Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Dhakhaatiir u dhalatay Wadanka Iran kana Hawlgalaysa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo maanta Soo gaadhay Hargeysa Hargeysa/ToggaHerer 22 Dec 2011 Dhakhaatiir u dhalatay Wadanka Iran kana Kooban Toban Ruux kuwaas oo iskugu jira Shan Dhakhtar iyo Afar kal kaaliye iyo hal Engineer ayaa maanta Dalka Yimi . Dhakhaatiirtan ka timid kana socota wadanka Iran ayaa waxa dalka Keenay Star Group oo u hawlgalay in ay dalka Yimaadaan. Mr Ismaaciil Cagaweyne oo ah Masuulka Shirakadda Star Group of Companies iyo Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Cabdi Nuur ayaa Dhakhaatiirtan ku soo dhaweeyey Madaaarka Hargeysa. Dhakhaatiirtan ayaa isugu jira Dhakhaatiirta Caruurta , Dhakhaatirta Qaliinka iyo Kuwa Guud , Dhakhaatiirtan ayaa la Filayaa in ay ka hawlgalaan maalinta Sabtida ah Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Halkan Ka dhagayso Ereyada ay Ka jeediyeen Imaatinka Dhakhaatiirta Iran Masuuliyiinta Star Group, Wasaarada Caafimaadka iyo Dr Mansour oo ereyo Mahadnaq ah jeediyey iyo imaatinkooda.
  2. Jb oday xaaji Cumar cabdi arimo fara badan bu iftimiyey Seylici wa run wa assal from Seylac.
  3. Wasiir Xaabsade oo shalay u soo Galab-caraabay Hargeysa iyo Garaad jaamac oo u Kolanyaysytay Taleex Nuxurka Kulan ay al-baabadu u xidhanyihiin oo ay shalay ku wada yeesheen tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa la sheegay inuu maanta kulan alaabadu u xidhanyihiin kula yeeshay Magaalada Saax-dheer oo ilaa 70 KM Koonfur kaga beegan Laascaanood Garaadka Guud ee Beelaha Sool iyo BuhoodleGaraad Jaamac Garaad Cali oo halkaasi muddooyinka dambe ka abaabulayay Ergooyinka Beeshiisa uga qayb gelaysa Shirka Taleex ka dhacaya ee Khaatumo 2. Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Garaadku, hase yeeshee warar Xogo-gaal ah oo Wargeyska Waaheen ka helay dadka Magaaladaasi ku dhaqan iyo kuwo u dhuun daloola Booqashada Xaabsade Sool ku joogo ayaa tibaaxay inuu Wasiirku ka dalbaday garaadka inuu ka aqbalo gogol iyo wada-hadal siyaasadeed oo Xukuumadda Somaliland u fidisay Garaadka iyo Beelaha kale ee halkaasi degen, uguna yimi sidii ay Hargeysa isugu raaci lahaayeen si ay madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa isaga arkaan arintaasi. Wararku waxay sheegayaan in Garaad Jaamac ku gacan saydhay Dalabka Wasiirka, isla markaana ka cudur daartay inuu wakhtigan Hargeysa u soo raaco, maadaama xiligan lagu gudo jiro qabanqaabada Shirka Beelihiisu ku qabsanayaan ee lagu wado inuu ka furmo Degmada Taleex todobaadyada soo socda, kaasoo qabsoomidiisa mugdi badani ku jiro, isla markaana khal-khal iyo amni daro Xoogani soo food saartay Magaaladii uu ka dhici lahaa ee Taleex. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa la sheegay inaanu Wasiirka toos ah ugu gacan saydhin dalabkiisa, balse u sheegay inaanu sinaba kaga maqnaan Karin shirka Khaatumo2, hadii uu Hargeysa tagano ay adagtahay inuu si dhakhso ah ugu soo laabto madasha shirka ee taleex, sidaa darted-na aanu Hargeysa u imanayn. Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade ayaa kulankaasi uu shalay kula yeeshay Saax-dheer Garaadka guud ee beelaha sool iyo buhoodle, ka dib dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa oo uu soo gaadhay xalay fiidkii, iyadoo la filayo inuu dhawaan u baxo safar caafimaad oo uu ku tegayo dalka Ingiriiska
  4. After 21 years welcome home Ahmed Naaji he is talented singer
  5. Somalia;766645 wrote: No one cares about that conference it is irrelevant. And you secessionist have much more to lose than Puntland has. There is a meeting with the whole Somali leadership in Garowe, I hope it annoys the hell out of you, XX. There is nothing spectacular about sharif meeting and discussing things with the governor of garowe maybe you think its a remarkable event but its just similar to the meetings in Mogadisho few months ago. The Garowe Clan enclave has accused the Conference organizers G6 to be behind the recent killings in Taleex they do care about it but they can't stop the Conference even if they wanted. Guul inshallah Shirka Khatuumo 2 umad Muslim oo Somali oo shireysa waxa shirkooda lo carqaladeyo wa cawaanimo walibo qaar la tol sheegenaya disgusting i say.
  6. Ismacil Cumar geele wa geesi wa nin ay ka dhab tahay Somalinimadu.
  7. inaaalilaahi wa inaalilaahi rajicuun allah ha u naxaristo shacabka gacanta ka xaqdaran eeh shisheeye kuwi Qafuurka waweyna ey dileen. Jihaadku hada deer wa banaanyahay wa xaq.
  8. Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo mar kale ku dagaalamay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku dagaalamay gudaha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaddib markii ay halkaas isugu tageen xildhibaannadii xilka ka qaaday afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa weli rumeysan inuu guddoomiyaha baarlamaanka yahay. Gacan ka hadalka ayaa billowday markii ay xildhibaannadii taageersanaa afhayeenka baarlamaanka ay kasoo horjeesteen magacaabista guddiga qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo khasaare geystay. Xildhibaannada ayaa waxay isku garaaceen makarefoonnada xarunta taallay, kuraasta iyo miisaska, waxaana la arkay dhowr xildhibaan oo dhiig uu ka da'ayo oo laga saarayo xarunta golaha shacabka, kaddib markii ay nabro kaga dhaceen madaxa. Iskahorimaadka kaddib ayaa waxaa halkaas kulankoodii ku qabsaday xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan, kuwaasoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka iyo Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen shir guddomiye. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hadlay ayaa sheegay inuu howsha shir guddoominta kala wareegay xildhibaan Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen xildhibaanada shir guddoon markii xilka laga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka iyo ku xigeenkiisii koowaad. "Kulanka waxaa soo xaadiray 290-xildhibaan, waxaana u codeeyay inaan guddi doorasho soo magacaabi karo 287-xubnood saddexda kalena way ka aamuseen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Casoowe oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabayo guddi doorasho. Xildhibaannada baarlamaanka oo markii hore loo diiday inay ku shiraan xarunta golaha shacabka ayaa go'aan ku gaaray inay jiiraan ciidamadii ilaalada ka hayay xaruntaas oo isugu jiray kuwa AMISOM iyo booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana mudanayaashaas horkacayay xildhibaanno ay ka mid yihiin: Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cismaan Xasan Cali (Caato). Gacan ka hadalka ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo dhexmara xildhibaannada taageersan guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa kasoo horjeeda, iyadoo aysan jirin cid dhexgashay gacan ka hadalka dhexmaray xildibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen todobaadkan in dib loo bilaabo kulammada baarlamaanka lana dhowro axiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala, iyagoo shaki geliyay xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan.
  9. The garowe clan enclave has lost it they are desperate trying to stop the participants of the conference
  10. The garowe clan enclave has lost it they are desperate trying to stop the participants of the conference
  11. Puntland Oo Xayirtay Aqoonyahan Reer SSC Ah Oo U Socda Shirka Khaatumo 2- Lasanod Online.*Tuesday, December 20, 2011 Boosaaso,(lasanod Online)- Maamulka Puntland waxay sabab aan la qeexin awgeed ay magaalada Boosaaso ku xayireen Ahmed Tabaatiig oo ah.. oo ah aqoonyahan*u dhashay gobolada SSC,ahna guddoomiyaha Jaaliyadda SSC ee dalka Kuwait. Kadib markay diyaaraddii Ahmed la socdey soo caga dhigatay Garoonka Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso,xannibaadan oo*qaadatay saacado badan*ayaa Ahmed loo geystey,kadibna waxaa laga qaaday waraaqihii socdaalka(passport) uu sitey,inkastoo warar sheegayaan in*la sii daayey baasaboorkiina*la siiyey..tabaatig Ahmed wuxuu fasax u soo qaatay inuu ka qayb galo shirka Khaatumo 2 ee idinka Eebbe dabayaaqada bishan December 2011 beesha SSC uga furmi doona magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.* Xog isa soo taraysa waxay tibaaxaysaa in xorriyad iyo waqti ka qaadka Ahmed lala xiriirinayo shirka Khaatumo 2.* Xog kale waxay tilmaamaysaa inay jiraan ashkaas kale oo magacooda la dhigay garoomada Puntland oo iyana mudan doona xayiraad haddii la arko. *Waa fal aan qalin iyo qawl midna lagu cabbiri karayn,una dabran jawaabta ay ka bixiyaan inta leh Damiir weli damqada ee u dhashay deegaanka SSC.
  12. Is is true the independence thing happened 20 years ago whether recognized or not that's besides the point it did happen so holding him for something that happened long time ago is unfair.
  13. Dialogue with the TFG u lost me there Carafaat.
  14. Carafaat has a point the dissolvement of the union former (Somali republic)happened two decades ago in the year 1991 when the late General Siyad bare fled to Gedo his ancestral home land and even tried to launch a counter attack from there. It has all to do with the time frame Why should he be called a secessionist end 2011 its absolutely illogical.
  15. Good news i see progresses there give it time and they will be effective all over.
  16. I agree Carafaat does not deserved to be called a secessionist he was a child when the declaration of independence happened in 1991 even though he supports the dissolution of the former Somali Union.
  17. ^^ I know his father was in the Military General ali Hussien he was stationed in Hiiraan, but didn't he study in the US