-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
xeedho wa bahal macaan ala maxaan muqmad ka dhergey
-
BOOSAASO : M.wayne Faroole oo si adag uga hadlay DFKS, SSC, iyo Ammaanka Puntland April 29, 2011 3:01 pm GMT - Boosaaso:-M.waynaha Puntland Dr.Cabdiraxaan Faroole oo maanta gaaray magaalada Dakada ah ee Boosaaso ayaa waxa uu si adag uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin DFKS, SSC iyo Ammaanka Puntland wuxuuna eeda badankeeda u diray madaxda DFKS oo ku sheegay kuwo ku qaraabta magaca Soomaaliyeed ee doonayn magac iyo Musqbal Ummadeed waa siduu hadalka u dhigaye. DFKS M-wayne Faroole oo khudbad ka jeediyay Bosaso “Madaxda DFKS waa kuwo ku qaraabta magaca Ummadda Soomaaliyeed oo lacago badan ku soo qaata magaca Ummadda Soomaaliyeed oo aan la gaarsiin dadka xaq uleh uu ku jira xeryaha qaxootiga, waa kuwa madaxtinimo aan jirin sheeganaya, waa kuwa taangiyo lagu ilaasho, waa kuwo aan imaan madasha loo dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee danta Ummadda Soomaaliyeed looga hadlayo, waa kuwo qayb ka ah dhibaatada ka dhacda Puntland, waxaan Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay go’aankoodii dhaqan gashaan iyakaa Ummadda ka wakiila si loo helo hogaan sax ah oo wax kala garanaya ayuu yiri M-wayne Faroole”. SSC “SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliand, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri M-waynuhu”. Abaarta M-wayne Faroole mar uu ka hadlayay abaarta ayuu sheegay deegaamo badan oo ay soo mareen oo ay daaqi-jireen xoolo-badan in ay iminka ku soo mareen xoolo sii dabar-go’aya oo aad u tiro yar, waxa uu sheegay in roobku uu bilaabmay balse sidii la rabay uusan u di’in, wuxuuna Ummadda Soomaaliyee Alle uga baryay in uu ka dulqaado abaarta iyo Colaada. Ammaanka PL Ummada Puntland ayuu ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan oo dadka qabiilka iyo aargoosiga ku hawlan ay iyaku gacantooda ku qabtaan oo aysan gacansiin, ma jirto reer, reer wax u qaba laakiin hogaamin-xumo ayaa dhacday ayuu yiri. M-wayne Faroole ayaa socdaalkiisa Boosaaso wuxuu ku macneeyay mid caadi ah ee aan cajaa’ib ahayn wuxuuna sheegay in uu u yimid in uu xoojiyo ammaanka iyo maamulka uuna muddo sii joogi doono
-
Dr.Faroole Oo Dhaleecayn Dusha ugu Tuuray D.Somaliya kuna Eedeeyay in ay wax kamaleegaan Coladaha Puntland kadhaca. on April 29th, 2011 Boosaaso(Puntlandi.com);- Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhaleecayn dusha ugu tuuray hogaanka Dawlada Somaliya kuna eedeeyay in ay wax kamaleegaan dhibaatooyinka amnixumo ee ka dhaca deegaanada Puntland. Waxaa uu sheegay in Dawlada dalka iyo dadka wax uqaban hada kameermeerayso doorasho dhacda iyo korsiga baneeyaan”waa niman Amisom ilaaliso mana ogala in ay kaqaybqaataan shirarka looga hadlayo maslaxada Somaliya hadana ma ogala in ay doorasho soo galaan bisha August oo waqtigooda ku egyahay waxay iska qaataan lacagaha maga Somaliya lagu soo qaato ugamana gargaaraan dadka barakacayaashaa”ayuu yiri Madaxwaynaha Dawlada Puntland. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Dawlada Somaliya ku eedeeyay in ay wax kamaleegaan dhibaatooyinka amnixumo ee kadhaca qaybakamida Puntland waxaana uu tusaale u soo qaatay dhisidii iyo taageeradii jabhada SSC iyo dhibaatooyinka Galkacyo ka dhacay. Hadalkan ayaa madaxwaynaha waxaa uu jeediyay kadib markii uu gaaray magalada Boosaaso waxaana uu aad ugu dheeraaday hagadaamooyinka ay shacabka ku hayso Dawlada Somaliya iyo sida Puntland uga xuntahay. Dr.Faroole aya hada waxaa kulamo uga socdaan magalada Boosaaso gaar ahaan aqalka Madaxtooyada waxaana ay dabasocdaan kuwa uu lasoo qaatay Odayaasha Waxgaradka iyo Madaxwaynihii hore ee Puntland oo Qardho kusugan waxaana looga goleeyahay sidii nabad looga dhaxdhalinlahaa beelo wada daga Gobolada karkaar iyo Bari oo colaadi dhaxtaal.
-
Mudaharaad calanka Somaliya lala soo baxay oo ka dhacay Oodweyne
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
Jacaylbaro;715526 wrote: oo kalaay calanka bluugu ma bac buluug ba calan blueyow xaal qaado lol -
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Kuwait Deputy PM and FM receives Somaliland delegation KUWAIT CITY -– The Kuwaiti Deputy Prime Minister and Foreign Minister Sheikh Dr Mohammad Sabah Al-Salem Al-Sabah received a visiting delegation Somaliland on Thursday led by the President for security and development talks. Both leaders emphasized the potential to expand ties between the two nations. President Ahmed M. Silanyo expressed Somaliland’s appreciation of the Kuwaiti government’s continued support in a number of fields including hospitals and the ongoing airport projects. The President briefed his hosts about the ongoing situation in Somaliland. He discussed Somaliland’s commitment to stability, development and its role in the region. Mr Silanyo spoke of the recent changes in the country and his government’s efforts to promote new policies. He spoke of Somaliland requiring investment and interest from the international community in particular Kuwait and the GCC states. He urged Kuwait to support them with development, direct investment and technical assistance. Sheikh Dr Mohammad made it clear that the State of Kuwait is ready to push forward with mutually beneficial cooperation and bilateral ties. He added that his government will play its part in supporting the continued development of Somaliland and will introduce more projects to enhance security and improve living standards. He stressed the need to combat elements of insecurity including the issue of maritime piracy off the coast of neighbouring Somalia. Kuwait Fund President Silanyo and his delegation also met with Mr. Abdulwahab Al-Bader, the Director-General of the state-run Kuwait Fund for Arab Economic Development (KFAED), at his office in Kuwait city. The two sides discussed bilateral relations and development projects in Somaliland. The President said while it’s grateful for Kuwait’s current projects which includes US$10 to rehabilitate two airports, it hopes more financial assistance will be forthcoming. KFAED said it stands ready to continue to play its part. A statement from the Presidential Office said the visiting Somaliland delegation boarded a private helicopter on Wednesday for a short flight to the Emir’s private garden where they were invited for a lunch. They did not disclose if they met with the Emir Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah. Kuwait is roughly home to more than 4,000 Somalis from Somaliland who expressed their appreciation for the government of Kuwait. -
Waraysi xiiso Leh oo taabanaya meelo badan Garaad Cabdi rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale {Daawo+Dhagaysi} on Apr 28 Waraysi shabakada holholnews la yeelatay garaaad cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale ayuu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ka mid yihiin sida garaadku u arko shirka Aqoonyahanka Gobolka sool iyo Buhoodle ee London ka dhacay "" Garaadka ayaa ku jawaabay in shirkaasi miro dhal ahayn isla markaana ay ku shaqaysanayaan qolyo uu ku tilmaamay inay dano gaar ah leeyihiin loona baahan yahay in laga wada tashado danta umada balse aan qolana laga yeeli doonin inay majaraha ka lumayaan danta beesha shir lagu qabto London iyo Nairobi wax kala wadi maayo anagu dalkii ayaanu joognaa wax kastana waanu qabnaa dadkayagana waanu ognahay """ Garaadka ayaa mar wax laga waydiiyay inay jirto wada hadal larabo in lagu dhex dhexaadiyo walaalkiisa ka yar ee sheegta garaadnimada waa jaamac garaad ismaaciil hadalkaasna uu suuqa ku jiro ayuu kaga jawaabay":" Saldanadayadu waa mid cidna kula shuraakoobi mayno waana arimo waxba kama jiraan ah Garaadka ayaa sidoo kale u soo jeediyay qurba joogta caafimaadka qabta inay dadkooda ogaadaan waxna la qabtaan iyadoo hadal lagalay xili roobaad dadkuna uu jilicsanyahay isla markaan raashin iyo daawaba u baahan yahay"" Halkan hoose ka daawo kana dhagayso waraysiga oo dhamaystiran
-
Xukuumadda Oo Magacowday Guddida Qaban qaabada Sanad guuradda 20-aad Ee Madax banaanida Somaliland April 28th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay Guddi heer qaran ah oo agaasinta munaasibadda dabaal dega sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii ay hore ula midowday ee Soomaaliya. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyada waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garowga sannad guurada 20 aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May. Madaxwayneku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:- 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda. 3. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. 4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga 5. Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda, Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska. 6. Chief Of Protoclka Madaxtooyadda 7. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda 8. Badhasaabka Gobolka M/jeex 9. Maayarka Caasimadda Hargeysa. Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May, waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.”
-
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
DP -
Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War-saxaafadeed: Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dawladda Kuwayt Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland. Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan. Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto. Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo. Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka. Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuulin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin. Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu. Allaa Mahad Leh Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. -
Ra’ysal Wasaare Ku Xigeenka Kuwayt Oo Kulan La Yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland April 28th, 2011 Kuwayt (Somaliland.Org)- Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Kuwayt Dr. Maxamed Sabaax Al Salaam Al Sabaax, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftiga madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo socdaal shaqo ku jooga dalkaasi. Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Kuwayt waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi balaadhan. Sida lagu sheegay war saxaafadeed madaxtooyadda Somaliland ay caawa ka soo saartay kulankaasi waxa kale oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay isla maanta kulan la yeesheen madaxa Ha’yada kaalmooyinka ee dalka Kuwayt ee (Kuwait fund) waxaana war murtiyeedka madaxtooyaddu ka soo saartay kulamadaasi uu u dhignaa sidan:- “Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabaax Al Salaam Al Sabaax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsiga iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan. Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto. Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si mugleh uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka. Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuul kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin. Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.”
-
You are right there might be a possibility he might not run but i don't think age will stop him But time will tell inshallah. But not all awdal elders are against More Political parties to emerge only Sultan Jamac Samatar from awdal he is closely related to the current Vice president. Dr Gaboose Most likely wants to run for president in 2015 The Son of the late Cumar carte qaalib wants to start his own party Maxammad , And then there is Mujahid dhagoweyne with his UDHIS political organization
-
Taleexi is no longer give his allegiance to the Puntland State of Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Taleexi's topic in Politics
Jacpher;715337 wrote: Jerusalem? Holy city ? -
Taleexi is no longer give his allegiance to the Puntland State of Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Taleexi's topic in Politics
The Zack;715192 wrote: LOOL@Say walaahi... Xaaji, I wasn't talking about so much about the acronym itself, I was talking about the code "Reer Waqooyi". NSUM must have been SSC using their pen to free their land. Khaldaan and Reer Waqooyi are the same, it is a fancy way of saying your qabiil lol. Shaabaddaas waa hore bey idiin fuushay sxb... iska wata. Anyways, good move by NSUM, they can now turn their online-only articles to actions. Do u know there was a dude called in the 80s in the Somali Army called Abdi Khaldaan he was from the clans of the Garaads , in the early days when Somalilanders and koonfurians started interacting In Xammar they could not distinguish between the various clans of Somaliland.But when Somalis started moving to the west they love to label particular somali groups with clan names. -
Taleexi is no longer give his allegiance to the Puntland State of Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Taleexi's topic in Politics
^^ Where did i claim i was from North Somalia? -
AfricaOwn;715315 wrote: 1. I don't see the old man running for 2nd term after his 5 years is up. He'll probably endorse someone from his party around election time to take all his shine. 2. No political BS at the moment, the country is on a survival mode. Save that shit for later. No one from UCID or UDUB has been criticizing Siillanyo yet. Riyaale used to get a lot of shit from them when he used to travel with his wife and his personal advisor. Who said Siilaanyo is not running for a 2nd Term i think Siilaanyo will run for a second term. Siilaanyo wants to be remembered as one of the greatest Somaliland leaders ever he wants to pass by the legendary cigaal. His Govt will mainly focus on development in creating jobs and infrastructure improvement. Keep in mind Africa own this is his 4th Trip, he only went to Djibouti Ethiopia England UAE and Kuwait.
-
The Declaration of Awdal State Rattled “Somaliland” Establishment
Xaaji Xunjuf replied to Taleexi's topic in Politics
Also, the SSC’s “I told you so” may have a similar impact on Awdalities’ psyche as the two communities have had an old-age relationship against the secessionist enclave in the late fifties and early sixties in the form of United Somali Party (USP). That does not make sense because in the 50s there was no secessionist enclave there were 3 Political parties SNL NUF USP and sir dauglas hall was the governor of Somaliland -
Roobabkii Guga Oo Sii weyn Uga Da'ay Gobolada Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Mashallah Mashallah Mashallah ilahay ba mahad leh -
Dhagayso warbixin Garaad cabdi rashiid Garaad Ismaaciil oo hadlay shirka London isla markaana ku tilmaamay mid aan waxba ka soo bixin on Apr 27 Garaad cabdi rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka hadlay shirkii London ka dhacay iyo arimo kale halkan hoose ka dhagayso Riix halkan dhagayso http://www.zshare.net/audio/89491478166d0d79/