Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Aaliyyah;765845 wrote: lool huha baad rabtiin in aad iska dhadhicisiin. The fact is they don't..so stop posting fake photos that ur trying to pass off as reer awdal.. here are two links u can enjoy .. and I will update you on the toronto event that took place xalay, even thou I regret missing it...im sure it turned out great .... reer awdal way duleen..ee waxba ha isdhibina sadexdiina magaalo ha ni deeqado salaam The video and pics were all posted on Awdalite websites http://quljeednet.com/ http://www.boramanews.com/ www.bakipress.com http://www.cadceed.com/ Are you saying they were all lying i was wondering why would reer awdal post fake pictures and videos on their website.
  2. Fighting has erupted in a disputed town in central Somalia between two pro-government militias, with Ahlu Sunna militia claiming a strategic victory in its offensive against rebels loyal to TFG member. Witnesses in the town of Abudwaq in Galgudud region told Somalilandpress the fighting began on Saturday night after militia loyal to Ahlu Sunna attacked forces led by Somali parliament member Abdifatah. They added the offensive displaced hundreds, cut off communication services and is threatening to spread. They said more than five were killed and further fifteen injured from both sides. The town is currently under the control of the Sufi Ahlu Sunna group. The clerics imposed an overnight curfew in the town. The Sufi group, often regarded as pro-government, accused the member of Parliament of destabilizing the town. They issued him a verbal warning to halt all activities but he refused to comply. Ahlu Sunna now says all government (TFG) members require permits to enter any territory under their control. They requested that all government members leave the town immediately. Regional analyst warn the current conflict between the two pro-government militia could widen and disrupt the fragile treaty between the weak TFG and the Sufi militant. Ahlu Sunna now controls much of central Somalia and wants to establish its own semi-autonomous region similar to the dozens already active in the failed state. The conflict in Abudwaq comes days after the semi-autonomous region of Puntland declared an open war on Gal-Mudug, another semi-autonomous in Somalia’s central region. Puntland leaders accused them of destabilizing the region in particular the border town of Galkayo. Garowe said Galmudug kidnapped a ten year old boy and assassinated countless others. Galmudug administration ignored the accusations and went about its business. Meanwhile Somali intellectuals in the Somali capital urged the TFG to arrest the leader of Puntland, Abdirahman Farole, insisting that he was undermining the country’s leadership and derailing the peace process. They said it was not his responsibility to implement the proposed peace plan but it was up to to the national leadership including the UN-backed parliament in Mogadishu. They dismissed that the up coming meeting which will implement a political plan agreed in September known as the roadmap be held in Garowe, the capital of Puntland. They argued Mogadishu was the capital and the right venue for such dialogue. The weak Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu and the Garowe administration have been at odds in recent times over a number of issues including aid money and foreign investment. The current conflict in central Somalia and the political infighting in Mogadishu will add more headache to the struggling TFG as it tries to tackle the country’s numerous problems. Somalia has not had a functioning government since the ouster of one-time dictator Mohamed Siad Bare in 1991.
  3. Waxgarad ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto Faroole Muqdisho: (Sh. M. Network)- Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ug ubaaqay dowladda KMG Somaaliya in gacan bir ah lagu qabto Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole. Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Waxgaradka Soomaliyeed ayaa waxaa uu ugu baaqay dowladda KMG Soomaaliya in gacan bir ah lagu qabto Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole. Imaamka oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland uu la mid yahay Maamulada ka jira dalka, hase ahatee waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Faroole uu u dhaqmayo shaqsi la mid ah Madaxweynaha dalka islamarkaana uu go’aamiyay in maalinta talaadada ah uu dhacayo shirka wadatashiga ah, isagoo ugu baaqay dowladda KMG ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay arrimahaasi wax ugu qabato. Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada barlamanka inay ku heshiiyaan sharciga u dagsan oo ay joojiyaan buuqa iyo is qab qabsiga sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo maalin ka hor la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shirka wadatashiga ah ee lagu qabanayo Garoowe uu dhici qabsoomi doono maalinta talaalada ah t
  4. Abdul;765752 wrote: So where is this clan clashes?Or you just wishing for one. It was in taleex there was this Guy working for the garowe clan enclave killed the other day
  5. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=mlHKiKZTS8M#!" frameborder="0" allowfullscreen>
  6. Degmada Taleex oo degan ka dib dilkii Keysa Muuse Dhari December 17th, 2011 Taleex(Pi) Kadibmarkii ay maanta dileen kooxo hubaysan Xisaabiyihii Dowlada Puntland ee Degmada Taleex Kayse Muuse Dhari ayaa magaaladu maanta galinkii dambe daganeyd. Inkastoo xaalada magaaladu aad u kacsanayd maalinadii dilka ka dib hada waxay u muuqataa mid degan, Dilka Masuulkaan oo ah kii labaad oo noociisaah Todobaadkaan ayaa lagu eedaynaa inay ka dambeeyaan koox doonaysa inay shir magaalada ku qabato. dilalka Kayse iyo Jamac Cali Shire ayaa ah kuwo isku xiraa, ayna isku shaqsiyaad soo abaabuleen, Dowlada Puntland wali kama hadlindilka Marxuum Kayse,alla ha unaxariistee. Wararka Caawa kaimanaya Deegaanku waxay sheegayaan inay magaaladu degantaha. Kalasoco Puntlandi faahfaahinta warkaan.
  7. Dagaal xoog leh oo caawa ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduyd Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib marki uu dagaal ku dhex maray dagmada Caabudwaaq laba Ahlu Suna iyo maleeshiyo taabacsan xildhibaan ka tirsan baarlamanka KMG Soomaaliya. Dagaalka oo bilowday galabta qorax gaabadki ayaa la sheegay in ilaa iyo xiligaan uu ka soconayo magaalada, xilli ay go,antahay dhamaan si gaarsiinta. Wararka qaar ayaa sheegaya in dad badan ay ka bara baxeen Caabudwaaq, dagaalkana uu ku faafay qeybo badan oo magaalada ah. Sababaha keenay dagaalka waxaa lagu sheegay xildhibaan C/fataax oo ay Ahlu Suna uga shakiyeen in uu dhaq dhaqaaq maamul sameyn ah ka waday Caabudwaaq. Maanta ayaa hadal kasoo baxay Ahlu Suna waxaa amar lagu siiyey dhamaan siyaasiyiinta ka tirsan dowlada ee jooga halkaasi in ay ka baxaan, sidoo kalana aysan soo gali karin amar la,aan. Dadka ku nool degmada Xeraale iyo deegaanka kale ee Balanbal ayaa sheegay in ay ka baxeen halkaasi ciidamo gurmad ah oo ka tirsan Ahlu Sunna. Wixi kusoo kordha kala soco Horseed Media.
  8. Kenya oo sheegtay inay hawada ka duqeynayso Saddex degmo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab Sabti, December 17, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya oo ciidamadeedu ay ku sugan yihiin koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah inay hawada ka duqeynayso degmooyinka Afgooye, Marka iyo Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab. Madaxa howlgalka ee ciidamada dalka Kenya, Col. Cyrus Oguna oo saxaafadda la hadlayay maanta ayaa sheegay inay duqeyn dhinaca hawada ah la beegsan doonaan degmooyinkaas iyo kuwa kale ee ay kat aliso Al-shabaab ay awoodda badan ku leedahay Al-shabaab. "Waxaanu doonaynaa inaan duqeyn dhinaca hawada ah la beegsanno magaalooyinka Marko, Baraawe iyo Afgooye oo Al-shabaab ay saddexdaba ka taliso," ayuu Col. Oguna ugu sheegay wariyeyaasha magaalada Nairobi. "Waxaan fariin u diraynaa dadka ku nool degmooyinkaas si ay uga fogaadaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin halkaas, waayo go'aankan duqeynta ah aa mid anga go'an," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkan u hadlay milateriga Kenya. Tan iyo markii dowladda Kenya ay weerar kusoo qaaday Koonfurta Soomaaliya oo ay ka taliso Al-shabaab laba bilood ka hor, diyaaadaha dagaalka Kenya waxay ka geysteen duqeymo kala duwan dhowr degmo oo ay ka taliso Al-shabaab kuwaasoo ku yaalla gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna duqeyntaas geystay dhimasho iyo dhaawac fara badan. "Duqeymuhu way soconayaa illaa inta laga eryayo Al-shabaab," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in Kenya aysan dib uga laabanayn Soomaaliya inta ay ka xaqiijinayso hadafkii ay markii hore u soo galeen oo ahaa inay Al-shabaab burburiyaan. Ciidamada Kenya ayaa waxay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan yihiin saddex goob, kuwaasoo ay tageen bishii Oktoobar ee sannadkan oo ahayd markii ay gudaha u galeen Soomaaliya. Xukuumadda iyo baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyeen bishan inay ka mid noqdaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda iyo Burundi oo hoostaga Midowga Afrika. Toodbaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Kenya ka dhacay qaraxyo ay mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab kuwaasoo lagu dilay dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowladda Kenya.
  9. Kenya oo mar kale ku celisay inay weerar ku tahay Afgooye Nairobi: (Sh. M. Network)- Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay inay weerar ku tahay Magaalada Afgooye ee gobolka Sh.hoose, iyagoo shacabka mar kale ugu baaqay in goobahaasi ay ka fogaadaan. Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Ciidamda Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna dowladda Kenya ayaa waxa ay weerari doontaa Magaalooyin muhiim u ah Al Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay weerari doonto Magaalooyinka Dakadaha leh iyo Magaalada Afgooye oo uu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Xarakada Al Shabab ee ka dagaalanta dalka Somaliya. Mr.Oguna ayaa sidoo kale dadka rayidka ah ugu baaqay in ka fogaadaan goobaha ay Al Shabaab ka howlgalaan halkaas oo uu sheegay in ay waxyeelo ka soo gaari karto. Tan iyo markii Kenya ay weerar ku qaaday Al-Shabaab laba bilood ka hor, dayaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa waxa ay garaaceen goobo la sheegay in Saldhigyo waa wayn ay u ahayaaan Al-Shabaab. Ciidamada Kenya ayaa Koofurta Soomaaliya waxa ay ka wadaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ay tilmaameen inay qal qal ku yihiim ammaanka dalkaasi.
  10. Xaflad Balaadhan Oo Si Heer Hare Ah Loo Soo Agaasimay Soona Diyaariyeen Jaaliyada Gobolada Awdal, Salal Iyo Gabiley, Laguna Taageeraayay Midnimada, Qaranimada iyo Nabada Somaliland Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Ottawa Nov 17, 2011 Ottawa(Cadceed) – Xalay waxaa magaalada Ottawa lagu qabtay Xaflad balaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyada ka soo jeeda Gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ee deggan Magaalada Ottawa. Xafladan oo ahayd mid aad u qurux badan loona soo agaasimay si caalamiya ayna ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada ayaa ahayd mid, farshaxan ahaana noqotay mid muuqaal iyo nidaamba ashqaraar ku riddey dadweynihii ka soo qayb galay. Ujeedada xafladan oo ahayd adkaynta midnimada, qaranimada iyo nabada Somaliland waxaa ka hadlay madaxda Jahliyada reer Somaliland ee Ottawa gaar ahaan hormoodka Jahliyada reer Awdal/Salal/Gabiley. Waxaa madasha hadalka daadihiinaayay wariye AbdiQani oo si habsami leh u kala horaayay wufuuda hadalka ku qornayd. Isagoo weriyuhu ku hadlaaya magaca qabanqaabayaasha ayuu hadalkiisa ku horaysiiyay arrintii dilkii foosha xumaa ee bishan shanteedii ka dhacdey tuulada Seemaal. Abdi Qani wuxuu tacsi iyo duco is barkan u direy qoysaskii iyo eheladii marxuumiinta. Falkaas foosha xuna wuxuu ku tilmaamay si aada looga naxay, dadka fuliyayna ay yihiin dad aan jeclayn magaca Somaliland. Mudane Abdi Qani wuxuu dadka madasha fadhiyay ka codsadey in faataxada loo maro marxuumiintii dilkaas loo gaystey. Intaas kadib Cabdiqani wuxuu Makarafoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jahliyadda Somaaliland ee Ottawa Mudane ABSHIR NUUR. Mudane Abshir wuxuu xusay geedi-socodka Somaliland soo martay wuxuuna afka ku dhuftay in aan cidna loo joojin Karin geedi socodka Somaliland isagoo taabtay mahmiyada uu leeyahay dadaalkii badnaa ee loo soo galey xasiloonida, nabadayta iyo ka midho dhalinta midnimada ummada. Intaa ka dib waxaa codbaahiyaha looga yeedhay Xaaji Cumar Cabdi Cige oo ah rug cadaa aqoonyahana kana mid odayada hormoodka ka ah magaalada Ottawa gaar ahaan Jaaliyada Somaliland. Xaaji Cumar oo ah shaqsi looga bartay ka dhawaajinta Xaqiiqooqinka jira ayaa hadalkiisa ku bilaabay qadiyadaha Somaliland iyo duruufaha maanta taagan isagoo xusay taariikhihii la soo maray siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba. Wuxuu ku horeeyay inuu dib u eego taariikhdii Somaliland isagoo xusay marxaladihii adkaa ee dawladeeda iyo shacbiga Somaliland soo mareen. Nabada la doortay kuma iman dhayal ee odayaashii reer Awdal waxay hormood ka ahaayeen tan aan maanta hadhsanayno ayaa ka mid ahayd weedhihii madasha uu ka yidhi. Sidoo kale Xaaji Cumar wuxuu si adag u weerarey kooxda la magac baxdey “Awdal State”, wuxuuna ka dhawaajiyay su’aasha ah: Maxaa is badeley ee aan horey u jirin? Isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu xaajigu iftiimiyay inaan la aqbali Karin fikirada khaldan ee dhawaanta lala soo baxay ee laga leeyahay ujeedooyin qarsoon. Xaajigu kama warwareegin inuu la yaabay dadka 20 sano Somaliland taageersanaa ee si kadis ah maanta huwadey shaadh mucaaradnimo ah. “ Ujeedadu hadday tahay haddaanan ahayn Madaxweyne ama ku xigeen, meesha waa laaqayaa, wax la yeeli karo maaha”, ayuu Xaaji Cumar Cabdi si cad u sheegay ereyadaa oo dadkii madasha joogay si weyn ugu bogeen. Lama dhayal san karo ninka maanta, labaatan sano ka dib la soo baxay waji cusub oo lagu khalkhal galinaayo Somaliland, ayaa ka mid ahaan weedhihii ugu muhiimsanaa ee Xaajigu carabka ku dhuftay. Xaaji Cumar Cabdi wuxuu sheegay in shalay nin Reer Awdal ahi Joogay maantana ku kale joogo wax isbedelayna aysan jirin, taasoo uu Xaaji Cumar sheegay inaan marnaba loo dul qaadan Karin dadka qalalaasaha Somaliland ku abuuraaya, wuxuuna muujiyay inay mar walba ay ka hortagayaan meeshay doonaan ha joogeene. Xaajigu ma seegin inuu, sidoo kale, farta ku godo waxqabad la’aantii maamulkii hore wuxuuna isku xidhiidhiyay dadka la dhacsanaa ama jeclaa maamul xumadii dawladii hore oo maanta u sacab tumayaan kuwa bulshada dhexdeeda ka wada khalkhalka ee dhalinaaya shikiyada maanta taagan. Xaaji Cumar wuxuu hadalkiisii ku soo gabgabeeyey in laga foojignaado inta sida qaloocan wax u wada loona guntado sidii layskaga fogayn lahaa. Marwo Fadumo Yuusuf Wadad ayaa hadalka qaadatay waxayna si geesinimo leh u weerartay raga oo ay ku tilmaantay qaar ragganimadii ula leexdey cay ay ku caytamaan mareegaha Internet ka. Waxay hoosta ka xariiqdey faa’idada aalada Internet ka oo mudan in dadweynaha looga faa’ideeyo halka lagaga caytamin lahaa. Ereyadaa Marwo Faadumo ayaa ahaa hadallo dadku aad u jeclaysteen madashana gaadhsiisay in sacab iyo sawaxan kala joogsan waayo. Dadka madasha ka Hadley waxaa kale oo ka mid ahaa Cali Barkhad ( Cali Diig), Xuseen Axmad iyo Saciid Farax Cabdi. Dhamaantood waxay soo jeediyeen ereyo guubaaba ah oo lagu xoojinaayo midnimada, nabada iyo qaranimada Somaliland. Qudbada markii la soo afjaray waxaa bilaabmay doorkii fanaaniita oo soo bandhigay heeso ruxay jidhka iyo qalbiga rag iyo haweenba. Hubaal waxaa ah in reer Ottawa si deg deg ah u sugayaan cajalada laga duubay xafladan iyada ah. Fanaanka Weyn ee Cabdilahi Boqol Oo Heesaya Sawirada oo badan awgeed ayaan insha alllah ka kala dhigi doonaa laba qaybood
  11. War Deg Deg ah:Mushkilad ka dhacay Taleex oo dad ay ku dhinteen kuwana ku dhaawacmee. December 17, 2011 Taleex:-(RT) Magaalada Taariikhiga ah Ee Taleex ayaa war iminka na soo gaadhay waxa uu sheegayaa in nin dablay ahi laba nin ku dilay halka midna dhintay mid kalena dhaawac yahay. Ninka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabijiray Keyse Muse Deri oo ka mid ahaa koox budhlay ah oo katimi garoowe oo uu horboodaayay Garaad saleebaan, dad goob joogayaal ah ayaa waxay noo xaqiijiyeen inuu dhintay Keyse halka nin kale oo magiciisu aanu na soo gaadhin uu yahay dhaawac culus kaasoo loola cararay cusbataalka magaalada Garoowe oo iminka lagu daweenaayo. Ninka dhaawacmay oo sida wararku sheegayaan ahaa Darawalkii Garaad saleebaan ayay xabaduhu kagadheceen caloosha xaaladiisana iminka laga dayrinayaa. sida ay dadgoobjooga yaali nooxaqiijiyeen ayaa waxaa la sheegayaa inu dilay nimankaas nin lagu magacaaboC/raxmaan Bile Afdhoobo(Koondhas) oo ay isku jifi yihiin Keyse,ilaa iminka macada sababta uu u laayay nimanka laakiinse warar hordhac ah ayaa waxay sheegayaan inuu marxuumku ula baxay Bistoolad ninkan wax dilay dabeed Koondhas oo ahaa dadka degaanka uu sooqaatay qoriga uu kulaayay. Dhanka kale shiqaaqdii ka dhacday Degmada 11kii bishan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in horumar laga gaadhay kadib wadhadal maanta(Sabti)dhacay ayay kucodsadeen in gacan ku dhiiglayaashii loo soo gacangeliyo ardaagii geeridu ku timi halka dhinicii kalena ay shir iminka loofadhiyo isugu laabteen katashiga arinkaas .