-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Saalax;717192 wrote: Khadar thinks non sland somali webistes were with the Somaliland delegation lol. ;) -
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Saalax;717180 wrote: Xaaji Xunjuf some people are very desperate lol. They dream of Siilaanyo being their president when they photoshopped him with their flag. Well sorry you can't have Siilaanyo he is currently the president of Somaliland. Maybe when his terms finishes kkkk. I have noticed that to they Love Siilaanyo it was Abdirisaaq Xaaji Xuseyn Former Pm who asked Siilaanyo to go the Embagati Pig Farm in Kenya to claim the President of the TFG in 2003. We know Saado cali she also Asked Siilaanyo to lead the Koonfurians. Not to forget Mawlid Macaane so you are right some people are desperate. -
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
i deal with facts not with fiction Kiddo now go to Waagacusub and claim it as a reliable source -
A_Khadar;717176 wrote: Does s/l accepted that he is the official garaad, Garaad Jamac garaad Ismacil ... Where his brother that you posted here few times as he is the real garaad... Is garaad jamac looking for recognition from Somaliland His brother is in laascaanood garaad cabdirashid garaad ismacil the eldest son of garaad ismacil
-
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
what flag there was only one flag the kuwait flag i posted this picture 28 april 2011 when did the fake picture came on the net 29 april, the day siilaanyo met with the Somaliland Community in kuwait http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/56027-Somaliland-delegation-meets-with-kuwaiti-government-officials-PICS -
Cadaad Laascanood Niman u dhashay ayaa haysta eeh yaa laga xoreynaya Dheygeso Cabdilahi Axmed Cadaad Gudoomiyaha Jaaliyada Beelaha Sool eeh Toronto Ahna wakiilka Garaad Jamac garaad Ismacil eeh wadanka Canada. Cabdilahi Waxa kalo oo u aragtadiisa ka dhiibtay Shirki London kana xogwaramay Wxii ka khaldana iyo sida loo sixi laha. Listen here http://taleex.net/2011/05/01/cabdulaahi-axmed-laascaanood-niman-***********-ah-ayaa-haysta-ee-yaa-laga-xoreynayaa-dhageyso
-
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
General Duke;717166 wrote: ^^^The Truth that NW Somalia & Hargaysa are still part of the republic of Somalia. Truth is Faking pictures will not take you Koonfurians any where nor will it stop piracy or will it bring back peace and stability in your clan enclave or that Failed country you are from. -
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
What truth the photoshopped Truth some koonfurians Think Mujahid Siilanyo supports them or Likes them Siilaanyo fought a 10 year war against what you call Somalia. It was during his reign as an SNM chairman the SNM flag was raised on parts of Somaliland in 1988 and the Somalia Flag was removed from our land. -
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Madaxweynaha oo markii uu degay Calanka Somaliland ku dul istaagay,iydoo la wada ogyahay in KELMADA TOWXIIDKU ku qaran yahay,ma aqoon daraa mise waa isbedekii Kulmiye dadka iyo dalka u balan qaaday). oo ma kabaada ku taala tawxiidku looooool -
In Siilaanyo’s Trip to Kuwait, Acceptance to Union Symbol.
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
I posted the Picture first on sol when Siilaanyo met the deputy Prime minister and Foreign Minister of kuwait a day later they came with that photoshopped picture. -
Muhammad Haji Ibrahim Egal was the prime minister of the state of Somaliland Chairman of the SNL party leading the delegation From Somaliland Which led to the union of the State of Somaliland and Somalia in 1960. He later became the Prime minister of the short lived Somali republic For two years. But his legacy will be that of Somaliland the longest serving president of Somaliland from 1993 till 2002. President Maxamamd xaaji ibrahim cigaal will be remembered for creating the Somaliland constitution and all the government institutions disarming all the clans and clan factions and creating Ciidanka qaranka the Somaliland National army and police force and intelligence service. Holding clan meetings with all the clan chiefs of Somaliland , which let to the outcome when he created the Somaliland house of lords or Guurti.president cigaal also successfully he managed to establish bilataral trade with foreign countries and he also introduced the Somaliland Shillings. currency of Somaliland and the Somaliland passport. Creating the Somaliland 3 political party system in 2001, President cigaal put all his energy in Somaliland in his 9 years reign. a real statesmen indeed.His legacy will live on
-
Wasiirka Duulista Oo Ku Guulaystay la Xisaabtanka Ha’yadaha Maamula Cashuuraha Hawada Somaliland May 5th, 2011 Nairobi(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka qeyb galay shir qaramada midoobay ku qabatay Kenya oo lagaga hadlayay cashuuraha hawada sare ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu wasiirku ku guulaystay inuu la xisaabtamo shirkada qandaraaska ku haysatay inay maamusho hawada sare ee Somaliland CACUS). Sidaasi waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya, oo tafaasiil lagaga bixiyay nuxurka iyo natiijada ka soo baxday shirkaasi., waxaanu war saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org uu u dhignaa sidan:- “Wefti ka kooban sadex xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Muxumed Cabdi Caamir iyo Maxamed Xirsi oo maalintii Salaasadii soo gaadhay caasimada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay si rasmi ah uga qeyb galay shir heer sare ah oo lagaga arrinsanayay sida loo maamulo cashuuraha hawada sare ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda Hayadaha UNDP , ICAO iyo waliba shirkadii gacanta ku haysay maamulka hawada sare ee Somaliland iyo Soomaaliya todoba iyo tobankii sanadood ee u danbeysay ee CAUCUS. Shirka ayaa arbacadii ku furmay jawi aad u kulul kadib markii Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi uu gaashaanka ku dhuftay in wixii imika ka danbeeya aanay marnaba Somaliland aqbali doonin in ay u daba fadhiisato maamulka hawadeeda sare cid kale isla markaasna ku eedeeyey Ha’yada CACUS oo iyadu maamulaysay mudooyinkii u danbeeyay hawooyinka sare ee Somaliland iyo Soomaaliya ay lunsatay lacago badan. Sidoo kale waxay Weftigii ka socday wasaarada duulista Somaliland iyo kuwii ka socday Somaliya intuba ku eedeeyeen shirkadaas (CACUS) in dakhliga sanad kasta oo dhan 6 Milyan oo dolarka maraykanka ay ugu tagri fasho si fool-xumo ah oo aan sharciga waafaqsanayn. Tusaale ahaan 70% lacagtaasi waxay ku baxdaa mushaharooyin badankooda lagu cuno Nairobi iyadoo sadex la taliye oo kiiniyaan ahi gaar keligood u qaataan $571.350 Dollar sanadkii oo ay u dheer tahay kharashka habeen dhexa, taasi waxay keentay in madaaradii Somaliland iyo Soomaaliya ee loogu tallo galay in lagu horumariyo agabkooda aanay waxba gaadhin. Guntii iyo gebogebadii shirkaas ayaa la isku raacay in wixii maanta ka danbeeya laga soo wareejiyo gacan ku haynta maamulka hawada sare ee ay ku keliyeysatay Ha’yada ICAO iyo shirkada CACUS oo la sameeyo guddi dhexe ‘Steering Committee’ oo ka kooban Ha’yadaha UNDP,ICAO,Somaliland Iyo Soomaaliya. Gudidan ayaa ka koobnaanaysa shan xubnood oo kala metela dalalka Somaliland , Soomaaliya iyo waliba Ha’yadaha UNDP Iyo ICAO , inkastoo ay Ha’yada ICAO soo jeediyeen in Hoggaanka gudidani ee joogtada ah noqoto dawlada TFG-da Soomaaliya, arinkaas waxaa gaashaanka u daruuray xunihii metelayay Somaliland kadibna waxaa la isku raacay in hogaanku noqdo wareegto oo waxaa kolba gudoomiye noqonaya qof kasoo jeeda Somaliland ama Soomaaliya. Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu qaado Wasiir Duulista iyo Hawada Somaliland ah tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda sanadkii 1991kii, iyada oo wasiirradii xukuumadihii hore oo aad ugu taamayay aanay ku guuleysan inay si cad ula xisaabtamaan Ha;yadahan gacanta ku haya hawada sare ee Somaliland. Shirkan ka qeyb galkiisu wuxuu ka turjumayaa siyaasada xukuumada cusub ee odhanaya in aan marbana Somaliland ka mid noqon shir lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee dawlad loogu dhisayo dalka Soomaaliya balse laga qeyb galo shirarka lagaga arrinsanyo arrimaha horumarinta ee ay gadh wadeenka ka yihiin beesha caalamku ama wax hore inooga dhexeeyey la inoogu qeybinayo.”
-
Somaliland delegation visits the republic of Djibouti
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dawladda Mareykanka oo Bilowday inay Kalmooyin Toos ah Siiso Hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org) – Dawladda Mareykanka ayaa bilowday inay mashaariic horumarineed ay markii u horreysay ay si toos ah u siiso Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland. Dawladda Mareykanku wxay shir hawleed socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu darsayo baahiyaha Somaliland ay ku qabanaysaa dalka Jabuuti, waxaana ka qaybgalaya 73 xubnood oo ka kala socda Wasaaradaha Dawladda, ururadda Bulshadda Ray’idka ah iyo Shirkadaha Ganacsiga ee dalka. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa xuno ka ah Wasiirradda Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsadde iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Md. Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkod, Maayaro iyo Badhasaabada Gobollada qaarkood. “Weftigan balaadhani waxay ka qaybgalayaan kulan balaadhan oo ay Jabuuti ku qabanayso Hay’adda Kaalmooyinka u qaabilsan Mareykanka ee USAID, taasi oo kaalmo toos ah siinaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud, mashaariicdaasi oo la doonayo in saamayn toos ah ku yeeshaan Wasaaradaha Dawladda,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh. Agaasimuhu wuxuu sheegay in shir hawleedkaasi lagu falanqeynayo sidii loo kala horaysiin lahaa baahiyaha kale duwan. “Mashaariicdan tooska ah ee dawladda Mareykanku siinayso hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland waxay markhaati cad u tahay nabadgelyadda, maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, kaalmooyinka Mareykanku ina siiyo wuxuu inoo soo marin jireen Hay’ado markaa waa markii u horeysay ee USA ay si toos ah hay’adaheena dawliga ah ula shaqeyso. Waxa hore u jiray todoba Wasaaraddood oo ay mashaariic u soo marin jireen hay’adaha IOM,” ayuu yidhi Agaasimaha oo ka mid ah weftigaaasi oo maanta u waramayay Radio Hargeysa. Cumar Maxamed Faarax -
islaantan iska daya sidan us u heley waan so heley slaanta muhimadu wa taas hadana halaga faaloowdi farintay uso gudbisay faroole iyo mamuulkisa;) A khadar adeer anigu wararka Somalida oo dhan ba so gudbiya ama ha noqoto war ku sahabsan Jabuuti Somaliland Mamuulka garowe Alshabaab ama dawlada Federaalka marka dee tani na wa wareegtadi waxba ha u qadan adeer.
-
Somaliland delegation visits the republic of Djibouti
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Shir Caalami ah oo Jabuuti uga Furmaya Somaliland iyo Sanduuqa Mucaawanada Maraykanka Wed 04th May,2011 Hargeysa (Jam)- Shir caalami ah oo ay ku kulmayaan Somaliland iyo sanduuqa gargaarka dalka Maraykanka ee USAID, ayaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah Somaliland uga qaybgalaya ergo gaadhaysa 60 xubnood oo isugu jira dawladda, ururrada bulshada iyo ganacsatada iyo madaxda hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAID. Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii la isula meeldhigi lahaa qorshe ballaadhan oo Maryakanku ku horumariyo Somaliland, iyadoo xoogga la saarayo hay’adaha dawladda, ganacsiga iyo ururrada maxalliga ah, isla markaana si toos ah loola macaamilayo oo aan hay’ado caalami ah loo soo marin. Hay’adaha dawladda ee sida gaarka ah shirkan loogu martiqaaday ayaa ah saddex wasaaradood oo kala ah Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, kuwaas oo la doonayo in horumarin lagu sameeyo. Weftiga ka socda Somaliland ee shirka ka qaybgalay oo maanta diyaarad khaas ahi ka qaadi doonto madaarka Hargeysa, waxa hoggaaminaya saddexda Wasiir ee wasaaradaasi oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xuseen Axmed Caydiid. Xubnaha kale ee weftiga ayaa iyaguna isugu jira agaasimayaal ka socda wasaaradaha dawladda, qaar ka mid ah maayirada magaalooyinka waaweyn, xubno ka socda ururrada bulshadda rayidka ah iyo ganacsatada dalka. Shirka oo furmaya maanta waxa la soo gebogabayn doonaa 8 bishan, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo la xidhiidha nidaamka Maraykanku u caawinayo Somaliland iyo mashaariicda u baahan in la horumariyo. -
Macalimiin Lagu Xidhxidhay Laascaanood Iyo Ardayda Oo Ka Mudaharaaday
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
Wa nin argagixiso loogu tuhunsanyahay wanu xidhnayaya inta ay badhitaanku socdo. -
Somaliland delegation visits the republic of Djibouti
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
waftigii ugu ballaadhnaa abid xukuumaddaha jsl oo u kicitimay dalka j. jibouti. Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa oo ka kooban 73 ubnood ee ka socda dawladda JSL ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka J. Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha'yadda kaalmooyinka u qaabilsan Dalka Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qeyb gelyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawladda Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay u siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha'yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan mas'uuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya J. Somaliland iyo J. Jabuuti oo ah laba dal oo walaalo ah oo daris ah. SL Media -
Berbera: Xuska Loo Sammeeyay Sannad-guurada Sagaalaad ee Marxuum Cigaal iyo Waxyaabihii Laga Yidhi Shakhsiyadiisa Berbera, -(Berberanews)- Xuska Sannad-guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay geerida madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,ayaa laba munaasibad ay iska kaashadeen shebekadda Berberanews iyo Ururka Dhallinyaradda Somedo xalay lagu qabtay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil. Munaasibad-xusuuseedka waxa ka soo qaybagalay Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Kahadar Cali Cimi, Maayar-ku-xigeenka Berbera Cabdi Jaamaca Faduul, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, Agaasimaha Haamaha Shidaalka Berbera Dr. Shiine Cabdi Barkhadle, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Saleebaan, masuulliyin kale iyo dhalinyaro tiro badan. Madaxda iyo masuulliyiinta munaasibada ka hadlay waxa ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka xasuustaan shakhsiyada Marxuum Cigaal iyo sida uu qiimaha ugu leeyahay guud ahaan shacabka Somaliland. Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera Cabdi Jaamac Faduul, ayaa u mahadnaqay qabanqaabiyayaasha xuskan, waxaannu sifo ka bixiyay shakhsiyaddii Marxuum Cigaal, “Waxaan halkan mahad ballaadhan uga dirayaa shebekadda Berberanews iyo SOMEDO xuska aad sammayseen waxaan u arkaa waajibaad aad gudateen, maadaama uu Cigaal ahaa halyaya inagu qaali ah. “Marxuum Cigaal wuxuu muddo badan ka soo shaqaynaya sidii umadani u noqon lahayd mid dhisan, Marxuum Cigaal wuxu ahaa ahaa ninkii abuuray Somaliland, taariikhda adduunka buuga Enyclopidea waa laga helayaa, wuxuu hormood u ahaa dadkii dagaalka badan u soo galay xoriyadii ingiriiska aynu ka qaadanay 60kii, kaasoo maal, naf iyo moodba u huray, aduunkiisii wuxuu ku baxay xornimada Somaliland. Marxuum Cigaal 1960kii wuxuu ahaa ninkii boqorada Ingiriiska ka soo saxeexay xornimada Somaliland, isagoo ay xubno kale oo reer Somaliland ahi weheliyeen. Marxuum Cigaal aragtidiisu waxay ahayd inaynu gaadhno xornimmo buuxda oo dhinacyada dhaqaalaha, iyo siyaasada iyo in qof kasta oo Somaliland uu helo waxbarasho, caafimaad, tacliin iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Qofkasta oo ummadiisa iyo dalkiisa u soo halgamay wuxuu xaq u leeyahay in xus loo sammeeyo, qolada xuskan sammaysayna way mahadsanyihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyeku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera. Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maamulaha Jaamacadda Gollis Berbera, ayaa sheegay inaanay Somaliland jirteen haddii aanu Marxuum Cigaal aanu joogeen, “Somaliland 21-ka sanno ee ay madaxa la gashay ma jirteen hadii aanu marxuum Cigaal dalka ku soo noqon lahayn 1993kii, isagaana lagu tilmaamaa aabihii Somaliland.” Xildhibaan Naasir waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu ku xasuusto Marxuumka, “1993kii markii la fadhiyay Boorame, ayaa wefti uu hogaaminayo Marxuum Cigaal laga magacaabay gobollada loo diray Addis Ababa , halkaasoo ay ku shirayeen kooxihii kala duwanaa ee faraha badnaa ee wixii Somalia laysku dodhan jiray magacooda huwanaa,ayaa markii weftigu gaadhay, ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxay qaadeen heestii calanka “Soomaaliyeey tooso, Soomlaaiyeey” markii heestii dhammaatay ayuu Cigaal yidhi ‘heestani halkii ay naga damqi jirtay waanu ka bogsanay’ maalintaasay nin kasta u cadaatay inaanay Somaliland sidii hore ahayn ee ay dhabada cagta saartay.” Waxaan xusuustaa wakhtiyadii dagaalada sokeeye daba dheeraadeen, ayuu Marxuum Cigaal khudbad uu jeediyay, gaar ahaan isagoo la hadlayay raggii qoodha isu haystay wuxuu ku yidhi ‘Waar miyaa naga nala kicinayseen, mise waa naga kacsanayseen?’ taasoo uu ula jeeday nidaamkii xummaa ee ******ta.” Ayuu yidhi xildhibaanku. Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee Marxuum Cigaal u soo maray xornimada Somaliland iyo sidii uu uga shaqeeyay dhismaha haykalka dawladnimmo iyo nabadgelyada ka tisqaaday Somaliland. “Waa geesi, waa halgamaa ka baxay Somaliland.” Ayuu yidhi waxaannu agaasimuhu intaa raaciyay,“ Anigoo u mahadcelinaya dhallinyarada soo qabanqaabisay xuskan, waxaanse jeclaa in madaxdii u sarrasay gobolku ay joogaan oo ka soo qaybgalaan.” Isu-duwaha Wasaaradad Diinta iyo Aw-qafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan Siciid oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay waxqabad warbaahintu la timaado, iyadoo laga cawdo, waxaannu yidhi, “Qolyaha warbaahinta waa laga qaylin jiraye mar haddii ay wax qabteen waxaan leeyahay waa wax lagu farxo.Marxuum Cigaal waa halyay reer Somaliland ah,marka labaadna waa halyay gobolka Saaxil ee uu ku aasanyahay ka soo jeeda, qiimaha iyo qaayaha Ilaahay siiyay ayuu ka mid yahay.” Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi, ayaa isaguna ka xogwaramay aas-aaskii shebekadda iyo cida fikirkeeda lahayd,“Shebekadda Berbera oo la aas-aasay July 2008 waxa fikirkeeda dhaliyay dhallinyaro ka soo jeeda gobolka Saaxil oo jaamacadaha dhigata, kuwaasoo ka damqaday duruufaha warbaahin la’aaneed ee gobolka ka taagnaa, maadaama aanay dadweynaha gobolku haysan madal warbaahineed oo ay rayigooda ku cabiraan, kuna soo bandhigaan baahiyahooda, islamarkaana isku xidh u noqota qurbojooga Saaxil sidii ay kaalmo uga geysan lahaaeen horumarintiisa.” Tifatiruhu waxa uu ayaan-daro ku tilmaamay in madaxda gobolka Saaxil ka gaabiyaan xuska Marxuum Cigaal, waxaannu yidhi, “Marka laga hadlayo Marxuum Cigaal, anigu taariikh badan kama hayo, waayo nin dhallinyaro ah baan ahay oo waa layga badiyaa, laakiin waxaan ku sifayn karaa inuu yahay aabihii iyo aas-aasihii Somaliland, nasiib daro-se madaxda Gobolka Saaxil iyo Somaliland oo dhami way ilaabeen abaalkii uu Marxuum Cigaal ku lahaa looma gudin, madaxda Saaxil waxay masuulliyadi ka saarantahay inay hormood ka niqdaan xusaska aabihii Somaliland.” Maxamed Xarrago waxa uu ka hadlay waxyaabaha ka hirgalay ujeedooyinka loo aas-aasay shebekadda “Maxaa ka hirgalay asbaabihii aanu u aas-aasnay? Waxaannu kor u qaadnay codkii bulshada Saaxil oo aanu meelkasta gaadhsiinay, waxa kale oo aanu suurtagelinay cilmi-baadhisyo aanu ugu kuurgalnay xaaladda Gobolka Saaxil oo aanu warbixinno iyo filimi documentary ah ka sammaynay, soona bandhignay.” Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada SOMEDO Mubaarig Cismaan Yusuf, ayaa isaguna “Xuskan waxa soo qada qabanqaabiyay Ururka dhallinyarada SOMEDO iyo shebakadda Berberanews oo uu inagala joogo titatiraha Maxamed Xarrago oo dedaalka ugu badan iyo hawsha badankeeda lahaa. Guddoomiyaha SOMEDO waxa uu sheegay in ururkan oo xaruntiisu tahay Berbera ay ku bahoobeen dhallinyaro fara badan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan dhinaca waxbarashada oo ay tartanno waxbarasho oo badan ka fuliyeen Berbera.” Mubaarig waxa uu ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay firikan, “Markii aanu aragnay inaanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo loogu diyaargaroobayo xuska sannadguurada sagaalaad ee Madaxweynaheenii hore, annagoo la kaashanayna shebekadda Berbera news waxaannu qabanay koob ay ku tartameen laba tiim oo Berbera ka dhisan, waxaana mudan in haldoorkeena la karaameeyo, maadaama Cigaal ahaa halyay qarankani lahaa.” Ayuu yidhi Mubaarig. Gebogebadii xuskan Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Kahadar Cali Cimi,iyo Isu-duwaha Ciyaaraha Shaafici Jaamac Aadan ayaa Koob ay ay iska kaashadeen Berberanews iyo SOMEDO oo ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayay maxrxuum Cigaal guddoonsiiyay Kooxda Dawladda Hoose ee 2-1 kaga badisay Kooxda Marines-ka oo shalay galab ciyaar dadweyne fara badani ka sooqaybgaleen daawashadeeda ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta Bursade.
-
Wefti 73 Xubnood Ah Oo U Socdaal Ku Tagay Dalka Jabuuti May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa ee ka socda Somaliland ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha’yada kaalmooyinka u qaabilsan Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada bulshada rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qey galyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawlada Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris ah. Cumar Maxamed