-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland: new political Islamic party Xisbullah announced.
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Urur Diimeed Lagaga Dhaawaqay Somaliland Iyo Guddoomiyihiisa Oo Sheegay In Hanaanka Dimuqraadiga Ahi Yahay Wax Laga Soo Dheegay Gaallo, Kuna Baaqay In Dalka Lagu Hago Shareecada Islaamka. Hargeysa (Ramaas) Dec 11,2011 – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, kaas oo ay hogaanka ka yihiin qaar ka mid ah culimadda dalka. Ururkan oo magaciisu yahay XISBULAAHI, ayaa waxa culimada ku dhawaaqday sheegeen in ururkani ururada kale kaga duwan yahay in ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii uu tallada dalka ku guulaysto. Dadka ururkan ku dhawaaqay ayaa ku baaqay in la laalo dastuurka dalka, isla-markaana lagu dalka lagu hogaamiyo shareecada Islaamka oo ay ku tilmaameen inay tahay ta ugu muhiimsan ee ummad lagu dhaqi karo, iyagga oo sidoo kalena sheegay inay ka soo horjeedaan guud ahaan hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka ka hano-qaaday, kaas oo aku sheegeen inuu yahay hanaan laga soo waariday dad aan Islaam ahayn “Ururkan XISBULAAH wa urur Diimeed, waxaana aanu si cad ugu baaqaynaa in Umada lagu dhaqmo Shareecada, dastuurkeenuna waa Samaawi oo ILAAHAY-baa inoo soo dajiyey (Qur’aanka kariimka ah) qofka Muslimka ahi inuu sharci iyo dastuur kale qaato uma banaana haddii uu qaatana wuu ku gaaloobayaa.”sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ururkaasi Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo ka hadlayey xafladii lagaga dhawaaqay. Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle waxa kale oo uu sheegay “Waxa laga yaabaa in la iswaydiinayo ururkani muxuu kaga duwan yahay Urur siyaasadeedyada kale, waxaan leeyahay adeer wax siyaasad la yidhaahdo ma jirto, cidii taa ka murmaysaana fagaarayaaasha saxaafada aynu isku nimaadno oo ka doodno oo umada ha taabsiiyo oo ha yidhaahdo waa taas siyaasadii.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Diinta Muxamadiya Meel ay siyaadani kaga jirto Qur’aan iyo xadiis midna ma jirto, waana dahaadh ay Munaafiqiin iyo gaalo ay dulmiga ku dahaadhaan.” Urur diimeedkan cusub ee lagaga dhawaaqay Hargeysa oo sida muuqata muran iyo khilaaf cusub ku soo kordhin kara dalka, taasina waxay horseedi kartaa amaan daro. Ramaasnews Desk Hargeisa -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
TALEEX : M.kuxigeenka PL oo walaalkiis iyo Wiil uu Adeer u yahay oo la dilay December 11, 2011 6:22 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Taleex:-Waxaa magaalada Taleex lagu dilay 2 qof oo midkood ay walalo yihiin M-waynekuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo lagu magacaabi jiray Sumini Cali Shire iyo Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray ina Saalax Cali Shire waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dilkooda kadambeeyeen kooxo isla deegaanka ah. Sumini Cali Shire oo ay walalo ahaayeen M-waynekuxigeenka Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada magaalada Garoowe oo uu daganaa waxaana la sheegay in uu magaalada Taleex uu ka waday mashaariic dhanka horumarinta ah. Taleex, ayaa waxaa la filayay in uu ka furmo shir-beeleed beesha ssc oo loogu magacdaray Khaatumo 2, balse dilkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid sii kala fogaynaya beesha deegaanka oo muddo dheer khilaaf dhanka maamulada Puntland iy Somaliland uu ka dhex aloosnaa. -
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland: President Dismisses Joint Chiefs of Staff Nuh Tani HARGEISA(Somalilandpress)-Somaliland president Mr. Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo today dismissed the country’s Chairman of the Joint Chiefs of Staff Mr. Nuh Tani. The president appointed Mr. Mohamed Hasan Jidhif as the new man who will be responsible for the smooth running of country’s defense forces. The head of state Mr. Siilaanyo relieved from all his duties the man by the name of Mr. Hasan Abdi Yusuf better known as ‘Hasan Keyse’ who was responsible for Somaliland armed forces for operations. The president appointed Mr. Mohamed Adan Saqadhi known as ‘Dabagale’ to head of operations of Somaliland armed forces. According to press release issued by the presidential spokesman Mr. Abdilahi Mohamed Dahir Cukuse stated that the head of the country Mr. Ahmed Siilaanyo issued today a presidential decree in which he dismissed the former head of Somaliland armed forces Mr. Nuuh Tani and the head of operations Mr. Hasan Abdi Yusuf. -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Cool i thought so -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Do what better what are you talking about -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Iska hor imaad dad ku dhintay Oo kadhacay duleedka degmada Taleex Laba qof ayaa dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii koox dabley ahi ay rasaas ku fureen gaadhi ay wateen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool. Kooxdan dableyda ah ayaa sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmada Taleex ay ka mid ahaayeen dhaliyaro dhowaan laga sii daayey xabsiga Garoowe kuwaas oo ka mid ahaa koox saraakiil ah oo 10/08/2011 ciidamadda Puntland ay qabqabteen iyagoo ku sii jeedey degmada Taleex. Labada Nin ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Jaamac Cali Shire oo ay wallaalo yihiin Madxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyo wiil wallaalkii dhalay waxaana maqribkii la geeyey magaaladda Garoowe. Weriye Jaamac maxamed Nuur Jeele oo ka mid ahaa dadka falkaasi ku dhaawacmay ayaa waxa uu Boocame online u sheegay in uu arkay oo keliya rasaas ku socota duleedka degmada Taleex waxana uu intaas raaciyey in ay u socdeen hawlo NGO uu lahaa marxuunka dhintay ka fuliyey degmada Taleex. Qaar ka mid ah waxgaradka degmadaas ayaa sheegaya in falkani uu ahaa mid aad u xun hadana la abaabulayo dadkii falkaasi geystey sidii loo soo qaban lahaa ilaa hadana ma jirto war rasmi ah oo laga hayo meel ay ku sugan yihiin iyo wax soo gaadhey. Falkan ayaa ku soo beegmaya xili ay maalmo ka dhinaayeen shir beeleed meelo kala duwan laysaga imaanayey oo ka dhici lahaa 19 bishan degmada Taleex dad badanina ay walaac ku keentay xaalada amaan ee degmadaas -
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
AfricaOwn;764477 wrote: ^^General Tani is very respected, I'm sure the President and him worked out a deal behind close doors to defuse the situation. I don't really see any bad blood here (I hope). They need to give that vacant position to a General from Awdal I think. Be smart about this sh!t. Yeah taani did well for Somaliland in the time he was serving as the Somaliland Commander of the armed forces during the elections last year he did well keeping the security of the country.The New Commander Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) is also from the Gabiley region. -
Somaliland president Ahmed sillanyo sacks general nuux ismacil taani
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ He was accused by some of the tribal chiefs of Awdal being involved in the seemaal Killings begin this week, there is no actual evidence how ever its kind of damaging for his Military Position he holds for the Country. -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ learn what -
Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maryacalastii Faroole oo Weerer Qaawan Kusoo Qaadey Shacabka Taleex Dadna ku Laayey Taleex(Allssc.com) Wararka ka imanaya degmadda taleex ee gobolka sool ayaa sheegaya in maryacalastii Faroole ay weerar ku soo qaadeen degmadda taleex ee gobolka sool. Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay dadka rayidka ah ee degmada taleex iyo maryacalasta Faroole. Markey gudaha magaalada usoo galeen ayey markiiba waxey xabad aan loo aabe yeelin ku fureen shacab horfadhiyey goob weyn oo loo diyaarinayey in lagu qabto shirkii beesha SSC u balansaneyd dhawaan, kadibna dhalinyaro badan ayaa guryahooda qoryo kala soo baxay iskana difaacey dadkii daalimiinta ahaa ee weerarka gardarada ah ku yimi degmada Taleex gudaheeda, kadibna waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo tiro dhaawac ah. Inta ilaa hadda la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeryooday oo ka mid ahaa dadka degaanka dhaqnaa ilaa iyo sadex kalena way ku dhaawacantay, iyadoo markii dambe ay dib uga baxeen maryacalastii soo weerartagtey kadib markey iska caabin xoogan kala kulmeen shacabka xalaasha ah ee degmada taariikhiga ah ee Taleex. Weerarkan ayaa imanaya xili ay shalay ay ku guuldareysteen odayaal uu faroole Garoowe xoogaa lacaga uga soo dhiibay oo loogu talo galey inay shacabka reer buuhoodle looga been abuurto, laguna abaabulo madaharaad lagu taageerayo danaha Faroole iyo beeshiisu ka leeyihiin shacabkan ay dulmiga ku hayaan. Waxaanu isku deyeynaa inaanu dhawaanahan ka helo warar dheeraada oo faah-faahsan si aanu udiinku soo gudbino, hadii alle idmo. -
Hal Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ay Ciidamada Puntland Ku Qaadeen Degmada Taleex Iyo Xaalada Oo Cakiran. Taleex(Ramaas) Dec. 11, 2011- Ugu Yaraan qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay iyo saddex kalen ay ku dhaawacmay weerar ay ciidamada Puntland galabta ku qaadeen degmada Taleex ee gobolka Sool. Wararka ka soo baxaya jiidaas ayaa sheegaya in Magaalada ay ka dhacday rasaasayn xoog leh oo dhexmartay ciidamada ka yimid dhanka Puntland iyo ciidan beelood Magaalada difaacayay ,iyada oo shacabku ay gadood ka muujiyeen maleeshiyada ku soo duushay dhulkooda, waxaana jirto is –hubayn ballaadhan. Dadkii weerarkaas ku dhaawacmay ayaa la gaadhsiiyay Magaalada Garoowe sida ay wararku sheegayaan,kuwaasoo wakhtigan lagu daawaeynayo cisbitaalka Magaaladaas. Inakstoo la sheegayo in qaar ka mida dhaawaco ay xaaladoodu halis tahay. Weerarka ay soo qaadeen ciidamada Puntland, ayaan la ogayn ujeeda ka dambaysa, maadaama oo ay degmada gacanta ku hayeen ciidan ka amar qaato odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaankaas.
-
President Sheikh Shariif meets Mahmoud Abbas (Pictures)
Xaaji Xunjuf replied to Somalia's topic in Politics
Che -Guevara;764426 wrote: A Government without land and land with out Government-how ironic. Lol tallow maxay isu sheegeyan -
Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Taliyaha ciidanka qaranka December 11th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka u magacaabay Maxamed Xasan Jidhif. waxa kale oo uu madaxweynuhu xilkii ka qaaday Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse), waxaanu xilkaasi u magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga Qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u magacaabay Taliye Cusub iyo Hogaan. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka; Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso; Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse) Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan u soo hayeen, hawshii ay qaranka u soo qabteen. Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse) Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida ugu dhakhsaha badan
-
Abdul how is posting a demonstration something negative apparently the ssc rebel supporters don't agree how the G6 is organizing the conference. This how ever will just make sure the two talk and come to a solution it would have been a problem if the problem was not addressed at all. It's a minor issue the ssc rebel guys want to attend the conference representing the ssc rebel group, the conference organizers the G6 are saying you should come as an individual lining behind you're sub Clan chief. Anything from that the Khaatumo conference is going well so far so duceya.
-
^^ where did i say that i want the meeting to fail.
-
^^ We are one people
-
banaanbax balaaran oo lagaga soo horjeedo shirka khaatumo2 oo maanta ka dhacay buuhoodle Mudaharaad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybeheeda kala gadisan ee ku sugan magaalada buuhoodle ee xarunta g/cayn ayaa maanta ka dhacay buuhoodle. mudaharaadkan oo ahaa mid lagaga soo horjeeday shirka khaatumo2 ee lagu wado in uu ka dhacao deg,taleex ee g/sool mudaharaadkan ayaa waxaa isugu soo baxay dad badan oo shacabka g/cayn ah waxayna dareenkoda ku muujiyen banaanbaxasi oo ay ku tilmaamen inay ka soo horjeedaan shirka khaatumo2 oo ay sheegen in lamarin habaabiyay lagana leexiyay go,aamadii lagu heshiiyay shirkii khaatumo1 ee magalada london. waxayna dadwaynahani ku dhawaaqayeen ssc ha,noolaato iyo shacabka ssc waa inay taageran mamulka ssc banaanbaxan ayaa waxaa sidoo kale uu wax kabadalay dhaqdhaqaaqa magalada buuhoodle waxana maanta magaalada ka dhacay shirar badan iyo socod laga dareemayay qabiiloyinka dage gudaha buuhoodle. waxaana ay beelahasi soosari doona go,aamo cad oo ku saabsan shirka khaatumo2 ee ka dhicidoona magalada taleex ee g/sool. waxaaad goordhow daawan doontan vedio lasoco darwiishtv
-
Nin Hal Mar Wada Guursaday Laba Haween Ah Gobalka Awdal - Video
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in General
Nin Rag ah -
Al Shabab oo gantaalo ku tuuray diyaarad maanta duqeeysay Baardheere Xarakada Al Shabab ayaa marki ugu horeysay gantaalo iska caabin ah ku tuuray diyaaradaha dagaalka Kenya ee maalmihi ugu danbeeyey beegsanayey magaalooyinka ay ka taliyaan Al Shabab. Laba diyaaradood oo ah kuwa miiga ah ayaa maanta duqeeyey magaalada Baardheere mar kale, weerarki maanta waxa uu ahaa kii labaad ee ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku qaadaan Baardheere kadib duqeynti Khamiisti. Idaacada Andalus ee ku hadasho codka Al Shabab ayaa laga baahiyey in ay ku fashilmeen Kenya weerarki cirka ahaa ee ay ka fuliyeen maanta Baardheere, waxa sarkaal u hadlay Al Shabab uu sheegay in ay ku tuureen gantaalada lidka diyaaradaha isla markaana ay ku qasbeen in ay diyaaradaha dib uga laabtaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Gantaaladi maanta ay ku garaaceen diyaaradaha Kenya magaalada Baardheere ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xarunta hey’ada Bisha Cas ay ku leedahay Baardheere, halkaasi oo uu ku dhaawacmay hal ruux oo rayid ah. Weerarki Khamiisti hore ka dhacay magaalada Baardheere ayaa ka qasaara badnaa kii maanta sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarkaasi waxaa ku dhintay hal ruux halka uu qof kale ku dhaawacmay. Horseed Media
-
Yaaaa Qabyalaadu maxay dad jar jartay allow u sahal
-
Demonstration in Borame (Awdal State flag waved)
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
Somalina;764243 wrote: Well put Thankful. Xaaji Xunjuf where you at? waan ku salaamey awoowe. Tababarkii wiilashaada SOL xagguu maraayaa? kkkk Somalina awoow alaya salimak tabarki meel wanaagsan bu maraya maalin dhow awoow dhowr ba qalin jabinaya waad ku casumaantahay idinki ilahay -
Official Somaliland provincial football tournament thread
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in General
togdheeer got owned lool
-
Popular Contributors