-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
FIDHIN;731933 wrote: mad madoobaa dadku lol
-
Somaliland president Siilaanyo appoints new head of supreme court
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Cusub ku soo Kordhiyey Hay’adda Garsoorka Somaliland Hargeysa 02 July 2011 (SNN)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddooyinkaba waday wax-ka-beddel uu ku samaynayey garsoorka, ayaa magacaabay xil ku cusub hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ah Garyaqaannka Guud ee Qaranka. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed caawa laga soo saaray Madaxtooyada Md. Siilaanyo waxa uu garyaqaanka guud ee qaranka u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, kaas oo uu sheegay inuu u gartay xilkaasi oo ah mid qaranka muhiim u ah. Warsaxaafadeedkaas oo uu ku faahfaahiyey sababaha uu u doortay iyo shaqooyinka uu qaban doono, waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan inuu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, kaas oo buuxin doona xilkan oo muhiimad weyn u leh Qaranka. Xilkan oo loo baahnaa inuu xilli hore dalku yeesho waxa maqnaanshihiisa u baahday waajibaadka uu xafiiskani fulin-doono oo dhan, oo ay ka mid tahay Faafinta Xeerar iyo Shuruucda ay ansixiyaan Golayaasha Qaranku, Madaxweynuhuna Saxeexo oo aan hore u jirin. Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Markuu Ka Fiirsaday: kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay. Wuxuu go’aansaday In Mudane, Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.” -
Madal Ilyartu Isqabatay Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Mujahidiintii Ugu Badnayd Ee SNM, Oo Lagu Xusayey Taariikhdii Mujahid Maxamed Cali Dayib Oo Hargeysa Lagu Qabtay Hargeysa, July 3, 2011 (Haatuf) - Xus balaadhan oo ay ilyartu isqabtay ayaa loo sameyay Mujid Maxamed Aw Cali Cumar (Dayib) oo ku geeriyooday isaga oo ku guda jira hawlihii iyo halgan kii qaranka Somaliland, Xuskan loo qabtay Mujaahidka ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxana ka soo qaybgalay Wasiiro, Salaadiin, Culimo-awdiin, Mujaahidiin, iyo marti sharaf badan oo iskugu jira rag iyo dumar, waxana Xuskaasi lagu qabtay Hotel Emperial ee magalada Hargeysa. Masuuliyiintii ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ee dawladii Cigaal Muj. C/raxman Aw Cali Faarax (Tolwaa) Wasiirka Wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Odey, Guddomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Maxamed Kaahin, Mujaahid Ismaciil Shaqaale, Muj.Maxamed Cali Yusuf (Maydhax ), Abwaan Xassan Xaaji C/laahi (Xassan Ganay), Abwaan Xusseen Qayliye, Boqor Cali Xussen Kaahin, Suldaan Daahir Aamin, Xildhibaan Maxmud Axmed Obsiiye, Xildhibaan C/raxman Jaamac , Xildhibaan Axmed Weyn, Xildhibaan Cali Aadan Qalinle, Maxamed Cali Badde iyo dad aad u badan. Ugu horeyan waxa Taariikhdii Marxuumka halkasi ka akhriyey Xildhibaan Maxamud Axmed (Obsiiye) waxaanu sheegay in uu Mujaahidku uu ku dhashay Tuulada Xaraf waxanu yidhi “”Mujahid Maxamed Aw Cali sheikh Cumar oo ku magic dheera (dayib ) waxa uu ku dhashay Tuulada Xaraf 1951kii, waxaanu tacaliintiisi ka bilaabay Dugsi quraan, oo uu aabihii waxbarashada u bilaabay, waxanu aabihii ahaa nin sheikh , intaa kadib waxa uu galay dugsiga hoose dhexe gobolka Hargeysa, waxa uu dugsigiisi sarre ka baxay dugsiga sheikh Suufi ee Magalada Moqdisho, Alla hawnaxaristee marxuumku waxa aanu isbarnay 1974kii oo aanu ku balanay in aanu ku biirno Ciidankii xooga Soomaliyeed balse isaga nasiib ayuu u helay in uu ku biiro ciidamadaasi, aniguse waxaan galay jamacad muqdisho”.Ayuu yidhi Xildhibaanku Mar uu ka waramay Ujeedada Xuskan waxa uu yidhi “Munaasibadan waxaanu ugu tallo galnay in aanu idin xasuusino taariikhadii mujahidka oo dadkii xogogalka ahaa ee ay soo wada halgameen ay inooga sheekeynayaan, marka taariikhda mujahidku waa mid markasta muqata, waxana mujahidka loogu magic daray Iskuulka ku yaala sheikh musse Ducaale oo ah iskuul hoose dhexe ah balse isha allaahu aanu gadhsin doon Dugsi sarre.”Ayuu yidhi Xildhibanku Maxamed Cali Yusuf (Maydhax ) oo ka mid ahaa Sarakiishi SNM Xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Cigaal iyo Riyaale ayaa isaguna ka waramay Taariikhdii Mujahidka waxanu yidhi “Runtii Xafladani waxay u badnaanaysaa taariikhdii mujaahidka Illaha hawnaxaristee , marka halkan waxa ku sugan rag badan oo ay Mujahid Maxamed Cali ay saxiib ahayeen oo ay halgan adagna ay soo wada mareen, waxa ka mid ahaa Ismaciil Shaqalle oo marxuumka loowada xidhay tageeridii halganka SNM ama dalkaba lagu xoreynayey, mujahidku waxa uu ahaa ragii gaadha gaashanle ama ka sareya, waxa uu ahaa ragii ugu danbeyay ee laga soo qaado gaaskii 1aad, loona mustaafuriyo meelo kale, waxana gaaskaasi u sareyay marxuumka iyo laba nin oo kale oo midi dhintay, mujahidku waxa uu ahaa ka mid ahaa Ciidamadii xooga somaliyeed oo xilal badan oo dhinca ciidanka ah ka s oo qabtay, waxa uu ahaa ninkii ugu horeyay ee xidhiidh la sameyay SNM ee u sheega sirtii dawladii Siyaad barre, si ay uga foojignadaan shirqoolada cadawgu maleegayey, Anigu waxaan ugu tagay Magalda Geesdiir oo uu Mujahid Maxamed Cali Urur ku haysatay, waa markii shantii Sarkaal ee ugu horeyay ee SNM ay ka bexeen dalkii, oo ay abuureen unugii ugu horeyay ee SNM waxa ka mid ahaa Maxamed Kaahin, Waxa uu ahaa mujahidku ninkii la xadhiidhay Shantaasi sarkaal ee ka waraysata xalada SNM iyo sida ay yihiin, waxa kale oo uu noqday Hawlgalinta Gaaska labaad, oo Hargeysa iyo agarkeeda daganaa markii danbe SNM ayuu ku biiray oo kaalin fiican ka qaatay xoreyntii dalka Somaliland .”Ayuu yidhi Maydhax Mujahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna Xuskaasi ka hadlaya ayaa yidhi “waxaynu halkan ku xusaynaa taariikhadii xalgameed ee soo martay qarankan Somaliland, waxaan illahay ka baryayaa in ilahay u naxriisto dhammaan mujahidiintii kala duwan ee rag iyo haween lahaa ee dalkan Somaliland u geeriyooday xoreeyntooda, runtii waxaynu xusaynaa mid ka mid ahaa Halyeeyadii halgamayaasha ahaa ee xoriyadii dalkan, haddii aanay u shihiidi lahayn aanay cidin xoriyad ku noolateen, oo aasas u aha qarananimadan Somaliland ee aynu haysano, nabad gelaydan iyo nimcooyinkan aynu ku naaloonayno ragii u shahiiday ee naftooda u huray, Marxuum Maxamed Cali waxa uu ahaa ardaygaygii oo macalin ayaan u ahaa xiligii uu doonayeey in ay noqdaan saraakiil, isaga iyo gacmadheere iyo marxuuum malin dhawayd dhintay, marka anigu waan garanyaa qiimihiisa oo waxa uu ahaa nin aad u fiican xiligii halganka sidii uu u ahaa ninka milgaha iyo sharafta leh ayuu xiligii ardaynimadan uu ahaa, Maxamed Cali waxa uu ahaa nin si toos ah ula soo xidhiidh SNM, isaga oo ku sugan dalka gudihiisa waxanu kolba warbixin ka keeni jiray Shirqoolada ******tu ku jirto iyo wixii weraro ah ee ay soo wadan.”Ayuu yidhi Muj.Maxmaed Kaahin Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxman Aw Cali Faarax (C/raxman Tolwaa) oo isaguna xuskaasi ka hadlay ayaa yidhi “Marxuumku waxa uu ahaa nin ehelu Cibaado ah, hawsha uu ku dhaqaaqo isaga oo dhameeya mooyane aan ka tagi jirin oo hawlkar ah, daacad u ah qadiyada uu aaminsanaa ee SNM markii dalka la soo galayn kaalin aad u mihiim ah ayuu ka soo qaatay, anigu waxaan ahaa wakhtigaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Somaliland isaguna waxa uu ahaa wasiirkaygii gaashandhiga, Illahay ha u naxaristee waxa uu ka soo qaybqaatay hubka dhigidii dalka laga sameynayey, oo nabadgelyadeed iyo hasiloonideenu ku xidhnayd, waxa uu ka qaybgalay qaramayntii ciidamda Somaliland ee dhidibada loogu taagayey, ragii hawlaha ugu badan qabtay waxay ahayeen Alla hawnaxariistee Maxamed Cali dayib iyo Ismaciil Shaqale iyo rag kale oo badan, Allah Hawnaxariistee waxa uu geeriyooday isaga oo hawshii qaranka ku guda jira, Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in aan maalinba mujahid la xusin ee dhammaan mujahidiintii SNM mar qudha lawa xuso oo xaflad weyn loo sameeyo” C/raxman Tolwaa. Mujahid Ismaciil Shaqale oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi ”Maxamed Cali waxa uu ahaa Geesi ka tirsanaa Saraakiishii SNM, Aniga iyo mujahidka waxa na soo martay saddex xaalo, isaga oo ah madixii hawlgalinta gaaska 2aad ayuu si toos ah u tagi jiray Sayla, oo uu halkaasi kula kulmi jiray mujahidiintii Dibada joogtay ee SNM, waxaanu u geeyan jiray wixii warar ah ee uu hayey, Gurigiisa oo ku yaalay halkan xassan rakub agtiisa ayaanu ku shiri jirnay oo uu nasiin jiray wixii war ah ee jira halkaas ayaanu warka ku kala qaadan jirnay, mararka qaar waxaanu is odhan jirnay bilay idin sheegta Qoladii dhagta la odhan jiray , Mujahid Maxmed Cali waxa uu ahaa nin aan ka baqan Dawladii Siyaad barre waayo waxa uu bixinayey ee uu sheegay waxay ahayd sirtii Dawladiii Siyaad barre, Arinta labaad waxay ahayd xabsigii hangashta ee Xamar ayaanu 6 Billood ku wada jirnay, xabsigaa waxa uu noogu ahaa macalin 21serkaal ayaanu ahayn oo isagu nagu jiro, illahay hawnaxaristee Cabdi malaw ayaa noogu da’ weynaa, Mujaahid Maxmed Cali waxa uu nabaray Diinta oo ay ka mid ahayeen Axaadista rasuulkeeni subanaa laga soo wariyey, waxa uu ahaa Imaamkayagii na tukun jiray salaada, Jeelkaasi markii aanu ku jirnay muddo 6 Billood ah waxaanu ku tashanay in aanu ku biirno SNM haddii illahay meeshasi idinka sii daayo, tiina waanu oofinay oo markii lana siidayay SNM ayaanu ku biirnay, Mujaahidku waxa uu ka qaybgalay dagaalo badan oo uu qaar badan hogaaminayey guullo waayeyna wuu ka soo hooyay.” Ismaciil shaqale Waxa kale oo si wada jir ah uga hadlay taariikhdii Mujaaahid Maxamed Aw Cali Cumar (Dayib) Abwaanka weyn Xassan (Ganay) Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada Xildhiban Axmed (Wayne) iyo Xildhibaan Dhugad oo ka tirsan Xildhibanda Golaha guurtida waxayan dhammaantooda hoosta ka qariiqeen kalintii uu Xoreynta Somaliland uu ku lahaa mujahidku iyaga oo sheegay in uu ahaa nin geesi ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisaba. Xildhibaan C/raxman Jaamac (Koofiyad dheere) oo ka mid ah Xildhibaanda golaha Guurtida ayaa isaguna ka warbixiyey taariikhdii mujahid maxamed Cali dayib iyo kalintii firinfircooneyd ee uu ka soo qaatay halgankii SNM, waxa kale oo uu sheegay in markii uu dhintay Mujahid Maxmed Aw cali Cumar (Dayib) oo wakhtigaasi ka tirsan wasiiradii dawladii Cigaal, uu maalintaasi Madaxweyne Cigaal ilahay hawnaxariistee uu xabaashii ka dul yidhi illahaw Maxamed Cali waa ka dhintaye qof isaga oo kale oo fiican noogu badal, marka Mujaahidku waxa uu ahaa nin qaali ah.”Ayuu yidhi Xildhibaanku Waxa kale oo isaguna halkaasi ka halday wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, waxa uu isagu ka sheekeyey Taariikhdii halanka kaga jiray Mujaahid Maxmed Aw cali dayib waxanu sheegay Mujaahidku ahaa nin geesiya oo aad u jecela nin Somaliland xor noqoto, waxa kale oo uu Xusay in Marxuumka ay isku wanagsanyeen oo ay muddo is yaqaanen , waxa uu hoosta ka xariiqay in ay fiican tahay in Mujaahidka loo dhiso Misaajiid, si uu ajar ugu socdo “.Ayuu yidhi Wasiirku Gabogabadii waxa hadal Kaftan ah iyo Taarikhdii Mujahidka halaasi ka jeediyey Muj.Muuse Biixi Cabdi waxanu sheegay in Mujaahidka ay ahyeen Saxiib, isaga oo xusay in markii uu geeriyoonyey mujahidku uu aha qofkii ugu danbeyay ee ay wada socdeen, waxa kale oo uu sheegay in ay hawlgalo badan soo wada fuliyeen, waxa kale oo uu sheegay in mujahidku ahaa nin dagaalo badan galay guulana ka soo hoyey.
-
Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kula Kulmay London Diblomaasiyiin iyo Masuuliyiin Sare Sun 03rd Jul,2011 London (Jam)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo muddoonkii u dambeeyey booqasho ku joogay waddanka Ingiriiska, ayaa dhawaan kulamo gooni-gooni ah la yeeshay diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Britain iyo dalal kale. Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu ugu kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Koonfur Afrika ee Ingiriiska masuuliyiin sare ee safaaraddaas, kuwaasoo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaanna waxa uu uga warramay doorkii reer Somaliland ka qaateen halgankii shacabka reer Koonfur Afrika kula jireen nidaamkii midab-takoorka ahaa. Sidoo kale waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan warbixin kooban ka siiyayay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, isagoo ku dheeraaday arrimaha nabadgalyada iyo la dagaalkan budhcad-badeedka. Waxa uu intaa ku daray hawlaha uu qabto xafiiska Somaliland ee Koonfur Afrika iyo doorka jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas, isagoo faahfaahinna uga bixiyey xidhiidhka Somaliland iyo ka dhexeeya dalalka kalee Afrika. Masuuliyiinta sare ee ka socday dalka Koonfur Afrika, ayaa iyaguna dhankooda su’aalo ku saabsan horumarka Somaliland ka samaysay dhinaca la-dagaalka budhcad-badeedda iyo la dagaalanka argagixisada weydiiyey Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan. Wasiiru-dawluhu waxa kaloo kulamo la yeeshay masuuliyiinta sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, oo ay ka mid yihiin kuwa qaabilsan arrimaha Somaliland, waxaanay dhinacyadu ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya iyo kor-u-qaadidda kaalmada dawladda Ingiriisku siiyo Somaliland, iyagoo wax ka weydiiyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland iyo rrimaha firashada ururrada siyaasadda. Isla maalintii Khamiistii ee la dhaafay waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan kulan gaara la yeeshay odyaga ruug-caddaaga sida aadka ah ugu ololeeya qaddiyadda Somaliland xildhibaan Lord Eric Avebury, isla markaana ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska, kaasi oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa ee dardar loo galin lahaa saaxiibbadda Somaliland ee Baarlamaanka Britain, waxaannu wasiiirku u soo jeediyayay inay ka taageeraan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururka Barwaaqa-sooranka ee Common Wealth. Dr. Maxamed-rashiid waxa kulankaas ku weheliyay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururrada ictiraaf-raadinta Somaliland ee UK, kuwaasoo dhankooda iyaguna uga xog-warramay doorka qurba-joogga reer Somaliland kaga jiraan horumarka dalkooda iyo siday uga mid noqon lahaayeen beesha caalamka. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland oo beryahaba booqasho ku joogay waddanka Britain, waxa kulamo la yeeshay masuuliyiinta jaaliyadda Somaliland ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, isagoo Faransiiskana kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Waxa kaloo uu kulamo gooni-gooni ah magaalada London kula yeeshay saaxiibbadda Somaliland ee UK.
-
Somaliland: 4 star hotel opened with shopping center in burco +VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=G144HYPQ7IQ" frameborder="0" allowfullscreen> -
Cudud Baan Ku Gaadhnaye Xornimo Cidi Namay Siine ( Gabay)
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Nacam cudud baanu ku gaadhnaye xornimo cidi namay siin, La isma Siiyo bahasha Abdi Siyaaro allow Cimriga ku dheere -
-
First of july the day that changed Somaliland for good.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The Zack;731924 wrote: ^No he is saying take a break and let some days pass by without you posting crap . July 1st is a great day, indeed. And since when did you became his afayeen If first of july is a great day than i agree with that don't call it crap. -
Ethiopia Population estimated to reach about 278 million in 2050.
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Saalax;731917 wrote: The Zack Ethiopia is the neighbour of Djibouti, Somaliland, Kenya, South Sudan, Sudan, Eritrea, Somalia. It's rapid population growth will have somekind of effect on neighbouring states. True indeed -
First of july the day that changed Somaliland for good.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Che -Guevara;731868 wrote: I would imagine even the Devil takes a day off-take a day off XX. Are you saying first of july was not a historic day che, it changed our future for sure. -
Somaliland President accepts Invitation from South Sudan
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Well done president Siilaanyo he will visit south sudan juba soon. -
War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Hargeysa(Ramaas) July. 2, 2011- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goordhawayd u magaacabay guddoomiyha maxkamada sare oo loo magacaabay Yuusuf Ismaaciil Cali , kaasoo si weyn loo filay magaabistii toddobaadan. Masuulka loo magacaabay maxkamada sare ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Sayla oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, waxaan uu badeli doona Dr Maxamed Ismaaciil Oomane oo bishii hore Madaxweynuhu xilkii ka qaaday,ka dib markii sida uu hadalka u dhigay Mr Siilaanyo uu ku eedeeyay in uu galay qaladaad badan oo dhanka cadaaladda ah,laakiin waxa laga dhursugayo ayaa ah ansixinta labada gole oo la horgayn doono dhawaan,iyada oo maanka lagu hayo sidii ay xildhibaanada labada gole ugu kala aragtida duwanaayeen maamuus ka xayuubinta Dr Oomane. Goor dhaw waxaanu akhristayaal idiin soo gudbin doono nuxurka war-saxaafdeedka magacaabista guddoomiye maxkamada sare iyo badhasaab cusub oo loo magacaabay gobolka Awdal
-
Somaliland Chief Caaqil Ducaale idriis Historic Picture 1874
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
He was an influential tribal chief in the late 19 century and begin 20 century he instigated the Sultan nur raids against the brits in 1897 in berbera ,chief caaqil ducaale idriis the picture was taken in Adan Yemen. -
Axmed Xaabsade oo Shir laqaatay Saraakiisha Sarsare ee SSC iyo Beeshiisa
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
^^:D:D -
If we look back at this historical day it was precisely a year ago when the Muujaahid was declared as the new president of the republic of Somaliland it was that special day the first of july when 3.8 Million Somalilanders were waiting for the resuts of the presidential elections The day where the electoral Commision of Somaliland worked so hard to Monitor the elections process along with the international observers the first of july was the day where we gathered in Hargeysas Maansoors Hotel and the presidential results were made Public to the People of Somaliland special thanks to Mr Ciise yusuf Xamari the Chairman of the electoral Commision of Somaliland. First of july is indeed the day that changed Somaliland for good and is the day Mujahid Ahmed Mahamuud Siilaanyo was announced as the newly elected president of the republic of Somaliland for 5 years. A great day to remember for all Somalis with a great result and a Milestone in Somali History A shining example for us to follow for genereations to come in the future inshallah.
-
Interesting timing there Mr Museveni.