-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
Mashallah i have never seen a big conference like this with so many ergoyin inshallah wax kheyr badan ba ka so bixi doona the conference was opened officially today after salaatu duhur. -
^^^Al xaaji Muuse suudi Yalaxow wa rageedi laba xiiniyood banaan degey wa ninki yidhi yahoow cabdulahoow geeska iga mar eeboow xaa la yidhi beer haweeneed aa kugu jirto lol.
-
Samafal;770555 wrote: Xaaji Xunduf, you seem to be supporting Godane and I suspect its becouse he's from your clan. If that's the case this guy and his group have comitted genocide in Somalia, so does Somaliland take responsibilty? Where did i say i support his organization or him let alone supporting him because of his clan i merely said that he will not be defeated by foreign mercenaries , Godane has nothing to do with Somaliland don't see the link at all.
-
Mogadisho banadiriga ba iska leh iyo ehelkooda inkastow ay tahay magaalo Somaliyeed oo caasimaad quruxsan ahaan jirtay xiligan joogi jiray.
-
Well said sheikh bilal Somaliland is a peaceful Muslim nation.
-
Oromo : OLF Press Release Signals Historic New Direction
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Oromo is a large Ethnic group they should be able to rule Ethiopia instead of trying to break away from it. -
SSC and Puntland families being hunted down in Libooye Kenya by Azanians
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Taxeex.net is owned by a puntlander but he is from taleex and is closely related to the current vp of pl mr ali shire. -
^^ Puntland ministers were killed before but Ministers from galmudug were never killed only kidnapped.
-
Daahir Rayaale oo Jamhuuriya u Caddeeyey Mawqifkiisa Khilaafka ka Dhex Dillaacay Xisbigiisa UDUB Waraysiyo Jamhuuriya: Khilaafka xisbiga UDUB meel xun buu marayaa iminka’ ma laga yaabaa in murankaasi sababo in maxkamad la isla tago, mise qorshe kale ayaad haysaa? “Hadduu Jamaal Cal Xuseen tartamayo iyo haddii uu Cali Warancade tartamayo iyo haddii qaar kale imanayaanba dib baa loo geli doonaa” “Aad baan uga xumahay in ku-simahaygu arrintaas ku dhaqaaqo anigoo soo gaadhsiiyey farriintaydii ahayd in dib loo dhigo xulashada murrashaxiinta xisbiga UDUB, waxaanad iga gaadhsiisaa farriin ah…” “Waxaad iga gaadhsiisaa taageerayaasha UDUB midnimo iyo isku duubni baan idinku ogahay, xisbiga UDUB baa is khilaafayna way innaga reebban tahay” Waraysi khaas ah - Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Paris (Jam)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa *****lka ka qaaday mawqifkiisa la xidhiidha khilaafka ka dhex dillaacay xisbigiisa UDUB. Md. Rayaale oo isagoo ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska khadka telefoonka ugu warramay Jamhuuriya xalay, waxa uu waxba kama jiraan iyo sharci-darro ku tilmaamay kulan aqlabiyadda guddida fulinta ee UDUB ugu aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen inuu noqdo murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgeli doona doorashada madaxtooyada ee soo socota, arrintaas oo sababtay khilaaf culus oo laba dhinac u kala qaybiyey UDUB. Waraysigaas oo uu Guddoomiyaha UDUB kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka xisbigiisa, qoraal uu ku laalay qabashada tartanka murrashaxiinta jagada madaxweynaha ee xisbiga gudihiisa, waqtiga uu dalka ku soo laabanayo iyo farriimo uu u kala diray waxa uu u dhacay sidan: Jamhuuriya: Ma jirtaa warqad aad soo qortay oo aad ku leedahay dib haloo dhigo xulashada murrashaxiinta xisbiga UDUB oo doorashada golayaasha degaanka ka bacdi hala kala saaro Daahir Rayaale: Wallaahi, markaan ogaaday in meesha khilaaf jiro oo aan la isku waafaqsanayn murrashaxnimada warqad baan u soo diray ku-simahayga Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB Cabdixalliim Maxamed Muuse, waxaanan ku wargeliyey mar hadii meesha khilaaf yimi xulashada murrashaxnimada dib haloo dhigo oo waxaynu qabsan doonaa doorashada golayaasha degaanka ka bacdi, xisbiga UDUB-na khilaaf uma baahna, waraaqddaana anigaa soo diray, sababtoo ah anigu hebel hala doorto iyo kooxba meel halaga doorto waxaan ka doorbidayey midnimada xisbiga, waxayna ahayd in isu tanaasul la sameeyo oo wax lagu heshiiyo ayey taladaydu tahay, farriintaana anigaa soo diray oo waxaan doonayaa in midnimada xisbiga la ilaaliyo. Jamhuuriya: Warqaddii aad soo dirtay iyadoo la hayo ayey haddana qayb ka mid ah guddida fulinta ee UDUB doorteen in murrashaxa madaxweynaha uu noqdo Jamaal Cali Xuseen, qolo kale oo Cali Warancadde hoggaaminayana way qaadaceen doorashadaas, khilaafkii xisbiguna cirka ayuu isku shareeray, sideed arrimahaas u aragtaa? Daahir Rayaale: Waxaas waxba kama soconayaan. Farriinta aad xisbigii UDUB iga gaadhsiinaysaa waxa weeye taladaas dib baa loogu noqonayaa, xisbigii UDUB baa is khilaafayna ma soconayso, taladaasna dib baa loogu noqonayaa; hadduu Jamaal Cal Xuseen tartamayo iyo haddii uu Cali Warancade tartamayo iyo haddii qaar kale imanayaanba dib baa loo geli doonaa, haddii ay koox noqotayna inay sharci tahay uma arko. Jamhuuriya: Guddida fulintu waxay cod aqlabiyad ah oo tiradoodu tahay 23 xubnood ku doorteen in Jamaal Cali Xuseen uu noqdo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UDUB, aqlabiyaddaas in la raaco miyaanay sharci ahayn? Daahir Rayaale: Xisbiga UDUB inuu ismuquuniyo ma aha ee waa in la isu tannaasulo oo wax la isku waafaqo oo xataa hadday koox yar gooni tahay la qanciyo, markaa taladaasi waa mid dib loogu noqon doono. Jamhuuriya: Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin warqaddii aad u soo qortay ee ahayd in dib loo dhigo doorashada murrashaxiinta xisbiga ayuu qabtay shir golihii dhexe isugu yimaaddeen, murrashax baana lagu doortay, arrintaas ka warran? Daahir Rayaale: Aad baan uga xumahay in ku-simahaygu arrintaas ku dhaqaaqo anigoo soo gaadhsiiyey farriintaydii ahayd in dib loo dhigo xulashada murrashaxiinta xisbiga UDUB, waxaanad iga gaadhsiisaa farriin ah in arrimahan dhacay aanay waxba ka socon doonin oo xisbigu talo kale ka yeelan doono. Jamhuuriya: Khilaafka xisbiga UDUB meel xun buu marayaa iminka’ ma laga yaabaa in murankaasi sababo in maxkamad la isla tago, mise qorshe kale ayaad haysaa? Daahir Rayaale: Ma rajaynayo in UDUB maxkamad isla galo, waxaanan rajaynayaa in aannu ka heshiin doonno khilaafka jira haddii Ilaahay yidhaa. Jamhuuriya: Adigu goormaad imanaysaa dalka si aad u dhexgasho khilaafka UDUB? Daahir Rayaale: Anigu bilaha soo socda haddii Illaahay yidhaa waan imanayaa dalka, doorashadana waan ka soo horreynayaa. Jamhuuriya: Maxaannu kaa gaadhsiinaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee ku baraarugay khilaafka xisbigooda ka dhex dillaacay? Daahir Rayaale: Waxaad iga gaadhsiisaa taageerayaasha UDUB midnimo iyo isku duubni baan idinku ogahay, xisbiga UDUB baa is khilaafayna way innaga reebban tahay, taladaas yar ee innaga murgacatayna waynu kabanaynaa oo dib ayaa looga hadli doonaa, murrashax heshiis lagu yahay baanan insha Allaahu soo saari doonaa.
-
Somaliland: seemaal perpetrators caught says interior minister.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
" frameborder="0" allowfullscreen> -
Somaliland: seemaal perpetrators caught says interior minister.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jacaylbaro;770414 wrote: You better say "identified" ,, not yet caught Good thing ,, at least we have Fugitives now ,,, they can be caught any minute from now No some of the killers are already caught watch the video. -
Somaliland: seemaal perpetrators caught says interior minister.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=xUynZe7tWdE#!" frameborder="0" allowfullscreen> -
Grand Gathering of Gol Khatumo @ Taleex -- dissected
Xaaji Xunjuf replied to Baashi's topic in Politics
Liibaan how can you not care about the Kampala accord it's the accord the Somalia TFG government reached with its different factionaries in neighboring countries it will shape its future if you are willing to be part of Somalia,you should care about that. Its not all is about having you're clan state come out of the village Liibaan. -
Wasiirka Daakhiliga oo shaaciyay Magacyada sagaal xubnood oo ku eedeysan inay fuliyeen dilkii Seemaal January 4th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada eedaysanayaasha ka danbeeyay dilkii lagula kacay Sadex qof oo aan waxba galabsan ee ka dhacay deegaanka Seemaal iyo hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel bardaale isla markaana amar buuxa ku siiyay Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boolisku sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedaysanayaashaas si sharciga loo hor keeno. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan balaadhan oo ay la yeesheen madax dhaqameedka Gobolka Gebilay. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha , labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobolka gebiley sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahaayeen in la soo qabto dhamaan eedaysanayaasha ku lugta leh dhacdadaas si cadaalada loo hor keeno waxaanu halkaasi ka xaadiriyay magacyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan kaas oo ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya Baki iyo Gabilay kuwaas oo kala ah 1. Jimcaale Yabaal Xirsi 2. Shucayb Cismaan Xirsi 3. Cismaan Cali Ducaale (Degle) 4. Mukhtaar Maxamed Xuseen (Geney) 5. Dayib Aadan Degel fadhi Af-yuub 6. Yaasiin Axmed Quful 7. Maqas Maxamed Maal 8. Cabdi Cumar Xuseen iyo Odaygooda oo uu wasiirku ku sheegay 9. Cawar Xareed Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay Shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen dilka hal qof oo ka soo jeeda gobolka gebilay oo maalin kadib dhacdadii Seemaal la dilay 1. Muuse Qoor Gees 2. Abiib Jaamac Seeraar 3. Carab Faahiye Dhawal 4. Ismaaciil C/laahi Buux Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)waxa uu amar buuxa ku siiyay labada taliye ciidan inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanayaasha loo haysto dilkaas foosha xun. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa bulshada ku nool gobolka gebilay waxa uu hoga tusaaleeyay qiimaha nabadgalyada iyo sida ay waajibka u tahay in laga feejignaado wax kastoo dhaawacaya wada dhalashada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku nool Gobolada Gebilay iyo Awdal. Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka General Maxamed Xasan Jidhif oo balan ku qaaday inay u hawl galayaan gacan ku soo dhigista eedaysanayaashaas si sharciga loo horgeeyo, waxaa kale oo taliyuhu u soo jeediyay dadka ku nool deegaanada ay dilalkani ka dhaceen inaan lagu arki Karin cid hub sidata . Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Saqadhi Dubad iyo madaxda heer gobol iyo mid degmo ee gebilay. Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu waxay markaas kadib u kicitimeen dhinaca gobolka awdal iyagoo haatan ku sugan magaalada Boorama.
-
Amiirka Al Shabaab oo jaaliyadaha dibada ugu baaqay in ay kusoo biiraan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya Amiirka Al Shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada in ay dalka kusoo laabtaan kana bar bar dagaalamaan Al Shabaab si buu yiri ay u wajahaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowlada KMG. Abu Zubeyr oo la hadlay idaacada Al Andalus ee ku hadasho codka Al Shabaab kana howlgasho deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in dagaalka hada socdaa uu u dhaxeeyo Gaalo iyo Islaam sidaasi daraadeedna ay garab siiyaan Islaamka sida uu hadalka u dhigay. “Jaaliyaadka muslimiinta ee Soomaaliyeed waxaan u dirayaa fariin, ugu horeyn ALLA haka cabsadaan meel kasto oo ay joogaan, waxaan leeyahay dalka kusoo laabta gacmo furan ayaan idinku soo dhaweyneynaa, maanta waxaa jira dagaal gaala iyo islaam ka dhaxeeya oo caalami ah marka waxaa la idinka rabaa oo idinla gudboon in aad safka islaamka soo buuxisaan,” ayuu yiri Abu Zubeyr. Dhanka kale Waxa uu difaacay weerarada isqarxinta ah ee ay fuliyaan dhalinyarada ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo uu ku tilmaamay wax ku banaan shareecada Islaamka. “Arinta calamiyaadka istishhaadiga waa camliyaad barakeysan raad badan waxay ku leedahay jihaadka maanta socda iyo dhamaan saaxafada jihaada caalamiga ah, waa wax aad uga muuqda dalalka Afganstan,Ciraq, Shiishaan iyo Soomaaliya, marka hadii aan milicsano xaga sharciyada waxaan u daliishan karnaa dhinaca shareeca Islaamka ijmaaca culimada oo baneeyey, kuwa culumaa,usii,a waxay leeyihiin ma banaana, marka waxaan dhihi karnaa waa albaabka koowaad ee jihaadka,” ayuu yiri Abu Zubeyr oo magaciisa dhabta ah uu yahay Axmed Aw Godane. Al Shabaab ayaa hada wajaha dagaalo dhowr waji leh oo kaga furan dhamaan gobolada ay maamulaan, dhawaan waxaa gacantooda ka baxday magaalada Baladweyne iyadoo iminkana ay dhaq dhaqaaqyo ka jiraan gobolada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo dowlada KMG Soomaaliya. Horseed Media
-
'Liibaan';770292 wrote: Awdal State, Northwest triangle, Maakhir State , and SSC State are all part of Somalia All of that is Somaliland
-
Popular Contributors