-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu Dhex-dhexaadinayo Xalkii lagu Qaban lahaa Shirka Golaha Dhexe “Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha uu Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhexe…” Hargeysa(Waaheen)- Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa wada kulamo goos-goos ah oo xal loogu raadinayo muranka soo wajahay xisbigaasi oo maraya meel adag, ka dib markii hogaankiisa sare isku khilaafay soo xulida guddida qabanqaabada shirweynaha golaha dhexe oo dhici doontaa horaanta bishan June. Sida ay Wararku sheegayaan Kulamadan ayaa loogu kala dabqaadayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Iimaan Shabeel oo isku maandhaafay cida xaqa u leh xulida xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha lagu dooran doono golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii Muuse Biixi ka biyo Diiday xubno uu magacaabay guddoomiyaha golaha dhexe laba maalmood ka hor. Warku waxa uu intaasi ku darayaa inay saacadihii la soo dhaafay socdeen wada hadalo looga dan leeyahay sidii laysugu keeni lahaa labada masuul ee muranku ka dhexeeyo si looga hortago khilaaf kala qaybiya xisbiga inta aan la gaadhin doorashada golaha dhexe,inkasta oo aan ilaa hada lahayn wax war ah oo ka soo baxay wada xaajoodayada socda. Xubnaha dhexdhexaadin wada ayaa dhinacooda ku adkaysanaya in laga gudbi karo Isfahan waagan ka dhex qarxay Xisbiga Kulmiye, kaasoo ay saadaalinayaan in la soo afjari doono dhawaan. Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Md. Keyse Xasan Cige ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabadii uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil. Keyse Xasan waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku kooban tahay Guddoomiyaha isla markaana aanu isagu awood u lahayn in uu ku dhawaaqo guddida qaban qaabada ee shirweynaha, taas bedelkeedana uu maroorsaday shaqadii guddoomiyaha. Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Xog-hayuhu, waxaanu u dhignaa sidan “Waxaa dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye bisha Juun 6da. ee sannadkan. Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa inaan goaanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka Xisbiga Kulmiye balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la ogeyn. Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirarweynaha Xisbiga, kan Golaha Dhexe ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka Xisbiga, kaasoo leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wada hadla Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee Xisbiga. kadibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Kooramku) la rabay la helayo. Dhinaca kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga isagoo ka ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado inuu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban yahay furida iyo xidhida Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan. Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, haseyeeshee uu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga. Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho go’aan kaligii iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu Guddoomiyaha Xisbiga madax ka yahay. Haddaba waxaanu war-saxaafadeedkan ku caddeynaynaa in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u gaara, awoodna aanu u laheyn inuu kaligii go’aan ka gaadho qabashada Shirka Golaha Dhexe iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni ka haysanin Guddiga Fulinta ee Xisbiga. Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay sidii loo qaban lahaa shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe iyadoo hawlgelintiisa ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu.” Ayaa lagu soo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedkaasi uu soo saaray Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye. Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan soo saaray magacyada 11 xubnood oo ku sheegay in ay yihiin gudida qaban qaabada ee shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaas, kaas oo uu sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta la filayaa in la qabto kulan balaadhan oo lagu xalilayo khilaafka ka dhashay qaabka loo qabanayo shirka oo ay ku kala aragti duwan yihiin hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe
-
Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inaanay waxba ka jirin Shirkaasi Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa maanta magacaabay guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ku began Lixda bisha Juun, Xubnahaas oo ka kooban 11 kuwaasoo ah Guddidii hore ee qabatay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee Musharaxnimada iyo Guddoomiyenimadaba loogu wada doortay Madaxweynaha hada talada haya Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha dhexe oo saxaafadda loogu talagalay u qornaa sidan:- Ujeedo: Magacaabid Guddida Qabanqaabada Ee shirka Golaha Dhexe Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabasshada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku began June 06,2011, waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacawno guddi qaban qaabo oo ka hawlgasha dhamaan hawlaha ku began qabashada shirka golaha dhexe. Sidaa darted, manta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan u magacaabay inay noqdaan guddida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:- 1. Axmed Muxumed Madar Guddoomiye 2. C/kariim Axmed Xinif Xoghaye 3. Maxamed Muuse Abees Xubin 4. Nimco Xuseen Qawdhan Xubin 5. Ilhaan Maxamed Jaamac Xubin 6. Axmed Xaashi Oday Xubin 7. Xuseen Axmed Caydiid Xubin 8. Mahdi Xuseen Cadar Xubin 9. C/raxmaan Yuusuf Cartan Xubin 10. Siciid Cilmi Rooble Xubin 11. Axmed Cabdi Dheere Xubin Xubnaha Guddida qaban qaabada waxaa lagu wargalinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku began maalin Axad ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Kulmiye saacada 9:00 Subaxnimo, halkaas oo Guddoonka Golaha Dhexe kulan kula yeealn doono. Mudanayaal waxaan idiin rajaynayaa hawl wacan, Guul iyo Gobanaimo taam ah Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbiga Kulmiye Hase yeeshee sida caawa laga baahiyay Televisionka Horn Cable TV oo waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wax laga weydiiyay Shirkaasi ayaa ku tilmaamay inaanu waxba ka ogayn, waxaanu Hogaanka xisbigu ogeyna aanay waxba ka jirin.
-
Madaxweynaha Mamuul Goboleedka puntland Cabdiraxmaan Shikh Maxammad faroole ayaa u anba baxay magaalada adis ababa ee dalka Itoobiya , isago sida la sheegey warqad casumaad ah ka hellay Masuuliyinta dalkaas. Madaxweyne faroole ayaa waxa safarkiisa ku weheliyo xubno ka tirsan golaha Xukuumada mamuulka puntland oo u ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha waxan sidoo kale la socda madaxweynaha Gudoomiyaha maxkamada sare eeh Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa lagu waramaya inu ka qeyb gali doono xaflad loogu dabaal degeyo labaatan guuradi ka so wareegtay marki uu raisal wasaaraha Ethiopia Meles sanawi xilka ka tuuray Mengistu xayle maryam.Madaxwynuhu inta uusan u anbabixin. magaalada adis ababa ayaa lugu so waramaya in ay is arkeen Masuuliyiin ka tirsan dawlada kenya iyo waliba xubno ka tirsan dowlada dhexe eh Somalia oo marka dhinac laga eego ay isku dha dhaw yihin dhinaca siyasada. Si kastaba ha ahaaato lama oga wax yaabaha ay ka wada hadli doona waftiga ka socda Puntland eeh u horkacayo Madaxweyne faroole laakin waxa xusid mudan in cabdiraxmaan shikh maxammad faroole bilihi danbe u waday olale siyasadeed oo ka dhan ah Dawlada dhexe eeh hada ka jirta Somalia waxa lagu tiriya faroole inu uu yahay siyaasiyiinta sida weyn ugu ololeeyanaya in aan wakhti danbe la siin dawlada uu hogaaminayo Madaxweyne Sharif Axmed.
-
Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Itoobiya Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacyo ayaa gaaray magaalada Addis ababada ee xarunta dalka Itoobiya,halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya. Wafdiga madaxwaynaha Puntland oo ay ka mid yihiin wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga iyo gudoomiyaha maxkmadda sare ee Puntland ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya,halkaasi oo ay dhowaan kaga qaybgaleen kulankii Golaha Amaanka ee QM ee looga hadlayay arimaha Somaliya. Safarka madaxwaynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku saabsan tahay kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya oo ay kawada hadlayaan xiriirka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha amaanka iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada dhinac. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi Itoobiya,waxaana lagu wadaa in madaxwaynaha iyo wafdigiisa dhowaan dib ugu soo laabtay deegaanada Puntland. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa dhowaan ka qaybgalay kulankii Golaha Amaanka uu la qaatay dhinacyada Somaliya,iyadoo wafdiga Puntland ay sheegeen inay si gaar ah ula kulmeen wafdiga Golaha Amaan ee QM islamarkaana ay kawada hadleen xaaladda Somaliya. Isku soo wada duuboo lama oga inta maalin uu qaadan doono safarka madaxwaynaha Puntland iyo wafdigiisa ay ku joogaana magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya iyo Midowga Afrika,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ay masuuliyiinta Puntland gaaraan magaalada Addis Ababa.
-
Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Booqasho Ku Tagay Laascaanood May 29th, 2011 Comments Off Laascaanood (Somaliland.Org)-Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa maanta booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay suurto gal ka dhigayso in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqeyn karaan gobolkaasi iyo inkale. Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo caawa u waramayay Shabakada wararka ee Somaliland.Org , ayaa sheegay in weftigan oo ka koobnaa todoba xubnood ay booqasho rasmi ah ku soo mareen gobolka Sool. “Weftigani waxay u socdeen inay darsaan in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqayn karaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxay weftigaasi soo kormeereen xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood oo ay soo indho indheeyeen,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool. Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Sool uu kulan balaadhan la yeeshay weftigan oo ay uga xog warameen ammaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay inay Ha’ayada caalamiga ahi ku shaqayn karaan. Badhasaabku waxa uu intaasi ku daray in weftigu ay u sheegeen in ay wixii ay ku soo arkeen gobolka Sool u gubin doonaan madaxdooda si qaramada midoobay ay gobolkaasi uga fuliso mashaariicdii horumarineed ee loo qoon deeyay.
-
SNM was founded in Jedda saudi arabia By Somalilanders there, the somalilanders in saudi arabia are great patriots and indeed well done to the Somalilanders in saudi arabia.
-
Faah faahin ku saabsan kulankii Shariif Xasan iyo Mahiga Nairobi: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan xalay Magaaalada Narobi ay ku qaateen gudoomiyaha barlamanka iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya. Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonyahay, waxaa xalay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan looga hadlayay arimaha Soomaaliya ku yeeshay gudoomiyhaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga. Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xiran hadana ilaha waxaa ay sheegayaan in gudoomiyaha barlamanka uu kasoo horjeestay shirka bisha June ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna gudoomiyaha carabka ku dhuftay in shirkaasi ay wadato Xukuumadda oo uu tilmaamay in u jeedka gaar ah ay ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna codsaday in shirkaasi lagu qabto meel Soomaaliya ka baxsan. Sid ay wararka ku helayso Idaacadda Shabelle Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u xilsaaran arimaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG ah Soomaaliya uu xaq u leeyahay in uu qabto doorashooyinka oo uu tibaaxay Ergayga inay dhacayso xiligii loogu talagalay ee bisha Augusta. Markii uu soo dhamaaday kulanka Mahiga iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u dhaqaaqay dhanka wadanka Jabuuti oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa in gudoomiyaha halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxda dalkaasi kuwaasi oo waxa ay kusaabsan yihiin aan la’ogayn. Shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi 25-kii bishan ayay aheyd markii shir ay ka qeyb galeen Madax ka kala socota Qaramada Midoobay, dowladda KMG iyo Maamulada ka jira dalka loogana hadalayay arimaha Soomaaliya lagu go’amiyay shirka bisha June la qorshaynayo in uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo marka laga tago gudoomiyaha barlamanka ay sidoo kale kasoo horjeesteen Maamulada Puntland iyo Galmudug. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
Nairobi:- Shariif Xasan oo Mahiiga kula kulmay Kenya ka dib u dhoofay Dabuuti. 29. maj 2011 APL Nairobi(Allpuntland)- Gudomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilka gaarga ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustiina Mahiiga. Warar soo baxay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlmaanka uu kala hadlay Agustiina Mahiiga xaalada dalka Soomalaiya agaar ahaan shirka bisha Juun lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto. Gudoomiyaha Baarlmaanka ayaa la sheegaya in uusan la dhacsaneeyn shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho kaasi oo ay horay u shaacisay Xukuumada KMG islamarkaana lagu ayiday kulankii golaha Amaanka iyo dhinacyada Soomaaliya ee ka dhacay Kenya. Dhanka Kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ka dib kulanka Mahiiga uu la qaatay u dhoofay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda Dalka Jabuuti. Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.
-
Shariif Xasan, Xildhibaano iyo Xubno ka mid ah maamul goboleedyada oo ka hor yimid in Muqdisho lagu qabto shir Bisha soo socota ee JuneMogadishu Sunday 29 May 2011 SMCNaga soo wac halkan (Skype) Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa Danjire Mahiga kala hadlay arrimaha shirka ay QM shaacisay inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxaana labada mas'uul dhex maray kulan saacado badan qaatay balse aanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay waxyaabihii ay ka wadahadleen.Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo looga horjeedo in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Xukuumadda ee bisha Agosto la filayo inay dhacdo, waxaana xalay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ka dhacay kulan ay yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mhinga, kulankaasi oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen.Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu hormuud u ah Isbaheysiga diidan in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu dhowaan u ambabaxayo dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ka bilaabayo olole dalalka geeska Afrika uu taageero uga raadinayo sidii shirka looga wareejin lahaa magaalada Muqdisho, isagoona arrimaha uu qiil ka dhiganayo ay tahay inaysan xaaladda Muqdisho ka saamaxeynin nabadgelyo xumo aawgeed.Shariif Xasan Qorshaha uu ku doonayo inuu magaalada Muqdisho uga weeciyo shirka ay ku baaqday QM in lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan caga badan ku taagneyn, bacdamaa go'aankaasi uu yahay mid ka soo baxay wakiilada Golaha Ammaanka ee QM oo iyagu ku dhawaaqay markii la soo gabagabeeyay shirkii dhowaan magaalada Nairobi ay ku yeesheen QM iyo hoggaamiyayaasha Dowladda, maamul goboleedyada iyo ururrada bulshada rayidka ah
-
Cidii Aan isdiwaan gelin barakacayaasha dadka reer koonfureedka ah waa la musaafurin Doonaa "" Wasiirka warfaafinta somaliland + Video Posted to the web on May 29 Wasiirka warfaafita somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in cidii aa diwaan gashanayn ee barakacayaasha ee dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood laga saari doono, arintan ayaa timid kadib kulan balaadhan oo ay saaka wada yeeshee waftiga wasiirada xildhibaan lataliyaha madaxweynaha iyo qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah kulankan ayaa lagaga wada hadlayay sidii dadka barakacayaashu ay ugu qayb qaadan lahaayeen adakaynta arimaha nabadgelyada iyadoo halkaasina hadal dheer uu ka soo jeediyay wasiirka warfaafinta uu ku nuux nuuxsaday in ciid aan isdiwaan gelin ee dadka barakacayaasha ah laga saari doono magaalada laascaanood isla markaana laga masaafurin doono dhinacoodana dadka barakacayaasha ah ayaa ka hadlay dhibaatooyin badan oo ka haysata dhinaca maamulka gobolka iyagoo sheegay inay leeyihiin gudiyo la socota xaaladaha dadka barakacayaasha ah maamulkana gacan ka siiyay sidii ay u bilaabi lahaayeen diwaan gelin balse caqabado badan ka hor yimaadeen waxay kaloo xuseen in hadyo jeer danbiga ka dhaca magaalada dusha laga saaro iyagoo aan waxba ka ogayn iyadoo ay u dheertahay xadhiga lagula kaco isku soo wada duuboo dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa markasta oo ay dhacdo xaalado nabadgelyo daro ay soo foodsaartaa dhibaatooyin ka sii baaxad weyn kii hore u haysatay
-
WAXGARADKA BEESHA Adhicadeeye EE KU NOOL DEGAMADA SSC OO SI WAYN U TAGEERAY GARAAD DA,UD CASHUUR OO AH GARADKA Adhicadeeye Posted to the web on May 28 odayaasha iyo waxgaradka cuqaasha haweenka dhalinyarada beesha Adhicadeeye ayaa maanta dibad bax ay isugu soo baxeen magalada adhi cadeeye waxa ay ku sheegen inay si wayn usoo dhawaynayan garadka cusub ee beesha Adhicadeeya dhawan la rebo in la caleemo saaro Garad Da,ud Cashuur Aw-warsame oo ah isagu qurbo joog ku nool wadamada dibada dhawaana la lagu caano shubi dono wadanka waa garaadki ugu hooreeyay ee beesha Adhicadeeye ay caleemo saarto hadaba dadwaynaha reer adhicadeeye ee ka tirsan beeshaas ayaa maanta hambalyo iyo soo dhawayn u diray isla markaana sheegay inay ku faraxsan yahiin mowqifka beeshu ay qaadatay oo ah mid nooceeda kii ugu horeeyay ee garaadkan ay ku doortan si wayna gacmo qoyan ugu lulayaan waxaan dhamaan ka codsadeen beeshu dadka somaliyeed guud ahaan gaar ahaan dhamaan dadka degaamada ssc iyo nawaaxiga u dhow inay kala qayb qaatan caleemo saarka garaadka oo wakhti dhow la sugayo inu ka dhaco magalada adhi cadeeye kulankii shirkaa hambalyada iyo waliba taageerada garaadka ee beeshu muujisay ayaana xafladiisi waxa si kala gadisan uga hadlay cuqaasha waxgaradka dhalinta waxaadna ka daawan karta isagoo fiidyow ah
-
After the Independence of Eritrea, the PFDJ failed to create and build a state for all Eritreans and a perpendicular division within the Eritrean society followed: 1- The state is supported by almost 90% of ethnic Tigrigna. 2- The opposition is supported by almost 90% of Eritrean Moslems (almost the same ratio as it was during self-determination era between Unionist party and Independence Block). From the start, the EPLF represented a shelter and safe haven for those who were – for one reason or another –against ELF. After 1981, the EPLF became a single organization that confronted and challenged the enemy—not only that, but it was the only hope for freedom! That hope was fulfilled in 1991 and the state of Eritrea became a reality. It was then that the real face of EPLF emerged, changed its name and declared its agenda which was not different – in content and aims – from that of (Nehnan Elamanan). From the start, Isaias and his group represented Kebessa chauvinism: His split from team of trainees during the military course in China and he divided them into Christians and Muslims. Moreover, as the Chinese Ambassador to Eritrea noticed, Isaias “copied” all the bad lessons of Maoism! In June 1968 at the Aradaib conference, he proposed the division of the Army into two groups: Christians and Muslims! His split from the General Command of ELF in 1969. His refusal to attend the National Congress in 1971. That chauvinistic approach grew slowly and gradually taking advantage of any weaknesses of the ELF and getting support from factions that were marginalized by the ELF. The rest is history. EPLF had never been an organization of the future, its historical role should have been concluded by 1997, the end of transitional period. Berlin Manifesto (G13) and G15 were signals in the right direction and the message was: Mission accomplished! But who will listen? Who will read? Oscar Wild said: Circumstances might alter cases, but circumstances can never alter principles. Tigrigna chauvinism appeared on surface, used and abused all tools and values legal and illegally: ethnicity, religion, terror, deception …etc. The result is what we are witnessing today. Isaias was the right person for the wrong people (ethnic Tigrigna chauvinists)! Eritrea became a state of a certain group—no prime minister, no vice-president and no constitutional bodies. It is a one-man regime that will collapse once he disappears—either due to natural death or assassination. Now the struggle is not only for democracy, but in essence it is for future against past; and the entire nation is looking for the future, while PFDJ is insisting and fighting to stop the clock! The question is not only who sacrificed more, but rather, what was the outcome and how were those who sacrificed rewarded? Let us compare the situation of ethnic Tigrigna on one hand and rest of the ethnic groups on the other: 1- The state: More than 90% of top positions were given to ethnic Tigrigna—do they say the others are not there? Not true. Hundreds of graduates from the Middle East applied for jobs but they were rejected because they don’t know Tigrigna? 2- The land: Thousands of ethnic Tigrigna were given lands in the lowlands—do they say it is no man’s land? Not true. The owners are in neighboring Sudan living as refugees for more than thirty years. The Eritrean government blocked all efforts by the UN and other International organizations to return them back to their homeland. 3- Not to mention cultural and economic domination. Now the question is: If all that is true, why are ethnic Tigrigna youth deserting and leaving the country? Here is my reading and understanding of the phenomenon: The main reason is the breakdown of the three pillars that used to hold the unity and coexistence of ethnic Tigrigna community. Sharing of power and wealth: Akeleguzai is out of the equation, Seraye is half way and even within Hamassen there is a considerable sector against the government. Abolishing the spiritual authority of the Orthodox church (the patriarch of the Orthodox faith) was a serious warning and a sign of the unknown that might follow. The unnecessary and fabricated war with their historical neighbor and ally, Tigrai; that was the straw that broke the camel’s back. To this are added the other accelerating factors: endless military service, deteriorating economic conditions, terrorism, lack of justice and democracy. Eritrean Muslims have the honor and privilege of starting the armed struggle thus paving the way for the entire nation to join and liberate the land. They were the first to sacrifice, but the last and least to be rewarded. What is expected from Tigrigna elite and leaders is to take an initiative and approach their Muslim brothers with a new program (inclusive not exclusive) to build the country together. We know that the PFDJ didn’t take the consent of ethnic Tigringna, neither does it have any mandate to represent them; therefore, so it is unfair and unwise to vilify the whole ethnic Tigrigna. On the other hand, it is unfair for half the population to dominate the nation; a balance should be kept. Within the ethnic Tigrigna community, the elite of Hamasen have the upper hand, and within those, the grandsons of my ancestors from Karnishim became “the kings” of Eritrea! Should I celebrate that? Not really. The PFDJ is circulating again the old scarecrow from across the border , Tigrai, the successors of the Axumite Kingdom, the custodians of the Orthodox Church and the rulers of the Eritrean plateau (directly or indirectly) in the past, the cornerstone of the ruling party in Ethiopia—those people are being accused of preparing to invade Eritrea! Why? The claim is that they are planning a regime change and partial occupation of the country! Now, to verify whether that is true or a myth, we can have a quick look at the record of the PFDJ—its repeated and fabricated stories, and immature understanding of what is going on in the world! Those who live in a lawless environment do not think or believe that there is “law” outside their doorsteps! They believe that what you get by force is yours! As for the first part of the claim, i.e. regime change, it is the responsibility and task of the Eritrean people; they know how and when to do it. The claim of partial occupation though, is an insult to the conscious and political maturity of the Eritrean people. The outside world is not accusing the ethnic Tigrigna of violating international law or destabilizing the and damaging the security in the Horn of Africa; Eritreans as a whole are guilty because the name of the state is Eritrea is involved! Here comes the real challenge: all Eritreans must join forces to bring about change and create a state for all Eritreans and by all Eritreans. We all need to clear our names and prove to the world that we deserve what we got, an Independent state. Serbians did it when they revolted against Milosevic and his gang; the Amharas did it when they joined the national resistance against Haile Sellasie. The ethnic Tigrigna can make it; we can make it together, because we are struggling for the future.
-
Lasanod Community Welcomes the Gogosha Nabadda ,,, Support Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jacaylbaro;724380 wrote: I didn't know Faroole is the spokesman for the UK ambassador ,,,, looooooool -
Love the shoulder dance lolz
-
Lasanod Community Welcomes the Gogosha Nabadda ,,, Support Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I see a khadar and taleexi are still avoiding The Caaqils of the Garaad clan , i see the Caaqil of Masagan Community there i see the caaqil of Fiqifuliye i see the one from Xudun I even see two of taleexis uncles -
Ethiopia celebrates the 20th anniversary of the demise of derg
Xaaji Xunjuf replied to PasserBy's topic in Politics
PasserBy;724324 wrote: Xaji Borat, For some reason, I doubt you are a Somalilander. You maybe a Plander masquerading as a Somalilander. Just as Che is a pirate Al Shabab who claims (wishes) to be from Somaliland, you maybe a Slander wannabe fake Sheik from Garowe. First of all what makes you so angry is it the truth i was just wondering what are they celebrating replacing one dictator with another dictator the only difference is the current one is from a different Ethnic group and yes i am a somalilander now tell me Passerby what are they celebrating? -
Ethiopia celebrates the 20th anniversary of the demise of derg
Xaaji Xunjuf replied to PasserBy's topic in Politics
Remove one dictator and replace him with another. -
Somaliland’s First Woman Mayor Takes Office in Gabiley City
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Haweenay Noqotay Maayir, Ka Dib Markii Marwo Khadra Xaaji Gaydh Guddoomiye Ka Noqotay Golaha Deegaanka Gabilay Gabliey, May 27, 2011 (Haatuf) – Magaaladda Gabilay ayaa taariikh cusub u furtay Haween weynaha reer Somaliland ka dib markii ay Maayar ka noqotay haweenay, taas oo aan hore uga dhicin goboladda iyo degmooyinka Somaliland, waxaana shalay noqotay Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo hore u ahayd Maayar ku xigeenka degmadaasi. Arintaas ayaa ku timid ka dib markii maalintii shalay shir ay iskugu yimaadeen mudanayaasha golaha deegaanka Gabilay, isla markaana ay ka qayb galeen xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha C/laahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo madax kala duwan. Kulankaas ayaa Golaha deegaanka ee degmada Gabiley ay si rasmi ah Xasaanadii uga xayuubiyeen maayarkii Magaalada Gabiley Aadan Muxumed Badde oo hanta-dhawrku ku eedeeyay inuu ku kacay musuq-maasuq baahsan oo hadheeyay xafiiskii uu madaxda ka ahaa. Fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha deegaanka degmada Gabiley oo ay ka soo xaadireen 19 xildhibaan oo ka mida 21-ka Mudane ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka Gabilay, kaas oo cod aqlabiyad ah la iskugu raacay in xasaanada laga tir-tiro maayarka marka hore si loogu soo ooga karo dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha musuqmaasuqa la sheegay inuu galay oo ku lunsaday lacag gaadhaysa malaayiin Shilling oo lacagta Somaliland ah. Fadhigan xasaanada lagaga xayuubiyay maayarka Gabiley ayaa waxa dalbaday xeer ilaalinta qaranka oo uu hore uga codsaday hanta-dhawarku ka dib markii ay soo shaac baxeen wararka ku saabsan wax isdaba marinta oo ay dacwadeedu soo jiitamaysay muddo bilo ah, iyada oo iyana dacwadaha la mida taas lagu soo oogay xoghayaha dawladda hoose Cabdi Jirde Daa’uud oo isna oo ay uu taabtay baadhitaanka ku saabsan musuqmaasuqu. Waa markii ugu horeysay ee mid ka mida maayarada Magaalooyinka dalka lagu soo ooga fadeexad musuqmaasuq, isla markaana laga qaaday xushmadii awooda kursiga, taas oo fududaynaysa in lala tiigsan karo sharciga, laakiin lama oga sida loo hirgalin doono geedi socodka dacwada lagu soo oogay maayarkaas. -
^^ why are u you such a hater
-
awoow ii yara sug kubada ayaan dawanaya mise banooniga lolz