-
Content Count
29,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
bilan;728457 wrote: ^^^You must love clan clashes, so XX what happened to Mudug clan clashes that you were predicting last week. Yeah it happened unfortunately and no i do not love clan clashes but this happened yesterday so -
Anigu Waxaan Jeclahay In Cid kale Meesha Gacanta Ku Dhigto Anagu Waan Daalay" Cali Sabarey-(Maqal lasanod Online. Monday, June 13, 2011 Buhoodle,(lasanod Online)- Ku-xigeenka Hogaanka SSC Col. Cali Sabarey ayaa waraysi uu siiyey Allcayn kaga hadlay xaaalada uu marayo Hogaanka SSC. Col Sabarey wuxuu walaac xoogan ka muujiyey in shaqadii uu waday hogaanku oo yidhi waxaa beryahan galay hakad sababo la xidhiidha maamul iyo dhaqaalo xumo labadaba. Isagoo sheegay inaan sida hadda lagu jiro waxba ayan ku soconayn, uguna baaqay shacabka SSC ee samaystay Hogaanka inay si dhaqaso ah ugu sameeyaan isbedel dhan kasta. Col. Sabarey wuxuu waraysigan ku sheegay inuu qabo isbedel in lagu sameeyo madaxda sare Hogaanka ee isagu kamid yahay.
-
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
No nassir said that C/jamaals Cismaan arch enemy is some one from the maakhir region i wanted to know who that individual is. So please lets stick with the topic. -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Sensei;728446 wrote: ^ You have, you have injected SL the minute you posted the article. Where and when? -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
These people are amazing they will always find a way to inject Somaliland into a topic about Maakhir and vs garowe -
Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Bilad Dahab Ah Ku Maamuusay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Kaalinta Koowaad U Galay 70 Arday Oo kuliyadda Caafimaadka Ku Dhamaystay Dalkaas Hargeysa (Ramaas) June 13,2011 – Raysal wasaaradaha dawlada federaalka Itoobiya Atto Males Zanawi ayaa bilad dahab ah guddoonsiiyay Axmed Shaadi Cabdilaahi oo ah sarkaal ka tirsan 10 askari oo culuumta caafimaadka ka baranayey jaamacad ku taala dalka Itoobiya, kaas oo kaalinta koowaad u galay 70 arday oo shahaadaha digreega koowaad ee culuumta caafimaadka ka dhamaystay Sarkaalkan reer Somaliland ee kaalinta koowaad u galay jaamacada milatariga Itoobiya ku bartaan culuumta caafimaadka, ayaa waxa bilad dahab ah ku maamuusay raysal-Wasaare Males Zanawi oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay kaalinta uu galay. War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland oo soo gaadhay shabakada wararka ee RAMAAS ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Bishan June ee aynu ku jirno 11-keedii waxa lagu qabtay guriga Raysal wasaaraha dalka Itoobiya xaflad balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf badan oo ka socota dalka Itoobiya, Safiirro,Milatari Attach-yo iyo madax badan. Xafladaasi waxa loogu xidhayay 70 dhakhtar oo dhamaystay waxbarasho caafimaad, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku lahayd ardaydaasi toban dhakhtar oo ka tirsan ciidanka qaranka oo dhamaystay waxbarashadaasi oo qaadanayay Digree-gii koowaad (BS), dhakhatarkii ugu sareeyay jaamacadaasi ee galay kaalinta koowaad waxa weeye sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, waxaanu qaatay bilad dahab ah waxaana u xidhay biladaasi Raysal wasaaraha dalka Itoobiya. Waxa kale oo jira 10-ka dhakhtar ee ugu sareeyay waxbarashadaasi 7 ka mid ahi waa reer Somaliland,fagaarahaasi la isku arkay waxay dhakhaatiirtaasi uga soo hooyeen Somaliland magac iyo ammaan balaadhan. Waxa kale oo jira laba arday oo kale oo dhamaystay kulliyada ciidanka lugta sanadkii 2008/2009 waxaanay qaateen iyaguna bilado dahab ah,haddana waxay ka tirsan yihiin saraakiisha ciidanka qaranka. Taliyaha Ciidanka qaranku wuxuu u mahad celinayaa dawlada Itoobiya, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Fadaraalka Itoobiya Gen. Samooro Yonis, waxa kale oo uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa saraakiishaasi xilkoodii gutay ee magaca iyo sharafta u soo hooyay dalkooda.” Ramaasnews Desk
-
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Nassir thanks the situation is all clear now. -
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Thankful;728280 wrote: Well considering that we can all agree that Dhahar does not want to be part of a secessionist agenda, than logically the hargeysa admin must be. This topic has nothing to do with Somaliland only a delusional pirate will bring that up it's about a local maakhir Militia vs the garowe clan Militia. -
Somaliland: Five officials arrested for corruption charges
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland government is working hard to combat corruption in the country. President Siilaanyo has put to gether a good national action plan to fight corruption. Good job -
Somaliland: Five officials arrested for corruption charges Posted on 13/06/2011 in Latest Headlines | Comments (1) Burao(JSLTimes.com) – Officials from Somaliland General Auditors launched an investigation to government institutions to all regions of the country. They apprehended five officials who were working for Burao City Hall including the deputy general accountant to Buroa after they have been accused of corruption charges. The officials who are in custody are:- 1. Mr. Ahmed Adan Yusuf who is the General Director of Money and management of Togdheer Province. 2. Mr. Ahmed Mohmed Abdillahi who is the General Director for Social Issues for Burao Municipality. 3. Mr. Bashir abdi Hasan who is the Sales and Tender Officer for Burao City Hall. 4. Mr. Farah Husen Adam who is the General Director of Taxes for Burao City Hall. 5. Deputy General Accountant to Togdheer region Mr. Ismail Mohamud Diriye. Reports confirmed that all those accused of corruption charges are in custody in the Central Police Station in Burao. The General a campaign of investigating officials who work for the government in different regions of the country and those who are found guilty will be punished for their misconduct.
-
Muddaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta. Ansixinta Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay 75 mudane , hal mudane ayaa diiday, Cid ka Aamustayna ma jirin.... Hargaysa (GNS):-Muddaneyaasha Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka ISgaadhsiinta Somaliland. Fadhigan maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxaa fadhiga maanta ka soo xaadiray 77-muddane oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Aqalka guurtida Somaliland. Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Sh.Axmed Sh.Nuux Furre ayaa ka hor intaan la guda galin Ansixinta Xeerkan waxa uu Mudanayaasha ku Wargaliyay in la gudo gali doono dooda Xeerka isgaadhsiinta Qaranak Somaliland isaga oo sheegay in Xildhibaan walba la siin doono Wakhti kooban oo uu doodiisa ku dhiibto, balse markii ay doodu bilaabantahay ayaa mid ka mid ah Xildhibaanada dooda dhiibanayay waxa uu soo jeediyay in Xeerka isgaadhsiinta Qaranka Cod loo qaado soo jeedintaasi oo ay isku raaceen dhamaanba mudanayaashii Madasha fadhiyay. Ansixinta Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay 75 mudane , hal mudane ayaa diiday, Cid ka Aamustayna ma jirin , gudoomiyuhuna muu Codayn Sidaasi ayuu ku Ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka Somaliland. Xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee ay Maanta Aqlabiyada ku Ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa hore waxaa u soo Ansixiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyaga oo u soo gudbiyay Golaha Guurtida. Xeerka isgaadhsiinta Qaranka Somaliland ayaa loo gudbin doonaa Madaxwaynaha Somaliland si uu Qalinka ugu duugo dhaqan galintiisa maadaama Golayaasha Sharci Dajintu Sifo sharciga Waafaqsan u Ansixiyeen Xeerkan. Waa markii ugu horaysay ee Somaliland yeelato Xeerka isgaadhsiinta qaranka kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta Adeegyada isgaadhsiinta iyo in Dalka Somaliland heshiisyo Caalami ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah la gali karto Shirkadaha isgaadhsiinta iyo maal gashadeyaasha shisheeyaha. Si kastaba ha ahaatee xeerkan isgaadhsiinta ee ay maanta dur-durada ku ansixyeen xildhibaanada golaha guurtidu,ayaa la filayay in ay doodiisu socoto muddo laba maalmood ah oo danbe ka dib markii nuqulada xeerkaasi loo qaybiyay sabtidii todobaadkan,balse saaka ayaa si kedis ah ay u ansixyeen xildhibaanada aqalka odayaashu,iyada oo la filayay in xildhibaanada golaha guurtidu ay xeerkan ku sameeyaan kaabis iyo wax ka bedel.
-
Somaliland to get its Citizens out of yemen.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Qaxooti tira badan oo ka soo qaxay dagaalada dalka yaman oo manta soo gaadhay magalaada berbera Waxa kaloo iyana aanu wax ka weydiinay sababta ay usoo qaxeen iyo in ay wax dhibaato Daawo Sawiradda Waxa manta galinkii danbe soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera diyaarad sida qoxoonti tira badan oo ka soo Qaxay Qalalaasaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yaman dadkan oo ay siday diyaarada Afrikan Airways ayaa waxa isugu jireen Dad reer Somaliland ah iyo kuwa reer koonfureeda oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Yaman waxa kaloo ay dadkan soo qaxay ubadnaayen caruur iyo dumar iyada oo ay meeshana ka muuqatay in ay Dadkani yihiin xaasas caruurahoodii wata oo xamili waayay kacdoonadaa siyaasadeed ee ka oogan dalka yaman ee gaadhay heer madaxweynihii dalkaas Yaman Cali Cabdalla Saalax in qasrigiisii Madaxtooyada lagu weeraro laguna dhaawaco Waxaanay dadkani sheegen in ay dhibaatooyin ba.ani ka taagan yihiin dalka yaman oo aanay cidina ku noolaan karin iyaga oo intaa ku daray i in aanay dhamaantood ka wada iman hal gobol balse ay ka kala yimaadeen dhawr Magaalo oo ka ag dhaw magaalada caasimada ah ee Sanca ee qalaasuhu ka socdo -
Golaha Guurtida Somaliland oo Codkii ugu badnaa ku Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland Hargeysa(Waaheen) Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta ayaa lagu Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo in muddo ah horyaalay Golaha Baarlamaanka Fadhiga maanta ee Golahaasi oo ay joogeen 76 Mudanae ayay 75 ka mid ahi Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen, hal mudanena wuu ka Aaamusay sidaasaanu ku Ansaxay Xeerkii Isgaadhsiintu. Xeerkan ayaa u gudbaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo si uu dhaqangalkii rasmiga ahaa ugu dhufto. Xeerkan oo ah Xeer muhiim u ah Somaliland ayay ku xidhnaayeen Mashaariic badan oo Maalgalin u noqonaya Somaliland oo uu ugu horeeyo Kaybalka badda Hoostiisa mara kaasoo ay hore Xukuumadda Somaliland u siisay Shirkadda Somcable ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid
-
Somaliland an economy few recognise Financialtimes+video
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
NGONGE;728384 wrote: ^^ Katrina ma nin reer Hargeisay caashaqday ninyaho? She's been over doing it with the SL love. Whoever he is waa ragiida. war inanta ka xiishood wa dumaashidaye -
Somaliland - an economy few recogniseMay 18 2011 Somaliland declared independence from Somalia 20 years ago but no government has recognised it. While Somalia is better known for piracy and terrorism, Katrina Manson, east Africa correspondent, travels to Somaliland to film a region trying to forge peaceful economic growth. (2m 8sec) http://video.ft.com/v/948755459001/Somaliland-an-economy-few-recognise
-
It is a war between minister Abdikarim from SSC and Farmajo from Gedo.
Xaaji Xunjuf replied to Mooge's topic in Politics
Naxar Jengalis father and his family are from togdheer so i don't see why he can't be a northerner. -
Jen. Yuusuf Indhacadde oo taageeray go'aannadii Kampala, kana hadlay dibadbaxyada ka socda Muqdisho Isniin, June 13, 2011 (HOL) – Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa taageeray heshiis ay madaxda DKMG ah ku gaareen dalka Uganda, isagoo sheegay in dibadbaxyada ka socda Muqdisho ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan oo dano gaara leh. Mas'uulkan oo ka mid ah saraakiisha ciidmada DKMG ah, ayaa sidoo kale ugu baaqay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuu si nabadgalyo ah xilka isaga casilo, uuna tixgeliyo heshiisyadii lagu gaaray Kampala. "Shirkii Kampala waxaa lagu xalliyay khilaaf jiray - waana soo dhaweynayaa," ayuu Jen. Indhacadde oo intaas ku daray, "Banaanbaxyada ka socda Muqdisho waa kuwo ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan, dhaqaale badan ayaana lagu bixiyaa." Jen. Indhacadde, wuxuu sheegay in mudaaharaadyada Muqdisho ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay, isagoo sheegay in haddii ay yihiin dibadbaxyo dhab ah laga sameyn lahaa goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab. "Mudaaharaadyada Muqdisho ka dhacay waxay sababeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale, waxaana rumeysanahay in dadka abaabulaya ay u shaqeeyaan Xarrakada Al-Shabaab," ayuu hadalkiisa raaciyay. Sidoo kale, Jen. Indhacadde wuxuu sheegay inuusan garanayn sababta loogu bannaanbaxayo ra'iisul wasaare Farmaajo oo uu sheegay inuusan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashii ka horreeyay ee xilalka laga qaaday. "Ra'iisul wasaarayaashii hore oo ay ka mid ahaayeen Nuur Cadde oo badbaadiyay suuqa Bakaaraha, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo laga qaday xilalka looma bannaanbixin, waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashaas," ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay. Su'aal ahayd sida uu u arko in go'aanka is-casilaadda Farmaajo lagu xiray go'aanka uu baarlamaanka ka gaaro qodobbada shirkii Kampala ayaa sheegay inuusan horay uga sheegay Qarammada Midoobay iyo dalka gudihiisa inuusan jirin baarlamaan wax dooran kara, uuna la yaaban yahay sababta uu maanta ugu xirayo xil ka dagistiisa. "Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu fuliyo heshiiska lagu gaaray Kampala, haddii uu fulin waayo waxaa qabanaya heshiiska, waxaana lagu soo rogi doonaa cunno-qabateyn, tallaabooyin kalena waa laga qaadayaa," ayuu yiri Jen. Indhacadde. Ugu dambeyn, Yuusuf Indhacaddd oo wareysigan siiyay Radio Shabelle ayaa shacabka ugu baaqay inaan la qaldin oo aysan naftooda qaribin, isagoo xusay in Farmaajo uu soo magacaabay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, baarlamaankuna uu ansixiyay, iyaguna ay diideen.
-
Ethnic Lander of the Year 2011 awarded to Xaji Xunjuf
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in General
hahahahahahaa good one -
Somaliland to get its Citizens out of yemen.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Diyaarad weyn oo kuwa Xamuulka qaada ah ayaa galabta Madaarka Berbera keentay sideetan qof oo Qaxooti ah oo ka soo qaxay Dagaaladda Yeman Berbera(Waaheen) Waxa manta galinkii danbe soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera diyaarad sida qoxoonti tira badan oo ka soo Qaxay Qalalaasaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yaman. dadkan oo ay siday diyaarada Afrikan Airways ayaa waxa isugu jireen Dad reer Somaliland ah iyo kuwa reer koonfureeda oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Yaman waxa ay ubadnaayen caruur iyo dumar iyada oo ay meeshana ka muuqatay in ay Dadkani yihiin xaasas caruurahoodii wata oo xamili waayay kacdoonadaa siyaasadeed ee ka oogan dalka yaman ee gaadhay heer madaxweynihii dalkaas Yaman Cali Cabdalla Saalax in qasrigiisii Madaxtooyada lagu weeraro laguna dhaawaco. Waxay dadkani sheegen in ay dhibaatooyin ba’ani ka taagan yihiin dalka yaman oo aanay cidina ku noolaan karin iyaga oo intaa ku daray in aanay dhamaantood ka wada iman hal gobol balse ay ka kala yimaadeen dhawr Magaalo oo ka ag dhaw magaalada caasimada ah ee Sanca ee qalaasuhu ka socdo. dadkan oo tiradoodu aheyd 80 ruux ayaa intooda badani ahaayeen dad deganaa caasimada Sanca ee dalka Yaman waxaanay sheegen in ay diyaaradu kasoo qaaday dhamaantood Magaalada Sanca iyaga oo intaa ku daray in dad badan oo Somaliland iyo Somaliya ba isugu jiraa ay ku xaniban yihiin dalka Yaman Gaar ahaan magaalada Sanca, iyaga oo ka dayriyay dadkaa noloshooda oo aanay Haysan biyo iyo cunto toona, cid ka war haysaana aanay jirin. qalalaasaha iyo dagaalada aan kala go’a lahayn ayaa sababay inay Xabadu dhacdo hadh iyo habeen qof kaliya oo debeda ubixi karaana aanu jirin oo ay cabsiyi hadhaysay. Qaar ka mid ah dadka Qaxootiga ah ayaa sheegay in aanay dhibaatada iyo qaxu aanu ku eekeyn soo galaytiga dalkaa ku nool balse ay dadkii wadankaa u Dhashay iyaga laftigoodu qaxayaan oo ay u qaxayaan dhinaca magaalada Cadan iyo wadamada dalka debediisa qofba sida ay awoodiisa Dhaqaale tahay, waxaana dadkan soo qaxay la socday laba nin oo iyagu ah Yamaniyiin balse qaba dumar Soomaaliyeed oo iyagu la soo qaxay xaasaskooda iyo caruurtooda oo ay ka soo wada Dageen garoonka diyaaradaha ee berbera. Salem Cabdoo oo aanu Weydiinay sababta uu uga soo qaxay wadankiisii ayaa ku jawaabay”Waxan uga soo cararay xabada iyo Xaalada wadanka Yaman oo maalinba maalinta ka danbeysa kasii dareysa iyo cabsida madaafiicda oo magaalada Sanca oo dhami ay gariirayso marka uu madfac dhaco waxaad ka baqeysaa in uu adiga iyo caruurtaba marka danbe idin qabsado markaa waxan aniga Iyo xaaskayga oo Somaliyad ahi aanu isla garanay in halkan(Somaliland)usoo qaxno waxa kaloo iyana nasoo qaxisay cunta la’aan iyo biyo la’aan ka taagan magaalada sanca.” Ayuu yidhi Waxa kaloo iyana aanu wax ka weydiinay sababta ay usoo qaxeen iyo in ay wax dhibaato ah kala kulmeen kacdoonadaa iyo Dagaalada ka dhacaya dalka Yaman gabadh iyadu kamida dadka reer Somaliland ee ka soo qaxay dalka Yaman oo Magaceedu yahay Aamina Farxaan waxaanay kaga Jawaabtay”Horta ilaahay baa mahad leh mar haduu na soo badbaadiyay hadaan kahadlo dhibaato Naloo geystay oo aanu leenahay cidbaa dhibaato noo geysatay kamida dadka dagaalku ka dhexeeyo ma jirto laakiin dhibaato kale oo Aan xadi laheyn ayaa nagu qabsatay magaalada Sanca kaligayona maahee dadka dhibaatadu qabsatye waa macaa kuwii wadan udhashay ee lahaa oo iyaguna dhibaatada way nala qabeen waxa noogu daraa biyo la.aan aanu weynay wax aanu cabno iyo wax Suuliga aanu ku galo waxa jirikaanka biyaha ah nalaga siinaayay(3$)dollar oo waliba aan si fudud lagu heleyn hadii la helo waxa iyana Cidhiidh galay cuntadii oo aanad heleynba waayo dukaan furani ma jiro xabadu waa ay dhacaysaa oo aan looma meel dayayn caruurtii ayaa saskeedii aanu hayn waynay oo wax walba nagaga daraa markaa hadii ilaahay naga nabad keenay waa ilaahay mahadii” ayay tidhi Aamini Cabdinaasir Sheekh Ibraahin oo isna kamida ganacsatada xoolaha ee halkaa daganaa ayaa isna ka waramay sababta uu uga Soo qaxay dalkaa Yaman iyo waxa ka soo gaadhay dhibaato dhinaca ganacsigiisii Xoolaha waxaanu kaga jawaabay”Walaahi hadii uu Dagaal meel ka dhaco waxyaabo badan baa luma horta anigu waxan ahaa ganacsatada xoolaha ee halkaa ufadhiya qolyaha xoolaha Dhibaatada ugu weyni waa xabada oo magaalada Sanca hoygeedii noqotay iyo adeegyadii bulshada oo dhamaan istaagay meel shaqeynaysaana aanay jirin kolay xisaabo naga daadsanina way jireen laakiin maba heleysid cid aad la xisaabtanto oo xabad ayaan Cidina debeda ugu baxayn ta kale biyo la.aan ayaa iyana ka taagan Sanca oo waxa aanu isticmaalaynay biyaha mooya saxda oo Aanu marka hore waxoogay karaatoona oo aanu dhiganay guri daganayn laydh ma jirin oo dawladii maamulkeedii faraha ayuu ka sii baxayaa walaahi dad badan oo reer Somaliland ayaa ku xaniban oo ubadan xaasas aan haysan nool ay diyaarada iskaga bixiyaan oo Gurmad ubaahan.”ayuu yidhi Dadkan ayaan cidina ku qaabilin garoonka waxaanay sida dadka caadiga ah uga soo baxeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada berbera iyada oo laga war hayay in ay imanayaan qoxoontigaasi ayaanay dhinaca Xukumada iyo Gobolka toona cidi uga Imanina waxaanay laamaha dakhliga qabashada iyo sarifka baankuba ay sidii caadiga ahayd uga shubeen lacagihii ku waajibay Maadaama oo aanay sidan Go Home sida ay noo sheegen hawl wadeenada garoonka ee ku shaqada leh dhinaca kale waxa aan meeshaba ka soo daahirin Isuduwaha dib udajinta ee Gobolka Saaxil Jaamac Siciid oo todobaadkan ka war bixiyay qoxoonti uu sheegay in ay ka soo dageen dekeda magaalada berbera