Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Mogadisho was build by the Italians Nairobi was Build by the British But the Kenyans did not destroy their capital that's the only difference. Somali nacayb lolz Somali hadan naco so anigu isman nicin So Somali ma ihey aniguba,Mise Somalinimadu Ma wax jeebka dad gaar ah ugu jirta ba Somalidu do live in Nairobi xaafado dhan bay degenyihin dhisistaanka Qeybaha Nairobi lug bey ku leeyihin Marka lama odhyan karo Somali shaqo kuma laha Nairobi
  2. The Zack;719468 wrote: LOOL@that's disturbing. Haa wabaan ka naxay dee niyo waba waali if they want to leave this and move to this
  3. Qiimaha Calanka Somaliland oo Cirka Isku shareeray iyo Diyaargarawgii ugu Xooganaa ee Lagu Xuso 18 may oo Somaliland ka Bilaabmay. Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh Daawo Sawiradda Hargeisa (GNS)-Dadwaynaha ku Dhaqan Somaliland ayaa Si aad u heersaraysa ugu Diyaar garoobay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland 18-may taasi oo Sanadkan si ka duwan kana Qabanqaabo Fiican Sanadihii hore loogu Diyaar garoobay Xuska maalintan. Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh, Calammo, Garamaan, Koofiyado iyo dharka dumarka kuwaasi oo ka muuqda guud ahaa Suuqdayada Caasimada Hargeisa iyo Goobaha Ganacsiga. Goobaha lagu tolo dharka ayaa ku jira cidhiidh iyo Buuq farabadan oo dadku ku soo xoomeen si ay uga toshaan Calanka Dalka somaliland iyaga oo badankoodu labis ka tolanaya ay xidhaan Maalintaasi qiimaha ku leh Qaranimada somaliland. Qiimaha Calanka oo kor u kacay ayaa Suuq badan u sameeyay Dadka ka ganacsada Dharka oo Si Xawliya looga iibsanayo Calanka oo ay ka sameeyeen Jeeni Qaar iyo Shaadhadh la xidho oo aad u qurux badan. Qiimaha calanka ayaa Suuqyada qaar ka maraya $15 illaa $25 dollar taasi oo ku Xidhan Qaabka loo tolay iyo Qurxinta lagu Sameeyay oo qayb ka qiimaha calanka. Xuskan ayaa ka duwan xusaskii hore ee loo Samayn jiray 18 may iyada oo ay qaban qaabadu ka xoog badantahay intii hore isla markaana Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Fariin Culus u diray Shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan inay Muujiyaan Maalinta Qarannimadooda. Dadwaynaha Reer somaliland ayaa Muujiyay Qiimaha ay ku leedahay Maalintan qiimaha badan isla markaana siyaabo badan uga qayb qaatay fariimaha iyo baraarujinta maalinta Xuska 18 may, dhalinyarada iyo Muwaadiniinta Reer somaliland ee isticmaalada Face-book-ga ayaa Iyagu Bishanba Muujiyay Calankooda isla markaana qof kastaa soo dhigtay Bogiisa hore Astaanta Qaranka Somaliland taasi oo Runtii indha Caalamka Wax badan soo jeedisay. Xuska 18 may ee Sanadka 2011 ayaa la filayaa in la qabto Xaflado aad u balaadhan oo si wayn loogu Dabaal Deggayo Maalinta Gooni isutaaga Qaramimada Somiland ee ay Xornimadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii.
  4. Qaranki;719466 wrote: Somalis in Kenya have entered into the top levels of the Kenyan govt such as this lady and Farah Macalin etc. I was even reading an article about a Somali Havard grad who was thinking about running for presient there not too long ago. To say Somalis in Kenya face the same occupation as those in Ethiopia is laughable. If they want to join Somalia that is their decision nobody elses. Why would kenyan Somalis want to join Failed Somalia that's disturbing.
  5. You want Somalia to remain like this and i agreed what else do you want xeefow ;)
  6. Xeefow;719427 wrote: Both Afar and Beja are ethnicity! I'm not talking about ethnicity!Nor was I talking about religion Regarding those Somali clans that live in Ethiopia and Kenya are under occupations and want to be part of Somalia. If Djibouti was only strictly a Somali country, then they would had still been with Somalia. Regardless of what you believe, Somalia will still remain Somalia, loooooooooooooooooooooooool Kenyan Somalis do not believe they are under occupation Affar reer jabuuti Speak better Somali then many koonfurians Djibouti is part of the so called Somaliweyn the white star Symbolize hem to in your flag remmember, yeah Somalia will still remain Somalia Just the way it is today good to go loolz
  7. Lool there are Affars who live in Ethiopia and Eritrea and even in Djibouti the same with the beja they live in Sudan and Eritrea There Are Koonfurians who shares Clan Connections with People who live in Ethiopia and Kenya i don't see your point Try again
  8. Jacaylbaro;719405 wrote: You cannot even vote in Villa Somalia ........ iska dhaaf inta kele Voting iyo waxaas ma jiraan ,,, Adeer fad ama ha fadin waa lagu fadsiin ,,,, war voting baad ka hadlaysa eeh musqusha banu tagi karin farmaajo hadanu bahuku la socon
  9. You are not making sense the world does not work like that the people of Somaliland all will be heard regardless of their Tribe wether they are from awdal sool Maroodijeex saaxil sanaag togdheer selel etc theyall will be heard like they are heard today the future of Somaliland will be dicided by Somalilanders and it has been decided , not By koonfurians but by the People of Somaliland that's not how the world works xeefow. If the Amharas would've been allowed to vote in Eritrea's referendum,, Independence would've been denied Amharas were against the Break away of Eritrea,, Of the two states that merged in 1960 one wants to be separate and one wants to continue in the situation they are in right now. The Union Failed it's time to move on the Future of my People will be dicided by Us Not by People From Koonfuristan Good luck with your country
  10. Xeefow;719400 wrote: LOL @ 'Dissovlement', who are you trying to fool? looooooooooooooool You can't break a country apart, without referendum from both sides. If majority vote for your separation then you win and get 'INDEPENDENCE'. But only less than million will vote for your separation, whereas 9 Million Somalis in North and South Somalia will vote against the separation which is a huge huge huge landslide...So afcourse 18 May is what you guys dream of Independence. Just be proud of 26 June...... Actually the Dissolvement was done two decades ago you would not know that because you was Killing eachother as for a referendum , the referendum will only be held on the part that wants to seccede Like done in Eritrea in 1993 like Done in South sudan this year , and if it comes to it will only be held in the Somaliland territories Not In the Koonfurian Territories and i don't even think it will come to that
  11. Xoogaga Atam Oo La Wareegay Saldhigya Horleh, Isgaarsiinta Dhahar Oo La Jaray Iyo Taliyaha Booliska Sanaag Ee Somaliland Oo Dhahar Soo Gaaray Written by Admins Dhahar (SPR): Wararka nagasoo gaarayo jiidaha dagaaladu ay kasocdaan ee Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in xoogaga taabacsan Maxamed Saciid Atam, ay gebi ahaanba lawareegeen magaalooyinka Galgala, Maraje, Afurur iyo Xumur kadib markii ciidamada Puntland ay faaruqeeyeen guud ahaan degaamada galbeedka kaxiga dhanka laamiga. Wararka waxay intaasi ku darayaan in xoogaga Atam ay shirar saakay kula qaateen odayaasha dhaqanka degaamadaasi, walow aan la ogayn waxyaalaha ay kawada hadleen. Dadka shacabka ayaa lasheegay in ay bilaabeen in ay ka qaxaan degaamadaasi, kadib markii ay dib usoo cusboonaatay dagaalada u dhaxeeya maamulka Puntland iyo xoogaga mucaaradka. Maxamed Cismaan Cali, oo kamid ah odayaasha haatan kasoo barakacay degaamada galbeedka gobolka Bari, ayaa idaacada SPR u sheegay in bulshada rayidka degaamadaasi ay soo wajahday cabsi , inbadan dadkaasina aysan haysan rakaab ay kusoo baxsadaan. Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa sidoo kale dad farabadan sanadkii hore usoo barakaceen, iyadoo dadkaasi qaar aysan wali kunoqan degaamadooda. Dadka barakacayaasha ayaa lasheegay in ay la ildaran yihiin nolol xumo iyadoo goobaha ay soo dageen aysan lahayn suuliyo iyo biyo nadiif ah. Duqa degmada Dhahar, mudane Kilwe oo arintani walac ka muujiyey ayaa ugu baaq hay’adaha caalamagi iyo qurba joogta reer Maakhir in ay kaalmo lasoo gaaraan dadku ay dagaaladu aa’feeyeen. Dhanka kale, Magaalada Dhahar ayaa Gabi ahaanba laga Jaray Isgaarsiintii ka hawl geli jirtay gaar ahaan shirkadaha Golis iyo Telecom, kadib markii uu amar ku bixiyey madaxweynaha Puntland, Faroole. Sidan oo kale ayaa sanadkii horena looga jaray isgaarsiinta Dhahar, xilli la saadaalinaayey in maamulka Puntland uu weerar u qorshaysnaa. Arintani ayaa dhalisay xasaasiyad aad u wayn, iyadoo shirkadahaasi hore loogu ee’deeye in aduun lacag ay kasameeyaan degaamadaasi, weligoodna aan wax dib ugu celin. Sacaado kadib markii isgaarsiinta lajaray, waxaa magaalada Dhahar soo gaaray taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, Coronel Caydiid Axmed Nuur. Idaacada SPR oo ku booqatay Coronelka xerada duuleedka magaalada Dhahar ee Somaliland ayaa sheegay in halkaasi uu soo gaarsiiyey qalab isgaarsiin casri ah oo isugu jira taarar iyo teleefanada satteliteka. Corneelka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu heegan ay kujiraan, kana hortagi doonaan weerar kasta oo uu yimaada. Arimahani oo idil ayaa imanaya, xilli maalmo kahor dagaal ba’ani kadhacay degmada Galgala oo u dhaxeeyey xoogaga Atam iyo maamulka Puntland. Dagaalkani ayaa dhaliyey saan saan colaadeed haatan’na saamaysay gobolka Haylaan oo la jaar ah gobolka Bari oo dagaaladu kasocdaan
  12. 18 may is not independence day as you formulate it, it's the day we disolved the failed union and reestablished the state of Somaliland as an independent state 26 June is a very Important day as well it's the day we send the Englishmen back to Mery old England and 50 years later last year we held Free and Fair Elections last years 26 june 2010. But the Significance of 18 may is the Establishment of the republic of Somaliland and the Dissolvement of that Failed Union with Somalia.
  13. war guba guba warqadaha xun xun guba si dhakhso ah u guba
  14. Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta oo diyaar garow balaadhan ugu jira ka qaybgalka 18 MAY. Hargeysa(Waaheen) Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta ayaa diyaar gorow laaxad leh ugu jira Xuska 18 may oo ah Sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay gooni isutaageeda Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18 may 1991kii. Ciiddamada qalabka sida ee Qaranka Somaliland ayaa Maalmihii ugu dambeeyey waxay dhoolatusyo ay ugu diyaar garoobayaan Xuska 18-ka May ku soo bandhigayeen Garoonka kubada cagta ee Dareeriska ee ku yaala Xafada Pepsiga ee magalada hargeysa, waxana hogaaminayey Ciidamada qalabka-sida ee Somaliland Saddexda Taliye Ciidan ee kala ah Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabbaal), iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax. Ciiddammada qalabkasida ee Somaliland ayaa dhoolatuskan ay ugu sii diyaar goroobayan 18-ka May ay ah mid soo jiitaday dadweynaha reer Somaliland, iyada oo boqoolaal shacabiga reer hargeysa ahi ay u soo dawasho tagaan wakhtiga ay ciidamadu dhoolatuska sameeyanayan. Ciidamadan ayaa noqon doona kuwii ugu badnaa ee maalinta 18 may soo mara jidadka waweyn ee casimada hargeysa, iyada ciidamo soo mara wadooyinka wakhtiga 18 may ugu danbeeysay Sanadkii 2001-kii, wakhtigaas oo uu Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu Mabnoocay in la soo bandhigo Quwada Ciiddammada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, sidaa awgeed wixii ka dambeeyey Sanadaas Ciiddammada qalabka sidaa kagamay qayb-qaadan Gaardis iyo Dhoolatusyo kale, isla markaana Wadooyinka socod kumay marin, hase yeeshee waxa ay kaliya oo hawshoodu ahayd suggida Ammaanka guud dalka. Dhinaca kale qaban qaabada 18 may ayaa si qurux badan uga socota Somaliland iyadoo wararka naga soo gaadhayaa 6 Gobol ee Somaliland ay sheegayaan in si balaadhan looga diyaargaroobayo 18 May, waxa kale oo casimada Somaliland ee hargeysa ku arkaysaa Astaanta Qaranka Somaliland oo meel walba lagu iibinayo. C/raxman Osman C/laahi (Isbatore) Waaheen Media Group Hargeysa, Somaliland
  15. TEHRAN, Apr. 13 (MNA) -– The director of the Trade Promotion Organization of Iran in a meeting with the Chinese ambassador in Tehran said that Iran and China can boost mutual trade by establishing a joint bank and using national currencies for their transactions. IRNA news agency quoted the TPOI director, Hamid Safdel, as saying that the two sides could create a joint trade committee at the ministerial level, and pointed out that the countries would be better off if they signed an MOU on trade and customs cooperation. He added that the two countries’ joint economic committee would help expand bank relations and ease opening letters of credit as well as establishing commercial firms. The Chinese ambassador, Yuhong Yang, said for his part that soon an economic delegation from his country would come to Iran. He said the delegation’s first priority is to review ways of expanding economic relations and resolve current problems in their trade ties. The president of Iran-China Joint Chamber of Commerce has predicted that the annual trade between the two countries will reach $50 billion in the next 5 years. Asadollah Asgaroladi added that Iran-China trade value was $3.5 billion ten years ago and has currently reached $30 billion through the ardent endeavors of the Iran-China Joint Chamber of Commerce. MRK/MG END MNA
  16. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Duleedka Buuhoodle Ku Weeraray Gaadiid Ay Nabad-Diidka SSC U Soo Iibiyeen Al-Shabaab, Laguna Waday Gaalkacayo Hargeysa, May 15, 2011 (Haatuf) - Ciidamada Itoobiya ayaa shalay duleedka magaalada Buuhoodle ku weeraray gaadiid ay kooxda Nabad-diidka SSC usoo iibiyeen ururka Al-shabaab, kuwaas oo lagu waday magaalada Gaalkacayo ee Somalia. Gaadiidkan oo ahaa laba gaadhi oo noocoodu ahaa Land-Crusero lama hubo ilaa hadda in laga soo iibiyey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa midkoodna. Sida ay ilo xogogaal ahi ay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ciidamada ku sugan xuduudooda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ka war heleen labada gaadhi ee Land-cruserada ah ee kooxda nabad-diidka ee fadhiisinkoodu yahay Buuhoodle ay u waday ururka Al-shabaab, taas darteedna ay ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen shalay duhurkii labada gaadhi oo lagu sii waday magaalada Gaalkacayo ee dalka Somalia, kuwaas oo ciidamada Itoobiyaanku ay labadaa gaadhi ay mid ku gubeen isaga iyo maleeshiyadii saarnayd halka gaadhiga kalena ay u soo jiiteen xeradooda dhinaca xuduuda Buuhoodle ay ku leeyihiin. Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku darayaan oo ay sheegayaan in laba ka mid ahaa maleeshiyadii Nabad-diidka ee gaadiidkaasi Al-shabaab loo waday saarnaa Maydadkooda lagu arkay deegaanadaasi. Inkasta oo tirada ka dhimatay maleeshiyada Nabad-diidka ay wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu ay intaas ka badan tahay. Dhinaca kale ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Khamiistii todobaadkii hore magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay soo iibinta gaadiidkaasi iyo u gudbinta Buuhoodle ay ku lug lahaayeen. Wargeyska Haatuf ayaa hore u sheegay inuu jiro xidhiidh weyn oo u dhexeeya kooxda Nabad-diidka Buuhoodle ee SSC iyo ururka Alshabaab. Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ee sida weyn u hor kaca kooxda Nabad-diidka ee fadhigoodu yahay Buuhoodle sida Garaad Jaamac Garad Cali ayaa iyagu hore u cadeeyay taageeradooda ururka Al-shabaab. Ilo-wareedyo ku sugan Buuhoodle ayaa intaa raaciyey in ciidamada Itoobiya ay si weyn usoo xoojiyeen xuduudaha labada dal u dhexeeya ee Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo intaa ku daray in hadhaagii kooxda Nabad-diidka SSC ay Buuhoodle ka fakanayaan cabsi ay ka qabaan ciidamada Itoobiya ay dhinaca xuduudeeda soo dhoobtay.
  17. No No atam said he is a Muslim sheikh and he wants to get rid of the PIS and wants to rule his region in freedom. He never claimed to be one with Al shabaab other than the fake tapes released on that paltalk programme not a reliable source . Now it's not a secret atam is against the Pirate state but that does not make him a terrorist.
  18. Wasiirka Beeraha Oo Hay’ada shaqaalaha ka codsaday In La shaqalaysiiyo Ardayda ka soo baxda Jaamacadaha Dalka ee bartay Cilmiga Beeraha. waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda.......... Hargaysa(GNS):-Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle ayaa maanta kulan xog waran ah oo ku saabsan waxqabadka wasaarada beeraha ka siiyay Guddida joogtada ah ee golaha guurtida. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada waxaa uu wasiirku faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha waxqabadka ee hawlaha wasaarada beeraha,waxaana uu sheegay wasiirku in awooda wasaarada beeruhu ay kooban tahay,isla markaana ay jiraan xafiisyo muddo hore la qalabeeyay balse aan ilaa hada shaqaynin isaga oo xusay in ay xukuumad au qoreen in la siiyo miisaaniyad ku filan waxaanu yidhi “wasaarada awoodeedu way kooban tahay, waxa jira xafiisyo la Aasaasay oo aan wali shaqayn sida xafiiska wax soo saarka wasaaradu waa bilaa gaadiid oo gawaadhi nagu filan mahaysano markaa xukuumada waxaanu u qoranay in nalasiiyo miisaaniyad nagu filan si loo tayeeyo adeegyada wasaarada)”. waxa kale oo uu wasiirka Beeruhu sheegay inay sanadkan gobolada ay ku dhaqan yihiin dad beeralayda ah ay ka fulinayaan Mashruuc dadka beeraalayda ah loogu qodayo qoys kasta laba saacadood oo bilaa lacag ah,Maal gelinta Mashruucaasin ay ka caawiyeen ha’yadaha FAO iyo kuwo kale oo caalami waxanu yidhi “guud ahaan dalkoo dhan waxaanu ka fulinaynaa 18,000 oo saacadood oo bilaash ah,waxaanu ku dadaalaynaa inaanu si cadaalad ah ugu qaybino gobolada qodaalkaasi”. Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle waxa kale oo uu sheegay in ay wasaarada beeruhu ku dadaalayso sidii loo yarayn lahaa raashinka ay hay’ada cuntada aduunka ee WFP dalka keento,gaar ahaana xiliyada uu dalaga dalku soo baxo waxaanu yidhi ‘waanu dareemi karnaa dhibaatada ay beeralaydu kala kulmaan raashinkaasi,waxaan ahmiyada siinaynaa kor u qaadista dalaga beeraha ee dalka,iyada oo aanu sanadkan meelo badan oo dalka ka mid ah ka beernay bariis”.ayuu yidhi Mr Geedoole. dhinaca kale wasiirka wasaarada beeraha Faarax cilmi Geedoole waxaa uu ka codsaday xukuumada in wasaarada beeraha laga shaqaalaysiiyo ardayda ka soo qalin jabisa jaamacadaha dalka gaar ahaana kuwa bartay cilmiga beeraha, “waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka ee soo bartay ama ku takhasusay cilmiga beeraha”.ayuu yidhi Geedoole.