaga arrinsanayay sida loo maamulo cashuuraha hawada sare ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda Hayadaha UNDP , ICAO iyo waliba shirkadii gacanta ku haysay maamulka hawada sare ee Somaliland iyo Soomaaliya todoba iyo tobankii sanadood ee u danbeysay ee CAUCUS. Shirka ayaa arbacadii ku furmay jawi aad u kulul kadib markii Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi uu gaashaanka ku dhuftay in wixii imika ka danbeeya aanay marnaba Somaliland aqbali doonin in ay u daba fadhiisato maamulka hawadeeda sare cid kale isla markaasna ku eedeeyey Ha’yada CACUS oo iyadu maamulaysay mudooyinkii u danbeeyay hawooyinka sare ee Somaliland iyo Soomaaliya ay lunsatay lacago badan. Sidoo kale waxay Weftigii ka socday wasaarada duulista Somaliland iyo kuwii ka socday Somaliya intuba ku eedeeyeen shirkadaas (CACUS) in dakhliga sanad kasta oo dhan 6 Milyan oo dolarka maraykanka ay ugu tagri fasho si fool-xumo ah oo aan sharciga waafaqsanayn. Tusaale ahaan 70% lacagtaasi waxay ku baxdaa mushaharooyin badankooda lagu cuno Nairobi iyadoo sadex la taliye oo kiiniyaan ahi gaar keligood u qaataan $571.350 Dollar sanadkii oo ay u dheer tahay kharashka habeen dhexa, taasi waxay keentay in madaaradii Somaliland iyo Soomaaliya ee loogu tallo galay in lagu horumariyo agabkooda aanay waxba gaadhin. Guntii iyo gebogebadii shirkaas ayaa la isku raacay in wixii maanta ka danbeeya laga soo wareejiyo gacan ku haynta maamulka hawada sare ee ay ku keliyeysatay Ha’yada ICAO iyo shirkada CACUS oo la sameeyo guddi dhexe ‘Steering Committee’ oo ka kooban Ha’yadaha UNDP,ICAO,Somaliland Iyo Soomaaliya. Gudidan ayaa ka koobnaanaysa shan xubnood oo kala metela dalalka Somaliland , Soomaaliya iyo waliba Ha’yadaha UNDP Iyo ICAO , inkastoo ay Ha’yada ICAO soo jeediyeen in Hoggaanka gudidani ee joogtada ah noqoto dawlada TFG-da Soomaaliya, arinkaas waxaa gaashaanka u daruuray xunihii metelayay Somaliland kadibna waxaa la isku raacay in hogaanku noqdo wareegto oo waxaa kolba gudoomiye noqonaya qof kasoo jeeda Somaliland ama Soomaaliya. Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu qaado Wasiir Duulista iyo Hawada Somaliland ah tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda sanadkii 1991kii, iyada oo wasiirradii xukuumadihii hore oo aad ugu taamayay aanay ku guuleysan inay si cad ula xisaabtamaan Ha;yadahan gacanta ku haya hawada sare ee Somaliland. Shirkan ka qeyb galkiisu wuxuu ka turjumayaa siyaasada xukuumada cusub ee odhanaya in aan marbana Somaliland ka mid noqon shir lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee dawlad loogu dhisayo dalka Soomaaliya balse laga qeyb galo shirarka lagaga arrinsanyo arrimaha horumarinta ee ay gadh wadeenka ka yihiin beesha caalamku ama wax hore inooga dhexeeyey la inoogu qeybinayo.”
  6. a khadar i am not sure i post news all the time about laascanood and even about the security situation of that city Duke faroole made her really angry i hope he will apologize for abandoning the Toll
  7. Dawladda Mareykanka oo Bilowday inay Kalmooyin Toos ah Siiso Hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org) – Dawladda Mareykanka ayaa bilowday inay mashaariic horumarineed ay markii u horreysay ay si toos ah u siiso Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland. Dawladda Mareykanku wxay shir hawleed socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu darsayo baahiyaha Somaliland ay ku qabanaysaa dalka Jabuuti, waxaana ka qaybgalaya 73 xubnood oo ka kala socda Wasaaradaha Dawladda, ururadda Bulshadda Ray’idka ah iyo Shirkadaha Ganacsiga ee dalka. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa xuno ka ah Wasiirradda Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsadde iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Md. Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkod, Maayaro iyo Badhasaabada Gobollada qaarkood. “Weftigan balaadhani waxay ka qaybgalayaan kulan balaadhan oo ay Jabuuti ku qabanayso Hay’adda Kaalmooyinka u qaabilsan Mareykanka ee USAID, taasi oo kaalmo toos ah siinaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud, mashaariicdaasi oo la doonayo in saamayn toos ah ku yeeshaan Wasaaradaha Dawladda,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh. Agaasimuhu wuxuu sheegay in shir hawleedkaasi lagu falanqeynayo sidii loo kala horaysiin lahaa baahiyaha kale duwan. “Mashaariicdan tooska ah ee dawladda Mareykanku siinayso hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland waxay markhaati cad u tahay nabadgelyadda, maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, kaalmooyinka Mareykanku ina siiyo wuxuu inoo soo marin jireen Hay’ado markaa waa markii u horeysay ee USA ay si toos ah hay’adaheena dawliga ah ula shaqeyso. Waxa hore u jiray todoba Wasaaraddood oo ay mashaariic u soo marin jireen hay’adaha IOM,” ayuu yidhi Agaasimaha oo ka mid ah weftigaaasi oo maanta u waramayay Radio Hargeysa. Cumar Maxamed Faarax
  8. islaantan iska daya sidan us u heley waan so heley slaanta muhimadu wa taas hadana halaga faaloowdi farintay uso gudbisay faroole iyo mamuulkisa;) A khadar adeer anigu wararka Somalida oo dhan ba so gudbiya ama ha noqoto war ku sahabsan Jabuuti Somaliland Mamuulka garowe Alshabaab ama dawlada Federaalka marka dee tani na wa wareegtadi waxba ha u qadan adeer.
  9. Shir Caalami ah oo Jabuuti uga Furmaya Somaliland iyo Sanduuqa Mucaawanada Maraykanka Wed 04th May,2011 Hargeysa (Jam)- Shir caalami ah oo ay ku kulmayaan Somaliland iyo sanduuqa gargaarka dalka Maraykanka ee USAID, ayaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah Somaliland uga qaybgalaya ergo gaadhaysa 60 xubnood oo isugu jira dawladda, ururrada bulshada iyo ganacsatada iyo madaxda hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAID. Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii la isula meeldhigi lahaa qorshe ballaadhan oo Maryakanku ku horumariyo Somaliland, iyadoo xoogga la saarayo hay’adaha dawladda, ganacsiga iyo ururrada maxalliga ah, isla markaana si toos ah loola macaamilayo oo aan hay’ado caalami ah loo soo marin. Hay’adaha dawladda ee sida gaarka ah shirkan loogu martiqaaday ayaa ah saddex wasaaradood oo kala ah Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, kuwaas oo la doonayo in horumarin lagu sameeyo. Weftiga ka socda Somaliland ee shirka ka qaybgalay oo maanta diyaarad khaas ahi ka qaadi doonto madaarka Hargeysa, waxa hoggaaminaya saddexda Wasiir ee wasaaradaasi oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xuseen Axmed Caydiid. Xubnaha kale ee weftiga ayaa iyaguna isugu jira agaasimayaal ka socda wasaaradaha dawladda, qaar ka mid ah maayirada magaalooyinka waaweyn, xubno ka socda ururrada bulshadda rayidka ah iyo ganacsatada dalka. Shirka oo furmaya maanta waxa la soo gebogabayn doonaa 8 bishan, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo la xidhiidha nidaamka Maraykanku u caawinayo Somaliland iyo mashaariicda u baahan in la horumariyo.
  10. Wa nin argagixiso loogu tuhunsanyahay wanu xidhnayaya inta ay badhitaanku socdo.
  11. waftigii ugu ballaadhnaa abid xukuumaddaha jsl oo u kicitimay dalka j. jibouti. Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa oo ka kooban 73 ubnood ee ka socda dawladda JSL ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka J. Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha'yadda kaalmooyinka u qaabilsan Dalka Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qeyb gelyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawladda Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay u siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha'yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan mas'uuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya J. Somaliland iyo J. Jabuuti oo ah laba dal oo walaalo ah oo daris ah. SL Media
  12. Berbera: Xuska Loo Sammeeyay Sannad-guurada Sagaalaad ee Marxuum Cigaal iyo Waxyaabihii Laga Yidhi Shakhsiyadiisa Berbera, -(Berberanews)- Xuska Sannad-guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay geerida madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,ayaa laba munaasibad ay iska kaashadeen shebekadda Berberanews iyo Ururka Dhallinyaradda Somedo xalay lagu qabtay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil. Munaasibad-xusuuseedka waxa ka soo qaybagalay Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Kahadar Cali Cimi, Maayar-ku-xigeenka Berbera Cabdi Jaamaca Faduul, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, Agaasimaha Haamaha Shidaalka Berbera Dr. Shiine Cabdi Barkhadle, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Saleebaan, masuulliyin kale iyo dhalinyaro tiro badan. Madaxda iyo masuulliyiinta munaasibada ka hadlay waxa ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka xasuustaan shakhsiyada Marxuum Cigaal iyo sida uu qiimaha ugu leeyahay guud ahaan shacabka Somaliland. Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera Cabdi Jaamac Faduul, ayaa u mahadnaqay qabanqaabiyayaasha xuskan, waxaannu sifo ka bixiyay shakhsiyaddii Marxuum Cigaal, “Waxaan halkan mahad ballaadhan uga dirayaa shebekadda Berberanews iyo SOMEDO xuska aad sammayseen waxaan u arkaa waajibaad aad gudateen, maadaama uu Cigaal ahaa halyaya inagu qaali ah. “Marxuum Cigaal wuxuu muddo badan ka soo shaqaynaya sidii umadani u noqon lahayd mid dhisan, Marxuum Cigaal wuxu ahaa ahaa ninkii abuuray Somaliland, taariikhda adduunka buuga Enyclopidea waa laga helayaa, wuxuu hormood u ahaa dadkii dagaalka badan u soo galay xoriyadii ingiriiska aynu ka qaadanay 60kii, kaasoo maal, naf iyo moodba u huray, aduunkiisii wuxuu ku baxay xornimada Somaliland. Marxuum Cigaal 1960kii wuxuu ahaa ninkii boqorada Ingiriiska ka soo saxeexay xornimada Somaliland, isagoo ay xubno kale oo reer Somaliland ahi weheliyeen. Marxuum Cigaal aragtidiisu waxay ahayd inaynu gaadhno xornimmo buuxda oo dhinacyada dhaqaalaha, iyo siyaasada iyo in qof kasta oo Somaliland uu helo waxbarasho, caafimaad, tacliin iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Qofkasta oo ummadiisa iyo dalkiisa u soo halgamay wuxuu xaq u leeyahay in xus loo sammeeyo, qolada xuskan sammaysayna way mahadsanyihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyeku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera. Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maamulaha Jaamacadda Gollis Berbera, ayaa sheegay inaanay Somaliland jirteen haddii aanu Marxuum Cigaal aanu joogeen, “Somaliland 21-ka sanno ee ay madaxa la gashay ma jirteen hadii aanu marxuum Cigaal dalka ku soo noqon lahayn 1993kii, isagaana lagu tilmaamaa aabihii Somaliland.” Xildhibaan Naasir waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu ku xasuusto Marxuumka, “1993kii markii la fadhiyay Boorame, ayaa wefti uu hogaaminayo Marxuum Cigaal laga magacaabay gobollada loo diray Addis Ababa , halkaasoo ay ku shirayeen kooxihii kala duwanaa ee faraha badnaa ee wixii Somalia laysku dodhan jiray magacooda huwanaa,ayaa markii weftigu gaadhay, ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxay qaadeen heestii calanka “Soomaaliyeey tooso, Soomlaaiyeey” markii heestii dhammaatay ayuu Cigaal yidhi ‘heestani halkii ay naga damqi jirtay waanu ka bogsanay’ maalintaasay nin kasta u cadaatay inaanay Somaliland sidii hore ahayn ee ay dhabada cagta saartay.” Waxaan xusuustaa wakhtiyadii dagaalada sokeeye daba dheeraadeen, ayuu Marxuum Cigaal khudbad uu jeediyay, gaar ahaan isagoo la hadlayay raggii qoodha isu haystay wuxuu ku yidhi ‘Waar miyaa naga nala kicinayseen, mise waa naga kacsanayseen?’ taasoo uu ula jeeday nidaamkii xummaa ee ******ta.” Ayuu yidhi xildhibaanku. Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee Marxuum Cigaal u soo maray xornimada Somaliland iyo sidii uu uga shaqeeyay dhismaha haykalka dawladnimmo iyo nabadgelyada ka tisqaaday Somaliland. “Waa geesi, waa halgamaa ka baxay Somaliland.” Ayuu yidhi waxaannu agaasimuhu intaa raaciyay,“ Anigoo u mahadcelinaya dhallinyarada soo qabanqaabisay xuskan, waxaanse jeclaa in madaxdii u sarrasay gobolku ay joogaan oo ka soo qaybgalaan.” Isu-duwaha Wasaaradad Diinta iyo Aw-qafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan Siciid oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay waxqabad warbaahintu la timaado, iyadoo laga cawdo, waxaannu yidhi, “Qolyaha warbaahinta waa laga qaylin jiraye mar haddii ay wax qabteen waxaan leeyahay waa wax lagu farxo.Marxuum Cigaal waa halyay reer Somaliland ah,marka labaadna waa halyay gobolka Saaxil ee uu ku aasanyahay ka soo jeeda, qiimaha iyo qaayaha Ilaahay siiyay ayuu ka mid yahay.” Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi, ayaa isaguna ka xogwaramay aas-aaskii shebekadda iyo cida fikirkeeda lahayd,“Shebekadda Berbera oo la aas-aasay July 2008 waxa fikirkeeda dhaliyay dhallinyaro ka soo jeeda gobolka Saaxil oo jaamacadaha dhigata, kuwaasoo ka damqaday duruufaha warbaahin la’aaneed ee gobolka ka taagnaa, maadaama aanay dadweynaha gobolku haysan madal warbaahineed oo ay rayigooda ku cabiraan, kuna soo bandhigaan baahiyahooda, islamarkaana isku xidh u noqota qurbojooga Saaxil sidii ay kaalmo uga geysan lahaaeen horumarintiisa.” Tifatiruhu waxa uu ayaan-daro ku tilmaamay in madaxda gobolka Saaxil ka gaabiyaan xuska Marxuum Cigaal, waxaannu yidhi, “Marka laga hadlayo Marxuum Cigaal, anigu taariikh badan kama hayo, waayo nin dhallinyaro ah baan ahay oo waa layga badiyaa, laakiin waxaan ku sifayn karaa inuu yahay aabihii iyo aas-aasihii Somaliland, nasiib daro-se madaxda Gobolka Saaxil iyo Somaliland oo dhami way ilaabeen abaalkii uu Marxuum Cigaal ku lahaa looma gudin, madaxda Saaxil waxay masuulliyadi ka saarantahay inay hormood ka niqdaan xusaska aabihii Somaliland.” Maxamed Xarrago waxa uu ka hadlay waxyaabaha ka hirgalay ujeedooyinka loo aas-aasay shebekadda “Maxaa ka hirgalay asbaabihii aanu u aas-aasnay? Waxaannu kor u qaadnay codkii bulshada Saaxil oo aanu meelkasta gaadhsiinay, waxa kale oo aanu suurtagelinay cilmi-baadhisyo aanu ugu kuurgalnay xaaladda Gobolka Saaxil oo aanu warbixinno iyo filimi documentary ah ka sammaynay, soona bandhignay.” Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada SOMEDO Mubaarig Cismaan Yusuf, ayaa isaguna “Xuskan waxa soo qada qabanqaabiyay Ururka dhallinyarada SOMEDO iyo shebakadda Berberanews oo uu inagala joogo titatiraha Maxamed Xarrago oo dedaalka ugu badan iyo hawsha badankeeda lahaa. Guddoomiyaha SOMEDO waxa uu sheegay in ururkan oo xaruntiisu tahay Berbera ay ku bahoobeen dhallinyaro fara badan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan dhinaca waxbarashada oo ay tartanno waxbarasho oo badan ka fuliyeen Berbera.” Mubaarig waxa uu ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay firikan, “Markii aanu aragnay inaanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo loogu diyaargaroobayo xuska sannadguurada sagaalaad ee Madaxweynaheenii hore, annagoo la kaashanayna shebekadda Berbera news waxaannu qabanay koob ay ku tartameen laba tiim oo Berbera ka dhisan, waxaana mudan in haldoorkeena la karaameeyo, maadaama Cigaal ahaa halyay qarankani lahaa.” Ayuu yidhi Mubaarig. Gebogebadii xuskan Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Kahadar Cali Cimi,iyo Isu-duwaha Ciyaaraha Shaafici Jaamac Aadan ayaa Koob ay ay iska kaashadeen Berberanews iyo SOMEDO oo ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayay maxrxuum Cigaal guddoonsiiyay Kooxda Dawladda Hoose ee 2-1 kaga badisay Kooxda Marines-ka oo shalay galab ciyaar dadweyne fara badani ka sooqaybgaleen daawashadeeda ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta Bursade.
  13. Wefti 73 Xubnood Ah Oo U Socdaal Ku Tagay Dalka Jabuuti May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa ee ka socda Somaliland ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha’yada kaalmooyinka u qaabilsan Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada bulshada rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qey galyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawlada Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris ah. Cumar Maxamed
  14. Waleh farooole dhulkey ku jiiday ina Axmed cumar tallow muxu ku jawaabi
  15. Jacayl baro ,,, Ninkan sacad cali shire wa nin dadalaya waleh maxaad la dalanayd maad kursi ku fadhiisatid,,, mise ngoyada uun baa kurasida ku fadhiiday?
  16. http://oodweynenews.com/news/69355-own-halkan-ka-dhagayso-wasiirka-qorshaynta-somaliland-oo-faahfaahin-ka-bixinaya-shir-ay-u-qabteen-ururada-wadaniga-ah-ee-dalka-ka-hawl-gala.html Listen to the Minister
  17. Wasiirka Duulista Oo Kenya Kaga Qeyb Galaya Shir Lagaga Hadlayo Cashuurta Hawada May 3rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay shir muhiim ah oo uu kaga qayb galayo dalka Kenya oo uu maanta u kicitimay. Wasiirku shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaarka ka hor intii aanu ka dhoofin dalka waxa kale oo uu kaga hadlay warar ay warbaahinta qaarkood ka qoreen. Md. Maxamuud Xaashi oo ka hadlay dayactir lagu samaynayo madaarka Hargeysa waxa uu yidhi “Sababaha igu lamaaneeyay socdaalkii Kuwait waxa uu ahaa maadaama oo uu noo socday mashruuc toban Million ah, waxaana Hargeysa laga fulinayaa run way cusub iyo dayr loo samayn doono madaarka, waxa kale oo jirta laydh habeenkii lagu soo hago diyaaradaha, dhinaca kale madaarka Berbera ayaa iyadana mashaariic laga fulin doonaa.” Wasiirku mar uu ka hadlayay socdaalka uu ku tagayo Caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyo cida uu kulamada la yeelan doono, waxa uu yidhi “Shirka Nairobi waxa uu ku saabsan yahay hawada Somalida ilaa 1991-kii hay’add yar ayaa lacag iska qaadata waxaanu qorshuhu ahaa in ay madaarada Somaliland iyo kuwa Somalia wax lagaga qabto, hay’addaasi waxa ay hadda bixisaa gawaadhi yar-yar iyo 46 Shaqaale ah, haddii Alle inaguma keenee ay maanta Diyaaradi ku gubato Madaarka ma jirto wax lagu bakhtiiyaa markaa waxa aanu la tagaynaa qorshe ah in lacagta hawada Somaliland la inagu soo wareejiyo oo ay inoogu soo dhacdo wasaaradda maaliyada si aynu madaaradeena wax ugaga qabano. ” Wasiirku Duulista iyo hawadu waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya inuu Shaqaalaha Wasaaradiisa ku qorto hab Beeleed, waxa uu yidhi “Qofku hadalku odhanayo waa ka Masuul waliba Qof Mudakar ah oo ka tirsan urur u dooda Xuquuqda Bini’aadamka marka uu hadal odhanayo inuu hadalkaasi Xigmad ku dhisnaado ayaa qurux badan, anigoo Ixtiraamaya Ragaas Sharaftooda Shakhsiga ah waxaan qabaa waa war aan sugnayn oo aan sal iyo raad toona lahayn ayay sheegeen oo aan is leeyahay waa meel ka dhac weeyaan, anigu Wasaarada masuul baan ka ahayn, Masuul qaran baan ahay waxaanan qabaa sida runtu tahay isfaanin maayo, laakiin in aan ahayn Nin Maanta looga fadhiyin inuu ku Dhaqamo wax Qaanuunka khilaafsan ama Shaqaale uu xukumo kala saar-saara ama uu reero gaar ah u badiyo Maanta meesheedii-na ma joogo Ninkeedii-na ma ahi Masuuliyadayda-na maaha, 65 Qof oo Shaqaalaha Wasaaradan ka mid ah oo Tamb areeri ah (ku meel gaadh ah) oo aan Shaqada ka erinay ma jirto haba yaraatee mana cadayn karaan dadka hadaladaas lihi.” “Waxa jirtay muddo afar Bilood laga joogo Shaqaalaha ku meel gaadhka ah ee Wasaaradan ka tirsanaa ee Madaarkan joogay oo dad faro badan ahaa oo aan Shaqada qornayn oo dawlada-na markaa aan u qornayn Lacagta la siin jirayna ay ahayd Lacagtii Madaarada laga qaadi jiray ee aan Khasnada dhexe ku xeroon jirin ee aan halkan imid ee ay dawladii dhexe-na ya tidhi anagu bixin mayno Lacagtaa dadka Tabareeriga ee aan dadkii u nimid waxaanu soo qornay dad ilaa dhawr iyo labaatan qof ah, anigu Qof Barman ah Xil waan ka qaadi karaa, laakiin ma eryi karo, 73 Qof oo Tambareeri ah ayaa Imtixaan u fadhiistay, dadkii Tambareeriga ahaa ee Imtixaankaa u fadhiistay-na hal Qob-baa ka dhacay, ”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
  18. Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Furashada Ururada Siyaasadda May 3rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tafaasiil ka bixiyay asbaabihii uu Guddida tallo bixinta ugu magacaabay qadiyada lagu muransan yahay ee furashada ururada siyaasadda, waxaanu tilmaamay inuu ku shaqayn doono rabitaanka dadweynaha. Madaxweynuhu waxa kale oo sheegay inuu sii wadayo gogoshii nabadeed ee uu ugu baaqay waxgaradka deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Madaxweynaha oo ka hadlayay socdaalkiisii waxa uu yidhi “Waxaan dalka ka maqnaa muddo 17 cisho ah oo aanu ku maqnayn dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt waxa socdaalkayagu ahaa inaanu xidhiidh wanaagsan la sameysano inaanu is barno, inaanu dhaqaale iyo maalgashi iyo qadiyadayada inaanu u sharaxno wixii ay maal gashi dalkayaga gashanayaan oo dhinac walba leh oo horumarinta wixii la xidhiidhana aanu waydiisano.Waxa kale oo aan weydiisanay deeqo waxbarasho iyo wax allaale iyo wixii uu dalkayagu u baahan yahay.” Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxay Kuwayt ka soo heleen waxa uu yidhi “Horta dalalkaasi waxaanu kala soo kulanay soo dhawayn aad iyo aad u wanaagsan, mashaariicda aanu kala soo hadalay waxa ka mid ahaa in dalka laga dhiso Dhaamam iyo dalka laga sameeyo mashaariic horumarineed oo dhinac walba leh waxa ka mid ahaa ceelal laga samaynayo dalka. Waxa kale oo ka mid ahaa wadada isku xidha Berbera iyo Burco oo ay dhisi doonto dawlada Imaaraadka carabta.mashaariicdaasi Dhaamam la xidhayo ha noqoto ama Ceelal la qodayee waxaanu mashaariicdaasi ku qiyaasnay inay ku kacaaan 15 malyan oo Dollar oo aanu ka jirin maalgashiga kale. Anaguna aad iyo aad ayaanu ugu dhiiri gelinay.” “Anagu arrinta aanu culayska weyn saaraynay marka ugu horaysa may ahayn inaanu ictiraaf soo qadino,iyadoo dhibaatooyin iyo siyaasado badani ka taagan yihiin dalalka Carabta, waxaanu ka hadlaynay isbarasho iyo sharax aanu u sharaxaynay xaalada Somaliland iyo inay wax nagala qabtaan horumarinta dhaqaalaha ayaanu culayska u weyn saaraynay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay dalalkii uu booqday kala hadlay aqoonsiga Somaliland. Madaxweynaha oo la weydiiyay sababta uu Guddida tallo bixinta ugu magacaabay furashada ururada siyaasada maadaama oo uu balan qaaday xiligii lagu jiray olalaha doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-ka waxaanu yidhi “Runtu waxa weeye arrintan furashada ururada siyaasaddu waa wax aad iyo aad doodi uga taagan tahay mowqif dhab ahna waanu ka lahayn, mowqifkiina waanu caddaynay hase ahaatee marka dalka xilkiisii na wada saaran yahay ummadda mowduuc intaasi leeg oo intaasi oo aragtiyood ka jirto waxay noqotay inaanu u saaray Guddi dhex dhexaad ah oo soo qiyaasta waxa dadku rabo waxaana aanu ku shaqayn doonaa waxa rabitaanka ummaddu noqdo haddii ALLE yidhaahdo.” Md. Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay inay gudo galayaan iyo in kale gogoshii nabadeed ee uu u fidiyay waxgaradka deegaamada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Waanu soo wadaynaa waxaanay ka mid ahayd rukumada ugu waaweyn ee siyaasada xukuumadayda, waxaana aanu ka qaaday tallaabooyin badan iyo soo dhawayn badan.”
  19. Wasaarada Qorshaynta Qaranka Oo Maanta Hay’adaha Caalamig Ah Ee Dalka Ku Sugan U Qabisay Xeerka Ay Ku Shaqayn Doonaan Hay’aduhu. Hargeysa (Ramaas)Apr. 3, 2011- Wasaarada qorshaynta qaranka ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah in ka badan sagaashan hay’adooda oo ku sugan dalka ugu qaybisay xeerka ay dalka kaga shaqayn doonaan hay’adaha caalamiga ah ee ka hawgala Somaliland. Qaybinta xeerkan ayaa uu wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire kaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen madaxda wasaarada iyo hay’aduhu, waxaana uu sheegay in xeerkan uu yahay ka ay xukuumada Sonaliland kula socon doonto nidaamka shaqo ee hay’adaha. Dr Sacad waxa uu sheegay in si gaar ah ay ula socon doonaan maashriicda horumarineed ee ay hay’adaha caalamig ahi ka fuliyeen deegaanada Somaliland si loo ogaado nooca mashruuca iyo faa’iidada uu u leeyahay dhulka laga fulinayo, isaga oo sheegay in ay si qoto dheer dusha ugala socon doonaan sida loo kharashgaraynayo mashaariicda, iyada oo xeerkan awoodo gaar ah uu siinayo wasaarada qoshaynta oo xataa tallaabo la qaad karta hay’ada u hogaansami waydo qawaaniinta iyo shuruucda dalka u yaala. Waxa kale oo uu sheegay in xeerkan uu taabanayo hawlgalada ururadaa aan dawliga ahayn ee maxaliga ah oo uu tilmaamayo in mashruuca ay ka qaataan hay’adaha in la socodsiinayaan wasaarada qorshaynta oo kala talin doonto sida loo fulinayo. Xeerkan ayaa noqonaya kii ugu horeeya ee noociisa ah ee ay ku maacaamilaan hay’adaha iyo wasaarada qordhaynta qaranku, iyada oo ay mashaariic yar-yar oo ay hay’aduhu fuliyaan ay ku baxdo lacag badan oo la leexsado.
  20. Hay’adaha Caalamiga ah oo walaac ka muujiyay Xeer uu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland U Qaybiyay maanta oo xakamayanaya Hawl qabadkooda Hargeysa(Waaheen). Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Kulan balaadhan la yeeshay Dhamaanba Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland, kuwaas oo uu U qaybiyey Xeerka ay kuwada shaqayn doonaan dawlada iyo hay’adaha maxaliga ahi. Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawlgala iyo madaxda wasaarada Qorsheynta qaranka oo uu ugu horeeyo Wasiirka wasaarada Qorsheynta qaranka Md Sacad Cali Shire waxaana wasiirku uu halkaasi uugu qaybiyey Xeerka wada shaqayneed ee Hay’ada dalka jooga, kuwa imandoona iyo dawladu , Xeerkan ayaa ah mid qeexaya awoodaha hay’adaha iyo nidaamka ay ku shaqaynayaan waxaa kale oo tilmaamayaa nidaamkani mashruucyada ay hay’aduhu soo qaataan iyo sida loo maamulayo arimahan iyo kuwo kalaba waxaa hay’adaha u iftiimiyey wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Maanta waxa ay ujeedadu ahayd in Hay’adaha loosoo bandhigo Xeerkan oo qeexaya siday isku diwaan galinayaan, waxyaalaha ay qabtaan iyo warbixinadooda” Wasiirku waxaa kale oo shaaca ka qaaday oo xeerka ku xusan in aanay hay’adaha maxaliga ahi lacag ka raadin Karin Haayado kale waxaana uu yidhi “Hay’aduhu lacag kama raadin karaan hay’ada fuliyayaasha ah ee wadanka jooga laakiin way u furantahay inay ka raadiyaan Hay’adaha deeq bixiyayaasha ah” Sidoo kale wasiirka wasaarada qorsheynta Somaliland Md Sacad Cali Shire mar uu warbaahinta la hadlaayey waxa kale oo uu sheegay in ay dalka joogaan 90 Hay’adood kuwaasi oo qabta hawlo kala duwan iyo waliba 80 Hay’adood oo cusub kuwaasi oo iskugu jira kuwo caalamiya iyo qaar kale waxaana hadaladiisii kamid ahaa “ Hay’adaha samafalku wax walba way iskugu jiraan kulamaduna kuma ee ka siminaaro waxaana hada dalka jooga 90 Hay’adood oo hore u shaqayn jiray iyo 80 hay’adood oo cusub” Md Sacad Cali Shire waxa ay warbaahin wax ka weydiisay Siyaabaha ay u shaqaynayaan Hay’aduhu iyo cida kudaba galeysa mashruucyada ay fuliyaan waxaana uu arintaasi kaga jawaabay “Run ahaantii Hay ‘aduhu inooma keenaan lacag lakiin waxa ay keenaan agab iyo qalab waxaana ay noo soo gudbinayaan kahor inta aanay mashruuca bilaabin warbixin dhan waxa ay qabanayaan lacanta ama qarasha ku baxayaa inta uu dhan yahay iyo mudada marka taa aanu helno ee aanu ka aqbalno waxaanu anagu leenahay ku dabagalka oo kaliya iyaguna hawsha ayey fulinayaan marka ay dhameeyaana waa inay keenaan Xisaab Celin” Dhinaca kalena Idaacada VOA’ da ayaa baahisay war sheegaya Hay’adaha Caalamiga ahi inay ka walaacsan yihiin Xeerkaas ay Somaliland ku dhaqan galisay maanta. Iyagoo sheegay inuu caqabad ku yahay shaqooyinkii ay dalka ka qaban jireen Mid ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo aanu wax ka weydiinay jiritaanka Cabashada Hay’aduhu inay iyaga soo gaadhay iyo inkale ayaa yidhi “ waanu ognahay maalmahanba way la soo xidhiidhayeen xafiiska oo Nairobi iyo meelo kaleba way ka soo hadlayeen markaa Xeerkani waa Xeer muhiim ah maantaanay wasaaraddu u qaybisay” ayuu yidhi Mar aanu weydiinay inay Hay’adaha Caalamig ahi u dhamaayeen kulanka maanta loogu qaybiyay Xeerka iyo inay jireen kuwo diiday waxa uu yidhi “ kolay way yimaadeen Hay’addo badan laakiin qaar kale oo maqnaana way jireen” ayuu ku soo gabagabeeyay