-
Content Count
29,978 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Golaha Guurtida Somaliland oo Codkii ugu badnaa ku Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland Hargeysa(Waaheen) Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta ayaa lagu Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo in muddo ah horyaalay Golaha Baarlamaanka Fadhiga maanta ee Golahaasi oo ay joogeen 76 Mudanae ayay 75 ka mid ahi Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen, hal mudanena wuu ka Aaamusay sidaasaanu ku Ansaxay Xeerkii Isgaadhsiintu. Xeerkan ayaa u gudbaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo si uu dhaqangalkii rasmiga ahaa ugu dhufto. Xeerkan oo ah Xeer muhiim u ah Somaliland ayay ku xidhnaayeen Mashaariic badan oo Maalgalin u noqonaya Somaliland oo uu ugu horeeyo Kaybalka badda Hoostiisa mara kaasoo ay hore Xukuumadda Somaliland u siisay Shirkadda Somcable ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid
-
Somaliland an economy few recognise Financialtimes+video
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
NGONGE;728384 wrote: ^^ Katrina ma nin reer Hargeisay caashaqday ninyaho? She's been over doing it with the SL love. Whoever he is waa ragiida. war inanta ka xiishood wa dumaashidaye -
Somaliland - an economy few recogniseMay 18 2011 Somaliland declared independence from Somalia 20 years ago but no government has recognised it. While Somalia is better known for piracy and terrorism, Katrina Manson, east Africa correspondent, travels to Somaliland to film a region trying to forge peaceful economic growth. (2m 8sec) http://video.ft.com/v/948755459001/Somaliland-an-economy-few-recognise
-
It is a war between minister Abdikarim from SSC and Farmajo from Gedo.
Xaaji Xunjuf replied to Mooge's topic in Politics
Naxar Jengalis father and his family are from togdheer so i don't see why he can't be a northerner. -
Jen. Yuusuf Indhacadde oo taageeray go'aannadii Kampala, kana hadlay dibadbaxyada ka socda Muqdisho Isniin, June 13, 2011 (HOL) – Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa taageeray heshiis ay madaxda DKMG ah ku gaareen dalka Uganda, isagoo sheegay in dibadbaxyada ka socda Muqdisho ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan oo dano gaara leh. Mas'uulkan oo ka mid ah saraakiisha ciidmada DKMG ah, ayaa sidoo kale ugu baaqay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuu si nabadgalyo ah xilka isaga casilo, uuna tixgeliyo heshiisyadii lagu gaaray Kampala. "Shirkii Kampala waxaa lagu xalliyay khilaaf jiray - waana soo dhaweynayaa," ayuu Jen. Indhacadde oo intaas ku daray, "Banaanbaxyada ka socda Muqdisho waa kuwo ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan, dhaqaale badan ayaana lagu bixiyaa." Jen. Indhacadde, wuxuu sheegay in mudaaharaadyada Muqdisho ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay, isagoo sheegay in haddii ay yihiin dibadbaxyo dhab ah laga sameyn lahaa goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab. "Mudaaharaadyada Muqdisho ka dhacay waxay sababeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale, waxaana rumeysanahay in dadka abaabulaya ay u shaqeeyaan Xarrakada Al-Shabaab," ayuu hadalkiisa raaciyay. Sidoo kale, Jen. Indhacadde wuxuu sheegay inuusan garanayn sababta loogu bannaanbaxayo ra'iisul wasaare Farmaajo oo uu sheegay inuusan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashii ka horreeyay ee xilalka laga qaaday. "Ra'iisul wasaarayaashii hore oo ay ka mid ahaayeen Nuur Cadde oo badbaadiyay suuqa Bakaaraha, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo laga qaday xilalka looma bannaanbixin, waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashaas," ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay. Su'aal ahayd sida uu u arko in go'aanka is-casilaadda Farmaajo lagu xiray go'aanka uu baarlamaanka ka gaaro qodobbada shirkii Kampala ayaa sheegay inuusan horay uga sheegay Qarammada Midoobay iyo dalka gudihiisa inuusan jirin baarlamaan wax dooran kara, uuna la yaaban yahay sababta uu maanta ugu xirayo xil ka dagistiisa. "Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu fuliyo heshiiska lagu gaaray Kampala, haddii uu fulin waayo waxaa qabanaya heshiiska, waxaana lagu soo rogi doonaa cunno-qabateyn, tallaabooyin kalena waa laga qaadayaa," ayuu yiri Jen. Indhacadde. Ugu dambeyn, Yuusuf Indhacaddd oo wareysigan siiyay Radio Shabelle ayaa shacabka ugu baaqay inaan la qaldin oo aysan naftooda qaribin, isagoo xusay in Farmaajo uu soo magacaabay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, baarlamaankuna uu ansixiyay, iyaguna ay diideen.
-
Ethnic Lander of the Year 2011 awarded to Xaji Xunjuf
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in General
hahahahahahaa good one -
Somaliland to get its Citizens out of yemen.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Diyaarad weyn oo kuwa Xamuulka qaada ah ayaa galabta Madaarka Berbera keentay sideetan qof oo Qaxooti ah oo ka soo qaxay Dagaaladda Yeman Berbera(Waaheen) Waxa manta galinkii danbe soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera diyaarad sida qoxoonti tira badan oo ka soo Qaxay Qalalaasaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yaman. dadkan oo ay siday diyaarada Afrikan Airways ayaa waxa isugu jireen Dad reer Somaliland ah iyo kuwa reer koonfureeda oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Yaman waxa ay ubadnaayen caruur iyo dumar iyada oo ay meeshana ka muuqatay in ay Dadkani yihiin xaasas caruurahoodii wata oo xamili waayay kacdoonadaa siyaasadeed ee ka oogan dalka yaman ee gaadhay heer madaxweynihii dalkaas Yaman Cali Cabdalla Saalax in qasrigiisii Madaxtooyada lagu weeraro laguna dhaawaco. Waxay dadkani sheegen in ay dhibaatooyin ba’ani ka taagan yihiin dalka yaman oo aanay cidina ku noolaan karin iyaga oo intaa ku daray in aanay dhamaantood ka wada iman hal gobol balse ay ka kala yimaadeen dhawr Magaalo oo ka ag dhaw magaalada caasimada ah ee Sanca ee qalaasuhu ka socdo. dadkan oo tiradoodu aheyd 80 ruux ayaa intooda badani ahaayeen dad deganaa caasimada Sanca ee dalka Yaman waxaanay sheegen in ay diyaaradu kasoo qaaday dhamaantood Magaalada Sanca iyaga oo intaa ku daray in dad badan oo Somaliland iyo Somaliya ba isugu jiraa ay ku xaniban yihiin dalka Yaman Gaar ahaan magaalada Sanca, iyaga oo ka dayriyay dadkaa noloshooda oo aanay Haysan biyo iyo cunto toona, cid ka war haysaana aanay jirin. qalalaasaha iyo dagaalada aan kala go’a lahayn ayaa sababay inay Xabadu dhacdo hadh iyo habeen qof kaliya oo debeda ubixi karaana aanu jirin oo ay cabsiyi hadhaysay. Qaar ka mid ah dadka Qaxootiga ah ayaa sheegay in aanay dhibaatada iyo qaxu aanu ku eekeyn soo galaytiga dalkaa ku nool balse ay dadkii wadankaa u Dhashay iyaga laftigoodu qaxayaan oo ay u qaxayaan dhinaca magaalada Cadan iyo wadamada dalka debediisa qofba sida ay awoodiisa Dhaqaale tahay, waxaana dadkan soo qaxay la socday laba nin oo iyagu ah Yamaniyiin balse qaba dumar Soomaaliyeed oo iyagu la soo qaxay xaasaskooda iyo caruurtooda oo ay ka soo wada Dageen garoonka diyaaradaha ee berbera. Salem Cabdoo oo aanu Weydiinay sababta uu uga soo qaxay wadankiisii ayaa ku jawaabay”Waxan uga soo cararay xabada iyo Xaalada wadanka Yaman oo maalinba maalinta ka danbeysa kasii dareysa iyo cabsida madaafiicda oo magaalada Sanca oo dhami ay gariirayso marka uu madfac dhaco waxaad ka baqeysaa in uu adiga iyo caruurtaba marka danbe idin qabsado markaa waxan aniga Iyo xaaskayga oo Somaliyad ahi aanu isla garanay in halkan(Somaliland)usoo qaxno waxa kaloo iyana nasoo qaxisay cunta la’aan iyo biyo la’aan ka taagan magaalada sanca.” Ayuu yidhi Waxa kaloo iyana aanu wax ka weydiinay sababta ay usoo qaxeen iyo in ay wax dhibaato ah kala kulmeen kacdoonadaa iyo Dagaalada ka dhacaya dalka Yaman gabadh iyadu kamida dadka reer Somaliland ee ka soo qaxay dalka Yaman oo Magaceedu yahay Aamina Farxaan waxaanay kaga Jawaabtay”Horta ilaahay baa mahad leh mar haduu na soo badbaadiyay hadaan kahadlo dhibaato Naloo geystay oo aanu leenahay cidbaa dhibaato noo geysatay kamida dadka dagaalku ka dhexeeyo ma jirto laakiin dhibaato kale oo Aan xadi laheyn ayaa nagu qabsatay magaalada Sanca kaligayona maahee dadka dhibaatadu qabsatye waa macaa kuwii wadan udhashay ee lahaa oo iyaguna dhibaatada way nala qabeen waxa noogu daraa biyo la.aan aanu weynay wax aanu cabno iyo wax Suuliga aanu ku galo waxa jirikaanka biyaha ah nalaga siinaayay(3$)dollar oo waliba aan si fudud lagu heleyn hadii la helo waxa iyana Cidhiidh galay cuntadii oo aanad heleynba waayo dukaan furani ma jiro xabadu waa ay dhacaysaa oo aan looma meel dayayn caruurtii ayaa saskeedii aanu hayn waynay oo wax walba nagaga daraa markaa hadii ilaahay naga nabad keenay waa ilaahay mahadii” ayay tidhi Aamini Cabdinaasir Sheekh Ibraahin oo isna kamida ganacsatada xoolaha ee halkaa daganaa ayaa isna ka waramay sababta uu uga Soo qaxay dalkaa Yaman iyo waxa ka soo gaadhay dhibaato dhinaca ganacsigiisii Xoolaha waxaanu kaga jawaabay”Walaahi hadii uu Dagaal meel ka dhaco waxyaabo badan baa luma horta anigu waxan ahaa ganacsatada xoolaha ee halkaa ufadhiya qolyaha xoolaha Dhibaatada ugu weyni waa xabada oo magaalada Sanca hoygeedii noqotay iyo adeegyadii bulshada oo dhamaan istaagay meel shaqeynaysaana aanay jirin kolay xisaabo naga daadsanina way jireen laakiin maba heleysid cid aad la xisaabtanto oo xabad ayaan Cidina debeda ugu baxayn ta kale biyo la.aan ayaa iyana ka taagan Sanca oo waxa aanu isticmaalaynay biyaha mooya saxda oo Aanu marka hore waxoogay karaatoona oo aanu dhiganay guri daganayn laydh ma jirin oo dawladii maamulkeedii faraha ayuu ka sii baxayaa walaahi dad badan oo reer Somaliland ayaa ku xaniban oo ubadan xaasas aan haysan nool ay diyaarada iskaga bixiyaan oo Gurmad ubaahan.”ayuu yidhi Dadkan ayaan cidina ku qaabilin garoonka waxaanay sida dadka caadiga ah uga soo baxeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada berbera iyada oo laga war hayay in ay imanayaan qoxoontigaasi ayaanay dhinaca Xukumada iyo Gobolka toona cidi uga Imanina waxaanay laamaha dakhliga qabashada iyo sarifka baankuba ay sidii caadiga ahayd uga shubeen lacagihii ku waajibay Maadaama oo aanay sidan Go Home sida ay noo sheegen hawl wadeenada garoonka ee ku shaqada leh dhinaca kale waxa aan meeshaba ka soo daahirin Isuduwaha dib udajinta ee Gobolka Saaxil Jaamac Siciid oo todobaadkan ka war bixiyay qoxoonti uu sheegay in ay ka soo dageen dekeda magaalada berbera -
It is a war between minister Abdikarim from SSC and Farmajo from Gedo.
Xaaji Xunjuf replied to Mooge's topic in Politics
Anigu waxan odhan laha yaan aad lo aamanin Faarmaajo Siyaasinta Somalidu amin ma leh -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Nassir one question who is his arch enemy though. -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Nassir is C/jamaal Cismaan reer dhahar and if so did he take part of the dhahar conference few days back held in dhahar. -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Apparently some local Maakhir Militia arrested Garowe intelligence officers and some Garowe Militia and pis attacked the local maakhir Militia in eastern dhahar district that's what the feud is about. -
It is a war between minister Abdikarim from SSC and Farmajo from Gedo.
Xaaji Xunjuf replied to Mooge's topic in Politics
Lool@Melez zanawi ha noolaado Somalidiidku ha dhaco ahahahahaaa -
Stability and good governance in Somaliland vital in combating piracy Written by minbuza.n Jun 11, 2011 at 11:41 AM Minister for European Affairs and International Cooperation Ben Knapen paid a visit today to Somaliland, a region in the North of Somalia. His agenda included a meeting with Somaliland’s president, Ahmed Mohamed Mohamoud, and its foreign minister. Somaliland has been stable for several years and held democratic elections last year. Mr Knapen said that the rest of Somalia could learn from Somaliland’s experiences with stability and democratisation. Acceptance of government authority and a policy of active prevention is helping to stave off piracy. ‘No piracy attacks are launched from the coast of Somaliland. It is important to ensure that instability and piracy in the neighbouring region does not spread to Somaliland’, Mr Knapen said during his visit to Hargeisa, the capital of Somaliland. The minister visited the Hargeisa prison where 87 pirates tried by Somaliland are incarcerated. The Netherlands plans to contribute a million euros, via the UN Office on Drugs and Crime, for the construction of a new prison, for pirates and other offenders, and measures to strengthen the justice system. This will increase the capacity available for imprisoning pirates in the region and UNODC’s involvement guarantees compliance with international standards. In the presence of the Speaker of the House of Representatives, Mr Knapen laid the first stone for a new parliament building. The Netherlands is donating €700,000 for construction and for training parliamentarians and support staff. Earlier in the day, he visited a camp for displaced Somalis. Their presence sometimes leads to tension with the local population. Through the UN Refugee Agency (UNHCR) the Netherlands is supporting temporary accommodation for internally displaced persons throughout Somalia. ‘When Somalia is safer these displaced persons can return home’, said the Minister. Somaliland declared its independence from Somalia in 1991. However, the international community does not recognise the unilateral declaration. Increasing stability in Somaliland could boost economic development in the region and have a positive effect on Somalia. Bolstering fragile states is one of the key themes of Dutch development cooperation policy.
-
War Degdeg ah: Is rasaaseyn ka dhacdey degmada DHahar oo u dhexeysay Ciidama Beeleed iyo CIidanka Puntland Dhahar (SPR): Waxaa dhawaan istaagay dagaal xoogan oo socday muda saacad iyo badh ah, oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo ciidamo beeleed ku abtirsada gobolada Haylaan iyo Galbeedka gobolka Bari. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada beeleed ay soo qab-qabteen qaar katirsan ciidamada PIS oo ku sugnaa deegaan ku dhow degmada Dhahar. Ciidama beeleedka beesha Dubeys oo sitay gawaarida gaashaaman oo loo yaqaan tiknikada ayaa soo qabqabtay ciidamada sirdoonka kuna soo xiray magaalada Gudaheeda. Saacado kadib, waxay magaaladu mar un ka warheshay ciidamada Puntland oo uu hogaaminaayo wasiir-kuxigeenka amniga C/jamaal Cismaan ayna weheliyeen ciidamada PIS oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada argagixiso la dirirka Cali Daahir oo wata 7 gaari oo ah kuwa gaashaaman. Ciidama beeleedkan u dhashey Dhahar ayaa isla markiiba xabad kala hortagay, markii ay marayeen xaafada Qunyar-Dega ayaa halkaasi xabada ku bilaabatey isla markaana ay xabadu socotey mudo saacad ku dhow. Waxaa ku dhaawacmey 3 nin oo ah ciidanka Puntland iyo 1 nin oo ah ciidama beeleedkan. Ciidanka maamulka Puntland ayaa magaalada uga durkey banaanka kadib markii looga awood roonaadey ayaa waxay cawa joogaan meel magaalada u jirta 5 km. Qaar ka mid ah cuqaasha deegaanka ayaa waxay isku dayayaan in arintan lagu dhameeyo waan waan si aanan ciidankaasi uu bari dagaal uga dhex aloosmin. C/jamaal Cismaan iyo Cali Daahir oo ah dad deegaanka u dhashey ayaa iyaguna watey ciidankan Puntland, halka ciidan beeleedkan ay sheeganayaan in hadalkii loo balan qaadey oo ahaa rag laga laayey kuwii laayey in loosoo gacan galiyo ayaa ciidanka PUntland ay ku fashilmeen.
-
Che -Guevara;728058 wrote: loooooooooool@Southerners selling Sland flags-these are business people. They provide what ever sells. I don't recognize TFG as legitimate entity that represents Somalia and Somalis and I see Sland as secessionist province that needs brought back into fold in due time. Obviously, that's not in the cards now. How you Koonfurians going to do that
-
Puntland oo Maamul Goboleedkii Afraad Looga dhawaaqay Posted by Boosaaso on June 11, 2011 in Warar | 0 Comment · 553 views Bosaaso:-Waxaa maagalada caasimda ee dalka Sweden iyo wadamada ku xeeran ee loo yaqaan Scandinavian- Waxa ka socda qorshe Abaabul xoogan oo lagu dhaqaawi rabio maamul Gobleed la magaca baxay Gagaab Satate Maamul Gobledkan oo caasimdus noqon doonto Magaalda Qandala oo ku taal taal xeebta bada cas aya waxa hoos tgei doono ilaa Lix Goblka ay ma kid yihiin Dhadaar Balidhidhin Unuun Canjeel Gurur Xamure waxaa sidoo kale ay yeelan doontaa 37 degmo oo hoos imaan doona kumanaal ka tirasan qurba joogta dadka degaanksi dega ayaa ku sii qol qolaya dalkaasi Sweden si ay uga qayb qataab shirkaan dhidibada loogu tagi doono Maamul Gobleedka cusub, Warar hoose oo aan helyno ayaa sheegay in Maamul gobledkaan ay hor boodyaan siyaasiyiin horay u saluugsanaa MaamulkaPuntland oo ay ka mid yihiin Cabdirsaaq sheekhaduun ,Prof Farjac oo aaa Musharax Isu soo taagay Hogaanka Puntland Sanadkii 2009- Walow uu Waayay Korsiga Madaxtinimada Puntland. Xidhiidh ay GaGalanews La Samaysay Cabdirsaaq sheekhaduun oo Ku suqan dalka Jarmalka ayaa ka gaabsaday warakaasi inuu shegto Waxana uu yiri ma jiro Maamul Gobleed aan dhisayo iyo mid aan ku jiro qorshahiisa oo ka baxsan Puntlanad wayse dhici karta ain ay jiraan rag ku hawlan arintaasi Dr farjac oo aan isku daynay in aan la xiriro si aan wax uga ogaano ayaan noo suurta gelin in aan helö nin lagu magacaabo Axmed iise Cali oo ah raga ku mashqusan dhistaanka mamaulkan gabgaab ayaa sheegay in ay haystaan kalsoonida qaramada Midoobay iyo beesha caalmka ayna ka miro dhalin doonaan Waa beeshii labaad bilowda qorshe Maamul gobleed lagu dhisaayo kaasi ku noqon doonta maamulka talada haya falaar siyaasdeed oo wiiqda xaasandiisa shacabaka u hayeen Dhanka kale beesha wada qorshaan oo ah beel misan ku leh Maamul Gobledka Puntlanad ayaa xiligaan haysa jagada labaad marka loo eego missnaka kuraasta Puntlanad balse lama oga waxa u ka yeeli doono Maamulka Puntlanad oo horay isgu isgaarsiinta uga jaray Dhulkii Caseyrland State. Caasho Bile oo ka mid ah ah haweenka sida weyn ugu hawalan Maamul gobleedka gabaab ayaa u shegtay Bogaan in ay soctay qorshahaan mudo dheer aana uga baaran degi lahyeen sidii an uga miro dhalin laheen hadafkaygu waa Hormar iyo cadaaalada in aan u helo degamada aan degno si aan ula jaan qaadno midno soomaliyed oo la helo Waxay kaloo caasho ka dhawaajisay in ay taagaran yihiin Habkasta oo lagu helaayo Dawalada soomaaliyeed oo dalka ku soo celisa amni iyo kala Danbeyan saxan. Tan markii la Doortay Dr C/raxmaan Faroole waxa soo Baxayay Baaqyo ay soo Jeedinayaan Shacabka Gobolada Sool, iyo Cayn, Sidoo kale, Gobolka Sanaag iyo Qaar ka mid ah Bari baa sheegay inay Kugta Kala baxayaan Maamulkaasi ka dib markii la xusay inuu Hareer Maray Hashiisyadii lagu Dhisay Puntland Sanadkii 1998-
-
Looks very nice but i do not like Dr Ahmed Hussein Ciise.
-
Well Africa the president reshuffle somes just before one year reign of president Siilaanyo in office there aren't crucial changes though here and there he replaced some of the director generals. The Chief of cabinet Mr Xirsi get's his own possition Minister of state for Presidential Affairs.And he added another Ministery the Ministary of pastoral and environment .And the Minister of youth affairs and sports was sacked due to poor performance.
-
Che Guevara don't lose hope in Amiir godane he will deliver some time in the future
-
Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Xukuumadiisa June 11th, 2011 Waxa Taliyaha Ciidanka Booliska loo magacaabay Gen. Maxamed Saqadhi Dubad Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa waxaanu xilalkii ka qaaday Wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Ibraahim Madar, Taliyihii ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre iyo qaar ka mid ah agaasimeyaal guud. Madaxweynuhu waxa uu soo celiyay oo uu magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad.sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo, Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay. Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd. Waxaanay kala yihiin sidan NO Magacyada Masuuliyiinta Cusub Magacaabida Wasaarada loomagacaabay 1-Cabdirisaaq Cali Cismaan Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta 2- Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga 3- Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda 4-Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada 5- Cabdi Siciid Faahiye Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka 6-Maxamed Saqadhi Dubad Waxa loo magacaaba Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL 7- Xuseen Axmed Caydiid (Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka 8- Ismaaciil Muumin Aar (Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada) Waxa loo magacaabaWasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka 9-Maxamuud Raage Ibraahim Waxa loo magacaaba Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah 10- Axmed Dalal Faarax Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada 11- Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka 12- Maxamed Faarax Xirsi Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga 13-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta 14- Siciid Axmed Jibriil Waxa loo magacaaba Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta 15-Axmed Cilmi Barre Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta 16-Xasan Cabdi Madar Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday. Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey 1-Cilmi Rooble Furre Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL 2-Maxamed Ibraahim Madar Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka 3-Siciid Cali Wayrax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 4-Axmed Nuux Caalin Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta 5-Axmed Cabdilaahi Rooraaye Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta.”
-
Madaxweynaha isku shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, isla markaana magacaabay wasarado cusub Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Siilaanyo oo si rasmi ah u soo saaray isku shaandhayn Golihiisa Wasiiradda iyo Agaasimayaal Guud sidoo kale waxa uu magacaabay wasaarado Cusub War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynuhuna waxa uu u dhignaa:- 1. Abdirisak elmi osmaan waxa loo magacabay wasirka wasarada dib u dejinta 2. Mahamoud sead mahamoud gacmay waxa loo magaacabay wasirka wasarada deeganka iyo horumarinta reer miiyiga 3. Dr.mahamed rashid sheikh hassan waxa loo magaacabay wasirul dowlaha wasaarada dibada 4. Xirsi cali xaji xassan waxa loo magacabay wasirka madaxtooyada 5. Cabdi siciid faahiye waxa loo magacaabay wasiirka ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka 6. Maxamed saqadhi dubad waxa loo magacaabay taliyaha ciidanka boliska somaliland 7. Xussen axmed caydiid (ex wasiirkii hore ee howlaha guud) waxa loo magaacabay wasaarada cadaalada iyo garsoorka 8. Ismaacil muumin aar (ex wasiirkii hore ee cadaalada) waxa loo magaacabay wasaarada howlaha guud 9. maxamuud raage ibaraahin waxa loo magaacabay agasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada 10. axmed dalal faarax waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada dulista hawada 11. maxamed muse xaji cabdi galaydh waxa loo magacaabay agasimaha guud ee wasarada cadaalada iyo garsoorka 12. maxamed faarax xirsi waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada deeganka iyo hurumarinta reer miyiga 13. maxamed sheekh xassan nuuriye waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada qorshanaynta qaranka 14. siciid axmed jibriil waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha 15. axmed cilmi bare waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta 16. xassan cabdi madar waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada. MADAX WAYNUHU WAXA UU XILALKII AY HAYEEN KA QAADAY KUWAN SOO SOCDA. 1. cilmi roble fure taliyihii hore ee ciidanka booliska somaliland 2. mahamed ibrahin madar wasiirkii hore ee ciyaaraha dhalinyarada iyo dhaqanka 3. siciid cali wayrax agaasimihii guud ee wasaarada arimaha dibada 4. axmed nuux caalin agasimihii hore ee macdanta iyo biyaha 5. axmed cabdilahi rooraaye agasimihii guud ee wasaarada dib u dajinta
-
Somaliland: Conference opens medical Associations Posted on 10/06/2011 in Latest Headlines | Comments (0) Hargeisa(JSLTimes.com) – The 4th conference for Somaliland Medical Associations officially opens today in Ambassador hotel. The meeting was attended and delivered speeches by top official from the government headed by Somaliland Health Minister Mr. Husen Mohmed Mohamud, Minister of Livestock Dr. Abdi Aw Dahirand the chief protocol of the presidential palace Mr. Mohamed Elmi Adan and Dr Garad who is the is the organizing committee of the conferenceof Somaliland Medical Association.