Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,965
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. We is the people who care about the conference
  2. Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Jaaliyada Ku Dhaqan Waddanka Ingiriiska. Quruxdii Madasha Iyo Sawiro Farabadan Daawo. Sun 13th Nov,2011 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa xalay xaflad ballaadhan oo kumanaan qof kazoo qayb galeen wuxuu kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa xalay xaflad ballaadhan oo kumanaan qof kasoo qayb galeen wuxuu kula hadlay jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay, waxay ka dhacday mid kamid ah Huteelada ugu waa weyn caasimadda London, gaar ahaan xaafadda barriga London. Wariye Muniir Axmed Cigaal Oo Kamid Ah Masuuliyiinta Shabakadda Hadhwanaagnews Iyo Telefeeshinka Qaranka Somaliland Xaruntiisa Ingiriiska, Oo Ku Sugnaa Xafladii Madaxweynaha Isla markaana Ku guda Jira Hawshii Telefeeshinka Qaranka Iyo shabakadda Hadhwanaagnews. Ugu horreyn waxaa madasha xidhiidhinaayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland, Faysal Cali Shiikh oo hadda socdaal ku jooga waddanka Ingiriiska. Waxaana kamid ahaa xubnihii madasha ka hadlay Suldaan Yuusuf oo kamid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awad. Xildhibaan Cali Obsiye (Cali Gabilay) Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar. Siyaasiyiin aqoonyahano, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka iyo dadweyne kala gedisan. Xildhibaan Cali Gabilay oo kamid ah golaha baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Qurbajoog sheegta ama adeegsada magaca Awdal. Wuxuuna Xildhibaanku si qiiro leh u sheegay in Somaliland tahay ummada isku diir ah isku dal ah, Calanka tawxiidka lihina aanu waligii dagayn. Sidaad Ka Arki Kartaan Sawirka Waxaa Kusgnaa goobtii Uu Madaxweynuhu Kula Hadlaayay Jaaliyada Ingiriiska, Kumanaan Qof oo Soo Buuxiyay. Ka Bilow Midig, Xasan Cali Weyd oo Mid ah Odayaasha Muxtarimka ah ee rer Biristol, Oday Cabdo Aayir Oo Kamid Ah Siyaasiyiinti Xisbiga Kulmiye Ahaana Guddoomiyihii Xisbiga Ee Birmingham, Iyo Qunsulka Somaliland U fadhiya Gobolka Wets Midlands. Dr. Abdiraxmaan Cali Ubaxle Oo Ka Muuqda Xafladii Madaxweynaha. Dadkii faraha Badnaa Ee Ku Sugnaa Huteelka uu Madaxweynuhu Kula hadlaayay, ayaa marqudha Sacab La Sararajoog Saday Markii Madaxweynuhu soo Galay Goobtii. Dadweynihii kasoo qaybgalay kulanka Madaxweynaha, waxaa xagga danbe ka muuqda Ali Mahdi Iyo Abwaan Abdqani Ilkacase. Wariye C/Kaiin Cadaani oo ka tirsan Shabakada Hadhwanaagnews Iyo Sacad Maxamed Cali Oo Ku Sugnaa Xafladii Madaxweyne Axmed Silaanyo kula hadlaayay Jaaliyada Ku dhaqan Ingiriiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Abdillaahu Cumar Iyo Xubnaha Jaaliyada Magaalada Biristol. Waxaa ka muuqda Qoraaga Kaysar Abdillaahi Iyo Ex- Xildhibaan Cabdi Dheere Labada Fanaan Ee Codadkooda Aadka Loo Jecelyahay, Sir. Maxamuud Cumar Iyo Cabdi Qaboojiye Oo Xalay Ku Sugnaa Xafladii Madaxweynaha. Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland oo isna madasha ka hadlay ayaa ka waramay siyaadda arrimaha dibadda ee Somaliland, wuxuu aad ugu dheraaday cilaqaadka ay Somaliland la yeelatay beesha caalamka, iyo saxiibada ay kasbatay taaso ay hirgalisay xukuumadda cusbubi. Isagoo ka hadlaaya inaanay ka qayb galaan Xukuumadoodu shirarka Somaaliya khuseeya wuxuu yidhi. "Somaliland kama qayb gasho shirar qayb ka ah waddanka Somailya" Ugu danbeyntii ayaa waxaa madasha lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay dadku aad u sugayeen khusbadiisa, Madaxweyne Axmed Silaanyo wuxuu ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland, sida rabshadihii ciidamadda Maamul hosaadka kililka shanaad ee Itooboya ka sameyeen degaanada ay degenyihiin dadka rer Somaliland, arrimaha barriga, qorshaha xukuumadda ee soo socda iyo arrimo kale. Ugu horren wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hadlay arrimiha kililka Shanaad wuxuuna yidhi. "Waxaan soo marnay waddanka Itoobiya annagoo lasoo kulanay madaxda ugu saraysa waddankaas, sida Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaanu kala hadalnay arrimihaka xuduudka in kasta oo ay yihiin waddanka Itoobiya gudihiisa hadana dadkeeni ayaa degen, runtii waxba laga qabtay waana la arkidoona markastana cilaqaad fiican ayaa naga dhaxeeya waddanka Itoobiya." Madaxweynaha Somaliland maruu ka hadlaayay Gobolada barriga, ayaa waxaa hadaladiisi kamid ahaa. "Gobolada Bari ee dalka runtii dawladu waxbay ka qabanaysa wixii itaalkeeda, haday dibudhis tahay iyo haday tacliintahayba, marnaba inay noqdaan kaalinta kobaad ee wax laga qabanaayo mooyiye ma noqonayaan kaalinta labaad." Khudbada madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaysay ayay si weyn u soo dhaweyeen shacabkii dhagaysanaayay. Waxaa yaguna ku sugna goobta Saxaafadda qaybhaeeda kala gedisan, yadoo ay ka muuqdeen qaybo kamid ah Saxaafadda waddanka Britain, halkay yana ku sugnayeen qaybo kamid ah Saxaafadda Somaliland, iyo Somaalidaba sida shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, Telefeeshinka Qaranka Somaliland, Royal´tv, Somali-Channel iyo qaar kaloo badan.
  3. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socday Ha’yada UNICEF November 12th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday Ha’yada UNICEF, oo socdaal ku yimid dalka. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada oo u dhignaa sidan:- “Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Hay’adda UNICEF oo uu hogaaminaayo Mr. Sikander Khan, oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya. Weftigani waxa ay madaxweyne ku xigeenka xog-waran ka siiyeen ujeedada socdaalkooda ee ay ku yimaadeen Somaliland taas oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ka hirgelin-donaan Mashaariic wax ku ool ah oo waxka tari doona dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada, Mr. Sikander Khan waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka hirgelin-donaan Somaliland ay ugu horayso, dhismihii ugu weynaa ee abid laga hirgeliyo Guud ahaan Afrika, kaas oo ay fursada u heshay in laga yagleelo Somaliland oo ah qaran curdin ah, nabad, & xasilooni buuxdana ka jirto iyo Dawlad buuxisay Shuruudaha dawladnimo lagu noqon karo, kaas oo ka soo ifbaxaya Afrika. U qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hay’adda UNICEF, Mr. Sikander Khan, waxa uu Somaliland uga mahad-naqay sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, waxaanu xusay in shacab iyo xukuumadba ay lama huraan tahay in ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta nabad-gelyada, horumarka iyo wax-wada qabsiga ay muujiyeen. Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidoo kale wax ka iftiimiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland taasi oo uu xusay in Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, ay ka soo gudbeen Carqalado badan oo ka soo wajahay dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga xog-waramay Weftiga, dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu ku amaanay Hay’adda UNICEF dedaalka ay u gashay in ay Somaliland ka hirgeliso dhismihii ugu balaadhnaa ee ay ku yeelato Afrika oo dhawaan la dhagax dhigi doono lagana bilaabi doono dhsimihiisa Hargeysa. Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa uu Hay’addaha kale ee ka hawl-gala dalka u soo jeediyey in ay ku daydaan Hay’adda UNICEF oo ay ku dhiiradaan inay Somaliland ka dhigtaan saldhigooda koowaad ee Afrika.”
  4. M/weyne Ku xigeenka oo dhagax dhigay Xarunta Ugu weyn Geeska Afrika ee UNICEF November 13th, 2011 a>Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismihii xarunta ugu weyn ee Ha’yada UNICEF ku yeelan doonto Geeska Afrika oo laga hirgelinayo xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa. Xaflad loo sameeyay dhagax dhiga xaruntaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirradda Kalluumaysiga, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo Duqa Caasimada Hargeysa ahna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladii dhagax dhiga dhimahaasi wuxuu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa maanta farxad weyn u ah inaanu maanta halkan nimaadno dhagax dhiga Xaruntii u horreeyay ee Ha’yad ka mid ah Haa’yadaha qarammada Midoobay oo ah UNICEF ay xaruntoodii ugu weynayd ee Geeska ay ka dhisayaan caasimada Somaliland ee Hargeysa taasina farxad labaad ayay noo sii tahay.” Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in xafiiskani wax ka tarayo sidii loogu adeegi lahaa carruurta iyo haweenka isagoo arrintaasi ka hadlayna wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Hambalyeynayaa Haa’yada UNICEF tallaabadda horseedka ah ee ku dayashada mudan ee ay qaadatay oo aan u soo jeedinayo inay Ha’yadaha kale ee qarramadda midoobayna ku daydaan. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida Ha’yada UNICEF sida ay diyaarka ugu tahay inay ka midho dhaliso qorshaha Milinium Goal-ka la hiigsanyo oo carruurta iyo dadka nugul oo haweenku ka mid yihiin oo waxqabadkii Ha’yadaasi u soo dhawaatay, aad iyo aadna waan ugu hambalyaynayaa Ha’yadan.” Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay iskaashi wanaagsan oo horumarineed ay la yeeshaan Ha’yadaha caalamiga ah. “Anaguna sidaasi aanu dhulka u bixinay ayaanu diyaar ayaanu u nahay inaanu kaalintayada ka qaadano wada shaqaynta aanu la leenahay Ha’yadaha si looga midho dhaliyo ahdaafta horumarinta si aynu isbedel uga samayno dhinayada Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada oo ah sadexda qodob ee aasaasiga ah,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay inuu uga mahad celiyo xukuumada Somaliland xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Ha’yada UNICEF waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay sidii uu ugu soo dhaweeyay dalka. Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlayay xafladaasi wuxuu yidhi “UNIEF waxay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay gudoomato dhulka ay dawladda Somaliland siisay UNICEF si ay hawleeda ugu gudato, marka la dhiso dhulkaasi waxa uu noqonaynaa xafiiska ugu weyn ee Bariga Afrika waxaana la filayaa inuu ku dhammaado dhismaha xaruntani muddo 12 bilood gudahood ah waxaana la rajaynayaa inuu ku dhammaan karo lix ilaa sideed bilood.” “Dhulkan aanu ka dhisayno xarunta waxa cabirkiisu yahay toban kun oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu qaadi doonaa 90 shaqaale ah, xaruntani waxay muujinaysaa ahmiyad ay UNICEF siinayso Somaliland si ay u fuliso mashaariicda dhinaca horumarinta carruurta 12 mashruuc oo Afrika oo dhan ka socda, dhaqaalaha ku baxayaana uu gaadhayo 12 illaa 25 Malyan oo Dollar,” Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia. Mr. Sikander Khan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Deeqdan dhulku waxay timid xili adkaa oo aanu aad ugu baahnayn si aanu ula shaqayno Milinium Goal-ka.”
  5. Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhagaxdhigay Dhismaha Ugu Weyn Ee Hay’ada UNICEF Ku Yeelanayso Geeska Afrika Oo Laga Hirgelinayo Magaalada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Nov. 13, 2011- Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagaxdhigay xarunta ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika ay ku yeelanayso hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF ,kaasoo laga dhisayo Magaalada Hargeysa. Dhismahan oo laga dhisayo duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ayaa ka kooban baxaad ahaan dhawr KM oo isku weer ah, waxaana ku deeqday dhulka loo qoondeeyay dawlada hoose ee Hargeysa,taasoo ay xukuumadu ku tilmaantay tallaabo lagu soo jiidanayo hay’ada caalamiga ah oo la doonayo in xarumahooda Magaalada Nairobi ee qaabilsan deegaanada Soomaalida in ay u soo raraan Somaliland oo ah dhul nabad ah. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay munaasabadii dhagaxdhiga ayaa sheegay in dhismahan xaruntan ay qayb ka tahay ballaadhinta mashaariicda horumarinta ee Qaramada Midoobay ugu talogashay Somaliland, taasoo uu sheegay in ay ku timi iskaashi dhexmaray xukuumada iyo hay’adaha oo doonayo in ay ka faa’iidaystaan nabada iyo deganaanshaha Somaliland oo ah mid la isku lahayn karo. Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Magaalada Hargeysa shalay soo gaadhay ninka hay’ada UNICEF u qaabilsan Soomaaliya Sikandar Khan oo ay xukuumada Somaliland ka wadahadleen sidii hay’adaas ay dhismaheedan uga hirgelin lahayd Somaliland. Ramaasnews Desk
  6. Waxaannu Leenahay Miisaaniyad u Gaar ah Nabadaynta ee Ma aha Wax Aannu Baryeyno Xukuumadda’ Fri 11th Nov,2011 Ergo nabadeed Guurtidu u dirayso Ceerigaabo oo Sabtida ka baxaya Hargeysa iyo waxa ka jira wararka sheegaya inay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda “Waa run oo waa doorkayagii horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Ilaahay ayuun baan qadarin” “Macno badan ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay” Waraysi khaas ah - Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah ergada Guurtida u baxaya Ceerigaabo Hargeysa (Jam)- Ergo nabadeed oo ka kooban 11 xubnood oo Golaha Guurtida Somaliland u dirayo magaalada Ceerigaabo si ay uga qaybqaataan dedaallada nabadeed ee lagu qaboojinayo xiisadda dagaal ee ka oogan halkaas, ayaa la filayaa inay Sabtida berri ka ambabaxaan caasimadda Hargeysa. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ah ergada Golaha Guurtida ee nabadaynta ugu baxaya magaalada Ceerigaabo oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, waxa uu sheegay in shirguddoonka golahoodu ku hawlan yahay ambabaxooda, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in ergadaasi Hargeysa ugu xanniban tahay dhaqaalihii safarkooda oo aan ilaa hadda ka soo dhammaan dhinaca Wasaaradda Maaliyadda. Sida lagu faafiyey shabakadda wararka ee Ramaasnews, ergada Guurtida ee u baxay dhinaca Ceerigaabo waxay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda oo aan u oggolaan kharashka socdaalka. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Jamhuuriya weydiiyey shalay waxa ka jira arritnaasi iyo xilliga ay u baxayaan Ceerigaabo, waxa uu ku jawaabay; “Horta sidaad sheegtay Golaha Guurtidu wuxuu go’aan ku gaadhay in ergo nabadeed loo diro magaalada Ceerigaabo oo shaqaaqooyin khasaare keenay ka dhaceen, shirguddoonka ayaana ku shaqo leh intay soo magacaabayaan iyo dhaqaalaha ay guddidaasi ku baxaysaba, hay’addan kalee xukuumadda (wasaaradda maaliyadda) ee aad leedahay waxbaa idin kaga xanniban. Waxaannu nahay hay’ado wadashaqayn ka dhexayso oo isku dawlad ah, sabab iyo caqabad ergadayada loo horistaagaa ma taal, ugu dambayna waxaannu baxaynaa ilaa Sabtida, in wasaaradda maaliyadu dhaqaale noo diidayna waa dacaayad la faafiyey oo aanay waxba ka jirin, arrintuna weli waxayna ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonkayaga, weliba waxay wadaan diyaarintii safarkayaga, wax caqab ah oo horyaallaana ma jiro,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed. Mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsan maadaama oo aanay ilaa hadda hawlaha ambabaxoodu ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonka inuu ka warhayo in ismari-waa dhinaca dhaqaalaha ah ka dhextaagan tahay wasaaradda maaliyadda iyo shirguddoonka golahooda, waxa uu ku jawaabay; “Horta annagu (Golaha Guurtida) waxaannu nahay gole miisaaniyad leh, markaa miisaaniyadda dalka ku leenahay waxa ka mid ah hawlaha aannu qaranka u hayno ee la xidhiidha nabadaynta, waxaanuna leenahay miisaaniyad u gaar ah dhinaca nabadaynta, markaa maaha wax aannu baryeyno xukuumadda oo leenahay lacag aannu ku baxno na siiya. Annaga ayaa gole ahaan is maamulayna, wax naga awood badanna weli nagumay iman, markaa in annagu aannu kharashkii diyaarsano oo waxayaga qorshaysano ayuun baa la doonayaa, dhinaca xukuumaddana ama wasaaradda maaliyaddana inay nidaam ahaan u sii marto mooyaane wax kaloo nagaga xidhanna ma jiro. Dawlad ahaan hannaan wadashaqaynaya ayeynu nahay ee ma nihin kooxo ama hay’ado is baryaya, laakiin dawlad qudha oo wadashaqaynaysa ayeynu nahay, waxa na hortaagana ma jiro oo waa dacaayado la faafiyey, shirguddoonkuna shaqadiisii ayuu wataa, xukuumadduna waa u diyaar inay sideeda u fuliso wixii hawl qaran lagu qabanayo.” Waxa kaloo suldaanka la weydiiyey sababta Golaha Guurtidu uga gaabiyeen inay u gurmadaan sidii loo xallin lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Ceerigaabo ee aanay ilaa xilligan ergo ugu dirin. “Waa run oo waa doorkayagii, horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Illaahay ayuun baan qadarin, hannaanka dawladnimo ayaanna ah marka hore ee wax dhacaan inay tagaan oo ammaanka dawladda ayaa ka masuul ah, Golaha Guurtiduna marka la dhaafo shuruucda iyo hawlaha gole ee kale waxyaabaha uu u xilsaaran yahay waxa ka mid ah xallinta khaalaafaadka soo kala dhexgala beelaha. Ceerigaabo marka hore waxa ku horreysay xukuumadda oo halkaas tagay; isku mid baanuna nahay oo haddii wasiirradu khilaafka dhammeeyaan waa wax loo baahan yahay, arrintana muhiimaddeedu in la dhammeeyo ayuun bay tahay ee in guurtidu dhammayso iyo in cid kale dhammayso looma kala eegayo, macno badana ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay uun. Ergadii hore ee xukuumadda ka socotay ee Ceerigaabo tagtay Ilaahay ma qaddarin inay khilaafka xalliyaan oo arrintii way soo laba kaclaysay, iminka ayuuna Ilaahay noo qaddaray in aannu tagno oo ka qaybqaadano xalka. Weftiga wasiirrada iyo waxgaradka kale leh ee hadda Ceerigaabo jooga Ilaahay wuxuu ku guuleeyeen inay wax badan ka qabtaan nabaddii, dhinacyadiina waxay ka soo qaadeen nabad. Magaaladii Ceerigaabo nabad bay ka dhaliyeen, waxa hadhayna waa xaal-xaalkii iyo ammaankii guud, taas ayaanmu annaguna gacan ka gaysan doonaa, ilaa inta khilaafku dhammaanayo ee nabadda la adkaynayana waannu joogi doonaa Ceerigaabo,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.
  7. ^^ The Kenyans will fail whether it comes from Garowe online or Jamaica.net.
  8. Abdul;757906 wrote: Why the desperation,saxib?? Well we need a logical explanation why the conference was pushed back to December not saying taleex.net is speaking the truth but its a website owned by the Clan that is hosting the conference in taleex.
  9. Carafaat just blindly rejects the 4.5 but he doesn't bring any another alternative. If the 4 major Clans in Somalia agree to share power based on this formula, and you don't bring any other possible power sharing Formula why replace something that works?
  10. Well done reer mogadisho mashallah keep up the good work
  11. Professor Axmed Ismacil samatar There is no Somalia any more Watch from 15:40
  12. Miskiin that's why they are not into politics and have successful singing career
  13. Somalia nin azaniya bu la dagalamaya nin Kiiniyu la dagalamaya nin Alshabaab bu la dagalamaaya nin raskambooni bu la dagaalamaya nin TFG bu la dagalaamaya nin Azania la dagaalsanyahay laakin Kenya wala heshiis Nin kiinyu la heshiis yahay laakin azania lama tuso laakin burundi wala heshiis. nin ugandha wala heshiis laakin kiiniya lama tuso nin Ethiopia wala col laakin kiiniya wala heshiis Suaashu waxa weye adigu keee baad tahay
  14. Peace Action federalism its self is not bad if its imposed correctly, semi autonomous regions on the other hand that in the long term will under mine the federal structure of the state is the bigger problem that needs to be solved.If a strong federal state is installed in Somalia's capital which eventually succeeds in minimizing the power of these semi autonomous states if they develop some sort of comparability this will in the long solve the national ingenuity of the Country .
  15. Somali Channel isn't he suppose to be in Addis ababa Somali Channel doesn't broadcast from adis ababa.
  16. Mr Cameron Goormu Madaxweynaha boqortooyada Ingriiska noqday lool you meant Raisal wasaaraha
  17. Powersharing formula's exist every where in Africa and 4.5 is just one of them and besides it's just a temporarily Formula when Somalia gets a permanent government this will drastically change.
  18. Wixi xuduuda kusu xadgudba laayaa bali dhiig ha u baqan niman rag ayaa jooga
  19. 4 5 Is not necessary bad its something the people of somalia agreed on yes its based on clan but why is that bad if they agree on it. The major various clans are all in favor of this formula the communities in somalia did not complain about it have you seen them complain