-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland security forces capture suspected killers in laascanoood
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidamadda Amaanka Laascaanood oo qabtay Sadex Qof oo sitay qalabka loo Adeegsado Qaraxyadda Laascaanood(Waaheen) Ciidammada ammaanka ee gobolka Sool ayaa maanta gacanta ku dhigay sadex qof oo ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay fuliyaan dilalkii bilihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali. “Hawl gal ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ay fuliyeen waxay xalay ku soo qabteen sadex qof oo ka mid ah dadka ku eedeysan inay fuliyaan qaraxyada iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa qabashadoodu ka dambeysay markii ciidammadda ammaanku ugu galeen guri ay deganaayeen oo ku yaala magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, oo caawa aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay. Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.” Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu awooda saari doonaan sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen isla markaana wax ka qaban doonaan falalka nabadgelyo darro. dhinaca kale, ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay magacyada sadexda qof ee la qabtay oo mid ka mid ahi gabadh tahay waxaanay kala yihiin sidan Maxamed Ibraahim Cabdilaahi, Maxamed Faruur Cali Xaad iyo Sahra Maxamed Cumar oo la sheegay inay iyadu soo sahamin jirtay dadka la dilayo. -
HARGEISA (SomalilandPress)– Dahabshiil Money transfer one of the top money transfer service in East Africa has directly donated $100,000 to the Somali drought relief according to the President of the company Mr. Mohamed Said Duale. Speaking to the press at his office Mr. Duale said that this immediate $100,000 dollars donation is just the beginning and that more funds is to follow from both the company and its employees. Mr. Duale went on to say it is the responsibility of all Somalis and none Somalis to immediately help with the worst drought that the Somali people have seen in recent times. In addition to this $100,000 that the company has made it available immediately to relief rescue the company is also going to be given 1% discount for all transaction during the holy month of Ramadan. Dahabshiil money transfer is known for its charity work in all the countries that it operates from; Dahabshiil’s is also known to donate 5% of its annual profit to development, education and health care projects that support local communities.
-
1st of August and first day of Ramadan coinciding
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Happy first of july reer pudhlayn -
Somaliland: House Of Representative Approves Bill Of Forming Political Parties. Posted on 31/07/2011 Hargeisa (JSLTimes.com)-Members of Somaliland House of Representative held their session in the parliamentary premises as usual and approved the Bill of formation of more political parties and the amendment of the law of elections. The session was chaired by the speaker of the House of Representative Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi known as ‘Cirro’. Forty-nine MP’s attended today’s session in order to make their voice heard when it comes to approving the Bill of forming political parties. When the voting process started, twenty-nine MP’s voted in favor of passing the Bill, four MP’s refrained from the voting process while fifteen MP’s voted against the bill. The parliamentary speaker did not cast his vote. Finally, the speaker of the House of Representative announced that the Bill is officially approved. The Bill includes money which the coming would –be –political parties are expected to pay and the amount is estimated to be around 20, 000 dollars which is equivalent to 150 million Somaliland Shillings. The bill is expected to be submitted the House of Elders with in the coming days in order to reach a final verdict on the bill. The three existing political parties were strongly opposed the formation of political parties. However, the public greeted with a joyous welcome to this long awaited verdict and those who have a desire to contest the forthcoming elections. Once the House of Elders make their decision on the bill, it will be submitted to the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud known as ‘Siilaanyo’ to put the pen to paper and sign the bill. Once the president ratifies the bill, it will be put into immediate effect. On the other hand, Somaliland House of Representative will be on a short recess for six weeks.
-
Somaliland security forces capture suspected killers in laascanoood
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.” Well done Somaliland security forces -
Badhasaabka Sool oo ka hadlay sadex qof oo dilalka ka fulin jiray Laascaanood oo la qabtay July 31st, 2011 Hargeysa (Somalialnd.Org)- Ciidammada ammaanka ee gobolka Sool ayaa maanta gacanta ku dhigay sadex qof oo ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay fuliyaan dilalkii bilihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali. “Hawl gal ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ay fuliyeen waxay xalay ku soo qabteen sadex qof oo ka mid ah dadka ku eedeysan inay fuliyaan qaraxyada iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa qabashadoodu ka dambeysay markii ciidammadda ammaanku ugu galeen guri ay deganaayeen oo ku yaala magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, oo caawa aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay. Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.” Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu awooda saari doonaan sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen isla markaana wax ka qaban doonaan falalka nabadgelyo darro. dhinaca kale, ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay magacyada sadexda qof ee la qabtay oo mid ka mid ahi gabadh tahay waxaanay kala yihiin sidan Maxamed Ibraahim Cabdilaahi, Maxamed Faruur Cali Xaad iyo Sahra Maxamed Cumar oo la sheegay inay iyadu soo sahamin jirtay dadka la dilayo.
-
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
Xaaji Xunjuf replied to SomaliNationalist's topic in Politics
I wish the people for Somalia the same -
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
Xaaji Xunjuf replied to SomaliNationalist's topic in Politics
^^ Thats what you love to see and why would the people of Somaliland dismantle their own country have u ever seen the United states dismantle their own country just for the love of canada -
Somalia: Puntland Oil is transformational moment for the Somali's...
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Carafaat;737609 wrote: All those countries are monarchies ruled by despote leaders who can impose their rule. So explain how you will prevent that those rescources become a curse. Good point -
Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka furista Ururada siyaasadda July 31st, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay Xeerka furashada ururadda siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka doorashooyinka. Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somailand Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madashada ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiilada, waxa ogolaaday 29 Mudane, waxa diiday 15 Mudane, waxa ka aamusay 4 Xildhibaan Guddoomiyhuna muu codayn.sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka furista ururada siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka hawada. Xeerkan waxa ku jira lacag deebaaji ah oo lagu xidhay inay bixiyaan ururada siyaasada ee dalka ka furmaya oo qadarkeedu yahay 20 kun oo dollar oo u dhiganta 150 Milyan oo shilinka Somaliland ah. Xeerkan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Aqalka odayaasha Somaliland si ay iyaguna go’aan uga gaadhaan arrintan. Sadexda xisbi qaran ayaa hore uga soo horjeedsaday furista ururada siyaasada hase yeeshee waxa soo dhaweeyay rayul caamka bulshada Somaliland iyo dadka hungurigu kaga jiro inay tartamaan. Dhinaca kale, Golaha Wakiilada Somaliland ayaa galay fasax dhan 6 todobaad.
-
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeerka Furashada Ururada Iyo Golahaas Oo Fasax Galay. Hargeysa (Ramaas) July. 31, 2011- Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aan buurnayn ku meelmariyay xeerka furashada ururada siyaasada oo ahaa mid xasaasiya oo ay dhinacyada siyaasadu ku aragti duwanaayeen. Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaa oo ay ka soo xaadireen 49 xildhibaan oo ka mida 82-ka mudane ee uu aqalka wakiiladu ka kooban yahay. Xildhibaanada golaha ayaa cod u qaaday xeerkan , ka dib markii uu sidaas ku wargeliyay guddoomiye Cirro, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 29, waxa diiday 4 mudane , waxaana ka aamusay 15 xildhibaan guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaa lagu ansixiyay xeerka furshada ururada siyaasada. Ka dib markii ay dhamaatay ansixintu waxa uu guddoomiyaha golaha wakiiladu Cabdiraxmaan Cirro, uu wargeliyay in uu mudanayaashu ay fasax geli doono wakhti ku siman ilaa 6 toddobaad. Xeerka maanta la ansixiyay waxa ku kala aragti duwanaa dhinacya ku loolamayo masraxa siyaasada ee dalka, xukuumada ayaa doonaysay in la furo ururo siyaasadeed oo cusub, taasoo qayb ka ahayd ballan qaadkii ay ololaha ku gashay, iyada oo rag badan oo ka mida golaha wasiiradu ay quudaraynayaan in ay ka qaybgalaan nidaamka siyaasadeed ee cusub, halka ay saddex xisbi oo uu ka mid yahay xisbiga talada ee Kulmiye ay ka soo horjeedaan furista ururo cusub oo siyaasadeed, laakiin markan waxa ay u muuqataa in la suuldaaray qorshoodii diidmada ahaa.
-
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
Xaaji Xunjuf replied to SomaliNationalist's topic in Politics
the so-called imams were killed for committing high treason aganist Somalia and threaten our nations stability Preaching the words of Allah the almighty is threatening the security and the stability of the Nation -
Madaxweynaha Somaliland Oo Marti-qaad balaadhan Madaxtooyada ugu sameeyay qurbo-jooga dalka ku sugan July 30th, 2011 Waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii aad inta badan u soo halganteen” Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira casho-sharaf iyo soo dhawayn. Xaflad balaadhan oo qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Golaha Guurtida iyo boqollaal ka mid ah qurba-jooga Somaliland oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo dunida ah. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaweeyey qurba-jooga Somaliland, isaga oo ka waramay doorkay ku leeyihiin horumarka dalka iyo marxaladihi halgan ee loo soo maray goonni-isu-taaga Somaliland, waxaannu yidhi “Waxaan salaan kal iyo laab ah u soo jeedinayaa dadweynaha ka soo qaybgalay, qurba-jooga reer Somaliland iyo martisharafta kale ee madaxda leh ee ka soo qaybgashay.Qurba-jooga Somaliland waa dad aynu wada qirayno oo ognahay waxa xiisaha qarankooda ay u yimaadeen jacaylka ay waddankooda u qabaan, karaamaday dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin,. Waxaan aad u xasuustaa waqtigii halganka dheer lagu jiray ee Somaliland xornimadeeda u dagaalamaysay meesha talada, arrinka iyo xoogguba ka imaanayey amma lagu soo aasaasayey ururka SNM waxa uu ahaa waddamada ay qurba-joogeenu ku dhaqan yihiin, waxay ahaayeen dadweynaha ka ciyaarayey doorka muhiimka ah ee halganka, hadday tahay xorriyada iyo nabadda, mar walba door laxaad leh oo muuqda oo la qiimayn karo oo aan u booggaadinaayo ayey marwalba ku lahaayeen qurba-joogu. Waxa kale oo qurba-joogu gacan weyn ku lahaayeen dhismaha dalka iyo horumarintiisa.” Waxa uu Md. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay qurba-jooga inay sii laban laabaan dedaalka ay dalkooda horumarkiisa ugu jiraan. Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu wac-darahay qurba-joogu ka sameeyeen meelkasa oo ay joogeen oo ku muujinaayeen qadiyadda madaxbannaanida Somaliland. “Waxa loo baahan yahay waxa weeye in hawshaas la sii labanlaabo, waynu ognahay inay qurba-joogu magaalooyin badan, tuulooyin badan iyo gobollada fog fog mid walba halkii ka yimi ay dhisayaan meelihii caafimaadka, dugsiyadii, waxaynu ognahay inay Barlamaanada iyo dunida ay la joogaan qadiyada Somaliland ka muujiyaan, waxa lama iloobaan ah .20 guuradii 18-ka ee ka soo wareegtay goonni-isu-taaga Somaliland doorkay ka qaateen meel kasta oo ay joogaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. “Waxaannu idin leenahay aad iyo aad baannu idinku soo dhawaynaynaa, waddanku waa dalkiinii, dawladdu waa tiinii, qaranku waa qarankiinii, waa tii aad u soo halgamayseen,”ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxa uu madaxweynuhu ku guubaabiyey qurba-jooga Somaliland inay carruurtooda ku barbaariyaan waddankooda iyo nabadgelyadiisa, isla markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya mandaqadda. “Nabadgelyada oo ah aynu ku caan-baxnay oo aynu ognahay doorkaynu ku leenahay, waxaan jecelahay dhallinyarada iyo meeshay joogaanba lagu abuuro oo had iyo goor ka warqabaan dareenada iyo mandaqadaynu ku nool nahay warkeeda oo dadka waaweyn ee xilkasta ahi ku guubaabiyaan dhallinyarada waddaniyada, dhaqanka iyo diinta jacaylkeeda,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo. Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Muuse Biixi Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa hadalo soo dhawayn ah halkaas uga soo jeediyey qurba-jooga, isaga oo ugu baaqay in ay waddankoda qurxintiisa iy horumarintiisa dhinaca aqoonta ku dedaalaan oo xil iska saraan. “Wixii hore aad soo qabateen waannu idinku mahad-naqaynaa, waananu idinku hambalyeynaynaa, waqtigan waxa jira oo qoladan qurba joogahi ii sheegeen in hoygu macaan yahay, haddii aad doonaysaan hoyga aad ku soo noqonaysaa ee carruurtiinu ku soo noqonayso qurxintiisu idinkuu idiin yaalaa, waxaannu doonaynaa inaad hormood u noqotaan kumanaan injineer, boqollaal dhakhtar iyo intaas oo aqoonyahan oo aad fursad u hesheen intaaba inaad barataan inaad dalkiina ku soo kordhisaan inaad isku qabaysaan oo xilkaa qadaan,” ayuu yidhi Mr.Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isagu waxa uu iftiimiyey doorkii ay qurba-joogu ka qaateen guushii xisbiga KULMIYE ka so hooyey doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dhacday, isaga oo sidoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dib-u-dhiska dalka, waxaannu yidhi; “Waa dadkii dib-u-dhiska iyo dib-u-xorraynta dalka qaybta weyn ka qaatay, waa dadkii isbeddelkii dalka ka dhacay laf-dhabarta ka ahaa. Waad mudan tihiin in madaxweynuhu xafladan caawa idiin sameeyo.” Mr. Saleebaan Maxamed oo ah Guddoomiyaha Wakaallada Qurba-jooga ah, ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha xafadan ballaadhan ee uu ku shafray. “Waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya afka qurba-jooga Somaliland intii duruuftu ay u samaaxday inay dalkooda dib ugu soo noqdaan aad iyo aadbay noo farxad gelinaysaa,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Maxamed. Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah qurba-jooga Somaliland, ayaa halkaas ku soo bandhigay filim dokumatari ah oo si mug leh uga warramaya waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay jirtay, kaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana tabanaayey dhinac wal oo horumarka dalku gaadhay ah. Abwaaniinta waaweyn ee dalka Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), Abwaan Dacar iyo fannaaniintii kale ee waaweyn ayaa caawa ku soo bandhigay bandhig faneed aad loo jeclaystay
-
Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Oo Ay Ka Socoto Munaasibad Soo Dhawayn Ah Oo Loo Sameeyay Qurba-joogta Iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyay. Hargeysa (Ramaas) July 30,2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka qayb-galay munaasibad balaadhan oo qurba-joogta dalka ku sugan loogu sameeyay qasriga Madaxtooyadda. Munaasibadan soo dhawaynta ah ee qasriga Madaxtooyadda loogu sameeyay Qurbo-joogta Somaliland oo hadda ka socota Madaxtooyadda ayaa waxa ka qayb-galaya inta badan masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo qurbo-jooga Somaliland ee ka kala yimid wadamada Yurub, Maraykanka iyo dalalka waqooyiga Ameerika. Munaasibada oo ay hadalo ka soo jeediyeen shakhsiyaad ka mid ah qurba-joogta Somaliland ayaa sidoo kale waxa hadal kooban ka soo jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu khudbadiisan uu u badnayd waxtarka ay qurba-joogtu u leeyihiin dadka iyo dalka Somaliland wax kaga tilmaamay waxqabadka joogtadda ah ee ay dalka la garab taagan yihiin. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ka sheekeeyay doorkii qurba-joogtu ku lahaayeen halgankii xoreynta dalka, isaga oo tilmaamay in markii lagu jiray dagaaladii dib dalka loogu xoreynayay ay ahaayeen isha kaliya ee jabhaddii SNM dhaqaalaha ka heli jirtay, sidoo kalena SNM lafteeda lagaga dhawaqay Magaaladda Lodon markii la aasaasay. Munaasibadan soo dhawaynta ah ee Madaxtooyada loogu sameeyay qurba-joogta reer Somaliland, oo ilaa hadda socota, wixii war ah ka soo kordha kala soco RAMAASNEWS.COM, iyagga oo wararkaasi uu soo gudbin doono Wariye Maxamed Boosh oo qasriga Madaxtooyadda ku sugan.
-
Garowe leader Faroole stealing arms from the ssc rebels.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
So much for tolnimo from Imaam faroole -
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
Xaaji Xunjuf replied to SomaliNationalist's topic in Politics
Every one knows that Somaliland is undefeatable the past two decades show that -
The best plase to shukaansi A Somali Woman is in you're car just the two of you and in the background u play this song