Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. SOMALILAND: EU approves $30.5 million fund for drinking water HARGEISA — The European Union (EU) is to provide $30.5 million of funding for projects to rehabilitate, upgrade and extend Somaliland’s drinking supply networks in four major towns including Hargeisa. Mr Hussein Ahmed Duale, Minister of Water and Mineral Resources, told local media during a meeting held in Hargeisa on Monday that Somalilanders will soon have access to quality water. He revealed that his Ministry will rehabilitate water storage facilities, replace existing standpipes, increase water yield and acquire new equipment to improve water quality and reduce losses. He said four towns, namely Hargeisa, Burao, Erigavo and Wajale will benefit from the EU initiatives. Almost 70 percent ($21.3 million) of the funds will be allocated for the expansion of Hargeisa’s water facilities. In recent years due to rapidly growing population and out-dated water infrastructure, Hargeisa suffered severe water shortages. The current water networks were built by the Chinese thirty years ago when Hargeisa had a population of 150,000. Today Hargeisa is home to more than 1.2 million people. Mr Duale said planned works comprise the creation of reservoirs, dams, treatment facilities and the sinking, expansion and rehabilitation of new and existing wells. He said the programme aims to improve the lives of ordinary citizens in the four towns and hopes others will follow. In Burao, they aim to improve the quality of water by setting up water chlorination plants and process. Diarrhoea broke out several times in Burao and its surroundings and remains a concern for the authority in Hargeisa. He added that in October 2010 he led a team to the Kenyan capital to meet with donors over Somaliland’s water shortages. The EU responded to his plea and this week issued him an email stating that the European organization allocated $30.5 million for the projects. Mr Duale has an Engineering degree in Petroleum Engineering from Oklahoma University and has worked for well-established corporations before taking his current portfolio in his native country. He is considered a hard worker and is highly respected in Somaliland. In 2009, the Ministry of health said more people were gaining access to clean and proper sanitation in Somaliland. It showed how 45-50 percent of the Somaliland population had access to safe waters compared with with 35 percent in 2000. The department however said it was not meeting international standards when it came to quantity. The average safe water available in the same period was 14-litres per person per day in the capital and 8-litres in rural areas. The United Nation recommends 20-litres/person/day.
  2. Kulmiye Party members fly to China for trade talks HARGEISA — The General Secretary of Somaliland’s ruling Kulmiye party left the country on Friday for the People’s Republic of China where he is scheduled to attend a series of meetings lined up with the ruling Communist Party of China (CPC). In a statement to the press signed by the party’s chairman, Mr. Hassan Saeed Yusuf, the General Secretary of Kulmiye, Mr. Muse Bihi Abdi was leading a three-member delegation to Beijing. It added the team left for China at the invitation of Chinese ruling Communist Party and are expected to discuss the establishment of formal relations between Somaliland and the CPC. The visit is also said to promote mutual understanding and trade ties between the two countries. “The two sides will hold bilateral trade and cooperation between the two parties and friendship between the people’s of the two countries,” the statement said. The press release concluded by saying the three delegates will meet with leading Chinese corporates and entrepreneurs. They said the expansion of the port of Berbera will be the main topic. In August, Hargeisa said it was signing a trilateral trade deal with China and neighboring Ethiopia. The announcement came after Hong Kong-based PetroTrans Company Ltd signed a deal with the Ethiopian Government to purchase gas and oil over a 25 year period. The Chinese company said it was investing close to $4 billion in developing oil and gas reserves in blocks 3 and 4, 11 and 15, 12 and 16, and 17 and 20 in the O'gaden region. It added it was building a pipeline to Somaliland’s Red sea port of Berbera for export. Berbera port sits on a strategic location at the mouth of the Red Sea and at the center of Asia, Africa and the Middle East. Hargeisa is looking for wealthy Chinese investors to help expand the deep-water port. The current delegation include Mr. Muse Bihi Abdi, the General Secretary of Kulmiye, Mr. Mohamed Kahin Ahmed, Party Spokesman and Mr. Ahmed Abdi Hussein, Central Committee member. They are expected remain in the Asian country for a week-long visit.
  3. Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Soo Laabtay Hargeysa Ka Dib Markii Uu Safar Qaatay Hal Maalin Uu Ku Tagay Magaalooyinka Burco Iyo Berbera Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu soo dhamaystay safarkiisii shaqo ee Magaaladda Burco, waxa uu Habeenimaddii xalay u soo hoyday Magaaladda Berbera... Daawo Sawiradda Hargeysa (GNS)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku soo guryo noqday Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii uu safar qaatay hal maalin uu ku tagay magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Madaxweyne siilaanyo ayaa safarkiisani waxa uu ahaa mid uu kaga qayb galayay ciyaarta kama danbeytsa ahayd ee shalay lagu soo khatimay Garoonka Kubadda Cagta ee Almsey Stadium ee Magaaladda Burco. Madaxweyaha Somaliland ayaa Garoonka khudbadd uu ka jeediyay ka sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadd saarayso kor u qaadiida ciyaaraha kalla duwan iyo wax ka qabashadda arimaha Dhalinyaradda. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu la kulomay Madax dhaqmeedyadda iyo laamaha Dawladda ee heer gobol iyo mid Degmo ee Gobolkaasi, waxana ay ka wadda hadleen arimaha horumarineed ee Gobolkaasi. Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu soo dhamaystay safarkiisii shaqo ee Magaaladda Burco, waxa uu Habeenimaddii xalay u soo hoyday Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo uu kulan kula soo qaatay waayeelka, waxgaradka iyo Madaxda dawladda ee heer gobol iyo mid Degmo ee Gobolkaasi, waxana uu isla saakaba ka soo anbabaxay Magaaladda Berbera isaga oo usoo jeestay dhanka Magaaladda Hargeysa. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay Duleedka Magaaladda Hargeysa, waxa la xidhay dhamaan wadooyinka dhex mara Badhtamaha ilaa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland iyadda oo la joojiyay isku socodka Gawaadhidda kala duwan, waxana gudaha magaaladda la dhoobay ciidamo kala duwan, waxana xoog loo adkeeyay amaanka magaaladda. Inkastoo madaxweyne Siilaanyo uu ka dhiidhiyi jirey ama uu canbaareyn jirey wakhtigii uu ololaha doorashadda ku jirey in si adag loo ilaaliyo Madaxweynihii Wakhtigaas ee Daahir Rayaalle Kaahin, balse haddan waxa aad mooddaa in Madaxweye Siilaanyo uu doorbiday siddan isla markaana uu mooday mid macno wanaagsan u soo hoyn karaysa.
  4. Faroole's threats actually paid off lol
  5. Its dawga it will go through north hargeysa up to lughaya all the way to selel and go into Djibouti
  6. Xukuumadda Oo shaacisay In Midowga Yurub ay $31 Malyan ku bixinayo biyo balaadhinta afar magaallo December 18th, 2011 Hargeys(Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay midowga Yurub ugu deeqeen 31 Milyan oo Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta afar magaalo oo kala ah Hargeysa, Burco, Wajaale iyo Ceerigaabo. Sidaasi waxa shaaca ka qaaday shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Macdanta biyaha,Qorshaynta qaranka iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaalle,oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa tafaasiil ka bixiyay siday ku timid qorshahi iyo dedaalkii ay wasaarad ahaan u galeen sidii magaalada Hargeysa uga bixi lahayd biyo yaraanta, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxaanu maanta halkan u fadhinaa inaanu ka hadalo mashruuc in door ah socday oo noo soo dhammaaday, Wasaaraddan Biyuhu waxay dalka u haysaa dhawr hawlood oo ay ka mid yihiin Biyaha, Macdanta iyo Tamar, runtii intii aan masuuliyadda wasaaraddan aan qabtay waxaan awooda saaray wixii ugu weynaa wuxuu ahaa arrinta biyaha oo nolashiiya oo dalka oo dhan baahida biyuhu ay aad u saamaysay, waxaanu ahmiyadda saarnay sanadkii u dambeeyay wuxuu ahaa sidii biyo loogu heli lahaa deegaanadda Miyiga iyo Magaalooyinkaba. Khaas ahaan magaaladan caasimadda ah oo dadka ugu badani ku nool yihiin waxana ka muuqatay baahi badan oo biyood. Muddo badan ayaanu ku mashquulsanayn in magaaladda Hargeysa ay hesho nidaam biyood oo dhaama sidan imika ay tahay.” Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi . “Imika waxaanu u qabanay biyaha Hargeysa toban ceel oo carabta markii aan anigu tagay, madaxweynuhuna uu booqashada ku tagay Imaaraadka carabta waxay inoogu deeqeen 18 ceel biyood, waxaana toban ceel waxaanu ka qoday deegaanada la yidhaahdo Xumbo-weyne iyo Jaleelo, halkaasi oo ILAAHAY biyo aad iyo aad u badan inaga siiyay waxaana aanu ka helay illaa 9 kun oo mitir kuyuub ah. Magaaladda Burco laftooda waxaanu ka qodnay sideed ceel oo imaaraadku inoogu deeqeen, midna waxaanu u qoday wakaalada biyaha Berbera.” Wasiirku wuxuu sheegay inay Midowga Yurub ansixiyeen mashaariic ku wajahan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, waxaanu yidhi “Waxaan anigu aad uga hawl galay dhibaatadda biyo yaraanta Hargeysa bishii October ee sanadkii hore waxaan aniga iyo Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa aanu tagnay magaaladda Nairobi, waxaanu halkaasi ku soo bandhignay sidii magaalada Hargeysa biyo cusub loogu samayn lahaa, waxaanu halkaasi ku shirinay deeq bixiyeyaasha aanu is nidhi way u dhego nugul yihiin arrintan. Deeq bixiyeyaashaasi waxa ka mid ahaa midowga Yurub nasiib wanaag aad iyo aad ayay u xiiseeyeen qorshihii aanu soo bandhignay. Midowga yurub dhowr jeer ayay dalka yimaadeen oo ay ceelasha iyo wakaaladdaba yimadeen. Nasiib wanaag maalin dhawayd ayaan email-kaga furay waxa iigaga soo baxay farriin odhanaya haddii aad wasaarada macdanta iyo biyaha aad tihiin mashruucii aad sanadka iyo badhka ka dabo wareegayseen. Waxaanu idiinku bushaaraynaa in mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa iyo mashaariic kale oo ay ka m id yihiin Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, waxaanay yidhaahdeen talaabadii ugu dambeeyay ee mashaariicdaasi lagu ansixinayay Midowga yurub way dhamaatay.” “Waxaan ugu bushaareynayaa shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa, waxaynu ku soo dhawaynay inaynu nidaam cusub oo biyo balaadhin ah aynu Hargeysa u samayn doono, lacagta midowga Yurub ansixiyay ee la aqbalay waa 30 Malyan iyo badh Dollar, lacagtaasi waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxaana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo,”ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Ducaale. “Waxa kale oo lacagtan ku jira 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, oo loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada la bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Magaaladda Ceerigaabo qudheeda biyo balaadhinteeda waxa mashruucan ugu jira 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Waxa kale oo ku jira 2 Malyan oo Dollar oo loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu. Wasiirku wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin in lacagtaasi midowga yurub aqbaleen. “Runtii waxaan filayaa mashruucaasi marka uu fulo in Biyaha Hargeysa wax weyni iska bedeli doonaan oo biyaha imika soo galaa ay laban laab noqon doonaan. Mashruucani wuxuu Hargeysa u keenayaa illaa toban kun oo mitir kuyuub oo dheeraad ah. Marka ay mashruucan midowga Yurub iyo mashruuca imaaraadku noo wado ee xumbo-weyne iyo Jaleelo biyaha Hargeysi waxay noqon doonaan sadex laab,”ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirka macdanta iyo biyuhu wuxuu sheegay in midowga Yurub ay qandaraas caalamiya mashruucan ku bixin doonaan bisha march ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka, waxaanu tilmaamay fulinta mashruucaasi uu wakhti qaadan doono. Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu ka waramay mashruucii ay todobaadkii hore bilaabeen ee lagu sahminayay biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee deegaanadda dalka, Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida uu midho dhalay mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo uu ku dooday inay muddo dheer daba socdeen. “Xumbo weyne 12 Ceel ayaa laga qoday waana la dhamaystiran oo bamamkiina waa lagu wada riday la iskuna xidhay, wajigii koowaad ee mashruucaasi wuu dhamaystirmay, wajiga labaad waa in dhuumihii biyaha soo qaadayay lagu xidho isla markaana baraagihii laga sameeyo, waxaanu jecelahay in dhawaan wefti Imaaraadka carabta ah oo dalka iman doonaa ay xadhiga ka jaraan wajiga koowaad ee mashruuca Xumboweyne, ka dibna waxa loo gudbi doonaa wajiga labaad,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaaladda Biyuhu. Maareeyuhu wuxuu sheegay inay mishiinadda biyo soosaarka Geedeeble ay shaqeeyaan 23 saacadood, isla markaana ay ku dedaalaan sidii Magaalada loogu qeybin lahaa biyaha, hase yeeshee wuxuu ku dooday inay magaalada Hargeysa ay fiday isla markaana ay kala badan yihiin dadka ku dhaqan iyo xadiga biyaha soo gala magaaladda. Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu ku farxay mashruucan midowga yurub ku bixinayaan biyo balaadhinta afar magaalo oo Somaliland ah, waxaanu dhambaal hambalyo ah u diray Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha wakaalada Biyaha oo uu tilmaamay inay ka midho dhalinta mashruucan juhdi badan geliyeen. Waxa uu sheegay inay caalamka biyo yaraani ka jirto , waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay tashiilaan biyaha ay helaan.
  7. Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Go'aan kasoo saaray xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan Axad, December 18, 2011 (HOL) − Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay ka yeesheen khilaafka baarlamaanka ee xilka looga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ku dalbadeen in baarlamaanka uu shaqadiisa dib u billaabo lana dhowro axdiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala. Warsaxaafadeedka xukuumadda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyadoo la tix-gelinayo marxaladaha siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku jiro ay maaxda DKMG ah la yeesheen kuammo wadatashi ah qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka iyo beesha caalamka si xal looga gaaro khilaafkan ayna isla garteen qodobbadan soo socda: In baarlamaanku bilaabo kulamdiisa si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah In la tixgeliyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo In la raaco sharuucda baarlamanka iyo xeer hoosaadyada In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord) In la dhowro axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed Madaxda dowladda KMG ah waxay sheegeen in go'aanada ay gaareen ay saldhig uga dhigeen axdi KMG ah ee Soomaliya iyo shuruucda kale ee dalka, sidoo kalena ay tixraaceen heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo tabogelinta Roadmap-ka. Sidoo kale, madaxda dowladdu waxay warsaxaafadeedka ay soo saareen ku xuseen in shaki laga muujiyay qaabkii loo maray kulminta baarlamanka iyo tirada codaysay mooshinkii xilka looga qaaday Shariif Xasan. Ugu dambeyn madaxda dowladda KMG Soomaaliya waxay xuseen ni qodobbada ay soo saareen ay gaareen iyagoo tix-gelinaya isla markaana ixtiraamaya madax-bannaanida baarlamanka. Go'aankan oo u muuqda mid lagu laalay xil ka qaadistii Shariif Xasan ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonaan 280-kii xildhibaan ee u codeeyay inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inuu isagu weli yahay afhayeenka ramsiga ah ee baarlamaanka.
  8. The awdal state president is at a party war ninku manu madaxweyne ahayn wamaxay madaxweynahan clabyada tegeya.
  9. Wufuud beeleedada reer SSC oo ku sii qulqulaya magaalada taariikhiga ah ee Taleex (Taleex, Dec18, 2011 Ceegaag Online) Degmada Taleex oo ay taalo gogosha shirweynaha Khaatumo ayaa waxa si aan kala go,lahayn ugu soo qulqulaya ergooyin ka kala imanaya dalka iyo dibada kuwaasi oo ka qayb geli doona shirweynaha khaatumo 2 oo la filayo inuu qabsoomo todobaadka soo socda. Dhanka kalena ciidamadda loogu talo galay ilaalinta Amniga guud ee shirweynaha Khaatumo 2 oo kakala socda beelaha SSC ayaa iyaguna soo gaadhaya Degmada Taleex. Xaalada amaan ee Magaalada ayaa ah mid degen oo si buuxda ay gacanta ugu hayaan Ciidamada loo tababaray sugida Amniga shirweynaha, iyadoo dhanka kalena uu meel wanaagsan marayo dadaaladii nabadeed ay wadeen Issimada iyo Waxgaradka deegaanada SSC kaasi oo lagu dhamaynayay shilkii naxdinta lahaa ee dhowaan ka dhacay degmada taleex. Si kastaba ha ahaatee shirweynaha khaatumo 2 ee ka dhici dioona Degmada Taleex ayaa guud ahaanba shacabka u soo hoyda deegaanada SSC ay u arkaan inuu yahay rajadooda ugu weyn islamarkaana waajib uu ka saaranyahay of kasta inuu dhiniciisa ka ilaaliyo.
  10. Aaliyyah;765845 wrote: lool huha baad rabtiin in aad iska dhadhicisiin. The fact is they don't..so stop posting fake photos that ur trying to pass off as reer awdal.. here are two links u can enjoy .. and I will update you on the toronto event that took place xalay, even thou I regret missing it...im sure it turned out great .... reer awdal way duleen..ee waxba ha isdhibina sadexdiina magaalo ha ni deeqado salaam The video and pics were all posted on Awdalite websites http://quljeednet.com/ http://www.boramanews.com/ www.bakipress.com http://www.cadceed.com/ Are you saying they were all lying i was wondering why would reer awdal post fake pictures and videos on their website.
  11. Fighting has erupted in a disputed town in central Somalia between two pro-government militias, with Ahlu Sunna militia claiming a strategic victory in its offensive against rebels loyal to TFG member. Witnesses in the town of Abudwaq in Galgudud region told Somalilandpress the fighting began on Saturday night after militia loyal to Ahlu Sunna attacked forces led by Somali parliament member Abdifatah. They added the offensive displaced hundreds, cut off communication services and is threatening to spread. They said more than five were killed and further fifteen injured from both sides. The town is currently under the control of the Sufi Ahlu Sunna group. The clerics imposed an overnight curfew in the town. The Sufi group, often regarded as pro-government, accused the member of Parliament of destabilizing the town. They issued him a verbal warning to halt all activities but he refused to comply. Ahlu Sunna now says all government (TFG) members require permits to enter any territory under their control. They requested that all government members leave the town immediately. Regional analyst warn the current conflict between the two pro-government militia could widen and disrupt the fragile treaty between the weak TFG and the Sufi militant. Ahlu Sunna now controls much of central Somalia and wants to establish its own semi-autonomous region similar to the dozens already active in the failed state. The conflict in Abudwaq comes days after the semi-autonomous region of Puntland declared an open war on Gal-Mudug, another semi-autonomous in Somalia’s central region. Puntland leaders accused them of destabilizing the region in particular the border town of Galkayo. Garowe said Galmudug kidnapped a ten year old boy and assassinated countless others. Galmudug administration ignored the accusations and went about its business. Meanwhile Somali intellectuals in the Somali capital urged the TFG to arrest the leader of Puntland, Abdirahman Farole, insisting that he was undermining the country’s leadership and derailing the peace process. They said it was not his responsibility to implement the proposed peace plan but it was up to to the national leadership including the UN-backed parliament in Mogadishu. They dismissed that the up coming meeting which will implement a political plan agreed in September known as the roadmap be held in Garowe, the capital of Puntland. They argued Mogadishu was the capital and the right venue for such dialogue. The weak Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu and the Garowe administration have been at odds in recent times over a number of issues including aid money and foreign investment. The current conflict in central Somalia and the political infighting in Mogadishu will add more headache to the struggling TFG as it tries to tackle the country’s numerous problems. Somalia has not had a functioning government since the ouster of one-time dictator Mohamed Siad Bare in 1991.
  12. Waxgarad ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto Faroole Muqdisho: (Sh. M. Network)- Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ug ubaaqay dowladda KMG Somaaliya in gacan bir ah lagu qabto Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole. Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Waxgaradka Soomaliyeed ayaa waxaa uu ugu baaqay dowladda KMG Soomaaliya in gacan bir ah lagu qabto Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole. Imaamka oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland uu la mid yahay Maamulada ka jira dalka, hase ahatee waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Faroole uu u dhaqmayo shaqsi la mid ah Madaxweynaha dalka islamarkaana uu go’aamiyay in maalinta talaadada ah uu dhacayo shirka wadatashiga ah, isagoo ugu baaqay dowladda KMG ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay arrimahaasi wax ugu qabato. Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada barlamanka inay ku heshiiyaan sharciga u dagsan oo ay joojiyaan buuqa iyo is qab qabsiga sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo maalin ka hor la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shirka wadatashiga ah ee lagu qabanayo Garoowe uu dhici qabsoomi doono maalinta talaalada ah t
  13. Abdul;765752 wrote: So where is this clan clashes?Or you just wishing for one. It was in taleex there was this Guy working for the garowe clan enclave killed the other day