Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. bilan;724047 wrote: You seem to care a lot about us, I have to say for a foreigner that is kind of strange. Just like Mahiga and IOG
  2. Duke I just posted what your Leader said nothing new indeed, so let me get this straight a conference in Mogadisho hosted by the( TFG Amisom) Supported by the UN mahiga and his crew. What will the outcome be ?
  3. Dadka qaska wadaa caruurtoodii dhul shisheeye ayay joogaan oo iskuulo ayay ku jiraan” May 27th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa in la gaadhay xiligii haweenka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay kaalin weyn ka qaadan lahaayeen sidii loola tacaali lahaa dadka dilalka iyo qaska ka wada magaalada laascaanood. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir balaadhan oo uu magaalada laascaanood kula yeeshay haween weynaha gobolka Sool. Wasiirka oo si gaar ah ula hadlayay haweenka magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaanu maanta haween weynaha reer Laascaanood inaanu idin la kulano, inaanu ka wada tashano dhibaatada maanta ka jirta. dhibaatadaas oo ina wada taabanaysa, waad ogtihiin dhibaatada nabadgelyada wixii muskhilad ahi way ina wada taabanaysaa oo dhibaatadu idinka (haweenka) uun bay idinku dambaynaysaa, ninka wax dilayaa aqal ayuu ku dhuumanayaa haddii aan la soo sheegin dhibtii ma istaagayso. Waxaan idinku dardaarayaa inaad kaalintiina ka qaadataan nabadgelyada magaalada iyo gobolkaba.” Md Xaabsade waxa uu intaa ku daray “Waxa la gaadhay in qof kastaa oo magaalada ku nooli werwerayo oo uu is leeyahay ma caawa ayay kugu dhacaysaa mise beri ayay kugu dhacaysaa, walxahan qarxa ee Laamiga laga soo saaray guryaha agtooda lagu aasay inagama foga waxaan leeyahay bulshadu ha soo sheegto oo yaan la qarin qofka dhibta wada.” Wasiirku waxa uu ku dooday in dadka qaska ka wada gobolkaasi ay carruurtoodii u direen dibadaha waxaanu yidhi “Bulshadeenu waxay u baahan tahay waxbarasho, caafimaad iyo horumar dhaqaale, dadka qaska wadaa caruurtoodii dhul shisheeye ayay joogaan iskuulo ayay ku jiraan. caafimaadkoodii way helaan, halkan ayay inagaga tageen markaa waa inaynu nabadgalyadeena sugnaa.”
  4. Faroole oo sharci daro ku tilmaamay waqti kororsiga Hay’adaha DKMG Garoowe: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in Hay’adaha dowladda ay ka samaystaan waqti kororsi, isagoo dhinaca kale sheegay inay hareermartay hishiisyo ay la gaashay Maamulka Puntland. C/raxmaan Sheekh Max’uud (Faroole) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu ka hadlay waqti kororsiga Hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Hay’adaha dowladda ay iska samaystaan waqti kororsi aan la’ogayn oo hal dhinac ah sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Faroole ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Hay’adaha dowladda aysan fulin waxyaabihii lagu soo hishiiyay markii dowladda KMG ah lagu soo dhisayay Jabuuti, isagoo tilmaamay in la hareermay hishiisyadii lagu soo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland in dowladda KMG aysan sidoo kale fulin hishiisyo ay la gashay Maamulkooda, waxaana uu sheegay in taasi ay ka mid tahay waxyaabaha ay dowladda ku guul daraysatay inay fuliso Ugu dambeyn ayaa C/raxmaan Sheekh Max’uud (Faroole) ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabaha looga baahanyahay dowladda KMG inay qabato, wuxuuna tilmaamay in dowladda lagama maarmaan ay tahay inay wax u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Xeryaha Qaxootiga ee dalalka dariska la’ah Soomaaliya iyo in wax laga qabto kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
  5. Badhasaabka Saaxil oo Ka Hadlay Maamuleyaashii Total oo La sii daayay May 27th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulihii shirkada shiidaalka kootada ku haysatay ee TOTAL Sacad Cilmi iyo xisaabiyihiisii C/Kariin Xuseen ayaa maanta laga sii daayay xabsiga Berbera ka dib markii ay ku xidhnaayeen muddo laba maalmood ah ka dib markii ay ka war-wareegeen fulinta amarkii Madaxweynaha Somaliland ku buriyay heshiiskii shirkadaasi ay xukuumaddu kula jirtay. Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan ayaa sheegay in saraakiishan la sii daayay ka dib markii ay ogolaadeen inay u hoggaansamayaan amarka xukuuamada isla markaana ay xilka maamulka haamaha ku wareejinayaan Guddi heeer qaran ah oo ka socota dawlada. Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in shirkada Total aanay muddo laba sanadood keenin wax shiidaal ah waxaanu tilmaamay inay marka horeba heshiis sharci darro ah ay kula jirtay xukuumadihii ka horeeyay dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Mudane Xildhibaan Bashiir Tukaale oo xadhiga masuuliyiinta Total ku sifeeyay mid sharci darro ah oo u muuqan kara aarsi. Badhasaabku waxa uu u soo jeediyay Xildhibaan Bashiir inuu difaaco shuruucda dalka maadaama oo uu yahay xubin ka tirsan sharci dejiyeyaasha dalka. Heshiiska Madaxweyne Siilaanyo buriyay ee shirkada Total ayaa la kala saxeexday sanadkii 1993-kii xiligaasi oo Golihii Wakiiladdu ay diideen meel marintiisa.
  6. Madaxdii shirkada Total ee xabsiga Berbera ku xidhnaa oo saaka la sii daayay waxgaradka.aqoonyahanka iyo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo uu ka soo jeeday Maareeyaha guud ee shirkada Total ee Somaliland Sacad Cilmi Jibriil Waxa saaka subaxnimadii hore ooda la qaaday Madaxdii shirkada Total usareysay ee xabsiga magaalada Berbera ku xidhnaa mudada labada cisho ah waxa kaloo iyan siideyntaa madaxda Total weheliya sadex Xubnood oo iyana lagu edeynaayay in ay usoo gurmadeen masuuliyiintaa shirkada Total ee xadhinaa oo Iyagu ka soo kicitamay dhinaca Caasimada Hargeysa waxaana siideynta madaxdan Total ay ka dambeysay shirjaraa.id oo ay maalintii shalay kuqabteen magaalada Hargeysa waxgaradka.aqoonyahanka iyo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo uu ka soo jeeday Maareeyaha guud ee shirkada Total ee Somaliland Sacad Cilmi Jibriil iyo xubnaha kale ee gurmadka Lagu eedeynayay oo uu iyana kamid ahaa Mujaahid Aadan Maal iyo laba xubnood oo aan la magac dhabin waxaanay xubnahaasi shirka Jaraa.id qabtay Ay aa xukumada siilaanyo ka dalbaday in xoriyadiisa loo soo celiyo maareeyha shirkada Total ee ku Xidhan xabsiga berber iyaga oo Xadhigiisana ku tilmaamay xadhig sharciga baal marsan oo aan la garaneyn meel uu ka soo baxay amarkiisu sida ay xubnahaasi sheegen iyaga oo intaa ku daray in ay xidhiidh la sameeyen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) ee xadhiga masuuliyiintan lagu edeynaayay balse uu badhasaabka Gobolka Saaxil xubnahaas usheegay in xadhiga Xubnahaas uu ka yimi awooda isaga ka sareysa sida ay shirkooda ku sheegen taas oo ay uqaateen in xadhigani kayimi dhinaca Madaxtooyada balse Markii ay madaxtooyada iyo Madaxweynahaba la xidhidheen uu ugu jawaabay waxba kalama socdo xadhiga Masuuliyiintaa shirkada Total. Dhinaca kale iyana siideynta Maaareyaha shirkada Total iyo xubnaha la xidhan ka qeyb qaatay oo Magaalada berbera habeenkii xalay uyimi Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha sharci dajinta Somaliland Mudane Cabdicasis Maxamed Samaale iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha Gudaha Cabdilaahi Balaaki iyo waliba Abiib timacad oo kamida siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gabiley waxaana la sheegayaa in imaatinka masuuliyiintani uu la xidhiidho amar siideyneed oo ay ka sideen dhinaca Xukumada amarkaas oo loo malaynayo in uu kadanbeeyay baaqyadii ka soo baxay bulshada reer Gabiley ee kala duwan iyada oo aanay jirin cid ka warbixisay siideynta masuulkan usareeya shirkada Total oo Kamida xubnaha ka socday dhinaca xukumada iyo kuwa gobolka toona balse sida aanu xogo Laxidhiidha siideyntaasi ay sheegayaan in si shuruud la.aana dhinaca xukumada looga sii daayay Maareeyaha shirkada Total iyo xubnaha la xidhnaa oo uu kamid ahaa xisaabihii shirkada Total oo lagu Magacaabo Cabdikariin Xussen Cilmi iyo xubnaha kale ee laxidhnaa balse Agaasimaha dhawaanta loo Soo magacaabay Haamaha keydka shiidaalka berbera Dr Shine Cabdi barkhadle oo aanu wax ka weydiinay siideyntaa maareyaha shirkada Total mr Sacad Cilmi iyo xubnaha la xidhnaa ayaa ka gaabsaday isaga oo noogu jawaabay kala xidhiidha Gudoomiyaha Gobolka Saaxil isaga ayaa masuulkii Gobolka ahe balse Gudoomiyaha oo aanu iskudaynay in aanu kala xidhiidhno tilifoonkiisa gacanta ayaa Aanay noo suurgalin sababa la xidhiidha tilifoonkisa gacanta oo xidhnaa. Dhinaca kale ayaa waxa aan iyaguna si rasmiya uga warbixin siideyntooda xubnihii xidhnaa ee uu Hogaaminaayay maareye Sacad Cilmi Jibriil waxaanay islamarkii la siidaayay ay u ambabaxeen dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanay isa soo raaceen masuuliyiintii dhinaca xukumada Ka socday ee sii deyntooda utimi berbera iyada oo maareeyaha shirkadan sida la sheegay loo haystay xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha shirkada ushaqeynaayay mudada dheer oo uu dhinacnaba usaari waayay balse Waxa la sheegayaa oo aan sicad loogu dhawaaqin in shaqaalaha ay masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Agaasimaha wasaarada ganacsigu ubalan qaadeen in ay xaqooda helayaan sidaasna ay shaqaaluhu shaqada ku bilaabeen maalintii salaasada ee wiigan.
  7. Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY IYO DHamaan wadanka oo dhan**Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay Ubad badan.waxaa ay 27May ku xardhantahay* kuna Suntan tahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Burco.Anigoo ahaa Mubaarik Yuusuf* (Bidhi)* waxaan ahaa Mujaahidiintii ku biiray maalintaas jimcaha halganka* Snm markaa iyadoo ay ka soo wareegtay sanadguuradii 23aad maanta 27May1988- 27May2008 ayaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo Taarikhdii aan goobjooga ka ahaa* Anigo marka hurdada ka toosay ayaan waxan maqlay xabad meel fog ka dhacaysa** waxay xabadi socotaba way soo dhawaatay* dibada ayan u soo* baxay waxan dibada iyagoo taagan ugu imi Abahay alle hawnaxriiste(Marxuun Yuusuf Cilmi) ku shahiday* Burco marki lagu jiray* iyo Mujaahid Cabdi Yusuf Cilmi oo ah walaalkayga iga wayn oo hada jooga Norway oo ahaa Mujaahidiin SNM isagoo ku jeeniqaaran Qorigii Nuur Madoobaha la odhan jirey waxaa markaa markiiba na soo galay Ciidankii SNM oo lugaynaya oo aan garanayo Qaar badan oo iskuul ahayn ka mid ahaa dhalinyardi 87 ku biray SNM ahaa iyagoo ku dhawaaqayey Kalmada Allaahu Akbar ee ay can ku ahayeen Mujaahidiinta SNM , dabadeed halkaas ayaan kala bilaabay waxay galeen saldhiga Burco oo aan naga fogeyn halkaas oo markiiba ay jebiyeen Store kii Hubka anigoo isla markiiba fulay* Birtii calanku saarnaa* dhulkana soo dhigay calankii* ******ta ka dibna saaray Calnakii SNM ee Tawxiidka lahaa lana mid ahaa Calanka Somaliland iminka iyadoo halkaas dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii birta aan calanka SNM saaray.*Waxan ka mid noqday Cidanki Boliska laga sameeyay* Burco ,* Hadaba iyadoo ay badnayd Maalintaa Qiimaha lahayd 27May iyo 31 May* Xusuusteeda* oo maanta Sanadguuradeedii 20,aad ay ka soo wareegtay 20sano* ayaan waxaan idiin soo bandhigayaa waraysii* aan ka Qaaday Mujaahidiintii Maalintaa 27May1988 iyo sidii ay u soo galeen Burco iyo Mujaahidiintii maalintaa soo galay burco sidii ay ku soo galeen Burco 27May 1988 Hadaba waxaan nasiib u helay Mujaahid Ciise Qodax Geedi oo Iminka Degan Birmingham UK inuu iiga waramo wixii dhacay maalintaas iyo sidii ay u soo galeen iyadoo ay jiraan Mujaahidiin kale oo iyaguna Fursadahaas in la siiyo loo bahanyahay. Ayna aad iyo aad mihim u tahay Gudagalkaa ay SNM ay ku soo galeen* Magaalada Burco ,Iyadoo Niyadoodu ay aad u Heersareysay ,iyadoo SNM usoo badheedhay Ciidan Awood badan sheegta oo Kumanaan ciidamo ay ku taxnaayeen Jiidaha iyo Gudaha G/Togdheer*Mujaahid Ciise Qodax Geedi ayaan isagana ka wareystay oo Aniga oo ah Mubaarik Yusuf (Bidhi) wuxuuna ku bilaabay hadalkisii Anigoo ah Ciise Qodax geedi waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qayb yar oo ka mida taariikhdii SNM ee 27May1988 ,iyadoo lawada ogyahay oo haddii lays yidhaahdo halgankii ka sheekeeya ay tahay cajalad aan dhamaanayn.Hadaba markaan hadlo maalintaas 27may waxay ahayd maalin taariikh ah waxa weeye maalin u baahan in marka kasta ay xasuusato umadu Somaliland .Anigu waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii maalintaas Burco soo galay kana tirsaanaa Ururkii la odhan jirey Urur 3aad .Hadaba markii la doonayey in dalka la galo ayaa SNM waxaa la dhigay Lab Aag oo kala ah Makka Iyo Madiina .,Ciidankii Burco soo galay waxaa Taliye inoo ahaa* Mujaahid Axmed Mire Maxamed Taliye ku xigeen waxaa ahaa Mujaahid Marxuun Adan Salebaan (Ma-gubte) waxaanu ahayn 4 qaybood 1aad, 3aad ,Alla-Aamin iyo Tawakal waxaanu ka sooo dhaqaaqnay meesha la yidhaahdo Samatar Axmed waxaanu ku tukunay saladdii Maqrib 26/05/88 iyadoo maalintas oo dhan lagu jirey Cibaadeysi iyo Alle barri , markii aanu soo dhaqaaqnay waxay ahayd Saladdaa maqrib iyo ducadaas ka dib ninkasta(Mujaahid kasta) waxa qoriga caaradiisa ugu xidhnayd warqad ay ku qorantahay Aayad Quraana waanuu weyso qabay Mujaahid kastaa waxaanu ahayn niman Geeri isu diyaariyey oo isa soo gunaanaday. Waxaanu xusuustaa in Mujaahidiintaasu uu nikastaaba rasaas haystay Qasnada ku taagnayd Qoriga keliya ,meel kale oo aanu rasaas ka sugaynay ma jirin iyo gurmad kale toona waxaanu aanu ku talo galnay rasaasta ******tu haysto, waxaanu su,aasha aanu ku soo talo galnay ahayd ayaa ahayd sidee rasaas aynu ku heli karnaa ? waxaana aanu isla qaadanay in ay rasaas iyo shidaalba ay inoo yihiin kuwa ay cadowgu hayaan ee burco yaala ayaa noo raasas ahayd inaanu ku talo galno taas ayaanu ku dhaqaaqnay oo aanu kaga dhabaynay .Hadaba marki ay ahayd saacadu ahayd 11.00PM – 11.30PM Habeenimo ku soo jeedno Burco ayaa Tuulada Xaydh Ducato waxaa noo galay ciidan watay Bee_Beeyo oo ******tii dalka haystay* Ciidankaas ******ta oo laga soo direy Tuulada Qorilugud la yidhaahdo , aad ayey noola dagaalameen lakiin iyadoo* baabuurtii aanan ka degin ayaanu Jebinay waayo waxaanu ka soconay wax ka weyn , Anagaan doonayn inaan awoodayda* kuwada isticmaalno oo qorshahayga ayaa wax ka bedelmayaa haddii sidaas isticmaalno, waxaa naga dhaawacmay Mujaahid Dayax la odhanjirey, waxaa kaloo madaafiic nagala soo garaacay Qorilugud iyo Waraabeeye.*Salaadii subax 27/05/88 oo jimce ahayd ayaanu ku Tukunay Duleedka Burco* ,askartii ******ta ee ugu horeysay ee aanu ku bilownay Burco waxay ahayd ****** baadhanaysay Dad reer Miyi oo aanu si kedisa ula kulanay iyagoo dadkii reermiyiga ahaa Qoryo ku haya markii aanu kuwaa ka takhalusnay waxaanu isla markiiba u galnay Ciidankii Darawiishta oo lagu Diyaariyey Meesha Faraskabood la yidhaahdo oo hub badan oo Anti-AirGraf ku hubaysnaa ,waxaa noo suurta gashay inaanu Daqiiqado gudahood* ciidankii ku jebinay waxaanu aanu abaaraynay meesha Saadkoodu yaalo oo aanu ogeyn ee ay yalaan Shidaalka, Rasaasta, iyo Sarakiisha Talisku joogo .Isla markiiba waxaanu hore u galnay Magaaladii aanu sii galnay markii aanu jebinay Ciidankaas waxaanu galnay dagaal aad weyn oo lagu riiqmay Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa ahaa Mujaahid labaad ee naga dhaawacmay Markaas ayaa Adan Salebaan (Ma-Gube) uu noqday Taliyihii Ciidanka halka Xasan Cali Abokor noqday Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka ,waxaan kaloo xusuustaa dagaal ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha dagaalkaas oo ay naga dhinteen Mujaahidiin badan oo 43 Shahiid ah oo uu ku jiray sarkaalkii caanka ahaa Mujaahid Ibraahin Jaamac Dhiif (Ha-Liqin)waxaan kaloo xusuustaa maalintaas saraakiil badan oo meesha maraysay oo aan ka xasuusto Mujaahidiintii ,Ina Macalin Haruun Waxaa isagu aan Xasuustaa oo isaguna galay Cadaadley Mujaahid Marxuun Maxamed Cali oo isagu halkaa hubkii yaalay iyo saanadii ******ta la wareegay oo ahayd meeshii cadowga aad u deganaa lagana baqaayey inay dhabarjebin ku sameyso Burco Iyo Hargeysa..Mujaahid Marxuun Maxamed Cali ayaa markii uu soo jebiyey Ciidankii ******ta ahaa ee cadaadley isagoo wata Tiknakaddii Madafiicdii iyo Babuurtii uu ka soo furtay Dhamaan xeraddii Cadaadley uu soo galay Magaalada Burco ,taas xoog weyn oo ku soo biiray Ciidamaddii SNM ee Burco oo awood weyn u soo korodhay ,,,, Ilaahay haw naxariisto ,,, Marxuun Maxamed Cali .* Wuxuu ku gebegebeeyey Mujaahidku in ay Guul inoo tahay in maanta gobinimadaa aan haysanaa ay ku timi halgankaa lagu guuleystay Geesiyashaasuna ay naftooda u Hureen.**La soco qaybta 3aad* Anniga Mubaarik Yuusuf(Bidhi) hadaladi uu yidhi Mujaahid Maxamed Cali* iyo mujaahidinti kale hadaladoodi* an goob jooga ka ahaa iyo** wakhtiigi gurtida Burco la sameeyay, sarakiishi berbera u anbabaxay** hawlgalki Mujaahid Ibraahin Dhagaweeyne* .* 31 May maalinti Hargeysa gacanta lagu dhiigay *Waxan qaybta 3aad ku soo diri doona sawiirada* waxanse mark kasta ka cudurdaranaya inan la wada qorin Karin taarikhda halgankii iyo mujaahidintiiba* waxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u badan** hubin badan .isla egid* badan in* laga* wada sheekeyo dhamaan halganki Snm* iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolba* ilaa Hargeysa ilaa Gabilay* Odweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa bari* ilaa galbeed* iyo wadanka oo dhan* meel kasta *
  8. Che -Guevara;723938 wrote: ^'Mujahid' loves it, so XX must flow suit. I supported Siilaanyo during his days as SNM chairman and he is doing a great job so far as president.
  9. Because Mogadisho is our neighbour the same way Djibouti was mentioned today and Ethiopia by the our government today
  10. Afhayeenku waxa uu sheegay inaanay Somaliland tagayn shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo waxaanu yidhi “Anagu shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo ma tagayno,shirarka Soomaaliya dawladaha loogu dhisayana ma tagayno.Anagu waxaanu tagaynaa shir kasta oo aanu arkayno inay Somaliland fursadi ugu jirto ay ku bandhigto I love this new foreign Policy By Mujahid Siilaanyo
  11. Ethiopia and Somaliland are neighbours there is no service to Ethiopia it's more about Mutual interest between the two countries.
  12. Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Dayr Uga Tahay Itoobiya Iyo Jabuuti ArgagixisadaMay 27th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in jiritaanka qaranimadeedu ay ahmiyad weyn ugu fadhiyo gobolka oo ay dalalka Itoobiya iyo Jabuutiba dayr uga tahay argagixisada iyo budhcad badeedka.Dawladdu waxay sheegtay inaanay ka qeyb gali doonin shirarka lagu heshiisiinayo Soomaaliya ama dawlad loogu dhisayo.“Soomaaliyi ha joogto ama ha ka maqnaato mar kasta oo qaramada midoobay iyo dawladaha beesha caalamku ay gogol u fidiyaan oo ay Somaliland u yeedhaan oo ay yidhaahdaan kaalaya qadiyadiinna noo sheega.Somaliland iyadaa u baahan inay u sheegto. Somaliland ma aha qadiyad lala xishoonayo ee waa qadiyad banaanka lala imanayo oo u qalanta in dibada loo soo saaro,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da.Afhayeenku waxa uu sheegay inaanay Somaliland tagayn shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo waxaanu yidhi “Anagu shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo ma tagayno,shirarka Soomaaliya dawladaha loogu dhisayana ma tagayno.Anagu waxaanu tagaynaa shir kasta oo aanu arkayno inay Somaliland fursadi ugu jirto ay ku bandhigto qadiyadeedda.”Cabdilaahi Cukuse oo la weydiiyay su’aal ahayd ma la odhan karaa afartii madaxweyne ee Somaliland soo maray waxa ugu kalsooni badnaa labadii SNM marka laga hadlayo shirarka dibada iyo arrimaha Soomaalidaba, waxaanu ku jawaabay “Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray oo dhammi ixtiraam ayay mudan yihiin, nin waliba intii uu dedaali karayay wuu dedaalay oo wax wuu qabtay mid waliba intii uu joogay sidii ay ula muuqatay inuu Somaliland u meel mariyo ayuu u meel mariyay. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo-na waa Madaxweyne nasiib badan waayo waa Hoggaamiye qadiyadan u soo dagaalamay oo afartan sanadood oo ka mid ah nolashiisa siiyay markaa sidee baanu u ahayn qof isku kalsoon oo qadiyadan halka uu doono la tagi karaa waa Madaxweyne dalkan wax u doonaya ee aan waxba ka doonayn.wuu ku kalsoon yahay qadiyada dalkiisa iyo shacbigiisaba.”Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa uu ku qancin karo dadka labaatanka sanadood ee Somaliland jirtay ee quusta ka jooga ictiraaf la’aanta waxa uu yidhi “Walaahi dadku way kala niyad jab ogyihiin, boqolaal iyo boqolaal sanadood haddii ay qaadanayso qadiyadan waa la dabo joogayaa. Qadiyada Somaliland waxay hiil u tahay Soomaaliya, waxay hiil u tahay Afrika. Anagu waxaanu aaminsan nahay haddii la aqoonsado inaanu ka shaqayn karno nabadeynta Soomaaliya, waxaanu aaminsan nahay marka Somaliland la ictiraafo inaanu Jabuuti u noqonayno dayr kaga gudban argagixisada. Waxaanu aaminsan nahay in aqoonsiga Somaliland Itoobiya kaga gudban yahay argagixisada iyo budhcad badeedda. Imikaba waanu kaga gudban nahay labadaba.”“Haddii ay Somaliland meesha ka baxdo dalalkaasna xaaladoodu ma fiicna, Anagu Soomaaliyana waxaanu doonaynaa inay fiicnaato oo ILAAHAY ayaanu u baryaynaa marka nala aqoonsadana waxaanu aaminsan nahay inaanu wax la qaban karayno,”ayuu yidhi Afhayeenku.Cabdilaahi Cukuse oo la weydiiyay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay diidan yihiin ka qeyb galka shirarka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in dadka sidaasi qaba aan iimaankooda quweeyo oo aan idhaahdo aamina ILAAHAY oo aan idhaahdo aamina hoggaamiyaheena mudadaasi dheer u soo shaqaynayay qadiyada ummaddan. Somaliland waxay ku dhisan tahay rabitaanka shacbiga iyo dawladooda oo is wata.”
  13. Cali cabdalle salax is going down his own Ahmar tribe are now fighting him
  14. tallow odayshan nabada ku baqaya wayo oo qarankoda jecel wayo tallow
  15. Ciidanka qaranku chased them away last night they just killed an unarmed man , Somaliland armed forces protecting the nation from Terrorist.
  16. I believe Somaliland should adopt a more aggressive foreign policy and it's going good so far at every stage we should develop good relations with the international community meeting them in Kenya adis ababa Newyork is what we need we should be heard every where in africa in New York how every corner we are all doing this for our own benefits.We are not meddiling into the affairs of that failed nation next to us but we are approaching the international community to a certain extent and telling them Somaliland statehood is not something they should fear but rather a good partner now and in the future in the fight against piracy poverty and terrorism. I believe it will even bring hope to that failed nation next to us.
  17. General Duke;723729 wrote: ^^^XX spare us the waffle lad, Somalia is coming back and the secessionist cause will be left in the dustbin of history. Coming back from where From Nairobi or Kampala.
  18. General Duke;723719 wrote: Garowe & Mogadishu are no different adeer. Faroole losing is also not a major problem. The fact that makes me happy is that after 20 years your leadership is learning things from Faroole, like the importance of attending international conferences on Somalia. Sure buddy Garowe is full of pirates and Mogadisho is full of Amisom african troops Faroole lost the game the Conference will be in Mogadisho the TFG he hated so much are running the game
  19. bilan;723721 wrote: ^^ adigu ka dhex bax, this is problem for Somalis to solve, sow dal gooniya maadan noqon Xeefowgana Farmaajuu ku waashay, taloow maxaa isu galay? i am just a neighbour giving my opinion
  20. General Duke;723705 wrote: ^^^Secessionist trust me, the honeymoon period is soon to be over for you. Mogadishu is nearly tames, AMISOM now control, the Sea & Airports and are encroaching on the Bakara. With a more competent admin this effort will be doubled. Now regardless of who is President, a pacified, functioning Mogadishu at peace with all its regions notably Puntland State will present the death nail to your delusions. Now come back to reality so no specific leaders comes to your mind to lead Somalia well that means Sharif and his crew will continue to lead Somalia now that is not a bad thing he is been in office only for two years he should finish his term. By the way this is not about me i have nothing to do with Somalia i am just a Neighbour.
  21. Faroole always comes out as the loser what happened to the peace conference in Garowe;).
  22. ^^ but you don't seem happy President Axmed siilaanyo is pressing all the right buttons that's why Somaliland is even mentioned more then Somalia when ever the the topic is about Somalia or the Koonfurians. Something is going to change very soon.