-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Carafaat i don't think it will be delayed its going well so far as planned.
-
A_Khadar;756679 wrote: You're missing the complete point here.. Siiranyo or anyone from your lot can go and do speach any part of the city that his clan dwells so as the men who fought against your miliita in the city roam their part of the city and your militia can attack with technical vehicles, yet at the end retreat.. I don't call such this your militia controlles the city.. To give you little more education on this conflict, even so called police and militia works your project are clan line divided and each group go to their part of the city.. Again, this is all about clan beside make few bucks from your militia.. Not true you said there is a puntland mayor in ceerigaabo i have never heard such a thing than you said the army of Somaliland cannot go to parts of ceerigaabo but that's also not true do you know why there was a clash before. it was because armed Gangs entered the city from outside the villages of ceerigaabo.The Somaliland national army qeybta sedexaad based in degmada ceerigaabo made it clear no one can roam inside the city with guns they refused to lay down their Arms and that's what caused the Clash nothing else.
-
A khadar my People actually hail in all of Somaliland and also from daroor rabaso and Dayable but also in every region in Somaliland i call all regions of Somaliland my home from baligubadle to hargeysa berbera borama seylac sanaag ceeriigaabo badhan laascaanood taleex laasqoray etc etc.I am not one of those people yidha ededay ba ku dhalatay tuulo hebel marka tuulo hebel yaynan ka sheekeyn lool. The various Communities in sanaag need to live together if one person kills another the other community should not hide the Killer but hand them over people need justice equality other wise they are going to play their own judge and that's the last thing we want.Mudane Cali cabdi hure and Ismacil Xaaji nuur the mayor are doing a good job they just need to talk to both communities and settle this thing down.
-
A_Khadar;756666 wrote: That is the lalabi of successionists.. Beside the militia take the salary from snm gangs in Hargaysa, there is no admin in that city entirely whether it's s/l or any other admin. You won't beleive, there is a man named by p/l as the governor of Sanaag in Carigabo and the blue flies on this 4x4.. Need no anyother proof than what happened last few days. That city is divided on the ground but your imaginations, there is only one admin so called s/l.. Keep that imagination if it helps with your sleeps.. Where is the so called puntland admin he holds press conferences in Bosaaso last time a Somaliland military convoy visited Shimbiraale Can you provide sources or proof we have seen president Siilaanyo gave a speech at kheriyada ceerigaabo and you are telling me there is another administration in another part of ceerigaabo lol.
-
Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Ku Dagaalamay Magaalada Ceerigaabo. “Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu......... Hargeysa (GNS) -Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen Baaq Nabadeed ugu diray Beelaha Walaalaha ah ee Dhawaan ku dagaalamay Magaalada Ceerigaabo. Baaqan ay Guurtidu soo saareen ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu baaq Nabadgelyo u diro Beelaha walaalaha ah ee xarguftu ku dhex martay Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo:- 1- Marka hore Goluhu isaga oo ka xun waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay dhacdadaasi, inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE ha caafimaadiyo. 2- Dadweynaha Deegaanka Ceerigaabo ama Gobolka Sanaagba Golaha Guurtidu wuxuu baaq Nabadgelyo ah u dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay Magaalada Ceerigaabo, waxaanay ku adkaynayaan inay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay ku dhamaysan jireen Arrimahooda dhinaca Nabadgelyada. 3- Labadan Beelood ee shaqaaqadu hore ugu dhex martay Deegaankaasina waxay Golaha Guurtidu ka codsanayaan baaqna ugu jeedinayaan inay hawlaha ammaanka iyo xasiloonida lagu adkaynayo ay ka qeyb qaataan, gogasha Nabaddana ay soo fadhiistaan wixii tabasho ah ee jirtana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is afgarad. Ugu dambayntii waxaanu ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu ALLE arrintaasi inoo fududeeyo, dadkaasi walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna ALLE baggoodda burcad isku mariyo.
-
Maamulka Ahlu Sunah Oo Dowlada Itoobiya u gacan geliyey dagaalyahano ka tirsan jabhada ONLF Maamulka Ahlu Sunah ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in ay ugudbiyeen illaa soddon dagaalyahan oo ka tirsan jabhadda ONLF maamulka Kilinka 5aad ee dalka Itoobiya. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Sh.Axmed Ilkacase ayaa waxa uu sheegay in dagaalyahanadan ay ku wareejiyeen Dowlada Itoobiya ay yihiin rag doonayay ina ay u gudbaan dalka Ethiopia. Iyaga iyo ciidamada Ahlu Sunna ayuu sheegay in dagaal uu ku dhex maray deegaan u dhaxeeyo degmada Guriceel iyo xadka ay Ethiopia la wadaagto Guriceel. Shikh Axmed Ilkacase ayaa ku eedeeyey dowlada Eritrea, maamulka Ximin Iyo Xeeb iyo Ururka Al Qaacida inay ka dambeeyeen ragan ka tirsan ururka ONLF ayna isku dayeen in qalqal lagu geliyo ammaanka ka jira deegaanada ay maamusho Ahlu sunna ee Galguduud. Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Ahlusunada Galguduud ayaa uga digey maamulka Ximin iyo Xeeb inay isku dayaan markale in dagaalyahano ka tirsan ururka ONLF ay soo geliyaan deeganada ay gacanta ku hayaan. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ximin Iyo Xeeb ee la xiriira eedeyntan loo soo jeediyey. Horseed Media
-
Ceerigaabo: Amaanka Oo Aad LooAdkayeey Iyo Kulan Dhex Maray Waftigii Xukuumada & Cuqaasha Beesha Koonfurta Sanaag Ceerigaabo: Amaanka Oo Aad LooAdkayeey Iyo Kulan Dhex Maray Waftigii Xukuumada & Cuqaasha Beesha Koonfurta Sanaag Ceerigaabo, (Haatuf) - Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa shalay degaynayd ka dib markii maalintii doraad uu iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiray ku dhex maray Ciidamada Qaranka iyo dabley hubaysan oo ka soo jeeda beesha koonfurta Sanaag oo soo weerartay shir u socday Cuqaasha beeshooda iyo xubno ka tirsan Gudidii xukuumaddu u xil saartay xalinta shaqaaqooyin u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah oo deegaankaasi wada dega. Ciidan fara badan oo ka tirsan Ciidamada qaranka ayaa soo gaadhay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay magaalada Ceerigaabo kuwaasi oo qayb ka ah xoojinta ammaanka magaalada Ceerigaabo waxaana jidadka magaalada lagu arkayay Ciidamo badan oo la soo dhoobay suuqyada iyo waddooyinka magaaladaasi. Weftigii xukuumada Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa shalay kulan balaadhan oo albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay waxgaradka, odayaasha iyo cuqaasha beesha koofurta Sanaag, hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi, balse ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa Haatuf u sheegay inay xukuumaddu u soo bandhigtay odayaashaasi inay xakameeyaan dhalinyaradooda, isla markaana waxay ku wargeliyeen inay Ciidamada qaranku talaabo adag ka qaadi doonaan ciddii lagu arko iyadoo hubaysan. Waxa warku intaasi ku darayaa in odayaasha beesha koonfurta Sanaag ee kulankaasi ka qeyb galay ay sheegeen inay qaadanayaan nabad, isla markaana ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu soo afjaro dilalka u dhaxeeya labada beelood ee wada daga deegaankaasi.
-
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka warbixiyey socdaalo uu ku tagay J/hose iyo Kenya Wasiirka gaashaandhiga Dowlada KMG Soomaaliya Xuseyn Carab Ciise oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalo uu kusoo maray dalka Kenya iyo Gobolka Jubada Hoose. Mr Carab ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu kulan kula soo qaatay dhigiisa dalkaasi iyo wasiirka amniga qaranka isla markaana ay ka wada hadleen iskaashiga amaanka labada dal iyo la dagaalanka Al Shabab. Waxa kale oo uu tilmaamay in kulankoodi Nairobi ay ku xoojiyeen heshiiski bishi hore ay kala saxiixdeen labada dal. Dhanka kale wuxuu ka hadlay booqashadi uu ku tagay gobolka Jubada Hoose halkaasi oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ka wadaan howlgalo. “Dhoobleey waan tagay waxaan soo arkay waxa ay sameynayaan ciidanka waliba iyaga oo kaashanaya walaalahood reer Kenya, ciidanka dowlada iyaga ayaa wada sida heshiiska ahaa, ciidamada shucuurtooda aad ayey u kacsaneyd diyaarna way u ahaayeen in ay horay u socdaan.” ayuu yiri Mr Carab Ciise. Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa iska kaashanaya howlgalo ay ku doonayaan in Al Shabab ay uga xoreeyaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Horseed Media
-
I still don't understand how he can call Abdi weli an infidel its really shocking seeing abdi weli going to the Islamic pilgrimage the Hadji. We can say Hassan daahir aweys is playing the clan card how ever we must acknowledge that this man is very consistent he never supported the TFG he fought against the USC under the wing of al itaxaad. The Zack what about the landers they always had islamic fighters and wadaado these people waged a war against the Colonialist from Aw Ali the killer of lieutenant stroyan in the 1850s to Haaji Suudi Shabelle Sultan nuur Axmed Amaan the Anti Colonial tribal Chief. ibrahim Boghul Sheikh Abdilahi Shihiri to Sheikh bashiir Sheikh Yusuf to name a few to the founder of Xisbullah Sayid Axmed Sh.muuse(AL- Azhari ) in the 1940s the party which later merged with the first anti Colonial Independence party the Somali national league to the legendary Sultaan Timma Cade zack even the onlf seek inspiration from his Poems in their time of struggle.
-
Abtigiis;756465 wrote: Yesterday, as I took the knife and stood next to a goat to be sacrificed for senseless religious fetish, the goat bleated repeatedly and later started vomiting. I was sad, and wondered if this cruelty against an innocent animal could be forgiven. But then it spoke with clear voice and I heard what she said with amusement. “It is not your knife, it is Xaaj Xundjuf’s thread about Ceerigabo that provoked this disgust”, she said. "Did you see him calling one clan's militia an army and another clan's militia a gang?", her last words before she died to give pleasure to human beings. Xaaji, this drivel smells like the callous fart of a sleeping person, which doesn't inconvinience the owner but sends the awake shying away and out of sorts. Ma qajilo Silaanyo ceebna waa nimaan ka qiiroone Intuu dawladdii qoys ka dhigay keligi qoondaystay Uu qadiyey soomaaliyoo wada qamuunyaysan Qaynuun darrada uu ku kaco qarad markuu yeesho In qabyaaladdii laga tagaa lagu qadhaabtaaye Intuu qaraf ku gubo meel markay qaraxdo baaruuddu Yuu qoomamoodaa dabkuu qiiqiyee shidaye Dadku waa iswada qoomi jirey taniyo Qaabiile Qaartiyo dagaalkii warmuhu qiimi ma lahayne Isagaa qasuumo u wadaye yaa isu qalabeeyey? Gabaygi Ciidanka qaranka
-
Ciidamadda Kililka shanaad ee Liyuu Booliiska iyo dadweynaha Bali-dhiig oo maanta dagaal dhex maray Bali-dhiig(Waaheen) Degmadda Bali-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayuu maanta dagaal ku dhex maraya Ciidan ka tirsan Kililka shanaad ee Itoobiya oo doonayay inay Qafaashaan mid ka mid ah Culimadda Degmadaasi Malcaamadaha ku haysta iyo dadweynaha Degmadaasi oo ka gadooday kadib markii dhawr jeere ay Ciidamadda Liyuu Booliiska ee Kililka shanaad ku soo xad gudbeen Deegaankooda. Sida uu ku soo waramay wariyaha gobolkaasi waxa uu dagaalkaasi dhacay saaka, waxaana la isweydaarsaday Tacshiirad badan taasoo sababtay in ay dadka Deegaanka Degmadda Bali-dhiig ka dhaawacaan Ciidankaasi sadex ka mid ah iyagoo kala hadhay wadaadkii aya doonayeen inay Qafaashaan. Xaalada magaaladda Bali-dhiig ayaa ah mid Heegan loogu jiro haddii ay Ciidamadaasi kililku mar danbe ku soo noqdaan Degmadooda, waxaanay dadweynaha Jiidaasi isku abaabuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen faragalinta uu Maamulka Kililku ku hayo Culimada Deegaankaasi iyagoo ku Eedeeyay Ciidamadda Kililka shanaad ee Itoobiya inay wadaaana Qas iyo Jahawareer taasoo ay ku doonayaan inay Somaliland iyo Itoobiya ku kala dilaan. Dhawaan waxa ay Ciidamadda Liyuu Booliisku Masaajid ku yaala Degmadaasi ka Qafaasheen Lix Baakistaaniyiin ah oo ka mid ahayd Culimo Tabliiq ah oo ku sugnayd inkastoo markii danbe ay soo daayeen. Dhacdadani maaha tii u horeysay ee waxay Ciidamadda Liyuu Booliisku ka wadaan Deegaanka ay wadagaan Somaliland iyo Itoobiya Kacdoon ay doonayaan dadka Reer Somaliland ee labada Dal dega inay u tusiyaan Xukuumadda Itoobiya Cadaw iyagoo kolba Dawladda Federalka ah u gudbiya warbixino ay ku sheegayaan in ay dad Argagixiso ahi ka soo talaabayaan dhinaca Somaliland sida dhacdada hada taagan ee ay ku xidhan yihiin 57 qof oo ka mid ah dadka somalida Itoobiya ah ee ee ka soo jeeda Beesha Isaaqa kuwaasoo dagaal dhex maray beesha kale eeka so jeeda dhagaxbuur Si kasta ha ahaatee falalka ay Kililka shanaad ka wadaan Ciidamadda Liyuu Booliisku ayaa hadaanay iska kaashan labada Dawladdood ee Somaliland iyo Itoobiya keeni karta in Colaad laga dhex huriyo taasoo ay ka faa’iidaysanayaan Kooxda Fidmada ka dhex wada labada Dal
-
This is what I call democracy even though it contradicts with the sl constitution but mr samatar is very much welcome it also depends on what kind of union he promotes like the somaliland and somalia confederacy and equal rights for both citizens its how he brings it.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay dagaalii maanta ka dhacay Ceerigaabo Ceerigaabo(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sida uu kusoo warramay Weriyaha Waaheen gobolka Sanaag Mr-Darwiish markii ugu horraysey fiidnimadii caawa (Axad) ka hadlay khasaaraha ka dhashay is-rasaasayn galabnimadii ciidammada qaranka iyo malleeshiyo hubaysan ku dhex martay magaalada Ceerigaabo iyo sidii wax u dheceen isagoo hadalkiisa ku bilaabay “Arrintu waxay ka dhalatay kulan doceed wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi (Xaabsade) iyo taliyaha ciidammada asluubta Somaliland (Xiirane) beeshoodu la yeesheen oo ay kaga wada hadlayeen xaaladdii taagnayd ee nabadgelyo xumada iyo sidii loosoo afjari lahaa kaddibna dhallinyaro cadhaysan oo isla beeshooda ah ayaa weerar qaawan ku qaaday halkaasoo wasiirka iyo taliyaha aan waxba la gaadhsiin oo ay soo samata-bixiyeen ciidankoodii ilaalada gaarka ahaa waxana arrintii ka hawlgalay ciidammada qaranka”. Isagoo wasiirku ka hadlaya khasaaraha dhacdadaasi sababtayna wuxu yidhi “Ciidanka labo askari ayaa ka dhintay shan kalena waxa soo gaadhey dhaawacyo waxa kaloo iyaduna geeryootey hal qof oo dumar ah waannuna ka tacsiyadaynaynaa dhibaatadaas”. Isagoo ka hadlaya dabley-beeleedkii dagaalku dhexmarayna wuxu yidhi “Shan dhallinyaradii dagaallamaysey ka mid ah oo qaarkood dhaawacyo qabaan ayaannu qabannay oo laga hayaa”. Isagoo xaaladda nabadgelyada ka hadlayana wuxu yidhi “Imminka xaaladdu waa deggan tahay welina samir iyo dulqaad baa jira waxannuna ku baaqaynaa nabadgelyada in la adkeeyo”. Wararka qaar kale ayaa sheegaya in dhaawacyadu intaas kasii badan yihiin oo tiradoodu gaadhayso toddoba qof.
-
Not true Somaliland ministerial delegation went to talk to the Elders and some community leaders and elders who belonged to the Garaad Clan while they were on the process of doing that.The day before the Somaliland armed forces in Ceerigaabo made it clear no one can leave and enter the city there was a curfew imposed obviously Armed gangs entered the city this morning from fiqifuliye and awrboogays and established them selves in the south east of the City.When the Somaliland Ministerial Convoy was heading towards the place they opened fire the armed forces fired back and arrested several gang members.And there were several casualties unfortunately but the house the gang members were firing from was entered by the Armed forces and two armed forces died in the operation the city is back to normal now.