-
Content Count
29,998 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Treaty denying Egypt Nile veto set for ratification
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somalis Will not fight an Egyptian war the sane Somalis will not. -
Treaty denying Egypt Nile veto set for ratification
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^ Great news -
Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Nabad-diidka Buhoodle iyo Mamuulka beleedka garowe Oo Isgarabsanaya Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Ciidanka Qaran, Laguna Jabiyey Tukaraq 7-Ka Mid Ahaa Maleeshiyada Nabad-Diidka Ee Weerarka Soo Qaaday Oo Maydadkooda La Geeyey Garoowe, Gaadiid Tikniko Iyo Maxaabiis Laga Qabtay Hargeysa, May 31, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana ah Afhayeenka dawladda Somaliland ayaa ku eedeeyey maleeshiyada nabaddiida SSC iyo maamul beleedka garowe ay wada jir iskugu soo bahaysteen inay dagaalo ku soo qaadaan Somaliland, isagoo tilmaamayna in weerarkii shalay lagu soo qaaday ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay jiida Gambadha ee deegaanada Sool oo ay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan Nabad-diidku markii ay ciidanka qaranku ay jabiyeen ay maleeshiyada Maamuuul beleedka garowe si rasmi ah dagaalka ula soo galeen. Waxa kale oo wasiirka warfaafintu uu sheegay in ciidanka qaran aanay wax dhimasho ahi ka soo gaadhin. balse uu sheegay in saddex askari ay ka dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in maxaabiis aan tiradooda la cayimin laga qabtay maleeshiyaadka Nabad-diida. Wasiir Xaabsade oo muddo ku dhaw laba todobaad socdaal ku joogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xalay khadka telefoonka Haatuf ugu waramay ayaa isaga oo ka hadlaya dagaalka shalay lagu soo qaaday ciidanka qaranka jiida Gambadha waxa uu yidhi “Waxoogaa yar oo ka tirsan kooxda SSC ayaa ciidanka qaranka weerar ku soo qaaday, maalmahana xabado ayay soo tuurtuurayeen, ciidanka qaranku markii ay iska caabiyeen, iskana difaaceen ayay Puntland dagaalka soo gashay, ciidankii qarankuna Gambadha ayay ku sugan yihiin, heegan culusna way ku jiraan”. Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi raaciyey “Wada jir bay inoola dagaalamayeen, waana la iska celin doonaa, ciidamada qaranka Somaliland cid kasta oo soo weerarta dalka difaaciisa way ku filan yihiin, saddex askari ayaa ilaa hada inta aan hubo ciidanka ka dhaawacantay, maxaabiis ay ciidanka qaranku ka qabteena way jiraan”. Dhinaca kale weerarkaasi Maleeshiyada Nabad-diida Buhoodle oo uu hogaaminayey nin lagu magacaabo Cali Sabaray ayaa la sheegay in abaaro 1:00 duhurnimo ay weerar ku soo qaadeen guutada todobaad ee ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Gambadha, taas oo wargeyska Haatuf ay u qaxiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidankaasi eek u sugan jiidaasi in maleeshiyadaasi ay kaga qabsadeen laba gaadhi oo uu saaran yahay qoryaha noocoodu yahay B10 iyo Dhashiike, isla markaana ay ka soo qabteen maxaabiis ay tiradooda ku sheegeen 7 qof, iyadoo ilo wareedyadu ay intaasi ku darayaan in maydad tiradoodu gaadhayso lix qof iyo sided dhaawac ah oo ka tirsan maleeshiyada nabaddiidka oo dagaalkaasi lagu dilay loo daadgureeyey magaalada Garoowe ee maamul goboleedka ******teeniya, waxa kale oo warar aanu ka helay jiida Gambadha xalay ay noo sheegeen in ciidanka Qaranka oo xoojin badani ay u tagtay ay heegan culus u galeen difaaca ciidamo kale oo maamulka ******teeniyada iyo Nabad-diida oo ilaa xalay la soo dhoobay deegaanada u dhawdhaw Tukaraq iyadoo tibaaxuhuna ay intaa ku darayaan in maanta dagaal kale oo horlihi la fili karo inuu ku dhex maro jiida Tukaraq ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul beleedka garowe oo ay la safan yihiin kuwa Nabad-diida.
-
Xaaladda Deegaanka Tukaraq oo saaka dagan Xaalada deegaanka Tukaraq oo uu shalay iska horimaad socday muddo saacado ah uu ku dhexmaray ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland,ciidamada dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay saaka tahay mid dagan. Wariye madaxbanaan oo ku sugan deegaanka Tukaraq oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay inay xaaladda deegaanka Tukaraq ay tahay mid dagan,inkasta uu sheegay in dhincayada dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobtii uu ka dhacay dagaalkii shalay oo lagu magacaabo Higalada. Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo saxaafadda kula hadlayay galinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markasta la filan karo dagaal dib uga qarxa nawaaxiga deegaanka Tukaraq. Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tukaraq ayaa yimid kadib iska horimaad dhexmaray ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland iyo maamulka Somaliland taasi oo keentay in ciidamada Puntland ay dagaalkaasi ay si toos ah uga qaybqaataan
-
Ahlu Sunna oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Shabaab Buulaburde: (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe gobolka Hiiraan ay kula galeen Xarakada Al Shabaab. Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna C/casiis C/laahi Cabdi ee degmada Buuloburde oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe ciidamadooda ay la galeen Xarakada Al Shabaab Dagaalka dhexmaray Ahlu Sunna iyo Shabaab ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaano lagu magacaabo Saylan iyo Bukuroow oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay qaadeen ciidamda Al Shabaab. C/casiis C/laahi Cabdi ayaa waxaa uu intaasi ku daray in in jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Al Shabaab, isagoo sheegay inay dileen 30-dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, waxaana dhankooda uu xaqiijiyay in uusan soo gaarin wax qasaaro ah sida uu hadalka u dhigay. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku aadan dagaalkaasi, hase ahaatee dagaalkaani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dagaalada inta badan Ahlu Sunna iyo Shabaab ku dhexmara qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Aqristayasha waan ka raali galineynaa soo daahida wararka cilado dhinaca intarneetka oo naheysta awgeed
-
Somaliland army overpowers surprise attack from Puntland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Somaliland will not negotiate in defending its territorial rights”. you got to love the president -
Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
dee why don't you just test it go to Malaysia -
Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Well done Mashallah -
Cali_Gaab;724907 wrote: Saaxib, ma soomaali ayaa soomaali kalle gumaysata sannadka 2011? slaamuhu lacagta waxa kaga gura dee wala ina gumeysta bla bla bla wax aan jirin dee dadka qurba joogtu na wa iska qiiro meydhan
-
Maxaabiis iyo Saanad dagaal oo laga qabtay Ciidanka Puntland iyo Maamulka Puntland oo ka hadlay Monday, 30 May 2011 Lascaanood(Togdhnews)-Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii galinkii dambe ee maanta dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool iyo ciidanka maamulka Puntland,kaasoo ka dhacay degaamada Cadaada oo u dhaxeeya Gambadha iyo Higlada,iyo Waageere oo u dhow Tukaraq, ayaa sida Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan Jiida hore u sheegay TogdheerNews,waxa ciidanka qaranku ku qabtay dagaalkaasi shan maxbuus oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo saanad ciidan, islamrkaana waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen afar askari,kuwaasoo uu xusay in dhaawacoodu yahay mid fudud. Waxa sarkaalkani intaasi ku daray in dagaalkii istaagay caawa,labadii ciidana ay isku horfadhiyaan goobtii dagaalku ka dhacay,isagoo tilmaamay in ciidanka Puntland ay weerarka ku soo qaadeen ciidanka qaranka balse ay ku dhufteen dhirbaaxo adag,oo cashar u noqon karta. Sida ay wararka ka imanayaa degaanka Tukaraq ay sheegayaan,ayaa ciidanka Puntland waxa ka dhaawacmay ilaa tobon askari ,oo dhaawacooda la mariyay halkaasi ,iyagoo loo siisido cisbitaalka magaalada Garoowe. Ma jirto ,ilaa hada wax dhimasho ah, oo ay sheegteen labada dhinac ee dagaalku ku dhexmaray degaankaasi,haseyeeshee waxa wararku tibaaxayaan in gurmado ciidan ay ku qulqulayaan labada dhinac,islamrkaana laga cabsi qabo in subaxnimada beri mar kale dagaal halkaasi ka qarxo. Geesta kale,Wasiirka Warfaafinta Puntland,Axmed Cali Askar,ayaa shir jaraajid oo uu ku qabtay magaalada Garoowe,ku eedeeyay xukuumada Somaliland in ay weerar ku soo qaaday ciidankeeda,islamarkaana ay ka dhaawacmeen Sadex askari. Xukuumada Somaliland ayaa ilaa hada ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland. Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobolka Sool ku sugan yihiin wafti ka socda xukuumada Somaliland ,oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md.Xaabsade,sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbadiisii 18-Mey,ku cadeeyay in xukuumada Somaliland soo dhawaynayso xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan maamulka Puntland, balse lama taabtaan ay yihiin xuduudaha Somaliland
-
Cali_Gaab;724807 wrote: Our little sister Garowe is doing a good job trying to get on our good side. Masha'allah. ;);)
-
He is a good man Mr Tiicey
-
M/Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Oo Booqasho Gaaban Ku Yimid Magaalada Borama+SAWIRO 30/05/11-Borama-(Bnn) Waxaa Goor Dhawayd Oo Ay Saacada Afrikada Bari Cagacagaynaysay 8 Aroornimo Soo Gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, safarkiisan oo aan horey loo shaacin Ayaa waxaa noo suura galay inaan ka helno Xogo ku dhaw Dhaw Waftiga Madaxwayne Ku Xigeenka Xiligan waxa keenay uu u yimid Magaalada Borama. Safarkiisan gaaban ee Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Ku yimid Maanta Magaalada Borama ayaa ka danbeeyay , Arimo Gaar oo Xaga Qoyskiisa , isaga oo uu dhintay Mid ka mid ah Ina Adeerkii , Iyo Booqasho sida la sheegayay uu u yimid Aabihii oo isna Xanuunsanaya, safarkiisan ayaa ilaa iminka aan la shaacin arimaha kale ee Qorshaha Ugu Jira inta uu ku sugan yahay Boama Iyo Meelaha kale oo uu booqanayo Iyo Cida sida rasmiga ah ku wehelinaysa Safarkiisa Iyo mudada uu joogi doonaba. Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay arooryo horey tahay Waftiguna goor dhawayd uun soo gaadhay Borama, wixii warar ah ee Waftiga Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ka soo Kordha gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doona Haduu Alla Idmo."
-
where is this imaginary awdal state where should we Look?
-
Official: 5 suicide attacks at AU bases in Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Che -Guevara's topic in Politics
Al Shabaab oo Qaraxyo iyo Weeraro ismiidaamin la beegsaday AMISOM Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamadaasi ku sugan wadada Makah Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho. Weerarkan oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa galabta lala beegsaday aaga Wadada Makah Al Mukaramaha oo ay fadhiyeen ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Weerarkaasi ayaa isugu jiray rasaas ciidamadaasi lagu furay iyo waliba qof bambaano watay oo halkaasi isku qarxiyey, AMISOM ayaa sheegtay in dhankooda ay ka dhinteen 2 askari, isla markaana ay jiraan 5 kale oo ka tirsan AMISOM iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ay dhaawacyo soo gaareen. Dhanka kale in ka badan shan qof ayaa ku dhaawacmay maanta, weerar kale oo miino loo adeegsaday oo lala beegsaday ciidamada DFKMG oo marayey degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidamada AMISOM Col. Innocent Oula, ayaa tacsi u diray ciidamada dhibaatada kasoo gaartay weerarka ismiidaaminta ah ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, asagoo sheegay in ciidamada AMISOM ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarkaasi ka hor intuusan isqarxin ninka bombaanada watay, asagoo sheegay in khasaaro badan uu shacabka soo gaari lahaa hadii aan ciidamada si deg deg ah uga hortagin kooxda weerarka fulineysay. Weeraradan ayaa kusoo beegamaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoogleh ka socdeen magaalada Muqdisho qeybo kamid ah gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo doonayaan inay gacanta ku dhigaan ciidamada AMISOM iyo kuwa gacanta siinaya ee DFKMG iyo Ahlusuuna Waljamaaca. Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ay kala soo horjeedo AMISOM Iyo DFKMG ayadoo weeraradan ay yihiin kuwii ugu danbeeyey oo ay AL Shabaab dooneyso inay uga jawaabta culeyska militari ee uga yimid dhinaca AMISOM. -
Odaysomali they can't fool us Somaliland needs to secure it's boundaries. any one who stands before the national army is the enemy of the state.
-
Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC.. oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya. " Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis". Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah. Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanaka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.