-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland delegation Visits Kenya's capital Nairobi.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wefti ka Socda Somaliland oo Maanta Nairobi Kulan Gaar ah Kula Yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Wed 25th May,2011 Wararka Xubnaha UN-ta ka socda oo ay ka mid yihiin safiiradda dalalka Maraykanka, Ruushka iyo Faransiiska u fadhiya Golaha Ammaanka waxay dhegaysan doonaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday dalka Hargeysa (Jam)- Wefti ka socda dawladda Somaliland, ayaa Arbacada maanta markii u horreysay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya kulan gaar ah kula yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo weftigu kulankaasi ku soo bandhigi doonaan xasilloonida, hannaanka dimuqraadiyeed ee ka hanno qaaday Somaliland iyo sida bulshaddu ugu baahan tahay aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka. Weftiga ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee kulanka la yeelanaya dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo safiirka Faransiiska u fadhiya Golaha Ammaanka Ambassador Gerard Araud, isla markaana ay xubno ka yihiin safiirada Maraykanka iyo Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka Mrs Susana Rice iyo Vitaly Churkin, ayaa Arbacada maanta imanaya magaalada Nairobi, halkaas oo ay kula kulmi doonaan weftiga Somaliland ee uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kuwaasoo shalay ka dhoofay madaarka Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo weftiga ka socda Golaha Ammaanku kulamo kale la yeelan doonaan masuuliyiin ka kala socda dawladda Sheekh Shariif iyo maamul-goboleedka Soomaaliys ee Puntland iyo Galmudug. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Md. Xuseen Maxamed Cige, waxayna 48 saacadood ee soo socda Nairobi kulan kula yeelan doonaan weftiga ka socda Golaha Ammaanka ee uu hoggaaminayo safiirka Golaha Ammaanka u fadhiya waddanka Faransiiska oo ka mid ah shanta wadan ee awooda diidmada qaxayan ku leh Qaramada Midoobay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hor intii aannu dalka ka dhoofin saxaafadda kula hadlay madaarka Hargeysa shalay, ayaa caddeeyey inay kulan gaar ah Nairobi kula yeelan doonaan wefti ka socda Golaha Ammaanka oo casuumad rasmi ah u soo diray dawladda Somaliland. “Weftigan ballaadhan ee ka socda xukuumadda iyo Golaha Wakiillada waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimaddiisa Nairobi, halkaas oo aannu kaga qeybgalayno shir uu qabanqaabiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Somaliland lagu soo casuumay, waxana Somaliland shirkaas loogu casuumay si toos ah, waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kaloo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya. Kulanka aannu sida gaarka ah ula yeelanayno Golaha Ammaanka waxaannu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaannu uga warrami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xorriyaddiisa iyo madaxbannaanidiisu taam tahay, waxaanuna uga warrami doonaa in ummadda reer Somaliland adduunka ka doonayaan inay aqoonsi rasmi ah ka helaan. Golaha Ammaanku waa hay’adda ugu sarreysa hay’adaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Kulankan aannu la yeelanayo Golaha Ammaanku waxa uu inoo yahay sharaf, waayo waa markii u horraysay ee tan iyo intii Somaliland jirtay ee xukuumadda Somaliland si toos ah oo fool-ka-fool ah ula fadhiisato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay u gudbiso qaddiyadda, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Weftiga ka socda Golaha Ammaanku waxay Jimcihii toddobaadkan soo mareen dalalka Itoobiya oo ay kulan kula yeesheen Ra’iisal-wasaare Meles Zanawi iyo Golaha Midowga Afrika u qaabilsan nabadda iyo ammaanka. Waxa kaloo ay safarro kala duwan ku soo mareen waddanka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyaga oo masuuliyiinta kala duwan ee ay kulamada la yeesheen kala hadlay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka iyo xasilooni darrada ka jirta meelo badan oo ka mid mandaqadda Geeska Afrika. Weftiga ka socda Golaha Ammaanka oo tobankii sanno ee u dambeeyey sannadkiiba mar kormeerro ku soo mara dalal ku yaal qaaradda Afrika si ay qiimayn ugu sameeyaan xaaladda ammaan iyo xasillooni-darro ee ka jirta meelo badan oo ka mid ah Afrika, ayaa sanandkan waxay xoogga saarayaan dhibaatooyinka ka jira mandaqadda Geeska iyo bariga Afrika, dhibaatooyinkaas oo ay ugu waaweyn yihiin xaaladaha ka taagan Soomaaliya, Suudaan iyo muranadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Eratariya. Waxa kale oo weftiga ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay markii u horraysay dhegaysan doonaan qadiyadda goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Maalinta Khamiista ee taariikhdu tahay 26 May 2011, ayaa la filayaa in weftiga ka socda Qaramada Midoobay ku noqdaan magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyagoo warbixinta kulamadoodana hordhigi doona Golaha Ammaanka. -
Qaranki;723295 wrote: This Suldan looks strikingly similar to the guy in the video below at 1.20 Can somebody confirm if it's the same guy. Yeah thats him suldan dhawal he supports Somaliland he loves his country
-
Somaliland delegation Visits Kenya's capital Nairobi.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
UNITED NATION security council na waxay noqotay wax ay Koonfuriansku iska leeyihin bal aduuunyadan dawada -
beautiful strong people Eritreans i was in asmara in 2004 Very welcoming people. Happy independence day
-
A_Khadar;722524 wrote: ;) ;) ;) ;) ;) - Entertaining iga dheh... Ma Dhabaa in Cuqaal iyo Odayaal ka Socda beesha Ugadhyahan Siyaad Taageren Gogosha Siilaanyo-(Video) Lasanod Online. Tuesday, May 24, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Shir ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa laga soo saaray afar qodob oo heshiish dhexmaray.. maamulka Somaliland iyo cuqaal iyo odayaal ka socda Beesha Ugaadhyahan Siyaad. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in la taageero lana soo dhaweeyo baaqii nabadda ee madaxweynaha maamulka somaliland Axmed Siilaanyo. Cuqaasha iyo odayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyey inay marka hore la wada hadlo iyagoo nabadana sheegay in la adkeeyo, waxayna cuqaasha iyo odayaashani ku dheeraadeen in markii Somaliland qabsatay gobolka Sool ay beel ahaan iskaga baxeen iyagoo diidaanaa maamulkaas, laakiin hada ay doonayaan inaysan dalka ka tegin haddii Somaliland joogto iyo hadii cid kale qabasato midna.
-
Mogadishu's "lost generation"- Tuesday, May 24, 2011 NAIROBI, (IRIN) - Most Somalis, especially in the capital, Mogadishu, have always lived amid war and joblessness. More than half the country's population.. was born after the 1991 ouster of Mohammed Siad Barre that sparked the country's slide into anarchy. "This is a group of people who have never known anything other than conflict and violence," Ahmed Dini, a civil-society activist involved with children and young people's welfare, told IRIN on 24 May. "They have never had stability in their lives; they moved from one displacement to another with little possibility of getting an education or any other opportunity to earn a decent livelihood," Dini said. They have developed three ways of coping in such an environment, said Dini. "Some join the violence by being recruited into the fighting groups; others find drugs, such as khat and narcotics, as a way out; while others undertake very dangerous sea journeys to Europe or the Gulf Arab states." The fighting between government forces backed by the AU Mission in Somalia (AMISOM) and Al-Shabab insurgents continues in Mogadishu, escalating in the past week, say local sources. According to UN estimates, at least 2.4 million Somalis need help. These include internally displaced people in areas controlled by Al-Shabab: 410,000 in the Afgoye corridor, 15,200 in the Balad corridor (30km north of Mogadishu) and 55,000 in Dayniile, northwest of Mogadishu. Some 600,000 Somalis are refugees in neighbouring countries. Dini said if the conflict were not resolved soon, this generation and others "would be lost for ever, if we have not already lost them". He told IRIN: "If we don’t find a solution to the youth problem, Somalia's problems will continue into the next 20 years." Civil society groups such as Dini's are trying to help the youth but, he cautioned, "our efforts are a drop in the ocean. There are too many of them with too many problems and we don’t have much." Lost teenage years Abdi Ahmed, 19, has never been to school or done anything that a normal teenager would do. "My father was killed when I was seven years old; my mother could not afford to send me to school and at the same time feed us," Ahmed told IRIN. Ahmed's first job at 15 was to be part of a crew of gunmen working for a clansman. "I t ook up my first gun at 15; it is the only thing I know." Ahmed was almost killed when the technical (battle-wagon) he was on was ambushed and three of his colleagues were killed. He and two others were injured. "I did it because it is the only thing available to me," he said. "If I get other opportunities to help my mother I will take them." Ahmed is unemployed because the man he was working for could not pay him any more. "I don’t know what is next for me but if my life so far is any guide I am sure I will pick up the gun again." Emigration bid Another young man, Mohamed Dini Ali, 20, lost his father in the civil war when he was 12 but his family managed to put him through secondary school, which he completed in 2009. However, Ali did not get a chance to go to university and decided to emigrate. He went to Bosasso, in the self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia, in early 2010 and took a boat to the Gulf. "I first went to Yemen and then to Saudi Arabia, but I was deported back to Mogadishu," Ali said. "There were no jobs, so I had two choices - join the militias or emigrate and I chose to leave." In Somalia, Ali said, even if you are not a member of the fighting groups, "you can be accused of being a member of one or other; being young in Somalia, especially Mogadishu, is not good". Ali said he intended to try to emigrate again. "The only other alternative is joining a militia and I don’t want to do that." Salado Adow, 39, is the mother of a 15-year-old who has been recruited into a militia group. "I have removed him three times but each time they take him back," she told IRIN. Adow said her son was likely to grow up in an environment of violence. "I cannot blame them [the youth]; there are no other options for them," she said. "Violence is their recreation, their sport. It is the only thing they have seen since they came into this world. I pray that the violence will end, so I don’t lose another child to it. “I am still hopeful that I will get him back." Source: IRIN
-
Somaliland president Axmed Siilaanyo sacks the governor of Gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
A_Khadar;722867 wrote: And Siiraanyo must sack the foriegn minister as well since he reveal the facts that hurts many delusionists. And why do you care who will be sacked and who will stay -
Somaliland president Axmed Siilaanyo sacks the governor of Gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Yeah it seems that the governor and the mayor were having beef and the hanti dhawr guy supported always the Mayor in the beef, Now the governor is sacked let's hope the new governor can work with the mayor. -
Images of 18th May Borama Festivities Put Talk of Awdal state to Rest, By.Adan H Iman May 24, 2011 For the last few weeks therehave been reports in the Internet about events held in cities in North America and Western Europe, promoting Awdal state, a concept that has never been defined beyond fragmentary reference to past history that has no relevance to the contemporary political reality. The latest one was held last Friday night in Ottawa, Canada. Read more http://awdalpress.com/index/?p=8095
-
Malika ibtisam baban moodayey shaw wa isku avater
-
War Deg deg ah: Madaxwayne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Badhasaabka Gobolka Gabiley mid Cusubna u Magacaabay. Xilka Qaadistan ayaa la filayaa in ay Xal u noqoto Khilaaf ba,an oo baryahan danbe ka taagnaa Gabiley Madaxwayne Siilaanyo ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheek ka dib markii Duqayda iyo Waxgaradka Gabiley ay ka dalbadeen in laga Badalo Badhsaabka oo ay ku eedaynayeen Khilaafka Gobolka Gabiley ka jiray tan iyo intii ay xukuumada Cusub xilka la wareegtay. Ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxwaynaha Balse ilo ku dhawdhaw Madaxtooyada Somaliland oo ay Gabiley News khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa noo Xaqiijiyay in Maanta Xilkii laga Qaaday Badhsaabka Gabiley isla markaana loo Magacaabay Cali Aw Aadan Meecaad oo ka mid ah Qurba jooga reer somaliland. Xilka Qaadistan ayaa la filayaa in ay Xal u noqoto Khilaaf ba,an oo baryahan danbe ka taagnaa Gabiley oo u dhexeeyay Maamulka Degmada iyo Gobolka taasi oo ay Duqayda iyo Madaxdhaqameedkuna Dhawr jeer dacwad u gudbiyeen Madaxwaynaha balse kama danbaystii laga Aqbalay. Kala soco wixii ka soo kordha Gabiley news iyo Waraysiga ugu horeeya ee Badhsaabka Cusub.
-
Borama Oo Noqotay Magaaladii Ugu Horeysay Somaliland Ee Laga Hirgaliyo Nidaamka Korontada Dhulka Hoosteeda In La Mariyo+SAWIRO 24/05/11-Borama-(Bnn) Shirkada Laydhka Aloog Ee Ka hawlgasha Magaalada Borama iyo Nawaaxigeeda ayaa dhawaan ku talaabsatay talaabo horumarineed uu ku saabsan baahinta laydhka Hab casriyaysan oo la jaanqaadaya Heerka Caalamiga ah, kaas oo ah in ay xadhkaha laydhka hoos mariyaan dhulka Hoostiisa. Shirkadan Aloog oo ka mid ah shirkada Koowaad ee laydhka u qaybisa Magaalada Borama, ayaa waxa ay horey ugu talaabsatay in ay xadhkii horey loo isticmaali jiray ee Siliga ahaa ay badasho kuna badasho xadhko waawayn oo dahaaran kaas oo tayo iyo Badbaado leh ku badashay, waxa kale oo ay badashay Tiirarkii qoryaha ahaa ee horey ugu xidhnaan jiray Xadhkaha siliga kuna badashay Tiirar Bir ah oo ah kuwii loogu talagalay. Shirkadan Aloog ayaa badi magaalada Borama u shida laydhka ay bixiyaan inta badan waa mid 24 Saac shidan kaas oo aan wax cilada iyo waqti maqnaansho aan lahayn, waxa ayna dadwaynaha Borama ku dhiiradeen in ay inta badan shirkadan Aloog Isticmaalaan. Hadaba waxaas oo dhan oo horumar ah oo ay gaadheen ayaa iminkana waxa ay isku dayayaan in ay xadhkihii xaga sare marayay ay dhulka hoostiisa mariyaan,taas oo ay iminka ku guda jiraan, tani hadii ay suura gasho waxa ay noqonaysaa Magaaladii Ugu Horeysay Ee Somaliland ku taala Ama Shirkadii ugu horeysay ee ka hirgalisa Laydhka in ay dhulka hoostiisa Mariso, tanina waxaa la odhan karaa waxaa ay noqonaysaa Talaabo Horumarineed oo ay ku talaabsadeen Bulshada Ku dhaqan Magaaladan Borama, gaar ahaan Shirkadan Laydhka Ee Aloog. Si kastaba ha ahaatee Shirkadan Aloog oo Uu ka Maamule Yahay Idiris Xaamud Jibriil Ayaa Noqonaysa Shirkadii ugu horeysay Ee Koronto ee Horumar intan Le'eg ku talaabsato tanina hadii ay u suura gasho waxa ay yarayn doontaa Khatar badan oo xaga xadhkaha laydhka ee Xaga sare daadsan.
-
Wefti Ka Socda Somaliland Oo U Kicitimay Kenya Iyo Kulan Ay Golaha Ammaanka Kula Yeelanayaan May 24th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)-Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya oo ay sheegeen inay fadhi gaar ah la yeelan doonaan Guddi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. Weftigaasi waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Md. Xuseen Maxamed Cigge. Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixiyay shirkaasi, waxaanu yidhi “Weftigan balaadhan ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairobi, halkaasi oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay Somaliland-na lagu soo casuumay. Waxaana Somaliland shirkaasi loogu casuumay si toos ah waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kale oo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.” Wasiirka oo ka hadlayay waxa fadhigan ay la yeelanayaan guddi ka socda qaramada midoobay lagaga hadlayo waxaanu yidhi “Fadhigan waxaanu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaanu uga warami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xoriyadiisu madax banaanidiisu taam tahay oo ah dal adduunka ka doonaya inuu ka helo ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Golaha ammaankuna waa Ha’yada ugu sareysa ha’yadaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Shirkani wuxuu inoo yahay sharaf waayo waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay xukuumadda Somaliland ay si toos ah oo fool ka fool ah ula fadhiisato jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda ammaanka oo ay u gudbiso qadiyada, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland.” “Anagoo tix gelinayna muhiimad ay leedahay fursadaasi waxay Somaliland ku faraxsan tahay inay ka qeyb gasho fadhigaasi gaarka u ah Somaliland iyo Golaha ammaanka,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar. Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka soo baxay dhoolatuskii shacbiga Somaliland ku muujiyeen sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “farriintaasi farriin adag ayay ahayd, jawaabo arrintaasi ku saabsana way soo gaadheen xukuumadda Somaliland.waxaanu aaminsan nahay in dawlado faro badani ay dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland. Waxaynu ka war haynaa in maalin dhawayd Wasiir Ku Xigeenka dawlada Kenya uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, dawlado kale oo iyaguna ka hadli doonaana way jiraan.”
-
Somaliland should annex for the rest of Somalia....
Xaaji Xunjuf replied to Caano_Geel's topic in Politics
Leezu Ethnic Somalilanders are people who hail from Somaliland originally who also resides in parts of Ethiopia they mostly have a dual citizenship. -
Yeah oday zack thinks the people of sool sanaag cayn are like sheeps and have one political desires he thinks it's black and white but on the contrary what he is referring to is the garaad clan to be precisely the maakhir clan have no intenion to join the ssc Rebel group. There is division among the Garaad clan , Majority of the reer nugaaleed thinks it's fine to ally themselves with the rest of Somaliland. While there are elements in the Buhoodle district who are hostile towards Somaliland and the neighbouring clans as i explained earlier. Even the diaspora do not agree wether to join the rebel group puntland or Somaliland.
-
MoonLight1;722671 wrote: JB Haaaa, after 20 years of NAY, No, NEVER to Somalia, how many times did you hear (MADAX BANNAANIDA S'LAND WAA LAMA TAABTAAN, GORGORTAN MA GASHO) it seems the Sland political elite are getting sober,as well as our friend JB. hope XX and co follow soon. Moonlight war miyad riyooneysa wa sida wararku sheegayan eeh wa siyasad ama kaarto cusub oo lugu gaadhi laha hadafki la rabay that's all Somaliland jiritaankeedu wa muqadis manaad siilanyo dhegeysan his speech
-
Indeed the struggle started in 1961 the people of somaliland rejected the union from the beginning even the so called referendum in the early 60s the people of Somaliland said no to the Union.