Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Jiiroow Bakaal;717924 wrote: SSC president..minister of TFG and Khaatumo organiser all were F.Garaad marka M.Garaad xaq bey u leeyihiin iney mucaaradaan Balse M waa iney ka haraan Pirateska oo wax iyaga u gaar ah dhustaan ka dibna la midoobaan walaalahooda F What about selebaan weji xaad then again he is Garaad jamac garaad calis First cousin :D
  2. Dr A spanish Cidii Madaxweyne Sheeganaysa Gurigeeda haku Sheegato Wareysi Shirki London (Dhegeyso) Dr Cabdilahi Xassan Maxamuud (Spanish) oo u waramay Taleex Media Ayaa Sheegey In ay wadaan dadaal ah sidii uu u qabsoomi Laha Shirweynaha beesha sool eeh lagu Go'aamiyey Shirki London Dr spanish waxa kaloo uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay heshiski dhex maray NSUM iyo hogaanka kaaso si qaldan loo faafiiye Listen here http://taleex.net/2011/05/08/dr-cabdilahi-spanish-cidii-madaxweyne-sheeganeysa-gurigeeda-haku-sheegato-wareysi-shirkii-london-dhageyso
  3. A_Khadar;717912 wrote: So after all from your responds, it's all true what he said about your clan nation because all you are saying is nothing but caaaacaa iyo cabaad. Deny it and prove him wrong, he brought in clear cases. Hadii kale iska aamus.. It was written by an Emotional infested kid poorly written by the way we proved him wrong for the past 20 years the clan talk in his article tells more about him and his inferiority complex towards some clans ,, then about Somaliland and the accomplishments of the people of somaliland in the past two decades.
  4. Thankful you really love the Somaliland flag i will send u one on 18 may From your good friend xaaji xunjuf
  5. Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka Berbera PRess Dawladda Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka Thursday, 05 May 2011 Dawladda Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka Hadalada Labada Dhinaca Hargeysa(Geeska)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay war ay faafisay dawladda Seychelles oo ay ku sheegtay inay Somaliland la saxeexatay heshiis isfaham oo dhigaya in budhcad badeeda lagu qabto badaha ee aan u dhalan Somaliland lagu hayo xabsiyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Seychelles Mr. Joe Morgan, ayaa saxaafadda u sheegay in heshiiskaas isfaham lagu saxeexay shir doceed dhinac socday shirkii dhawaan ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa la dagaalanka budhcad badeeda, wuxuuna wasiirku sheegay in heshiiskaasi cadaynayo niyad wanaaga iyo wacad oofinta Somaliland iyo Puntland ee isfahamkii bishii Febarwari ay wasiirada cadaalada ee Somaliland iyo Puntland ku saxeexeen dalka Seychelles. “Heshiiskan isfaham ee ay Somaliland saxeexday waa gudbinta dhammaan budhcad badeeda la xukumay, maaha kuwa Somaliland oo keliya.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in budhcad badeeda lagu cidhib tiri karo iyadoo wada jir looga hawlgalo. War-murtiyeed ay dawladda Seychelles soo saartay waxa kale oo ay ku sheegtay in heshiiskaas la saxeexay 14 April, ka dib markii uu nin diblomaasi ah ka soo shaqeeyay. Hase yeeshe dawladda Somaliland ayaa beenisay inuu haba yaraate jiro wax ay ku saxeexday mudadii uu shirkaasi socday, waxaanay sheegtay in warka ay Seychelles faafisay uu yahay been abuur aanay waxba ka jirin, “Warkaas ay dawladdaasi faafisay waxba kama jiraan waanan cambaaraynayaa sheegashadaas aanay waxba ka jirin. Ma jiro wax heshiis ama is afgarad ah oo ay dawladda Somaliland ku saxeexday dalka Imaaraadka Carabta mudadii uu shirkii budhcad badeedu socday, wax iska bedelay mawqifkii xukuumadda Somaliland ee ku saabsanaa arrimaha budhcad badeeduna ma jiraan.” Sidas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay heshiiska ay Seychelles faafisay inay wada gaadheen. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa hore u cadeeyay inay Somaliland xidhayso budhcad badeeda lagu soo qabto badaheeda iyo wixii kale ee reer Somaliland ee badaha kale lagu qabto balse aanay xidhi doonin wixii budhcad badeed ah ee badaha kale dambiyo ku gasha, waxaanu wasiirka khaarajigu sheegay inuu dhaqan gal yahay mawqifkaas Madaxweyne Siilaanyo, “Somaliland mawqifkeedu waa wixii badaha Somaliland ku soo xad gudba inay xidho iyo wixii reer Somaliland ah ee badaha kale lagu soo qabto, laakiin marna dalkeeda lama keeni karo budhcad badeeda badaha kale lagu soo qabto. Ma jirayso wax budhcad badeed ah oo lagu soo qabtay badaha dunida oo lagu xidhi doono amaba lagu maxkamadayn doono gudaha Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu carrabka ku adkeeyay in heshiiska ay Seychelles faafisay uu yahay mid been abuur ah.
  6. Madaxweynaha shalay baan dawanayey oo madaxweynuhu fadhigu ku qurux badanyahay
  7. Madaxwaynaha jabuuti oo loo Dhaariyay Xilka Shanta sanno ee Soo socdo iyo Xafladii Caleemo saarka oo Kulmisay Madaxda Wadamo badan. Madaxwaynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir, Ra,iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Ato Meles Zanawi, Daawo Sawiradda Jabuuti (Gabiley News)-Munaasabad Balaadhan oo lagu Dhaarinayay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo shanta sanno ee Soo Socda Xilka Dib loogu Doortay ayaa maanta lagu Qabtay hotel Kambeski ee Magaalada Jabuuti Xafladaasi oo Kulmisay Madaxwayne-yaal, Ra,iisal Wasaareyaal iyo Wufuud kala Duwan oo ka socday hayadaha caalamiga ah iyo Ururada Igad iyo midawga Africa ayaa waxaa ka soo Qayb galay Madaxwaynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir, Ra,iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Ato Meles Zanawi, Madaxwayneha Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya Sh.Shariif Sh. Axmed, Ra,iisal Wasaaraha Dalka Ugaandha Bernard Makuza, Madaxwayne ku Xigeenka Dalka Yemen Cabdi Robow Mansuur,Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Mahbuub Macalin iyo Madax kala Duwan oo ka kala socotay Daafaha Dunida. Xafladan oo ahayd Xaflad Balaadhan oo kulmisay Madax ka socotay Wadamo kala duwan oo Caalamka ah ayaa ka mid noqotay Xafladaha Taariikhiga ee soo maray Dalka Jamhuuriyada jabuuti Taasi oo maanta si Rasmi ah loogu dhaariyay Madaxwayne ismaaciil Cumar Geelle inuu mar Seddexaad hayo Xilkaasi loo igmaday. Madaxwaynaha Dalka jabuuti ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa kaga warbixyay Qorshaha siyaasadeed ee uu Dalka ku hagi doono Shanta sano ee Soo Socda iyo kaalintii ay shacabka reer jabuuti ku lahaayeen Doorashadii Dalka ka qabsoontay 8- April 2011
  8. Sheikh adan siiro ciid khudba may allah bless him and reward him for his good deeds
  9. Wefti Culus oo ka Socda Dawladda Somaliland oo ka Qaybgeli Doona Xafladda Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo xog-warramay socdaalkii Madaxweynaha ee Carabta iyo saamaynta aqoonsiga Somaliland “Waa in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland” “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn.. Aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse…” Waraysi khaas ah - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf-raadinta Somaliland Hargeysa (Jam)- La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Maxamed-rashiid oo Jamhuuriya ugu warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah. “Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.” Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo. “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo. Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland. Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu. Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda. Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
  10. A_Khadar;717876 wrote: Idon't think you even read it. Read it first and them make your comments. All you responded it the title. The dude presented cases/scenerios of why your clan lot's lie is to an end. dad dalkoodi so burburiye saaxib anigu waxba kama qoro,,, misery loves company baan maqli jiray Somaliland is a reality ama ooyaa ama hindhisa ama baroorta , This Country will for exist for ever cidna laga ma baryo not wiil Gurigisi soo gubay Iyo mid qurbaha ku hantatacay
  11. Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Maxamed Rashiid Oo U Anbabaxay ka qaybgalka xaflada Madaxbanaanida Juba Suudaan 09/05/11-Hargaysa-(Bnn) - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Maxamed-rashiid oo Warbaahinta uga warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah. “Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.” Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo. “Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo. Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland. Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu. Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda. Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland."
  12. ;);) For 20 years hoping for the Collapse of Somaliland
  13. Peace Action;717749 wrote: True and they don't realize that they are competing with regional govt rather than a national govt. Let us welcome our brethren and urge them to continue supporting the peace and progress of their regional govt, Somaliland. Competing in what in Killing each other in the holy places no thanks we rather not, or piracy perhaps no we rather fight piracy and Criminals and other social rejects.
  14. Naxar Nugaaleed;717734 wrote: in another news, somalilanders continue to be obsessed with all things puntland This is more about faroole and his Garowe Militia attacking another regional state in baargaal this has nothing to do with Somalilanders or anything Somaliland. This is actually top news the people of raas casayr should be respected and they should not be attacked by hungry warlords
  15. Leezu;717710 wrote: It is good they wanna develop those areas but why now all of a sudden do they spend money on the "Eastern part of Somaliland" which SSC is in control of now. How are they gonna develop these areas of Sool, Sanaag and Cayn that is under the control of SSC, Puntland and not Somaliland? what ssc control Majority of sanaag is under Somaliland and the Majority of Sool is under Somaliland and the Cayn region is also majority under Somaliland if you exclude the buhoodle town.
  16. The Two Guys wearing white shirts are IOG sons and the girl in the green dress is his daughter
  17. Le chef de l’Etat, M Ismaïl Omar Guelleh, a successivement accueilli aujourd’hui les chefs d’Etat et de Gouvernements de pays frères et amis, venus à Djibouti afin d’assister au déroulement de la cérémonie d’investiture du Président de la République pour un troisième mandat de cinq ans qui va se tenir ce dimanche 8 mai 2011 au palace Kempinski Palace.
  18. Casho Sharafeed lagu Maamuusay Dabaal Degga Caleemo Saarka Madaxwaynaha Jabuuti oo Xalay loo Sameeyay Wufuud ka soo Qayb gashay Caleemo-saarka Geelle. Madaxwayne Ku Xigeenka Dalka Yemen Cabdi Rabow Mansuur,Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Daawo Sawiradda Jabuuti (GNS)-Casho sharaf Balaadhan oo Xalay loo sameeyay damaashaadka Caleemasaarka Madaxwaynaha Dalka jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Kambeski ee Magaalada Jabuuti. Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen wafti Aad u Tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxwaynaha Dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxwaynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Mahbuub Macalin, Madaxwaynaha Dawlada ku meelgaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed, Madaxwayne Ku Xigeenka Dalka Yemen Cabdi Rabow Mansuur,Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamed ibraahin Madar, Marwada koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamud Xayd ,Madaxda Ka kala socotay hayadaha Caalamiga ah ,Wafti tiro badan oo Ajaanib ah oo lagu Casuumay Casharafeedan loo Sameeyay Dabaal degga Guusha uu ka soo hooyay Madaxwayne ismaaciil Cumar geele Doorashadii ka dhacday Dalka jabuuti 8-04-2011 iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa lagu soo bandhigay Ciyaaro iyo Heeso dhaqameedyo kala duwan oo Luqado kala duwan lagu qaadayay, sida Afka Carabiga, Faransiiska, Somaliga iyo Canfariga, kuwaasi oo ay soo bandhigeen Fanaaniin Caan ah oo kala kala yimi Daafaha Caalamka iyo Dalalka Somalida. Munaasabadan ayaa ahayd mid si heer saraysa loogu soo dhaweeyay Dadkii ka soo qaybgalay loogu dabaal deggay Guusha ismaaciil Cumar Geelle ka soo hooyay Doorashooyinkii ka dhacay dalkiisa taasi oo uu kaga guulaystay Musharaxii madaxa Banaanaa ee la tartamayay Mudane Maxamed Warsame Raage. laba Hablood oo uu dhalay Madaxwayne Geelle iyo Wariye Muha Daahir Faarax
  19. President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term . Sunday, 08 May 2011 14:29 Axadle Left arrow key Next Right arrow key Close President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term here Sunday following his re-election last month in a vote boycotted by the opposition. "I, Ismael Omar Guelleh, swear before God and my people that I will assume this heavy mission with transparency and justice," he said during a ceremony attended by several regional leaders, including Presidents Omar al-Bashir of Sudan, Meles Zenawi of Ethiopia and Sharif Cheikh Ahmed of Somalia. Beshir attended the ceremony even though he is wanted by the International Criminal Court (ICC) on charges of genocide, war crimes and crimes against humanity in Sudan's western Darfur region and Djibouti is party to the ICC. ICC statutes dictate any member country should arrest him if he visits, and Bashir had not travelled to Djibouti since he was first indicted by the ICC in 2009. France, Djibouti's former colonial ruler, was represented at the inauguration by Cooperation Minister Henri de Raincourt while the United States sent its deputy assistant secretary of state for African affairs, Karl Wycoff. Guelleh, in power since 1999, won a third term with around 80 percent of the vote in the April 8 election that was boycotted by the opposition, defeating his only challenger, Mohamed Warsama Ragueh, a former head of the constitutional council running as an "independent". Last year, Guelleh had parliament amend the constitution to allow him to seek another term, trimmed down to five years from six, sparking an opposition outcry and fuelling unprecedented demonstrations in February. Opposition leaders at the time had hoped to turn a student movement into an Egypt-style protest to demand regime change but the largest demonstration turned violent on the first day and soon fizzled out. The protests were the largest since Djibouti obtained its independence from France in 1977 Read more: President Ismael Omar Guelleh of Djibouti was sworn in for a third five-year term http://www.axadle.com/africa/president-ismael-omar-guelleh-of-djibouti-was-sworn-in-for-a-third-five-year-term.html#ixzz1Lm9Wxijw
  20. Djibouti president sworn in for new five-year term “I, Ismael Omar Guelleh, swear before God and my people that I will assume this heavy mission with transparency and justice,” he said during a ceremony attended by several regional leaders, including Presidents Omar al-Bashir of Sudan, Meles Zenawi of Ethiopia and Sharif Cheikh Ahmed of Somalia.Beshir attended the ceremony even though he is wanted by the International Criminal Court (ICC) on charges of genocide, war crimes and crimes against humanity in Sudan’s western Darfur region and Djibouti is party to the ICC. ICC statutes dictate any member country should arrest him if he visits, and Bashir had not travelled to Djibouti since he was first indicted by the ICC in 2009. France, Djibouti’s former colonial ruler, was represented at the inauguration by Cooperation Minister Henri de Raincourt while the United States sent its deputy assistant secretary of state for African affairs, Karl Wycoff. Guelleh, in power since 1999, won a third term with around 80 percent of the vote in the April 8 election that was boycotted by the opposition, defeating his only challenger, Mohamed Warsama Ragueh, a former head of the constitutional council running as an “independent”. Last year, Guelleh had parliament amend the constitution to allow him to seek another term, trimmed down to five years from six, sparking an opposition outcry and fuelling unprecedented demonstrations in February. Opposition leaders at the time had hoped to turn a student movement into an Egypt-style protest to demand regime change but the largest demonstration turned violent on the first day and soon fizzled out. The protests were the largest since Djibouti obtained its independence from France in 1977. ahram.org