Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Carwaddii Ugu Weynayd Ee Abidd Laga Furro Dalka. "Carwadani waxay dardar-galin u tahay ganacsiga Soamliland" Madaxweyne ku Xigeenka. Daawo Sawiradda Hageysa (GNS)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Carwadda Ganacsiga Somaliland, taas oo lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Carwadan ayaa ah Carwaddii ugu weynay ee Abid lagu soo bandhigo Jamhuuriyadda Somaliland waxana daahfurka Carwadani ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Xubno wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirada wasaaaradaha, Ganacsiga, Maaliyadda, Kaluumaysiga, qorshaynta, xanaanada xoolaha,Waxbarashadda, Sidoo kale waxa ka soo qayb galay Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ganacsato isugu jirra ganacsatadda dalka iyo kuwo caalamiya, marti sharaf ajaanib ah iyo boqolaal qof kale. Ugu horeyn daahfurka carwadani waxa ka warbixiyay Gudoomiyaha Qaban qabaabadda Carwadda Ganacsiga Somaliland Mudane Cali Maxamed Yuusuf, waxana uu sheegay in hindisaadda carwadani ay lee yihiin Afar dhalinayro ah “ Carwadan waxa ka soo shaqeeyay afar dhalinyaro ah oo aan ka mid ahay waanan idiinka mahad celinayaa sida aad noogala soo qayb-gasheen.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusf. Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad balaadhan ay tahay in Somaliland laga furro carwo noocan oo kale ahi “Waxay inoo tahay guul iyo farxad in Carwada sida loo soo agaasimay lagu qabto Hargeysa, aniga oo Maayarkii Magaalada arintani farxad gaar ah ayay ii tahay in carwadii ugu weynayd halkan lagu qabto” ayuu yidhi Maayir Jiciir. Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu horimarinayo dalka waxana ka mid ahaa hadaladdiisii “Aad-baan ugu faraxsanahay inaan aniga oo Dahabshiil matalaya aan Carwadan ka soo qayb-galo, anagu haddii aanu nahay shirkada Dahabshiil wax kasta oo wadanka faa’ido u leh waanu soo dhawaynaa waxaanuna jecelahay inaanu maal-galino, wadankuna waa nabadgalyo oo maalgalin iyo dhaqaale ayuu u baahan yahay”. Yuusuf Xuseen Cabdalla, oo ka socday shirkadda SOMCABLE, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxa xusid mudan dadka iyo dhalinyarada Carwada mudada ka shaqaynaysay, tanina waxay I tusaysaa in wada jirku wax lagu abuuri karo,” Guddoomiyaha Daladda SONYO Axmed Cabdi Waceys, oo xafladan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay arintani ka dhalatay fakarka dhalinayaradda “Fikirkani waa mid ku cusub Somaliland oo ka soo maaxday dhalinyarada waxayna muddo ka shaqaynayey sidii Carwadan loo soo bandhigi lahaa, in badan ayaanu cod dheer dadka ugu sheegaynay inay in dhlainyaradu wax qaban karaan, Carwadana arinkaasi ayay markhaati u tahay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Sonyo Agaasimaha TV ga Horn Cable TV Maxamed Cabdi Ilig, oo halkaasi ka hadalay ayaa isna sheegay in ay arintani tahay waxa lagu farxo. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Shukri oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bilaabay khudbadiisii “Carwadani waxay gudbinaysaan fariin ah Somaliland waxa ay tahay iyo Somaliland waxay qabsatay, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa in dhalinyaradu sidaa wada noqdaan, anaguna cid kasta oo fikirkan oo kale la timaado waanu soo dhawaynaynaa.” Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo xafladan warbixin kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Dhalinyaradani waxay sameeyeen fikir iyo hal-abuur waxtar leh, dhalinyaradaasi waxay inoo soo bandhigeen Carwo ganacsi oo weyn, waxaana ka soo qayb-galay 100 shirkadood, 70 ka mid ahi waa shirkadu wadani ah, 30-na waa kuwo ajaanib ah,” waxana uu intaasi ku daray “Barnaamijkana maaha mid Carwo oo kaliya, laakiin shirkadu faa’iido badan ayay ka helayaan oo ganacsigoodu meelo badan ayuu gaadhayaa, waayo Warbaahinta ayaa jooga.” Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici waxana uu sheegay in ay Xukuumadda farxad weyn u tahay in dalka laga furo carwo ganacs, “Runtii wfarxad weyn ayay ii tahay in dalka laga furo carwo noocan oo kale ah” ayuu yidhi Mr Saylici. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay Somaliland ka hormarsan tahay marka loo eego dhinnaca ganacsiga iyo dimuqraadiyadda wadamo badan oo ku yaala geeska afrika “Waxa aynu ka ganacsi iyo dimuqraadiyadd dhaanaa dalal badan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay carwadani alaabadda u furayso ganacsatadda Somaliland waxana uu yidhi “Carwadani waxay dardar-galin u tahay ganacsiga Soamliland la leedahay wadamada Jaarka ah, Somaliland-na horumar ayay ku talaabsatay, dhalinyarada soo abaabushayna way mahad-san yihiin”. Gabgabaddii waxa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu xadhiga ka jaray Furitaankii Carwadan, waxana uu soo kormeeray dhamaan Goob kasta oo ganacasadduhu ku soo bandhigay Ganacsigiisa.
  2. Hadaan Gabiley Xukumi kari waayo meel kalena tagi maayo ..Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Gen Jidhif Hargeysa/ToggaHerer 17 Dec 2011 Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen Maxamed Xasan Jidhif ayaa Maanta Xaflada uu xilka kagala wareegayay Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Taani ka jeediyey Khudbad Aad u dheer oo ku taabtay Meelo kala Duwan. Taliyaha ayaa Mar uu ka hadlaayay Dhacdadii Saameel iyo Galbeed Ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay ayna ahayd arrin aan loo baahanayn arrintii Dhacday.. Taliyaha ayaa mar uu ka hadlaayay Gabiley yidhi Gabiley Afweyne idin Habaaray oo yidhi Shaydaan baa idinku dhuusay Hadaba imikana waxaan leeyahay yaa idinku dhuusay Rabshada inaga Daaya Dawlad baynu nahay .. Taliyaha ayaa intaa Raaciyey yidhina hadaan Gabiley Xukumi kari waayo meel kalena tagi maayo ..
  3. Saturday, December 17th, 2011 | Posted by Maxamud Taliyaha Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan Jidhif oo Hanjabaad Kulul u Diray Maamul Goboleedka Puntland (HALKAN KDHEGAYSO) HALKAN KA DHEGAYSO Hargeysa (Waaheen) Taliyaha Ciidanka Qaranka ee cusub Somaliland Eng. Maxamed Xassan Cabdilaahi ayaa Maanta Si rasmi ah ula wareegay Xilkii Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhawaan Madaxweynaha Soamlialnd u Magacaabay,Waxanu Xilka kala wareegay Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaciiil Taani, Xafladan ayaa Waxa maanta lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga ee Somaliland, Waxana Xilka u kala wareejiyey Wasiirka wasarada Gaashandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, Waxana ka soo Qayb galay qaa rka mid ah wasiirada Xukumada iyo Masuuliyiin kale. Taliyaha Ciidanka Waxa uu Jeediyey Qudbad Dhincayo Badan tabanaysa, Waxanu Xusay in aanay Taliyanimada Ciidamadu aanay ku Cusbayn, Waxaanu Baaq Hanjabaad ah u Diray Maamul Goboleedka Puntland, isaga oo ugu hanjabey in haddii ay Somaliland soo Dandansadaan aanu ahayn Nin Baqa, Lakiin uu yahay Nin Badda oo Kali ahi soo Celiso.
  4. He didn't call it of he just said it will be delayed for a few days maybe weeks did you even read what you posted.
  5. Chinese and Indian firms bid for Hargeisa airport expansion HARGEISA — The Somaliland Minister of Civil Aviation on Friday unveiled plans to renovate and expand Hargeisa’s Egal International Airport at early next year. Mr. Mohamud Hashi Abdi told reporters that the infrastructure investment will cost $10 million which was donated by the government of Kuwait. He added it will create jobs for locals and help attract regional airliners to Hargeisa. The conference held at Ambassador Hotel attracted local and international construction firms from neighboring countries and the two Asian economic giants; India and China. Each bidding enterprise presented its plans and offers to the Ministry. Mr. Abdi thanked all the bidding companies for their efforts and presentations and promised to cooperate with the winner. He said the winner will be announced in the days ahead. Later in the day officials from the bidding enterprises toured the airport with the minister. Locals believe the Chinese firms will win the $10 million project. Mr Abdi promised to rehabilitate Somaliland’s long neglected roads. He said it was important to improve Somaliland’s roads and airports to help promote economic corridor and sub-regional trade flow. He finally thanked the government of Kuwait for its generous donation. Somalilandpress
  6. Well done reer ximan iyo xeeb they are hard working people ilahay ha garab galo mr tiicay and all the other regions that attended the conference
  7. Turkey Modernizes Somali Airport- Friday, December 16, 2011 MOGADISHU,(AA)- Turkey has undertaken the project to modernize the airport in the Somali capital of Mogadishu. A nine-member team from Turkish State Airports Management (DHMI) went to Mogadishu and launched initiatives to modernize the airport and install air traffic devices. "The Mogadishu Airport serves under very primitive conditions, and the only international flight to Mogadishu was from Kenya," a DHMI executive responsible for the team, Aydin Sarsik told AA correspondent. Sarsik also said Turkish Airlines (THY) would start operating flights to Somalia after the airport was modernized, and thus humanitarian aid would more rapidly be sent to this country. Source: AA
  8. ooh i saw mudaharaad baladhaan so i was thinking Mass demonstrations.
  9. Mudaharaad Balaadhan oo Saaka Gilgilay Gabiley iyo Booliska oo Dhaawacyo kala duwan iyo Xadhig isugu daray Dadkii Mudaharaadka Sameeyay.Daawo Vedio Dad wayne Farabadan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haween Gadoodsan ayaa Saaka Mudahaad ku Muujiyay Ka Daawo hoos Vedio-ga Gabiley (GNS)-Mudaharaad balaadhan oo rabshado wata ayaa saaka ka dhacay Agagaarka Saylada Xoolaha ee Magaalada Gabiley kaasi oo lagaga soo Horjeeday Xadhiga Madaxdhaqameeka iyo Salaadiinta Gabiley oo dhawaan Xukuumaddu xabsiga utaxaabtay. Dad wayne Farabadan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haween Gadoodsan ayaa Saaka Mudahaad ku Muujiyay Sida ay uga soo horjeedaan Xadhiga Madaxdhaqameedka iyo sida ay xukuumadu uga Gaabisay Qabashada Danbiilayaashii Gaystay Dilkii foosha xumaa ee ka Dhacay Deegaanka Seemaal. Ciidaanka sida Gaarka ah u tababaran ee Loo yaqaano SPU-da ayaa Rasaas ooda kaga qaaday Mudaharaadayaasha kuwaasi sii kiciyay rabshadihii isla markaana shiid loo isticmaalay ciidanka rasaasta ridayay, mudaharaadkan oo Saacado socday ayaa ciidanku u isticmaalay Rasaas aad u farabadan halkaasi uu ku dhaawacmay Xasan C/laahi Guuleed oo Xabadi kaga dhacday Gacanta midig, iyo oday Cismaan Cabdi kosofo oo isna ay Lugta kaga dhacday, Waxaa kale oo ka mid ahayd iyadanu dadkii halkaasi ku dhaawacmay ruux dumar ah oo ay gacanta kaga dhacday Illaa hadda la oga Khasaaraha Dhabta ee uu gaystay Mudaharaadkaasi balse Ciidanka booliska ayaa Xabsiga u taxaabay Dadwayne tiro badan oo ku dhawaa goobta mudaharaadku ka dhacayay, iyada oo Albaabada loo laabay Meherado badan oo looga shakisanaa inay ku dhuumanayaan Mudaharaadayaashu. Dad waynaha Mudaharaadka samaynayay ayaa sitay Boodhadh ay ku Xardhantahay “Xaq weeyaan Baadhistuye Xuquuqda Muwaadin Dhawr” dhinaca kale Xukuumadda ayaa Mudaharaadkaasi u xidhxidhay Dadwayne kale oo guryohooda laga soo qabqabtay kuwaasi oo isugu jira, dhalinyaro iyo Haween ay ka mid ahaayeen, Mawliid Xasan Barre iyo Xaaskiisa Fardaws Xasan Kaahiye, Mustafe Daahir Kaahin,Yuusuf C/laahi (Yasto), Xaawa Cigaal Weerar iyo dhalinyaro kale oo ay noo suuro gali wayday inaanu Magacyadooda helno. Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Khasaaraha ka dhashay Mudaharaadyadaasi ayaanay noo suuro galin isaga oo ku Maqnaa Deegaanka Ceelbardaale ee ay shaqaaqadu ka Dhacday. Ciidanka Booliska ayaa saaka jabiyay Guryaha u dhawaa Goobta Mudaharaadku ka dhacay iyaga oo Qaar kale Dusha uga daateen guryahaasi si ay uqabqabtaan Dhalinyaradii saaka mudaharaadka Samaysay, Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumadda Somaliland u Adeegsatay Shacabkeeda halkaasi oo khasaare badan ka soo gaadho bulsho badan oo danyar ah oo aan Awoodi Karin Tacadiyadda Boolisku soo gaadhsiiyo. Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wakhtigii ay mucaaridka ahayd ku faani jirtay in ay Dadwaynaha u fasixi doonaan in ay Dareenkooda ku muujiyaan Mudaharaadyo Salmi ah.
  10. Qabdalaawi do you even understand afsomali he says the somaliland cause cannot be taken away from us by any one in the world and you guys come with a fake project besides that. Awdal state is one region and the tfg charter says 2 regions and more can form a federal state.
  11. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah xisbiga oo berri u safraya Dalka Shiinaha Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo laba xubnood oo ka mid ah madaxda Xisbigaasi ayaa la sheegay inay berri u safri doonaan Dalka Shiinaha. Ilaa hada lama oga sababta dhabta ah ee Safarka Masuuliyiinta Kulmiye hase yeeshee warar la isla dhex marayo oo aan wali soo shaac bixin ayaa tibaaxaya inay hawlo gaar ah u tagayaan dalkaasi. Waxa kale oo jira tuhuno aan wali soo shaac bixin oo laga saadaalinayo ujeedada safarkooda kuwaasoo lala xidhiidhinayo dhinaca dhaqaale raadis. Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa masuuliyiinta Xisbigu inay war cad ka soo saari doonaan ujeedada safarkooda oo wakhtigan ku soo beegmay xili loo diyaar garoobayo hawlihii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo Miisaankooda leh Short URL: http://waaheen.com/?p=26108
  12. Muftiga Boorama Oo Ka Sheekeeyay Heshiiskii Dhex Maray Beelaha Dhexe eh Somaliland Iyo beelaha Awdal eh Somaliland & Duruufihii Qalafsanaa Ee Soo Maray Reer Awdal “Waxani (Dilalka) hore way u jireen, laakiin xukuumaddii wakhtigaa jirtay Cawer Xareed ayaa ka adkaa.” Sheekh Cabdilaahi “Dhalinyarada Awdal-state-baanu nahay leh waxaan xasuusinayaa qadiyadii Somaliland-baanu caalamka cid naga hoos qaada aanu la’nahay.” Sheekh Cabdilaahi Boorama (Waaheen) – Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyay duruufaha amaan daro ee dalku soo maray iyo waliba dariiqooyinkii loo maray heshiiska reer Awdal iyo beelaha dhexe eh Somaliland Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu ka sheekeeyay shirarkii kala duwanaa ee ay Boorama ku yeesheen beelaha dhexe eh Somaliland iyo Reer Awdal markii dawladii Soomaliya burburtay isla-markaana gobolada Somaliland ay la wareegeen dagaalyahanadii SNM, waxaanu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay doorkii ay ku lahaayeen nabadeynta iyo dhismaha dawladnimada Somaliland. Sheekh Cabdilaahi oo shalay ka hadlayey kulan aqoonyahanka reer Awdal ku yeesheen Magaaladda Boorama ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ka hadlaya dagaaladii ay wada galeen beelaha dhexe eh Somaliland iyo kuwa Gobolka Awdal “Gobolka Awdal waxa uu soo maray xaalad adag oo qofkii garanayaa uu ka tiiraanyoodo oo uu ka tiiraanyoodo in wixii oo kale soo noqdo, waxa na soo maray dagaal beeleed iyo dawladeed oo xitaa dawladaha hareeraha kaa xigaa ay ku dilayaan, iyadda oo sidaasi lagu jiro ayuu dalkii burburay waxaana dalka dhamaantii gacanta ku dhigtay xarakadii SNM.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya shirar ay isku saamaxeen beelaha dhexe eh Somaliland iyo kuwo Awdal kuwaas oo ka dhacay Boorama “Laba shir ayaa wakhtigaa Boorama lagu qabtay, mid waxa ka soo qayb-galay saraakiishii wadanka qabsatay (SNM), jabhadihii ayaa isa safay Tolli ilaa halkan (Boorama), waxay nagu yidhaahdeen inaad nala dagaalameyseen ayaanu moodeynay, laakiin maanta ayaanu garowsanahay inaydaan nala dagaalameyn nabaduna idinka dhab tahay oo khiyaamo idinku jirin, markaa shir dambe aynu isugu soo noqono ayaa la yidhi, dabadeedna shir beeleed labada beelood ka kooban ayaa lagu qabtay Huteelka Harawo ee Boorama, kaas oo loogu magac daray Beelaha Awdal bari Bari iyo beelaha dhexe eh Galbeed, nidaamkiisuna waxa uu ahaa in la isa saamaxo oo dhulka nabad laga dhigo oo marka dambe nidaamka dawladeed loo baydho.” Sheekh Cabdilaahi waxa uu sheegay in waxgaradka reer Awdal door muuqda ku lahaayeen shirkii Somaliland lagaga dhawaaqay ee lagu qabtay “Markii dambena Burco ayaa lagu qabtay shir kale, shirkaasina markii qadiyada Somaliland lagu gorfeynayey saraakiishii ciidanka ku jiray iyo odayaashii reer Awdal qayb-weyn ayay ka qaateen, hadalkuna waanu goosanay ayuun-buu ahaa laakiin anaga ayaa u bedalay madax-banaanidayadii waanu la soo noqonay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “SNM waxa dalka loo dhiibay 2 sanadood, laakiin way ku fashilmeen oo dagaalo dhexdooda ah ayay sameeyeen dadkii kalena way ku baa’biiyeen oo dhulkii ayaa wada Kaantarool noqday oo Hargeysa iyo Boorama ayaa loo kala dhaxayey, laakiin inaga (Reer Awdal) dhexdeena nabadu sidii ayuunbay u adkeyd, Burco iyo Berbera anaga ayaa ku gurmanay waana lanaga aqbalay oo heshiis fiican ayaa la gaadhay, markaa ka dib ayaa la bilaabay shir kale oo aayaha dalka lagaga tashanayey, laakiin Burco, Berbera iyo Gabileyba way diideen in shirkaasi lagu qabto, laakiin Boorama ayaa lagu qabtay oo 5 bilood ayaa la fadhiyey, waxaana ka soo baxay liiskii qadiyada Somaliland ee aynu inaguna ka qayb-galay.” Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu sheegay in qadiyada Somaliland aanay ahayn wax reer Awdal loo qariyey ama lagu dagayey ee ahayd wax ay u badheedheen “Qadiyada Somaliland-na maaha qadiyada la noo qariyey oo lanagu dagayey ee waxay ahayd qadiyad aanu u badheedhnay maadaama oo qarankii Soomaliyeed burburay in waxa nabadgalyadu ku joogsan kartaa tahay in ummadaa aynu dagaalameynay ee aynu is-cafinay ee aynu isa-saamaxnay aynu wax wada doonano ayaanu u aragnay in nabada dalku ku jirto, qayb ayaynuna ka nahay oo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeenba waynu ka ahayn.” Ayuu yidhi Sheekhu waxaanu intaa ku daray in dilkii dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal ahaa mid fool xun, balse talaabada xukuumadu qaaday ay wax badabn ka dhintay “Talaabada Madaxwaynuhu qaaday ee uu ku amray in la soo qabto dadkii falkaa xun geystay wax badan ayay naga dejisay, waxaana mahad u celinayaa wasiirka arimaha gudaha oo Madaxwaynuhu arinkaa u xil-saaray talaabada uu arinkaa wax kaga qabanayo.” Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu sheegay in falalkan dilku yihiin kuwo hore u jiray, balse xukuumaddii hore ay ka cabsan jirtay dadka dilka geysta “Waxani (Dilalka) hore way u jireen, laakiin xukuumadii wakhtigaa jirtay Cawer Xareed ninka la yidhaahdo ayaa ka adkaa, waayo isaga oo qirogii sita oo cid walba leedahay isagaa dilay ayayna cid sidaa u eegaysay jirin.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey isaga oo fariin u diraya kooxda la baxday Awdal State “Dhalinyarada Awdal-state-baanu nahay waxaan xasuusinayaa qadiyadii Somaliland-baanu caalamka cid naga hoos qaada aanu la’nahay, markaas ayaad idinkuna leedihiin Awdal-state ayaanu nahay, qadiyada maanta soconaysa maaha waxaasi ninka sheegayaana been ayuu sheegayaa.”
  13. Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay Dharbaaxo Jiin ilahoow ku naxariiso At the end of the day if a Somali Woman ay dhibantahay you will not say wa reer hebel eeh aan iskaga dhaqaaqe but you will help her. ama reer hebel weye reerkodaa isku ma fiicnin marka hablahoodaan cayaya xaaje rageed maha but than again meeshan caruur ba iskugu so hadhay.
  14. Axmed xassan cigaal the former ambassador to china that man is Presidential Material
  15. Dakhtarka hala so dhaweyo wa dakhtar dagaal tegeya
  16. Gaalkacyo,(Lasanod Online)-Gudoomiyaha gobalka Mudug Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac " Tigey" ayaa ku eedeyay *in maamulka Maamulka Galmudug inay ka dambeeyaan falalka amni daro ee ka taagan gobalka Mudug gaar ahaan dhanka maamulka puntland Waxa uu ka war bixiya socdaal uu ku tagay xarumo ciidamada Puntland ay ku lee yihiin magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku soo arkay ciidamada oo heegan ku jira. Maxamed Yuusuf Jaamac guddoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland ayaa ka war bixiyar duqeen soo noqnoqatay oo dableey hubeesan oo ka yimid dhinaca Galmud ay ka geysteen garoonka diyaradaha magaalada galkacyo. Gudoomiyaha ayaa wuxuu ku hanjabay inaysan u dulqaadan doonin amni daro ee ka taagan gobalka Mudug ee ay wadaan maamulka Galmudug islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan Tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii baarlamaanka maamulka Galmudug ay xilka kaga qaadeen madaxweyne Caalin ayaa waxa soo baxay in maamulka Puntland uu ku lug lahaa qorashahaas, waxa ay cirka sii galisay xiriirka labada maamul ee dariska ah
  17. So libaan now buhoodle conceived awdal and ssc is this supposed to be a joke the man in pictures mr curi who opposed the somaliland government before is now in burco that means he and his people were never opposed to somaliland as his country but had minor beef with president siilaanyos government. Liibaan i never knew borama dila gabiley and ceerigaabo were under occupation almost 21 years that can't be true why don't their elders influential people speak up against the harsh occupation. Liibaan is hargeysa berbera arabsiyo salahlay caynabo burco and ceelafweyn also under occupation. I mean oppression can't last that long there should be some resistance I mean just a little
  18. Hey iibaan why are you quoting mmi something he never said on this topic This topic was about buuhoolde since when is buhoolde in sool and sanaag
  19. Peace Action;765269 wrote: What is the difference. Without SSC, Somaliland is finished unless you will be satisfied with the triangle and don't count on Awdal either. ssc i assume the territories where her clan only lives Excluding westen sool and central and western sanaag since when is saado from awdal looolz
  20. ^^ Peace Action saado is not against secession she just doesn't want her Clan to be part of Somaliland
  21. Tensions run high between Somali regions Dec 14, 2011, 18:34 GMT Mogadishu - Leaders from one of Somalia's semi-autonomous regions said on Wednesday they were ready to fight another federal state in the war-torn country and called for soldiers to prepare their arms. The people in Puntland 'must be ready to fight against the harsh elements from southern Galkayo, who decided to kill or kidnap our elders, clerics, educated people and the like,' Mohamed Yusuf Jama, a regional governor, told reporters in northern Galkayo. Tensions have been running high since September in Galkayo, a city in central Somalia divided between the states of Puntland in the north and Galmudug to the south. Dozens, including civilians, have been killed in clashes. Civilians in the region say they fear heavy fighting could erupt in the coming days, deteriorating the situation in parts of Somalia that have relative stability. Two foreign aid workers with the Danish Refugee Council were kidnapped from Galkayo this year and remain in captivity. They were planning on carrying out demining operations, but the work has been put on hold. Jama said militias from southern Galkayo had kidnapped a young boy from the part controlled by Puntland on Tuesday. Unlike Somaliland to the north, which seeks sovereignty, the two regions see themselves as federal states within Somalia, and support the transitional government in Mogadishu. About a third of Somalia's population lives in Puntland, and the area is also a launching platform for pirates who attack vessels in the Indian Ocean. The weak federal government, backed by African Union peacekeepers, continues to wage war against the radical Islamist militia al-Shabaab, which controls vast swaths of territory in the south of the country. Instability elsewhere in Somalia could allow al-Shabaab to find new safe havens. The group, which has ties to al-Qaeda, lost its last strongholds in Mogadishu in August.
  22. Goldcoast i am not a fan of him but i give credit you know and he is a remarkable leader and achieved great things as the president of Djibouti. Yeah Yemeni's are a small community in Djibouti.
  23. Xisbiga Udub Oo mudeeyay xiligay dooranayan Madaxwaynihii tartamilahaa Hargeysa (Tvsle) Dec 14,2011 – Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa muddo 15 maalmood ah u qabtay inay codsiyadooda ku soo gudbiyaan cid kasta oo ka mid ah xisbiga oo hunguri kaga jiro inay u tartanto Musharaxnimada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka. Qoraal uu maanta soo saaray ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Mr Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa lagu sheegay in Musharixiinta u tartamaysa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ay codsiyadooda iyo CV-yadooda ku soo gudbiyaan muddo kooban oo dhan 15 maalmood oo ka bilaabantay 13-kii bishan oo ahayd shalay. Qoraalka warkan lagu shaaciyeyna waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ka duulaya Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB iyo Xeer-Hoosaadka Xulashada Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka iyo Go’aankii K/S Guddoomiyaha ee Shirkii Guddiga Fulinta 03/13/2011, Waxaan halkan si guud ugu baahinayaa inay Musharixiintii u taaganayd Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UDUB u soo gudbiyaan Codsiyadooda iyo CV-yadooda K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muddo Shan iyo toban maalmood gudahood (15 Maalmood) ah, oo ka bilaabmaya Salaasa 13 December, 2011. Cidda Muddadaa ku soo gudbin wayda lagama qaban doono wax Codsi ah. Dhinaca kale waxa ilaa hadda shuruudahan buuxiyay Cali Maxamed Waran-cade oo bixiyay lacagtii loo baahnaa, isla markaana gudbiyay macluumaadka taariikhdiisa waxbarasho iyo khibaradeed, iyada la gaadhsiiyay xafiiska xog-haynta guud. Sida ay caawa u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB oo u waramayay shabakeda wararka ee Ramaasnews,kuwaasoo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda, waxa uu lagu wadaa in Mr Waran-cade oo wakhtigan haysto taageerada aqlabiyada xisbiga o ay suurtagal tahay in dhawaan loo doorta marashaxa Madaxweynenimo ee xisbigaas oo ay guuldaro baaxad lehi ka soo gaadhay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii hore oo xisbiga Kulmiye ku guulaystay, ka dib ku dhawaad 10 sanno ay hayeen xukunka wadanka
  24. hahahaha Good one lol@ Faroole and Siilaanyo