-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Wefti Culus oo ka Socda Dawladda Somaliland oo ka Qaybgeli Doona Xafladda Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo xog-warramay socdaalkii Madaxweynaha ee Carabta iyo saamaynta aqoonsiga Somaliland “Waa in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland” “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn.. Aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse…” Waraysi khaas ah - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf-raadinta Somaliland Hargeysa (Jam)- La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Maxamed-rashiid oo Jamhuuriya ugu warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah. “Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.” Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo. “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo. Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland. Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu. Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda. Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
-
A_Khadar;717876 wrote: Idon't think you even read it. Read it first and them make your comments. All you responded it the title. The dude presented cases/scenerios of why your clan lot's lie is to an end. dad dalkoodi so burburiye saaxib anigu waxba kama qoro,,, misery loves company baan maqli jiray Somaliland is a reality ama ooyaa ama hindhisa ama baroorta , This Country will for exist for ever cidna laga ma baryo not wiil Gurigisi soo gubay Iyo mid qurbaha ku hantatacay
-
Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Maxamed Rashiid Oo U Anbabaxay ka qaybgalka xaflada Madaxbanaanida Juba Suudaan 09/05/11-Hargaysa-(Bnn) - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Maxamed-rashiid oo Warbaahinta uga warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah. “Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.” Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo. “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo. Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland. Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu. Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda. Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland."
-
;);) For 20 years hoping for the Collapse of Somaliland
-
Garowe clan enclave to attack raas caseyr state in baargaal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Peace Action;717749 wrote: True and they don't realize that they are competing with regional govt rather than a national govt. Let us welcome our brethren and urge them to continue supporting the peace and progress of their regional govt, Somaliland. Competing in what in Killing each other in the holy places no thanks we rather not, or piracy perhaps no we rather fight piracy and Criminals and other social rejects. -
Garowe clan enclave to attack raas caseyr state in baargaal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Naxar Nugaaleed;717734 wrote: in another news, somalilanders continue to be obsessed with all things puntland This is more about faroole and his Garowe Militia attacking another regional state in baargaal this has nothing to do with Somalilanders or anything Somaliland. This is actually top news the people of raas casayr should be respected and they should not be attacked by hungry warlords -
Somaliland:USAID money to be spend mostly in the eastern regions.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Leezu;717710 wrote: It is good they wanna develop those areas but why now all of a sudden do they spend money on the "Eastern part of Somaliland" which SSC is in control of now. How are they gonna develop these areas of Sool, Sanaag and Cayn that is under the control of SSC, Puntland and not Somaliland? what ssc control Majority of sanaag is under Somaliland and the Majority of Sool is under Somaliland and the Cayn region is also majority under Somaliland if you exclude the buhoodle town. -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The Two Guys wearing white shirts are IOG sons and the girl in the green dress is his daughter -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Le chef de l’Etat, M Ismaïl Omar Guelleh, a successivement accueilli aujourd’hui les chefs d’Etat et de Gouvernements de pays frères et amis, venus à Djibouti afin d’assister au déroulement de la cérémonie d’investiture du Président de la République pour un troisième mandat de cinq ans qui va se tenir ce dimanche 8 mai 2011 au palace Kempinski Palace. -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Casho Sharafeed lagu Maamuusay Dabaal Degga Caleemo Saarka Madaxwaynaha Jabuuti oo Xalay loo Sameeyay Wufuud ka soo Qayb gashay Caleemo-saarka Geelle. Madaxwayne Ku Xigeenka Dalka Yemen Cabdi Rabow Mansuur,Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Daawo Sawiradda Jabuuti (GNS)-Casho sharaf Balaadhan oo Xalay loo sameeyay damaashaadka Caleemasaarka Madaxwaynaha Dalka jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Kambeski ee Magaalada Jabuuti. Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen wafti Aad u Tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxwaynaha Dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxwaynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Mahbuub Macalin, Madaxwaynaha Dawlada ku meelgaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed, Madaxwayne Ku Xigeenka Dalka Yemen Cabdi Rabow Mansuur,Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamed ibraahin Madar, Marwada koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamud Xayd ,Madaxda Ka kala socotay hayadaha Caalamiga ah ,Wafti tiro badan oo Ajaanib ah oo lagu Casuumay Casharafeedan loo Sameeyay Dabaal degga Guusha uu ka soo hooyay Madaxwayne ismaaciil Cumar geele Doorashadii ka dhacday Dalka jabuuti 8-04-2011 iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa lagu soo bandhigay Ciyaaro iyo Heeso dhaqameedyo kala duwan oo Luqado kala duwan lagu qaadayay, sida Afka Carabiga, Faransiiska, Somaliga iyo Canfariga, kuwaasi oo ay soo bandhigeen Fanaaniin Caan ah oo kala kala yimi Daafaha Caalamka iyo Dalalka Somalida. Munaasabadan ayaa ahayd mid si heer saraysa loogu soo dhaweeyay Dadkii ka soo qaybgalay loogu dabaal deggay Guusha ismaaciil Cumar Geelle ka soo hooyay Doorashooyinkii ka dhacay dalkiisa taasi oo uu kaga guulaystay Musharaxii madaxa Banaanaa ee la tartamayay Mudane Maxamed Warsame Raage. laba Hablood oo uu dhalay Madaxwayne Geelle iyo Wariye Muha Daahir Faarax -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term . Sunday, 08 May 2011 14:29 Axadle Left arrow key Next Right arrow key Close President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term here Sunday following his re-election last month in a vote boycotted by the opposition. "I, Ismael Omar Guelleh, swear before God and my people that I will assume this heavy mission with transparency and justice," he said during a ceremony attended by several regional leaders, including Presidents Omar al-Bashir of Sudan, Meles Zenawi of Ethiopia and Sharif Cheikh Ahmed of Somalia. Beshir attended the ceremony even though he is wanted by the International Criminal Court (ICC) on charges of genocide, war crimes and crimes against humanity in Sudan's western Darfur region and Djibouti is party to the ICC. ICC statutes dictate any member country should arrest him if he visits, and Bashir had not travelled to Djibouti since he was first indicted by the ICC in 2009. France, Djibouti's former colonial ruler, was represented at the inauguration by Cooperation Minister Henri de Raincourt while the United States sent its deputy assistant secretary of state for African affairs, Karl Wycoff. Guelleh, in power since 1999, won a third term with around 80 percent of the vote in the April 8 election that was boycotted by the opposition, defeating his only challenger, Mohamed Warsama Ragueh, a former head of the constitutional council running as an "independent". Last year, Guelleh had parliament amend the constitution to allow him to seek another term, trimmed down to five years from six, sparking an opposition outcry and fuelling unprecedented demonstrations in February. Opposition leaders at the time had hoped to turn a student movement into an Egypt-style protest to demand regime change but the largest demonstration turned violent on the first day and soon fizzled out. The protests were the largest since Djibouti obtained its independence from France in 1977 Read more: President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term http://www.axadle.com/africa/president-ismael-omar-guelleh-of-djibouti-was-sworn-in-for-a-third-five-year-term.html#ixzz1Lm9Wxijw -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Djibouti president sworn in for new five-year term “I, Ismael Omar Guelleh, swear before God and my people that I will assume this heavy mission with transparency and justice,” he said during a ceremony attended by several regional leaders, including Presidents Omar al-Bashir of Sudan, Meles Zenawi of Ethiopia and Sharif Cheikh Ahmed of Somalia.Beshir attended the ceremony even though he is wanted by the International Criminal Court (ICC) on charges of genocide, war crimes and crimes against humanity in Sudan’s western Darfur region and Djibouti is party to the ICC. ICC statutes dictate any member country should arrest him if he visits, and Bashir had not travelled to Djibouti since he was first indicted by the ICC in 2009. France, Djibouti’s former colonial ruler, was represented at the inauguration by Cooperation Minister Henri de Raincourt while the United States sent its deputy assistant secretary of state for African affairs, Karl Wycoff. Guelleh, in power since 1999, won a third term with around 80 percent of the vote in the April 8 election that was boycotted by the opposition, defeating his only challenger, Mohamed Warsama Ragueh, a former head of the constitutional council running as an “independent”. Last year, Guelleh had parliament amend the constitution to allow him to seek another term, trimmed down to five years from six, sparking an opposition outcry and fuelling unprecedented demonstrations in February. Opposition leaders at the time had hoped to turn a student movement into an Egypt-style protest to demand regime change but the largest demonstration turned violent on the first day and soon fizzled out. The protests were the largest since Djibouti obtained its independence from France in 1977. ahram.org -
ismacil cumar geele inauguration ceremony in Djibouti Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Al-Bashir to Attend Djibouti President’s Inauguration Sunday Sunday, May 8th, 2011 at 6:45 am UTC Posted 8 hours ago Djibouti President Ismail Omar Guelleh will be sworn in for a third term Sunday before a host of dignitaries and state leaders, including Sudan President Omar al-Bashir. Mr. Bashir's attendance has sparked controversy because for a third time, he has defied an arrest warrant by the International Criminal Court. Djibouti is a member of the ICC, but there is no indication Mr. Bashir risks arrest for alleged war crimes, genocide and crimes against humanity in Darfur. The Sudanese president has also attended events in ICC member states Kenya and Chad with no threat of detention. Mr. Bashir's visit to each country has been criticized by human rights groups. -
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Axad, May 08, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas oo uu kaga guuleystay murashaxii la tartamaya ee Max'ed Warsame Raage, waxaana xaflad dhaarinta ka qaybgalay madax ka kala socday dalal dhowr ah. Xafladda oo ka dhacday Hotel Kambisk ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo madax kale oo u badan Afrikaan. Dhaarinta kaddib, ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay madaxweynaha xilka loo dhaariyay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubnihii lagu casuumay inay ka qaybgalaan xafladda caleemo saarka, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jeediyay hadal u badan guubaabo iyo dardaaran. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula kulmay xafladda kaddib xubnihii caleemo-saarka kasoo qaybgalay. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 63-jira ah ayay shacabka dalkiisu u doorteen inuu hoggaamiyo mar saddexaad bishii lasoo dhaafay ee Abriil, balse murashaxii uu la tartamaya ee Raage ayaa diiday codadkii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada tirintii codadka kaddib. Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay u diiday inay doorashada ka qayb-galaan, waxayna sabab uga dhigeen diidmadooda in guddiga doorashada uusan ahayn mid dhexdhexaad ah oo uu la safan yahay xisbiga talada haya ee RPP. Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ku yaalla bariga Afrika ayaa wuxuu xorriyadiisa ka qaatay sannadkii 1977-kii gumeytihii Faransiiska, waxaana intii uu xorta ahaa madaxweyne kasoo noqday Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon iyo madaxweynaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geelle.
-
Somaliland:USAID money to be spend mostly in the eastern regions.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland oo Deeqdii ugu Badneyd siisay Gobalka Sanaag , maxay tahay sababtu Posted by Muumin Yare on May 8, 2011 in Warar | 0 Comment Hay,ada USAID ayaa si hordhac ah u soo gaadhsiisay S Somaliland Dee ay ugu tala gashay inay ku hormariso Deegaqanada Somaliland, deeqadan oo gaadhaysay 1.800.000 oo dollar ( hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo dolar ayaa lacagtii ugu badneyd waxaa la siiyy gobalkaka sanaag Taa oo gadheysa 580,000 oo dollar , lacagtan ayaa loogu talahgay in lagu hormariyo qaybaha kala duwan ee baahiyaah u qabana Deeganada, hadaba Sida loo kala siyey magaaloyinka Gobalka sanaag, Ceerigaabo .300.00 oo dollar Dhahar .100,000 o dollar Ceelafweyn 50,000 oo dollar gar adag 50.000 o dollar Sool. oo dhan 200.000 hargaysa . 100.000 Berbera. 100.000 togdheer . 150.000 Sidoo Kale Wararka Qaar ayaa sheegay in Lacago kale loogu talahayy degmooyinga Badhan . iyo laasqoray taas o gadhaysa 160.00 oo dlloar maamulka Somalland ayaa xusul Duub ugu jira Sidii uu u soo xreo Gashan lahaa, bulashaweynta Reer maakhir Ee ku dhaqan Deeganadknada Gobalada haylnad iyo sanaag, kuwaas oo uu ka doonayo inay siiyaan tageero buuxda, Waa markii ugu horeysat oo deeqa noocan oo kale ah la siiyo Gobalka sanaag Walow ay hatan soo gaadhin lacagtan deeganadi loogu tala galaay -
08/05/11-Jabuuti-(Bnn) Hay’ada USAID ayaa si hor dhac ah Xukuumada Somaliland u soo gaadhsiisay Deeq ay ugu Tallo gashay Horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Deeqdan Hordhaca ah ayaa ahayd 1.800,000 oo Doolar (Hal Milyan iyo Sideed Boqol oo Kun oo Doolar) warar sir ah oo uu helay Wargeyska Foore ayaa sheegaya Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabboose) uu sar jaray Saamiyada hordhaca ah ee ay kala helayaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalku. Sida ay sheegayan wararka xogogaalka ah ee arrintan la xidhiidhaa, Wasiir Gabboose ayaan Deeqdaasi waxba ka siin Degmooyinka Huluul, Badhan iyo Xiis. inkasta oo uu gobolada bariga uu sad bursiimo uga muuqato saami qaybtintan hordhaca ah. Halka uu Deeqdaasi u qorsheeyay Gobolada Saaxil, Hargeysa iyo Awdal iyo Waliba Degmooyinka Hoos yimaad in yar $150.000. Sida ay wararkaasi sheegayaan Wasiir Gabboose ayaa Lacagtaasi Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ugu kala qorsheeyey sidan: NO Gobol ama Degmo Derejada Degmada Lacagta la siiyay 1. Gobolka Sanaag $580.000 2. Gobolka Sool $200.000 3. Gobolka oodwayne $100.000 4. Gobolka Togdheer $200.000 5. Degmada Ceerigaabo A $300.000 6. Degmada Maydh D $50.000 7. Degmada Dhahar $100.000 8. Degmada Dararwayne D $200.000 9. Degmada Ceel Afwayn B $50.000 10. Degmada Gar adag B (Degmo Doorasho) $50.000 Tibaaxaha aanu helnay waxa ay sheegayaan in Wasiir Gabboose uu qaybinta Deeqdan ka reebay Degmooyinka Huluul oo ah Derejada D. Degmada Badhan oo ah Darajada B. Degmada Laas qoray oo ah Derejada C. iyo Degmada Xiis oo ah Darajada D. Isku gaynta Lacagtan ayaa noqonaysa $1650.000 waxana la sheegay in Gobolada iyo Degmooyinka kalena ugu deeqay Lacagta inta soo hadhay oo gaadhaysa $150.000. Gobolada Saaxil, Hargeysa iyo Awdal iyo waliba Degmooyinka hoos yimaad ayuu Wasiir Gabboose u qorsheeyey in uu ugu deeqo Lacagta soo hadhay oo gaadhaysa $150.000. lacagtan oo ah mid aad u yar marka loo eego baaxadda gobolada galbeedka Somaliland marka la barbar dhigo saamiga uu ka siiyay gobolada bariga. Dr.Maxamed Cabdi Gabboose ayaa Tallaabadan qaaday waqtigii uu ku gudo jiray Socdaalkii uu dhawaan ugu baxay Gobolada Bariga Somaliland. Sida ay wararku sheegayaan waqtiga uu Wasiirku Tallaabadan qaaday oo ku beegnayd Markii uu Madaxwayne Siilaanyo Socdaalka ugu maqnaa Wadamada Carabta ayaanay jirin cid la ogi. Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Mudane,C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo Dalka sii Maamulayay Mudadii uu Madaxwaynuhu maqnaa ayaa sida wararku sheegayaan aan waxba ka ogayn Qorshahaha uu Gabboose ku qaybiyay Deeqdaasi. Sida la sheegay Tallaabadan uu Wasiir Gabboose qaaday ayaa lala xidhiidhinayaa ololihii uu ka waday Bariga ee ahaa Furashada Ururada Siyaasiga ahaa. Lama oga ilaa imika sababta dhabta ah ee ku kaliftay sad bursiga uu ku sammeeyey Gobolada iyo Degmooyinka qaarkood uu kula kacay Gobolo iyo Degmooyin kale.
-
Garowe clan enclave to attack raas caseyr state in baargaal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
VOA-da oo Saaka Warkeedii ku Sheegtay in Puntland weerartay Calula iyo Baargaal Posted by Boosaaso on May 8, 2011 in Warar Idaacaada VOA-da ayaa Laanteeda Af-Somaliga ee Hadashay Subixii waxay Saaka ku sheegtay inay PL Weerartay Buuraha Baargaal iyo Calula isla markaana Isgaarsiintii laga jaray Maamulkaasi Raascaseyr State, Ma aysan sheegin Idaacadu cid ay xigtay has yeeshe waxay Iftiimiyen in ay heleen xog hoose oo sheegaysa Weerarka deegaankaasi. Boggan GalGalaNews ayaa isna shalay Qoray in Guud ahaan Isgaarsiintii laga jaray Baargaal iyo Calula Maamulka Puntland isu diyaarinayo Weerar Xoogan oo u ku qaadau Maamul Goboledka ay dariska Yihiin ee Raacaseyr State. Guud ahaan Bosaaso ayaa degan Maanta in kastoo ay Jiraan warar sheegaya in Odayaal Reer Baargaal ah la xidhay walow aanu warkaasi ahayn Mid Soo Shaac baxay. -
oo ma waxa laga hadlayey Gunter Bishos mise ninki dumarka filimada anshax xumada ka duubay todobaantajirka eeh Sheikh adan siiro ka dhidhiyey dhaqanxumada dalka u ka waday wana ninki yidhi ninka sharciga islaamka hala mariyo oo hala dilo and he was right Mise waxa laga hadlayey Sh adan siiro iyo fikirkisa u ka leeyahay,, dagaalka qawaan ay Maraykanku ku hayaan Islaamka waxa kala saar iyo khubadisi u ku sheegey in anay sharcigu islaamku wafaqsanayn in qof islaam ah bada hoosteda lugu aaso xita ta bina adanimadu ma wafaqsnaa taas intasu Sheikhu Yidhi hadaad ta ka hadlaysid ka hadal laakin waxba hadalkisa ha duwin oo wax usan sheegin ha ka sheegin ama ceeb aanu lahayn ha sheegin.
-
Stratex plans to expand in Djibouti, Ethiopia on promising gold finds (DJIBOUTI) Gold exploration company Stratex International said on Friday it was actively exploring its firstmover land position in the Afar region in Ethiopia and Djibouti. Stratex has already made gold discoveries, such as Blackrock and Megenta, in the Afar region in borders between Djibouti and Ethiopia. The company had identified a total of 14 km outcropping epithermal veins at Blackrock where recent rock-chip samples returned grades of up to 60,4 g/t gold from the Black Water zone. “It is our intention to continue to build our land position in the region and to implement defined exploration programs to advance our discoveries through the resource development cycle and in turn prove the economic potential of our East African assets,” said chairperson Christopher Hall in the company’s annual general meeting statement. Stratex had signed an agreement with South Africa’s AngloGold Ashanti joint-venture company Thani Ashanti to fast-track development of its first 11 prospects identified within the Afar region. Thani Ashanti can earn 51% of the Afar project by spending $3-million on exploration and development over two years. Drilling would also start within the week at Stratex’s other significant discovery in the region, Megenta. Meanwhile, Hall said that the company’s Turkish portfolio with its advanced gold exploration projects and defined Joint Ore Reserves Committee resources of 1,31-million ounces of gold, on a JV-inclusive basis, offered Stratex near-term exposure to development and production. “Our Inlice and Altıntepe gold projects are presently being advanced by our partner with the aim of gold production in 2012 and 2013 respectively,” said Hall. Stratex was also fast-tracking three other key exploration targets in Turkey, including Öksüt, Hasançelebi and Muratdere. “At Öksüt, we have already defined an independent Jorc resource of 317 256 oz. gold, which we hope will continue to grow with our ongoing drilling programs,” said Hall Stratex was fortunate in having major mining partners funding the majority of its activities in both Turkey and East Africa.
-
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Thankful on 19 jan burco entirely fell into the hands of SNM Hargeysa allready fell in the hands of the SNM in nov 1990 and berbera fell in the hands of SNM 23 jan 1991. and Siyad barre fled on 26 january 1991 While laywacade fell in the hands of SNM in 1989 Qurilugud fell in the hands of SNM in 1989 Baligudbudle plus oodweyne fell in the hands of SNM in 1988. i told you can not just declare independence it needs lots of work lots of negotiations. salax when Amxed mire left burco in begin june 1988 yes he went to ceel afweyn on his way to ceerigaabo. Thankful .Also we needed to elect a new executive committee a new leader for the country new Guurti elders that all took time. -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Che -Guevara;717599 wrote: That's not the case since this is Somali site. Let's ask JB he knows.