Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Xeefow;719400 wrote: LOL @ 'Dissovlement', who are you trying to fool? looooooooooooooool You can't break a country apart, without referendum from both sides. If majority vote for your separation then you win and get 'INDEPENDENCE'. But only less than million will vote for your separation, whereas 9 Million Somalis in North and South Somalia will vote against the separation which is a huge huge huge landslide...So afcourse 18 May is what you guys dream of Independence. Just be proud of 26 June...... Actually the Dissolvement was done two decades ago you would not know that because you was Killing eachother as for a referendum , the referendum will only be held on the part that wants to seccede Like done in Eritrea in 1993 like Done in South sudan this year , and if it comes to it will only be held in the Somaliland territories Not In the Koonfurian Territories and i don't even think it will come to that
  2. Xoogaga Atam Oo La Wareegay Saldhigya Horleh, Isgaarsiinta Dhahar Oo La Jaray Iyo Taliyaha Booliska Sanaag Ee Somaliland Oo Dhahar Soo Gaaray Written by Admins Dhahar (SPR): Wararka nagasoo gaarayo jiidaha dagaaladu ay kasocdaan ee Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in xoogaga taabacsan Maxamed Saciid Atam, ay gebi ahaanba lawareegeen magaalooyinka Galgala, Maraje, Afurur iyo Xumur kadib markii ciidamada Puntland ay faaruqeeyeen guud ahaan degaamada galbeedka kaxiga dhanka laamiga. Wararka waxay intaasi ku darayaan in xoogaga Atam ay shirar saakay kula qaateen odayaasha dhaqanka degaamadaasi, walow aan la ogayn waxyaalaha ay kawada hadleen. Dadka shacabka ayaa lasheegay in ay bilaabeen in ay ka qaxaan degaamadaasi, kadib markii ay dib usoo cusboonaatay dagaalada u dhaxeeya maamulka Puntland iyo xoogaga mucaaradka. Maxamed Cismaan Cali, oo kamid ah odayaasha haatan kasoo barakacay degaamada galbeedka gobolka Bari, ayaa idaacada SPR u sheegay in bulshada rayidka degaamadaasi ay soo wajahday cabsi , inbadan dadkaasina aysan haysan rakaab ay kusoo baxsadaan. Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa sidoo kale dad farabadan sanadkii hore usoo barakaceen, iyadoo dadkaasi qaar aysan wali kunoqan degaamadooda. Dadka barakacayaasha ayaa lasheegay in ay la ildaran yihiin nolol xumo iyadoo goobaha ay soo dageen aysan lahayn suuliyo iyo biyo nadiif ah. Duqa degmada Dhahar, mudane Kilwe oo arintani walac ka muujiyey ayaa ugu baaq hay’adaha caalamagi iyo qurba joogta reer Maakhir in ay kaalmo lasoo gaaraan dadku ay dagaaladu aa’feeyeen. Dhanka kale, Magaalada Dhahar ayaa Gabi ahaanba laga Jaray Isgaarsiintii ka hawl geli jirtay gaar ahaan shirkadaha Golis iyo Telecom, kadib markii uu amar ku bixiyey madaxweynaha Puntland, Faroole. Sidan oo kale ayaa sanadkii horena looga jaray isgaarsiinta Dhahar, xilli la saadaalinaayey in maamulka Puntland uu weerar u qorshaysnaa. Arintani ayaa dhalisay xasaasiyad aad u wayn, iyadoo shirkadahaasi hore loogu ee’deeye in aduun lacag ay kasameeyaan degaamadaasi, weligoodna aan wax dib ugu celin. Sacaado kadib markii isgaarsiinta lajaray, waxaa magaalada Dhahar soo gaaray taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, Coronel Caydiid Axmed Nuur. Idaacada SPR oo ku booqatay Coronelka xerada duuleedka magaalada Dhahar ee Somaliland ayaa sheegay in halkaasi uu soo gaarsiiyey qalab isgaarsiin casri ah oo isugu jira taarar iyo teleefanada satteliteka. Corneelka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu heegan ay kujiraan, kana hortagi doonaan weerar kasta oo uu yimaada. Arimahani oo idil ayaa imanaya, xilli maalmo kahor dagaal ba’ani kadhacay degmada Galgala oo u dhaxeeyey xoogaga Atam iyo maamulka Puntland. Dagaalkani ayaa dhaliyey saan saan colaadeed haatan’na saamaysay gobolka Haylaan oo la jaar ah gobolka Bari oo dagaaladu kasocdaan
  3. 18 may is not independence day as you formulate it, it's the day we disolved the failed union and reestablished the state of Somaliland as an independent state 26 June is a very Important day as well it's the day we send the Englishmen back to Mery old England and 50 years later last year we held Free and Fair Elections last years 26 june 2010. But the Significance of 18 may is the Establishment of the republic of Somaliland and the Dissolvement of that Failed Union with Somalia.
  4. war guba guba warqadaha xun xun guba si dhakhso ah u guba
  5. Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta oo diyaar garow balaadhan ugu jira ka qaybgalka 18 MAY. Hargeysa(Waaheen) Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta ayaa diyaar gorow laaxad leh ugu jira Xuska 18 may oo ah Sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay gooni isutaageeda Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18 may 1991kii. Ciiddamada qalabka sida ee Qaranka Somaliland ayaa Maalmihii ugu dambeeyey waxay dhoolatusyo ay ugu diyaar garoobayaan Xuska 18-ka May ku soo bandhigayeen Garoonka kubada cagta ee Dareeriska ee ku yaala Xafada Pepsiga ee magalada hargeysa, waxana hogaaminayey Ciidamada qalabka-sida ee Somaliland Saddexda Taliye Ciidan ee kala ah Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabbaal), iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax. Ciiddammada qalabkasida ee Somaliland ayaa dhoolatuskan ay ugu sii diyaar goroobayan 18-ka May ay ah mid soo jiitaday dadweynaha reer Somaliland, iyada oo boqoolaal shacabiga reer hargeysa ahi ay u soo dawasho tagaan wakhtiga ay ciidamadu dhoolatuska sameeyanayan. Ciidamadan ayaa noqon doona kuwii ugu badnaa ee maalinta 18 may soo mara jidadka waweyn ee casimada hargeysa, iyada ciidamo soo mara wadooyinka wakhtiga 18 may ugu danbeeysay Sanadkii 2001-kii, wakhtigaas oo uu Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu Mabnoocay in la soo bandhigo Quwada Ciiddammada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, sidaa awgeed wixii ka dambeeyey Sanadaas Ciiddammada qalabka sidaa kagamay qayb-qaadan Gaardis iyo Dhoolatusyo kale, isla markaana Wadooyinka socod kumay marin, hase yeeshee waxa ay kaliya oo hawshoodu ahayd suggida Ammaanka guud dalka. Dhinaca kale qaban qaabada 18 may ayaa si qurux badan uga socota Somaliland iyadoo wararka naga soo gaadhayaa 6 Gobol ee Somaliland ay sheegayaan in si balaadhan looga diyaargaroobayo 18 May, waxa kale oo casimada Somaliland ee hargeysa ku arkaysaa Astaanta Qaranka Somaliland oo meel walba lagu iibinayo. C/raxman Osman C/laahi (Isbatore) Waaheen Media Group Hargeysa, Somaliland
  6. TEHRAN, Apr. 13 (MNA) -– The director of the Trade Promotion Organization of Iran in a meeting with the Chinese ambassador in Tehran said that Iran and China can boost mutual trade by establishing a joint bank and using national currencies for their transactions. IRNA news agency quoted the TPOI director, Hamid Safdel, as saying that the two sides could create a joint trade committee at the ministerial level, and pointed out that the countries would be better off if they signed an MOU on trade and customs cooperation. He added that the two countries’ joint economic committee would help expand bank relations and ease opening letters of credit as well as establishing commercial firms. The Chinese ambassador, Yuhong Yang, said for his part that soon an economic delegation from his country would come to Iran. He said the delegation’s first priority is to review ways of expanding economic relations and resolve current problems in their trade ties. The president of Iran-China Joint Chamber of Commerce has predicted that the annual trade between the two countries will reach $50 billion in the next 5 years. Asadollah Asgaroladi added that Iran-China trade value was $3.5 billion ten years ago and has currently reached $30 billion through the ardent endeavors of the Iran-China Joint Chamber of Commerce. MRK/MG END MNA
  7. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Duleedka Buuhoodle Ku Weeraray Gaadiid Ay Nabad-Diidka SSC U Soo Iibiyeen Al-Shabaab, Laguna Waday Gaalkacayo Hargeysa, May 15, 2011 (Haatuf) - Ciidamada Itoobiya ayaa shalay duleedka magaalada Buuhoodle ku weeraray gaadiid ay kooxda Nabad-diidka SSC usoo iibiyeen ururka Al-shabaab, kuwaas oo lagu waday magaalada Gaalkacayo ee Somalia. Gaadiidkan oo ahaa laba gaadhi oo noocoodu ahaa Land-Crusero lama hubo ilaa hadda in laga soo iibiyey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa midkoodna. Sida ay ilo xogogaal ahi ay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ciidamada ku sugan xuduudooda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ka war heleen labada gaadhi ee Land-cruserada ah ee kooxda nabad-diidka ee fadhiisinkoodu yahay Buuhoodle ay u waday ururka Al-shabaab, taas darteedna ay ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen shalay duhurkii labada gaadhi oo lagu sii waday magaalada Gaalkacayo ee dalka Somalia, kuwaas oo ciidamada Itoobiyaanku ay labadaa gaadhi ay mid ku gubeen isaga iyo maleeshiyadii saarnayd halka gaadhiga kalena ay u soo jiiteen xeradooda dhinaca xuduuda Buuhoodle ay ku leeyihiin. Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku darayaan oo ay sheegayaan in laba ka mid ahaa maleeshiyadii Nabad-diidka ee gaadiidkaasi Al-shabaab loo waday saarnaa Maydadkooda lagu arkay deegaanadaasi. Inkasta oo tirada ka dhimatay maleeshiyada Nabad-diidka ay wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu ay intaas ka badan tahay. Dhinaca kale ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Khamiistii todobaadkii hore magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay soo iibinta gaadiidkaasi iyo u gudbinta Buuhoodle ay ku lug lahaayeen. Wargeyska Haatuf ayaa hore u sheegay inuu jiro xidhiidh weyn oo u dhexeeya kooxda Nabad-diidka Buuhoodle ee SSC iyo ururka Alshabaab. Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ee sida weyn u hor kaca kooxda Nabad-diidka ee fadhigoodu yahay Buuhoodle sida Garaad Jaamac Garad Cali ayaa iyagu hore u cadeeyay taageeradooda ururka Al-shabaab. Ilo-wareedyo ku sugan Buuhoodle ayaa intaa raaciyey in ciidamada Itoobiya ay si weyn usoo xoojiyeen xuduudaha labada dal u dhexeeya ee Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo intaa ku daray in hadhaagii kooxda Nabad-diidka SSC ay Buuhoodle ka fakanayaan cabsi ay ka qabaan ciidamada Itoobiya ay dhinaca xuduudeeda soo dhoobtay.
  8. No No atam said he is a Muslim sheikh and he wants to get rid of the PIS and wants to rule his region in freedom. He never claimed to be one with Al shabaab other than the fake tapes released on that paltalk programme not a reliable source . Now it's not a secret atam is against the Pirate state but that does not make him a terrorist.
  9. Wasiirka Beeraha Oo Hay’ada shaqaalaha ka codsaday In La shaqalaysiiyo Ardayda ka soo baxda Jaamacadaha Dalka ee bartay Cilmiga Beeraha. waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda.......... Hargaysa(GNS):-Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle ayaa maanta kulan xog waran ah oo ku saabsan waxqabadka wasaarada beeraha ka siiyay Guddida joogtada ah ee golaha guurtida. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada waxaa uu wasiirku faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha waxqabadka ee hawlaha wasaarada beeraha,waxaana uu sheegay wasiirku in awooda wasaarada beeruhu ay kooban tahay,isla markaana ay jiraan xafiisyo muddo hore la qalabeeyay balse aan ilaa hada shaqaynin isaga oo xusay in ay xukuumad au qoreen in la siiyo miisaaniyad ku filan waxaanu yidhi “wasaarada awoodeedu way kooban tahay, waxa jira xafiisyo la Aasaasay oo aan wali shaqayn sida xafiiska wax soo saarka wasaaradu waa bilaa gaadiid oo gawaadhi nagu filan mahaysano markaa xukuumada waxaanu u qoranay in nalasiiyo miisaaniyad nagu filan si loo tayeeyo adeegyada wasaarada)”. waxa kale oo uu wasiirka Beeruhu sheegay inay sanadkan gobolada ay ku dhaqan yihiin dad beeralayda ah ay ka fulinayaan Mashruuc dadka beeraalayda ah loogu qodayo qoys kasta laba saacadood oo bilaa lacag ah,Maal gelinta Mashruucaasin ay ka caawiyeen ha’yadaha FAO iyo kuwo kale oo caalami waxanu yidhi “guud ahaan dalkoo dhan waxaanu ka fulinaynaa 18,000 oo saacadood oo bilaash ah,waxaanu ku dadaalaynaa inaanu si cadaalad ah ugu qaybino gobolada qodaalkaasi”. Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle waxa kale oo uu sheegay in ay wasaarada beeruhu ku dadaalayso sidii loo yarayn lahaa raashinka ay hay’ada cuntada aduunka ee WFP dalka keento,gaar ahaana xiliyada uu dalaga dalku soo baxo waxaanu yidhi ‘waanu dareemi karnaa dhibaatada ay beeralaydu kala kulmaan raashinkaasi,waxaan ahmiyada siinaynaa kor u qaadista dalaga beeraha ee dalka,iyada oo aanu sanadkan meelo badan oo dalka ka mid ah ka beernay bariis”.ayuu yidhi Mr Geedoole. dhinaca kale wasiirka wasaarada beeraha Faarax cilmi Geedoole waxaa uu ka codsaday xukuumada in wasaarada beeraha laga shaqaalaysiiyo ardayda ka soo qalin jabisa jaamacadaha dalka gaar ahaana kuwa bartay cilmiga beeraha, “waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka ee soo bartay ama ku takhasusay cilmiga beeraha”.ayuu yidhi Geedoole.
  10. Wa Qala ibnu Batuta Al Maghribi: the SOmalis settle from Zeila to Muqdishaw. So Somalis did not live beyond seylac and Not beyond Mogadisho i thought Somalis lived in Djibouti and kismayo and garisa also
  11. Xukuumada Oo Bilowday Lacag Bedelka Giimbaarta ee Shacbiga Tog-dheer May 14th, 2011 Hargeysa (Somaliland.org)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka bilowga hawsha shacbiga Gobolka Tog-dheer lagaga bedelayo lacagta giimbaarta ee laga qaato deegaanadaasi. Xafladaasi oo lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco. Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi,oo kea hadlay furitaankii xafladaasi waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku guulaysatay balan qaadkii la xidhiidhay in lacagta giimbaarta laga bedelo gobolka Tog-dheer oo uu ku dooday inay curyaamisay dhaqaalihii gobolkaasi. Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha lacag bedelku ay muddo toban cisho ah ka socon doonto baanka magaaladaBurco, waxaanu tilmaamay in 2000 lacagta giimbaarta ah lagu bedeli doono 1000 Sl sh Md. Cabdi Dirir Cabdi waxa uu uga digay shacbiga gobolkaasi inay iska ilaaliyaan lacagaha foojariga ah ee lagu doonayo in lagu mijo xaabiyo dhaqaalahooda. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay madashaasi waxa uu sheegay in muddo lix sanadood ah ay shacbiga Gobolka Tog-dheer ay ku olalayn jireen xisbi ahaan inay ka bedeli doonaan lacagta giimbaarta. Suldaan Cismaan Cali Madar iyo Sulaadaan Maxamuud Guuleed Mirre ayaa iyaguna waxay xukuumada ku ammaaneen waxqabadka waxaanay dawlada u soo jeediyeen inay kordhiyaan mudada lacag bedelku ay ka soconayso gobolka oo ay xuseen inuu aad u balaadhan yahay. Dhinaca kale waxa isla maantaba dadweynuhu ay sufuuf dhaadheer u galeen sidii ay lacagta giimbaarta ay ugu bedelan lahaayeen noodhka shilinka Somaliland, waxaana dadweynihii lacagta bedelanayay ay u mahad celiyeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay fulisay balan qaad aad ugu cuslaa shacbiga gobolka Tog-dheer.
  12. The Zack;719212 wrote: The news aint funny, the fact that you posted it is. Why i post all sort of news i post now and then from Daroor Marki degmada loo magacabay i report marki ay Liyo boolisku ay xiidheen ganacsatayaal reer harta Sheikh , i post about Djibouti The Garowe admin the TFG al Shabaab The Republic of Somaliland. even raas casayr
  13. very nice wa munasabad aad u wanaagsan Halgamayshi SYL. ilahay ha u naxaristo intii geeeriooytay koley magac bey ka tageen eh
  14. AfricaOwn;719204 wrote: word Emperor haile selassie would smile in his grave:D
  15. Somalina;719205 wrote: lol@XX, you won't be allowed in I'm afraid. I am a fellow xaaji like xaaji Muuuse suudi the founder of the state
  16. Ethiopia: ONLF rebels attack WFP Convoy Kill the drivers and take two hostages Jabhadda ONLF Oo Weerar Ay Ku Qaaday Wefti Hay’adda WFP Ka Tirsan Ku Dhaawacday Sarkaal Reer Somaliland Ah, Af-duubna Ku Kaxaystay Laba Ajaanib Ah Iyo Gubashada Laba Gaadhi Oo Weftigu Watey. Baabuli (Ramaas) May 14,2011 - Jabhadda dagaalka kula jirta dawlada federaala Itoobiya ee ONLF ayaa weerar ay ku qaadeen tuulo dhowr kilo mitir u jirta Magaaladda Baabuli ee dawlad deegaanka Soomalida ku dhaawacay sarkaal ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cuntadda ee addduunka ee WFP. Dirawalkii sarkaalkan oo magaciisu yahay Siciid Maxamed Caano-nuug (Gurey) oo dhawaaciisa lagu daawaynayo dhakhtar ku yaal Magaalo madaxda gobolka Ismaamulka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa isaga ay dileen jabhadda ONLF. Jabhadda oo gudaha u galay tuulada u dhow Baabuli, ayaa la sheegay inay sidoo kale kaxaysteen laba qof oo ajaanib ah isla-markaana aan la garanayn meesha ay la tageen, iyagga oo gubay laba baabuur oo hay’addu wadatay. Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in sarkaalka Somaliga ah oo reer Somaliland ay jabhadda ONLF caloosha ka toogteen isla-markaana ay mayd ahaan uga tageen, iyadda oo markii ay ka tageen ee ay gubeen baabuurtii ay wateen isla-markaana ay kaxaysteen labadii qof ee ajaanibka ahaa ay dadka deegaanka oo markii hore ka yaacay rasaastu ay soo qaadeen dhaawaca Siciid Guray, ka dibna loola cararay Magaalada jigjiga. Dirawalka sarkaalkan WFP u shaqaynayay ayaa la sheegay inuu dhalasho ahaan ahaa reer Itoobiya, gaar ahaan qoomiyadda Hererida.
  17. Jacaylbaro;719193 wrote: Or maybe Yalaxow State ,,, i would visit that state
  18. Zack but that does not make sense why does an Ethiopian care if Somali Billets money was used in parts of burco what will that do for you?
  19. Madaxwayne ku Xigeenkii Hore Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Garab La Siiyo Kooxda Puntland Kula Dagaalanta Buuralayda Galgalla, Kana Hadlay Aqoonta KULMIYE Ee maamulka dawlada. Hargeysa (Ramaas) May 14,2011 - Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inay garab siiso jabhadda maamul goboleedka Puntland kula dagaalamaysa deegaanka Buuralayda Galgalla. Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in dadka ku dagaalamaya ama dagga Galgalla yihiin dad reer Somaliland oo maamul goboleedka Puntland ka baro-kicisay dhulkoodii si ay halkaasi uga gurato macdan uu sheegay inay ku jirto, isla-markaana dadkaasi difaacayaan. Md Yaasiin ayaa sheegay in maamulka Puntland doonayo inuu wada laayo dhalinyaradda Galgalla kula dagaalamaysa, isaga oo intaa ku daray haddii garab la siin waayo in Somaliland oo indhaheedu shan yihiin la guran doono macdanteeda halkaa ku jirta. Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaasna waxa uu yidhi “Galgalla xadkeena waxay u jirtaa (4KM), barigii ay meesha soo weerareena gudaheena way soo galeen nimankaasi, waxay ahayd in maalintaas jawaab cad la siiyo, Puntland waxay ku meeraysataa ama ay ku hadaqaan qolo Al-qaacida ah ayaa meesha soo weerartay, may soo weerarin ee Galgalla dadka dagan waala yaqaanaa, dad-baa la xaaqay oo la baa’biiyey oo beerahoodii la baa’biiyey oo la baro-kiciyey iyadda oo macdan la doonayo.” Md Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay u jawaabtu wasiirka amniga Puntland oo sheegay in laga soo weeraray gudaha Somaliland “Hore anagu halkaa gaashaan ayaanu ka lahayn oo ciidanku wuu ka hawlgali jiray, wufuud ayaanu ku lahayn, xadkeena waxay u jirtaa afar kilo mitir, markaa waxaan leeyahay ninkaa iska dhawaaqaya wax dhaha, waxaanuna leenahay maxaa dhacay dawladeey markaanu joognay waanu ka hawlgali jiray oo taladayadu way cadayde, maanta in la yidhaahdo waxa laga soo duulay Beer waa arin ayaan-daro ah, waxay ahayd in wasiirka daakhiligu ka hadlo” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Laakiin waxaan leeyahay dadkan la leynayo ee la baa’biinayo waa dad reer Somaliland ah horena waa loo baa’biiyey, xadkeenana waxay ka shishaysaa afar 4KM markii dadka la xaaqayeyna 60KM ayaa la soo galay gudaha Somaliland, waxaan leeyahay Somaliland-ney arinkaa ka kaca, haddii inamada yaac-yaacaya haddii la doonayo in la dhameeyo idinka oo arkaya ayaa macdantiinii la guran doonaa, markaa waxaan leeyahay haddii ay dedaalayaan inamadii meesha (Galgalla) joogay ha lala hawl-gallo.” Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay “Isku Soo baxa 18-ka May waxay cadaynaynaa oo aanu leenahay oo ay waji u saaraysaa shan milyan oo qof ayaa la dafiray xuquuqdoodii caalamow inan-yarna xuquuqdeeda ayaa laga hadlaa, ta anaga aanu taageernayna waa taa, waliba anaga oo xisbiga ugu wayn mucaaradka waxaanu u taageeraynaa oo aanu garanaynaa meeshii aanu ku jiraynay, laakiin taas KULMIYE manuu ogeyn mana garanayn oo waxay ahaayeen niman 30 sanadood oo jabhadnimo ah ka soo doogay oo dawlada may garanayn, laakiin anigu dawladnimada waan garanayaa, dawladu waxa weeyaan nin ceel todoba shub ah ka soo shubay oo guntiisa waxa ku jira og, kor waxa la keenayana og, markaa anagu odhan mayno sidoodii loo keeno (Martiqaadka) tagi-mayno ee anagu waanu tagaynaa oo waanu garab galaynaa, waxaanuna leenahay dadka wixii UDUB ku abtirsada ama Somaliland-ba maalintaas (18-ka May) waxaanu leenahay hala is-cadeeyo xuquuqdeenii ayaa la dafiray oo labataan sanadood maraysa, oo ambiil loo qoro qaramada midoobay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal Iyo Rayaale-ba UDUB-bay ahaayeen, sanadkaa mooyaane 19-kii kale anaga ayaa fadhinay, UDUB ha fadhido laakiin meel-bay keentay oo aasaas ayay samaysay koone ilaa koone ah, lacagtii ayay samaysay, ciidankii ayay samaysay, xadkii ayay riixday, waxaana naga gaadhay juhdi, juhdigaasina waa mid aanu u galnay dadkayaga.” Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa aanu tagi jirin munaasinadaha qaranka ka dhaxeeya marka lagu soo casuumo “Kulmiye halkan oo kale muu iman jirin, markaa waxaan leeyahay may ahayn niman dawladnimadda u bislaaday ee waxay ahaayeen, waxay ahaayeen niman siday jabhadnimadii uga soo doogeen aan malaha dawladnimada aan garanayn, laakiin maanta malaha way garanayaan oo way ku balaadhatay, sababta oo ah shirari ayaanu la galnay ah sidii loo maamulayay iyo qaabkii looga midho-dhalinayey iyo sidii loo galayey, taladayadiina waanu ka dhiibanay, mid aanu kaba sugaynana maaha, mida kale nin wax cunaa wuu jiraa oo aakhiro loo qabsanayaa, waxayna islahaayeen (KULMIYE) qolada maamulka fadhidaa (UDUB) waxbay futaynayaan, laakiin maanta ayay garanayaan, waliba haddii mushaharkaa ay kordhiyeen ay dhamaystiraan sanadkaa waan salamayaa oo waan u sara-kacayaa oo waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad qabateen, maxaa yeelay iyagga oo xamaysa oo is leh dawladii hore wax dhaafiya ayay kordhiyeen (100%) boqolkiiba boqol, waana arin adag, waxayna ku khasban yihiin inay mushahar kaliya soo reebaan si ay uga baxaan, markaa haddii ay taa ka baxaan waxaan leeyahay mushahar fiican ayaad qabateen.” Ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay xisbiga UDUB aan dadka ka tirsani aanu iskaga dhawaaqi Karin musharaxnimo “Arinka musharixiinta waxaanu soo saarnay go’aan caam ah markii rag badani is-barbar yaaceen, waxaanuna ku nidhi shirwaynaha xisbiga UDUB waa bisha February 2014-ka, waa wakhti dheer, xisbigii ayaa la dhisayaa, golihii dhexe ayaa la sheegayaa dhawaan marka guddoomiyuhu yimaado, dabadeedna xeerka UDUB ayaa wax laga badali doonaa, waxa laga yaabaa in guddoomiyaha xisbiga iyo musharixiinta la kala qaado.” Md Yaasiin waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxaanu soo saarnay in aanu xidhno oo aanu nina musharax sheegan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa nin habeen jiray maaha, waxaanan qabbaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa waa nin tuug ah oo doonaya inuu wax dhaco oo umadda dhacaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ninka isa soo taagayaa waa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday islaanta fadhida suuqa ee iibisa tamaandhada uu hadhow waxeeda xaddo, waa ninkaas ninka meesha ku cararayaa.” Md Yaasiin waxa uu baaq u diray bulshada caalamka “Waxaan baaq u dirayaa bulshada caalamka oo aan leeyahay waxaad ka hadashaan xuquuq gabdheed, waxaad ka hadashaanb xuquuq qof, waxaad ka hadashaan xuquuq dad la hayb-sooco, laakiin ma ogtihiin inaad shan milyan oo qof aad xuquuqdoodii dafirteen, shan milyan oo qof ayaa xuquuqdoodii la tiray oo la yidhi ma jirtaan, waxa kale oo ka jiray in ilaa bilowgii siddeetamaadkii ilaa sagaashankii aanu adduunku wax ka qorin wixii halkan ka dhacay dagaal iyo mushkilad.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Intaa waxa inoo raacay muddo 20 sanadood ah oo aanu ku naaloonaynay dawladnimo iyo qaranimo oo wixii dawladi lahaydba aanu samaynay haddana xuquuqdayadii la dafirsan yahay, waxaana dafirsan caalamkii, qaramada midoobay ayaa dafirsan, cid waliba way dafirsan tahay, waxa la yidhaahdaa shaqo fiican ayaad qabateen, doorasho fiican ayaad qabateen, si fiican ayaad isugu wareejiseen, waahayee xuquuqdii dadkani halkay ku maqan tahay weeyaan.” Ramaasnews Desk
  20. Imisaad maraysaan i agree with faarmaajo ka waran U have Buntiland Galmudug Ximan iyo xeeb Galguduudstate Hiiraanstate Raascasayrstate Midstate Mareegstate Azania Jubbarastate jubbaland Greenland Waax iyo waadi Galguduudstate udubland Mid ba topic hada u furanyahay magaceed cawlstate
  21. 20 years Later Liibaaxu halkisi buu jooga Stronger then ever