Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,944
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Somaliland president Axmed Siilaanyo visited so far borama awdal Gabiley region Wajaale Arabsiyo Berbera saaxil region burco togdheer region Saraar region Caynabo oog Sool region laascaanood gambadhe Salax when you going to welcome the President in Sanaag in Ceerigaabo city Waleh tani is raacday
  2. Naxar Nugaaleed;750483 wrote: pics or it did not happen and the welcome party prop came with him on some buses
  3. Somaliland and the people of Somaliland share links with Somalia and the people of Somalia Linguistic and Cultural Links to some extend which will be the key to future understandings between our two Nations. Even though the Political culture and the two different histories the two people share cannot form some sort of obstacle that will make it impossible to cooperate on Some fields which will better the lives of our peoples. In Addition the new generation of Somaliland Djibouti and Somalia all want to make a difference and change the future and shape the political environment they are in. I think the Somali version of social political institutions can open the debate break the ice of many taboo's among our societies it can bring people Closer to each other to develop new mutual interest in the horn Africa eventhought he koonfurians are not as advanced as the Somalilanders and Djiboutians but with the right mechanism. I mean with these social Poltical instituition it will give the people of Somaliland Djibouti to include their methods of thinking and beliefs in all natures which can influence the behaviour of the future goverment and the majority of the Citizen in Somalia in the future indeed.
  4. Mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn” Madaxweyne Siilaanyo October 8th, 2011 Jawigii soo dhawaynta Weftigii Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Saraar Caynabo (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar, waxaanu dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah. Weftiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxa duleedka Magaalada Caynabo ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan gobolka Saraar waxaana madaxweynaha loo dhigay rooga cas oo lagu muuneeyay soo dhawayntiisa. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay shacbiga magaalada Caynabo ayaa u mahad celiyay shacbigii soo dhaweeyay waxaanu yidhi “Walaalayaal aad iyo aad ayaanu idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, waxyaabo badan ayay madaxdiinu halkan ka sheegeen in Gobolku u baahan yahay, waanu ognahay in baahiyo badan uu gobolka Saraari u baahan yahay.” Madaxweynaha Somaliland waxa sheegay in ay wax badan qabteen mudadii xukuumadiisu jirtay waxaanu yidhi “Waxaanu is leenahay mudadii yarayd ee sanadka ahayd ee aad xilka hayseen waxaad qabateen wax badan waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaanu lacag la’aan ka dhignay, waxa ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay shaqaalihii iyo ciidammaddii oo aanu mushaharkii u kordhinayn in kasta oo aanu jeclayn inaanu kafaalo qaadno oo aanu *****lo baahiyaha gobolada oo dhan haddana nooma ay suurto gelin ee waxa noo qorshaysan inaanu anagoo shacbigayaga kaashanayna oo gacmaha is haysana aanu qabano.” Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyada dalka waxaanu carabaabay inay mandaqadan ay joogaan dad badan oo neceb qaranimadeena. “Waxa dhammaanteen xil inaga saaran yahay inaan ilaashano nabadgelyada dalkeena, waxa mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn, waxaana aad ugu faro badan dadka dibada inagaga soo duulaya waxaan dadweynaha ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay is kaashadaan oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dhismaha qaranka,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. Md, Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan wax ka qaban doonaan adeegyada bulshad ee uu u baahan yahay Gobolka Saraar. Waxa madaxweynaha ka hor halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saraar, Xubno ka mid ah waxgaradka deegaankaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaalle. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdi Casiis Maxamed Sam aalle, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland iyo saaraakiil ka tirsan madaxda lamaha dawlada. Weftigu galabta ayay dib ugu soo laabteen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wafti Balaadhan uu Hugaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Sool, Soona Booqday Xeryaha Ciidamadda Qaranka ee Jiidaha Horre. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa kormeer indha indhayna ku soo maray xeryaha ciidamada Qaranka Somaliland isaga oo halkaasi kulamo.. Laascaanood (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Maanta si rasmi ah u soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Siilanayo ayaa waxaa ku wehliya safarkiisan wasiiro ka tirsan maamulkiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha,wasiirka madaxtooyada iyo wasiiro kale, sidoo kale waxaa Madaxweynaha la socda, Marwadiisa koowaad Aamina Waris Maxamed Jirde. Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa Magaaladda Laasacanood kaga soo horeeyay wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade. Madaxweynaha ayaa waxa soo Dhaweeyay Boqolaal Qof oo ka mid ah Shacab Weynaha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo iskugu jirey Ardey, Dhalinyaro, Haween, Siyaasiyiin, Madaxdhaqmeedyo, iyo Bulsho kale oo Far badan. Dadkan Soo Dhaweeyay Madaxweynaha ayaa ku Dhawaaqay hadalo Soo Dhoweenayd, kuwaasi oo ay ka mid ahaayene “ Madaxweyne Noolow, Geesigii Qarankoow Waligaa Ha Dhicin iyo Hadalo kale “ Dadkan soo Dhaweeyay Madaxweynaha ayaa sitay Caleemo Qoyan iyo Waliba Calanka Qarankla Somaliland, waxana ay Madaxweynaha kaga Hortageen Afka Horre ee Magaalaadda laga Soo Gallo. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa kormeer indha indhayna ku soo maray xeryaha ciidamada Qaranka Somaliland isaga oo halkaasi kulamo kula qaatay madaxda ciidamada qaranka oo xog waran ka siiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku Sugan yihiin Ciidamada Qaranku Madaxaweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu kulmo kala Gadisan la qaadan Doono Qaybaha kala duwan ee Bulshadda Laascaanood gaar ahaan Madaxdhaqmeedyadda Reer Laascaanood iyo xubno ka yimi qurbaha oo ay soo wakiishaan odayaasha Laascaanood. Lama ogaa inta uu Madaxweyne Siilaanyo Joogi doono Magaaladda Laascaanood. Si kastaba ha ahaatee Waa Markii ugu Horeysay ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Safar ku tago Magaalada Laascaanood, Tan iyo intii uu ku guulaystay Doorashooyinkii dalka Ka Qabsoomay Sanadkii in dhaafay. Wixii ka soo kordha kulamadaasi iyo socdaalka Siilaanyo kala soco Gabiley News
  6. Somaliland, time for some people’s diplomacy Posted on 08/10/2011 in Opinion Since Somaliland’s independence in 1991 its main foreign policy objective is to achieve international legal recognition. Because Somalia no longer exists as a state and the current TFG and its predecessors did not have the legal authority from which Somaliland could reclaim its sovereignty and legal nationhood, it rather focused on campaigning and lobbying Western, African countries and international institutions for its cause. Many of these countries and international organisations now generally accept that Somaliland is a de facto State and that it has demonstrated the will, determination, cohesion, stability and political maturity that is required for international recognition. This leads to many bilateral relationships and development support for Somaliland, but it did not lead to the hoped international recognition as an independent state. The international campaign for recognition turned out to have other effects as well. Because Somaliland successfully distant itself from the chaos in Somalia but also distanced itself from other Somali’s. Many Somali’s in Somalia and throughout the world perceived Somaliland’s independence aspirations as hostile and counterproductive to the peace and reconciliation aspirations of Somalia. Ethiopia’s early support for Somaliland’s independence added more resentment to those questioning its claim for independence. And finally, concerns of internal political division and tribal politics in Somaliland, particularly in the regions of Sool , parts of Sanaag and sometimes in the Awdal region which surfaces from time-to-time although the latter has different concerns compared to that of the first two. This has created further negative implications to Somaliland’s bid for international recognition. Over the years Somaliland’s diplomatic focus shifted from Ethiopia to the Republic of Djibouti and Kenya. A positive step for gaining a balanced support in the greater region. However Somalia remains the only legal authority from which Somaliland could reclaim its sovereignty from and Somali’s from Somalia are the stakeholders who can grant Somaliland it’s wish for recognition. Somaliland needs to gain grass root support from their Somali brothers in Somalia and abroad. Somaliland to show to the Somali public that its independence aspirations and Somalinimo go hand in hand, that it has genuine desire for fraternal and friendly relations, that it is concerned with the fate of Somalia and wishes to contribute to the peace, reconciliation and development efforts in the region. Last week a Somaliland delegation led by prominent poet Mohamed Warsame Hadraawi was send to Mogadishu to deliver aid to famine stricken families. The funds were raised by the people of Somaliland in solidarity and sympathy with their starving brothers and sisters in Somalia. This kind of initiative shows goodwill to all Somali’s and above all demonstrate Somaliland’s political maturity. And with enough goodwill from the Somali’s it may one day lead to recognition by their brothers from Somalia. This kind of recognition is much more preferred and desired then recognition from any other foreign country. Even though Somalia no longer exists as a state, still diplomacy towards Somalia is much needed. Traditional diplomacy, the interaction between governments, would be ineffective as the TFG mandate doesn’t have a lot of support in Somalia and its mandate is ending by next year. So this would not have the added value needed in this case. Even though the Security Council Somalia representative Mahiga is lobbying Somaliland to engage in a dialogue with Somalia. But Somaliland could achieve its goals by using Public Diplomacy rather than traditional diplomacy. In international relations public diplomacy or people’s diplomacy, broadly speaking, is the communication with foreign public to establish a dialogue designed to inform and influence public attitudes and perception. It is practiced through a variety of instruments and methods ranging from personal contact and media interviews to the Internet and educational exchanges. Somaliland should use Public diplomacy by effectively communicating with Somali publics around the globe through the use of mass media and through dealings with a wide range of nongovernmental entities(educational institutions, religious organizations, clan and ethnic groups) and influential individuals (business people, singers, writers) for the purpose of influencing the Somali public perceptions towards Somaliland. Even through music, television, sports and other social/cultural activities could be used to promote understanding of Somaliland’s case. It involves not only shaping the message that Somaliland wishes to present, but also analyzing and understanding the ways that the message is interpreted by the public and developing the tools of listening and conversation as well as the tools of persuasion. With public diplomacy Somaliland would encourage understanding; listens and engages in dialogue; objectively displays national achievements and international goodwill to a broad public. As shown last week by Hadraawi’s humanitarian visit to Moqadishu. One of the most successful initiatives which embody the principles of effective public diplomacy is the creation of the European Youth Centre in Strasbourg after the second World War. It’s original purpose was to facilitate dialogue and function as a catalyzer for greater understanding between European youth who first perceived each other’s as hostile after the World War.The Centre has been established as a residential and educational training and meeting Centre for the implementation of the Council of Europe’s youth policy. The Centre hosts around 150 activities, training courses, study sessions, consultative meetings and symposia dealing with development of youth in Europe. For more than 40 years the Centre played a key role in promoting and shaping its youth’s view towards fundamental values like equality, human rights, rule of law, democracy, discrimination against minorities, social exclusion, development and the unity of the continent. Public diplomacy is seen as one of the most crucial tools in the practice of diplomacy today. And by using some people diplomacy Somaliland could stre ngthen its case and at the same time create better understanding, peace and cooperation among the Somali people in the Horn of Africa.
  7. So far president siilaanyo visited awdal region of borama gabiley region wajaale arabsiyo. Saaxil region berbera. Hawd baligubadle and salaxlay he visited burco oodweyne daadmaadheedh region he visited saraar region caynabo and oog gumeez He visited the sool region laascaanood the only region left is sanaag
  8. Jacaylbaro ma yarki thankful baad sheegeysa eeh odhan jiray siyad bare dawladisu federaal bay ahayd
  9. Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayaan labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska ayaa booqday Jiida hore ee Ciidamada Somaliland ?Gambadha(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hogaaminaya wefti balaadhan oo ka tirsan Xukuumaddiisa, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo taliyayaasha labada Ciidan ee Milatariga Nuux Taani iyo Booliiska Saqadhi Dubad ayaa booqday fadhiisimada ay ciidamadda Somaliland ku leeyihiin xuduudka Somaliland iyo Puntland gaar ahaana afar fadhiisin oo ay aka mid yihiin Gambadha iyo Tukaraq, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo saraakiisha wehelinaysaaba uga jeediyeen Khudbado la xidhiidha hawsha ay Qaranka u hayaan. Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay Ciidamadda ayaa ku booriyay inay xukuumaddu xil iska saari doonto sidii ay kor ugu qaadi lahayd taageerida Ciidanka isagoo sheegay Mushaharooyinkooda inay u hagar bixi doonto isla markaana darajadoodii sida ugu dhakhso badan loogu toli doono. Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigaba waxa farxad galiyay Ciidanka Qaranka ee Jiidaasi degan oo uu mid mid salaan sharaf uga qaatay intii uu dhex marayay jiida ay degan yihiin, waxaana la filayaa inuu goor dhaw dib ugu soo laabto magaaladda Laascaanood
  10. Somaliland president just arrived in the capital of sool laascaanod
  11. Madaxweyne Siilaanyo oo ku waabariistay magaaladda Laascaanood iyo soo dhaweyn diiran oo uu kala kulmay ?Laascaanood(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka salaadii subax gaadhay magaaladda Laascaanood halkaas uu ilaa hada ku sugan yahay isaga iyo weftigiisiiba Madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ku marayay gobolada bari ee Dalka oo saaka la filayay inuu dadweynaha reer burco kala hadlo meel fagaare ah aya mar kaliya lagu wra helay isaga oo ka Jarmaaday isla markaan ku waabariitay badhtamaha Lascanod. sida ay waaheen u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Madaxda la socota weftiga Madaxweynuhu waxa ay sheegeen in sii diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood goor dhaw na uu dadka la hadli doono Madaxweynuhu. Magaaladda Laascaanood oo baqdin laga qabay Dilalka qorshaysan ee madaxda gobolkaasi lagu khaarajiyo ayaan illaa saaka wax dhibaaato ah aanu weftigi kala kulmin, waxaanay Saraakiisha dhinaca Amaanaku sheegayaan in ay xaaladu ilaa hada degan tahay oo aanay jirin wax cabsi ahi
  12. Somaliland president ahmed siilaanyo will speak to the people of togdheer and burco today and than will go to caynabo and kiridh and oog
  13. Xiine xiiray jamac is a legend ilahoow Cimri dheer sii Tallow maxa uraya ninka cidida ku xoqday looooooool
  14. war mala wax kala ku uraya loool uff dhe
  15. its actually the rastafarian flag or the old Abyssinian Flag
  16. Weftigii Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Nairobi Kula Kulmay Safaaradaha reer galbeedka October 7th, 2011 Nairobi(Somaliland.Org)-Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ee gargaarka gaadhsiiyay Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen eek u jira xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah safiirada wadamada adduunka u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weftigani waxay maanta si gooni gooni ah ula kulmeen Safaaradaha Maraykanka, Canada iyo Xafiiska midowga Yurub u qaabilsan horumarinta ee Somaliland/Soomaaliya. Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulamadan ay la yeesheen safaaradaha waxa uu yidhi “Sidaad ka warqabtaan-ba waanagii baryahan joognay magaalada Nairobi kulamo kala duwana la yeelanay dawlada Kenya iyo qaarka mid ah safaaradaha Yurub iyo mayreykanka, khaastan maanta(shalay) waxaan kulamo la yeelanay safaarada mareykanaka oo uu nagu qaabilay safiirku xigeenka u qaabilsan arrimaha siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale waxaan la kulanay xafiiska midowga Yurub madaxdii u qaabilsaneyd arrimaha Somaliand dhamaantoodna waxaan uga xog waranay socdaalkayaga iyo kaalmadii ay shacbiga Somaliland ugu deeqeen dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo macaluusha Soomaaliya.” Wasiirku waxa uu sheegay inay kala hadleen dublamaasiyiintii ay la kulmeen xaalada guud ee Somaliland ku sugan tahay xiligan. Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxa uu intaasi ku daray inay maalmihii la soo dhaafay la kulmeen qaar ka mid ah safaaradaha wadamada yurub. Kulamadan waxa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida ooh ore u sii joogay Kenya iyo Safiir Ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.Weftigan bari ayaa lagu wadaa inay dalka dib ugu soo guryo noqdaan. Weriye Cumar Maxamed Faarax
  17. Turkish PM Erdogan’s mother dies (Reuters) 7 October 2011, 11:44 AM ISTANBUL - Turkish Prime Minister Tayyip Erdogan’s mother, Tenzile Erdogan, has died in an Istanbul hospital where she was receiving treatment, state-run Anatolian news agency reported on Friday. Turkish media said Erdogan’s mother, who was in her 80s, had undergone a gall bladder operation. Her funeral was expected to be held on Saturday in Istanbul. Broadcaster CNN Turk said Erdogan had cancelled a scheduled trip to the western city of Bursa on Saturday. It was unclear whether he would go ahead with a planned visit to Hatay province on the Syrian border to visit Syrian refugees on Sunday.