Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xaflad soo Dhawayn ah U Sameeyey Saraakiil Ciidanka Qaranka ah oo Soo Dhammaystay Waxbarasho Dibadeed Hargeysa (SDWO 06/06/2011) Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, gaar ahaan dhinaca dagaalka oo ay ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey. Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyayaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale. Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxbarashada saraakiishani soo qaadatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay muddo ku dhaw saddex sanno oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin. Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya, gaar ahaan Ciidanka Fadaraalka Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland. “Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland. “Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu. Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland, isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan. Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Dibise oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebisay, waxaannu yidhi, “Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen.” Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona. Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin.
  2. Mad Mullah are there only 3 Somali qabils lolz
  3. oba hiloowlow;726714 wrote: ^^ lol markey kaso jawaaban then we can call it a clan clash. Dee haa oba wa caynkaas imika clan clash ki 50% ba qabsoomay
  4. Sensei;726638 wrote: Lol @ 15 minutes ago. Real-time hate reporting, I see. What are you talking about son
  5. bilan;726635 wrote: clan clashes kuye, maad dhahdid burcad dad laayey, how is this clan clahes warka aad meesha ku soo dhejisay iyo ciwaanku isma laha. Dee kooxdii kale so kama so jawabayan marka wa clan clash.
  6. Somaliland Court Sentences Six Captured Pirates to Jail Terms Jun 6, 2011 9:48 PM GMT+0200 . The Berbera Regional Court gave five of the pirates eight- year jail terms, while a sixth received a sentence of five years after he confessed to the crime, Osman Ibrahim Direi, head of the court, said yesterday. The six men were captured by Somaliland’s coast guard on March 24 near the coastal town of Maydh. Somaliland, a breakaway enclave in northern Somalia, in March opened a maximum-security prison built with United Nations funding to incarcerate convicted pirates. An increase in pirate attacks, spurred by a 36-fold jump in ransom payments in five years, has threatened vessels carrying 20 percent of world trade and raised expenses for shippers. Costs linked to piracy may reach $13 billion to $15 billion by 2015 as global trade rebounds and pirates operate over wider areas, according to research firm Geopolicity Inc. source bloomberg
  7. Indeed i agree Sharia is the way forward and Muslims should follow the laws of our Allah. As Muslims we should reject man made laws.
  8. it just happened 15 min ago we will hear about it in the next coming hours.
  9. War Deg Deg ah:-Maleeshiyo ka soo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo 7 qof diley meel Balibusle u dhow on June 6th, 2011 Gaalkacyo(Puntlandi.com)Dadka la laayey oo gaari Bus ah saaran ayaa maleeshiyaad K. Gaalkacyo ka soo jeeda ay jidka galeen, gaarigii waa gubeen,dadki saaraana waa dileen. Gaariga ayaa u socdey jariiban,meesha loo galeyna waa Taalo Xagaa dheere oo Balibusle wax yar u jirta falkuna wuxuu dhacey makhribki . 7 Qof ayey dileen, ugu yaraan 15 waa dhaawac dhamaan dadka dhintey iyo kuwa dhawacmey waa reer puntland. Wixi faahfaahin ah wan idin soo gudbineynaa. warar kale oo deg deg ah oo Balibusle naga soo gaarey ayaa noo xaqiijiyey in dhimashadu hada mareyso 8 qof ka dib markii qof u dhintey dhaawac. Dadka dhintey waa 5 nin iyo 3 dumar ah, gaarigu wuxuu ka baxey Gaalkacyo wuxuuna u socdey Jariiban meesha lagu weerareyna waxey 3 km u jirtaa Balibusle. Puntlandi.com
  10. wa hagaag xadeedow so dhowow so xadhiga maad soo goosan:D
  11. Al shabaab can't win this war they need to stop this war and give in, to many innocent casualties this has to stop.
  12. Togdheeer wabay dhaaftay welcome First lady in caynabo she is a strong woman.
  13. Qolada faanka badan wayo ma qolada wabiyaasha ag degan Mise qolada saxarada degan?
  14. Che -Guevara;726578 wrote: ^Reread between the lines-they are united in their opposition to a thing. But they're not unified in bringing in their country and also not united in praying to their lord so much for unity
  15. Xiinfanin and his rhetoric assumptions Somalis in the USA believe Somalia is one and at the same time they pray in different mosques along clan lines,So much for Somalia unity.
  16. Che -Guevara;726569 wrote: Perhaps, you could contact Minneapolis PD and ask those two officers. I heard they were koonfurians and were taking the piss
  17. How is showing up with the Somaliland flag at the independence day of Somaliland disturbing the peace ?
  18. I agree maxa sida u diiday laba qaran oo jaar ah oo i support
  19. Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo Dhagax dhigtay Xarun Lagu daryeelayo Agoomaha Burco June 6th, 2011 Burco (Somaliland.Org)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa maanta dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli doono carruurta agoomaha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco, “Waxaan u mahad naqayaa dadka sharfta leh ee Maanta halkan isugu yimi ee aan ku dhagax dhigayo Xaruuntii Agoomaha ee Gobolka Togdheer oo aan rajanayo in ay noqon doonto goob ay mustaqbalka caruurta Agoonta ah ee ku barbaartaa ay noqon doo naan kuwo mustaqbal wanaagsan hela Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa in uu dhamaystir wanaagsan inoogu dhameeyo hirgalinta xaruntan oo baahi weyn loo qabo,”ayay tidhi Marwada koowaad ee Somaliland oo ka hadashay dhagax dhiga xaruntaasi. Sidoo kale Marwo Aamino Weris ku Sugnayd Xaafada Aadan salebaan ee Magaalada Burco waxay goob fagaare ah kala hadashay dadka dan’yarta ah ee k u nool Xafadaasi waxaynaha uga mahad celisay soo dhaweynta ay u sameyeen. . “Waxaan idiinka mahad naqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad ii samayseen waxaanan Maanta halkan ka dhagax dhigay Xarun jaar idinla noqon doonta oo hoyna u noqon doonta Agoomaha Gobolka Togdheer Waxaanan ku ogahay Xaafadiinan Aadan Salebaan mid Daryeeli Agoomahaasi codsigiina ku saabsan dhul yarida idin haysatana waxaan ugudbin doonaa maamulka Dawlada Hoose ee Burco.” Geesta kale Xaflad balaadhan oo xalay Marwda Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ay hoggaaminaysay loogu Sameeyay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco, waxaana ka soo qeyb gashay madashaasi maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada Burco,Gudiga horumarinta ee Gobolka Togdheer,Saladiin Cuqaal,Abwaano,qurba jog,Ururada Haweenka iyo Dadweyne kale oo badan.waxaana xafladaasi nuxurkeedu ahaa in dhaqaalaha ku baxaya xaruntan agoomaha looga qeyb qaadan lahaa. Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa Cadeeyay in in ka Dawlad Hoose ahaan ay ku deeqeen lixdan baloodh oo kamid ah Boqolka baloodh ee Laga hirgalinyo dhiskan Agoomaha halka Afartanka kalena ay ku deeqeen Ilma Cabdale Qawracane. Canab Cilmi Gaas oo iyana ku hadlaysay Ururada Afka qurba joogta Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ururada sida gaarka ah u hirgalinaya Xaruuntan Agoomaha ayaa Qeexday in qurba jog ahaan ay yagleelida Xaruuntan ay door muhiima ka ciyaari donaan waxayna Marwada madaxweynaha Somaliland Mahad Naq balaadhan ugu soo jeedisay ka qayb galga Dhagax dhiga goobtani waxaanay Canab ugu baaqday Qurba joogta Somaliland in ay ka qayb qataan hawlaha dhismaha iyo horumarinta Dalka. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Cali ********, Gudoomiyaha Gobolk Togdheer Yasiin muxumed Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri ,Suldaan Maxamuud Guleed,Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame”Hure Walanwal” iyo marti sharaf badan oo kale oo ka hadlay Munaasibadani Dumarka Qurba joogta ah ee Somaliland doorkooda ku aadan ka qayb qaadashada horumarinta Dalka iyagoo dhanka kalena ugu baaqay Ganacsatada iyo bulushada in ay ka qaybqataan dhamaystirka Xaruuntan la Dhagax dhigay. Ugu Danabyntii Waxaa Habeenkii xalay ahaa halkaasi Qadhaan ku aadan Hirgalinta Xaruuntan ka ga dhawaaqay Marwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Weris Sh.Maxamed Jirde iyadoo ku dhawaaqaday lacag qadarkeedu dhan yahay Saddex kun oo Dolar(3000$),Xildhibaan Cali Xasan (*********) iyo laba kamid ah qurba jooga ayaa ku dhawaqay lacag gaadhaysa saddex kun oo dolar. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye iyo Xubno ka tirsan Ururada Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ah qurba joogta Somaliland ee dalka Ingiriiska kuwaasi oo iyagu gacan ka geysanaya dhaqaalaha ku baxaya xaruntan.
  20. Somaliland: President celebrates World Environment Day by planting trees HARGEISA (Somalilandpress) President Ahmed Mohamed Mohamed (Siilanyo) and his vice president today took part in the celebration of World Environment Day by planting trees in the presidential palace. After planting the trees President Siilanyo took a moment to speak with the press where he expressed his concern about Somaliland’s deforestation and that encouraged all citizens to celebrate World Environment Day by planting a tree. June 5th is World Environment Day and is celebrated around the world after the United Nations established it back in 1972 to encourage worldwide awareness of the environment and enhance political awareness and action. President Siilanyo acknowledged that there is more to be done in educated the citizens about deforestation and that his government will do all it can to high light the issue through education and encourage a nationwide planting new trees along with greater protection for the existing tree stock. It has been estimated that that each household in Somaliland consumes an average of ten trees a month. The problem of deforestation throughout the country has exacerbated soil erosion and soil degradation. Climate experts indicate that unless a concerted strategy is put in place desertification will take place. The President went on to claim that his government will work with rural development projects and also reward those that protect the trees from deforestation and charcoal burning
  21. Faisal needs to fix his ucid party before he talks about other stuff.
  22. Wefti Marwadda Koowaad Ee Somaliland Hoggaaminaysay Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Burco June 5th, 2011 Burco(Somaliland.Org) – Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina-weris Sh.Maxmed Jirdde iyo xubno Wasiiro ah ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Marwada koowaad ee Somaliland iyo weftiga Wasiiradda ahi ee booqashadda ku tagay magaaladda Burco ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay Haweenweynaha Gobolka Togdheer, gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka ee Now, Maamulka Gobolka iyo kan degmada Burco, saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. Kuwaasoo kaga hor yimi, sidda warku sheegay agagaarka Degmada Qoyta oo 20-Km u jirta Magaalada Burco. Weftigan marwada koowad ee Somaliland hor kacaysay waxaa xubno ka ah Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir xigeenka Wasaaradda Caafimadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Amina Maxmud Diiriye. Marwada koowad ee Somaliland iyo Weftiga ay hogaaminaysay ayaa loo galbiyey Dhinaca Hotel City plaza ee Magaalada Burco. Marwada koowad ee Dalka ayaa saxaafadda kula hadashay Hotel city plaza ee magaalada Burco,waxayna aad ugu mahadcelisay maamulka gobolka, kan degmada iyo dhammaan Haweenkii iyo Shacabkii Gobolka Togdheer ee soo dhoweynteeda ka qaybqaatay. Marwaddu waxay socdaalkeeda ku sheegtay inuu la xidhiidho sidii ay u dhagax dhigi lahayd dhisme loo sameynayo xarunta carruurta agoomaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Ka hor socddaalka Burco, Marwo Aamina Weris iyo weftiga Wasiiradda ahi waxaa sii mareen magaaladda Berbera maanta oo ay kaga qayb-galleen Xuskii maalinta Deegaanka.
  23. Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun ku Riday Koox Budhcad Badeed Ah June 5th, 2011 Berbera (Somaliland.Org)- Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa maanta xukun xadhig ah oo kala duwan ku riday lix nin oo lagu helay inay falal budhcad badeednimo ah ka sameynayeen xeebaha Somaliland kuwaasi oo qorshanayay inay maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga afduubaa. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir ayaa ku dhawaaqay xukunka kooxdan budhcad badeedka ah waxaanu sheegay in nimankan ciidanka ilaalada xeebuhu ay ku soo qabteen 24-kii March ee sanadkan biyaha xeebta gobolka Sanaag. CIsmaan Ibraahim Daahir waxa uu sheegay inuu xukunkan u ucuskaday Qodobada kala ah 234x.c.guud.iyo 230.118-71X.C.guud waxaanu u kala xukumay sidan:- 1)- Cumar Cabdilaahi Cabdi(Hoggaankii watay kooxda)(8)sanadood 2)- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud(8)sideed sanadood 3)- Ducaale Jaamac Siciid(8)sideed sanadood 4)- Xaashi Nuur Maxamed(8)sideed sanadood 5)- Cigaal Maxamed Saalax(8)sideed sanadood 6)- Maxamed Axmed Faarax(5)shan sanadood Waxa kale oo la sheegay in kooxdan dooni yar oo ay wateen ay ku qornayd calaamad caalami ah oo ay ku qoreen ciidamada caalamiga ah ee wadamada NATO kuwaasi oo markii ay muddo hayeen inta ay hubkii ka dhigeen ku soo wareejiyay ciidamada xeebaha ee Somaliland. Waxa kooxdan ku jira Cumar Cabdilaahi Cabdi oo mar ka tirsanaan jiray ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag kaasi oo Maxkamada horteeda ka qirtay inuu ciidamada xeebaha uga tagay mushahar yaraan isla markaana uu ku biiray kooxaha budhcad badeedda ee maamul goboleedka Puntland. Maxkamada Gobolka Saaxil waxay hore u xukuntay budhcad badeed badan oo gaadhaya illaa sideetameeye kuwaasi oo dhamaantood ku jira xabsiyada Hargeysa iyo Berbera.