-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Wa Qala ibnu Batuta Al Maghribi: the SOmalis settle from Zeila to Muqdishaw. So Somalis did not live beyond seylac and Not beyond Mogadisho i thought Somalis lived in Djibouti and kismayo and garisa also
-
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Xukuumada Oo Bilowday Lacag Bedelka Giimbaarta ee Shacbiga Tog-dheer May 14th, 2011 Hargeysa (Somaliland.org)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka bilowga hawsha shacbiga Gobolka Tog-dheer lagaga bedelayo lacagta giimbaarta ee laga qaato deegaanadaasi. Xafladaasi oo lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco. Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi,oo kea hadlay furitaankii xafladaasi waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku guulaysatay balan qaadkii la xidhiidhay in lacagta giimbaarta laga bedelo gobolka Tog-dheer oo uu ku dooday inay curyaamisay dhaqaalihii gobolkaasi. Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha lacag bedelku ay muddo toban cisho ah ka socon doonto baanka magaaladaBurco, waxaanu tilmaamay in 2000 lacagta giimbaarta ah lagu bedeli doono 1000 Sl sh Md. Cabdi Dirir Cabdi waxa uu uga digay shacbiga gobolkaasi inay iska ilaaliyaan lacagaha foojariga ah ee lagu doonayo in lagu mijo xaabiyo dhaqaalahooda. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay madashaasi waxa uu sheegay in muddo lix sanadood ah ay shacbiga Gobolka Tog-dheer ay ku olalayn jireen xisbi ahaan inay ka bedeli doonaan lacagta giimbaarta. Suldaan Cismaan Cali Madar iyo Sulaadaan Maxamuud Guuleed Mirre ayaa iyaguna waxay xukuumada ku ammaaneen waxqabadka waxaanay dawlada u soo jeediyeen inay kordhiyaan mudada lacag bedelku ay ka soconayso gobolka oo ay xuseen inuu aad u balaadhan yahay. Dhinaca kale waxa isla maantaba dadweynuhu ay sufuuf dhaadheer u galeen sidii ay lacagta giimbaarta ay ugu bedelan lahaayeen noodhka shilinka Somaliland, waxaana dadweynihii lacagta bedelanayay ay u mahad celiyeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay fulisay balan qaad aad ugu cuslaa shacbiga gobolka Tog-dheer. -
The Zack;719212 wrote: The news aint funny, the fact that you posted it is. Why i post all sort of news i post now and then from Daroor Marki degmada loo magacabay i report marki ay Liyo boolisku ay xiidheen ganacsatayaal reer harta Sheikh , i post about Djibouti The Garowe admin the TFG al Shabaab The Republic of Somaliland. even raas casayr
-
Somalia: May 15th celebrating Somali Youth League (SYL) Day
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
very nice wa munasabad aad u wanaagsan Halgamayshi SYL. ilahay ha u naxaristo intii geeeriooytay koley magac bey ka tageen eh -
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
AfricaOwn;719204 wrote: word Emperor haile selassie would smile in his grave:D -
Raysulwasaare Farmaajo oo ka digay maamulgoboledyada so badanaaya
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Somalina;719205 wrote: lol@XX, you won't be allowed in I'm afraid. I am a fellow xaaji like xaaji Muuuse suudi the founder of the state -
Ethiopia: ONLF rebels attack WFP Convoy Kill the drivers and take two hostages Jabhadda ONLF Oo Weerar Ay Ku Qaaday Wefti Hay’adda WFP Ka Tirsan Ku Dhaawacday Sarkaal Reer Somaliland Ah, Af-duubna Ku Kaxaystay Laba Ajaanib Ah Iyo Gubashada Laba Gaadhi Oo Weftigu Watey. Baabuli (Ramaas) May 14,2011 - Jabhadda dagaalka kula jirta dawlada federaala Itoobiya ee ONLF ayaa weerar ay ku qaadeen tuulo dhowr kilo mitir u jirta Magaaladda Baabuli ee dawlad deegaanka Soomalida ku dhaawacay sarkaal ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cuntadda ee addduunka ee WFP. Dirawalkii sarkaalkan oo magaciisu yahay Siciid Maxamed Caano-nuug (Gurey) oo dhawaaciisa lagu daawaynayo dhakhtar ku yaal Magaalo madaxda gobolka Ismaamulka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa isaga ay dileen jabhadda ONLF. Jabhadda oo gudaha u galay tuulada u dhow Baabuli, ayaa la sheegay inay sidoo kale kaxaysteen laba qof oo ajaanib ah isla-markaana aan la garanayn meesha ay la tageen, iyagga oo gubay laba baabuur oo hay’addu wadatay. Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in sarkaalka Somaliga ah oo reer Somaliland ay jabhadda ONLF caloosha ka toogteen isla-markaana ay mayd ahaan uga tageen, iyadda oo markii ay ka tageen ee ay gubeen baabuurtii ay wateen isla-markaana ay kaxaysteen labadii qof ee ajaanibka ahaa ay dadka deegaanka oo markii hore ka yaacay rasaastu ay soo qaadeen dhaawaca Siciid Guray, ka dibna loola cararay Magaalada jigjiga. Dirawalka sarkaalkan WFP u shaqaynayay ayaa la sheegay inuu dhalasho ahaan ahaa reer Itoobiya, gaar ahaan qoomiyadda Hererida.
-
Raysulwasaare Farmaajo oo ka digay maamulgoboledyada so badanaaya
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Jacaylbaro;719193 wrote: Or maybe Yalaxow State ,,, i would visit that state -
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Zack but that does not make sense why does an Ethiopian care if Somali Billets money was used in parts of burco what will that do for you? -
Madaxwayne ku Xigeenkii Hore Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Garab La Siiyo Kooxda Puntland Kula Dagaalanta Buuralayda Galgalla, Kana Hadlay Aqoonta KULMIYE Ee maamulka dawlada. Hargeysa (Ramaas) May 14,2011 - Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inay garab siiso jabhadda maamul goboleedka Puntland kula dagaalamaysa deegaanka Buuralayda Galgalla. Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in dadka ku dagaalamaya ama dagga Galgalla yihiin dad reer Somaliland oo maamul goboleedka Puntland ka baro-kicisay dhulkoodii si ay halkaasi uga gurato macdan uu sheegay inay ku jirto, isla-markaana dadkaasi difaacayaan. Md Yaasiin ayaa sheegay in maamulka Puntland doonayo inuu wada laayo dhalinyaradda Galgalla kula dagaalamaysa, isaga oo intaa ku daray haddii garab la siin waayo in Somaliland oo indhaheedu shan yihiin la guran doono macdanteeda halkaa ku jirta. Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaasna waxa uu yidhi “Galgalla xadkeena waxay u jirtaa (4KM), barigii ay meesha soo weerareena gudaheena way soo galeen nimankaasi, waxay ahayd in maalintaas jawaab cad la siiyo, Puntland waxay ku meeraysataa ama ay ku hadaqaan qolo Al-qaacida ah ayaa meesha soo weerartay, may soo weerarin ee Galgalla dadka dagan waala yaqaanaa, dad-baa la xaaqay oo la baa’biiyey oo beerahoodii la baa’biiyey oo la baro-kiciyey iyadda oo macdan la doonayo.” Md Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay u jawaabtu wasiirka amniga Puntland oo sheegay in laga soo weeraray gudaha Somaliland “Hore anagu halkaa gaashaan ayaanu ka lahayn oo ciidanku wuu ka hawlgali jiray, wufuud ayaanu ku lahayn, xadkeena waxay u jirtaa afar kilo mitir, markaa waxaan leeyahay ninkaa iska dhawaaqaya wax dhaha, waxaanuna leenahay maxaa dhacay dawladeey markaanu joognay waanu ka hawlgali jiray oo taladayadu way cadayde, maanta in la yidhaahdo waxa laga soo duulay Beer waa arin ayaan-daro ah, waxay ahayd in wasiirka daakhiligu ka hadlo” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Laakiin waxaan leeyahay dadkan la leynayo ee la baa’biinayo waa dad reer Somaliland ah horena waa loo baa’biiyey, xadkeenana waxay ka shishaysaa afar 4KM markii dadka la xaaqayeyna 60KM ayaa la soo galay gudaha Somaliland, waxaan leeyahay Somaliland-ney arinkaa ka kaca, haddii inamada yaac-yaacaya haddii la doonayo in la dhameeyo idinka oo arkaya ayaa macdantiinii la guran doonaa, markaa waxaan leeyahay haddii ay dedaalayaan inamadii meesha (Galgalla) joogay ha lala hawl-gallo.” Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay “Isku Soo baxa 18-ka May waxay cadaynaynaa oo aanu leenahay oo ay waji u saaraysaa shan milyan oo qof ayaa la dafiray xuquuqdoodii caalamow inan-yarna xuquuqdeeda ayaa laga hadlaa, ta anaga aanu taageernayna waa taa, waliba anaga oo xisbiga ugu wayn mucaaradka waxaanu u taageeraynaa oo aanu garanaynaa meeshii aanu ku jiraynay, laakiin taas KULMIYE manuu ogeyn mana garanayn oo waxay ahaayeen niman 30 sanadood oo jabhadnimo ah ka soo doogay oo dawlada may garanayn, laakiin anigu dawladnimada waan garanayaa, dawladu waxa weeyaan nin ceel todoba shub ah ka soo shubay oo guntiisa waxa ku jira og, kor waxa la keenayana og, markaa anagu odhan mayno sidoodii loo keeno (Martiqaadka) tagi-mayno ee anagu waanu tagaynaa oo waanu garab galaynaa, waxaanuna leenahay dadka wixii UDUB ku abtirsada ama Somaliland-ba maalintaas (18-ka May) waxaanu leenahay hala is-cadeeyo xuquuqdeenii ayaa la dafiray oo labataan sanadood maraysa, oo ambiil loo qoro qaramada midoobay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal Iyo Rayaale-ba UDUB-bay ahaayeen, sanadkaa mooyaane 19-kii kale anaga ayaa fadhinay, UDUB ha fadhido laakiin meel-bay keentay oo aasaas ayay samaysay koone ilaa koone ah, lacagtii ayay samaysay, ciidankii ayay samaysay, xadkii ayay riixday, waxaana naga gaadhay juhdi, juhdigaasina waa mid aanu u galnay dadkayaga.” Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa aanu tagi jirin munaasinadaha qaranka ka dhaxeeya marka lagu soo casuumo “Kulmiye halkan oo kale muu iman jirin, markaa waxaan leeyahay may ahayn niman dawladnimadda u bislaaday ee waxay ahaayeen, waxay ahaayeen niman siday jabhadnimadii uga soo doogeen aan malaha dawladnimada aan garanayn, laakiin maanta malaha way garanayaan oo way ku balaadhatay, sababta oo ah shirari ayaanu la galnay ah sidii loo maamulayay iyo qaabkii looga midho-dhalinayey iyo sidii loo galayey, taladayadiina waanu ka dhiibanay, mid aanu kaba sugaynana maaha, mida kale nin wax cunaa wuu jiraa oo aakhiro loo qabsanayaa, waxayna islahaayeen (KULMIYE) qolada maamulka fadhidaa (UDUB) waxbay futaynayaan, laakiin maanta ayay garanayaan, waliba haddii mushaharkaa ay kordhiyeen ay dhamaystiraan sanadkaa waan salamayaa oo waan u sara-kacayaa oo waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad qabateen, maxaa yeelay iyagga oo xamaysa oo is leh dawladii hore wax dhaafiya ayay kordhiyeen (100%) boqolkiiba boqol, waana arin adag, waxayna ku khasban yihiin inay mushahar kaliya soo reebaan si ay uga baxaan, markaa haddii ay taa ka baxaan waxaan leeyahay mushahar fiican ayaad qabateen.” Ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay xisbiga UDUB aan dadka ka tirsani aanu iskaga dhawaaqi Karin musharaxnimo “Arinka musharixiinta waxaanu soo saarnay go’aan caam ah markii rag badani is-barbar yaaceen, waxaanuna ku nidhi shirwaynaha xisbiga UDUB waa bisha February 2014-ka, waa wakhti dheer, xisbigii ayaa la dhisayaa, golihii dhexe ayaa la sheegayaa dhawaan marka guddoomiyuhu yimaado, dabadeedna xeerka UDUB ayaa wax laga badali doonaa, waxa laga yaabaa in guddoomiyaha xisbiga iyo musharixiinta la kala qaado.” Md Yaasiin waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxaanu soo saarnay in aanu xidhno oo aanu nina musharax sheegan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa nin habeen jiray maaha, waxaanan qabbaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa waa nin tuug ah oo doonaya inuu wax dhaco oo umadda dhacaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ninka isa soo taagayaa waa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday islaanta fadhida suuqa ee iibisa tamaandhada uu hadhow waxeeda xaddo, waa ninkaas ninka meesha ku cararayaa.” Md Yaasiin waxa uu baaq u diray bulshada caalamka “Waxaan baaq u dirayaa bulshada caalamka oo aan leeyahay waxaad ka hadashaan xuquuq gabdheed, waxaad ka hadashaanb xuquuq qof, waxaad ka hadashaan xuquuq dad la hayb-sooco, laakiin ma ogtihiin inaad shan milyan oo qof aad xuquuqdoodii dafirteen, shan milyan oo qof ayaa xuquuqdoodii la tiray oo la yidhi ma jirtaan, waxa kale oo ka jiray in ilaa bilowgii siddeetamaadkii ilaa sagaashankii aanu adduunku wax ka qorin wixii halkan ka dhacay dagaal iyo mushkilad.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Intaa waxa inoo raacay muddo 20 sanadood ah oo aanu ku naaloonaynay dawladnimo iyo qaranimo oo wixii dawladi lahaydba aanu samaynay haddana xuquuqdayadii la dafirsan yahay, waxaana dafirsan caalamkii, qaramada midoobay ayaa dafirsan, cid waliba way dafirsan tahay, waxa la yidhaahdaa shaqo fiican ayaad qabateen, doorasho fiican ayaad qabateen, si fiican ayaad isugu wareejiseen, waahayee xuquuqdii dadkani halkay ku maqan tahay weeyaan.” Ramaasnews Desk
-
Raysulwasaare Farmaajo oo ka digay maamulgoboledyada so badanaaya
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Imisaad maraysaan i agree with faarmaajo ka waran U have Buntiland Galmudug Ximan iyo xeeb Galguduudstate Hiiraanstate Raascasayrstate Midstate Mareegstate Azania Jubbarastate jubbaland Greenland Waax iyo waadi Galguduudstate udubland Mid ba topic hada u furanyahay magaceed cawlstate -
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
20 years Later Liibaaxu halkisi buu jooga Stronger then ever -
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
-
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
The Zack;719165 wrote: ^If it took Burco 20 years to get rid of the Somali currency, there is more Somalinimo in "Somaliland" than beenta aa nagagu harqisaan here at SOL. Again, keep those cities peaceful while the rest of the country is being fixed. Somaliland currency is used in awdal selel saaxil maroodijeex sanaag gabiley and in togdheer all over the country and From now on No Konfuristan ,,Currency is allowed in parts of burco and the last Billets will be burned today , and no we are not waiting for any one they should fix their home and live in their country in peace we wish them all the best they can get Ha nooladan jarkayagu iyo jaarkoodu -
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
The Zack;719163 wrote: So they used Lacag Somali till this year? Wallee iniinan waddan kale aheyn ee iska suga inta Koonfurtu ka dageyso. No they used Somaliland shilling and Gimbaarta both when i was in burco in 2007 they used both but from now on Lacagti Afweyne wa Mamnuuc. Saaxib anagu Koonfuristan wax naga dhexeyo ma jirto oo aan ahayn deris -
Burco Currency finally changed - No more Giinbaarta
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
What cigaal couldn't do where rayaale came short president Siilaanyo did it less then a year well done great stuff For Gobolka togdheer and burco and Somaliland as a whole. -
Wasiirka Beeraha Ee Somaliland Sheegay In Ay Hoos U Dhigi Doonaan Raashinka Ay Dalka Soo Galiso Xilliga Guga Hay’adaha WFP. Hargeysa (Ramaas) May 14, 2011- Wasiirka wasaarada beeraha ee Somaliland Md Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), ayaa maanta sheegay in ay hoos u dhigi doonaan raashinka ay hay’ada WFP keento dalka keento xilliga guga , kaasoo dhabar jab ku noqda wax soo saarka dallaga beeraha ee dalka. Waxa uu wasiirka halkan ka sheegay mar uu maanta khudabad xog waran ah ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddi hoosaadka joogta ah ee golaha guurtida Somaliland oo uu faahfaahin ka siinayay wax qabadka wasaaradiisa, waxa uu sheegay in ay samayn doonaan hoos u eegid ay kula socon doonaan raashinka ay hay’ada WFP dalka soo galiso wakhtiga guga oo ay cabasha ka muujiyaan beeroleyda maxaliga ah oo u arka in uu maja xaabinayo wax soo saarka oo suuqayada lagaga iibsado qiimo hoose oo aan u qalmin tacabkii ay galiyeen. Waxa uu sheegay in uu dareemi karo dhibaatada ay beeroleyda kala kulmaan raashinka ay hay’adaas keenta, waxaana uu sheegay in ay ahmiyad badan siinayaan kor u qaadida wax soo saarka dallaga beeraha ee dalka, iyada oo ay meel badan oo gobolada dalka ay ka beereen bariis markii ugu horeysa taariikhda wadanka, isaga oo ballan qaaday in wasarada beeruhu ay qalabka beeraha lagu qoto ka caawin doonto dadka ku hawlan falashada beeraha oo ay dhibaato kay haysato qalabkii at ku qodi lahaayeen beeraha xilli roobaadyada.
-
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Is that jb oo calanka siita -
SOMALILAND: Disquiet over new NGO laws Somaliland (IRIN) – Some provisions of new legislation governing the activities of NGOs in Somaliland could undermine international humanitarian activity in the self-declared independent territory, say aid workers and donors. The Non-Governmental Organization Act (National and International) is designed to establish a legal framework for NGOs, to ensure their activities are in line with the government’s development priorities and to improve accountability and transparency. These principles are not in dispute, but the perceived ambiguity of some of the law’s wording and the practical implications of some of its articles have prompted high-level exchanges with Somaliland authorities involving not only NGOs but also donors and the UN. “We are very concerned about the impact that this law in its present form could have on the population in need, which is largely being assisted by international NGOs,” said Tanja Schümer, the focal point of the Somalia NGO Consortium. “We are also concerned about increased operational transaction costs for all. We hope the authorities will further legally clarify those paragraphs in the law that are vague, which opens the potential for abuse and confusion. We hope to work with the authorities to better support the development goals of Somaliland and we will continue to assist those in need of humanitarian assistance,” she added. An official from one major bilateral donor told IRIN his government shared the concerns of NGOs and the UN as expressed in a letter sent to authorities in Somaliland. Saad A. Shire, Somaliland’s Minster of Planning and Coordination, told IRIN the law had been in the making for about two years: “It is based on a Letter of Agreement international NGOs always signed with the ministry and the best practice from neighbouring countries.” Shire said that while laws were in place in Somaliland governing the private and public sectors, “until now we did not have laws that govern the NGO sector, even though the NGO sector is bigger than the public sector”. Shire said the NGO Act had been signed into law by President Ahmed Mohamed Mahamud Siilaanyo. Funding Foreign agencies working in Somaliland are particularly worried about article 35 (3), which states: “International NGOs shall not become implementers for other international NGOs and UN organizations working in the country.” Shire told IRIN the law would prohibit international NGOs from “subcontracting a project designated for the country from a UN agency present in the country. “The aim is to encourage international NGOs and UN agencies to work with local NGOs and local businesses for implementing projects, giving them the opportunity to build their capacity and the experience to take on major projects after the international NGOs leave.” There are fears that a blanket application of the principle, rather than a case-by-case approach, could drastically reduce overall donor funding. In some cases, according to one aid worker familiar with Somaliland, having an INGO as a UN implementing partner is essential because “some of the programmes being carried out require specific technical expertise that is not easily available in-country”. In 2010, aid agencies working in Somaliland sought US$87m for their activities for that year. Ambiguities Another issue is that the Act empowers the government of Somaliland to determine where aid should go, whereas a fundamental humanitarian principle is that this should be decided solely on the basis of need. There appears to be some ambiguity in the law as to whether this provision applies to humanitarian assistance as well as development aid. The law establishes an oversight agency, the Consultative Committee, appointed to govern and supervise activities of international NGOs and local NGOs. The committee, an advisory board, formulates policy guidelines regulating the activities of NGOs and ensures alignment of their activities to overall national development goals and plans. “I appreciate the need for a regulatory environment,” said one aid official familiar with Somaliland, “but I am not sure this [law] is the most constructive approach or if the [somaliland] government has thought through all the practicalities of implementing these directives.” Working with a lawyer, NGOs operating in Somaliland have asked authorities there for clarity on more than two dozen of the Act’s provisions. There is some uncertainty as to the legal validity of the responses to these queries. Shire told IRIN: “We are planning to hold a question-and-answer session on 24 May, where we will answer all of their questions and address any lingering concerns. We are not in the business of putting obstacles in the way of the INGOs working in the country. All we want is to ensure that aid is more effective and accountable.”
-
hee Aliyah ma mafiiqadaha aad wax ku xaadhaysan baad Kula dagalamaaysin qaranka aad maalinta qaaliga aad u si nadifiseen
-
Ismacil Mire wuxu yidhi Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ... Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye... Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e Allay lehe dubbuur kugu danniyay, waaba kuu digaye
-
EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Masuuliyiinta Xukuumada oo Ku Sii Qulqulaya Dalka Dibadiisa Si Ay Uga Qeyb galaan Xuska 18 May May 13th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal gashiga Md. Axmed Xasan Carwo, ayaa maalinta bari ee Sabtida dalka ka dhoofaya waxaanu u kicitimayaa socdaal shaqo oo uu ku tagayo dalalka Imaaraadka Carabta iyo UK, si uu u sii xoojiyo damaashaadka sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland. La Taliyuhu waxa uu dalalkaasi kulamo kula yeelan doonaa Jaaliyada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan wadanka UK oo uu kala hadli doono sii xoojinta xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu caawa soo saaray La Taliyaha ee arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga Md. Axmed Xasan Carwo, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sedan:- “Si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Somaliland leyskuna xidho dibad iyo gudaba, waxaynu goosanay inaynu damaashadka 18 May ee sanadkan lagu qabto si heer sare ah meel kasta oo ay joogaan jaaliyadda Somaliland. Waxa iyana barbar socota tallo-ururin iyo wadatashi laga yeesho dhismaha dhaqaale iyo horumarinta bulshada. Waxa hubaal ah in iskaashiga bulshada gudaha iyo dibaddu yahay mid lagu dhisi karo joogtaynta xidhiidhkooda, taasina ay ku imanayso wado-tashiga ay wadaan mas’uuliinta xilalka kala duwan inoo haysa. Taas oo lagaga midho dhalin karo aqoonta, iyo hantida dadakeena ee daafaha dunida ku kala baahsan. Iyadoo taas laga duulaayo, waxaan maalinta Sabtida ah ee 14 May 2011 u ambobaxayaa dalka Imaaradka Carabta Haddii ILAAHAY yidhaahdo, waxaanan ka qayb galayaa damaashadka sanadguurada 20-naad ee xorriyadda Somaliland. Waxa muddada aan joogo aan la yeelan doonaa Jaaliyadda shirar wado-tashi iyo xogwaran ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan iyana uu u gudbi doonaa dawladda Qadar iyo dalka UK. isagoo meel kastaba ka geli doona shirar uu qurbajooga iyo ciddii danaynaysa arrimaha maalgashiga dalkeena la kulmi doonaa. Ugu dambaynta waxaan u gudbi doonaa U.K. La-kulanka Jaaliyadaha magaalooyinka U.K, waxa u wehelisa qorshe aan kula kulmi doono masúuliyiin ka tirsan dawladda U.K iyo tan Wales oo aan kala hadli doona xoojinta Dhinaca kale, waxa masuuliyiin badan oo ka mid ah xukuumadda Somaliland ayaa u kala kicitimay dalalka adduunka si ay jaaliyada Somaliland kala qeyb galaan munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland. La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Inctiraaf raadinta Md. Maxamed/rashiid Sh. Xasan, Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, ayaa maalmo ka hor u kicitimay dalka Ingiriiska si ay ugala qeyb galaan jaaliyada Somaliland banaan baxyo waaweyn oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland.