-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
M/weyne Ku xigeenka oo dhagax dhigay Xarunta Ugu weyn Geeska Afrika ee UNICEF November 13th, 2011 a>Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismihii xarunta ugu weyn ee Ha’yada UNICEF ku yeelan doonto Geeska Afrika oo laga hirgelinayo xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa. Xaflad loo sameeyay dhagax dhiga xaruntaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirradda Kalluumaysiga, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo Duqa Caasimada Hargeysa ahna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladii dhagax dhiga dhimahaasi wuxuu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa maanta farxad weyn u ah inaanu maanta halkan nimaadno dhagax dhiga Xaruntii u horreeyay ee Ha’yad ka mid ah Haa’yadaha qarammada Midoobay oo ah UNICEF ay xaruntoodii ugu weynayd ee Geeska ay ka dhisayaan caasimada Somaliland ee Hargeysa taasina farxad labaad ayay noo sii tahay.” Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in xafiiskani wax ka tarayo sidii loogu adeegi lahaa carruurta iyo haweenka isagoo arrintaasi ka hadlayna wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Hambalyeynayaa Haa’yada UNICEF tallaabadda horseedka ah ee ku dayashada mudan ee ay qaadatay oo aan u soo jeedinayo inay Ha’yadaha kale ee qarramadda midoobayna ku daydaan. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida Ha’yada UNICEF sida ay diyaarka ugu tahay inay ka midho dhaliso qorshaha Milinium Goal-ka la hiigsanyo oo carruurta iyo dadka nugul oo haweenku ka mid yihiin oo waxqabadkii Ha’yadaasi u soo dhawaatay, aad iyo aadna waan ugu hambalyaynayaa Ha’yadan.” Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay iskaashi wanaagsan oo horumarineed ay la yeeshaan Ha’yadaha caalamiga ah. “Anaguna sidaasi aanu dhulka u bixinay ayaanu diyaar ayaanu u nahay inaanu kaalintayada ka qaadano wada shaqaynta aanu la leenahay Ha’yadaha si looga midho dhaliyo ahdaafta horumarinta si aynu isbedel uga samayno dhinayada Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada oo ah sadexda qodob ee aasaasiga ah,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay inuu uga mahad celiyo xukuumada Somaliland xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Ha’yada UNICEF waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay sidii uu ugu soo dhaweeyay dalka. Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlayay xafladaasi wuxuu yidhi “UNIEF waxay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay gudoomato dhulka ay dawladda Somaliland siisay UNICEF si ay hawleeda ugu gudato, marka la dhiso dhulkaasi waxa uu noqonaynaa xafiiska ugu weyn ee Bariga Afrika waxaana la filayaa inuu ku dhammaado dhismaha xaruntani muddo 12 bilood gudahood ah waxaana la rajaynayaa inuu ku dhammaan karo lix ilaa sideed bilood.” “Dhulkan aanu ka dhisayno xarunta waxa cabirkiisu yahay toban kun oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu qaadi doonaa 90 shaqaale ah, xaruntani waxay muujinaysaa ahmiyad ay UNICEF siinayso Somaliland si ay u fuliso mashaariicda dhinaca horumarinta carruurta 12 mashruuc oo Afrika oo dhan ka socda, dhaqaalaha ku baxayaana uu gaadhayo 12 illaa 25 Malyan oo Dollar,” Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia. Mr. Sikander Khan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Deeqdan dhulku waxay timid xili adkaa oo aanu aad ugu baahnayn si aanu ula shaqayno Milinium Goal-ka.”
-
Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhagaxdhigay Dhismaha Ugu Weyn Ee Hay’ada UNICEF Ku Yeelanayso Geeska Afrika Oo Laga Hirgelinayo Magaalada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Nov. 13, 2011- Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagaxdhigay xarunta ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika ay ku yeelanayso hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF ,kaasoo laga dhisayo Magaalada Hargeysa. Dhismahan oo laga dhisayo duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ayaa ka kooban baxaad ahaan dhawr KM oo isku weer ah, waxaana ku deeqday dhulka loo qoondeeyay dawlada hoose ee Hargeysa,taasoo ay xukuumadu ku tilmaantay tallaabo lagu soo jiidanayo hay’ada caalamiga ah oo la doonayo in xarumahooda Magaalada Nairobi ee qaabilsan deegaanada Soomaalida in ay u soo raraan Somaliland oo ah dhul nabad ah. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay munaasabadii dhagaxdhiga ayaa sheegay in dhismahan xaruntan ay qayb ka tahay ballaadhinta mashaariicda horumarinta ee Qaramada Midoobay ugu talogashay Somaliland, taasoo uu sheegay in ay ku timi iskaashi dhexmaray xukuumada iyo hay’adaha oo doonayo in ay ka faa’iidaystaan nabada iyo deganaanshaha Somaliland oo ah mid la isku lahayn karo. Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Magaalada Hargeysa shalay soo gaadhay ninka hay’ada UNICEF u qaabilsan Soomaaliya Sikandar Khan oo ay xukuumada Somaliland ka wadahadleen sidii hay’adaas ay dhismaheedan uga hirgelin lahayd Somaliland. Ramaasnews Desk
-
Waxaannu Leenahay Miisaaniyad u Gaar ah Nabadaynta ee Ma aha Wax Aannu Baryeyno Xukuumadda’ Fri 11th Nov,2011 Ergo nabadeed Guurtidu u dirayso Ceerigaabo oo Sabtida ka baxaya Hargeysa iyo waxa ka jira wararka sheegaya inay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda “Waa run oo waa doorkayagii horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Ilaahay ayuun baan qadarin” “Macno badan ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay” Waraysi khaas ah - Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah ergada Guurtida u baxaya Ceerigaabo Hargeysa (Jam)- Ergo nabadeed oo ka kooban 11 xubnood oo Golaha Guurtida Somaliland u dirayo magaalada Ceerigaabo si ay uga qaybqaataan dedaallada nabadeed ee lagu qaboojinayo xiisadda dagaal ee ka oogan halkaas, ayaa la filayaa inay Sabtida berri ka ambabaxaan caasimadda Hargeysa. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ah ergada Golaha Guurtida ee nabadaynta ugu baxaya magaalada Ceerigaabo oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, waxa uu sheegay in shirguddoonka golahoodu ku hawlan yahay ambabaxooda, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in ergadaasi Hargeysa ugu xanniban tahay dhaqaalihii safarkooda oo aan ilaa hadda ka soo dhammaan dhinaca Wasaaradda Maaliyadda. Sida lagu faafiyey shabakadda wararka ee Ramaasnews, ergada Guurtida ee u baxay dhinaca Ceerigaabo waxay ilaa hadda u xanniban yihiin Wasaaradda Maaliyadda oo aan u oggolaan kharashka socdaalka. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Jamhuuriya weydiiyey shalay waxa ka jira arritnaasi iyo xilliga ay u baxayaan Ceerigaabo, waxa uu ku jawaabay; “Horta sidaad sheegtay Golaha Guurtidu wuxuu go’aan ku gaadhay in ergo nabadeed loo diro magaalada Ceerigaabo oo shaqaaqooyin khasaare keenay ka dhaceen, shirguddoonka ayaana ku shaqo leh intay soo magacaabayaan iyo dhaqaalaha ay guddidaasi ku baxaysaba, hay’addan kalee xukuumadda (wasaaradda maaliyadda) ee aad leedahay waxbaa idin kaga xanniban. Waxaannu nahay hay’ado wadashaqayn ka dhexayso oo isku dawlad ah, sabab iyo caqabad ergadayada loo horistaagaa ma taal, ugu dambayna waxaannu baxaynaa ilaa Sabtida, in wasaaradda maaliyadu dhaqaale noo diidayna waa dacaayad la faafiyey oo aanay waxba ka jirin, arrintuna weli waxayna ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonkayaga, weliba waxay wadaan diyaarintii safarkayaga, wax caqab ah oo horyaallaana ma jiro,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed. Mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsan maadaama oo aanay ilaa hadda hawlaha ambabaxoodu ka soo dhammaan dhinaca shirguddoonka inuu ka warhayo in ismari-waa dhinaca dhaqaalaha ah ka dhextaagan tahay wasaaradda maaliyadda iyo shirguddoonka golahooda, waxa uu ku jawaabay; “Horta annagu (Golaha Guurtida) waxaannu nahay gole miisaaniyad leh, markaa miisaaniyadda dalka ku leenahay waxa ka mid ah hawlaha aannu qaranka u hayno ee la xidhiidha nabadaynta, waxaanuna leenahay miisaaniyad u gaar ah dhinaca nabadaynta, markaa maaha wax aannu baryeyno xukuumadda oo leenahay lacag aannu ku baxno na siiya. Annaga ayaa gole ahaan is maamulayna, wax naga awood badanna weli nagumay iman, markaa in annagu aannu kharashkii diyaarsano oo waxayaga qorshaysano ayuun baa la doonayaa, dhinaca xukuumaddana ama wasaaradda maaliyaddana inay nidaam ahaan u sii marto mooyaane wax kaloo nagaga xidhanna ma jiro. Dawlad ahaan hannaan wadashaqaynaya ayeynu nahay ee ma nihin kooxo ama hay’ado is baryaya, laakiin dawlad qudha oo wadashaqaynaysa ayeynu nahay, waxa na hortaagana ma jiro oo waa dacaayado la faafiyey, shirguddoonkuna shaqadiisii ayuu wataa, xukuumadduna waa u diyaar inay sideeda u fuliso wixii hawl qaran lagu qabanayo.” Waxa kaloo suldaanka la weydiiyey sababta Golaha Guurtidu uga gaabiyeen inay u gurmadaan sidii loo xallin lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Ceerigaabo ee aanay ilaa xilligan ergo ugu dirin. “Waa run oo waa doorkayagii, horena in aannu u tagno Ceerigaabo way ahayd, laakiin Illaahay ayuun baan qadarin, hannaanka dawladnimo ayaanna ah marka hore ee wax dhacaan inay tagaan oo ammaanka dawladda ayaa ka masuul ah, Golaha Guurtiduna marka la dhaafo shuruucda iyo hawlaha gole ee kale waxyaabaha uu u xilsaaran yahay waxa ka mid ah xallinta khaalaafaadka soo kala dhexgala beelaha. Ceerigaabo marka hore waxa ku horreysay xukuumadda oo halkaas tagay; isku mid baanuna nahay oo haddii wasiirradu khilaafka dhammeeyaan waa wax loo baahan yahay, arrintana muhiimaddeedu in la dhammeeyo ayuun bay tahay ee in guurtidu dhammayso iyo in cid kale dhammayso looma kala eegayo, macno badana ma samaynayso in shaqadayadii cid kale qabato, wixii la qabtaana waa shaqo qaran oo la qabtay uun. Ergadii hore ee xukuumadda ka socotay ee Ceerigaabo tagtay Ilaahay ma qaddarin inay khilaafka xalliyaan oo arrintii way soo laba kaclaysay, iminka ayuuna Ilaahay noo qaddaray in aannu tagno oo ka qaybqaadano xalka. Weftiga wasiirrada iyo waxgaradka kale leh ee hadda Ceerigaabo jooga Ilaahay wuxuu ku guuleeyeen inay wax badan ka qabtaan nabaddii, dhinacyadiina waxay ka soo qaadeen nabad. Magaaladii Ceerigaabo nabad bay ka dhaliyeen, waxa hadhayna waa xaal-xaalkii iyo ammaankii guud, taas ayaanmu annaguna gacan ka gaysan doonaa, ilaa inta khilaafku dhammaanayo ee nabadda la adkaynayana waannu joogi doonaa Ceerigaabo,” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.
-
Kenya’s Political Failure in Southern Somalia
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^ The Kenyans will fail whether it comes from Garowe online or Jamaica.net. -
Abdul;757906 wrote: Why the desperation,saxib?? Well we need a logical explanation why the conference was pushed back to December not saying taleex.net is speaking the truth but its a website owned by the Clan that is hosting the conference in taleex.
-
The 4.5 is not only wrong, its a crime against humanity
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Carafaat just blindly rejects the 4.5 but he doesn't bring any another alternative. If the 4 major Clans in Somalia agree to share power based on this formula, and you don't bring any other possible power sharing Formula why replace something that works? -
Do they even know the meaning of massacre
-
Our National Capital of Somalia, Mogadishu Slowly Reawakens
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Well done reer mogadisho mashallah keep up the good work -
The 4.5 is not only wrong, its a crime against humanity
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Miskiin that's why they are not into politics and have successful singing career -
Somalia nin azaniya bu la dagalamaya nin Kiiniyu la dagalamaya nin Alshabaab bu la dagalamaaya nin raskambooni bu la dagaalamaya nin TFG bu la dagalaamaya nin Azania la dagaalsanyahay laakin Kenya wala heshiis Nin kiinyu la heshiis yahay laakin azania lama tuso laakin burundi wala heshiis. nin ugandha wala heshiis laakin kiiniya lama tuso nin Ethiopia wala col laakin kiiniya wala heshiis Suaashu waxa weye adigu keee baad tahay
-
Kenya’s Political Failure in Southern Somalia
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Peace Action federalism its self is not bad if its imposed correctly, semi autonomous regions on the other hand that in the long term will under mine the federal structure of the state is the bigger problem that needs to be solved.If a strong federal state is installed in Somalia's capital which eventually succeeds in minimizing the power of these semi autonomous states if they develop some sort of comparability this will in the long solve the national ingenuity of the Country . -
Mr Cameron Goormu Madaxweynaha boqortooyada Ingriiska noqday lool you meant Raisal wasaaraha
-
This is so wrong
-
The 4.5 is not only wrong, its a crime against humanity
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Powersharing formula's exist every where in Africa and 4.5 is just one of them and besides it's just a temporarily Formula when Somalia gets a permanent government this will drastically change. -
Residents of Balidhiig on Kililka Shanaad attack inside Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to AsadSL's topic in Politics
Wixi xuduuda kusu xadgudba laayaa bali dhiig ha u baqan niman rag ayaa jooga -
The 4.5 is not only wrong, its a crime against humanity
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
4 5 Is not necessary bad its something the people of somalia agreed on yes its based on clan but why is that bad if they agree on it. The major various clans are all in favor of this formula the communities in somalia did not complain about it have you seen them complain -
I support the khaatumo Conference Cali Ciise CabdI and Cali khalif galaydh are doing a great job using Galkacyo as an example is very bad why divide a city , a city cant develop if its divided and especially as small as Ceerigaabo. Galkacyo it self should be under one administration puntland or Galmudug or what ever but its very bad to divide a city into two and both admins galmudug and puntland see that. Galkacyo could develop much more if it was under one Admin and both admins know that. Besides if you have been to ceerigaabo you would know that eventhough the media tries to divide the city into sub Communities and stuff and names like that reer Ceerigaabo are pretty much united and refer them selves as reer ceerigaabo instead of xafad hebel iyo wax la mid ah its not like Galkacyo. Mar mar wabay maakhireyaan lol
-
The video i posted is not about that watch it again do you see Cali Maxamuud shire he came all the way from bosaaso this morning to be in ceerigaabo and talk about the blood feud between the brotherly Communities he supported the peace agreement. Caaqil Axmed Xasan Maxamed the chief caaqil of Masagan also welcomed the peace agreement well done. All communities now are in agreement wa ariin aad u wanaagsan.