-
Content Count
29,974 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
28 dead and dozens injured in central Somalia fighting English.news.cn 2011-09-03 23:40:25 FeedbackPrintRSS MOGADISHU, Sept. 3 (Xinhua) -- At least 28 people were killed and dozens more were wounded in fierce clashes between opposing sides in a central Somalia town, residents and medics said on Saturday. The fighting has been continuing sporadically since Friday but clashes became more intense on Saturday as forces from the regional state of Puntland battled with local militias in the central Somalia town of Galkayo, 750 km north of the Somali capital. Residents said that most of the dead and injured were combatants from both sides but several local civilians were also affected by the fighting and were taken to the local hospital. It was not clear what triggered the flare up of the fighting. "We know 28 people died in the fighting and dozens more got injured including civilians because they are fighting among the people and that is causing most of the casualties," Dahir Farah, an elder in Galkayo, told Xinhua by phone. Medics at the central hospital in the town confirmed the figures and said they were receiving dozens of people mostly civilians injured in the cross fighting. The hospital staff said they were overwhelmed by the number of the wounded admitted for treatment of bullet and shrapnel wounds. Puntland authorities said their forces battled with militias linking to the militant group of Al Shabaab which mainly operates in southern Somalia, but reports indicate they fought with local clan militias. Meanwhile in Mogadishu, Somali government announced that a much anticipated UN-sponsored national consultative meeting will kick off in the Somali capital. The meeting will be attended by Somali government representatives and local leaders as well as a key faction fighting the Islamist Al Shabaab group in central Somalia. The three-day meeting is expected to address the transitional tasks that need to be completed during the next 12-month mandate of the current government. The consultative meeting delegates will set up a roadmap for the drafting of a national constitution, completion of the reconciliation with willing opposition members, and the conducting of a national census that will lead to free and fair election next year.
-
Ethiopian Forces, Rebels Clash in OGDN Oil Exploration Region
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Interesting -
Dagaalkii Gaalkacyo oo yaraaday Iyo Khasaaro Culus oo uu dhaliyey. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dagaal culus Ayaa maalintii labaad saaka waaberigii ilaa Gabaldhacii Galabta ka soconayey gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa Saaka ka qarxay Dhanka sare ee xaafada Garsoor qaybteeda Koonfur Galbeed, Iyadoo uu dagaalku siweyn ugu fiday isla galbeedka Xaafada Garsoor uuna saameeyey meelo kamid ah Halkii uu dagaalku ka qarxay. Dagaalkan ayaa si xiriir ah u joogsanayey intabadan Saacadihii Maanta ilaa galabta galinkii danbe, Sidoo kalena Waxaa uu aad u saameeyey qaybaha kaladuwan ee Isgaarsiinta, Iyadoo shirkada Xooga Koronta ee NEPCO ay maanta saacado kamid ah jartay qaybaha Layrka Walow ay Wararka qaarkood sheegayaan in ay tani keentay Dhibaato ka dhalatay dagaalkaas, Dhanka kalena shirkada Taleefoonada gacanta bixiso ee NATIONLINK Ayaa iyana xalay ilaa shalay hawada saacado badan ka maqnayd, iyadoo Fariin ay asxaabteeda u dirtayna ku sheegtay in dagaalkii shalay uu saameeyey Taawarka ugu weyn Shirkadaas Waxaana ay maanta u shaqaynaysay si caadi ah. Wararka laga helayo goobaha Caafimaadka Iyo Sidoo kale goobo kale ayaa xaqiijinayey in dhaawacyo kabadan 54-ruux iyadoo ay dadbadanina ku dhinteen dagaalkii Maanta, Waxaana jirta Dad dhaawacyo ah oo ay Xaaladoodu culustahay. Ciidamada Puntland ee Daraawiishta iyo laanta hubaysan ee PSF-ta Puntland ayaa galabta ka baxay Dagaalkii iyagoo ku laabtay Xeryaha ciidamada ee Gaalkacyo, Waxaana imika yaraaday Xoogii dagaalka ilaa qorax dhicii galabta, Qaybo kamid ah Ilaaliyeyaasha suuqa Gaalkacyo iyo Shacab is hubeeyey ayaa iyana Dagaalka qayb ka ah imika iyadoo ay xaaladu soo rooraanayso.
-
Tannock renews call for Somaliland independence at meeting with Ethiopian Prime Minister 1st September 2011 — Ethiopia should take the lead and declare Somaliland – the former British protectorate breakaway region within the state of Somalia – an independent sovereign state, Charles Tannock MEP, European Conservatives and Reformists group foreign affairs spokesman, said today at a meeting in Addis Ababa with Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi. Dr Tannock said that a stable and sovereign Somaliland would act as a powerful moderate neighbouring partner to Ethiopia both economically and politically. He argued that many other major African nations, the EU and the USA, would also eventually support independence, but not until a major African Union nation makes the first move. It is also important to remind the newly independent Republic of South Sudan of its stated commitment to recognise Somaliland in exchange for the longstanding help it gave Juba in its liberation struggle from Khartoum. Historically Somaliland was very briefly independent in 1960 so it is legally a case of re-reccognition rather than recognition after Hargeisa, much to its subsequent regret, joined the former Italian Somalia in the south for an unhappy marriage which lasted until 1991. Somaliland is a moderate Islamic nation with a small cohesive population and which has strong economic prospects with unexplored possible significant oil and gas resources and thorium deposits essential for the nuclear power industry. Its Soviet built deepwater port at Berbera could make it a complimentary trading ally to landlocked Ethiopia. Its functioning democracy would also help bolster the forces of moderation and stability in the Horn of Africa and countenance the Islamist insurgents in Somalia – Al.Shabab. Speaking after the meeting, Dr Tannock said: “Somaliland is a relatively peaceful, stable and economically growing polity. It is a world away from the failed state of Somalia where the TFG’s remit barely reaches beyond Mogadishu and which still faces the brutality of the Al-Shabab insurgency and the serious challenge of piracy. “Western governments rightly do not yet feel empowered to declare Somaliland a sovereign nation without a clear declaration from a leading African nation. As the major force for stability, security and growth in the Horn of Africa, Ethiopia has the ability to give a lead on re-recognising Somaliland independence, and I strongly believe that many other AU nations, and the EU and USA, would follow suit. “Somaliland can be a partner for peace and prosperity to the Ethiopian people in an unsettled region. I hope that Prime Minister Zenawi will seriously consider taking the first step towards granting re-recognition of its sovereignty and independence. Somaliland is already effectively a functioning country and we owe it now the right to independent statehood.
-
Somaliland: Siilaanyo appoints Mr. Duur to be the new Interior minister Posted on 01/09/201 Hargeisa (JSLTimes)-Somaliland president Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo issues this afternoon a presidential decree in which he appointed Mr. Mohamed Nuur Caraale Duur, who is a member of Somaliland parliament to be the new Somaliland interior minister. The president said this in a press release issued this afternoon by the president’s spokesperson Mr. Abdilahi Mohamed Dahir known as Cukuse. The newly appointed Interior minister is to resign from his membership to Somaliland parliament as the law says. Mr. Duur was elected from Saahil province and was a member of UDUB party but once he was elected, he switched to kulmiye which was an opposition party after he became discontent with former Riyale’s policies. From that day he became aligned to the policies of the current ruling party by the name of Kulmiye. Mr. Mohamed Abdi Gaboose resigned from the post citing that he intends to open a new political party.
-
Nuur Daalacay Gets a hero's welcome in Gabiley City+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Gudoomiyaha Degmada Gabiley Iyo Dadwayne Kale Oo Si Balaadhan Usoo Dhaweeyey Fanaanka Nuur Daalacay. “Hadii Hore Loo Odhan Jiray Colka Wadhaf ma Lagu Dayey, Anna Waxaan Leeyahay Imika Xilka Dumar ma Lagu Dayey…” Siciid Cumar Gabiley (Gabiley News):- Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) iyo Dadwayne kale oo aad u tiro badan ayaa maanta galinkii danbe si-wayn u soo dhaweeyey Fanaanka wayn ee Nuur Aw Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) oo muddo Labaataneeyo Sanno ah ka maqnaa dalka iyo Siciid Cumar Axmed oo ka mid aqoonyahanka Qurbe-jooga reer Somaliland ee dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Gudoomiyaha iyo Dadwaynaha soo dhawaynta Qaran u sameeyey Fanaanka waxaa kale oo ku wehelinayay booqashadiisan oo lagu soo dhaweeyey Astaamaha lagu yaqaan Gobolka Gabiley ee Hadhuudhka iyo Gallayda ayaa Munaasibad ballaadhan oo loogu qabtay Barxada Gurigiisa oo ku yaala magaalada Gabiley waxa ugu horreyn ka hadlay Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo si wayn ugu soo dhawaysay Fanaanka iyo Xubnaha kale ee wehelinayay, kuna wargalisay in ay ku soo dhawaadaan Gayigooda. Maayarka oo tilmaam ka bixinaysay in Fanaan Nuur Daalacay mudan yahay in soo dhawayn qaran loo sameeyo ayaa tidhi: “Nuur Daalacay waxaan Si gaar ah ugu hambalyaynaynaa, heestii qaranka ahayd ee uu qaaday, waa heestii sanadka cusbay ahaydee. Dadka dhiiri galin faro badanbay ku samaysay. Anaku kolay waxaan u niyaysanahay inaad madaxwaynaha u qaaday wadaniga dhabta ah, waxaanu is nidhi malaha cid ka muwaadinsani madaxwaynaha ma jirto sanadkaa maanta aynu joogno. Markaa Nuur iyo Siciidba aadbaan usoo dhawaynaynaa, waanay ku mahadsan yihiin. Waxaananu leenahay labadoodaba gobolkiiniibaad timaadeen ee kusoo dhawaada.” Waxa Isaguna Munaasibadaa ka hadlay Fanaanka wayn ee Nuur Jaamac Aadan oo si wayn ugu mahad celiyey Maayarka, iyo Dadwaynaha soo dhawaynta Qaran u sameeyey “Gudoomiyaha Degmada Gabiley Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Dadwaynaha reer Gabiley sida wayn ee ay ii soo dhaweeyeen”. Ayuu yidhi Nuur Daalacay. Waxaanu tilmaamay sidii ay u arkayeen Maayarka Gabiley markii ay sida joogtada ah uga maqleen Wax qabadyada ka socda Gabiley, wakhtigii ay Qurbaha joogeen, “markaan joognay halkaa(Qurbaha) ee aanu maqalnay Wax-qabadyada is-daba jooga ah ee laga soo sheegayey Maayarka Gabiley inay ka fulisay Gabiley aad iyo aad ayaanu ugu diirsan jirnay oo aanu ku farxi jirnay aad iyo aadna waan ugu Hambalyeynayaa”. Siciid Cumar Axmed oo ka mid ah Xubnihii wehelinayey Fanaanka, kana mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee UK ayaa Isaguna Si wayn ugu dhiiri galiyey Haweenku in ay ka qayb qaataan Hogaaminta Dalka, waxaanu Tusaale ugu soo qaatay Doorka Haweenka ee hadii loo dhiibo Hogaminta. “Hadii hore loo odhan jiray Colka Wadhaf ma lagu dayey, Anna waxaan leeyahay Imika Xilka Dumar ma lagu dayey, sababta oo ah waxa tusaale inoo ah Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo aynu aragnay Wax-qabadkeedii, oo ah Qofka kaliya ee Dumar ah eek u soo biiray Hogaaminta Dalka”. Ayuu yidhi Siciid. Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Xuseen Jameeco, Maamulaha Dugsiga Sheekh Muxumed Warsame Axmed Maxamud Shirwac iyo Gudoomiye Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ee Now Deeqa Aw Muuse. Oo dhamaantood si wayn ugusoo wada dhaweeyay gurigiisii hooyo fanaanka Nuur Daalacay. Waa markii ugu horaysay ee mudo labaatan sanno ah fanaanka wayn ee Nuur Daalacay yimaado guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan gobolka Gabiley oo ah meeshii uu ku dhashay kuna barbaaray. Fanaanka ayay wajigiisa ka muuqatay farxad iyo qiiro isagoo dadka si fudud ku xasuusanayay qaar badan oo kalena uu magacaantooda maqlay laakiin aanu muuqooda arag.
-
Somaliland security forces arrest suspected terrorist members
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland: Security forces detain three men suspected of carrying out terrorism attacks Posted on 01/09/2011 in Latest Headlines Hargeisa (JSLTimes)-Somaliland Security forces apprehended three men who were suspected of carrying out terrorism attacks in Hargeisathe capital of Somaliland in the wake of Eid ul-Fitr occasion while another man managed to escape from the police. According to sources close to Somaliland security forces based in Hargeisa say that the men were busy with a plot of conducting terrorism attacks targeted at the grand Mosque where the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo was performing the Eid ul-Fitr prayer with thousands of Hargeisa residents. The men were apprehended by Somaliland security personnel right before the president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo arrived at the grand Mosque which is located in Hargeisa downtown. “They were suspected of conducting terrorism attacks. They were four men. They were put behind bars. An investigation is under way.” One of Somaliland security forces said this and wished to remain anonymous. The three men who were arrested by security forces are in custody at CID detention center in Hargeisa. According to Somaliland security forces say that the three men are from Southern Somalia. There were numerous attacks foiled by Somaliland police and arrested those who were involved in conducting these attacks. -
Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur oo loo magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta soo saaray Digreeto uu jagada wasiirnimo ee wasaaradda arrimaha gudaha ugu magacaabay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur War-saxaafadeedka Madaxwweyne Siilaanyo ku magacaabay xilkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL . Madaxaweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay. Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
Qasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo sii kordhaya Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ku sugnaa halkaasi. Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay 20-kalana way ku dhaawacmeen dagaal maanta Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxo hubaysan ku dhexmaray Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka jireen falal amaan dari ah. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin. Dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana iminka lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid dagan. Mudooyinkii dambe ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa kusoo badanayay falalka amaan dari oo ka dhanka ah Madaxda Maamulka Puntland iyo waxgaradka ku sugan halkaasi
-
Somaliland security forces arrest suspected terrorist members
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
They were koonfurians -
Ciidamada Ammaanka oo ku Qabqabtay Hargeysa Rag Looga Shakiyey inay Munaasibaddii Ciidda Qorshaynayeen Weerarro Argagixiso Last Modified: Thu 01st Sep,2011 Wararka Nin ragga la qabtay la socday oo la sheegay inuu ka baxsaday ciidanka iyo tuhunnada hawlgalka ay qorshaynayeen Hargeysa (Jam)- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo looga shakiyey inay qorshaynayeen weerarro argagixiso ay dalka fuliyaan munaasibaddii ciiddal-fidriga, halka mid afraadna uu ciidanka booliska kaga baxsaday gudaha caasimadda Hargeysa. Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ragga la qabtay ayaa la sheegay in la tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen sidii falal argagixiso uga fulin lahaayeen Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa oo uu maalintii ciidda Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo kula tukaday boqolaal qof. Ragga la hayo oo ciidammadu qabteen wax yar ka hor intii aan Madaxweyne Siilaanyo masaajidkaas gaadhin subaxnimadii ciidda, waxa sida la sheegay saddexda hadda la hayo laga qabqabtay duleedka woqooyi ee Masjid-jaamaca Hargeysa, gaar ahaan dhinaca qiblada oo ku beegan albaabka Madaxweynuhu masjidka ka gelayey. “Waxay ahaayeen dad laga shakiyay inay qorshaynayeen falal argagixiso, waana saddex nin, waxana gacanta ku haya ciidanka oo baadhaya.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha ciidammada ammaanka Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. Haseyeeshee, ilo-wareedyo kale ayaa tibaaxay in mid ka mid ah raggaasi uu baxsaday oo ciidanku baacsadeen markii uu goobtaas ka cararay, balse aanay ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, iyadoo saddexda la qabtayna hadda ku xidhan yihiin xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa. Sidoo wararka Jamhuuriya ka helay dhinaca saraakiisha ciidammada ammaanka, ayaa sheegaya in ragga la qabqabatay yihiin dhaqdhaqaaqooda si weyn loola socday oo beryahanba raadkooda lagu joogay, waxaanay wararka arrintaas la xidhiidhaa tibaaxeen inay nimanka la hayaa ka yimaaddeen dhinaca koonfureed dalka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, isla markaana ka wadaan dagaallada ka dhanka ah dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif iyo ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
-
Somaliland: Minister of Information unveils when the new radio reaches the country Posted on 31/08/2011 in Latest Headlines | Comments (0) Borama (JSLTimes)-Minister of information and national guidance Mr. Ahmed Abdi Haabsade today unveils that huge radio will be brought to the country within the forthcoming October, and people throughout the country will listen wherever they are. The minister told this at a press conference held at RAYS hotel in Borama, the capital of Awdal province while the ministry is in the region. The minister assured that the radio will reach the country shortly, the government of Somaliland and the people were awaiting the radio to be brought to the country as soon as possible. The minister speaking at the press conference said that the radio will take part when it comes to the development of the country. He further added that his ministry has made the right progress and they will continue. The minister urged reporters from Awdal region that they should serve for the people in good manner, guide the people towards progress, and remain vigilant when it comes to those people who wish to harm the country and the people. The current radio owned by the government of Somaliland is not listened throughout the country due to short wave length. Previous administration led by the former president Riyale did many attempts to buy and bring a radio with large wave length to the country but all their attempts did not work. If the current administration led by incumbent president Siilaanyo achieves to bring the radio to the country, it will allow the government to reach large audiences in nationwide and this will also give the government to inform its policies and programs to the public.
-
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degmada Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaarihiisa oo sii kordhaya Khamiis, September 01, 2011 (HOL) - Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadii hore ee maanta ka bilowday mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo ,waxaana is-rasaasaynta halkaa ka dhacday ay u dhaxaysay dablay hubaysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland. Dad-goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda ,waxaana la weeraray goob lagu duubo canjaadaha diiniga ah oo ku taalla Garsoor ,iyada oo halkaasi ay ciidamadu ka baadi-goobayeen mid kamid ah shaqaalaha xaruntaasi. "Waxaan la kulannay xabad bilaabatay mana garanayno, sababaha arintan oo dhan ay u dhacayaan"ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Gaalkacyo oo aan khadka taleefanka kula xiriiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta la weeraray uu ku sugnaa nin ciidamada amniga ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa falalkii amni xumo ee degmadaasi ka dhacay bilihii ugu danbeeyay. "Dhimashada waxaa ay ahayd qaybtii hore ee dagaalka seddex ruux, balse dhaawaca tiro ahaan ma cadayn karo"ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada amniga Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Ciidamadada ayaa dagaalkaasi u adeegsaday hub aad u cul-culus ,waxaana iminka Gaalkacyo ka dhacaysa is-rasaasayn labada dhinac u dhaxaysa, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaar kamid ah la soo gaarsiiyay cisbitalka wayn ee degmadaasi. Dagaalkan maanta halkaa ka bilowoday ayaa imaanaya ,iyadaa waqooyiga Gaalkacyo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay shirar looga arinsanayo amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb-galayeen wasiiro ka tirsan dowladda.
-
Somaliland: Tartanka Qasiidooyinka oo Hargeysa Lagu Qabtay
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Waxan xasuusta beri aanu jigjiga joognay oo anu qasaayidki Sheikh abduraxmaan zeylici. Markasto markay dhaxani ama roob nugu da'o waxa la odhan jiraty war saligi inoogu dhufta. -
Dagaal xooggan oo ka qarxay Woqooyiga Gaalkacyo Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxo habaysan ayaa iminka waxaa uu ka soconayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. Wararka ka imaanay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubaysan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin. Isku dhacaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku dhinteen inka badan 2-ruux halka 8-ka badana oo mid ka mid ah uu yahay Sarkaal ka tirsan Puntland ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada dadkii wax ku dhaqday dagaalkaasi la gaarsiiyay Isbitaalka Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo wali uu ka socdo dagaal xooggan. Goobjoogayaasha waxa ay ku waramayaan in qasaaraha uu intaasi ka badan yahay hase ahaatee xilligaani waxa aan suurto gal ahayn in si dhab ah loo ogaado halka uu la’egyahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu gaystay dagaalkaasi. Wixii war ah oo kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo.
-
Nimankan mad madow miyanay. Xiishooneyn. Ma iyago inta leeg ba la gagabinaya
-
Somaliland minister of justice visits sool laascanood+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Why should i give you a break i am not your boss -
Somaliland minister of justice visits sool laascanood+VIDEO.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
! -
Somaliland minister of justice visits sool laascanood+VIDEO.
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Wasiirka Cadaalada Oo Kormeer ku soo maray Xabsiga Laascaanood August 31st, 2011 Laascaanood (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Laascaanood ayaa socdaalkiisa ku tilmaamay mid uu ugu kuur gelayo xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga Laascaanood iyo sida uu u shaqeeyo garsoorka gobolku. Wasiirku markii maanta uu gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka oo uu ugu horeeyo badhasaabka gobolka Sool, maayarka degmada Laascaanood, saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool iyo taliyaha xabsiga magaalada Laascaanood iyo dadwayne kale. Xuseen Axmed Caydiid Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland waxaa uu kormeer ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood kaasi oo uu ugu kuurgelayay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee xaalada maxaabiista ku jirta xabsigaasi iyo dhismaha xabsiga. Ka dib markii uu Wasiirku kormeerkaasi ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu ka waramay waxyaabihii uu ku soo arkay xabsiga waxaanu yidhi “Runtii markii aan tegay xabsiga waxaa ii muuqday qolalka ay maxaabiistu ku xidhan yihiin in ay aad u yar-yar yihiin maxaabiistuna ku tiro badan yihiin, taasina ay keentay xabsigii iyo maxaabiistii ku xidhnaa oo kala badan, waxaa kale oo iyadna iiga muuqatay xabsiga gurigii lagu xidhayay qofka dil suga ah oo ay kula xidhan yihiin dad kale oo xukuman taasina ay kaliftay markii dadkii xukunaa ay qolalkii qaadi waayeen in uu xabsigii buux dhaafto. maxaabiistu meesha ay ku jiraan, dhismeyaasha, meesha uu ku yaalo iyo baahidii ayaa kala badan, dayrka wareega ah ee xabsiguna wuu gaaban yahay taasina waxaan u arkayaa in ay kolay dhib badan ku qabi doonaan marka ay maxaabiistu soo baxaan ee ay musqusha tegayaan oo kale, in uu aaminkii ku yaraanayo ciidanka ee ay ku aamini lahaayeen mar haddii uu gidaarkii sidaa u gaaban yahay.” Waxaa kale oo uu wasiirku kormeer ku soo maray xarumaha garsoorka halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta garsoorka ee heer gobol iyo heer degmo, iyada oo uu wasiirku kulankaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jiray dardaaran iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha garsoorka ee gobolka sool gaar ahaana maxkamadaha “Marka hore si aan ku talo gal ahayn ayaan halkan u imid oo aan miisankeedii garsoorka lahayn, runtii sharciga waa in sidiisa loo ilaaliyo, Maxkamadaha dad badan oo dhib sheeganaya ayaa jooga layaabna malaha oo maxkamadihii aynu arinkaa ka xalaalayn lahayn xalin ayay u baahan yihiin, garsoorihii kiiska baadhi lahaa yooyootankan iyo marxaladahan dadkii ay dhibaatada gaarka ahi haysatay .” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladu. Sidoo kale wasiirku waxaa uu kulamo gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobol waxaanu ka waraystay masuuliyiintaasi xaaladaha uu haatan gobolku ku sugan yahay, iyaga oo masuuliyiintaasina ka warbixiyay halka ay wakhti xaadirkan marayaan guur ahaanba xaaladaha gobolka Sool. -
Somaliland President Addresses the Nation ... Congratulate Muslims
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Madaxweynuhu sii wanaagsan bu u hadlay