Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Now, when one points out the glaring reality that Somalia in general (and in sotto-voce sense, pirate-land in particular) are faring in comparison to Somaliland; you, once again, like a manner, that would of have make that "old Jewish lady" proud, decided to regale the gallery that is SOL, your "imagined imperfection", in which, you, alone are privy to it, whereby to boot, Somaliland seemed to be suffering from it. ;)
  2. our girls are unique i have to say i hardly compare them to other woman
  3. Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana casho sharaftaasi goob joog ka ahaa Madaxweyneyaasha Simbabwe iyo Ereteriya. Robert Mugabe isayas afewerki and Ahmed Siilanyo having dinner tonight in Juba . hala dhargo oo calasoosha hala tiiryo beritoole na wa ino iyo xafladi
  4. Hogaamiyaha Koonfurta Suudaan oo casho sharaf u sameeyay Madaxweyne Siilaanyo July 8th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galaba gaadhay magaalada Jubba ee koofurta dalka Suudaan kuwaasi oo Sabtida barri ka qeyb galaya dabaal dega wanqalka dalka cusub ee ka dhashay koonfurta Suudaan kaasi 54aad ee ku soo biira qarammadda xorta ah ee Afrika. Weftiga Madaxweynuha waxay gaadheen magaalada Jubba 5:45 galabnimo waxaana madaarka ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawlada cusub ee maanta loo wanqalayo jiritaankeeda iyo Guddida u qaabilsan soo dhawaynta madaxda tirada badan ee ka socota beesha caalamka ee lagu casuumay xaflada dabaal dega dalkan. Waxa kale oo Madaxweynaha madaarka Jubba ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo La Taliye u ah dawlada cusub ee ka dhalatay koonfurta Suudaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa waxa la dejiyay Huteel weyn oo ku yaalla magaalada Jubba,halkaasi oo ay degeen badi madaxda adduunka ka socotaa. Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana casho sharaftaasi goob joog ka ahaa Madaxweyneyaasha Simbabwe iyo Ereteriya. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta iyo biyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo 15 Suxufi oo ka kala socday dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland. Weftiga madaxweynuhu waxay shalay galab ka dhoofeen garoonka caalamiga ah ee Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Magaalada Juba waxa ku sii qul qulaya madax badan oo ka socota caalamka oo goob jog ka noqonaya dalkan cusub ee ka go’ay dhul weynaha Suudaan, ka dib markii sanadkii 2005 dawladda Suudaan iyo jabhadii koonfurta Suudaan ay ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo dhigayay in gobolada koonfurtu ay ka go’I karaan waxa afti laga qaaday shacbiga ku dhaqan koonfurta Suudaan Bishii January ee la soo dhaafay ay 99% doorteen inay madax banaanidooda ka qaataan wadanka Suudaan.
  5. Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii u Horaysay Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Ingiriiska July 8th, 2011 Addis ababa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii u horaysay kulan kula yeeshay magaalada Addis ababa Wasiirka Arrimaha dibada Dalka Ingiriiska Md. William Jeffer Hagu oo maanta socdaal qaatay muddo shan saacadood ah ku yimid dalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ingiriisku waxay ka wada hadleen sidii loo sii balaadhin lahaa iskaashiga iyo wax wada-qabsiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska. Waxa kale oo ay iska xog waraysteen xaalada nabadgelyo ee mandaqada Geeska afirka iyo sidii ay Somaliland door muhiim ah uga qaadan lahayd xasilinta gobolka qalalaasuhu hadheeyay. Madaxweynaha Somaliland waxa uu kale oo uu Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiska ka dalbaday in dalkiisu kaalin ka geysto sidii Somaliland oo ah qaran madax banaan oo dimuqraadi ahi aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka. Wasiirka Arrimaha dibada Britain Md. William Jeffer Hagu, waxa uu sheegay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu la shaqeeyo Somaliland isla markaana la sii xoojiyo cilaaqaadka labada wadan. Waxaanu Somaliland ku ammaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jirto nabadgelyada iyo dimuqraadiyada gobolka. Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu maanta dalka Itoobiya u yimid inuu la kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi iyo Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha Somaliland waxa kulankaasi ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada, halka Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiskana uu wehelinayay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya. Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khamiistii kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Ingiriiska markab dagaal oo ku soo xidhay dekada Bebera. ka hor intii aanu weftigii Madaxweynuhu ka dhoofin magaalada xeebta ku taalla ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
  6. A_Khadar;732692 wrote: The queen bounced back to its orphans.. Enjoy the praises if that releives 20+ years of cabaad for recongnition. This is what i call cabaad
  7. A_Khadar;732699 wrote: Is s/l included that somalis of somalia?? No Somalis from Kenya Somalis from Djibouti Somalis from Somalilannd Somalis from Ethiopia are not included Somalis from Somalia that's what oodweyne is talking about.
  8. Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu soo dhaweeyay Koonfurta Suudaan July 8th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galaba gaadhay magaalada Jubba ee koofurta dalka Suudaan kuwaasi oo Sabtida barri ka qeyb galaya dabaal dega wanqalka dalka cusub ee ka dhashay koonfurta Suudaan kaasi 45-aad ee ku soo biira qarammadda xorta ah ee adduunka. Weftiga Madaxweynuha waxay gaadheen magaalada Jubba 5:45 galabnimo waxaana madaarka ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawlada cusub ee maanta loo wanqalayo jiritaankeeda iyo Guddida u qaabilsan soo dhawaynta madaxda tirada badan ee ka socota beesha caalamka ee lagu casuumay xaflada dabaal dega dalkan. Waxa kale oo Madaxweynaha madaarka Jubba ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo La Taliye u ah dawlada cusub ee ka dhalatay koonfurta Suudaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa waxa la dejiyay Huteel weyn oo ku yaalla magaalada Jubba,halkaasi oo ay degeen badi madaxda adduunka ka socotaa. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta iyo biyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo 15 Suxufi oo ka kala socday dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland. Weftiga madaxweynuhu waxay shalay galab ka dhoofeen garoonka caalamiga ah ee Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Magaalada Juba waxa ku sii qul qulaya madax badan oo ka socota caalamka oo goob jog ka noqonaya dalkan cusub ee ka go’ay dhul weynaha Suudaan, ka dib markii sanadkii 2005 dawladda Suudaan iyo jabhadii koonfurta Suudaan ay ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo dhigayay in gobolada koonfurtu ay ka go’I karaan waxa afti laga qaaday shacbiga ku dhaqan koonfurta Suudaan Bishii January ee la soo dhaafay ay 99% doorteen inay madax banaanidooda ka qaataan wadanka Suudaan.
  9. Weftigii labaad ee Ka Socda Somaliland oo u Kicitimay Koonfurta Suudaan July 8th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada oo ay weheliyaan Wasiirrada Beeraha, Macdanta iyo biyaha xildhibaano ka tirsan labada gole ee sharci dejinta iyo shan iyo toban suxufi oo ka kala socday qaybaha warbaahinta ayaa maanta u baqoolay koonfurta Suudan. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Cabdi casiis Maxamed Samaale, oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Cigaal international Airport ayaa sheegay in weftigani ay qayb ka yihiin weftigii balaadhnaa ee uu horkacayay M/weynaha J.S.L ee lagu martiqaaday xuska iyo debaaldega ku dhawaaqista madaxbanaanida koonfurta wadanka Sudan oo maalinta Bari ah si rasmi ugu Madax banaanaanaya Sudan intiisa kale ,taasoo maalinta bari ah lagu qaban doono caasimada dalka cusub ee Juba. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladu Md.Samaale waxaa uu tilmaamay in socdaalkoodan ay uga faa’iidaysanayaan sidoo madaxda aduunka ka socota ay ugu bandhigi lahaayeen qadiyada aqoonsi raadineed ee Somaliland. Sidoo kale qaar ka mid ah suxufiyiintii weftigan raacay ayaa balan-qaaday inay xogo badan u gudbin doonaan hogaamiyayaasha adduunka isaga kala imanaya isla markaana ay faahfaahin ka siin doonaan maraaxilkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tan iyo markii ay dib ugula soo noqotay xoriyadii ka luntay 1960kii iyo dariiqii ay ku abuurtay nabadgalyada,dhismaha haykal dawladnimo,horumarka iyo dimuqraadiyada ay hirgalisay,isla markaana ay kala doodi doonaan sababta kaliftay inay dunidu indhaha ka qarsato xuquuqda ay umadani u leeyihiin in la aqoonsado. Weftigan waxaa ku sii sagootiyay Madaarka Cigaal Airport Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaam Maxamed Cabdilaahi [Cabdilaahi Cirro] weftigan waxaa garoonka ka qaaday diyaarad Khaas ah oo loo soo diray. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa iyaguna shalay u kicitimay koofurta Suudaan halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan dabaal dega wanqalka dalka cusub ee ka dhashay koonfurta Suudaan oo loo damaashaadi doono maalinta bari ee Sabtida
  10. Somaliland President Ahmed Siilaanyo today left for South Sudan to attend the Declaration of Independence of the Republic of South Sudan on the 9th of July, 2011 Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo leaving for South Sudan today at Berbera International Airport 7th July 2011 Berbera-Somaliland President Ahmed Siilaanyo received an official invitation from the president of South Sudan Salva Kiir to attend the Declaration of Independence of the Republic of South Sudan on the 9th of July, 2011. South Sudan is set to become the 54th nation in the African continent after long fought civil against Northern Sudan’s rule that saw thousands of lives lost and millions displaced. The invitation of Somaliland’s president Ahmed Siilanyo to South Sudan’s historic day has been welcomed with delight in Somaliland by both the government of Somaliland and its citizens. Somaliland believes it could use the south’s independence as a precedent as it seeks more support for its case for international recognition and become the 55th nation in the continent after South Sudan. Some foreign observers and politicians believe the Juba government will recognize Somaliland which will pave the way for other regional powers to follow. Somaliland became a British protectorate in 1888 after the Berlin Conference of 1884-85 during which the European Powers effectively carved up the African continent between themselves. It was in June 26th 1960 upon an agreement signed between Britain and Somaliland that it became an independent country. At that time Somaliland was formerly recognized as the Republic of Somaliland by the UN and 34 countries, including Britain, USA and Egypt. Somaliland willingly decided to unite with South Somalia formerly Italian Somalia on July 1st, 1960 when the South gained their sovereignty from Italia. Somaliland however reclaimed its Sovereignty in 1991 after the overthrow of former dictator Mohamed Siyad Bare and his henchmen after a long brutal civil war.
  11. But the two swedish journalists still crossed the border illegally.
  12. Nazret.com Thursday, July 07, 2011 You have heard the news, two Swedish journalists embedded with the rebel group ONLF have been detained by security forces in Ethiopia, accused of entering the country illegally. According to news reports, the two journalists were traveling with an armed group of ONLF in Ethiopia's Somali region, also known as the O'gaden, to file a story about the situation in the region. Ethiopia bans all journalists to travel to the region, so these journalists are alleged to have had crossed over the border from Somalia, illegally. The Ethiopian security forces said they killed 15 rebels and captured six in a raid against the ONLF. The two journalists sustained only minor injuries. Obviously the journalists risked their lives to report from the region and should certainly be grateful that they are alive. Based on initial reports and government sources, the two journalists broke the law, by entering the country illegally. Now the question is, will Ethiopia give them a break based on the passport they hold or will they be treated like any other? Source: Nazret
  13. President Silanyo meets EU delegation Hargeisa (JSLTimes.com) -the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo today meets with a delegation headed by head in charge of Development to EU. This was said in a press release issued today from the presidential palace and it was written in this way ;- “The president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo meets today at the presidential palace a large delegation from EU and headed by Andris Piebalgs who is the commissioner for the development and they paid a visit to Somaliland.” The president of Somaliland Mr. Silanyo told the delegation the current situation of Somaliland be it security, education, health and the economy. The president also told what his administration accomplished during their short period they have been in power and long term plans. The head of the delegation Mr. Andris Piebalgs congratulated the president and the people of Somaliland on the warm welcome and hospitality they received. The delegation encouraged Somaliland in their efforts to achieve development and building government and democracy. He further added by saying that the EU is ready to assist Somaliland when it comes to building roads, Berbera port, and water projects. Moreover, he said that the EU will play a vital role on providing people enough water and redouble their efforts in relation with the aid in assisting Somaliland. He said that they will honor their commitments as assured before. Finally, the delegation told the president that they are contented with matters discussed in
  14. Nabad_dadaye;732457 wrote: Allaha u naxariisto maruum maxamed ow cali . Amiin ilahay na qabriga ha u nuuro
  15. Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha UDUB oo u ambabaxay Berbera si ay ugu dhoofaan Dalka Koonfurta Suudaan Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa gaadhay magaaladda berbera halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan Koonfurta Dalka Suudaan oo ay kaga qayb galayaan Munaasibada Gooni isutaaga Dawladda Cusub ee wanqasheeda lagu qabanayo Caasimada Dalkaasi ee Jubba Wararka aanu ka helayno magaaladda Berbera ayaa sheegaya Madaxweyne Siilaanyo inuu fuulay Markab taagnaa Badda dusheeda kaasoo laga leeyahay Dalka Ingiriiska oo uu qado kula yeeshay madaxdii saarnaayd kuwaas oo aan ilaa hada la ogayn ujeedada ay ka wada hadlee. Hase yeeshee waxa Qorshaha kulankaasi isagu hore u sii diyaariyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo isagu Madaxweynahja hortii sii joogay. Waxa kale oo lagu soo waramayaa intii uu weftigu dhexda ku sii jiray inuu gaadhiga Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Xasan Cali Dheere uu jiidhay laba nin oo shicib ah oo midkood bartii ku geeriyooday halka kii kale dhaawaciisa laga keenay Cisbitaalka Hargeysa. Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa isna maanta gaadhay magaaladda Berbera waxaana la filayaa inuu si madax banaan halkaas uga dhoofo isagoo sii mari doona Imaaraadka carabta Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay raaceen Xubno kooban oo ka tirsan Xukuumaddiisa hase yeeshee waxa uu magaaladda Hargysa kaga tegay Wariyayaashii aay u balan qaadeen inay raaci doonaan kuwaas oo la sheegay inay bari ambabixi doonaan inkastoo laga muujinayo cabsi ah inaan qorshaha safarkoodu cadayn iyadaoo taas na loogu malaynayo Af-hayeenkii Madaxtooyadda ee hawshooda waday oo isagu dalka ka dhoofaya daraad isla markaana u kicitimay Jubba
  16. What are nabadiid singers doing in hargeysa. In the first place