-
Content Count
29,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
TFG prime minister Abdi weli on the khaatumo conference 2
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Are you saying sscnews is lying war nimanku maxay beenta u sheegeyaan http://sscnews.com/2012/01/10/raisul-wasaaraha-somaliya-oo-ku-fashilmay-inu-isku-dayo-inuu-burburiyo-shirka-khaatumo-2-ee-ka-socda-magaalada-taleex/ -
Raisul wasaaraha somaliya oo ku fashilmay inu isku dayo inuu burburiyo shirka khaatumo 2 ee ka socda magaalada taleex Fashilaad aad u weyn ooku dhacday rag uu soo diray Raisul wasaaraha somaliya Mr gaas ayaa rag usoo diray shirka khaatumo 2 si ay usoo burburiyaan shirkan ragga lasoo diray ayaa garoowe soo dhaafi waayay markii lagu bogaadiyay haddii ay taleex gaadhaan in la layn doono. Mr gaas ayaa ilaa hadda wada sidii looga hor tagi lahaa shirkan ay isugu wada yimaadeen beelweynta ssc ee ku kala sugnaa daafaha adduunka shirkan khaatumo 2 ayaa ah mid somaliya aad looga sugayo inuu dhalo midho wax qabad unoqda somali oo dhan raggan laga soo diray magaalada muqdisho ee hadda kusugan magaalada garoowe ayaa hadda wada wada tashi ay la wadaan maamulka halkaa ka taliya ee uu faroole hormuudka yahay Mr gaas oo afka ku hadlaya maamulka Puntland oo aan u hadal sidii qof somali oo dhan usiman ayaa ilaa hadda wada ka hor tagga shirkan khaatumo 2 oo uu hore usheegay inu dhib u yahay maamulka puntland waana in laga hortagaa shirkaas waa siduuuu yiri Raisul wasaaraha somalia wararkan oo laga soo daayay tv ga somalisat oo ay ka hadleen qaybo ka mid ah Barlamanka somalia iyagoo sheegay Mr gaas inuu wado fidno iyo wax yaabo badan oo kala kaxaynaya bulsho weynta somaliya Barlamanka ayaa sheegay in laga hor tago fidnida uu wado Raisul wasaaraha somalia wuxuu na sheegay inuu ku hadlo afka faroole
-
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Shirka Talleex Ee Lagaga Dhawaaqay Maamul Goboleedka, Sheegayna In Uu Maamulkaas Lagu Dhawaaqay Yahay Waxba Kama Jiraan “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya" Wasiirka Arimaha Guduhu. Hargeysa (GNS) Wakhti ay isku raaceen odeyaasha iyo madax dhaqameedyadda reer Sool in ay sameystaan maamul ka madax banaan Somaliland isla markaana isku afgarteen in deegaanka ay degaan beesha Reer Sool la gaadhsiiyo maamul ay khaas u lee yihiin ayaa waxa ka hadalay xukuumadda Somaliland, waxana ay Somaliland sheegtay in uu hadalkani yahay waxba kama jiraan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur (Caraalle (Duur) oo arintan ka hadlay mar uu caawa u warmayay laanta afka soomaaliga ee BBC, da ayaa waxa uu sheegay in afka laga odhan karo maamul goboleed, balse aanay suura gal ahayn in uu ka hir gallo maamul Goboleed deegaanadda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxana uu yidhi isaga oo ka hadlaya arintaasi “ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.” Wasiir Duur waxa uu sheegay in ku dhawaaqidda Maamul Goboleedkanai ay tahay mid daandaansi ah oo wax u dhimaysa wadda degenaashaha iyo xasiloonidda deegaanadaas “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Guduhu. Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu tilmaamay in raga ku dhawaaqey maamul goboleedkani ay yihiin kuwo ka yimid dibadda isla markaana aan rajo ka rabin dadka deegaankaas, waxana uu carabka ku dhuftay in ay dib u noqonyaan dadka dega deegaanadaasina ay dhamaantood yihiin Somalilander, isla mrakaana ay doonayaan in ay doonayaan Xukuumadda Somlailand, waxana uu intaasi raaciyay inaanay raali ka ahayn maamul dhaafsiisan ka Somaliland, waxana ka mid ahaa hadalkiisii “Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaayoo, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,”. Si kastba ha ahaatee hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xil shir beeleedka Talleex lagaga dhawaaqay maamul u gooni ah deeganaadda Sool, Koonfurta Sanaag iyo Cayn .
-
Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Caawa Xilalkii Ay Qaranka U Hayeen Ka Qaaday Badhasaabada Gobolada Sanaag, Togdheer Iyo Gabiley Hargeysa (Ramaas) Jan 10,2012 - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaxweyne oo uu caawa soo saarey caawa xilalkii kaga qaaday badhasaabada gobolada Gabiley, Togdheer iyo Sanaag. Digteerada Madaxwaynuhu xilalka kaga qaaday saddexdan masuul, sidoo kalena lagu cadeeyay magacyadda masuuliyiinta xilkaasi loo magacaabay ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreetooyin Madaxweyne xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer, Gabiley iyo badhasaabku xigeenkii Gobolka Togdheer Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo buuxinaya jagooyinka ay baneeyeen masuuliyiintaa hore. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer; Markuu La Tashaday: Madaxda ay arrintani khusayso; Markuu ku Qancay: Inay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan; Wuxuu go’aansaday 1. In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee JSL. 2. In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL. 3. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL. 4. In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL. Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:- 1. Mudane, Cali Aaden Meec Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley 2. Mudane, Cali Cabdi Hurre Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag 3. Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer 4. Mudane, Cabdi Daahir Xasan Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii ay xilalkaas u soo hayeen qaranka, Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan
-
Somaliland ma go'in ee way go'odoonsantahay. Buubaa.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Buuba dee isaga go' odan aha nin aan gurigisi arag 17 sanadood bila caleek marka miyanaad go'odan ahayn:D -
Turkish TV documentary about Somaliland+VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Can some one translate my Turkish is not that good. -
Xaalada Magaalada Saylac oo degen ka dib markii laba maalmood Muran ka dhextaagnaa SOMCABLE iyo Dhalinyarada Deegaanka January 10, 2012 Awdalpress(Saylac) 09 Jan,12– Xaalada magaalada Saylac ayaa maanta degenayd ka dib markii shaqaaqo ka dhextaagnayd labadii maalmood ee ka horeeyay maanta, Arintaas oo shaqaaqada ah oo ka dhalatay markii dadka deegaanka ah loo diiday in ay ka shaqeeyaan shaqada CABLKA isgaadhsiinta ah ee deeganadaas hada ay ka wado Shirkada SOMCABLE ee uu leeyahay Ganacsadaha reer Hargaysa ee haysta dhalashada Jabuuti ee la yidhaa Ina Aw Siciid. Hadaba sida ay u sheegeen hawlwadeenada shabakada wararka ee Awdalpress dadka ku nool magaaladda Saylac, dhalinyarada degen magaalooyinkaas ayaa is hortaagay in shaqadii ay wadeen dadkaas uu keensaday ganacsade Aw Siciid, xaaladuna waxay gaadhay in hubka la isku soo qaato, halkaas oo ka iman gaadhay isku dhac beelaysan, sida wararku sheegayaan. Dhanka kalana waxaa la sheegayaa in Xalay deegaanadaas la geeyay Ciidamada Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay Geerisa iyo Jidhi, si ay u ilaaliyaan shaqadaas Shirkada SOMCABLE, balse talaabadaasi waxay noqotay mid aan wax horumar ah lagala kulmin, waxaana aad uga cadhooday boqolaal dhalinyara oo bilaa shaqo ah oo degen Saylac iyo Lawyacado. Si kastaba xaalku ha ahaadee, Waxaa maanta gelinkii hore uu ogolaaday Ganacsade Aw Siciid in ay shaqo galaan 150 dhalinyar ah oo ahaa kuwa hore loogu diiday shaqada qodista dhulka ee lagu ridayo xadhkaha soo qaadaya isgaadhsiinta, wararka aan ka helayno Saylac ayaana sheegaya in xaaladu degtay markii tanaasulkaasi yimid. Shirkada SOMCABLE ayaa dhawaan xidhay ka soo xidhay magaalada Lawyacado 34 dhalinyar ah oo cabasho u soo gudbiyay Warbaahinta, dhalinyaradaas oo loo soo gudbiyay Saylac, waxaa la sii daayay markii ay xidhnaayeen Habeen , shirkada SOMCABLE ayaa iyadu xadhkaha isgaadhsiinta ku wada dhanka magaalada Barbara, halkaas oo la rabo in looga qaybiyo Isgaadhsiinta casriga ah ee CABLEka oo laga soo jiidayo dhanka jamhuuriyada Jabuuti.
-
I remember those days but Somalilanders survived and today the people of Somaliland live in freedom dignity and respect and that is something we should thank our dear Allah for. Ilahay ha u naxariisto wixi dhintay eeh gacan ka xaq darani dishay cuquba badan ba dhacday. ilahoow u naxariiso wixi kale eeh Somali iyana eeh maanta dhiban ama geeriooday ilahoow u hili Somalida maanta dhinac walba Cadaw ka fadhiyo.
-
Welcome i am Xaaji Xunjuf i hope you are doing fine
-
Who will be the next VP of Puntland after KH2?
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
He send a letter to the govt of Somaliland asking for forgiveness he can believe what he wants he is entitled to his opinion he is 78 years old he wishes to live the last few years in his land of origin and we welcome that.He was arrested before in 2003 no one is above the law in Somaliland my dear friend. -
Who will be the next VP of Puntland after KH2?
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Taubadu way furantahay the same way General Jamac Maxamad qalib returned back home. The ritual way of doing this though is he has to ask President Siilaanyo for forgiveness. -
:D:D:D sharif looks like a real Thug Life gangster so sida lama odhan jirin.
-
Who will be the next VP of Puntland after KH2?
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
MoonLight1;772310 wrote: But the biggest loser here will be ina cali shire, maybe he will go back to somaliland authority where he used to work. He helped build Somaliland police force in the early 90s general Abdisamad ali shire -
But, one thing that is not, never will be a negotiable, is the "independence of Somaliland" from Somalia . And, that, regardless of what the the average citizens of the SSC may think about it (particularly it's Diaspora lot), the political elite of these "Community" knows that perfectly. Hence, their over-all agenda is not to sabotaged Somaliland's independence; since they know, they can't really do it (both demographically, in-terms of territoriality, as well as the cohesive wise for the larger community of Somaliland), Absolutely Somaliland quest for statehood is non negotiable Majority of the Garaad clan excluding the few living abroad in western countries agree on that but the past two decades the communities with in Somaliland came closer to each other much and much to one and other. We can agree on more autonomy within the Somaliland republic that is something feasible with time to come. But lets wait for the conference out come and how it goes from there. As for the pirates they lost all credibility when they started arresting the Khaatumo2 conference attendees in bosaaso and garowe, it's all looking good so far for Somaliland and its people.
-
Who will be the next VP of Puntland after KH2?
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Why not make gagaab the vice president it will bring the Garowe folks and and the north galkacyo Community closer to each other politically:D -
Top Secret: Cajalad Sir Ah oo laga Hayo Jen:Morgan
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
What Somalilanders don't even live in Kismayo what is their motive ? -
Are they serious or is this a joke?
-
They changed their strategy its a guerrilla war now
-
A khadar carafaat is my little nephew he is a bit naive but he will get there eventually.