Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Odaysomali they can't fool us Somaliland needs to secure it's boundaries. any one who stands before the national army is the enemy of the state.
  2. Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC.. oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya. " Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis". Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah. Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanaka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.
  3. I could've but i didn't so tell me you mentioned him tell me who he is
  4. Che -Guevara;724734 wrote: Who's Cabdikariin Yaasin Mire? You tell me
  5. Polanyi;724730 wrote: There is only Soul. No such thing as Eatern Soul. Getta the hell outta of here. Western sool caynabo wadaamago oog Central sool adhicadeeye yagoori laascanood eastern sool gambadhe taleex tuka raq. I am not talking about soul
  6. Somaliland defence Minister will hold a press conference in the next Hour.
  7. Dagaal La Isku Gabal Dhacsaday Ayaa Maanta Ka Dhacay Degaanka Waageero Ee Duleedka Tukaraq Kaas Oo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntiland 30/05/11-Dagaal Culus Oo aan waxba la iskula hadhin ayaa ka la iskula gabal dhacsaday jiida hore ee gobolka laasacaanood,Degaanka waageero , oo ku yaala duleedka Tukaraq,Sida aan wararka hordhaca aan ka helayno jiida hore ee Degaalka ayaa Saraakiisha Somaliland ee halkaas ku sugani waxa ay Soo sheegayaan in dagaalku uu ku bilaabmay duhurnimadii maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay Tuulada Cadaada ee u dhaxeysa Gambadha iyo Higlada,halkaasoo ciidanka qaranku ku jabiyay maleeshiyadaa weerarka soo qaaday kuna gaadhsiiyay firxadkoodii meesha loo yaqaa weegaare,ee ah duleedka Tukaraq. Ka dibna ciidan gurmad oo ka yimi dhinaca garoowe iyo ciidankii qaranka ayaa mar kale fooda isku daray dagaal culus,oo la isku gabal dhacsaday kaas oo ilaa hada socda layskuna adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka. Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laascaanood ,oo ay waheliyaan gaadiidka dagaalku ayaa iyaguna gaadhay goobtaas dagaalku ka socdo,oo hada ku biiray dagaalkaasi. Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo , lamana oga khasaare dagaalkaasi gaystay ,inkastoo qaar ka mida masuuliyinta ciidanka qaranka ee jiidaasi ay sheegeen in ay qabteen maxaabiis, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay duhurkii Tuulada Cadaada. Wixii Warar ee dagaaladaas ka soo kordha Gadaal ayaan idinkula soo socodsiin Doonaa Insha Allah. Boramanews Desk
  8. Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Gambadhe Iyo Tukaraq- Lasanod Online. Monday, May 30, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya maleeshiyada Somaliland iyo Ciidamada SSC ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saaka kasoo ruqaansadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. iyagoo soo dhaafay Gambadhe oo dul yimid magaalada Tukaraq. Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan,balse wararka aan ka helayno degaanka ayaa xaqiijinaya in maleeshiyadii Somaliland dib loo riixay ayna ka ruqaansaden goobihii ay saaka joogeen ee dagaalku dhacay. Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan SSC oo ay hogaaminyaan Cali Sabarey iyo Axmed Karaash. Ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland ee weerarka soo qaaday,inkastoo wararka xiligan la helayo ay sheegayaan inay degantahay xaaladda deegaanku, islamarkaana ciidamada SSC ay joogaan fadhiisimahoodii. Wixii Ka Soo Kordha Dagaalkan Kala Socda LASANOD ONLINE.
  9. Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo maamulka galmudug oo manta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo-hobyonet)Banaanbaxani oo lagu taageerayay maamulka galmudug ayaa maanta ka dhacay garoonka kubada cagta C/laahi ciise ee magaalada Gaalcakyo waxaana ka soo qayb galay madax katirsan dowlad gobaleedka galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweyne maxamed axmed caalin. Banaabaxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka galmudueg ee horsed ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay madaxweynaha maamulka galmudug Col,Maxamed Axmed Caalin oo qudbad dhjeer ka jeediyay garoonka kubada cagta ee C/laahi Ciise ayaa ugu horeyn kawarbixiyay waxa ka soobaxay shirkii uu dhawaan uga qayb galay dalka Kenya ee ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay isagoo amaanay qaramada midoobay sida ay ula shaqeynayso maamulka galmudug. Waxa uu sidoo kale ka hadlay amaanka ka jira deegaanada galmudug oo sheegay iney qeyb weyn ay ka qaateen ciidamada amaanka iyo shacbiga galmudug oo uu kutilmaamay iney yihiin kuwo isku duuban,islamarkaana galmudug ay tahay meel ay usiman yihiin umada soomaaaliyeed cidna aan laga xigin ayna ka qeyb qaadan karaan howlaha maamulka hadii ay qoon ku filan uleeyihiin. Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan galmudug ay ku nool yihiin dad aad ubadan oo maamulka puntland ay kasoo eryeen goobihii ay ka degenaayeen deegaanada maamulkaas oo u badan dad kasoo jeeda koofurta soomaaliya islamarkaana ay ka shaqeystaan nabadana kula nool yihiin shacbiga galmudug . Dhanka kale madaxweyne caalin ayaa madaxda dowlada soomaaliya waxa uu ugu baaqay inay xaliyaan qilafka u dhexeeya ayna ka waan toobaan waxa qilaafka dhalin kara,isagoo sheegay in maamulka galmudug ay doonayaan inay xaliyaan qilaafka u dhexeeya madaxda dowlada KMG ah ee soomaaliya ahdii ay diyaar uyihiin. Sidoo kale waxaa hadal kooban ka jeediyay banaanbaxa lagu taageerayo maamulka galmudug madaxweyne kuxigeenka maamulka galmudug mudane C/samad Nuur Guuleed oo u mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay banaanbaxa maamulka lagu taageerayo ,wuxuuna sheegay in galmudug ay marayso meeshii ugu sareysay ee mudadii ay jirtay ay gaarto,maadaama buu yiri ay ka qeyb gashay shirar badan oo looga hadlayo arimaha soomaaliya,door mauhiimana ay ka qaadatay. Banaanbaxa oo ay ka hadleen wasiiro,xildhibaanoiyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah eegalmudug ayaa dhamaantood amaanay hawlaha Maamulka halka ay haatan marayaan. Maahana markii ugu horeysay ee banaanbax lagu taageerayo maamulka galmudug uu ka dhaco deegaanada maamulka Galmudug ,waxaana sanbadihii la soo dhaafay jogto ka ahayd deegaanada maamulka galmudug in markasta ay dhacaan manaabaxyo noocaan oo kale ah oo lagu taageero maamulka Galmudug.
  10. Dagaal culus o ka socda duleedka Tuulada Tukaraq. Monday, 30 May 2011 Lascaanood(Togdhnews)- Dagaalo culus oo u dhexeeya Ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore Laascaanood iyo maleeshiyada Puntland ayaa goor dhoweyd ka bilaabmay degaanka waageere,oo ku yaal duleedka Tukaraq. Sida ay Shabakada TogdheerNews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jiida hore ,Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii duhurnimadii maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay Tuulada Cadaada ee u dhaxeysa Gambadha iyo Higlada,halkaasoo ciidanka qaranku ku jabiyay maleeshiyadaa weerarka soo qaaday kuna gaadhsiiyay firxadkoodii meesha loo yaqaa weegaare,ee ah duleedka Tukaraq. Ka dibna ciidan gurmad oo ka yimi dhinaca garoowe iyo ciidankii qaranka ayaa mar kale fooda isku daray dagaal culus,oo ilaa hada socda layskuna adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka. Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laascaanood ,oo ay waheliyaan gaadiidka dagaalku ayaa iyaguna gaadhay goobtaas dagaalku ka socdo,oo hada ku biiray dagaalkaasi. Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo , lamina oga khasaare dagaalkaasi gaystay ,inkastoo qaar ka mida masuuliyinta ciidanka qaranka ee jiidaasi ay Togdheernews u sheegeen in ay qabteen maxaabiis, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay duhurkii Tuulada Cadaada. Wixii faahfaahin ee ka soo kordha dagaalkan kala Soco TogdheerNews,oo si Weyn oo ila socda Dgaalkaasi.
  11. Che chevara well this concerns somalia and their rightful citizens the koonfurians there is no need this to post this on Ethiopianews
  12. ^^ who is talking about qabil stop talking about wax aan shaqo ku lahayn reer
  13. Obviously we cannot say this is genuine since the only media allowed in the region is the Ethiopian Media it's bad we can't get a good footage on the situation. I so want to hear the other side of the story.
  14. http://www.youtube.com/watch?v=hhY-eANMzZU&feature=player_embedded#at=362
  15. Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu Dhex-dhexaadinayo Xalkii lagu Qaban lahaa Shirka Golaha Dhexe “Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha uu Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhexe…” Hargeysa(Waaheen)- Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa wada kulamo goos-goos ah oo xal loogu raadinayo muranka soo wajahay xisbigaasi oo maraya meel adag, ka dib markii hogaankiisa sare isku khilaafay soo xulida guddida qabanqaabada shirweynaha golaha dhexe oo dhici doontaa horaanta bishan June. Sida ay Wararku sheegayaan Kulamadan ayaa loogu kala dabqaadayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Iimaan Shabeel oo isku maandhaafay cida xaqa u leh xulida xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha lagu dooran doono golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii Muuse Biixi ka biyo Diiday xubno uu magacaabay guddoomiyaha golaha dhexe laba maalmood ka hor. Warku waxa uu intaasi ku darayaa inay saacadihii la soo dhaafay socdeen wada hadalo looga dan leeyahay sidii laysugu keeni lahaa labada masuul ee muranku ka dhexeeyo si looga hortago khilaaf kala qaybiya xisbiga inta aan la gaadhin doorashada golaha dhexe,inkasta oo aan ilaa hada lahayn wax war ah oo ka soo baxay wada xaajoodayada socda. Xubnaha dhexdhexaadin wada ayaa dhinacooda ku adkaysanaya in laga gudbi karo Isfahan waagan ka dhex qarxay Xisbiga Kulmiye, kaasoo ay saadaalinayaan in la soo afjari doono dhawaan. Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Md. Keyse Xasan Cige ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabadii uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil. Keyse Xasan waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku kooban tahay Guddoomiyaha isla markaana aanu isagu awood u lahayn in uu ku dhawaaqo guddida qaban qaabada ee shirweynaha, taas bedelkeedana uu maroorsaday shaqadii guddoomiyaha. Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Xog-hayuhu, waxaanu u dhignaa sidan “Waxaa dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye bisha Juun 6da. ee sannadkan. Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa inaan goaanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka Xisbiga Kulmiye balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la ogeyn. Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirarweynaha Xisbiga, kan Golaha Dhexe ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka Xisbiga, kaasoo leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wada hadla Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee Xisbiga. kadibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Kooramku) la rabay la helayo. Dhinaca kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga isagoo ka ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado inuu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban yahay furida iyo xidhida Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan. Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, haseyeeshee uu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga. Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho go’aan kaligii iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu Guddoomiyaha Xisbiga madax ka yahay. Haddaba waxaanu war-saxaafadeedkan ku caddeynaynaa in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u gaara, awoodna aanu u laheyn inuu kaligii go’aan ka gaadho qabashada Shirka Golaha Dhexe iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni ka haysanin Guddiga Fulinta ee Xisbiga. Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay sidii loo qaban lahaa shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe iyadoo hawlgelintiisa ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu.” Ayaa lagu soo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedkaasi uu soo saaray Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye. Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan soo saaray magacyada 11 xubnood oo ku sheegay in ay yihiin gudida qaban qaabada ee shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaas, kaas oo uu sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta la filayaa in la qabto kulan balaadhan oo lagu xalilayo khilaafka ka dhashay qaabka loo qabanayo shirka oo ay ku kala aragti duwan yihiin hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe
  16. Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inaanay waxba ka jirin Shirkaasi Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa maanta magacaabay guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ku began Lixda bisha Juun, Xubnahaas oo ka kooban 11 kuwaasoo ah Guddidii hore ee qabatay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee Musharaxnimada iyo Guddoomiyenimadaba loogu wada doortay Madaxweynaha hada talada haya Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha dhexe oo saxaafadda loogu talagalay u qornaa sidan:- Ujeedo: Magacaabid Guddida Qabanqaabada Ee shirka Golaha Dhexe Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabasshada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku began June 06,2011, waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacawno guddi qaban qaabo oo ka hawlgasha dhamaan hawlaha ku began qabashada shirka golaha dhexe. Sidaa darted, manta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan u magacaabay inay noqdaan guddida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:- 1. Axmed Muxumed Madar Guddoomiye 2. C/kariim Axmed Xinif Xoghaye 3. Maxamed Muuse Abees Xubin 4. Nimco Xuseen Qawdhan Xubin 5. Ilhaan Maxamed Jaamac Xubin 6. Axmed Xaashi Oday Xubin 7. Xuseen Axmed Caydiid Xubin 8. Mahdi Xuseen Cadar Xubin 9. C/raxmaan Yuusuf Cartan Xubin 10. Siciid Cilmi Rooble Xubin 11. Axmed Cabdi Dheere Xubin Xubnaha Guddida qaban qaabada waxaa lagu wargalinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku began maalin Axad ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Kulmiye saacada 9:00 Subaxnimo, halkaas oo Guddoonka Golaha Dhexe kulan kula yeealn doono. Mudanayaal waxaan idiin rajaynayaa hawl wacan, Guul iyo Gobanaimo taam ah Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbiga Kulmiye Hase yeeshee sida caawa laga baahiyay Televisionka Horn Cable TV oo waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wax laga weydiiyay Shirkaasi ayaa ku tilmaamay inaanu waxba ka ogayn, waxaanu Hogaanka xisbigu ogeyna aanay waxba ka jirin.
  17. Madaxweynaha Mamuul Goboleedka puntland Cabdiraxmaan Shikh Maxammad faroole ayaa u anba baxay magaalada adis ababa ee dalka Itoobiya , isago sida la sheegey warqad casumaad ah ka hellay Masuuliyinta dalkaas. Madaxweyne faroole ayaa waxa safarkiisa ku weheliyo xubno ka tirsan golaha Xukuumada mamuulka puntland oo u ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha waxan sidoo kale la socda madaxweynaha Gudoomiyaha maxkamada sare eeh Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa lagu waramaya inu ka qeyb gali doono xaflad loogu dabaal degeyo labaatan guuradi ka so wareegtay marki uu raisal wasaaraha Ethiopia Meles sanawi xilka ka tuuray Mengistu xayle maryam.Madaxwynuhu inta uusan u anbabixin. magaalada adis ababa ayaa lugu so waramaya in ay is arkeen Masuuliyiin ka tirsan dawlada kenya iyo waliba xubno ka tirsan dowlada dhexe eh Somalia oo marka dhinac laga eego ay isku dha dhaw yihin dhinaca siyasada. Si kastaba ha ahaaato lama oga wax yaabaha ay ka wada hadli doona waftiga ka socda Puntland eeh u horkacayo Madaxweyne faroole laakin waxa xusid mudan in cabdiraxmaan shikh maxammad faroole bilihi danbe u waday olale siyasadeed oo ka dhan ah Dawlada dhexe eeh hada ka jirta Somalia waxa lagu tiriya faroole inu uu yahay siyaasiyiinta sida weyn ugu ololeeyanaya in aan wakhti danbe la siin dawlada uu hogaaminayo Madaxweyne Sharif Axmed.
  18. Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Itoobiya Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacyo ayaa gaaray magaalada Addis ababada ee xarunta dalka Itoobiya,halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya. Wafdiga madaxwaynaha Puntland oo ay ka mid yihiin wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga iyo gudoomiyaha maxkmadda sare ee Puntland ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya,halkaasi oo ay dhowaan kaga qaybgaleen kulankii Golaha Amaanka ee QM ee looga hadlayay arimaha Somaliya. Safarka madaxwaynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku saabsan tahay kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya oo ay kawada hadlayaan xiriirka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha amaanka iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada dhinac. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi Itoobiya,waxaana lagu wadaa in madaxwaynaha iyo wafdigiisa dhowaan dib ugu soo laabtay deegaanada Puntland. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa dhowaan ka qaybgalay kulankii Golaha Amaanka uu la qaatay dhinacyada Somaliya,iyadoo wafdiga Puntland ay sheegeen inay si gaar ah ula kulmeen wafdiga Golaha Amaan ee QM islamarkaana ay kawada hadleen xaaladda Somaliya. Isku soo wada duuboo lama oga inta maalin uu qaadan doono safarka madaxwaynaha Puntland iyo wafdigiisa ay ku joogaana magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya iyo Midowga Afrika,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ay masuuliyiinta Puntland gaaraan magaalada Addis Ababa.
  19. Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Booqasho Ku Tagay Laascaanood May 29th, 2011 Comments Off Laascaanood (Somaliland.Org)-Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa maanta booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay suurto gal ka dhigayso in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqeyn karaan gobolkaasi iyo inkale. Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo caawa u waramayay Shabakada wararka ee Somaliland.Org , ayaa sheegay in weftigan oo ka koobnaa todoba xubnood ay booqasho rasmi ah ku soo mareen gobolka Sool. “Weftigani waxay u socdeen inay darsaan in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqayn karaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxay weftigaasi soo kormeereen xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood oo ay soo indho indheeyeen,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool. Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Sool uu kulan balaadhan la yeeshay weftigan oo ay uga xog warameen ammaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay inay Ha’ayada caalamiga ahi ku shaqayn karaan. Badhasaabku waxa uu intaasi ku daray in weftigu ay u sheegeen in ay wixii ay ku soo arkeen gobolka Sool u gubin doonaan madaxdooda si qaramada midoobay ay gobolkaasi uga fuliso mashaariicdii horumarineed ee loo qoon deeyay.
  20. SNM was founded in Jedda saudi arabia By Somalilanders there, the somalilanders in saudi arabia are great patriots and indeed well done to the Somalilanders in saudi arabia.
  21. We started registering Koonfurians Ethiopians and other foreigners Years ago nothing new its just a Continuity of the process.