Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. So the fat guy is xiin loool
  2. Isniin, November 28, 2011 (HOL) − Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn in ciidamadeeda ay soo geliso gudaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM la soo kordhinayo tiradooda ayna ka howgeli doonaan gobollada dalka qaarkood. Sheekh Shariif, ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood-wadaag ah oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda cilmi-baarista iyo wadahadalka CRD oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. "Shirkii ka dhacay Addis Ababa, wuxuu ahaa shir saraaxad leh, waxaa looga wada-hadlay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay muqaddas iyo in Al-shabaab lala dagaalamo, waayo dowladda haddii aysan awood lahayn waxay mas'uuliyadu ka saaran tahay sidii lagu heli lahaa tallaabo walba oo xal lagu gaarayo iyadoo madax-bannaanida dalka la ilaalinayo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo su'aal ku saabsan shirkii IGAD la weydiiyay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda Itoobiya cadaadis lagu saaray inay ciidammo u dirto Soomaaliya balse ay madaxdeedu diidday, ayna sheegeen inaysan marnaba ciidammo u dirayn Soomaaliya. "Madaxda Itoobiya waxay nagu yiraahdeen marna ma doonayno inaan ciidammo u dirno Soomaaliya, balse ay doonayaan inay hagaajiyaan dirsnimada, ayna mar walba kala hadlaan dowladda KMG Soomaaliya sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Itoobiyaanku ay diideen inay ka mid noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo sheegay inay asbaabo ay ogyihiin ay ku diideen, taasoo uusan madaxweynuhu caddeyn balse wuxuu sheegay inay ahayd mid xikmad ku dhisan. "Ciidamada Itoobiya doorkoodu waa inay adkeeyaan ammaanka xuduudaha ayna tababarro siiyaan ciidamada DKMG ah," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiin doono 12,000, ayna ka howlgeli doonaan gobollada dalka qaarkood. "Ma doonayo inaan halkaan ku faahfaahiyo arrimaha milateriga, balse waxaa jira qorshe la doonayo in ciidamada AMISOM lagu kordhiyo si ay uga howlgalaan gobollada dalka qaarkood," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka dood-wadaagga ah ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal dad ah, iyadoo su'aalaha la weydiinayay madaxweynaha ay u badbaayeen dib u dhiska Muqdisho iyo ammaanka, isagoo su'aal walba si cad uga jawaabayay. "Mar walba waxaan ku celinaynaa inay albaabbadeenu furan yihiin kuwa nabadda doonaya, marka waxaan leennahay joogi dambiga oo u soo laabo jidka toosan," ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka jawaabayay su'aal ahayd go'aanka dowladda ee ku aaddan Xarakada Al-shabaab. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay, isla markaana ay socdaan mashaariic lagu dayactirayo waddooyinka kuwaasoo ay qayb ka yihiin mashaariicda Turkigu ka fulinayo dalka, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka.
  3. Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey warar la isla dhax marayey maalmahan oo sheegayey in dowlada Itoobiya ay dib ugu soo laaban doonto Soomaaliya. Madaxweynaha oo xalay marki ugu horeysay su,aalo toos ah uga jawaabay dad lasoo xulay oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay si cad uga sheegeen shirki IGAD ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyey magaalada Adis Ababa. Waxa uu qiray in aysan soo laaban doonin ciidamada Itoobiya balse ay difaacan doonaan xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya, sidoo kalana ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. “Dowalada Itoobiya waxay si cad uga sheegeen shirki IGAD in aysan daneyneyn in ay soo geliyaan ciidamo, waxaan is leeyahay waa go,aan aad u fiican oo taariikhi ah, mar walbo oo aan is aragno Itoobiya waxay i dhahaan marnaba ma daneyneyno in aan soo galno Soomaaliya, dowladaha qaar waxay ku adkeeyaan Itoobiaya ay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka AMISOM, laakin Itoobiyaanka arintaasi waa diideen, waxay laakin ilaashanayaan xuduudkooda taasina xaq ayey u leeyihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Dhanka kale madaxweynaha waxa uu ka hadlay arinta ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya isaga oo sheegay in Kenya ay xaq u leedahay in ay is difaacdo siday doontaba haku soo gashee Soomaaliya. Madaxweyne Sharif ayaa marki ugu horeysay si toos ah usoo hor fariistay dad weynaha oo fursad u helay in ay su,aalooyin soo weydiiyaan, barnaamij gaar ah oo ay soo abaabushay hey’ada CRD. Todobaadki hore sidaan oo kale waxaa su,aalooyin toos ah dadweynuhu weydiiyeen ra’isulwasaare C/wali oo isna ka jawaabay su,aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen dad lagu casuumay barnaamijkaasi. Horseed Media
  4. ^^ Xiin wuxu yidhi Abtigis doodi oo dhan walaga soo xidhay imika marba gidaar cusub bu madaxa la dhacaya wa sidu hadalka u dhigay eh.
  5. Saalax;761825 wrote: Abdikarim? "information Minister Abdikarim Hassan Jamaa" kkkk. Come on The Zack you can do better than that. Abdikarim was just a different version of Xaabsade the other information minister in Somaliland from the Garaad, although with all due respect Xaabsade is more influential and has bigger support base in Sool. Yes indeed Haabsade is very influential among his subclan the clan chiefs cuqaasha from kalabaydh all support him including the southern laascaanood community i will not be surprised if he is still in contact with the young garaad jamac.
  6. ^^^Salax you are not reading well Xiin Kor bu usi baxay kabtisina wu xidhay laxdisana wu diyaarsaday
  7. War madaxweynaha maad daysaan ha damashaade eh halugu so dhaweye airportka dumar wada dhar cad xidhan i like i like very much dhoofkisu ba wu yaryahay Madaxweynuhu.
  8. Mawqifka Somaliland wuxu yahay Dalkasta Madaxbanaanidisu leeyeehay iyo xoriiyadisu leeyahay anagu markasta waxanu tageereyna madax banaaninda Somalia laftigeeda wanu tageereyna in dadkeeda iyo umadeeda dhibaato so geysan oo dalkeeda aan la qabsan wanu tegeereyna wa inoogu muuquta inay xaq uu leedahay. balse dhibaatoyin ka tagan Somalia dhibatooyinkaas oo la xaliyin kari wayey dhibaatadas oo gaadhay dunidi kale iyo dadki kale iyo dunida kale way ka gaashamaan. Marka arinta waxanu u aragna sii aan iyaga madax bananidooda wax loo yeelin laakin dadkana iyo dunida kalena xaq u ledahay inay ilaashaato dhibaatooyin ka so gaadhaye iyo argagixsada ka imanaysa iyo farogelinta lugu samaynayo iyo intaba xalki loo baahna dunidu ka tirsado lo wada helo ayanu anagu u aragna. http://www.togaherer.com/2011/11/28/madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-md-axmed-maxamed-siilaanyo-oo-dalka-dib-ugu-soo-laabtay-ka-dib-safar-bil-ah-uu-ugu-maqnaa-wadamada-uk-ethiopia-djibouti/ Listen here
  9. Madaxweynaha Somaliland Oo ku soo guryo noqday dalka kana hadlay socdaalkiisii November 28th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay muddo bil ku dhow uu dalalka Ingiriiska, Itoobiya Iyo Jabuuti. Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa waxa madaarka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtida), Wasiiro, Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, iyo Dadweyne kale. Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo saxaafadda ugu waramayay Qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa ka warbixiyay socdaalkiisii oo iskugu jiray fasax iyo socdaal shaqo. “Farxad weyn ayay ii tahay Aniga iyo weftiga ila socdaba inaanu ku soo laabano dalkii hooyo, waxaanu muddo bil ku dhow dhow aanu tagnay dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Jabuuti oo aanu saaka ka nimid,dibadaasi aanu u baxnay may ahayn marti qaadyo, manay ahayn casuumado iyo shirar aanu ka qeyb galaynay waxaan ku tagay sifo shakhsi ah oo fasax ah. Wadamadaasi aanu soo marnay oo dhan waxaanu iska arkaynay madax iyo masuuliyiin.” “Dalka Ingiriiska waxaanu iska aragnay qaar ka mid ah Wasiirradda iyo Baarlamaanka Ingiriiska. Waxa kale oo aanu Itoobiya kula kulanay Raysal Wasaare Males Zanawi,”ayuu yidhi Md. Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu dalka Jabuuti kula kulmay shalay madaxweynaha dalkaasi. “Meeshii aanu tagnaba si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo dhaweynayay, waxaana aanu mid walba kala hadlaynay danaha Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Magac iyo qiimo weyn ayaa Somaliland u yaala dibada iyo meelihii aanu tagnay.” Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dalka Ingiriiska kula kulmeen Jaaliyada Somaliland ee wadankaasi ku dhaqan oo uu tilmaamay inay uga xog warameen xaalada guud ee dalka. Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammadda qaranka, waxa wadada wadnaha ee Madaarka illaa Maxtooyada tubnaa dad aan u badan oo u gacan haadinayay soona dhaweynayay Madaxweynaha. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirradda Madaxtooyada, Arrimaha dibada, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada iyo maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa.
  10. Waxaan U Imid Somaliland Siddii Beelahayaga Xuduuda Cidhifka Bari Ay Dalkan Wax Ula Qabsan Lahaayeen, Dhaawacyada La Keenay Hargeysana Waa Dadkayagii Ku Soo Dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacayo” Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud Hargeysa, November 28, 2011 (Haatuf) - Suldaanka beelaha xuduudaha Cidhifka bari ee Somaliland Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud, ahaana afhayeenka nabadoonada maamul goboleedka Puntland oo dhawaan caasimada Hargeysa soo gaadhay ayaa sheegay inuu uga soo digo rogtay Isirkii dhalasho ee ka dhexeeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, isla markaana tilmaamay in aanay shaqayn doonin Isirka dhalasho oo uu ku beerlaxawsado maamulka Faroole beelaha dega cidhifka bari ee Somaliland. Suldaan Afguduud ayaa Faroole ku tilmaamay inuu leeyahay habdhaqanadii kalidii taliyihii Liibiya ee Qadaafi ee shacabku khaarajiyeen. Suldaan Cabdicasiis ayaa sidoo kale xukuumada iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyay dadka ku dhaawacmay dagaaladii ciidanka Puntland iyo maleeshiyada beesha Leel-kase ku dhex maray magaalada Gaalkacayo ee Somalia, oo qaar ka mid ah Caasimada Hargeysa la keenay Sabtidii todobaadkan halka qaar kalena maanta la keenayo. Suldaan Afguduud waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu xogwaramay Hargeysa, ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya dadka ka soo jeeda beesha Goldogob dhaawacyadooda la keenay Hargeysa oo lagu dawanayo mid ka mid ah Cusbitaalada ayaa waxa uu yidhi “Afar qof oo ka soo jeeda beesha Goldogob oo ku dhaawacmay dagaalkii u dambeeyay ee ciidanka Faroole iyo beesha laale kase ku dhex maray Gaalkacayo, oo loo qaaday markii magaalada Muqdisho ee Somalia, balse waxba lagaga qaban kari waayay, waxa kale oo iyagana dhaawacyadooda maanta la keenayaa afar qof oo kale oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii ciidanka faroole ku qaaday xaafada garsoor ee beeshani dagto, sidaa darteed waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xukuumada iyo shacbiga dalkani kaalinta Bani’aadanimo ee ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka calaadeed ku haystaan Somalia, dadka dhaawacyadooda maanta la keenayo Hargeysana masuuliyiinta hay’adaha amaanka Somaliland waanu ku wargalinay, halkana waxa dagan ehliyadoodii oo ku sugan” Suldaanka oo aanu waydiinay ujeedooyinka socdaalkiisa Somaliland uu ku yimid iyo hawlaha uu la xidhiidho, waxa uu yidhi “Safarkayga Hargeysi waxa uu ku yimid wada hadal na dhex maray wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo ku saabsan in la gaadho deegaanda cidhifka bari ee xuduudaha Somaliland ee beesha aan suldaanka u ahay ay dagto iyo sidii wada hadal ay kaga qaybgalaan xukuumada Somaliland loola furi lahaa, ayna uga soo guuri lahayn, Isirnimo iyo hayb wadaaguna soo guuri lahayn wax la qabsiga qaranimada Somaliland oo ah dal iyo dad xuduudaha Somaliland naga dhexeeyaan, maamulka faroolena xuduudahooga ku eekaadaan, sidaa darteed Isirnimadii haybeed shaqayn wayday, waxaanay beelahayaga ku jira xuduuda Somaliland diyaar u yihiin in la dardar galiyo wax wada qabsiga bulshada Somaliland ee ku abtirsata xuduuduhii 1960-kii, waxaanu safarkaygu ka mid yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u fidiyay beelahayaga bariga Somaliland” Suldaan C/casiis Afguduud oo aanu su’aalnay maadaama ay isku beel ka soo jeedaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxyaalaha xilligan keenay inuu Somaliland ugu soo dogo rogto, waxa uu yidhi “Faroole waa shakhsi macangag ah, waxaanu ku kala fogaanay kali talisnimada uu wax ku wado waxaanu noqday Faroole Qadaafiga Puntland,sidaa darteed shaqayn mayso isir haybeed oo nin dan lihi ku shaqaysto, dawlada Itoobiyana waxaanu u balanqaadaynaa inaan cid cadow ahi uga soo talaabin xuduudaha cidhifka bari.
  11. Wasiir Ka Tirsan DKM Ah Ee Soomaaliya Oo Ictiraafay "Somaliland" Lasanod Online.*Sunday, November 27, 2011 Maqaal:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo idaacadda Codka Mareekanka {VOA} waraysi la yeelatay.. taariikhdu markay ahayd 13/11/2011 ayaa isagoo ka jawaabaya su'aal Hargeysa laga soo weydiiyey cadeeyey inaanu u qalmin xilka uu u hayo dalka Soomaaliya. Waxa su'aasha qof reer Hargeysa ahi wasiirka weydiiyey ahayd: "Mudane Wasiir, maadaama koonfurta Soomaaliya dagaal iyo dhibaato ka bixiweyday Somaliland-na tahay meel nabad, horumar iyo dimoqraadiyadi ka jirto, miyaanay kula ahayn in Dawladda ku Meelgaarka ahi ictiraafto madaxbanaanida Somaliland si ay adduunweynaha ictiraaf uga hesho? Halkii laga filayey in wasiirku ka hadlo midnimada dalka oo u caqli celiyo dadka shaydaanku dacarta u mariyey midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxa jawaabtii wasiirku noqotay: " Anigu waa taageersanahay waana ku faraxsanahay in Somaliland goonni isu taagto laakiin arrinta ictraafku waa mid u taal golayaasha dawladda Soomaaliya". * Sannadkii 1967 ayaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxa lagu eedeeyey inuu bixiyey sir qaran. Wasiirkaas oo ahaa Axmed Yuusf Ducaale waxa maxkamadi ku xukuntay 20 sano oo xarig ah ka dib markii eedayntii ku cadaatay. Wasiirka xarigaas dheer mutaystay dalka ma kala goy'nayn ee sir qaran ayuu u gudbinayey dawlad kale markii la qabtay. Hadaba Axmed Yuusuf Ducaale iyo Cabdisamad Macalin Maxamuud koodee dembi weyn? Wasiir Cabdisamad ma lagu eedayn karaa inuu galay khiyaamo qaran? Ma istaahilaa ninka sidaas u hadlay oo muujiyey inuu ka qaawanyahay wadaninimada inuu hayo xil qaran? Su'aalahan jawaabahooda waxa ummadda Soomaaliyeed xaq ugu leedahay Madaxweynaha , Wasiirka Kowaad iyo Barlmaanka Soomaaliyaa. * Laga soo bilaabo January, 1991 nooc walba oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah cid ayaa ka soo qabatay jago wasiir. ********, qab qable dagaal, qof aan wax qorin waxna akhriyin iyo mid dugsi galay: qayb kasta oo bulshaweynta ka mid ahi jago wasiir iyo mid ka saraysaba soo martay labaatankaas sano. Dadkaas kala nooca ah oo kala heerka aqooneed ah weli qof ka mid ah lagama maqal wax u dhigma ama u dhaw khaa'in-nimada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hadda xilka haya. Kaaga darane waa "aqoon-yahan". * Waxa kale oo iyana aqoon-yahano lagu sheegaa Wasiirka Kowaad, Cabdiweli Maxamed Cali iyo golihiisa wasiirada. Madaxweyne Sheekh Shariif qodhiisu jaamicad soo caga-cagee. Ilaa maalintii wasiir Cabdisamad oraahda xaaraanta ahi afkiisa ka soo yeertay oo ahayd 13/11/2011 waxa ummadda Soomaaliyeed sugaysay bal waxa DKM arrintaas ka yeesho. Ilaa maanta oo taariikhdu tahay 22/11/2011 cid xil ka haysa DMK oo arrintaas ka hadashay ma maqal. Ma loo qaadan karaa in waxa wasiir Cabdisamad ku hadlay ay tahay arrin Golaha Wasiiradu la ogyahay? Ma la ogyahay Sheekh Shariif? Muxuxuu barlamaanku arrinta ka qabaa? * Haddii wasiir Cabdisamad jagada laga qaadi waayo oo maxkamad la soo hortaagi waayo, waxa cadaanaysa in barlamaanka, madaxweynaha iyo golaha wasiiradu khaa'in-nimadan qaran la ogyihiin kulana jiraan wasiirka. Ummadda Soomaaliyeed ayay markaas arrintu u taal
  12. Maxamaad cabdilahi cumar maaa xaaji adaan afqalooc baa loooool
  13. I can understand carafaats point of view but the question is will it work somalis can agree drinking shaah chewing qaad making love doing gabay and making music together whether they are from garisa djibouti or bosaaso but the question will they agree on politics the point carafaat is raising is let's do all things that makes us Somali and not talk about politics maybe it will create a new healthy relationship
  14. Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Alabaabaddu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulankoodan ku soo hadal qaaday sidii ay.... Jabuuti (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan balaadhan maanta la yeeshay Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) oo maalmihii u danbeeyay hawl shaqo ku joogay magaaladda Jabuuti ee Dalka Jabuuti. Kulanka Labadda Madaxweyne Oo Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyadda Dalka Jabuuti ayaa ahaa kulan y albaabaddu u xidhan yihiin, waxana la sheegay in ay labadda madaxweyne ka wadda hadleen Arimaha Nabadgelayadda ee Labadda Wadan, xidhiidhka ganacsi, waxana ay wararku sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Geelle si adag u naqdiyeen siddii loo dhamaystiri lahaa Hashiiskii ay Sanad ka hor labadda dal ka wadda hadleen. Madaxweynayaasha Somaliland iyo Jabuuti ayaa kulankoodan la sheegay in ay ku soo hadal qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labadda wadan Budhacad badeednimadda iyo Argigixisadda. Warar ku agdhow kulanka labadda madaxweyne ayaa sheegaya in ay isku afgarteen Hashiiskan, isla markaana ay wasiirro ka tirsan labada dal loo xil saari doono hirgelinta iskaashiga labada Wadan. Si kastaba ha ahaatee kulankan uu madaxweyne siilaanyo la yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti ayaa noqonaya kii labaad tan iyo intii uu hayay xilka madaxtininmo.