Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,970
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. it's Actually the other way around you have politicians in Somaliland who are not that extreme into the Somaliland thing as the civilians of Somaliland.I Mean siilaanyo wrote him self a well drafted unionist power sharing formula for the SNM and the USC in 1991. Selebaan gaal went to a Mission to Mogadisho in February March to have talks with Senior USC members. But its the ordinary Somalilander who said no the union with Somalia. And that's a fact These are the people of Somaliland
  2. Can you imagine the youth born in the late 80s have never seen or heard of a Somalia and a Somaliland united well hadraawi and his likes are the old crew they have seen the old Somali republic and some of them even saw Colonial Somaliland. But they are not the future of Somaliland the next generation and the childeren of hadraaawi the Children of Siilaanyo and the grand childeren of Xaaji cabdi waraabe are the future of Somaliland. Even though Hadraawi helped bring down the old regime when he was a member of the SNM, he just did not agree with the re independence of Somaliland in 1991 and that's his opinion we respect that we are a democracy.
  3. Hadraawi Great poet may allah bless him In the last interview he said wixi lugu midoobyaan la hayn when he was in Xamar. but he said that's what i dream about but people can dream.
  4. ^^ Are you saying Abtigis is a white Guy war his people don't come in that Color.
  5. Xiinfanin is what i would Call a Clan nationalist he supports Puntland because its a semi autonomous state created by Tolka for Tolka. He basically tolerates the transitional federal government he supports some of their policies some of them he opposes but he supports the federal model of the TFG. Abtigis i think Xiinfanin wants the big foot Community to fight for years against Alshabaab that's why he is against the Military Incursion.
  6. Maxkamadda Jigjiga oo Xabsi Daa’in iyo xukuno adag oo ay shan sano ugu yar tahay ku riday shicibkii ka soo jeeday beelaha Somaliland eeh ku dhaqan Kililka shanaad Ethiopia. Jigjiga(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya magaala madaxda Dawlad goboleedka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad ayaa sheegay in Maxkamadd ku taal magaaladda Jigjiga 57 qof oo ka mid ah shicibka ka so jeeda beeelaha Somaliland eeh ku dhaqan Ethiopian ee uu dhawaan dagaalku ku dhex maray beesha dhagaxbuur ee ay ciidamadda Liyuu Booliisku ka qabteen gudaha deegaanka Yoocaale ay ku xukuntay xukuno adag oo uu ay ugu hooseyso shan sano uguna sareeyo Xabsi Daa’in. Xukunadan oo aan wali si rasmi ah noo soo gaadhin ayaa sheegaya in laba dumar ah oo ka mid ah 57 maxbuus ee ay Dawladda Federalku xukuntya lagu riday min shan sano, halka 55 ka nin ee kale uu xukunkoodu ugu yar yahay 25 sano, iyadoo qaarkood-na xukunkoodu gaadhayo Xabsi Daa’in. Arrintan oo aan wali soo shaac bixin ayaa hadal haynteedu aad ugu badan tahay Kililka shanaad iyo Somaliland-ba, waxaana soo if-baxaysa in si weyn looga cadhooday xukunkaasi maadaama dadka dagaalku dhex maray ay ahaayeen laba beelood oo wada dega Kililka balse magacii Dawladnimo loo adeegsaday oo kaliya dhinaca beelaha Somaliland ka so jeeda taasoo maamulka Kililka shanaad ku tilmaameen inay yihii Argagixiso ka soo talowday dhinaca Somaliland. Iyadoo la ogyahay beesha baligubadle inay tahay beel labada Dal-ba deegaan ku ah. Xukunkan ayaa saamayn xun ku yeelan doona deganaanshaha beelaha wada dega Kililka shanaad, isla markaana abuuri kara xaalad Amaan daro isagoo dab-ka ku sii hurin kara dagaalkii marka hore-ba labada beelood u dhaxeeyay ee ay xukuumadda Kililku soo af-jari kari weyday.
  7. It's true the garowe Clan enclave has done little in the fight against Alshabaab or other Militants in the south. The Garowe Clan enclave has done more damage to the TFG than success the Majority of the Politicians in the Garowe Clan enclave just see the TFG as a legal political institution they can use for their own political gains it's just an opportunity they don't want to let go.The Moment the TFG goes against the interest of the Garowe Clan enclave they will drop all support for the TFG just like faroole did previously. Other than Fighting Local Maakhirian clans in the galgala region whom they accused they had links with Alqaeda and Alshabaab.No fighting occurred against alshabaab other than saying they are with sharif and the TFG in hearts and mind but than again the Puntlanders are known for not fighting their own battles let alone fighting another Mans Battle. They let others fight their battle's The Ethiopians saracen and now faroole is inviting in Amisom so that they can secure the Galkacyo region for him.
  8. Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Ee Xalay Ka Dhacday Magaalada Ceerigaabo, Sheegayna In Xukuumaddiisu Gaadhi Doonto. Hargeysa (Ramaas) Nov 3,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shaqaaqadii xalay la dhacday Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, taas oo ay dad ku dhinteen. Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa baaq u diray beelaha ay ka dhaxayso colaada keentay shaqaaqada, waxaanu tilmaamay in qabiil iyo is-qabqabsi aanu faa’iido lahayn, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn arintaasi. Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu sheegay in xukuumaddu halkaasi gaadhi doonto si shaqaaqadaasi iyo colaada labada beelood dhex taala uu xaliso. Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta ka hadlayay munaasibad loo sameeyay sanad-guuradda 18-aad ee ciidanka booliska Somaliland ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan waxa xalay shaqaaqo ka dhacday Magaalada Ceerigaabo, waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qab-qabsi iyo qabiil faa’iido ma laha.” Madaxwayne ku xigeenku waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay shaqaaqadaasi iyo kuwii ku dhaawacmay “Intii xalay dhimatayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaanu IlAAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo.” Ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa.”
  9. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=zMm_YcMLaQs#!" frameborder="0" allowfullscreen>
  10. Magaalada Ceerigaabo oo caawa bandoo lagu soo rogay Iyo Ciidamo Badan oo la soo dhoobay shaaricyada November 3rd, 2011 Ceerigaabo(Somaliland.Org)-Magaalada Ceerigaabo ayaa caawa lagu soo rogay bandoo ka dib markii xalay lagu dilay gudaha magaalada Taliyihii saldhiga booliska degmada Fiqifuliye ee gobolka ee gobolka Sanaag Marxuum- Shiine Yaasiin Xiin-Finiin oo sida la sheegay dilkiisu ka dambeeyay aano hore waxaana marxuumka maanta lagu aasay Ceerigaabo. Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo maanta u waramayay saxaafada ayaa sheegay inay magaalada ku soo rogeen bandoo laga bilaabo lixda makhribnimo illaa lixda subaxnimo Jimcaha, waxaanu tilmaamay in talaabadaasi ay ka dhalatay dilalkii xalay ka dhacay magaalada. Badhasaabku wuxuu sheegay inaan la ogolayn dhaqdhaqaaqa gadiidka iyo dadkaba si looga hortago wixii nabadgelyo darro keeni kara. Sidoo kale, Gaadiid ay saaran yihiin codbaahiyeyaal (sameecado) ayaa maanta iyo galabtaba dhex marayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo kuwaasi oo maamulka Gobolku ay dadweynaha ku wargelinayeen inay ku sugnaadaan guryahooda oo aan la ogolayn wax dhaq-dhaqaaq ah. Gaadiidkaasi waxa lagu wargelinayay dadweynaha in cidii u hoggaansami weyda amarkaasi bandooda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.org u xaqiijiyay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo ah suxufi degan magaalada Ceerigaabo waxa isla galabtaba shaaricyada, wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Ceerigaabo laga hawl geliyay ciidamo badan oo iskugu jira Milatari iyo Boolisba, kuwaasi oo si adag u adkeeyay ammaanka magaalada oo wali laga sii dareemayo dhiilo iyo xiisad ka dhalatay dilalkii. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maanta magaalada Ceerigaabo lagu aasay mid ka mid ah laba nin oo xalay ku dhaawacmay markii koox dabley ah oo ka soo jeeday ardaagii sarkaalkii la dilay ay tacshiirad ku fureen meherad ku taala magaalada waxa kale oo la sheegay ninka labaadna xaaladiisu culus tahay. Illaa imika ma jirto cid ay Ciidamadda Boolisku u soo qabteen dadkii geystay labadan fal ee ay si weyn u cambaareeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku tilmaamay kuwo waxshinimo ah oo ay geysteen kuwo ajande xun. Dilka sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii saldhiga Booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo Jaamac Axmed Cali ( Jaamac Garmaqaate) oo bishii August ee sanadkan.
  11. Gheele wa habar habrahha kala ka culus wa tu mizaan weyn leh. Fasax bay ku maqnayd A khadar adeer somaliland has passed the stage they used to listen to clan elders there are politicians who are leading the nation from every clan the only elders that are allowed in the political arena are the guurti members awoowo cabdi waraabe and mr selebaan gaal.
  12. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Ka qeyb galay Sanad-guuradii 18-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska November 3rd, 2011 Comments Off “Waxaanu ku tallo jirnaa in Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay” Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciilm (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidankaasi. Xafladaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, xubno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, saraakiisha ciidammada qalabka iyo ciidanka Booliska Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray xubnaha ciidamada Booliska iyo xaasaskooda oo uu ku bogaadiyay munaasibada sanad guurada 18-aad ee k a soo wareegtay markii la aasaasay ciidankii u horeeyay ee Booliska sanadkii 1993-kii. “ILAAHAY Baa Inagu simay inaan joogno dalkeenii oo nabadgelyo ah una dabaal degno munaasibadii 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka Booliska iyo xaasaskooda, Ciidanka Boolisku waa lafdhabarta qaranka waa saaxiibka dadweynaha, waa xuquuq dhawraha dadweynaha, hawsha adag ee aad hadh iyo habeen u soo jeedaan dadweynaha Somaliland iyo xukuumaduba way idiin ogyihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu shacbiga uga mahad celinayo siday ula shaqeeyaan ciidamadda ammaanka waxaanu ku dardaaray inay dedaalkooda la xidhiidha adkaynta nabadgelyada ay sii xoojiyaan oo aanay ka daalin. Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu u soo jeeday dadweynaha gobolka Sanaag inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay walaaloobaan “Sidaad la socotaan waxa xalay shaqaaqo ka dhacday magaalada Ceerigaabo waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qabqabsi iyo qabiil faa’iido ma laha, Intii xalay dhimatayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaanu IlAAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo waxaanan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay inay kor u sii qaado daryeelka Ciidammada dalka waxaanu yidhi “Waad ogtihiin tallaabada xukuumadu qaaday mudada sanadka ah ee ay mushaharkii u kordhisay ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, waxa la yidhaahdaa kunka Tallaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo . waxaanu ku tallo jirnaa in ciidanka Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay ee ay ka jiraan Budhcad badeed iyo argagixiso.” Ku simaha Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay Ciidamada Booliska inay dhawraan xuquuqda muwaadinka oo ay si taxadar leh u qabtaan qofkii dunuub ka gala dalka. “Waxa jirta in waxa aad qaadataan iyo hawshaad qabataan aanay ahayn wax isku dhigma waxaan idin leeyahay in badan baad soo samirteen daryeelka ciidamada kala duwan ee dalku waa wax mar walba ku jirta qorshaha dawladan, waxaan idinku dardaarayaa inaad wadankiina u shaqaysaan, waxa la idiinka baahan yahay inaad xuquuqda muwaadinka ilaalisaan, shacbigana waxaan ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska oo ay u arkaan inay iyaga u adeegayaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu bogaadiyay Ha’yada UNDP oo uu sheegay inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan dhinaca tabobarka, waxaanu u soo jeediyay Ha’yadaasi ku booriyay inay ciidanka ka taageerto dhinaca qalabaynta iyo isgaadhsiinta. Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay hambalyo u diray ciidanka Booliska sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii. Wasiirku wuxuu sheegay inay ciidanka Boolisku u baahan yihiin dib u habayn weyn oo dhinac walba ah gaar ahaan tababarada iyo shuruucda ciidanka. “Ciidanka Boolisku Madaxweyne, dib u habayn weyn iyo dib u qaabayn iyo dedaal ayay inaga rabaan, intii lagu daray waa lagu daray inta dhimani waa mid aynu karayno ee talaabo leeg ayaynu sanad walba qaadi doonaa si aynu u dhisano ciidan adag oo amnigiisa lagu kalsoonaado,”ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu. Wasiirku wuxuu intaasi raaciyay “Qabyadeena waynu dhamaystiranaynaaye’e adkaysta oo dedaalkana sii kordhiya,nabada ayaa saldhig inoo ah nabadduna cadow faro badan ayay leedahay. Waxaan qiraynaa in aanay Nabaddii gobolada dalka Somaliland si u wada biyo dhigin gobolada dadkoodii iyo waxgaradkoodii garteen nabada ee gardaadiyay ee ay qaan gaadhay halkan ayaan uga hambalyaynayaa, waxaan tagay gobol ay 35 kun oo arday waxbartaan sadex kun oo ardayna ay jaamacadaha ku jiraan iyo gobol boqolaal ay ka yar yihiin inta wax barataaba.” Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland ahna Ku simaha Taliyaha C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo hadal dheer oo uu madashaasi ka jeediyay waxa uu kaga xog waramay waxqabadkii ciidanka Booliska ee sanadkii la soo dhaafay waxaanu ammaan u jeediyay ciidamadiisa oo uu tilmaamay inay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta nabadgelyada dalka. Xafladaasi waxa lagu soo bandhigay riwaayad si weyn u lafo gurtay waajibaadka ciidanka booliska laga sugayo, waxqabadkiisa iyo xidhiidhka dadweynaha iyo Booliskaba, taasi oo ay matalayeen Fanaaniinta ciidanka Booliska. Ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu salaam sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud cutub ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland
  13. Bashiir you seem angry waxay tahay ba kenyatigu ama way joogi amay way tagi ki roon ba reerka u hadhaya lol By the way oodweyne is not gone hawl qaran bu ku maqanyahay
  14. Not really the Yasin guy belonged to the Garaad Clan while Garmaqaate who was killed months ago belonged to the big beard Community both reer sanaag and from the same region and both serving the same Police force that shows the Sl police force as an institution is all inclusive but obviously there was clan animosity between the two Clans marka inshallah ilahay ha kala qaboojiyo,, Wixi dhintay na allah ha u naxaristo.
  15. Bu that said i also believe sh sharif and his TFG are against the Kenyan incursion for the wrong reasons that must be said.
  16. xiinfaniin;755498 wrote: ^^Xaaji Xunjuf naga daa dee , aniga iyo Sheekh Bashir makala fogine , xoogaa niqaashkaan xuduud u yeelayna Apparently the brother is passionate about latest initiative supposedly orchestrated to defeat alshabaab, which I think it is a big mistake. Adigu Xaaji xunjufow xaggee ka taagantahay arrintan Koonfuriyaanku isku hayyaan? Lool wa hagaag laakin yaan la isku fogaan uun ofcourse he is passionate about his Azania why Shouldn't he the man believes the only way to defeat the Alshaabab Militants is with a kenyan invasion. Well this is what i think on the Kenyan intervention ,As Somalis once again are completely divided on a foreign intervention in their Country led by a neighboring country and as usual it's seen as a blessing at the same time as a curse but that generally depends on who you talk two.Those who struggle and ponder over who to choose between the said 3 evils as some view them.Whether it's Gandi or Godane or Gaas the 3G's. But clearly the decision was not for them to make.And Somalis are once again struggling over what their options could have been as the reasons for choosing the leading factors in Somalia Comes down to Clan affiliation and short term Clan objectives.Instead of being normative and planting new seeds,in the sense of wanting to obtain long lasting Justice in the two Juba regions a place that was being drastically ruined by different merciless warlords. The Kenyan Military intervention didn't come as a surprise some will see it as a clan victory as they dream to fill the vacuum if the Alshabaab forces are driven out some will see it as finally being liberated from the Alshabaab forces but keep in mind this invasion was pre-planed and orchestrated by foreign forces that have a elaborate exploitation intentions in Somalia believe it or not.There is a major oil factor playing dominant role in this Military incursion not to mention the cost of this war who would have thought the kenyans will go to war just to liberate two Aid workers? Interestingly Somalis hardly have a problem with that even though Somalis like most Africans all believe in Conspiracy theories and when Factual evidence is presented to them it's easily dismissed.Now Some will Foolishly argue Somalis have it good we have more freedom in kenya than we have in Ethiopia or any other African Country we take part of the Political process of the Country we are part of the political culture in kenya we invest our money in Kenyan real estate Companies and we are excellent enterperneurs in kenya and we are very much appreciated in Kenya.And our social status in Kenya is like that of the African Americans in America. Now that all might be true but what does that have to do with Somalia as a state or the national interest of Somalia ? Kenya as a country obviously has its own National Interest Foreign Policy specifically towards Somalia.Even the highly emotional intelligent Abtigis knows this but one day he hops on adeer Yusuf haji's tank and the next day azania as a proposed state needs to be collectively supported by all Somalis for the bigger Cause. What about the consequences of this Kenyan Military invasion in Somalia what will this mean for the local ordinary population and civilians already effected by drought famine as some use as an argument Alshabaab is evil and they are inhumane thus they should be fought with even with the Israeli army and Ethiopians and god knows who? But what about the territorial violation of the Somalia border by a foreign Country since their presence is illegal .Don't get me wrong i would have supported a state in the two jubba's and gedo Azania or jubbaland what ever you want to call it. But it needs to be a grassroot administration administrated by the Locals founded by the Locals even with Gandi as its leader as i have full confidence in his ability to govern,Kenyans and other African countries can help it with logistics military training. But this is not the case in addition a state that Consists of the 2 juba's and gedo in the south of the Country is very much needed and welcomed.But this should not be a rewind of the 2007 Ethiopian invasion in Mogadisho when a certain warlord named Qanyare afrax, went to the supreme general of the Ethiopian armed forces in Mogadishu General Gabre. And asked him why General Gabre prefers Cabdilahi Yusuf's Clan over his Clan. To make a long story short the Kenyan Intervention in Somalia will be a huge set back to the peace and stability in Somalia and Most importantly,the proposed azania state backed by the Kenyan government with Military invasion on the horizon will cost the lives of Many if its pushed by narrow minded Political Figures in Somalia. As we all know Melez zenewi is distributing Arms to Ahmed blackie a rival Clan faction leader.Most likely the Gedo Clan faction of Barre hiiraale will be allied to him.Marka Soomaaliyey waaan bahanahay bakhti looma cuno.
  17. Waryadhaheen Niman wa weyn baad tihin yaan la is cayin aflagadadu reeban si wanaagsan hala doodo wa suaalo iyo jawaab iyo doof hufan,Come on guys.
  18. tageerna kiinyay looooooooooooooool ala somalidu maxay ba ba"een Allow ceebteena astur
  19. Every city has Many Clans living there that does not mean there should be Clan Administrations looool
  20. Warar Dheeraad ah oo ka Soo baxaya Dagaal Caawa Fiidkii ka Dhacay Magaaladda Ceerigaabo Maayirka Magaaladda Ceerigaabo oo shabakadda Gabiley News Khadka Tilifoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay ku Hawlan Yihiin Siddii ay u dajin lahaayeen Xaaladda Magaaladda isla markaana ay Aamanka u Sugi lahaayeen. Ceerigaabo(GNS) Dagaal u dhaxeeya laba Beelood oo Wadda Dega Gudaha Magaaladda Ceerigaabo ayaa Ka dhacay Caawa Fiidkii Horre Magaaladdaas, Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka Bilaabay ka Dib markii Rag Hubaysani ay Toogteen Tilyihii Ciidamadda Booliska Fiqi-Fuliye Yaasiin Xiin Finiin, kaasi oo Wakhtigaas ku Sugnaa Badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo Isla markaana waxa la sheegay Markii Rasaasta lagu Furayay in uu Watay Gaadhigiisa. Rag la sheegay in ay Beel ka Soo jeedaan Taliyaha la Diley ayaa iyana dhankooda la soo yaacay Qoryo Iyo Rasaas, waxana ay Tacshiiraddo ku Fureen Dad ka soo jeeda reerka Wax diley. Is rasaasaynta ayaa si xoog leh uga dhex bilaabtay Labadda Beellood Waxan aaan si rasmi ah u cadeyn Tiradda Dhimashadda balse dad ka ag dhow halka uu ka socday Dagaalku ayaa Shabakadda Wararka ee Gabiley News u Xaqiijiyay in ay Halkaasi ku Dhaawacmeen Saddex Ruux, kaas oo Mid ka Mid ahi uu Yahay Dhaawac Halis Ah. Rasaasta ayaa wakhtigan joogsatay Wallow wali la sii maqlayo Xabaddo Goos Goos ah oo ka dhacaya Suuqa Hoose iyo Suuqa Sarre ee Magaaladda Ceerigaabo kuwaas oo ay ka soo kala jeedaan Labadda Beellood ee Xurgufta Dagaal dhex martay. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu daba socdo Aano Qabiil, taas oo loogu aanaynayo Dilkii Taliyihii Horre ee Saldhiga Daallo Alle Naxariistii Janno ha Ka Waraabiyee Jaamac Garmaqaate, oo la diley Bishii Ogost 20 keeddii ee Sanadkan. Dhanka kale Maayirka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax oo Shabakadda Gabiley News Khadka Talifoonka kula Xidhiidhay ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka Bixiyo Arintan, waxana uu Sheegay in ay ku Hawlan Yihiin Siddii ay u dajin lahaayeen Xaaladdan isla markaana ay Aamanka Magaaladda u Sugi lahaayeen. Wararku Waxa ay sheegayaan in Maamulka gobolka Sanaag uu shir deg-deg ah caawa ka yeeshay Arintan,waxaana saraakiisha ciidamada ee gobolka amar lagu siiyay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii weerarka gaystay. Si kastaba ha ahaatee waxan wali Gacanta lagu Dhigin Ciddii Gaysatay Falkan, Sidoo kale Talyihii Saldhiga Booliska ee Daallo oo La Diley Bishii Ogost ee Sanadkan ayan isna wali Gacanta lagu Dhigin Ciddii Dishay.
  21. Taliyihii Ciidanka Booliska Deegaanka Fiqi-Fuliye Ee Gobolka Sanaag Oo Caawa La Dilay Iyo Ciidamada Amaanka Oo Aan Ku Guulaysan In Ay Qabtaan Dableydii Dilka Gaysatay. Fiqi-Fuliye(Ramaas) Nov. 2, 2011- Taliyihii ciidanka booliska Somaliland ee deegaanka Fiqi-Fuliye oo ka tirsan gobolka Sanaag Shiine Yaasiin, ayaa caawa lagu dilay weerar ay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ku qaadeen . Weerarka lagu khaarajiyay taliyaha ayaa dhacay wakhti ay ciidanka boolisku wadeen hawlgal lagu sugayay amaanka Magaalada Fiqi-Fuliye, waxaana rasaas ooda kaga qaaday koox hubaysan oo markii dambe u baxsatay dhanka Waqooyiga Magaaladaas,kuwaas oo ay ciidamada booliska iswaydaarsadeen tacshiirad xoog leh,laakiin aan loo gaysan wax khasaare ah. Maamulka gobolka Sanaag ayaa la sheegayaa in uu shir deg-deg ah caawa Magaalada xarunta ee Ceerigaabo kaga yeeshay dilkii booliska ee Fiqi-Fuliye Shiine Yaasiin, waxaana saraakiisha ciidamada ee gobolka amar lagu siiyay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii weerarka gaystay,balse lama oga waxa la yeeli doono haddii aan la qaban kooxdii budh-cada ahayd ee hawgalka fulisay. Ramaasnews Des