-
Content Count
30,068 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland army overpowers surprise attack from Puntland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Somaliland will not negotiate in defending its territorial rights”. you got to love the president -
Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
dee why don't you just test it go to Malaysia -
Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Well done Mashallah -
Cali_Gaab;724907 wrote: Saaxib, ma soomaali ayaa soomaali kalle gumaysata sannadka 2011? slaamuhu lacagta waxa kaga gura dee wala ina gumeysta bla bla bla wax aan jirin dee dadka qurba joogtu na wa iska qiiro meydhan
-
Maxaabiis iyo Saanad dagaal oo laga qabtay Ciidanka Puntland iyo Maamulka Puntland oo ka hadlay Monday, 30 May 2011 Lascaanood(Togdhnews)-Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii galinkii dambe ee maanta dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool iyo ciidanka maamulka Puntland,kaasoo ka dhacay degaamada Cadaada oo u dhaxeeya Gambadha iyo Higlada,iyo Waageere oo u dhow Tukaraq, ayaa sida Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan Jiida hore u sheegay TogdheerNews,waxa ciidanka qaranku ku qabtay dagaalkaasi shan maxbuus oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo saanad ciidan, islamrkaana waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen afar askari,kuwaasoo uu xusay in dhaawacoodu yahay mid fudud. Waxa sarkaalkani intaasi ku daray in dagaalkii istaagay caawa,labadii ciidana ay isku horfadhiyaan goobtii dagaalku ka dhacay,isagoo tilmaamay in ciidanka Puntland ay weerarka ku soo qaadeen ciidanka qaranka balse ay ku dhufteen dhirbaaxo adag,oo cashar u noqon karta. Sida ay wararka ka imanayaa degaanka Tukaraq ay sheegayaan,ayaa ciidanka Puntland waxa ka dhaawacmay ilaa tobon askari ,oo dhaawacooda la mariyay halkaasi ,iyagoo loo siisido cisbitaalka magaalada Garoowe. Ma jirto ,ilaa hada wax dhimasho ah, oo ay sheegteen labada dhinac ee dagaalku ku dhexmaray degaankaasi,haseyeeshee waxa wararku tibaaxayaan in gurmado ciidan ay ku qulqulayaan labada dhinac,islamrkaana laga cabsi qabo in subaxnimada beri mar kale dagaal halkaasi ka qarxo. Geesta kale,Wasiirka Warfaafinta Puntland,Axmed Cali Askar,ayaa shir jaraajid oo uu ku qabtay magaalada Garoowe,ku eedeeyay xukuumada Somaliland in ay weerar ku soo qaaday ciidankeeda,islamarkaana ay ka dhaawacmeen Sadex askari. Xukuumada Somaliland ayaa ilaa hada ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland. Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobolka Sool ku sugan yihiin wafti ka socda xukuumada Somaliland ,oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md.Xaabsade,sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbadiisii 18-Mey,ku cadeeyay in xukuumada Somaliland soo dhawaynayso xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan maamulka Puntland, balse lama taabtaan ay yihiin xuduudaha Somaliland
-
Cali_Gaab;724807 wrote: Our little sister Garowe is doing a good job trying to get on our good side. Masha'allah. ;);)
-
He is a good man Mr Tiicey
-
M/Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Oo Booqasho Gaaban Ku Yimid Magaalada Borama+SAWIRO 30/05/11-Borama-(Bnn) Waxaa Goor Dhawayd Oo Ay Saacada Afrikada Bari Cagacagaynaysay 8 Aroornimo Soo Gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, safarkiisan oo aan horey loo shaacin Ayaa waxaa noo suura galay inaan ka helno Xogo ku dhaw Dhaw Waftiga Madaxwayne Ku Xigeenka Xiligan waxa keenay uu u yimid Magaalada Borama. Safarkiisan gaaban ee Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Ku yimid Maanta Magaalada Borama ayaa ka danbeeyay , Arimo Gaar oo Xaga Qoyskiisa , isaga oo uu dhintay Mid ka mid ah Ina Adeerkii , Iyo Booqasho sida la sheegayay uu u yimid Aabihii oo isna Xanuunsanaya, safarkiisan ayaa ilaa iminka aan la shaacin arimaha kale ee Qorshaha Ugu Jira inta uu ku sugan yahay Boama Iyo Meelaha kale oo uu booqanayo Iyo Cida sida rasmiga ah ku wehelinaysa Safarkiisa Iyo mudada uu joogi doonaba. Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay arooryo horey tahay Waftiguna goor dhawayd uun soo gaadhay Borama, wixii warar ah ee Waftiga Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ka soo Kordha gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doona Haduu Alla Idmo."
-
where is this imaginary awdal state where should we Look?
-
Official: 5 suicide attacks at AU bases in Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Che -Guevara's topic in Politics
Al Shabaab oo Qaraxyo iyo Weeraro ismiidaamin la beegsaday AMISOM Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamadaasi ku sugan wadada Makah Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho. Weerarkan oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa galabta lala beegsaday aaga Wadada Makah Al Mukaramaha oo ay fadhiyeen ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Weerarkaasi ayaa isugu jiray rasaas ciidamadaasi lagu furay iyo waliba qof bambaano watay oo halkaasi isku qarxiyey, AMISOM ayaa sheegtay in dhankooda ay ka dhinteen 2 askari, isla markaana ay jiraan 5 kale oo ka tirsan AMISOM iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ay dhaawacyo soo gaareen. Dhanka kale in ka badan shan qof ayaa ku dhaawacmay maanta, weerar kale oo miino loo adeegsaday oo lala beegsaday ciidamada DFKMG oo marayey degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidamada AMISOM Col. Innocent Oula, ayaa tacsi u diray ciidamada dhibaatada kasoo gaartay weerarka ismiidaaminta ah ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, asagoo sheegay in ciidamada AMISOM ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarkaasi ka hor intuusan isqarxin ninka bombaanada watay, asagoo sheegay in khasaaro badan uu shacabka soo gaari lahaa hadii aan ciidamada si deg deg ah uga hortagin kooxda weerarka fulineysay. Weeraradan ayaa kusoo beegamaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoogleh ka socdeen magaalada Muqdisho qeybo kamid ah gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo doonayaan inay gacanta ku dhigaan ciidamada AMISOM iyo kuwa gacanta siinaya ee DFKMG iyo Ahlusuuna Waljamaaca. Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ay kala soo horjeedo AMISOM Iyo DFKMG ayadoo weeraradan ay yihiin kuwii ugu danbeeyey oo ay AL Shabaab dooneyso inay uga jawaabta culeyska militari ee uga yimid dhinaca AMISOM. -
Odaysomali they can't fool us Somaliland needs to secure it's boundaries. any one who stands before the national army is the enemy of the state.
-
Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC.. oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya. " Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis". Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah. Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanaka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.
-
Dagaal La Isku Gabal Dhacsaday Ayaa Maanta Ka Dhacay Degaanka Waageero Ee Duleedka Tukaraq Kaas Oo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntiland 30/05/11-Dagaal Culus Oo aan waxba la iskula hadhin ayaa ka la iskula gabal dhacsaday jiida hore ee gobolka laasacaanood,Degaanka waageero , oo ku yaala duleedka Tukaraq,Sida aan wararka hordhaca aan ka helayno jiida hore ee Degaalka ayaa Saraakiisha Somaliland ee halkaas ku sugani waxa ay Soo sheegayaan in dagaalku uu ku bilaabmay duhurnimadii maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay Tuulada Cadaada ee u dhaxeysa Gambadha iyo Higlada,halkaasoo ciidanka qaranku ku jabiyay maleeshiyadaa weerarka soo qaaday kuna gaadhsiiyay firxadkoodii meesha loo yaqaa weegaare,ee ah duleedka Tukaraq. Ka dibna ciidan gurmad oo ka yimi dhinaca garoowe iyo ciidankii qaranka ayaa mar kale fooda isku daray dagaal culus,oo la isku gabal dhacsaday kaas oo ilaa hada socda layskuna adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka. Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laascaanood ,oo ay waheliyaan gaadiidka dagaalku ayaa iyaguna gaadhay goobtaas dagaalku ka socdo,oo hada ku biiray dagaalkaasi. Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo , lamana oga khasaare dagaalkaasi gaystay ,inkastoo qaar ka mida masuuliyinta ciidanka qaranka ee jiidaasi ay sheegeen in ay qabteen maxaabiis, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay duhurkii Tuulada Cadaada. Wixii Warar ee dagaaladaas ka soo kordha Gadaal ayaan idinkula soo socodsiin Doonaa Insha Allah. Boramanews Desk
-
Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Gambadhe Iyo Tukaraq- Lasanod Online. Monday, May 30, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya maleeshiyada Somaliland iyo Ciidamada SSC ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saaka kasoo ruqaansadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. iyagoo soo dhaafay Gambadhe oo dul yimid magaalada Tukaraq. Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan,balse wararka aan ka helayno degaanka ayaa xaqiijinaya in maleeshiyadii Somaliland dib loo riixay ayna ka ruqaansaden goobihii ay saaka joogeen ee dagaalku dhacay. Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan SSC oo ay hogaaminyaan Cali Sabarey iyo Axmed Karaash. Ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland ee weerarka soo qaaday,inkastoo wararka xiligan la helayo ay sheegayaan inay degantahay xaaladda deegaanku, islamarkaana ciidamada SSC ay joogaan fadhiisimahoodii. Wixii Ka Soo Kordha Dagaalkan Kala Socda LASANOD ONLINE.