-
Content Count
30,053 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Guud Ahaan Shacabka Ku Hambalyeeyay Sanad-Guuradda 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadda Dalka. Hargeysa (Ramaas) June 25,2011 - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii oo barri ku beegan. War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray afhayeenka aqalka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla-markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo shacabka ku hambalyeynayo maalintan ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska UK. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”
-
Somaliland President Siilaanyo: one year in power
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The Hargeysa Bridge Been opened Somaliland president opens new Sl parliament -
Somaliland President Siilaanyo: one year in power
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
No more Lacag Gimbaar in burco -
Somaliland President Siilaanyo: one year in power
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ The Company is owned by one of Siilaanyos Cabinet members -
Somaliland President Siilaanyo: one year in power
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
A list of some accomplishments of the Siilaanyo Administration. Hargeysa Bridge The berbera airport Zamzam Mineral Water Company New terminal opened Cigaal international airport -
President Siilaanyo: one year in power Posted on 24/06/2011 in Special Report Nearly it is now one year; from the day the people of Somaliland went in the Ballot-boxes in order to cast their votes enthusiastically. 26th June 2010 was a D-Day which presidential elections held in Somaliland have been peacefully concluded, which the Kulmiye party lead by the current president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo has won 49.59% votes from his nearest rival the UDUB party which got 33.23% of votes cast and although his competitor Mr. Dahir Rayale Kahin and his party claimed that there were vote rigging and fraud of the Ballot boxes, however he accepted the final outcome announced by Somaliland National Electoral commission (NEC). This was a brave and courageous decision made by the former president Mr.Rayale and his party and issued a statement that his party accepted the verdict of the people and saved the country from sinking into a state of anarchy and chaos. The transfer of power went peacefully as hoped and this was also a genuine stride taken in the right direction. Nevertheless, the question that is circulating in everyone’s mind is to what extent that President Siilaanyo and his Kulmiye party achieved during one year in office? Does he really live up to his campaign promises? What has been changed from the situation of the country during the course of one year? Let me glimpse back at the early days after Siilaanyo became the “The Fourth President of the republic of Somaliland.” Somalilanders were excited and kept their hopes and ambitions alive when Kulmiye party defeated their main rival UDUB party which was in power for eight years and the people of Somaliland became sick and tired of the empty and broken promises made by the former administration. Despite the obvious disappointments as well as disillusionment, it is not doom and gloom for Somaliland people but revived their current ruling party will honor their commitments and pledges made in the presidential elections. The news of appointing twenty Ministers and six deputy Ministers were greeted with wild jubilations and the excitement reached fever pitch as they came to know the small based government compared to thirty ministers and eleven assistants appointed by the former president. Mr. Siilaanyo had repeatedly made commitments in the wake of his victory to form an effective and small based government, most of the people he had lines up as members of his new cabinet were seen as bunch of qualified enough running smoothly to their portfolios in this new born government. Expectations were high since the president came to power through one man one vote, he brought on board a bunch of honest and qualified people to replace the corrupt and incompetent officials who dominated Somaliland’s top governmental posts over the past years. President Sillaanyo embarked on a mission of developing close mutual ties with neighboring countries and he kicked off with his first trip to overseas with Djibouti in which he was given a hero’s welcome. There is alarge mass of Somaliland people based Djibouti who did everthinh they could to receive their president with enthusiasm and jubilation. Mr. Siilaanyo met his Djiboutian counterpart Mr. Ismail Omar Gelle and discussed the bilateral relations between the two countries. President Gelle gave the go ahead of setting up Somaliland representative office In Djibouti And this was seen as a step of healing the rift between the two nations. The president also toured Ethiopia and there he met with Ethiopian premiere Mr. Meles Zenawi and discussed of ways and means of improving the bilateral ties be it Security, trade, and terrorism. Courts and Judiciary system Although not effective, Mr. Siilaanyo made changes to the Judiciary system after issuing a presidential decree in which he dismissed Judges and nominated others to ensure that the country gets an honest and fair judiciary system. This was a bold move in which the president took. Foreign Policy As we know that our foreign policy is based on strengthening ties neighboring countries, regional and international organizations in order to explain our cause in a way that would bring us international support. During this one year in office, there were many high level delegations that visited Somaliland. The last was the Minister for Cooperation and European Affairs for Holland Mr. Ben Knapen. Somaliland foreign Minister Mr. Mohamed Abdillahi Omar attended high level meetings. President Ahmed Mohamed Mohamud siilaanyo made his first reshuffle in his administration, almost one year after he was elected as the country’s leader for the next five years. The president recently delivered a speech to Somaliland Parliament and the senate in which he officially announced that the formation of political parties is open to Somaliland citizens.
-
Saylici Oo Nin China U Dhashay Diinta Islaamka Ku Soo DhaweeyayPosted in June 24th, 2011 by lug in NewsHargaysa (lug)- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Al-Xaaji C/Raxman C/laahi ismaaciil (Saylici) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey Diinta Islaamka nin la yidhaahdo Jewi cheki oo u dhashay dalka China oo islaamay. Md. Saylici wuxu uu sheegay inay Diinta Islaamku tahay diinta keliya ee Xaqa ah ee Illaahay Quraankiisa ku sheegay. Ninkan Shiine ah oo Ganacsade ah ayaa Shalay Salaadii Duhur Ashahaadada loogu Qabtay Masaajid ku Yaala Madaxtooyada Somaliland Gudaheeda halkaasi oo Masuuliyiintii Salaada ku Tukanaysay Masaajidku ugu Duceeyeen ninkaasi ku soo Biiray Diinta Suuban ee Islaamka. Masuuliyiintii halkaasi ku sugnaa ayaa dhamaantood soo dhaweeyay Ninkan Chines-ka ah ee ku soo Biiray Diinta Islaamka, iyada oo isla markiiba la Raaciyay Qof bara Waysada iyo Salaada. Waa Markii ugu horaysay ee Maajidka Madaxtooyada uu ku Muslimo Ruux Markii hore Gaal ahaa .
-
Somaliland: President Silanyo visits Hargeisa Orphanage Center
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
http://www.togaherer.com/2011/06/24/madaxweyne-siiraanyo-oo-booqday-xarunta-agoomaha-kuna-sii-tukaday-masaajidka-tabliiqiyiintasawiro-quruxbadan/ -
Somaliland: President Silanyo visits Hargeisa Orphanage Center
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Xarunta Agoomaha Ee Magaalada Hargeysa , Kuna Tukaday Masaajidka Tabliiqa. Hargeysa (Ramaas) June. 24, 2011- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer ku soo maray xarunta carruurta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, isaga oo ku kuurgalayay sida ay tahay xaalada carruurta ku jira xaruntaas . Madaxweynaha oo ay kormeerka ku weheliyeen qaar ka mida xubnaha golaha wasiirada iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadiisa ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xarunta agoomuhu, waxaana uu xog wareysi la yeeshay masuuliyiinta gacanta ku haya maamulka xaruntaas oo Madaxweynaha uga waramay xaalada ay ku sugan yihiin carruurta ku jirta halkaas oo tiradadooda gaadhayso boqolaal qof oo isugu jira wiila iyo gabdho oo ay noloshoodu aad u liidato. Ka hor intii aanu booqan xarunta carruurta agoomaha waxa uu Madaxweynuhu sallaadii Jimacaha ee maanta ku tukaday masaajida la yidhaahdo Tabliiqa oo ku yaala dhanka Bari ee Magaalada Hargeysa,halkaas uu ku sugnaa qadar saacad ah. Kormeerka Madaxweynaha ee maanta ayaa la sheegay in tahay ay qayb ka tahay qorshe ismuujin ah oo uu ku doonayo uu shacabka uu ku tuso in uu weli haysto kalsoonidooda , iyada oo soo ifbaxeen dhaliilo tiro badan oo loo jeedinayo xukuumada uu hogaamiyo oo aanay weli cago dhigan siyaasadeedu. -
Somaliland: President Silanyo visits Hargeisa Orphanage Center 24/06/2011 in Latest Headlines Hargeisa (JSLTimes.com) – The president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo pays visit today a mosque located in the east of Hargeisa where the president prayed the Friday prayer. Reports say that the president was on board on a vehicle and he was not escorted by bodyguards, but was accompanied by a minister by the name of Hirsi Haji Hasan and the president’s special secretary Mr. Ali Mohamed Ali. After performing the Friday prayer, some of people who were praying in the mosque gathered around the president and they greeted him and they congratulated on the president’s visit to the mosque. When the president left the mosque, while on board on his special vehicle drove around the main roads of the city particularly down town. In addition to that, the president also toured Hargeisa Orphanage center and met with children having their lunch and they told the president about the condition they are living. Finally, The president observed sleeping rooms and the president came across a baby who is twenty days old and as reports say is abandoned and was brought here to be taken care of. It was twenty days left, when the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo was seen walking and shopping the main market places in the capital.
-
Listen to fuaad adan cade from 30:11
-
What khadar does not know there will be local elections and end next year there will be parliamentary elections and the Diaspora want to organize their community back home. Not to forget more political parties are about to be formed that said new alliances are about to be made between the various Somaliland communities®ions.Former President rayaales return who will be the next udub leader currently the udub party is disorganized and ucid might lose the local elections another party will come out there as a winner.
-
Maayir Cusub oo loo magacaabay Laascaanod oo Xilkii La Wareegay
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
inshallah ilahay ha garab galo Mayorka cusub. -
How Rayaale was received for his arrival to Hargaysa
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
He never faced any Humilations in Hargeysas Airport we love former president daahir rayaale Kahin and he was welcomed with respect. -
^^ your speaker of parliament (Khusuusi leader) wants peace if thats defection so be it but every one is trying hard to bring peace and a long lasting solution.
-
How Rayaale was received for his arrival to Hargaysa
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
His name is rayaale and not riyaal -
Somaliland: SSC militia begin peace talks with Somaliland Government Widhwidh (SomalilandPress)—A well attended peace conference began today in the town of Widhwidh between Somaliland Government officials and members from SSC militia that has been disputing with Somaliland Government’s presence in Sool region. The official peace treaty negotiations that President Ahmed Mohamud Siilaanyo offered to SSC militia have finally begun after months of delicate negotiation by Somaliland officials and elders from the Dholbahante tribe that inhabits parts of Sool and Eastern Sanaag of Somaliland. Representing the Government are Dr. Abdi Aw-Dahir (Minister of Livestock), Mohamud Hashi Abdi (Minister of Aviation), the Presidential spokesman Mr. Abdillahi Mohamed Dahir (Cukuse) and members from both House of Elders and Parliament. Several military commanders and more than a dozen of elders comprised the SSC side are present at the conference meeting. Dr. Abdi Aw-Dahir opened the conference by first thanking all the delegates for being present at the peace conference. Dr. Dahir went on to state that his government was there today to listen the grievances that SSC members have and see how to achieve a lasting peace. Abdirisaq Hassan Ismail who is the finance director of SSC also spoke at today’s event where he expressed the concerns that the sool and buhoodle people have with Somaliland Government. Mr. Ismail went on to say that his people feel marginalised and that currently are not receiving their share of power in Somaliland and therefore it is very important that the Government pays close attention to this discontent. The peace conference is expected to last for several days with security is being provided by the Somaliland National Army based in Widhwidh. Thus far peace conference is being welcomed by all sectors of Somaliland and also the Diaspora community.
-
Somaliland org has reporters on the ground in widhwidh
-
Shir Nabadeedkii Ugu balaadhnaa Oo ka Furmay Widh-widh Iyo Dareenkii Dhinacyadii ka qeyb galay June 22nd, 2011 “Qurba Jooga deegaankan ee rasaasta dadkooda taakulada uga dhiga waxaan odhan lahaa dadkiinu waxay u baahan yihiin waxbarasho, dawo iyo horumarin ee rasaasta ka daaya” “Caruurtii kale iska daayoo xataa kuwii indhaha iyo dhegaha la’aa ayaa Boorame ka qalin jabinaya waxbarashadii Widhwidh (Somaliland.Org)- Shir nabadeed balaadhan oo xukuumada Somaliland u dhigtay waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo kooxda SSC ayaa maanta ka furmay taandho weyn oo laga dhisay magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, shir nabadeedkaasi oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 200 oo ergo ah ayaa socon doona muddo afar maalmoodn ah. Shirkan oo saaka furmay 10:00 kii subaxnimo waxa ka qeyb galaya ergooyin ka yimid beelaha *********** ee gobolada Sool iyo Buuhoodle, cuqaal, salaadiin iyo saraakiil badan oo ka tirsan maleeshiyada SSC, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Guddida khusuusida (Golaha dhexe) ee ururkaasi C/Risaaq Xasan Ismaaciil, Xoghayihii Maaliyada Cismaan Xaaji Cali, C/Risaaq Muuse Faarax oo kooxda SSC ugu magacownaa badhasaabka Buuhoodle, Mustafe Xuseen Jibriil oo isna ku magacownaa Maayarka degmada Buuhoodle, xjubin ka tirsan gudida khusuusida oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cawil Ducaale, C/Rsisaaq Yuusuf iyo Cabdi Muuse oo iyaguna ka mid ahaa saraakiisha hoggaamisa maleeshiyadaasi. Xukuumada Somaliland waxa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir, la taliyaha Madaxweynaha ee gobolada barri Md. Fu’aad Aadan Cadde, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Guray. Waxa kale oo goob joog ka ahaa Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad). Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaan jiray madaxda sar sare ee SSC oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shir nabadeedkan oo muddo dheer ay ku taamayeen sidii loo qaban laha ka dib markii ay ******** inaan dagaal wax faa’iido ah u lahayn bulshada oo dhan. Waxa uu mahad naqay ergada ka kala timid gobolada Sool iyo Buuhoodle ee shirkan nabadeed ka qeyb galay, waxaanu si gaar ah u bogaadiyay garabka hubaysan ee kooxda SSC oo markii u horaysay ka qeyb galay shir nabadeed, waxaanu tilmaamay in arrintani tahay bisayl weyn oo ay ka sameeyeen dhinaca siyaasada. Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in shirkan nabadeed uu daba socdo shir hore dabayaaqadii sanadkii hore 2010-ka uu Garaad Abshir Saalax ku qabtay deegaanka Widh-widh. Waxaanu ku dooday in shirkani yahay wajigii labaad ee lagu soo gabo-gabaynayay shirkaasi hore ee beelaha dega degmada widh-widh ay nabada ku qaadanayeen. Keyse waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Garaado reer Buuhoodle ahi ay ku durayeen shirkaasi waxaanu tilmaamay inay iyagu nusqaan ku tahay in iyagoo madax dhaqameed ah ay ka soo qeyb geli kari waayeen shir nabadeed oo lagu qabanayo deegaankoodii. Waxaanu u soo jeediyay inay ka soo qeyb galaan shirkan Guddoomiyihii Guddida khusuusida (Golaha dhexe) ee ururkaasi C/Risaaq Xasan Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay doonayaan inay xukuumada Somaliland kala xaajoodaan masiirka deegaankooda waxaanu carabaabay inay aad u danaynayaan shirkan oo ay sheegeen inay ka rajaynayaan inuu ka soo baxo heshiis nabadeed. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ahmiyad weyn siinayso nabadgelyada isla markaana ay dhego furan u leedahay tabashooyinka beelaha ***********. Wasiirku waxa uu u mahad celiyay waxgaradka reer Widh-widh oo uu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin nabadeynta isla markaana ay si weyn iskaga xil saarween qabsoomida shirkan. Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan saraakiisha SSC ee ka soo qeyb galay shirkan. Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna sheegay inuu rajo weyn ku qabo in shir nabadeedkan ay ka soo bixi doono heshiis nabadeed oo loo dhan yahay oo lagu bedelo colaadii ka jirtay deegaankaasi. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay shirkaasi ayaa caddeeyay in shirkani uu yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay beelaha deegaanadaasi. Cabdilaahi Cukuse oo la hadlayay Isimada ka maqan shirkan waxaanu sheegay in Risaaladii Rasuulka Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee aanay dadku mar wada qaadan ee kolba ay qeybi qaadanaysay. Waxaanu ku dooday in dadka ka maqan shirkan nabadeed ay aakhirka la qaadan doonaan. “Qurbo jooga deegaamada Sool iyo Buuhoodle ee dadkooda rasaasta taakulada uga dhiga waxaan odhan lahaa malaa waxa idiinka wanaagsan inaad dadweynihiina iyo carruurtiinu u baahan yihiin inaad lacagta ugu soo dirtaan waxbarasho, dawo iyo horumarinta adeegyada bulshada,waxaan u soo jeedinayaa siday qurbo joogu ay ugu dedaalaan carruurtooda ay ku hayaan dibadaha inay carruurta xigtadooda ahna ay u ilaaliyaan xuquuqdooda oo aanay rasaas sahay ahaan ugu soo dirin,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay Md.Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida kana soo jeeda gobolka Awdal, ayaa sheegay inuu jecelaa inuu ergada haddii ay suurto gelayso u kaxeeyo magaalada Boorame si ay indhahooda ugu soo arkaan sida bulshadaasi nabadgelyo iyo horumar u gaadhay. “Waxaan idiin sheegayaa walaalayaal anagu haddii aanu nahay reer Boorame waxa carruurtayadii iyo bulshadayadiiba ay gaadhay horumar weyn waxa ka furan Boorame laba jaamacadood tirada dugsiyada sarena ciidaasi ayay ka badan yihiin iska daa dadkii carruurtii caadiga ahaayee xataa carruurtii dhegaha iyo indhaha la’aa ayaa ka qalin jabinaya waxbarashadii, idinkana waxa laga yaabaa in carruurtiinu aanay helin wax waxbarasho ah oo la sheegi karo.”ayuu yidhi Xildhibaan Garaad oo ka mid ah xubin sharafeedyada aqalka odayaasha. Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay Wakiilka Garaad Abshir Saalax oo magaciisa la yidhaahdo Diiriye Maxamed, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin beel ahaan inay nabad la qaataan Somaliland waxaanu intaasi ku daray in shirkani uu daba socdo kii Garaad Abshir hore u qabtay. Waxa kale iyaguna shirkaasi ka hadlay Chief Caaqil Maxamuud X. Axmed Aadan iyo Caaqil Cabdi Cali Abokor waxaanay sheegeen inay u han weyn yihiin shirkan diyaarna u yihiin inay fuliyaan wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.
-
Jamacada Hargeysa oo Xidhiidh Caalami ah la sameysay Jamacad ku taala dalka Jarmalka. Hargeysa (Waaheen) Jaamacada Hargeysa iyo jaamacad ku taala Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa maanta kala saxeexday heshiis waxbarasho oo dhexmaray labada dhinac oo ah dhanka barashada caafimaadka, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay jaamacad ku taala Jarmalku xidhiidh la yeelato jaamacadaha Somaliland. Xaflad saaka lagu qabtay xarunta jaamacada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay heshiiska labada jaamacadood, iyada oo ay goob joog ay ka haayeen wasiiro ka tirsan xukuumada , maamulka jaamacada Hargeysa iyo masuul ka socday jaamacada Jarmalka ee LMU , iyada oo halkaas laga akhriyay qodobada oo ka koobana yahay heshiishka labada jaamacadood. Qodabada ugu muhiimsan ee heshiiskan waxa ma mida: 1-in labada jaamacadooda ardaydoodu waxbarasho caafimaad oo ay ku qaadan karaan wadamada Jarmalka iyo Somaliland. 2- In Jamaacada LMU ay ka taageerto jaamacada Hargeysa dhanka qalabaynta kuuliyada caafimaadka iyo kor u qaadida tayada macalimiinta si jaamacada ula talaabsato jaamacadaha kale aduunka. 3- In shan sanno ka dib loo eego heshiiskaas si fiiro gaar ah loogu yeesho horumarkii laga sameeyo, iyada oo haddii ay ka soo baxdo natiijo wanaagsani libin laabmidoonto taageerada loo fidanayo jaamacada Hargeysa. Guddomiyaha jaamacada Hargeysa Pro Muuse Cabdi Cilmi oo ka hadlay munasaabadii heshiiska lagu kala saxeexanayey ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martaya waxbarshada dalku, waxaana uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay tahay mid hormuud u noqotay waxbarashada ee Somaliland oo xilligan maraysa meel wanaagsan, waxaana uu Jamaacada LMU uga mahadceliyay xidhiidhka ay la samaysay jaamacadiisa. Prof. MaHhias Siebeck oo ah sarkaal ka socday kuulliyada caafimaadka ee jaamacada LMU ee Magaalada Munich oo isna ka hadlay halkaas ayaa sheegay in ay go’antay sidii ay u caawin lahaayeen jaamacada Hargeysa oo uu baahan in laga taageero tayaynta waxbarashada oo ah mid kobcaysa,isla markaana ay noqotay arrin isaga soo jiidatay. Waxa kale oo uu amaanay nabad iyo horumarka ay Somaliland ku talaabsaday, isaga oo sheegay in sababtaasi ay u doorteen in ay Somaliland xidhiidh la soo sameeyan
-
Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen oo Goor Dhaweyd ka Dagay Dalka Koonfurta Afrika si uu u Guddoomo Mid ka mid ah Abaalmarinaha ugu Sumcadda Badan Afrika ee CNN Multichoice African Journalist Award Hargeysa (Waaheen) – Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa maanta galinkii danbe ka dagay madaarka Johannesburg, South Africa, halkaasna ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madax ka socota CNN MUltichoice Journalist Award iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somaliland ee Koonfur Afrika. Mr. Xuuto ayaa ku guulaystay abaalmarinta sannadkan ee [Abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee Afrika Free Press Africa Award] ee uu bixiyo telefishanka caanka ah ee Dalka Maraykanka xaruntiisu tahay ee Saxafiyiin KU SOO BAXDAY TARTANKA KAMA DANBAYSTA AH EE LAGA SII XULANAYO 16 KA guulayste (Xuuto waa saxafiga kali ah ee la sii shaaciyey abaalmarinta uu kuu guulaystay "Free Press Africa Award") CNN tu. Abaalmarinaha ay CNN Multichoice ayaa ah tan ugu sumcadda iyo qadarinta badan Qaaradda Africa, safka horena kaga jira abaalmarinaha loogu tixgalinta badan yahay caalamka. Bayaan bishii April ay soo saareen guddida kala xulaysay u tartamayaasha abaalmarinaha oo sannadkan dhammaa 1402 oo ka socday 42 dal, ayaa ku soo saareen 27 saxafi oo ka socda 13 dal oo ay Somaliland ku jirto. Mr. Xuuto ayaa ah saxafiga kali ah ee la sii shaaciyey inuu ku guulaystay abaalmarintan Abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee AfrikaWar-saxaafadeedkaas guddida kala xulaysay ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen inuu ku kasbaday dadaalka joogtadda ah ee Wargeyskiisu ugu jiro gudbinta wararka dhabta ee uu bulshadda u gudbiyo, taasoo keentay inuu ku mutaysto xadhig sharco-darro ah oo dhan 3 sanno iyo lix milyan oo SLsH/= Hudheelka Weyn ee Sandtan Sun ee Xafladda Guddoonsiinta Abaalmairntu ay ku dhacayso oo ganaax ah, kaas oo uu kala kulmay Xukuumadda, balse caddaadis gudo iyo dibadba kaga yimid ka dib uu bil ka dib lagu sii daayey cafis Madaxweyne. Xafladda bixinta abaalmarinta ayaa ku beegan 25.06.11, oo si toos ah looga baahin doono telefishanka CNN ta. Waxa ka soo qaybgali doona oo abaalmarinaha bixinaya Madaxweynaha Koonfurta Africa, Mr. Jacob Zuma, xubno ka tirsan golaha Wasiiraddiisa iyo Guddoomiyaha telefishanka CNN ta iyo madax kale, madax sare oo ka socota shirkadda waaweyn ee Caalamiga ah ee ka mid yihiin Coca Cola, Blackberry, Ecobank iyo kuwo kale oo iyagu xafladdan gacanweyn ka gaysta qabsoomideeda. Waa kalkii 16 aad ee abaalmarinta uu bixiyo Telefishanka CNN tu. Mr. Xuuto ayaa bayaanka bixinta abaalmarintan si cad loogu sheegay inuu yahay wariye u dhashay dalka Somaliland, isagoo sidoo kalena ku baxay passporka Somaliland, taasoo magac weyn u soo jiidaysa dalka Somaliland.
-
Hargeisa University affiliates with Ludvic University in Germany Posted on 22/06/2011 in Latest Headlines Hargeisa (JSLTimes.com) – Hargeisa University and the University of Ludvic Maximilian in Germany today signed a deal of collaboration between the two universities. The ceremony which was held in Hargeisa university premises was attended by senior officials from the two universities. Somaliland Minister for Health Dr. Husen Muhumed Mohamud (Husen Xoog) attended the ceremony in which the faculty of Medicine of Hargeisa University officially affiliates with Ludvic University in Germany. Somaliland Health Minister spoke at the ceremony and told that he is personally pleased that the two universities sign a deal of cooperation and collaboration between them. The minister further added by saying the faculty of medicine of Harhgeisa university desperately in need of this cooperation and it will take advantage of it. The president of Hargeisa University Mr. Muuse Abdi Omar also spoke at the ceremony and told that the affiliation between the two sides was made possible by a local organization by the name of Tawakal.Finally, the deputy minister of Education Mr. Ali Hamud Jibril spoke and told that he hails the affiliated universities. He added that the ministry of Education is committed to enhance such this endeavor. Students of the faculty of Medicine of Hargeisa University and other honorable guests attended the ceremony in order to witness this important occasion where the top officials respresenting the two universities put their pens to papers and signed a mutual cooperation between the two universities, Doctors who teach the medicine students in Hargeisa University also attended the ceremony.
-
Gabbal;730023 wrote: It could just be that you, as Somaliland secessionist supporters, are not as emotionally invested and are unable to see the small signs of hope and socio-politico evolution that we, invested in Somalia's situation, have seen. I will leave that as some sort of consolation to you if the tribal hypothesis is too much to stomach on your part. So we should be emotionally invested and only then we are able to understand the achievements of Faarmaajos what kind of Koonfurian Logic is that , Mr cheese let the average Muqudishawi down when he resigned and he couldn't grow some balls.He couldn't confront the problems in Mogadisho and the two sharifs and faroole and he choose to pack his bags and leave for Buffalo.