-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dhulku hadu nabad yahay wa arin wanaagsan wa in la sii xoojiya -
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
maantana nabadi ba ugly noqotay cajiib -
Well done calasow is no good
-
^^^wariyahan wir wir leh baanu widhwidh ka wereysana adeer maad naga deysiid beenta iyo broboganadada shirku gogolxaadhkisu si xawlgi ah bu u socda nabada haka hor iman yaa khadar.
-
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
8 Sarkaal oo ka Soo Goostay SSC oo ku soo Biiray Shir Nabadeedka ka Furmaya Widh-widh June 21st, 2011 Widhwidh (Somaliland.Org)- Siddeed sarkaal oo ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta soo gaadhay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, ka dib markii ay ka tanaasuleen kooxdaasi, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan shir nabadeedka maalinta bari ee arbacada ah ka furmaya magaalada Widhwidh. Saraakiishan oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Widhwidh waxa hogaaminayay guddoomiyaha gudida khusaasida (golaha dhexe) ee SSC C/risaaq Xasan Ismaaciil (Gacanlow) waxana weheliyay xoghiyihii maaliyada ee SSC, Cismaan X. Cali, xubin ka tirsan golaha dhexe oo magaciisa la la yidhaahdo Maxamed Cawil Ducaale. Waxa kale oo masuuliyiinta kooxda SSC ee Widhwidh soo gaadhay ka mid ah C/risaaq Muuse Faarax oo kooxda SSC ugu magacawnaa badhasaabka Buuhoodle iyo Mustafe Xuseen Jibriil oo isna ku magacawnaa maayarka Buuhoodle. Sidoo kale saraakiisha ka soo goostay kooxda nabadiidka ah waxa ka mid ah C/risaaq Yuusuf oo maleeshiyadaasi ugu magacawnaa aaga Tuko raq iyo Cabdi Muuse oo isna ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda nabad diidka ah iyo afartameeyo ka mid ah maleesiyadaasi. Dhinaca kale waxa magaalada Widhwidh ay la ciirciiraysaa tirada dadka u yimid ka qaybgalka shirka maanta ka furmaya magaaladaasi waxana ka qaybgalaya 250 ergo o ka kala yimid goboolada Sool iyo Buuhoodle. Shirkan nabadeed oo ay xukuumadda Somaliland u dhigtay siyaasiyiinta, isimadda, cuqaasha, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Sool iyo Buuhoodle, waxaa shirkaasi xukuumadda Somaliland matalaya wasiiradda Xanaanada Xoolaha, Dr Cabdi aw Daahir, wasiirka Duuliista iyo Hawada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, la taliyaha madaxweynaha ee gobollada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde, agaasimaha guud ee caafimaadka Md. Cabdi Guray iyo afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ah mudanayaal ka tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ah xubin sharafeed ka tirsan Guurtida. Shirkan nabadeed waxa lagu qabanayaa taandho weyn oo lagu xardhay calanka Somaliland iyo hal ku dhigyo la xidhiidha ahmiyada nabadgleyadu u leedahay bulshada. -
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War Deg Deg ah: Guddoomiyihii Guddida Khusuusiga SSC iyo Sadex Xoghaye Oo Widhwidh Soo Gaadhay Guddoomiyaha Guddi Khusuusiga Cabdirisaq Gacamay iyo odayaal ka mid ah madaxda kale ee khusuusiga oo xalay soo gaadhay widhwidh. Waxaa kaloo shirka soo gaadhay Xoghayaha Maaliyada Cismaan Xaaji Cali iyo sadex xog-haye oo kale oo ka mid ah madaxda SSC oo Tukaraq xalay ka soo baxay soona maray Buuhoodle oo soo gaadhay Widhwidh. Waxay sheegeen Kayse Cabdi Yusuf iyo masuuliyiin kale oo ayaa arrinkaas u xaqiijiyey weriyaha Somalilandfuture Online ee ku sugan Widhiwdh. Wuxuu kaloo sheegay in shirka dib u dhaciisa ay sabab u tahay, masuuliyiin faro-badan oo SSC ah oo la filayo in ay ka soo qayb-galaan shirka Widhwidh, aqbalayna casumaada shirka looga fidiyey. Masuuliyiinta kale ee shirka ka dhex muuqada waxaa ka mid ah xog-hayayaal kale oo ka tirsan SSC sida Maxamed-Case oo xalay soo gaadhay shirka. Waxaana maanta ay saxaafada ku sugan widhwidh ay si buuxda uga qaadanaysay sawiro masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee shirka ku sugan. Kayse Cabdi Yusuf iyo madax-dhaqameedada degaanka ayaa u muuqda kuwo hawl qaran oo balaadhan si hufan dusha u saaray, waxayna saldhig uga dhigayaan shirka danta iyo aayaha beesha in laga tashado, midaas oo ay si balaadhan u soo ajiibeen madax badan oo SSc ah iyo madax-dhaqameedyo badani. -
A khadar so are you saying Horurfadhi and allssc websites are not reliable sources saaxib the Chairman of the Khusuusi and other mps are now in widhwidh
-
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
A_Khadar;729788 wrote: Still waiting proof for such propaganda... Cali sabareey oo xaqiijiyay sadaxda nine ee Gostay iyo fariin ku socota shacabka SSC Waxaa aan ka xaqiijinay in ay gosteen sadaxdaas nin madaxweyne kuxigaynka SSC cali sabarey oo sheegay in ay maalmihii udanbeeyy ay wadeen qilaaf iyo dhibaato wayn oo ay doonayeen in ay kala dilaan umada SSC. Cali ayaa waxaan waydiinay Niyad jab intee la le ek ayeey ku keenayaan umada SSC waxaana uu ka dhaqaajiyay waxa y kala tageen dhibkooda wax niyad jab ah kuma keenayaan SSC waxanse u sheegaya in dhamaanbulshada SSC aysan niyad jabin. Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweyna ku xigaynka SSC cali sabarey in aysan wax dhaqaale ah ku soo qorin cismaan xaaji cali oo ahaa madaxii maaliyada iyo cabdirisaq gacmey ooahaa gudoomiyaha khusuusida umahad ssc yeesan niyad jabin waxa aan u halgamayno waa iyaha dadka wax kasta waa ay leeyihiin hawlaha maamulkune waa uu sii socondoonaan. -
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gar_maqaate;729786 wrote: Funny how these people celebrate the defections of non bodies.! adeero i wouldnt celebrate if i were you lot. kuwaani tayo ma leh ee ilmo lacagdoon baa ladhahaa. SSCna ma matalaan.! Manay ahayn Gudoomiyihi khusuusiga ahayn aad ku so doorateen buuro wadal mise aniga walaan mise wax aan tayo lahayn baad soo dooratan horta lol -
Samafal;729767 wrote: ^Anigu ilaahay ima dabo dhigin in aan geeljire is laayay aan warkooda doon doono, aqoonsina igama galin. Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan energigayga galiyo sidii aan joojin lahayn dhiiga qabaailada is laaya soomaliya oo dhan, waana arin ubaahan istraatigiyad fog oo ku dhisan in dadka la wacyi galiyo waxna la baro loona sameeyo tashiilaad kaa fiya waxa ay isku dilayaan oo ah "Scarce resources" Dee watan sheegeyo waliga dhaqanka sacuudi arabiya wala iska ilaaliya sacuudi carabiya dadka jooga waxay idhahaan waxaasi wax jira maha yaan laga hadlin yaan la sheeg sheegin marka isaga iska baaba' ya ila aan la qaban kari wayeey ciladii iyo dhibaatadi la so koobi kari wayey. imika dadka ufeyn isku laayey wax waad ka qaban karta markad warka ad toosha ku iifisid laakin hadaad tidhahdid boowe waxba ma jidhan bello ma jidho dee meel xun bey ka degeysa
-
Faroole to Laascaanood folk: Doqon Xun oon istaahilin jawaab
Xaaji Xunjuf replied to Suldaanka's topic in Politics
Barlamaanka Buntiland soo meel laga ma so dooraan ama meel kaga so magacabin regardless of wuxu u doodayo wa xubin ka mid ah barlamaanka laaking Waxa loo so magacabay xubin ka mid ah barlamaanka waxana loo magacabay inu metelo gobolo ama dad ka so jeeda mamuul beleedka buntiland. -
dee halkay ku jiraan aan so dhige eh anigu warkaas ma hayno mise adiga haya bal ino soo daa waba arin wanaagsan
-
Faroole to Laascaanood folk: Doqon Xun oon istaahilin jawaab
Xaaji Xunjuf replied to Suldaanka's topic in Politics
Are you saying the mp doesn't represent the Garaad clan according to the Garowe law? Mise meesha qayilaad bu u jooga barlamaanka -
Dee topicu ma waxa weye Somaliland qabiladooda oo is dilay mise bari oo dad isku laayeen haday tahay Somaliland reeru isku dilay dee wanu ka hadli laakin dee war jira maha mise hadaad nugu dul sameyneysa , marka adeeer waxad ka shaqeysa oo nabadoon iska dhig oo beelaha tolka eeh is dilay kala dhex gal oo heshisii intad leedahay meel kalay ka holcaysa .
-
Faroole to Laascaanood folk: Doqon Xun oon istaahilin jawaab
Xaaji Xunjuf replied to Suldaanka's topic in Politics
The Guy is an MP for the Garaad clan in the Garowe clan enclave so technically the guy represents the People of laascanood buhooodle according to the Garowe law and an attack on him is an attack on the people whom he represents or those from the garaad clan who support the garowe clan enclave. -
Intad ka shaqeyneysid eeh aad isleedahay warka yaan la sheegin oo ino qariya bustaha hoosteeda ino galiya waxad ka shaqeysa inad heshisisid labada beelood eeh is dilay eeh ufayn isku laayey taasa wax ay kugu jirta inad is leedahay war yaan lana arkin , Geeljire is laayey Somaliland anigu maba hayo dee haday jirto na dee warka waan so galin laha mise waxad rabta inan war been abuur ah sameyo looooolz
-
Faroole to Laascaanood folk: Doqon Xun oon istaahilin jawaab
Xaaji Xunjuf replied to Suldaanka's topic in Politics
Samafal;729750 wrote: Somalis see clan in everything. Where is clan in this? an old angry man was asked a question by a partlimentarian and rightly so, and did not like the question and instead ranted on the man. It was something between the two men and nothing to do with SSC. This is a classisc example of desperate clanish seccessionist trying to put hostilties between two brotherly communities for their own seccessionist agenda. But who are they kidding? Are you saying faroole didn't call the MP a doqon and it was actually the work of a seccessionist and they forcefully forced Faroole to call the ssc Mp a doqon. -
I agree with Africa own we don''t need any more political parties and i am against this whole hype of elections , elections are over there will be elections presidential elections in 4 years and Parliamentary elections in 2 years we need to work with this government and continue the hard work as a country and people. More political parties will only create more division its not like we are going to have a religious conservative party.
-
Somaliland iyo geeljire isku laayey ufeyn maxa iska galay adeer mala waad yara dawakhday anigu faraxsan halkeed igu aragtay adeer anigu warkan uun baan ku so gudbiyey sidad rabtiid u qaado mise waxad leedahay warkani ma jiro
-
Topica la qabso dee adeer sheekadu wa bari iyo ufeyn Mise waxad leedahay Aqoonsi ba yaala ufeyn ?
-
Topicu aqoosniga Somaliland maha adeer
-
Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War deg deg ah Gudoomiyihi Iyo golihi Khusuusiga ssc oo shirka widhwidh ku so biiray hadeer. Buhoodle (saraarnews) Gudoomiyaha iyo Golihi Khusuusiga kooxda Nabaddiika ahayd eeh ssc oo ay weheliyan saraakiil sarsare oo ciidan iyo wafti balaadhan oo ay hogaamiynayan ayaa hadeer ku so biiray shirka ka furmay degmada widhwidh oo lagu wado inay noqoto xarunta gobolka buhoodle imikana ay ka ocdaan dhismayaashi mamuulka gobolka iyo xafiisyadi laamaha kale eeh dawlada Somaliland. Waftigan ayaa saaka sagaalki Subaxnimo ka so kictimay degmada inteeda badani xadka la shisheeyso eeh buuhoodle waftigan gudoomiyihi Khusuusiga Gudoomiyaha Cabdirisaaq Gacmay, waxa ka mid aha mudane cismaan cali cali iyo nin la yidhaahdo Mohamad case waxayne ka mid noqon doonaan ergooyinka Balaadhan eeh shirku uga soconayo waxana la filaya inay shirka gelindoonaan naf cusub waxana la filaya inay so dhesyo sidii dadka degaankasi wax ula qabsan lahaayeen walalahooda Somaliland. Sidoo jkale waxa laga dareemaya buuhoodle iyo deganada ku xiirayn rabitaanka dadkaasi u qabaan nabada iyo so dhoweynta shirka widhwidh inkasta oo ay jiraan kooxo dumarka iyo caruurta ku baaadha deganadas colaadana aan waxba ka tarin wixi rar ah eeh ka so kordha xalaada ah ka so kordha kala soco saraarnews. -
A_Khadar;729581 wrote: NG ku noqo, Kayse never being a commander but say was part of ssc. The point here though is not what Kayse was and is now, but this so called conference is nothing but project to make money from SL since this has no Mijo & Madax. And the player of this game is Kayse now, let us see how far he gets with it. The Khusuusi Chairman just arrived in widhwidh this morning Khusuusi = ssc parliament right
-
Wafti ka socda Xukuumadda iyo Goleyaasha oo u Amba-baxay Shirka Nabadaynta ee Widh-widh“ waftiga waxa ka mid ah Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Duulista hawada, Xildhibaano agaasimeyaal guud, la-taliyaha Madaxweynaha ee Bariga” Xil. Qabile Burco(Waaheen)-Wararka la helayo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer aya sheegaya in habeenkii ay xalay ay Magaaladaasi gaadheen Wafti ka socda Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamanka oo ku sii jeeda Degmada widh-widh oo lagaga hadlayo Nabadaynta Bariga (Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, kaasoo aan ilaa hada la ogayn wakhtiga uu qabsoomi doono,. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Masuuliyiinta ku sii jeeda Widh-widh oo xalay Wargeyska Waaheen kula xidhiidhay Khadka Talefoonka isaga oo ku sugan Magaalada Burco, waxa uu sheegay in aanay ergada Dawlada ka socotaa ka mid ahayn beelaha Gogosha loogu baaqay ee la xaajinayaan, balse cida kaliya ee ay la hadlayaan ay tahay cid ay ka go’do talada Beesha Reer Widh-widh iyo Deegaamada kale ee la halmaala, isaga oo carabka ku dhuftay in shirkaasi aanu noqonayn mid ku koobnaada shakhsiyaad iyo beel gaar ah, laakiin ay doonayaan inay kula fadhsiitaan dhamaan beelaha Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle si mar looga wada doodo tabashadooda dhinacyada Siyaasada iyo dhaqanka labadaba. isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ” waxaanu joogno caawa{Xalay} Burco, waxaana laga yaabaa inaanu saacadaha soo socdo gaadhno jiida Deegaanka widh-widh, halkaasoo aanu u tagayno shirkii Nabada ee uu Madaxweynuhu ugu baaqay beelaha deegaamadaasi, kolay qoladayada Xildhibaanada ahina waanu ogaysiinay shir-gudoonka hawshaasi, markaa shirkaasi oo aan iminka wakhtigiisii aanu cayinayn, lana doonayo in uu noqdo mid aan ku koobnayn Siyaasada ee uu dhaqan lahaado ayaanu u soconaa, waxaanan rajaynayaa inuu noqon doono mid midho dhala” Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Tabasho hadii ay jirto waxa muhiim ah in laysu yimaado oo shirka laga sheego waayo waxa iminka loo socdaaba tabasho ah, markaa anagu hadii ay reer widh-widh kala qaybsanyihiin cid gaar ah oo aanu la shiraynaa majirto, Kaysena Magaca Beesha uu ka soo jeedo ma wada metelo, markaa taasi waxaan filayaa inaanay ahayn mid suurto geli karta, shirku wuu qabsoomayaa, cida loo qabanayaana waxaa looga baahanyahay inay wixii ay ka cabanayso sheegato, anigoo aaminsan in uu shirkani fursad weyn u yahay oo wakhtigeeda leh, oo balanteeda leh. Golayaasha sharci dejintana waanu u gudbinay oo waxaanu ku nidhi shirku yaanu noqon mid ku koobnaada dhaqan uun e waa in hoos loogu daadego hawshiisa oo siyaadasa qaybteeda la siiyo”. Dhinaca kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xubnaha Waftiga ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Duulista Hawada, la taliyaha arimaha Bariga ee Madaxweynaha,Agaasimaha guud ee Caafimaadka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, Afhayeenka Madaxtooyada iyo xubno kale oo aanu magac dhabin balse sida uu sheegay deegaamadaasi ka soo jeeda.
-
Sadax xubnood Oo Ka Tirsan Golaha khusuusida SSC Oo Ugostay Shirka ay Wadaan Somalidiidku Ee widh Widh Baryihii udan beeyay ayaa waxa laga waday geedaanka widhwidh shir la doonayo in lagu kala jabiyo maaulka ssc shirkaas oo ay wadaan horgalo ka soo jeeda SSC hadaba iyadoo ay la socdaan dhamaan maamulka sare ee SSC iyo shacab waynaha SSC ayaa saaka waxa dhacday in rag ka tirsan maamulka SSC khaasatan golaha khusuusida in ay u gostaan dhankaa iyo maamulka siilaanyo ee doonay in khas iyo fowdo ka dhex bilaabaan maamulka SSC, Waxa saaka cabaara sagaalkii subaxnimo dhankaas iyo widh widh u gostay sadax nin oo lagu kala magacaabo gudoomiyaha khusuusiga cabdirisaaq gacmey, cismaancaali cali , iyo nin layiraahdo mohamed case sadaxdan ayaa waxaa ay ka mid noqon doonaan horgalada cusub ee doonaya in ay kabaha u qaadaan maamulka siilaanyo ee xaqdarada ku jooga deegaanka SSC. Sidoo kale saaka aya waxaa laga dareemayaa gobalada cayn xiisad coladeed kadib markii la soohadal qaaday shirkan lagu qabanayo widhwidh ayaa dhamaan ciidanka SSC ay ku jiraan heegan wayn waxaana la filayaa in dagaal ka bilowdo widhwidh, Wixii war ah ee ka soo kordha xaalad ah ee ka soo kordha kala soco Horufadhi.com