Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ofcourse the politicians from garowe will not say hey we are here to divide you guys let's begin the division. But they carry a strong Message from their tribal leader Faroole Saying Madaxweynuhu idinku idin jecelyahay eh Wixi Buntiland diidan la colooba.
  2. Our First Priority should be a road from burco to hargeysa and a road from Burco to Ceerigaabo , A road from berbera to wajaale can wait
  3. ^^ The visit was to undermine ssc Clan Jabhad and to divide the garaad clan further assuming these politicians had talks with the elders there. Its not just an innocent visit.
  4. A_Khadar;730717 wrote: Riyaale beleived only somalia. Where does it say does what Xiin said about Siilaanyo thats what some said about cigaal to lol
  5. NGONGE;730703 wrote: So it's a choice between being a Ugandan colony or a British one? ;) Yoweri museveni iyo waxaynu kala doorana iyo david cameron
  6. Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hambalyo u diray shacabka Somaliland munaasibada 26-ka june awgeed. “Dhalinyaradiinana Saxaafadda waxaan idin leeyahay sidii aan barigii hore idin odhan jiray oo ahayd inaad wadaniyad ku.. Hargaysa (GNS):-Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shacabka Somaliland xuska munaasibada 26-ka June awgeed. Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,oo maanta saxaafada kula hadlay gurigiisa magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo la xidhiidha siyaasada Somaliland ee wakhtigan iyo qodobo kale. Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka hadlaya xuska munaasibada 26-ka june oo ay ka soo wareegtay 51 sano waxaa uu yidhi “Maanta oo Axad ah oo ay ku beegan tahay 26-kii June waxaan dib u akhriyey xusuustii wixii aan baarlamaanka Ingiriiska ka akhriyey, markii aan soo saaray wixii aan qoray waxaan soo saaray in maalintii aynu xornimada qaadanay ay Axad ahayd maanta oo kale ah, waxayna ku beegan tahay 51 guuradda xornimadda Somaliland, sidaas daraadeed waxaan shacabka Somaliland u rajaynayaa horumar iyo barwaaqo, aniga oo mar walba u rajaynaya nolol wanaagsan. Dhalinyaradiinana (Saxaafadda) waxaan idin leeyahay sidii aan barigii hore idin odhan jiray oo ahayd inaad wadaniyad ku shaqaysaan oo wixii wanaagsana aan sheegtaa, wixii lagu khaldan yahay inaad saxdaan, aniguna haddii aan xilkii wareejiyey waa run oo aniga ayaa dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hirgaliyey, fikirkaana waxa lahaa Madaxwaynihii hore ee aan la shaqaynayey, rag badan oo maanta xisbiyo ah may aaminsanayn inay xisbiyo samaysmayaan oo dimuqraadiyadi ay wadanka ka hano-qaadi doonto, isaga (Marxuum Cigaal) ayaa ku dhiiraday ayay ahayd, haddii uu geeriyoodeyna markii xilka la ii dhaariyey kalmad ayaan ka idhi halkaa waxaanan idhi “Cigaal wuu geeriyooday nin uu wax uga baahan yahay ma jiro, waxa qudha ee aynu ugu hiilinaynaa waxa weeyaan in wixii uu ka tagay aynu sii wadno.” Dadku waxa laga yaabaa markii aan kalmadaa lahaa in aanay fasir badan ka bixin, laakiin anigu waxaan ula jeeday dimuqraadiyadii uu bilaabay ayaynu sii wadaynaa, runtiina aniga nasiib wanaag ayay ii tahay mar walbana waan sheegi jiray muran kasta ha dhaco go’aanka u dambeeya ee go’aanka wanaagsan qaadan doontaa aniga ayay noqon doontaa, waayo aniga ayaa gacanta ku hayay waayo raga kale waxba gacanta kumay hayn, ragga kale haddii ay galgalasho galeyso iyo haddii kaleba gacanta waxba kumay hayn, in lagu murmana (doorashada) aniga iyo qoladeyda oo waanigii uga mahad-naqayey in xisbigeygu ay igu raacen go’aanka aan qaatay, waayo haddii aan go’aan kaliday qaato oo xisbigeyga qaarkood meelahaa ka wada hadlaan wax kale ayay noqon lahayd. Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay saxaafadu halkaasi su’aalo ku waydiiyeen,waxaa ka mid ahaa su’aalahaasi. S:-Hadda Muddo 11 bilood ah ayaad xilka Madaxwaynenimo ka maqnayd, markaa ma is-leeahay hanaankii dimuqraadiyadda ee aad dalka kaga tagtay wali wuu sii shaqaynayaa.? J:-Inaan kolba in ka hadlo diyaar uma ihi, maalintii dhawayd markii aan soo degayna waxaan idhi xog ayaan urursanayaa, markaa wali xog-urursigeygii ayaan ku jiraa, markaa maalin ayaan soo bandhi doonaa, maxaa lagu biiriyey iyo maxaa is-dhimay, ma war li’I, laakiin waxaan jecelahay inaan ka duwanaado qoladii saaxiibaday waayo iyagu mucaarad ayay ahaayeen laakiin may ahayn Madaxwayne dalka soo hogaamiya, iyaguna waxay la iman jireen waad taqaanaan markay soo degaan iyo marka ay dhoofayaan faalo ka bixin mayo, anigu inaan ka duwanaado ayaan jecelahay oo haddii aan wax sheegayo sida aan wax u sheegayaa ay ka duwanaato oo aan tabanayo waxa khaldan oo laga leexdo waan sheegi doonaa, kalana bakhayli maayo inaan waxa khaldan sheego. S:-Md Daahir Rayaale, waxaad nooga warantaa bal adduunyadu sidii ay noo arkaysay markii aad adigu dalka joogtay ee aad xilka haysay iyo imika oo aad u madax-banaanaatey oo aad dhex tagtay side ayay inoo arkayeen.? J:-Inaga oo aan aqoonsi ka ahayn dalalka dibada, laakiin waxaynu haynaa in wixii aynu qabsanay la qirayo oo aan la dafirayn, Ingiriiska waan la kulmay, Faransiika waan la kulmay, Itoobiya, Djabuuti waan la kulmay, dhammaantoodna kalsoonidii mudadaa dhisan tahay way inoo hayaan, laakiin waxay ku xidhan tahay sida qoladii xilka igala wareegtay ay uga faa’ideysato, intaasna waxa dheer nidaamkii aanu xilka u waereejinay wuxuu u sameeyay in inrii hore la inooga soo dhawaado oo haddii aynaan inagu hagal daacin ay wax badani inoo qabsoomi karayaan ayaa muuqatay haddii aan dibada tagay. Adduunkana waala ixtiraamaa oo markaan sii socda iyo markaan soo socdaba waan ka kulmaa safaaradaha, markaa anigu halgaygii waan ka hayaa oo mowqifkeygii ayaan taagahay, haddii qoladani meel kale ka bilaabayso. S:-Wali dunida kamay dhicin in dal hore u lahaa aqoonsi mar labaad aqoonsi uu raadsado, maxaa Somaliland sidaas loogu kalifayaa.? J:-Anigu taas qoraalo badan ayaan ka qoray oo aan caalamka uga qoray Madaxwaynaha hadda joogana waan ku wareejiyay faylkaa, markaa waa nasiib daro ayuun-baan odhan lahaa, markii aanu xoriyadda qaadanaynayna waxaynu nidhi walaalahayaga Soomaliya ayaanu ku biiraynaa inaga oo aan gooni isku taagin, aqoonsigeeniina wuu lumay, waxaana la inaga qoray dalkii diiday inuu xoriyad qaato, markaa khaladaad aynu samaynay ayaa halkam inagu haya.
  7. Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Khudbad Ka Jeediyay Xaflad lagu Xusayay Munaasibada 26-ka June June 26th, 2011 Xisbiga UDUB oo aan ka soo xaadirin Xafladan oo lagu marti qaaday Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in xoriyadii shacbiga Somaliland ka luntay lixdankii ay waayo aragnimo ugu filan tahay oo ay xiligan ilaashanayaan qaranimadooda. Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ka sheegay caawa khubad uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo xarunta madaxtooyada loogu sameeyay dabaal dega munaasibada 51 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska 26-kii bishii June ee 1960-kii. Waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ururada bulshada iyo marti sharaf kale. Waxaan iyagu xafladaasi aan ka soo xaadirin xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo lagu marti qaaday hase yeeshee aanay cidi ka iman masuuliyiintoodii. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay taariikhda maalintani wuxuu yidhi “Walaalayaal dadweynaha ka soo qeyb galay xafladan iyo intaan ka soo qeyb galin ee dibada joogtaba waan salaamayaa waxaan idinku soo dhawaynayaa idinkuna hambalyeynayaa munaasibadan 26-ka June oo ah maalin taariikhi ah oo maalin weyn u ah Somaliland. Waa maalintii calan soomaaliyeed oo xor ah la taago waa 26-kii bishii June 1960-kii, wakhtigaasi aynu xornimada ka qaadanay maxmiyadii Ingiriiska oo sideetan sanadood ka badan ina xukumaysay waxay Somaliland xiligaa in badan u halgamaysay inay xoriyadeeda qaato oo ay saamaysay dabayshii xornimo doonka ee Afrika oo dhan ka bilaabantay inagoo xarakadaasi ka mid ahayn ayaynu xoriyadeenii qaadanay.” Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wakhtigaa isaga ah ee aynu xoriyadeena qaadanay waxaynu ku naaloonaynay oo aynu doonaynay in dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhami ay noqdaan wadan qudha oo aynu isu keeno.sidaasi ayay ahayd himiladeenu iyadoo xamaasadaasi ina haysay ayaynu 26-kii June xornimada ka qaadanay Ingiriiska markii ILAAHAY ha u naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo weftigii la socday ay tageen dalka Ingiriiska waxa lagula taliyay horta xoriyadiina oo taam ah qaata,waxaynu nidhi waxaanu ku biiraynaa afar cisho ka bacdi iyaga oo ka jawaabayay dareenkii shacbiga Somaliland inaanu la midowno dalkii Soomaaliya oo xornimadoodu ku beegnayd 1-dii July ee 1960-kii. Wakhtigaasi isaga ah sidaasi ayaynu ku raacnay oo aynu Madax banaanideenii ku dhiibnay oo aynu ka mid noqonay dalkii Soomaaliya la odhan jiray.” Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay sidii Somaliland ugu hungowday midowgii ay la gashay Soomaaliya waxa uu yidhi “Israacaasi ayaan darro maynaan mahadin wax dhacayba dhibaatooyin faro badan ayaa yimid waxa ka dambaysay in israacii shaqayn waayay oo dadka reer Somaliland ay dulmi tirsadeen illaa dhalinyaro badan oo ciidamada ka tirsanaa ay inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xornimadoodii la soo noqdaan. Markii ay arkeen in midnimadii mid loo siman yahay aanay ahayn. Intii dambena waxay inagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM ah inaynu xoriyadeenii dib ula soo noqono 18-kii May ee 1991-kii.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taariikhdaasi hore ay Somaliland barayso inay ilaashato xornimadeeda. “Maalintani waxay ina baraysaa in imika wixii ka dambeeya in kasta ha inagu qaadatee xoriyadeena ilaashano oo imika wixii ka dambeeya caalamku inuu ina ictiraafo waxay ku xidhan tahay waxaynu inagu qabsano, caalamku maanta wuu inoo soo jeedaa wax badan ayuu inala qabtaa, wuu inala shaqeeyaa dad badan ayaa u diyaara inay wax inala qabtaan.laakiin cida xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa inaga haddii aynu dadweynaha Somaliland nahay. waxaan leeyahay aynu isku xidhnaano oo aan midowno oo nabadeena ilaashano,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in Somaliland kama dambaysta uu noqon doono dal madax banana oo horumaray. Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday taariikhdu waa mahadho oo uu curiyay abwaan Maxamed Cismaan (Maxamed Dheere) taas oo ka hadlaysay sooyaalka 26 June
  8. Wasiirul dawlaha A.Dibada Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan W/Khaarajiga Faransiiska june 25th, 2011 Paris (Somaliland.Org)- Waxa maliintii khamiistii ee 23 kii bishan June soo gaadhay magaalada Paris ee xarunta wadanka Faraansiiska Wasiir dawlaha Arrimahaa Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland, Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, isaga oo ka soo kicitimay dhinaca magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxaa fagarahaa Tareenada ee Paris sii diiran ugu soo dhaaweeyaay madaxda jaaliyada Somaliland ee dagan wadanka Faransiiska oo ay ka mid yihiin C/Raxmaan Yaasiin Maxamed oo ah xidhiidhiyaha jaaliyada, horeyna u ahaa gudoomiyihii jaaliyada iyo Siciid Ismaacil Muxumed oo ah wakiilka safaarada Jamhuuriyada Somaliland ee Faraansiiska. Jimcihii waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirka xafiiskii sa Monsieur Fréderic CLAVIER oo ah ku xiigeenka Madaxa qaybta africa ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Faraansiiska iyo Mr Vincent ASTOUX oo ah sarkaal sare oo ka tirsaan wasaaradaasi. Wasiirka waxa kulaankaasi ku wehelinayaay C/Raxman Yaasiin Maxamed, Maxamuud Cabdi Dacar oo ah wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Bruxelles ee dalka Belgique iyo Siciid Ismaaciil. Mr Fréderic CLAVIER oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay wasiirul dawlaha waxa uu yidhi “Mudane Wasiir, waxaan sii diiraan kugu soo dhaweenayaa wadanka Faraansiiska. Mida xigtaa,waxaad iga gaadhsiisa salaan ka socota Madaxweynaha Wadanka faransiiska Monsieur Nicolas Sarkozy iyo aniga- ba, oo ku socota Madaxweynaha Md. Axmed Maxamuud Maxaamed Siilaanyo iyo shacabka Somaliland. ” Labada dhinaac waxay halkaasi ku yeesheen kulan qaatay saacad iyo dheeraad oo lagaga wada hadlay xiidhiidhka u dheexeeya Faraansiika iyo Somaliland. “France waxay tix-galin mug-leh siinaysaa Nabadgalyada iyo Dimuqradiyada Somaliland, waxa kale oo France Wadamada Europe dhexdooda uga olalayn doontaa in tix-galinta Somaliland mudan tahay la siiyo aqoonsi ,” ayuu yidhi Mr Fédéric CLAVIER. Sidoo kale Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada arrimaha dibada sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda waxaanu yidhi “Waxan si khaas ah u soo dhaweynaynaa inaan kor u qaadno xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Faransiiska. waxaan soo dhawaynaynaa shirkadaha Fransiiska ee doonaya in ay Somaliland maalgashadan, waxa kale oo dhiirigelinaynaa xidhiidhka dhinaca dhaqanka ee laba dadyow.” Waxaa isna wasiirul dawlaha kula kulmay xafiiskeeda Corinne BRUNON-MEUNIER, oo ah ku xigeenka Madaxa Ha’yada Horuumarinta ee Faransiiska ee loo yaqaan Agence Française de Developpement, AFD. Madame Corinne waxay wasiirul dawlaha u sheegtay inay Ha’yadeedu diyaar u tahay inay wax ka qabato Ha’yaddu horumarinta dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan xirfadaha la xidhiidha hawlaha Banaanku u qabtaan bulshada, sida uu noo xaqiijiyay C/Raxmaan Ibraahim Ismaaciil, oo ka mid ah qurba jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Faransiiska.
  9. Somaliland: State Minister for Foreign Affairs meets with top officials from France Posted on 25/06/2011 in Latest Headlines Paris (JSLTimes.com) – On Thursday, 23rd June Somaliland State Minister for Foreign Affairs Dr. Mohamed-Rashid Sheekh Hasan arrived in Paris the French capital after he departed from London. Somaliland State minister was cordially received at Paris subway by the head of Somaliland diaspora who are based in France including Mr.Abdirahman Yasin Mohamed and Mr. Siciid Ismail Mohamud who is Somaliland’s representative to France. On Friday, the State minister for foreign affairs was warmly welcomed by the office of Monsieur Frederic Clavier who is the deputy head of French foreign affairs to Africa and Mr. Vincent Astoux who is senior officer to French Foreign Affairs Ministry. Somaliland State Minister was accompanied in this meeting by Mr. Abdirahman Yasin Mohamed, Somaliland representative to Belgium Mr.Mohamud Abdi Dacar and Siciid Ismail. State Minister for Foreign Affairs meets with top officials from France Mr. Federic Clavier spoke at the meeting that he had with Somaliland State Minister for foreign affairs and he said, “We warmly welcome you to France, the second thing is that you will pass me a message of greeting to your president Mr. Ahmed Mohamed Mohamud silanyo and the people of Somaliland from the President of the Republic of France Mr. Nicolas Sarkozy.” The two sides had meeting which lasted for an hour and half and they discussed the bilateral ties between the two countries. He added by saying that the French has tremendous respect for Somaliland’s peace and democracy, and the French will lobby with in the European countries the respect that Somaliland deserves.” Mr. Frederic said Somaliland State Minister for foreign Affairs Dr. Mohamed Rashid Sheekh Hasan spoke at the meeting and thanked the officials fro the French foreign Ministry the warm welcome they provided to him and he said, “I personally welcome to enhance the bilateral ties between Somaliland and France. I also welcome the French companies which are eager to invest Somaliland, and I also foster the cultural ties between the two people.” Finally, the State Minister for Foreign Affairs met with Madam Corinne Broun Meunire, who is the deputy head of French development agency. Madam Corinne told Somaliland Minister that the agency remains ready to develop Somaliland economy
  10. Somaliland Marks Independence After 73 Years of British Rule The New York Times Sunday, June 26, 1960 HARGEISA, Somaliland, Sunday, June 26, 1960 (Reuters): Crowds danced in the streets here, bonfires blazed from the hills and fireworks burst in the sky as last midnight spelled the end of Britain`s rule in Somaliland. The country became independent after seventy-three years as a British protectorate. Political parties gave receptions to guests from all communities. The rejoicing was to continue tomorrow, a public holiday. Newly independent Somaliland plans to unite with neighboring Somalia Friday when Italy gives up her United Nations trusteeship there. The five-day hiatus between independence and merger was seen as a period of potential danger. There was fear of possible clashes with Ethiopian tribes along Somaliland`s ill-defined borders. [Emperor Haile Selassie of Ethiopia said Friday he hoped for peaceful border adjustment with free Somalis soon.] Thousands of Somalis turned out to say farewell to the British Governor, Sir Douglas Hall, and his wife. They flew to Aden. A delegation arrived from Mogadishu, the Somali capital, led by the President of Somalia Legislative Assembly, Adan Abdullah. He said the people of Somalia were eagerly awaiting independence.
  11. The Queens Message A message form the Queen was delivered in Hargeisa yesterday by Mr. T. E. Bromley. British Consul-General in Mogadishu, on the occasion on Somaliland independence day. The Message said: “I, my Government and my people in the United Kingdom, wish you well on this day of independence. The connection between our people goes back some 130 years and British administration of the Protectorate for 60 years. I look forward to a continuing and enduring friendship between our two countries.”
  12. British Rule In Somaliland IS Ended The Times Monday, June 27, 1960 Independence Day Celebrations HARGEISA, Somaliland, June 26, 1960 (Reuter): British rule ended here at midnight last night as fireworks and singing crowds heralded the Independence of Somaliland. Celebrations continued throughout the night. A big electric sign on a hillside carried the message: “Long Live independence.” Celebrations in the capital were repeated in settlements and outposts throughout the territory. The rejoicing will continue tomorrow, which has been proclaimed a public holiday. Early this morning crowds thronged the polo ground for the final act of independence. Mohammed Haji Ibrahim Egal, the Prime Minister of independent Somaliland, took an oath on the Quran to the new state and hoisted the blue and white, starred flag. Nearly 1,000 British-trained Somaliland Scouts were then handed over to the Prime Minister by Brigadier O. G. Brooks, the Colonel Commandant. After the ceremony, the crowds swarmed into the town, cheering and shouting freedom slogans. At dusk last night the band of the 1st Battalion, the Royal Highland Fusiliers, beat retreat and the Union Jack was lowered. The last toast to the Queen was proposed by Mr. P. Carrel, who was acting Governor until midnight, at a reception. He said: “This is the last occasion on which we British can offer best wishes for the future of the people of Somaliland and Somalia (the Adjacent Italian trust territory). May they have a happy life and prosperity for the rest of their days.” Union With Somalia The Prime Minister responded with a tribute to the British association, saying: “We have not always seen eye to eye, but we share a Common ideal in the simple things of life. This is not the end of British-Somali relations. These relations are simply taking another shape for the better.” Somaliland plans to unite with Somalia on Friday when Italy gives up her United Nations trusteeship there. A delegation from Mogadishu, including Adan Abdullah, who is likely to be the first President of the new republic of Somalia and Somaliland, has been greeted warmly by the crowds here. Adan Abdullah was met by the Prime minister on his arrival at the airport. Police and Somaliland Scouts lined up to give a general salute and he was greeted by a fanfare of trumpets. Adan Abdullah told the crowds that the people in Somalia eagerly awaited their independence on Friday. He said that there was no major obstacle in the way of union of both countries. There were difficulties in detail, “but there is no doubt that these will be resolved”.
  13. East Africa Marks Two New Nations The New York Times Monday, June 27, 1960 HARGEISA, Somaliland, June 26 (Reuters) – A blue and White starred flag was hoisted here today after all-night celebrations ending seventy-three years of British rule in this East African Territory at the south end Red Sea. Mohammed Haji Ibrahim Egal took an Oath on the Quran as Premier of the new nation of Somaliland. Nearly 1,000 British-trained Somali troops were handed over to him by the retiring commandant; Brig. Gen. O. G. Brooks. Mr. Egal welcomed a delegation from a neighboring Italian Somalia, scheduled to unite with Somaliland to form a republic of 2,000,000 population when Italy gives up her United Nations trusteeship Friday.
  14. Sheekh Shariif Oo Billad-Sharaf Guddoonsiiyay Ra’iisal wasaarihii Iscasilay Mr Farmaajo. Muqdisho(Ramaas) June. 26, 2011-Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay guddoonsiiyay billad-sharaf Ra'iisal wasaarihii iscasilay ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), shahaadadaas oo ka turjumaysay wax-qabadkiisii muddadii yarayd ee uu xilka hayay. Billadda ayaa lagu guddoonsiiyay xafladdii lagu maamuusayay 51-guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorinmadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo laga xusay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay wax ka qabashada musuq-maamusqa iyo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya. Xubnihii ka qaybgalayay xaflada ayaa aad ugu riyaaqay billadda la guddoonsiiyay Farmaajo, waxaana markii lagu dhawaaqay in la siinayo billad hoolka oo dhan is-qabsaday sacab iyo sawaxan muujiyay in lagu soo dhaweynayo billadda la siinayo. Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xafiiska ka tagay 19-kii bishan, kadib markii uu cadaadis badan kaga yimid dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay in ay sii shaqeyso dawlada ku meel gaadhka ah iyo in ay shacabka Soomaaliyeed ka baxaan dhibaatada sida uu ku dooday. Inkastoo Farmaajo aanu ka hadlin xaflada lagu guddoonsiiyay billadda ayaan haddana waxaan la ogeyn halka uu kici doono, balse waxa uu hore u sheegay inuu la shaqeynayo dawlada federal-ka ah ee Soomaaliya
  15. Go’aamo Hordhac ah oo Lagu Kala Saxeexday Shirweynihii Nabadeynta ee Widh-widh June 26th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland iyo ergooyinka beelaha Beelaha sool iyo buhoodle iyo garabka hubaysan ee SSC ee ka qeyb galay shirweynaha nabadda ee Widh-widh, ayaa maanta si ramsi ah u kala saxeexday heshiis hor dhac ah oo ka kooban 8 Qodob, si loogu gudbo wajiga labaad ee wadahadalada shirweynaha nabadeynta. Heshiiskan hordhaca ah waxa saxeexay dhinaca Xukuumada Somaliland Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahi Cali, ahna madaxa weftiga xukuumada u metalaya wada hadalada shir nabadeedka Widh-widh, dhinaca garabka hubaysan ee SSC waxa u saxeexay Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga C/Risaaq Xasan Ismaaciil, waxa kale oo isna wax ka saxeexay madaxa shir nabadeedkan Keyse Cabdi Yuusuf iyo laba Xildhibaan oo ka kala socday Goleyaasha Baarlamaanka kuwaas oo kala ah Md. Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo ka socday aqalka odayaasha iyo Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka socday Golaha Wakiilada. Heshiiskan hordhaca ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org waxa qodobadiisu u dhignaayeen sidan:- 1- Shirweynaha Nabadda waxa la isla gartay Nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta SSC, iyo beesha sool iyo buhoodle iyo dawlada Somaliland. 2- Shirka Nabadda ee Guuleed waxa la isla qaatay awood qaybsi siyaasadeed iyo wada tashi buuxa, waxaana lagu soo qabyo tirayaa wareega dambe ee wada hadalada shirka. 3- Shirka Nabada ee Guuleed waxa la isla qaatay in wixii ku saabsan arrimo ciidan in looga wada hadlo si hoose gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida gaarka ah ee shirka Widh-widh. 4- Shirka nabadda waxa la isla gartay in la sii daayo maxaabiista dagaal ee SSC isla markaana maxaabiista kale ee loo haysto dambiyada gaarka ah la horkeeno Garsoor lagu wada kalsoon yahay sida ugu dhakhsaha badan. 5- Shirka waxa la isla qaatay in la joojiyo dhul qodista iyo dhul durugsiga aan la ogolayn. 6- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la xaliyo shaqaaqadii iyo dhibaatadii ka dhacday Kalshaalle. 7- Shirka Nabadda ee Widh-widh waxa la isla qaatay in ahmiyad weyn la siiyo deegaamada Buhoodle iyo sool oo dib u dhac badani ka muuqdo si loo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,biyaha iyo wixii la mid ah. 8- Shirka Nabada waxa la isla qaatay in si kama dambays ah loo qaato gogol nabadeed oo ay ka soo qeyb galaan SSC iyo beesha sool iyo buhoodle inta shirka ka maqani.”
  16. Naxar Nugaaleed;730464 wrote: ^ you know there are more chinese muslims then all Somalis combined all over the world... Say walahi
  17. War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Guud Ahaan Shacabka Ku Hambalyeeyay Sanad-Guuradda 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadda Dalka. Hargeysa (Ramaas) June 25,2011 - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii oo barri ku beegan. War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray afhayeenka aqalka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla-markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo shacabka ku hambalyeynayo maalintan ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska UK. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”
  18. The Hargeysa Bridge Been opened Somaliland president opens new Sl parliament
  19. ^^ The Company is owned by one of Siilaanyos Cabinet members
  20. A list of some accomplishments of the Siilaanyo Administration. Hargeysa Bridge The berbera airport Zamzam Mineral Water Company New terminal opened Cigaal international airport