Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. That's good let the G6 run the Conference and let them organize the event and the Agenda of the conference the problem with the garaads is they have political preferences and will easily be influenced by the Clan enclave of Garowe which is not good for the outcome of the Conference. The Khaatumo conference ilaahow ka dhig ku kheyr qaba and let the people discuss their Future
  2. Wa hagaaag waloo jooga waba Bisha danbe don't forget Garaad Selebaan Garaad Maxammad represents a huge Portion of the Garaad Clan mainly from the Taleex xudun sarmaaanyo awrboogays Community and he said he is hosting the conference are you saying he is irrelevant in all of this? Kheyr baan u rajeynaya Shirka Ilahay guul haka dhigo iyo kuwi is afgarta
  3. Nuxurka Khudbadii C/Raxmaan Cirro Ka Jeediyay Wanqalkii Urur siyaasadeedka WADANI October 6th, 2011 Baaniddii Samaale iyo Badhaadhihii Xildhibaan Buubaa iyo Balan qaadkii Cirro Hargeysa (Somalialnd.Org)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno badan oo ka mid ah garabkii isbedel doonka ee dhawaan shaaciyay inay ka baxeen xisbiga UCID, ayaa maanta Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Wadani. Xafladii loo sameeyay wanqalka urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin badan oo kala duwan iyo taageereyaashii UCID ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururkan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) furitaankii wanqalka ururka waxa uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramay asbaabaha ay uga digo rogteen xisbiga UCID, waxa ururkani kag duwan yahay axsaabta kale. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay ururkan wax ka aasaaseen tobaneeyo Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada kaga jiray Xisbiga UCID. C/Raxmaan Cirro khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladaas iyadoo dhamaystiran waxay u qornayd sidan:- “1. Hordhac a. Bisimilaahi raxmaani raxiim, Alxamdulillaah, Wassalaatu Wassalaamu Calaa Rasuulillaah………. b. Mudanyaasha Golaha Gurtida, Mudanyaasha Golaha Wakiilada, Madaxda Axsaabta Qaranka, Sulaadiinta,Cuqaasha, Madaxda Axsaabta Qaranka, Culimaaudiinka, Siyaasisiyyinta iyo aqoonyahanka, Ururadda Bulshadda, Ururada aan dawliga ahayn, Haweenka , Dhalinyaradaa, saxaafadda iyo dhamaan marti sharafta Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka salaamayaa salaanta islaamka Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu waxaanan si kal iyo laaba, qalbi muran, waji furan iyo niyad wanaagsan idiin ku soo dhawaynayaa walqasha urur-siyaasadeedka WADANI. Barigii aynu dhalinyarada ahayn, inta i leeg baan sheegya, marka filim la galo ee uu dhamaanayo waxa hordhac la iska tusi jirya filimka habeen dambe la dhigayo waxaana la odhan jiray boorsaminto. Kulanka maanta waxa uu hordhac u yahay shirweynaha urur siyaasadeedka WADANI, oo aan fillimkii idiin soo bandhigi doono. Mudanyaal iyo marwooyin Maanta maalin wax ka sheeg maaha. Markaas annigu cidna wax ka sheegi maayo. Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo madaxda Xisbiga UCID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinamdii Xisbiga UCID kana mid ahay aasayaasyaasha urur siyaasadeedka WADANI, markaan eegay Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad, Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxsaabta Siyaasadda lana tashaday garyaqaano oo ii cadeeyay in talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL ( Reference President EGAL). Sidoo kale doodo dhaadheer ka dib, waxa mudanyaasha Golaha Wakiilada JSL ee ka soo baxay UCID, oo aan ka mid ahaa , aan magacyadooda ku dhawaaqi doonaa go’aansadeen inay iska casilaan xubinamdii iyo xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UCID kana mid noqdaan aaasayaasha Urur siyaasadeedka WADANI, Md Bashiir X Xuseen Tukaale Md Xaashi Xussen Caabi Md Xuseen Maxamed Cigge Md Ibraahim Mahdi Buubaa Md Cabdulqaadir Askar Xasan Md Mahdi Cabdilaahi Maxamuud Md Maxamed Baaruud Shide Md Faarax Maxamuud Cabdulle Md Siciid Maxamed Cilmi Md Maxamed Faarax Qabile Md Muuse Maxamed Ismaaciil Md Maxamed Jaamac Cali Guuleed Md Jaamac Xasan Adan Md Nasir Xaaji Cali Shire Md Cabdilaahi Axmed Yuusuf BACKGROUND 2. Sababaha Dhalashada WADANI a. Ka garnaqii khilaafkii UCID, waxa Maxkamadda Sare JSL ka soo saartay Go,aan u qoraa sidan: • Waxay go’aamisay in dhamaan hay’adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/6/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynihii Xisbiga. • Waxay maxkamadu go,aamisay in shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabto , laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah oo ka bilaabmeysa maalinta go,aankan lagu dhawaaqo, waxaanu shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qayb galay shirweynihii 2aad inta ka nool. b. Waxaa go’aanka maxkamada ku cadaadinay jirin cid gaar oo loo xukumay ama la siiyey Xisbigii UCID. c. Waxaad mudanayaal iyo marwooyin la socoteen go,aanka ka dib in aqlabiyad hogaankii, fulintii , Golihii dhexe, masuuliyintii Gobolada iyo laamaha dibedda ee UCID is casilayeen si joogta ah oo ay ugu dambeysay mudanyaashii Golaha Wakiilada ee UCID d. Waxaan ku qanacnay in xaaadaha qaarkood danta Qaranku ka mudan tahay wax kasta. e. Taas darteed waxaan ku qanacnay in go,aanka maxkamadda Sare JSL iyo Go,aan asaaska urur siyaasadeedka WADANI tixgeliyey kana horeysiiyey danta qaranka wax kasta. f. Go aanka lagu aasaasay urur siyaadadeedka WADNI wuxuu ahaa mid loogu tudhayna Dalka iyo Dadka una danaynayna xasiloonida iyo wadajirka bulshada Somaliland. MISSION 3. Muxuu u taaganyahayururka Wadani, Somaliland National Party? a. Wadani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka b. Waxauu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta Somaliland gaar ahaan dhallinyarada. c. Waxauu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada Somaliland higsanayso d. WADANI wuxuu u taagan yahay ka rumaynta riyada Muwaadinka Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka e. Waxa uu u taagan yahay gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale. f. Wuxuu u taagan yahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda( LAW & ORDER) g. Wuxuu taagan yahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolashad , dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta . MABAADIIDA URUR-SIYAASADEEDKA WADANI 4. Siyaasadda ururka a. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed b. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah c. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland d. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf. e. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka f. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu. URURKA WADANI IYO BAAHIYAHA SOMALILAND 5. UrurkaWadani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu weyniyihiin: a. Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo. b. Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno isu-fiirsiga hoose . i. Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya. Ururka Wadani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas, waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas. ii. Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni, waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno, dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan xajiin siyaasadeed, taasna waxa u taagan ururka Wadani 6. Ururka Wadani waxa uu tixgalinayaa a .Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland. b. Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah. c. Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba. 7. Balanqaadka Ururka WADANI. a. Wuxuu WADANI ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin toosan. b. Siyaasad Mudakara iyo Xuquuq siman.” Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, waxanu sheegay inuu si kalsamiya u soo dhawaynayo ururkan Wadani oo uu u rajeeyay inuu noqdo sadexda urur ee u gudba xisbinimo. Md. Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee sheegay inaanay ku galayn doorashada diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee kalhore, waxaanu ku tilmaamay kuwo ka baqanaya inay ku hadhaan doorashada Goleyaasha deegaanka. Guddoomiye Ku Xigeenku waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu ka hawl galo sidii ay dhawaan u qabsoomi lahayd doorashada Goleyaasha deegaanka. Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayihii hore ee xisbiga UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Muuse Inji) iyo Afhayeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Codyare, waxaanay ka warameen ahdaafta ururkoodan cusub oo ay sheegeen inuu noqon doono mid dimuqraadi ah. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga UCID oo uu ku biiray urur siyaasadeedkan Wadani. Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsanaa xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu ka baxay xisbiga UDUB kuna biiray urur siyaasadeedkan wadani. Weriye Cumar Maxamed Faarax
  4. Wadani will be a good party i think it will be a big party it's led by the Current Somaliland Parliament speaker Abduraxmaan Ciiro it has potential. Wadaniyow so dhawoow.
  5. A khadar what do you think can come out of this Conference now the Pro Garowe garaad has his hands on the Conference instead of the G6 group?
  6. Hargeysa oo lagaga dhawaaqay Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaahdo Wadani oo ay ku bahoobeen Garabkii UCID ka baxay Hargaysa(Waaheen)Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey oo lagu qabtay hotel maansoor ee magaalada hargeiasa taas oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiin uu hor kacayey Gudoomiyaha Baarlamaanka somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/rahman Cirooo)oo ay weheliyaan xunnihii kasoo go,ay xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Xasan Xuseen Codyare, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ,Muuse X.maxamud (Muus inji,) iyo 19 Xildhibaano oo katirsanaa Xisbiga Ucid, Madax Dhaqameedyo,iyo Dadwayne Aad utirabadan ayaa maanta si rasmi ah Loogu dhawaaqay urur siyaasadeed Cusub oo la magac baxay WADANI, xaflada lagaga dhawaaqayey Wanqalka Urursiyaasadeedka Cusub oo ay hadalo iskugu jira gubaabo iyo waano ay hal kaa soo jeediyeen Masuuliyiintii Kahadashay madashaasi Iyadoo ay ahayd madal aad u xiiso iyo xamaasad leh oo ay dadwaynihii kas oo qayb galay ay aad u jeclaysteen dhamaanba ma suuliyiintii halkaa kahadashay .Waxaana ugu horayn halkaa tafaasil dheer kabuxiyay gudoomiyahay ku meel gaadh ka ah ee urur siyaasadeedka Cusub ee WADANI ahna Gu doo miyaha Baarlamanka Somaaliland Cabdiraxmaan Maxaamed Cabdilaahi (Ciro) isagootilmaaaamay inay mudo dheer kasoo shaqaynayeen sidii ay ufuri lahaayeen urur cusub oo dadwaynaha reer somaaliland ku diirsadaan waxqabadkiisa. iyo siyaasada ay ku hagi doonaan ururkan ay maanta ku dhawaaqeen ee wadani. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” walaalayaal maanta oo taariikhdu tahay 06/10/2011 aniga iyo xubnahan kale ee i weheliyaaba waxaanu ku dhawaaqnay urur siyaasadeedkan cusub ee wadani, markii aanu eegnay distoorka qaranka jamhuuriyada somaliland qodobkiisa 14aad ee aanu aragnay xeerkii ka soo baxay golayaasha sharci dajinta ee dalka markii aanu aqoonsanay inaanu jirin wax sharciya oo noo diidaya inaanu urur siyaasaded cusub furano ayaanu isla garanay inaanu ku dhawaaqno urur siyaasadeedkan cusub, ururkani waxa uu u taagan yahay horumarinta dalka iyo dadka ,waana urur u taagan horu marinta dhalinyarada dalka” gudoomiye cabdiraxmaan mar uu ka hadlayey in ururkoodan aanay lahayn cid gaar waxa uu yidhi ” ururkan wadani walaalayaal waa urur aanay cid gaari lahayn sida ururkii aanu hore uga tirsanaan jirnay oo ay cid gaari yeelatay waana urur ka dhaxeeya dhamaan shacbi waynaha somaliland ururkan hogaankiisa rasmiga ah waxa lagu dooran doonaa shirweynaha ururka oo aanu ku qaban doono mudo dhan 90 cisho waxanan ilaahay ka baryayaa inuu noqdo ururada ku guulaysta inay noqdaan xisbiyo”. waxa isaguna xafladaa hadal kooban ka jeediyey Xasan Xuseen Codyare oo ka mid ahaa xuninihii ugu mihiimsanaa ee kasoo go,ay xisbiga Ucid kuna soo biiray Urur siyaasadeedka Cusub ee WADANI. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” ururkan wadani waa urur aanu mudo badan soo wadnay kana soo fikiraynay magacan wadanina waa magac aanu ka soo dhex xulanay magacyo badan oo aanu isku keenay mudadaa badan ee aanu ka soo fikiraynay urur siyaasadkan wadani ee maanta aanu ku dhawaaqnay, ururkan wadani waa urur siyaasi ah isla markaana u taagan horu marka wadankeena oo loo baahan yahay inaad garab istaagtaan sidii uu uga mid noqon lahaa sadexda urur ee hadhaw noqon doona xisbiyada qaranka” . Waxaa isna halkaa hadal kooban ka soo jeediyey muuse X. Maxamuud Guuleed (Muuse inji )oo ka mida siyaasiyiinta furtay urur siyaasadeedkan cusub ee wadani isagoo utaagan Gudoomiye kuxigeenka Urur siyaasadeedka WADANI waxaanu sheegay in loo baahan yahay in lays garab taago urur siyaasadeekan cusub ee wadani waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” ururkan waxaanu ka soo shaqaynaynay mudo dheer waxaana maanta noo suura gashay inaanu xafladan kaga dhawaaqno markaa waxa loo baahan yahay in lays garab taago urur siyaasdeedkan cusub ee wadani ee aanu maanta ku dhawaaqnay ururkana maaha urur ay cid gaari wadato ee waa urur ka dhaxeeya umada somaliland waxa kale oo isaguna xafladaa hadal kooban ka soo jeediyey xildhibaan Cali oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada somaliland iyo xisbiga kulmiye-ba waxaanu uu sheegay in sharcigu wakhtigan ogol yahay in ururo siyaasadeed la furto isla markaana ururkan cusub ku sifeeyey inuu leeyahay calaamadihii xisbiga kulmiye markii lagu dhawaaqayey uu lahaa waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ” ururkan wadani waa urur siyaasadeed oo firfircooni ka muuqato marka aad eegto sida ay dadwaynuhu uga soo qayb galeen iyo xubnaha miisaanka culus ee ku jiraba waxaanan odhan karaa waxa uu leeyahay saansaantii xisbiga kulmiye markii sanadkii 2002 lagaga dhawaaqayey hotelkan aan imika joogno ee maansoor, waxaanan u rajaynayaa urur siyaasadeekan cusub ee wadani inuu ka mid noqdo sadexda urur ee soo bixi doona, anigu waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii wax ka sameeyey xeerka furashada ururada siyaasada ee xeer lanbar 14aad xeerkana waxa loogu tala galay inuu 10kii sanaba uu mar dhaqan gal noqdo oo lagu baratamo doorashada golayaasha deegaaanka si ay u soo baxaan sadexda xisbi qaran ee iyaguna ku tartami doona doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada. Waxaana Gabagabadii halkaa hadal koban kasoo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Wakiilada Somalilan C/cassis Maxamad Samaale oo isagu kamid ahaa xubin sharaf lagu soocasuumay Wanqalka Urur siyaasadeedka Wadani waxaanu ku amaanay masuliyiinta soo abaabushay ururkan sida fican ee ay usoo qaban qaabiyeen iyo sida quruxdabadan ee ay Dad waynaha tirade badani usoo ajiibeen wanqalka xaflada . Waxaana hadaladiisii kamid ahaa sidan “waxaanu nahay laba nin oo aad usaaxiiba waxayna dadku namoodaan inmidkaayo kasoobaxay xisbigiisii oo uu kusoo biiray xisbiga UCID ama KULMIYE waxananau nahay labanin oo isdoortay waxaanu ku soo hal qabsaday hadalkii dube iyo doolaal waxaanu nahay duqay magaalo anaagaaba isdooranay midba duubka wanaagsan buu dushaa kuwataa dudmana loogama yaabo ” Cabdirahman Adan Madar
  7. Every month the VC4Africa team places a new venture in the spotlights. Now we will meet Hasan Giire, one of the founders of ExtendedBITS. Can you please describe your venture? “ExtendedBITS is an international enterprise with the headquarter in the Netherlands and a software factory in Somaliland. Our business model is providing Dutch and later European companies with (extra) IT-resources. Our office in Somaliland employs young IT-professionals. Those specialists will be working as an extension for their Dutch clients. Our office in the Netherlands serves as the contact point for our clients. All agreement between our company and clients is subject to Dutch laws. We strongly believe that quality software will drive development. The value of the finished product and the satisfaction of the client are based on the quality insurance throughout the entire project cycle: from requirements to design, from design to development and from development to acceptance of the product. Clear and transparent communication between the parties is therefore imperative. We are providing dedicated professionals for short and long periods of time.” Can you explain about the current situation in Somaliland? “Until 1960 Somaliland was a English colony. And when the area became independent from Britain, it was part of Somalia until 1991. After the civil wars in the country, Somaliland decided to be independent from the rest of the country but is not yet a recognized country by the international community. Most people are not aware that Somaliland is a stable country in the region, so they expect risks in investing in our company. We need to tell them about the situation and the fact that there is a local, good functioning government. To give an example, Coca-Cola, the world’s largest soft-drink maker, plans to set-up a bottling plant in the breakaway republic of Somaliland, saying its stability and economic growth provide “conducive” conditions for investment. There is a free market in Somaliland; utilities like electricity and the telecommunication is in the hand of private companies. In every city, there is more than one company providing those services. Compared to other African countries, Somaliland possesses the best and cheapest rate for telecommunication (telephone and internet) connection. Also, the government stimulates business to flourish. The registration of a company can be done within three days. Most of African countries, registration of a company take something like 20 to 40 days. The people of Somaliland decided to construct their country, set up schools and universities. Every region has one or more universities. Currently more than 2000 students graduate each year from those local universities and high education institutes. Life in there is pleasant if one have work and income. The weather is always good and the people are very friendly.” Can you tell us about your cooperation with the Eelo University in Borama? “Intellectuals from the Awdal region set up Eelo University in 2007 and it is specialized in the field of engineering. Our cooperation is the extension of IT-knowledge within the country. First; ExtendedBITS will be the future employer of the graduated students of Eelo University. In the second phase, we will provide extra curriculum activities to the students.” Who are your clients? “Our clients are small and medium size IT-companies in the Netherlands that are needing extra resources to implement projects in time. Currently Dutch companies complain about the lack of professional workers in the field of engineering and that is why they outsource the work to Indian or other firms to alleviate this situation. ExtendedBITS is capable to deliver quality, flexibility and cheap hourly rate. Our young professional are eager to establish a decent life in their country and are therefore willing to make the extra miles. The management of the company is from both The Netherlands and Somaliland. We understand the language and business culture of both countries.” What are the main questions possible investors have when you talk to them? “Our strength is that we do not depend on external investments to start our business. At this moment we are about to start with our first assignment and the income of this project will cover our costs. But of course a financial injection will help us to grow more quickly and speed up the international certification process.” How can members of VC4A contact you? “Members can contact me via my VC4Africa profile, e-mail: hasan_giire [at] yahoo.com or info [at] extendedbits.com and skype: hasan.giire. Also see our website: http://www.extendedbits.com“
  8. Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la yeeshay Wefti ka socday baanka Faransiiska ee BCIMR October 6th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Wefti sare oo ka socda Baanka Caalamiga ah ee BCIMR oo uu hogaaminayo agaasime goboleedka Baankaas oo lagu magacaabo Ould Camaar Yaxya iyo Isuduwaha BCIMR Mr. Cawil Muuse Jaamac oo ka kooban 5 xubnood ayaa Salaasadii kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland. Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si weyn u soo dhaweeyay Baankan caalamiga ah waxaana uu xusay inuu kaalin wayn ka gaysanayo horumarka wadanka, oo uu ku faraxsan yahay xafiiska ay ku leeyihiin Somaliland xaruntiisa Hargeysa. Madaxweynuhu wuxuu u balanqaaday xubnaha weftiga in sharcigii Baananka ay xukuumadu diyaarisay, isla-markaana ay u gudbisay Golaha Wakiillada, oo ka gudanay waajibkooda distooriga ah. Weftigan ka socda Baanka Faransiiska ah ayaa dhinacooda si muujiyay inay danaynayaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen, qaybna uga noqon lahaayeen horumarka ay ku talaabsatay Somaliland. “2 sano iyo Badh ayaanu daganahay Somaliland, anaga oo hada Jabuuti joogna ayaanu ka qayb-qaadanay horumarka Somaliland, waxaana jira wershado aanu gelinay maal-gashi kuwaasoo uu ka mid yahay Company Coca Cola ee dhawaan la furayo, shirkadii Abyan ee sharaabka, shirkada Geeddeeble ku taala ee iyana alaabooyinka soo saarta, Hodan Shiraqle Company ayaa ka mid ah, anaga oo aan wadanka wada daganayn ayaanu hadana dhaqaalahaas adag gelinay, hadii xafiiskayagu si rasmi ah u furamana maxaad u malayn, waxa naga go’an oo aanu diyaar u nahay in aan kala shaqayn bulshada Somaliland dhinaca wershaynta iyo maalgashiga.” ayuu yidhi Md. Cawil oo faahfaahin ka bixiyay BCIMR. “Wershadaynta wadanka ayaanu ka qayb-qaadaynaa, waxa nagala qayb-galaya sanduuqa maalgelinta faransiiska iyo caymisyo faransiis ah ayaa arrimahaas wax nagala qabanaya,”ayuu tilmaamay. Weftigani markii ay yimaadeen wadanka waxa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Md. Cabdi Dirir, waxayna intii ay ku sugnaayeen Hargeysa kulamo la qaateen, wasiirka Maaliyadda Somaliland, Md. Maxamed Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar. Baanka BCIMR oo keliya maaha Bangiyada caalamiga ah ee danaynaya inay xarumo ka furtaan Somaliland, si toosana uga hawl-galaan, waxase jire Bangiyada kale sida Bangi laga leeyahay wadanka Switzerland oo isna dhawaan ku dhawaaqay uu ka hawl-galayo Somaliland. Kuwaasoo dhamaantood u xaniban sharciga Baananka ee horyaala Golaha Wakiillada.
  9. Che is dying next year
  10. Alshabaab is being funded by wealthy Arab Sheikhs from the middle east and the State of Eritrea and with revenues in the places they control.
  11. Than why you care if Xabashis are deported back to their own Country live and let live let Melez take care of his People
  12. ilahay ha u naxariisto fananada she will be missed
  13. Somaliland Government condemns Al Shabaab‘s Mogadishu bombing HARGEISA (SomalilandPress)—Somaliland government today condemned Somali’s Al-Qaeda link terrorist group Al Shabaab for their truck bombing of Mogadishu hall where students assembled to register an entrance exam to Turkish scholarship. A truck full of explosive driven by a suicide bomber ramp the entrance of the building killing over 70 students and civilians Wednesday morning. The wounded were estimated to surpass 160 consisting of students, civilians and soldiers. Somaliland Minister of Foreign Affairs Dr. Mohamed Abdillahi Omar speaking to the press at his office said his government and the people of Somaliland send their condolences to the people of Somalia, the Transitional Federal Government and Mogadishu residents for the coward attacks of the terrorist group Al Shabaab. Dr. Mohamed Abdillahi Omar said we ask the international community to help those that were hurt on yesterday’s bombing as they need an urgent medical care. The Minister said Somaliland remains resolute on the fight against terrorism and that police and army forces have been put on high alert after yesterday’s truck bombing of Al Shabaab in Mogadishu. We also asked our citizens to be more vigilant and report any suspicious people or activities to the police. Dr. Mohamed went on to say the only way to fight back these terrorist group is to have all regional governments work together as precautionary measure against terrorism. Foreign Minister Dr. Mohamed Abdullahi Omar concluded the press meeting by saying “Al Shabaab terrorist group is a threat to the East Africa and the entire world unless they are stopped”. Yesterday’s truck bombing in Mogadishu has been condemned by the world and Al Shabaab terrorist group has promise to continue their terrorist tactic.
  14. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=AkKIWkGioTI#! Here is the video of the event yesterday very well organized
  15. Carafaat garaad selebaan Garaad Maxammad is a diehard puntlander he is now leading the Khatumo conference in Taleex.
  16. Madness total Madness they are out of control i have listen today to Ali dhere he said our target was the Ministry of educated and the TFG base.And the Killings will continue he said till the TFG is removed from Mogadishu he said we will not stop its obvious the target were innocent civilians and he did not shed a tear and i believe they were planning this for weeks this is beyond evil.
  17. Abdul;749974 wrote: This was an order from Meles.What meles wants,meles gets. Isn't melez an Ethiopian aren't the oromos Ethiopians why are you in Habashi Affairs
  18. Ehehehe Nabada iyo hormarka ay Somaliland gaadhay dadkeeda sameystey odayaday Somaliland baa cidhibyada u taagay cidna waxba kamay sugin. Magaca Somaliweyn aniga ima dhibayo muxu ii dhibi laha laakin sidad u abusegereyse baan la yaabay Somaliweyn waxad ka dhigtay gurgaagi labada cariiska ka dhisna Somaliweyn waxad u taqana Gurigaagi. Somaliweyn Wa Somaliland waa jaabuuuti wa O'gadeniya Wa NFD Wa Somalia,, laakin adigu gurigaagi baad Somaliweyn ka dhigtay oo aad ugu magac dartay wa arinta la yaabay taasna dee wa wax xaqiiqada ka fog dadkan yaad mooday Somalidu waxay ku mah mahan mar I dage Alla ha dago labo goor i dage aniga is dagay. Wa bilahi tawfiiq.
  19. Well done Somaliland court locking up these pirate thieves