Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. it depends if she is willing to change i believe in true love
  2. Kenya is reestablishing it's lost territories during the Colonial period British east Africa i don't believe they are after the kidnapped aid workers.
  3. Raile Odinga Oo Sheegay In Dalka Soomaaliya Aanay Ka Jirin Madaxbanaani La Sheegi Karo. Nairobi(Ramaas) Oct. 18 , 2011-Ra'iisal wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadooda ay u galeen gudaha Somalia si ay ula dagaalami lahaayeen ururka Al-shabaab oo uu ku sheegay koox Argagaxiso ah. Mr. Odinga waxa uu sheegay in dawladdiisu ay go'aankan qaadatay markii dunidu soo dhaweysay go'aankooda ah in ay ciidamadooda u talaabaan Soomaalia, sidoo kalena ay dalalka gobolku soo dhaweeyeen go'aankan. " Al-shabaab waxay khatar muuqata ku tagay dalalka gobolka iyo dunida oo dhan. Waxay isku dayeen inay soo weeraraan dalkeenna, taasoo walaac weyn nagu dhalisay." ayuu yidhi Raile Odinga Ra'iisal wasaaraha Kenya, waxa uu sheegay in Somalia aanay ka jirin madaxbannaani la sheegi karo maxaa yeelay kama jirto dawlad awood leh oo sugi karta ammaanka guud ee dalka Soomaaliya. Ra'iisal waasaraha Kenya ayaa sheegay in ay ka go'an tahay in ay ka sifeeyaan gobolka Al-shabaab, isaga oo dunida ugu baaqay in ay dalkiisa gacan ku siiyaan sidii ay hawshan ugu guuleysan lahaayeen. Xukuumadda Kenya ayaa hore ugu eedeysay Al-shabaab in ay afduubyo dhawr ah ka geysteen dalkooda, inkastoo afhayeen u hadlay kooxdan uu sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn afduubyada ka dhacaya dalka Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah shaaca uga qaadin in ciidamada dalka Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, iyada oo afhayeenka xukuumadda uu sheegay in Kenya, Soomaaliya iyo ETHIOPIA ay ku heshiiyeen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen ammaanka dalalkooda.
  4. We all know what drove Cabdulahi yusuf to allow Ethiopian Mercenaries to shell Mogadisho, Ethiopia was driven by their Abyssinian Pride their Soldiers were taking Pictures at the Somalia defense Ministerial office raising their flag. And Cabdiilaahi yusuf was driven By Clan revenge.
  5. Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ku Qiimeeyay Xaaladda Nabadgelyada October 18th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii golaha Guurtida Somaliland ee maanta ayaa Mudaneyaasha aqalkaasi kaga doodeen xaalada nabadgelyada dalka oo ay tallooyin u soo jeediyeen Ha’yadaha amniga. Fadhigaasi oo uu gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay mudane yaashu kagaga doodeen xeerka nabadgalyada kaas oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga 45aad oo ay mudane yaashu ku jiraan. Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa ku wajahan qodobka nabad galyada ee laga doodayay ayaa si gaar ah waxa uu uga hadlay arrinta colaada beelaha wada daga dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya gaar ahaan kililka shanaad isagoo xildhibaanku arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Arrintaa Kililka shanaad ee Itoobiya laga soo sheegayo oo dad ku dhinteen waxaan soo jeedinayaa in golle ahaan aynu ka qaadano doorka aynu ku leenahay oo aynu ka soo saarno baaq nabadeed oo arrintaa ku wajahan ayaan anigu soo jeedinayaa.” xildhibaan Caydiid waxa kale oo uu ka hadlay arrintii colaadii Kalshaale waxaanu yidhi “Arrinta Kalshaale wali beelihii layskuma keenin waxaad moodaa in ay siyaasadi ku jirto, waxaan raacsanahay in uu gaabis jiro oo loo baahan yahay in inaga iyo xukuumadu aynu dib isugu noqono si loo saxo wixii qaladda ee jira haddii ay xukuumada noqoto iyo haddii ay inaga.” Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dhalinyarada xaafadaha waxanuu yidhi “Anigu xaafada aan deganahay oo ah Xawaadle iyo Goljano habeen walba isku dhac dhalinyaraa ka dhaca,isku dhacaasna dhalinyaraa wadda oo la saf baa loo dagaalamaa, wax bilays ah oo yimaadaana ma jiraan haddii ay sii socotana dhibaataa ka imanaysa, waxaan soo jeedinayaa in arrintaa bilaysku wax ka qabto.” Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii ka qayb galay doodan nabad galyada ayaa isna isagoo ka hadlaaya arragtidiisa ku wajahan nabagalyada waxa uu yidhi “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsan tahay, hadana iyadoo wanaagsan in mar walba laga werweraa aad bay u wanaagsan tahay.aniga aragtidaydana waxa inoogu dhib-badan caruurteenii oo habeenkii saf-saf isku laynaaya taas oo nabad galyada wax u dhimaysa.” “Waxaan leeyahay bilaysku way ka shaqeeyaan, laakiin kaligood waxba kama qaban karaan hadaan dadka shacabka ahi la shaqayn oo aan lagu kaalmayn gudashada waajibadkooda qaranee shacbigu ha la shaqeeyo,”ayuu yidhi Md. Cawil. Xildhibaan Cawil waxa uu ka digay halista ay nabadgelyada ku hayaan kooxaha argagixisada waxaanu yidhi “Arrintaasi waxay u baahan tahay siddii aynu awalba dawlada iyo shiciba u wada shaqaynay in aynu uga wadda shaqayno oo uu qofwaliba bilays noqdo oo uu halka uu joogo nabadgalyada ka illaaliyo wixii dhib wadda ee uu arkona la socodsiiyo ciddii ku shaqo leh. Anigu waxaan soo jeedinayaa in Golaha guurtidu kordhiyo wacyi galinta dadwaynaha ee xagga nabadgalyada.” Xildhibaan Ibraahin Ciise Buux oo isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan nabadgalyad gaar ahaan ta wadooyinka waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka nabadgalyada wadooyinka ee maalin walba dhaca waxa ka mid in darawalku isagoo gaadhigii wadda ayuu haddana Moobil ku hadlayaa taas waxay keentaa in ay maskaxdiisu baxdo taasina waxay sahli kartaa in uu si fudud shil u galo, annigu waxaan u soo jeedinayaa in marka ay darawaliintu Moobilada ku hadlayaan in wadada dhinac uga baxaan, ciidanka ku shaqada leh nabadgalyada wadooyinka waxaan u soo jeedinayaa in ay wax ka qabtaan arrimahaas.” “Dadkii shisheeyaha ahaa ee dhawaan xukuumadu ku dhawaaqday in dalka ka baxaan waxay culays weyn oo saarnaa ka qaaday xagga nabadgalyada, wadankana culays weyn baa ka fududaaday oo ay wax badan u khafiifisay xukuumaduna way ku mahad santahay waxaana loo baahan yahay in arrintaa la sii adkeeyo oo la socdo dadka xuduudaha dalka soo galaya oo la ogaado cida dalka soo gaysa,” Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii fadhigaasi ka hadlay. Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Wadamada aynu jaarka nahay haddii aad tagto illaa Hudheelka aad ku dagayso waa la ogyahay oo waxa la baadhayaa waxa aad u socato iyo halka aad ka timi, waxaana jira fiiseyaal lagu galo wadamadaa inaguna kuwaas uun baynu la mid nahay. Waxaan soo jeedinayaa in go’aankaa la sii xoogeeyo oo aan halkaa lagaga hadhin.” Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo Guddiyadii nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka laga sameeyay. “Waxaan leeyahay waa in la xoojiyaa guddiyada nabadgalyada ee xaafadaha ka jira waxaana loo bahan yahay in loo sameeyo shuruuc arrimahaas wax lagaga qabto madaama oo aynu nahay golleyaashii sharci dajinta,”ayuu yidhi Md. Xareed. Gababgabadii fadhigaasna waxa loo balamay in fadhiyada maalmaha soo socda halkaa laga sii abo qaado dooda xeerka nabad galyada.
  6. Somaliland house of elders call for a cease fire between the clans fighting in the hawd region of Ethiopia.
  7. Interesting the Garowe Clan Administration is trying everything to sabotage the Khaatumo Conference
  8. Not really a group of Ethiopian soldiers were attacked beyond the Ethiopian border by an armed group from buhoodle the Ethiopian troops retaliated which resulted the lose of 13 People, do you even know where buhoodle is located parts of it is located in Ethiopia and part of it in Somaliland. Somaliland govt did not call the Ethiopians in and even if they did i would not agree with that but you on the other hand fully supported Ethiopians shelling Residents in Mogadisho according to you it was a revenge from your Clan against the Mogadisho Community.
  9. Gabiley Oo Si Weyn Looga Xusey Maalinta Shuhadada SNM, Xukuumaddana Loogu Baaqay In Ay Majaro Habaabinta Ka Deyso Ubucdii Halganka waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM Gabiley: (GNS)- Waxa maanta magaalada Gabiley ee xarunta GobolkaGabiley si weyn loogu xusay maalinta loo asteeyey shuhadada SNM ee 17May, taasi oo laga wada xusayo gebi ahaanba gobollada iyo degmooyinkadalka oo dhan.Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta shuhadada oo lagu qabtayHutel Askar ee magaalada Gabiley ayaa waxa ka soo qeyb galaymaamullada heer Gobol iyo heer Degmo ee magaalada Gabiley, cuqaal,ururrada bulshada iyo kuwa haweenka, iyo weliba qaar ka tirsanmujaahidiintii SNM. Munaasibaddan lagu xusayey shuhadada oo si heersare ah loo sooagaasimay ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay badhasaab ku xigeenkagobolka Gabiley, Cali Cabdi C/laahi, (Cali-Case) oo isagu sheegay inwakhtiyadii ay bilaabmeen dhaqdhaqaaqyadii jabhadii 4aad ee bilowgiisiteetamaadkii uu ahaa ardaydii wakhtigaa u tallowday, “Bilowgiisideetamaadkii ayaa ay ku beegnayd wakhtigii ay jabhaddii Afraad kahortimid maamulkii Siyaad Barre, xilligaasi oo ay ka bilaambeenhawlgalladoodii ugu horreeyey deegaanadoodii Alaybaday iyo Wajaale.Aniguna (Cali-Case) waxaan ka mid ahaa ardaydii wakhtigaa tallowday,ee ku biirtay jabhaddii Afraad, waxaanan ka mid noqday guutooyinkiigudaha u soo galay dalka ee u dhaadhacay buuraleyda waqooyiga,sannadkii 1984kii, waxaana na watay mujaahid C/laahi Askar. Rafaadbadanna aanu kala kulannay ciidamadii Soomaaliya,” ayuu yidhibadhasaab ku xigeenku. Maayorka magaalada Gabiley marwo Khadra X. Geydh, oo munaasibaddaasika hadashay ayaa ballan qaadday inay u furayso jimciyadda Sooyaal eeGabiley, xafiis ay ku ururiyaan taariikhihii halyeyadii SNM, waxanayhoosta ka xarriiqday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland eewakhtigani uu yahay guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, islamarkaana yahay nin uga damqasho badan madaxweynayaashii ka horreeyey,“Xukuumadda iminka ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo waxa ka go’andaryeelka naafadii iyo agoomihii ay ka tageen shuhadadii SNM, waanaguddoomiyihii ugu muddada dheeraa, taas darteedna waa uu uga damqashobadanyahay madaxweynayaashii ka horeeyey isaga (Siilaanyo), anagunawaxaanu ballan qaadaynaa inaanu u furno xafiis jimciyadda Sooyaal eeGabiley, si ay ugu ururiyaan macluumaadkii taariikhihii hore ee SNM,waxa kale oo aan ballan qaadayaa in aan taallooyin iyo goobo laguxusuusto shuhadada SNM ka hirgeliyo deegaanadii ay ka bilaabmeenhalgankii SNM,” ayey tidhi marwo Khadra.Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mujaahidiintiiSNM, oo ay ka mid yihiin Daahir Muxumed Cige (Daahir Yare), MaxamedJimcaale (Maxamed-Dhuub), guddoomiyaha xafiiska Sooyaal ee Gabiley,Muj Fox, kuwaas oo dhammaantood ka tirsanaa xubnihii lagu aasaasayjabhaddii Afraad, waxanay dhammaantood ka sheekeeyeen taariikhdii SNM,iyo waliba sidii ay ku bilaabantay halganku, iyo weliba waxyaabihiidhaliyey inay ka hor yimaadaan maamulkii Siyaad Barre.Waxa kale oo iyagu halkaa ka hadlay caaqil Aw-Ciise Jaamac, caaqilMaxamed Cabdi Qawdhan iyo caaqil Axmed C/laahi Xareed, oo iyagu xukuumadda ugu baaqay in ay ka dayso majaro habaabinta ay kusamaynayso halka ay ka bilaabantay hawlgalladii SNM, “xukuumaddu waain ay ka deyso majaro habaabinta ay ku samaynayso halka ay kabilaabantay halgankii SNM, waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM, waxana mudan intaallooyinka koowaad laga sameeyo halkii halganku ka bilaabmay,” sidaawaxa yidhi Aw-Ciise Jaamac.Waa markii ugu horreysay oo muddo 15 sano ah, ee xuska shuhadada SNMlagu qabto guud ahaan gobolka Gabiley, waxanay ahayd munaasibadii ugudambeysay ee lagu xuso sannadii 1996kii, oo ku beegnayd bilowgiixukuumaddii Madaxweyne Maxamed X, Ibraahim Cigaal.
  10. Wejiga Labaad Ee Dagaal Shalay Gudaha Itoobiya Ku Dhex Maray Geelay Reer Somaliland Iyo beelaha ka so jeeda dhagaxbuur Ah Oo Qarxay & Khasaaraha Uu Keenay Dacawaley (Ramaas) Oct 17,2011 – Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Dacawaley oo ka tirsan kililka shanaad ee Itoobiya. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya beesha dhagaxbuur iyo beesha Hawd, kuwaas oo deegaankaasi wada dega isla-markaana xoolahoodu isku meel wada daaqaan, waxaana la sheegay in dagaalku shalay si kedis ah uga qarxay deegaanka Dacawalay oo ah gudaha Kililka Soomalida Itoobiya. Dagaalkan oo shalay markii bilaabmay ay ku dhinteen afar qof oo ka soo jeeda Beesha dhagaxbuur iyo hal qof oo beesha Gobolka hawd ayaa sidoo kale maanta galinkii dambe markii uu soo laba kacleeyay waxa uu sababey khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadda oo wararka halkaasi ka imanayaa sheegayaan in labada dhinac si aad u hubaysan yihiin. Dagaalkan oo aan ahayn kii ugu horeeyay balse ay hore u dhaceen dagaalo kale oo door ah ayaa waxa aan ilaa hadda soo kala dhex galin dawlada Kililka Soomalida Itoobiya oo gudaha deegaankeeda lagu dagaalamayo. Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waxa sababey ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay damac ka yimid geelay reer dhagaxbuur ah oo weerar ku soo qaaday geel beesha kale halkaas u joogay, iyagga oo doonayey inay qaadaan, balse geelayda reer Somaliland oo iyaguna hubaysnaa ayaa wakhtigaa difaacay geelooda, dagaalka halkaas ka dhacayna waxa uu sababey dhimashada shan ruux oo kala ah afar dhinac ah iyo qof dhinaca kale ah. Dagaalka ayaa la sheegay inuu istaagay balse ilaa hadda ay labada ciidan ee geelayda ahi ay is-hor-fadhiyaan.
  11. xiinfaniin;752071 wrote: That is not true, Xaaji X. There was never a real effort to build the only institution that could save Somalia. The reason has always been weak and remains so till today. It is in the name of balance of power, which says we cannot strengthen the TFG when it is temporary and lacks legitimacy from all Somalis. It shows how disingenuous these military invasions are. It may be good for Keyna to show the West that she can defend its territory and safeguard Western investment and ensure economic stability. It does not solve the aslshabaab problem. On the Contrary to build a Military institution it takes years of Military build up discipline of the Army training of the army personal into effectiveness managing the Army officers and recruiting capable Army commanders and having the right facilities and Equipment while not being in constant fighting. And as you said a strong foundation is what you need but where do you get that not in Somalia that's why currently Somalia's Army is trained in Kenya and Ethiopia while, there are peace keeping forces or as some say Mercenaries doing the work.This Conflicts with the notion for Somalia to develop a capable army in the near future.
  12. Xiinfanin majority of them Carry the Genetics of the Holy man buried in Maydh Ps woqoyiga wala isla wada yahay Xiinfanin ba xita ka mid ah xita faraski Sayidka reer woqoyi ah oo dooga Woqoyi daaqi jiray Nacam Bila one nation
  13. Xiinfanin that takes times perhaps years to build a capable effective army for Somalia to defeat Alshabaab completely
  14. Xaflad Balaadhan Oo lagu xusayay maalinta shuhadada SNM oo lagu qabtay Hargeysa October 17th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada. waxa munaasibadani ay salka ku haysaa dagaalkii qadhaadhaa ee ciidamadii Siyaad bare iyo xoogagii ururkii SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October sannadkii 1984-kii oo laga joogo 27 Sanadood. Xaflada lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale. Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta waddanka oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taariikh halgameedkii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta. C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin cisbitaalo dibadeed. Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM, iyo Madxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuumada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM. “Waxaan muhaahidiinta iyo SNM waxaan Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taageerto mujaahidiintii dalka,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas. Afhayeenka xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre. Maxamed Kaahin waxa uu ka sheekeeyay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee ku sinaa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisimadii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle. Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray awoodii garabkii Ciidanka ee SNM.waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafahoodii u huray dib u xoraynta Somaliland. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya. Md.Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxamed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka Lagu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay halgankaas. Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidiintii iyo agoomihii SNM,aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye ku galay ololahii Doorashada. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland ku jirno halgan ka duwan kii hore kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale. Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY uga bariday inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaahidiintii ururkii snm ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda . Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba. Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM lagu qabtay Magaalooyinka Burco Iyo Gabilay.
  15. That was a border clash by the way it was not sool it was the togdheer buhoodle region and the Ethiopians were pushed back to their border no one supported that. By the way what does that have to do with this topic
  16. Lol no there were many other reasons two i visited the Galmudug Anniversary two in 2009 and Many people saw me there two Now Since i am Oday Somaliyeed,i paid a visit to the ssc folks two by the way i consider the Garaad Clan My people even though with some we don't share the same political beliefs, a close relative of mine is opening Bar Taleex in Hargeysa in 2013 you most welcome Yaa Mr Khadar like old Times.
  17. Yes we had a big ssc cake it was very tasteful two good people very welcoming reer ssc
  18. i went last year to the ssc Party it was nice i have to say
  19. The war is happening the dhagaxbuur district of Ethiopia the hawd region is in Somaliland the Baligubadle
  20. Why are you surprised there were Somalis who supported Ethiopia's invasion
  21. what a sad case Kenyans can't fight a war