Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. A_Khadar;727139 wrote: ^ Actual wadanka dhan hal nin buu hada hostage u yahay waa "Sakiin" isagana master man kiisa waa Males dee so to correctly say dalkan waxaa haysta Males Zinawi... Melez is not as important as he was in the past the new boss is Yuweri Museveni.
  2. Gar_maqaate;727122 wrote: Your is statement does not make sense. laakin layaab ma lihid, Ironically it is testament to the logic and the rational of the tribal entity you support.
  3. Africa own no one is forcing them the Garaad clan Joined puntland their tribesmen in the late 1990s a regional state that supports the unity they love so much not only that it was an administration created by tolka.Any how the majority of the Garaad clan natives from sool especially laascanood area refused to be no longer part of Puntland i wonder why, and they rather choose to be part of Somaliland the central and eastern sool regions in particular. Che yes SNM was created in the holy land so?
  4. Che -Guevara;727109 wrote: ^So, you are be in constant war with the natives of Sool-can you blame them for seeking your destruction then? Not the natives , with clan jabhads with clan agenda from abroad.
  5. Africa own these people will never give peace a chance their aim and purpose is drag Somaliland back to Mogadisho even if Somaliland allowed Border demarcation they will not accept that because these people will not rest till they achieve the destruction of Somaliland. Thus the Somaliland people will not allow the dismemberment of Somaliland
  6. What Excitement i am just posting the latest news on the conflict nothing less nothing more
  7. AfricaOwn;727087 wrote: Can we break Sanaag up? From pro SL side to Pro Union side? Can this be done for peace to have a chance? sounds reasonable to me
  8. *Ibtisam;726988 wrote: Somalilander is not an ethnicity. In any case I agree with stoic;- plus he probably does even identify himself as Somalilander- you are all walandos to him- SL somalis included Good luck to him! Does identify himself as Somalilander or not
  9. Xiin i am not firing anything don't attack the messenger
  10. Dad badan ba is deldelaya dad ba dabaqado dhadheer iska tuuraya dad is dhufaayanaya marka somaliland la aqoonsado
  11. Dabley hubaysan oo dad ku laayay koonfurta magaalada Gaalkacyo Waxaa aroornimadii hore ee saaka dil loogu gaystay koonfurta magaalada Gaalkacyo dad shacab oo la sheegay inay ka soo jeedaan deegaanada maamulka Galmudug,kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ay ku fureen goob maqaaxi ah oo ku taala agagaarka hotel Ambas ee xaafadda Baraxley ee koonfurta magaalada Gaalkacyo. Wararka Horseed Media ay ka helayso magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya inay weerarkaasi ku geeriyoodeen 5-qof iyadoona uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka konfurta magaalada gaalkacyo. Weerarkan ayaa la sheegay inuu daba socdo weerar lagu laayay dad shacab ah oo maalin ka hor ka dhacay deegaanka Balibusle ee gobolka Mudug,iyadoo weerarkaasi ay ku geeriyoodeen 10-qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen sagaal kale,kuwaasi oo la socday gaari ka yimid degmada Jariiban islamarkaana ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo. Masuuliyiin u hadashay maamulka Galmudug ayaa sheegay inay siweyn uga xunyihiin falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Mudug,waxaana ay soo jeediyeen in loo baahanyahay in siwadajir ah looga shaqeeyo sidii arimahan loo soo afjari lahaa. Falalkan ka dhacaya gobolka Mudug ayaa ah kuwa aan horay looga baran gobolkaasi,balse ay inta badan magaaladaasi ay ka dhici jireen dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo si gooni ah uga dhacayay magaaladaasi. Horseed Media
  12. Weerar lagu qaadey meel lagu shaaheeyo Xaafada Baraxley ee K. Gaalkacyo, 5 qof ayaa dhimatey Posted by mohamud AA on June 8th, 2011 Gaalkacyo(Puntlandi.com) Makhaayad shaaha lagu cabo oo ku taal Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo ayaa koox hubeysan weerar ku qaadeen, ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatey dhowr qofna waa dhawacmeen, Weerarka ayaa dhacey xaley fiidkii goor ay makhaayadu aad u camirneyd ayna joogeen maleeshiyo kale oo had iyo jeer fariista makhaayada. Kooxda weerarka soo qaadey oo aan heybtooda la garaneyn ayaa la sheegey iney rasaas ooda uga qaadeen makhaayada, ka dibna ay carareen, waxeyna wateen gaari yar sida dad goobjoog ah noo xaqiijiyeen. Ilaa hada lama garanayo sababta loo weerarey makhaayada iyo dadka joogey, lama yaqaan dadka weerarka geystey. kala soco faahfaahinta warkaan Puntlandi.com sacadaha soo socda
  13. Ciidanka Booliska oo Xabsiga u Taxaabay Koox Basaasiin Itoobiyaan ah oo ka soo Tallaabay Xadka Somaliland Last Modified: Wed 08th Jun,2011 Kooxda basaasinta ah oo tiradoodu gaadhayso shan qof waxa lagu qabqabtay caasimadda Hargeysa iyo magaalada Wajaale Nimankaas la xidhxidhay sidaa aad idinkuba u maqasheen ayaan aniguna u maqlay warkaas, laakiin idin odhan maayo sidaas iyo sidaas ayey wax u dhaceen” Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Hargeysa (Jam)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen shalay niman Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay u shaqeeyaan sirdoonka dawladda Itoobiya, kuwaasoo oggolaansho la’aan ku soo galay xuduudka degmada Wajaale ee Somaliland si ay u kaxaystaan sarriflayaal reer Somaliland oo ay raadinayeen. Kooxdan basaasiinta ah oo tiradoodu gaadhayso shan qof oo wada Soomaali ah, ayaa la sheegay in shalay lagu qabqabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale, kadib markii uu booliska ku soo wargeliyey nin shacab ah oo basaasiintaasi doonayeen inuu u fududeeyo sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen sarriflayaal reer Wajaale ah oo ay doonayeen intay gudaha Itoobiya u afduubaan si halkaas loogu xidhxidho. Iyada oo shanta nin afar ka mid ah lagu qabtay Wajaale, halka ka kalena lagu qabtay caasimadda Hargeysa. Taliyaha qaybta booliska Gobolka Gabiley Mr. Axmed Maxamed Guutaale oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrintan wax looga weydiiyo, ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo, wax faahfaahin ahna ka bixiyo nimanka u shaqaynayey sirdoonka Itoobiya oo lagu xidhxidhay magaalada Wajaale, isagoo si kooban u yidhi; “Nimankaas la xidhxidhay sidaaad idinkuba u maqasheen ayaan aniguna u maqlay, laakiin idin odhan maayo sidaas iyo sidaas ayey wax u dhaceen, dawladduna way fara badan tahay ee meelo kale wax weydiiya.” Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Cali Aw Nuur Meecaad aannu khadka teelfoonka kula xidhiidhnay si wax looga weydiiyo xadhigga basaasiinta la qabtay, ayaa isaguna ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintaas, waxaannu si kooban ugu jawaabay; “Adeer, shir baan ku jiraaye iga raalli ahaada.” Hasayeeshee, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, basaasiintan Itoobiyaanka ah oo la sheegay inay dhibaatooyin badan ku hayeen deegaannada Killilka Shanaad ee dhinaca Somaliland soo xiga, gaar ahaan Harta-sheekha, ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, kadib markii mid ka mid ah raggaasi Itoobiya u adeegayey uu nin reer Wajaale ah intuu lacag siiyey ka codsaday inuu nin ay dabagal ku hayeen oo sarrifle ah oo aqoon isu leeyihiin ugu soo kexeeyo si ay gacanta ugu dhigaan, laakiin ninkii lacagta la siiyey inta uu u tagay saaxiibkiisii lagu daba-jiray ku wargeliyey in xadhig lala maagan yahay, sidaa darteedna fiican tahay inay booliska la xidhiidhaan si ninka basaaska ah laftiisa loo xidho. Sida ilo-wareedyadu sheegeena labadii nin ee asxaabta ahaa ayaa booliska ku wargeliyey in niman basaasiin Itoobiyaan ah doonayaan inay kaxaystaan sarriflayaal reer Somaliland ah, sidaas ayaana lagu qabtay basaaskii Itoobiyaanka ah, kaas oo markii gacanta lagu dhigay la soo baxay waraaqddiisii basaasnimada, wuxuuna booliska u tilmaamay saddex nin oo kale oo hawshan ku wehelinayey, kuwaas oo iyagana isla markiiba lagu qabtay hudheel ku yaal magaalada Wajaale oo xagga Somaliland ka soo xigga xadka Itoobiya oo ay si sharci-darro ah ugu soo tallaabeen, halka ninka shanaad oo isagu lacaha ay ku hawlgalayeen u dirayna lagu qabtay caasimadda Hargeysa. Guddoomiyaha Degmada Wajaale Mr. Xaashi Maxamuud Cabdi iyo taliyaha booliska magaaladaas, ayaa iyaguna ka aamusay inay ka hadlaan xadhigga basaasiinta Itoobiyaanka ah ee lagu qabqabtay Togwajaale ee gudaha Somaliland. Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dawladaha Itoobiya iyo Somaliland ka wadahadleen ciidammo Itoobiyaan ah oo xilligaasi la sheegay inay ka soo tallaabeen xuduudda labada dal u dhexaysa ee deegaanka Allaybaday, arrintaasi oo tuhunno badan ku beertay dadka reer Somaliland ee deegaannadaas ku nool. Dhinaca kale, warsaxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland soo saartay ayey ku sheegtay in aanay jirin ciidan millatari Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Somaliland, balse waxay caddaysay in dawladda Itoobiya u sheegtay in dhawr xubnood oo ka mid ah booliska maamul-goboleedka Soomaalida ee Itoobiya oo ku daba joogay dad dembiilayaal ah u soo tallaabeen dhinaca Somaliland, waxayna wasaaraddu sheegtay inay arrintaas labada dal ka wadahadleen, waxana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto-dheer oo ku salaysan jaar-wanaag, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhinacyo badan leh, labada dalna leeyihiin heshiis nabadgalyo, ganacsi iyo socdaal. Wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Cilmi Rooble Furreh (Kabaal) oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan la sameeyey si wax looga weydiiyo xadhigga ragga u shaqaynayey dawladda Itoobiya ayaanay noo suurtogelin in aannu khadka telefoonka ku helno, lamana hubo in ilaa hadda shanta nin ee basaasiinta u ah Itoobiya weli u xidhan yihiin Somalland iyo in meelo kale loo beddelay ama xorriyadoodii loo celiyey.
  14. There are Million reasons why the union failed how the hell do you explain after 20 years why Somalia still can't unite there must be something forget about Somaliland. Cigaal was right we were never citizens of a country called Somalia.
  15. Wasiirka Iskaashiga Caalamig Ah Iyo Arimaha Yurub Ee Waddanka Holland Mr.Pen Knapen Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Loo Sameynayo Golaha Guurtida Somaliland. Hargeysa (Waaheen) Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen oo safar qaatay hal maalin ah ku yimid Somaliland, wasiirku waxa kale oo uu dhagax dhigay Dhismaha Fooqa ah ee loo dhisayo Golaha Guurtida ee Somaliland, Kulankan ay yeesheen ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Golaha wakiilada ee Caasimada Hargeysa. Guddomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan (Cirro) iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Baashe ayaa uga waramay Waftigaasi Horumarka Somaliland ay gaadhay iyaga oo u sheegay in Somaliland gooni isu taagtay 1991kii Xiligaas oo ay xornimadeeda kala noqotay Dalkii laysku odhan jiray Somaliya, waxa kale oo ay u sheegen in Somaliland wax badan qabsatay. Intaasi ka dib ayaa Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland Mr.Pen Knapen iyo Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxman (Cirro) waxay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhisme Cusub oo loo sameeynayo Golaha Guurtida Somaliland. Hadaba Waasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen ayaa waxa uu qabtay shirjaraa’id oo uu kaga hadlay safarkan uu Somaliland ku yimid waxanu ku nuxnuxsaday in Somaliland tahay Dawlada waxbadan qabsatay. Waxana uu yidhi “Waxaanu Somaliland ka taageernaa dhincayo badan sida dhismayasha labada Gole, gaar ahaan kan aanu maanta dhagax dhigayno ee dhismaha Golaha Guurtida, waxa kale oo aanu aad ula dhacnay Nabadgelyada Somaliland ka jirta, oo ah mid aad taabo gal u ah, waxa kale oo aanu xukumada Somaliland ku hambalyeynaynaa doorashiidii aad u qurux badnayd ee somalialnd ka dhacday, Dawlada aan ka socdo iyo Somaliland xidhiidh fiican ayaa ka dhexeya.”Ayuu yidhi Wasiirka Holland Mar la waydiiyey Sida uu u arko Nabadgelyada iyo Xasiiloonida dumuqraadiyada ka jirta Somaliland. Waxa uu yidhi haa waanu ognahay in Somaliland tahay meel nabadgelyadeedu sugan tahay, dhincayo badan ayaanu ka taageernaa Somaliland, waxanu la soconay Doorashadii Somaliland ka dhacay oo ahayd mid xor iyo Xaal ah, Somaliland waanu taageernaa, imikan waanu taageeridoona
  16. Guddida Ka Soo Tallo-bixinta Furashada Ururada Siyaasadda Oo Mar Dhawayd Madaxwaynaha U Gudbiyey Natiijada Rayi-Ururintooda Iyo Nuxurka Natiijada Ay Gudbiyeen. Hargeysa (Ramaas) June 8,2011– Guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadda oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa dhamaystirka iyo isku duba-ridka hawlahooda ayaa caawa Madaxwaynaha u gudbiyey natiijadii rayi-ururintooda. Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa shabakada caalamiga ah ee RAMAASNEWS.COM u xaqiijiyey in guddidu caawa Madaxwaynaha kulan kula yeesheen xafiiskiisa Madaxtooyadda isla-markaana gacanta ka galiyeen natiijadii rayi-ururintooda iyo talladii ay ugu tallo-galeenba. Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadu natiijadda ay Madaxwaynaha u gudbiyeen nuxurkeedu ahaa in la furo ururadda. Wixii war ah ee ka soo kordha natiijadda ay guddidu u gudbisay kala soco shakabada wararka ee Ramaas oo had iyo jeer u diyaar ah soo gudbinta warar la hubo oo sugan. Ramaasnews Desk
  17. G/Tallo Bixinta Oo Ku Baaqay Furista Ururada Siyaasadda, Soo Bandhigay Ra’yi Ururintii Ay Qaadeen June 7th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddidii Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynuha magacaabay ayaa caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay shaaca kaga qaadeen in dadweynaha Somaliland ay doonayaan furista ururada siyaasada , waxaanay soo bandhigeen natiijada rayi ururin ay ka qaadeen 1769 oo qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. Guddigu waxa kale oo ay ku tallo bixiyeen in la qabyo tiro shuruucda doorashooyinka, ururada siyaasada iyo xisbiyada. War-murtiyeed Guddigu ku bayaamiyeen go’aankooda wuxuu u qornaa sidan:- “Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd: 1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada 2. Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland. 3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada. Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda: A. Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo. Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka. B. Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida. C. Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah. 1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka 2. Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo 3. Dallada Sonsaf Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan: Gobolka Haa Maya Midna Total 1: Maroodi_Jeex 190 302 11 503 2: Togdheer 157 132 0 289 3: Saaxil 91 94 5 190 4: Sanaag 208 66 2 276 5: Sool 185 39 9 233 6: Awdal 171 104 3 278 Total: 1002 737 30 1769 Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare. Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa: 1. In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka. 2. Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda. 3. In lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka 4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka. 5. In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act) Gabogabo ka dib markii aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL, isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda: ? Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka ? Kobcinta hanaanka Demcracy-ga ? Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta ? Fidinta Maamulka ? Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay ? Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa ku sooo ururtay in lafuro Ururada Siyaasad doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah. Allaa Mahd leh Mgacyada Gudida Saxeexa Suleiman Ali Korea —————————— Mahamed A/lahi Du’ale: —————————— Barkhad Jama Hirsi: ——————————- Suldan Axmed Daahir Muuse ————————— Xildh. Mahamoud Hirsi Farah —————————- Maxamed Muuse Abees —————————– Canab Cumar Ileeye —————————– C/lahi Siciid Dheere —————————— Xasan Xuseen Codyare ——————————– Pro. Xusen Xasan Guleed ——————————– Dr. Maxamed Cismaan Fadal ————————– Amina C/lahi Axmed —————————— Khadar Nour Aw Cabdi —————————— Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi ———————————- Jama Maxamoud Cigaal ———————————- Sheikh Almis Sheikh Yaxye ———————————-“
  18. Guddida Tallo Bixinta Ururada Siyaasada oo caawa soo saaray go’aankoodii kuna baaqay in Ururada Siyaasada la furo Hargeysa(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya Qasriga Madaxtooyadda oo ay imika ku sugan yihiin Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ka soo tallo bixinta Furashada Ururada Siyaasada ayaa sheegaya inay guddidu go’aamisay in Madaxaweyne Siilaanyo furo Ururada siyaasadaGuddoomiye ku-xigeenka guddidaasi Maxamed Ilkacase oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa warkaas noo xaqiijiyay
  19. Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Yemen Oo Sheegay Inay Wadaan Qorshe Lagu Soo Daad-Gureynayo Muwaadiniinta Colaaduhu Ku Qabsadeen Dalka Yemen. Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay waddo qorshe ay ku soo daad-guraynayso muwaadiniinta reer Somaliland ee ku go’doonsan dalka colaadaha siyaasadeed ka dilaaceen ee Yemen. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay hadda wadanka Yemen ka bilowday diiwaangalinta guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen si marka la wada helo looga fikiro sida ugu fudud ee looga soo saari karo dalkaas. Wakiilka Somaliland ee dalka Yemen Cali Maxamed Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diiwaangaliyeen dad tiradoodu tahay 1213 qof, inkasta oo dadka halkaas joogaa intaa ka badan yihiin, ilaa haddana ay wadaan hawsha diiwaangalinta “Dadka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen waxa lagu qadaraa tiradoodu inay tahay ilaa 2000 oo qof.” Ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee dalka Yemen oo hadda ku sugan Magaaladda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu khaarajiga Somaliland u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd” Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen Cali Maxamed Axmed, waxa uu sheegay inay dawlada u gudbiyeen tallo la xidhiidha sidii dadkaasi loo soo guri lahaa “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay.” Ayuu raaciyey hadalkiisa waxaanu intaa ku daray in arintan lala socodsiiyay wasaaradaha ay khusayo iyo hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, si la iskaga kaashado daad-gureynta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xaniban dalka Yemen. Ramaasnews Desk