-
Content Count
29,998 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Ceerigaabo was never really disputed since 1989 when SNM captured the town
-
Dr_Osman;774391 wrote: This doesn't make sense at all. The constitution is clear 2 states or more, so it won't even be recognized by anyone even if it is created an administration in hobyo!!! It's just a tool to disturb the peace but rational minds will come together inshallah and say "listen as hobyo you won't get anywhere with this so rather then fight it out just don't waste ur time" Dr osman Caalin does have two regions galguduud and mudug
-
SSC Debate On Talk-Back Radio Regarding New State
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
Somalia;774446 wrote: He supports it if you support Awdalland. Who faroole? -
SSC Debate On Talk-Back Radio Regarding New State
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
Osman why is Faroole so silent does he support the new states West puntland state and the new to be declared state in taleex -
Carafaat come back home dalabay does not like you at all
-
Qabiil noqon kara qaran ma jiro, Somaliland dhulbaa la yidhaa, dhulkiina waala yaqaan” January 14th, 2012 strong>“Go’aamada ka soo baxay shirka Taleex ma aha go’aamo dadka u cuntami Kara si kastaba marka loodhigo” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Hargaysa (Somaliland.Org):- xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah muddaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa go’aan lagu deg-degay ku tilmaamay maamul goboleedka lagaga dhawaaqay shirka Taleex isla markaana arrintaasi ay tahay dhibaato ku soo korodhay geeska afrika. Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo xalay u waramay warbaahinta ayaa sheegay in magaca Somaliland dhul la yidhaahdo balse aanu qabiil noqon karin maamul ama wax u eg dawlad. isaga oo ka hadlaya arigtidiisa ku aadan shirkaasi waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa go’aankaasi go’aan lagu daeg-dagay oo aan loo talo badsan, oo aan waayeelka meesha joogay iyo dadka degaankaa u dhashay ama goboladan ka wadeen beesha sool dego, anigu Sool, Sanaag iyo Cayn anigu odhan maayee waxa weeyaan arrin dagdaga oo aan laga fiirsan ayaan u arkaa. dhulkani taariikh ayuu leeyahay waxaynu badali karno ma aha cid kalena bedali karto ma aha. Qabiil noqon kara qaran ma jiro, Somaliland dhulbaa la yidhaa, dhulkiina waala yaqaan, beesha caalamkuna way taqanaa anaga beesha ka so jeeda sool 1991-kii, markii dawladii Siyaasad Barre dhacday dadkani way isu yimaadeen waxbay wada dhigteen intii Somaliland laysku odhan jirtay 1993-kii ayay Boorama isugu yimaadeen waxbay wada dhisteen intii Somaliland laysku odhan jiray ilaa maanta tiibay wax ku wada leeyihiin meel kasta caalamka tabashadu way jiri kartaa laakiin anigu dhibaato hor leh oo Geeska Afrika lagu soo kordhiyay ayaan u arkaa, waxaan markaa warka leeyahay Sool iyo Sanaag can inagaa been sheegayna bani’aadamku inuu ku nolaado been khiyaali iskugu sheekayo ma aha.” Ayuu yidhi Md Indho. Waxaanu intaasi raaciyay “Waxa dhabta ah ee uu ka doonayo ay noqotaa nolosha dadka meesha degan, waxa weeyaan fidno saddexaad oo budhcad badeed wehelisa oo shababta Xamar lagula dagaalamyo looma baahna Geeska Afrikana uma baahna Soomaalidu uma baahna, qabiil yidhi dawlad ayaa noqonayaa, qolada Puntland-na way ku khasaareen, qolada dhulbahantena ee leh Ceerigaaba xuduud baanu u samaynaynaa, anigu waxaan u arkaa wax khaldan, waxaan soo dhawaynayaa go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee gogasha ahaa, nimanka shirka hogaaminaya Madaxweyne Siilaanyo isku kalaas bay ahaayeen aqoon badana way isku leeyihiin, Cali Khaliif ragii wax ka go’ooyay shirkii Burco iyo Boorama, maantana gogasha taalla ragii odhan lahaa C/qaadir inan yar ayuu ahaa, Siilaanyo annagaa la odayaynaya, haddii beesha wax ka maqan yihiin wax odhan lahaa ayuu ahaa, waxaan u arkaa arrin lagu degdegay oo dadkan beesha jooga Taleex iskugu yimid waxna debada ka yimaadeen, qofkii is-yidhaahda hadal lagu foodhyayo oo caadifad lagu abuuray.” Ayuu yidhi md indho. C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa dib u dhaca ka jira gobolada bariga ku eedeeyay in ay sabab u yihiin aqoon yahamiinta iyo waxgaradka goboladaasi ka soo jeeda “Dib u dhaca waxa ku keenay waa iyaga, meesha nabadi taalo ayuu horumarku yimaadaa, waxa weeyaan, inanka debada jooga ama Hargeysa u dhashay ama Boosaaso u dhashay gurigoodu inuu jaamacad u keeni lahaa sidii uu biyo ugu qodi lahaa, sidii uu nabad ugu dhalin lahaa ayaa laga shaqaynayaa, laakiin ama Puntland ha sheegteen, deegaanadaasi dib u dhaca waxa ku keenay waa iyaga, meesha nabadi taalo ayuu horumarku yimaadaa, waxa weeyaan, inanka debada jooga ama Hargeysa u dhashay ama Boosaaso u dhashay gurigoodu inuu jaamacad u keeni lahaa sidii uu biyo ugu qodi lahaa, sidii uu nabad ugu dhalin lahaa ayaa laga shaqaynayaa, laakiin ama Puntland ha sheegteen ama SSC ha sheegteen anigu mushkilad Geeska Afrika ku soo korodhay oo hor leh ayaan u arkaa. Muhiimadu waxa weeye qofka bini’aadanku marka uu wada hadal iyo nabad wax ku doonayo ayay sax tahay, laakiin marka ay tahay annagu waxaanu ka mid nahay reerkan shiraya, waxa aad ka warhaysaa waxay ku dul shirayaan raaskaygii beeshan ka so jeedo ayaanu nahay, kuwa Garoowe joogaana waa wa tolkayo kuwa debada ka yimidana waa tolkayo, Garaadaduna way naga dhexeeyaan, cid ay ka dhulbahantaysan yihiina ma jirto.” ayuu yidhi Md Indho. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cali Koore oo ah xildhibaan ka tirsan golahawakiilada Somaliland isla markaana laga soodoortay gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay mid aan dadka u cuntami karin go’aamada ka soo baxay shirka Taleex isaga oo xusay in shirkaasi uu ku fiicnaa in uu ku ekaado mid lagaga tashanayo arrimaha beesha Sool Go’aamada ka soo baxay shirka Taleex ma aha go’aamo dadka u cuntami Kara si kastaba marka loodhigo, waxaana ka fiicnaan lahaa in shirkaasi noqdo shir hoosaad qabiiladu ku tashato arrimihiisa hoose wixii dan ah ee ay leeyihiin Jamhuuriyada Somaliland iyo wixii la tabanayo lagaga wada hadlo”. Ayuu yidhi xildhibaan Koore. Xildhibaan Maxamed Cali Koore oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa ku sheegay aragtidiisa shirka Taleex uu moodayey markii hore shir laga arrinsanayay danaha reerka, qabka uu u dhacay, iyo sida dad gaar ahi iskugu kooben iyo qodobada ka soobaxay aanu ahayn mid lahor keeni karo beesha Sool iyo buhoodle, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Runtii shirkaasi waxaanu markii hore u arkeynay shir hoose oo lagaga arrinsanayo danaha reerka, laakiin waxa uu noqdey shir siyaasadeed sidaa daraadeed qaabka iyo sida uu dhacay iyo sida dadka qarkii ay iskugu koobeen mid la hor keeni karo beesha sool maaha” ayuu yidhi Xil. Koore. Xildhibaan koore oo aanu weydiinay sida uu u arko shaqsiyaadka qurbo jooga ah iyo siyaasiyiinta danaha gaarka ah leh ee shirka Taleex hagaya, waxa uu yidhi “way jiraan rag badan oo qurbo joog ahi, had iyo jeerna qurbo joogu waa dad caadifiyiin ah oo aan xogogaal ahayn, xogogaalnimada iyo caadiyadana waxa horeysa caadifnimada, markaa anigu maqabowaanan ka digayaa in caadifad lagu maamulo.” Xildhibaan Koore, waxa uu baaq u direy dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool in ay ka fiirsadaan shirkaasi Taleex haddii aanu ku midho dhalin wax reer Sool iyo Somaliland dan u ah waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa reer Sool in shirkaasi ay ka fiirsadaan oo hadii wax ummada iyo dadka ama umadaha Somaliland in uu ka soo baxo oo aanu noqon mid cunfi iyo dhib keenaya, waxaanan qabaa in shirkaasi ku haboonaan lahaa in shirkaasi ku midho dhalo wax ummada Somaliland oo dhan u cuntama, wixii tabosho ahna laga wado hadlo ayaan anigu ku talin lahaa”. Ayuu yidhi Xildhibaan Koore.
-
Carafaat if you really wanna leave you're clan just insult them daily they will disown you voila and you left you're Clan:D
-
Baladweyne: Ciidamada Itoobiya oo wada dhaqdhaqaaq dagaal oo ka dhan ah Al- Shabaab.. 14. januar 2012 APL Baladweyne(AllPuntland)- Ciidamada dawladda Itoobiya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya ayaa bilaabay manta dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidin, oo dhawaan ka baxday magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan. Ciidamada Itoobiya ayaa saaka ka baxay gudaha magaalada meelo ka mid ah, ayagoo ku sii jeeda daafaha magaalada, gaar ahaana deegaanada dhanka bariga iyo Laamiga ee gobalka Hiiraan, ayagoo doonaya in ay qabsadaan meelo hor leh. Goobjoogayaal ayaa usheegay APL in ay arkayeen ciidamada Itoobiya oo ka baxaya saldhigyadooda magaalada, markaasna ku sii jeeda deegaanada Bariga magaalada iyo wadada aada Buula-Barde oo ah magaalada ay joogaan dhaqdhaqaaqa Shabaab. Abaabul dagaal ayaa ka jira Hiiraan wixii ka dambeeyey galitaankii Itoobiya, waxaana xiisad laga dareemayaa deegaanada Baardheere & Beerxaan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana jira warar sheegaya in Sahanka ciidamada Itoobiya uu gaaray deegaanka Beerxaan oo ka mid ah tuulooyinka ku teedsan magaalada Baladweyne. Ciidamada Itoobiya oo la xaqiijiyey in uu jab ka soo gaaray dagaal adag oo dhawaan ay ku galeen duleedka magaalada Baladweyne, balse dhamaadkii ay qabsadeen magaaladaas, markii ay baneeyeen Xarakada Shabaab, ayaa hada doonaya in ay isku fidiyaan meelo cusub, iyagoo si tartiib ah ueegaya xaaladah ka jira meelahaas oo ay cabsi ka qabaan duulaamo qorsheysan oo uga yimaada dhinaca ka soo horjeeda ee Shabaabul Mujaahidiin.
-
FreshPrince;774367 wrote: Lol, so what made Somaliland not divisible? Who said Somaliland cannot be divided? We all know that the clans of Hergeisa and Laascaanood are not from the same lineage. We also know that the clans from Boorama and Hergeisa are not from the same lineage, we also know that the clans of Eastern Ceerigaabo and Hergeisa are NOT from the same lineage. If Hergeisa can divide itself from Mogadishu, then Laascaanood, Boorama and Eastern Ceerigaabo can divided themselves from Hergeisa. You get what you do unto others. The Political culture of Somaliland is much different than that of the Koonfurians , In Somaliland not everything is about clan if we head that way the Maakhir Community can be divided into sub clans in to sub Administrations the same with the Garaad Clan, Imagine Fresh prince the Garaad clan shares a common ancestor with the Clans from the pudhlayn enclave.But they left the pudhlayn region for their own clan state tomorrow reer hebel garaad will say we want our own mamuul:D see qabilku ma joogsado it doesn't stop.
-
Freshprince people tried to divide Somaliland since the 1990s but they all failed , Somalia is pretty divided because it can be divided How many Mamuul goboleeds are there in Somalia right now Azania Galmudug Pudhlayn Ahlsuna Ximan iyo xeeb West Pudhlayn State And than you have the TFG How many Mamuul goboleeds you have in Somaliland non:D
-
Sounds good.
-
Somaliland:Egyptian deputy Ambassador arrives in the city of berbera
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
" frameborder="0" allowfullscreen> -
Safiir Ku xigeenka Masaarida U fadhiya Nairobi oo Booqday Magaalada Berbera January 13th, 2012 Berbera (Somaliland.Org)- Safiir Ku xigeenka dalka Masar u fadhiya wadanka Kenya Jamaal Mustafe oo socdaal ku jooga dalka ayaa maanta booqday magaalada Xeebta ku taala ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa safiir ku xigeenka masaarida ku soo dhaweeyay duleedka magaalada Berbera waxaanu sheegay inay niyadsami ku soo dhawaynayaan dublamaasigan. Badhasaabku wuxuu sheegay in socdaalka safiir ku xigeenku uu ka dhashay weftigii Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ku tageen dalka Masar. Badhasaabku waxa uu xusay in dublamaasigani uu indho indhaynayo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socda Bebera. Safiir Ku xigeenka dalka Masar u fadhiya wadanka Kenya Jamaal Mustafe, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqashadiisa Somaliland, waxaanu tilmaamay in dalkiisa iyo Somaliland ay iskaashi weyni ka dhaxeyn jiray qarniyo hore. Jamaal Mustafa waxa uu intaasi ku daray inuu socdaalkiisa Berbera uu ku darsayo xarakaadka Ganacsiga iyo marsada Berbera. Jamaal Mustafe wuxuu sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay xidhiidh adag la yeeshaan Somaliland waxaanu carabaabay inay Somaliland ku sugan yihiin koox dhakhaatiir ah oo takhakhusyo kala duwan leh kuwaasi oo uu xusay inay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameyn doonaan kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga Somaliland. Safiir Ku xigeenka Masaarida oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa booqday suuqa Berbera, Dekada iyo Madaarka Magaaladaasi.
-
3) Beesha Caalamka Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda iyo deegaan dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aaya ka tashiga madax-banaanidooda. Sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qaybqaataan dib udhiska qarankan. Ummada reer Somaliland waxay kasoo gudubtay maalmo badan oo qadhaadh illaa iyo marka laga soo bilaabo isticmaarkii gumaystaha, halgankii dibu xoraynta dalka iyo dhismihii qaranimada oo tacab badani ku soo baxay. Maantana waxaan ku kalsoonahay inay ka gudbi doonaan dibindaabyo kasta oo loo soo maleego, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad isku duubnaataan, illaalisaan qaranimada si looga midha gaadho himilada umadani mudada dheer ku naaloonaysay. Aad baa u mahadsantihiin Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu.” Dhinaca kale, fadhigan wada jirka ah ee Labada Gole oo uu Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa Mudaneyaashu ay u dhagaysanayeen si ixtiraam leh inta badanna way u sacbinayeen khudbadda Madaxweynaha
-
1. Ammaanka iyo Difaaca Qaranka : Gudoomiye, sanadkan waxaanu muhiimada kowaad siindoonaa kobcinta amaanka, kor u qaadida difaaca dalka si taa loo helona waxaanu tayayn-doonaa ciidamada kala duwan ee qaranka. Somaliland waxay xaq u leedahay difaaca xuduudaheeda sugan, kuwaas oo lama taabtaan ah. Waxaanay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo xad gudubta qaranimadeeda. Golayaashana waxaanu ka rajaynayaa xaalad kasta oo timaada in aad nagu garab gashaan. 2. Miisaaniyadda sanadkan 2012: Waxaanu diyaarinay Miisaniyad Sanadeedkii 2012, taas oo dakhliga odoriskeedu noqondoono lacag aan ku qiyaasnay Shan Boqol iyo Afartan Bilyan oo Somaliland Shillings (Sh.Sl. 540,000,000,000), taasoo marka la bar bar dhigo miisaaniyaddii kal hore ka badan 10%. 3. Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasada: Sanadkan waxaa inoo qorshaysnaa in la qabto doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka , Hadaba anigoo tix-raacaya go’aankii uu Golaha Guurtidu ku muddeeyay doorashada golayaasha deegaanada, waxaanu qabanaynaa doorashada dawladaha hoose sannadkan gudihiisa, taasoo suurta gelinaysa kobcinta iyo geedi socodka dimuqraadiyadda aynu dhabadeeda hayno. Maalinta doorashada, waxaa cayimi doona Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanan ururada cusub usoo jeedinayaa inay si saaxiibtino leh u tartamaan, illaaliyaan midnimada isuna haneeyaan cidii ku guulaysata. 4. Siyaasada Arimaha Debeda iyo Ictiraaf Raadinta: Waxaanu tegaynaa madal kasta oo danta Somaliland ku jirto, Waxaanu hor fadhiisanaynaa cid kasta oo aanu u aragno inay dani ugu jirto qadiyada madax-banaanida Somaliland. Waxaanu ka codsanaynaa shacbiga Somaliland gude iyo dibadba in ay ka qayb qaataan ololaha aqoonsi raadinta Somaliland. 5. Shaqo Abuurka: waxaynu ka war haynaa dhibaatada ay shaqo la’aantu dadkeena ku hayso, iyadoo si gaara ay ii damqayso dhalinyarada ka soo baxaysa jaamacadaha iyo iskuulada ee billaa camalka suuqa kula soo noqonaysa, hadana waxaad ogtihiin awoodeena dhaqaale iyo itaalkeena dawladnimo, mana haysano aqoonsi inoo suurtageliya inaynu hay’adaha dunida ee dhaqaalaha iyo maalgashiga laga martiyo sida World Bank, IMF. Dadkii aqoonta lahaa wuxuu u yaacayaa qurbaha si uu shaqo uga helo, shaqo abuurkana waxaa aasaas u ah dhaqaalaha iyo aqoonta. Waxaa loo baahan yahay inaynu isku tashano oo eegno sidii aynu isugu habaysan lahayn waxa aynu haysano, hadaba anagoo arrintan maanka ku hayna, waxaanu daraasad ku samaynay guryaha dawlada oo ka mida hantida ma guurtada ah ee qarankani leeyahay, waxaa noo cadaatay marka laga reebo inta xafiisyada dawlada in aanay guryaha dawladu qarankan waxba ugu jilayn sida ay hada yihiin, iyadoo intooda badani dad shicib ah iyo dad masuuliin ahaan jiray ay gacanta ugu jiraan, waxaana yar wax kiro bixiya, ama guryaha ay ku jiraan dayac tira, waxay ku kala yaalaan dhamaan gobolada wadanka, waana sidan: Hargeisa 501 Guri Burco 119 Guri Borama 63 Guri Berbera 264 Guri Ceerigaabo 23 Guri Sheekh 24 Guri Saylac 21 Guri Oodweyne 3 Guri Total 1030 Guri Bal hadaba, 1030-kaa guri markii la qiimeeyay waxaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa illaa $170,000,000. Waxaanan aaminsanahay inay aritani gundhig u noqon karto dhaqaale suurageliya warshado ka badan 10 warshadood iyo wax soo saar ummada u keena shaqo abuur ay ka shaqayn karaan muwaadiniin badani. 6. Samafalka iyo Mucaawinooyinka: iyadoo ay hay’adaha caalamiga qaar ka mida iyo wadamada islaamka qaarkood inaga soo gaadhaan mucaawinooyin kooban oo danyarta iyo foqorada lasiiyo, ayaa waxa muuqata in aanay isla jaan qaadin hayadaha kaalmada bixiyey iyo kuwa dawlada ee qaabilsan sida: Hay’ada AfooyinkaNERAD, Ururinta Zekada, Xafiiska mucaawinooyinka ee madaxtooyada iyo xafiiska dawlada la shaqeeya WFP. Sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa komishin guud oo kulmiya Hay’adahaas. 7. Sanaag Bari, anagoo maanka ku hayna muhiimada ay qarankan u leedahay, baahida loo qabo maamul fidinta iyo horumarinta bariga sanaag waxaanu qorshaynay mashaariic gaadhaysa illaa 3 Bilyan SL shillin taasoo u dhiganta ½ million US Dollar. (Nus millyan) 8. Barnaamijka Iskaa wax u qabso oo aan sanadkii hore inoo suurto gelin, duruufihii dhaqaale darteed Waxaanu dib u bilaabaynaa barnaamijkii “iskaa wax u qabso” oo aanu jecelahay in musuuliyiinta iyo dhamaanba bulshadu ka qayb qaadato. Marka cududa ummada la isu-geeyana wax weyn ayay qaban karaan. 9. Waxaanu dedaal gelinaynaa tayayta tacliinta sare, si jaamacaduhu ugu hellaan fursad waxbarasho waxaanu abuuri doonaa nidaam suurageliya in ardayda dugsiyada sare ka qalinjebisaa ay soo maraan hal sano oo shaqo qaran ah (National sevice) iyadoo arintan suurtagalnimadeeda ay ku xidhnaan doonto haynteena, inkasta oo culayskeedu badanyahay waxaase hubaal ah inay dhalinyarada u tahay barbaarin, qarankana u tahay xoog, shaqo iyo difaac, Jaamacadanaha fursad siin-doonto. 10. Barnaamijka xaqsiinta Ciidamada qaranka, Ciidamada qalabka sida ee JSL oo ka kooban Ciidanka Millitariga, Booliiska iyo Asluubta waxay la xuquuq yihiin shaqaalaha dawlada oo iyagu hella xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin balse xubnaha ciidamada kala duwan ee inoo haya shaqada ugu muhiimsan ee aynu halkan ku fadhino ma hellaan xuquuqdooda shaqaalanimo, sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa Hay’adda Xaqsiinta ciidamada qaranka Gebogebo 1) Saxaafadda Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee xorriyatul-qawlka. Xorriyadda saxaafadda iyo madax banaanida fikirka muwaadinka waa arin aan ixtiraamayno. Waxaanu dul qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee naloo soo jeediyo. Hase yeeshee, waxaa soo baxay qaar ka gudbay xuduudii uu sharcigu ogolaaa sida TV-ga gaarka loo leeyahay ee Hon Cable TV oo caadaystay faafinta borobagaadada lidiga ku qaranimada Somaliland. 2) Culimada Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.
-
8. Beeraha: Waxa la sameeyay sahan lagu qiimaynayo cuntada dalka ka soo go’day, taas oo lagu qiyaasay in ay dalka ka soo go’een isugayn 66,451 ton oo hadhuudh ah iyo arabikhi dhan 60,997 tons. Wasaarada Beeruhu waxay ogaatay celcelis ahaan roobka wadanka ka da’ay. Iyada oo kaashanaysa qalab roobbeedyada lagu rakibay gobolada, Waxa dalka laga beeray Bariis, waxaanan, Mudanayaal, idiin cadaynayaa inuu ahaa mid damcadiisa dhadhan ay aad u macaan tahay oo aan aniga laftaydu cunay aadna ugu farxay, waxaa beeralayda loo qaybiyay qalab beereedyo kala gadisan oo dhan. 10 Cagaf cagaf oo cusub oo qiimo jaban lagu tartansiiyay beeralayda dalka iyo qalab kale oo badan. 9. Waddooyinka: Waxaa dayactir lagu sameeyay wadada laamiga ee u dhexeeya Laascaanood illa Kalabaydh, Waxaa Dawlada iyo Bulshada reer Boorame iska kaashadeen Dilla illaa Borame oo ay dhamaadeen illaa 10KM, waxaanan bogaadinayaa dhamaan intii ka qaybqaadatay. Waxaanu gacan ka gaysanay wadada cusub ee gacanta lagu hayo ee Burco – Oodweyne. 10. Siyaasadda: Go’aan-ka-gaadhidii furashada ururada siyaasadeed iyo abuuridda gudida diiwaangalinta, iyo ansixinta axsaabta iyadana waa la fuliyay. 11. Gudoomiye, waxaanu idiin soo gudbinay Qorshaha Shanta Sanno ee dalka (5 Years Plan) oo idin horyaalla si aad ula socotaan ku talo-galka xukuumada. Qorshan oo tusmayn-doona tacabgalkeenna iyo waxqabadkeena, waxa kale oo aan ku rajo weynahay inuu cid kasta oo danaynaysa, inay Somaliland wax la qabato amaba wax la qabsato, u fududayn doono fahamka ay uga baahan yihiin baahideena horumarineed, ta dhaqaale, ta caafimaad, ta waxbarasho iyo guud ahaanba yoolkeena waqtiga dhaw. 12. Kuliyada Tababarka Saraakiisha Ciidanka oo uu dalku baahi weyn u qabay ayaa la dhisay oo dhamaatay. Waxaa la diyaariyay derajada iyo qaab-dhismeedka ciidamada kala duwan ee qaran, Waxaa lasoo gebgebeeyay inta badan tirakoobka ciidamada ee aagaga dalka anigoo rajaynaya in uu dhamaandoono bilaha fooda inagu soo haya, intaa ka dibna waxaa la dhaqangelindoonaa derajada ciidama. Waxaa kor loo qaaday tirada iyo tayadii ciidanka illaalada xeebaha sidoo kale waxa la dardargeliyay kaluumaysiga oo dakhli intii hore ka badani uga hoyday qaranka. 13. Dhalinyarada iyo Ciyaaraha: Shaqo abuurka, hurumarinta dhalinyarada iyo dhiirigelinta cayaaruhu waxay ka mid tahay meelaha dawladaydu ay mudnaanta siisay iyadoo aanu shaqaalaynay dhalinyaro gaadhaysa 2759 cusub. Waxaanu dhaqangelinay siyaasada dhalinyarada ee heer qaran, waxaanu suuragelinay in xayiraada laga qaado dhalinyarada oo ay u tartami karaan 25jirku golayaasha Deegaanka. Hasayeeshee shaqo la’aantu way ka badan tahay mid sanad iyo labotoona lagula tacaali-karo waxaase noo qorshaysan in la yareeyo shaqo la’aanta. Sidoo kale waxaanu qabanay tartankii cayaaraha gobolada iyadoo dibu dhis lagu sameeyey garoomada Hargeisa iyo Burco, kii Berberana gacantaa lagu hayaa. 14. Waxaanu gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan kana soo talo bixiyaan Dumarka iyo Beelaha laga tirada badan yahay oo dhibaato ku qabo Doorashooyinka, waxaanan golayaasha usoo gudbindoonaa wixii kasoo baxa. Anigoo fulinaya balan-qaadkaygii, tixgelina siinayna xuquuqda dadka laga tirada badanyahay waxaanu shaqaalaynay 27 xubnood oo kasoo jeeda beelahaa. Waxaa dheer dhawr iyo sodon arday oo ka soo jeeda beelahaa laga tirada badanyahay oo ay xukuumadu ka bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaya Maayirka Gabiley Marwo, Khadra Xaaji Gaydh oo ka dhex muuqday sanadkan wax-qabadkeedu rag iyo dumarba. 15. Siyaasadda Dibedda: Mudanayaal iyo marwooyin, annagoo maanka ku hayna muhimadda uu mandaqadda u leeyahay, xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Djibouti iyo dalka itopiya ee aynu saaxiibka nahay halkaas oo si weyn naloogu soo dhaweeyay. Waxaanu kulamo la yeelanay madaxda dawladahaa. Booqashooyinkaa oo aan ku kalsoonahay inay sii adkaysay xidhiidhka iyo waxwada qabsiga aynu la leenahay labadaa dawladood ee aynu walaalaha nahay, waxaanu kaga wada hadalnay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada, dhaqaalaha, iyo gancsiga, kulankaa ka dibna waxa Djibouti dib looga furay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd oo muddo xidhnaa. Xidhiidhka aynu la leenahay wadamada carabntu aad buu u jilicsanaa, sidaas awgeed ayaanu ku ibo furnay booqasho rasmiya oo aanu ku tagnay wadamada Imaaraadka carabta, Kuwait iyo Masar oo aanu martiqaadyo ka helay, sida runta ahna waxa naloogu soo dhaweeyay oo ay madaxda iyo Amiirada wadamadaasi nagu qaabileen maqaam sare. Iyadoo aynu garankaro muhimada uu safarkaasi u lahaa qaddiyaddeena, haddana ujeedadii ugu muhiimsanayd ee aanu halkaa u tagnay, isla markaana aanu madaxdaa carbeed kala soo hadalnay, baahida soo noqnoqota ee dalkeenna ka haysata abaaraha iyo biyo la’aanta iyo sidii aynu maalqabeennada carbeed indhahooda ugu soo jeedin lahayn, khayraadka dihin ee dalkeena oo ay u baahan yihiin. Sida runta ahna inkasta oo aannaan ka soo wada helin wixii aynu wayddiisanay iyo baahiddii aanu hor dhignay, haddana waxa hubaal ah inaynu wax la taaban karo kala soo noqonay. Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadanka shiinaha oo aanu ka wada hadalay maalgashiga dhulkeena isfaham fiicana waanu isla gaadhnay wakhtigan xaadirka ahna waxaa ku muqan wefti waxaana aanu ku rajaweynahay in uu xidhiidhkaasi midho dhal noqondoono. 16. Warfaafinta: Waa markii ugu horaysay ee Tv-ga qaranku uu gaadho daafaha dunida iyadoo Raadiyihiina qandaraaskiisii la bixiyay gacantana lagu hayo dhismaha iyo dhamaystirka idaacad gaadha wadanka gudihiisa iyo debadiisaba. 17. Waxaa horumar fiican laga sameeyay Dekeda Berbera, Madaarada Hargeisa iyo Berbera. 18. Goloyaasha: Waxaa hubaal ah in mudadii golahani shaqaynayey uu kala kulmay xukuumadii iga horaysay jawi cakiran oo dabartay shaqadiisii, balse sidii aan kalhore halkan idinkaga codsaday wada shaqayn iyo iskaashi, waxaan qirayaa inaan ka helay gacan buuxda iyo wada shaqayn fiican, waxaana sanadkan aan usoo gudbiyey golayaasha 24 Xeer oo ay ansaxday lana dhaqangeliyay 12 xeer oo ka mid ah, waxaanan goloyaasha uga mahad-celinayaa wada-shaqaynta fiican ee ay ii muujiyeen, waxaan leeyahay, aad-baad ugu mahadsantihiin. Shirka Taleex Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga arrinsanaysay arrimaheeda dhaqan iyo horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuqato inay xiligan ka soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto beelahaa. Dawlada Somaliland marnaba ma ogolaandoonto in qarankan lakala qaybiyo iyo in lagu qadhaabto magacayo aan jirin, waxaanu difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Somaliland, intii mas’uulka ka ahayd shir-qoolkaasna waxaanu u aragnaa in ay yihiin dembiilayaal qaran. Wax-garadka, Samo-taliska iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaa ay la wareegayaan kooxdaa kusoo duushay wadajirka umada. Qorshe Sannadeedka 2012
-
Warbixinta Xukuumada ee Sanadkii 2011 Mudanayaal iyo marwooyin; muddo sanad iyo badh ku dhaw oo aanu talada haynay, waxqabadkii xukuumadda iyo halkii ay ka soo bilowdayba inta badan waxa uu ku xusan yahay buugga idin horyaalla ee saaka la idiin qaybiyay. Kal hore haddaaya, waxaaan halkan ka jeediyay khudbad sanadeedkii taasoo xambaarsanayd xog-waran buuxa oo la xidhiidha duruufihii markaa yaallay ee ay xukuumadda cusubi la kawsatay, sidii ay uga soo dabbaalatay, iyo ballanqaadyo tiro badan oo aanu hortiinna ka sheegnay inay xukuumaddu qobandoonto sannadkan dhammaaday. Ballanqaadyadaa fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awooddu dhaqaale inoo saamaxaysay, waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa 85% ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka 10% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, 5% keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii. 1. Nabadgelyada: Nabadgelyadu waa halbawle, waana waxa ugu qiimaha badan ee aynu haysano sanadkana waxa ina soo maray dhawr shaqaaqo oo ka kala dhacay meelo kala duwan, waxaanay kala ahaayeen Kalshaale, Ceelbardaale, Ceerigaabo Yagoori iyo Seemaal, Waana ogtihiin oo dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii daata, Waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiintii, odayadii, waxgaradkii iyo culimadii ka hawl galay, waxaana hawlgal nabadeed laga sameeyay Widhwidh, Laascaanood, Ceerigaabo, Gebilay iyo Dilla, dhamaantood waxay ku dhamaadeen is-afgarad iyo jawi nabdoon. Waxaanu kor u qaadanay hawlaha adeega nabadgelyada. 2. Dhaqaalaha: Dhaqaaluhu waa laf dhabarta horumarka waxaan sanadkii hore aanu miisaaniyadiisa kordhinay 70% marka loo eego miisaaniyadii ka horaysay, waanay soo xerootay odoroskii la qorsheeyay qadar aad u yar mooyaane. A. Waxaanu sanadkan soo daabacnay lacagta Somaliland ee 1000 iyo 5000 iyadoo ay timi baahi lacageed lana hor keenay golahan oo uu ansixiyay. B. Bedelaada Lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray Gobolada qaar. Waa ogtihiin culayska dhaqaale ee ay lahayd, maantana waxa dhulkaa laga isticmaalaa lacagta Somaliland. 3. Waxbarashada: Ballanqaadku waxa uu ahaa in dugsiyada dawladda loo shaqaaleeyo 1500 oo macalimiin oo cusub, waxaanu shaqaaleeynay 1700 oo macallin, waxaanu billaash ka dhignay waxbarashada dugsiyada aassaasiga ah, arintani waxa ay culays weyn ka qaaday danyarta iyo inta bulshada ugu nuglayd, waxaanay fursad siisay arday badan oo ay ku adkayd inay helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada. Waxa kale oo aanu ballanqaadnay inay xukuumaddu kafaaloqaadanayso oo lacagta Fiiga jaamacada laga bixin doono 20ka arday ee imtixaanka ugu sareeya dugsiyada sare ee dawlada, iyo waliba 6-da hablood ee ugu sareeya imtixaanka dugsiyada sare oo iyagana laga bixiyo Jaamacada, ballantaasina way fushay oo 150 arday ayaabay gaadhaysaa tirada ardayda sanadkan fiiga laga kafaaloqaaday. 4. Caafimaadka: Waxaanu ka qabanay in ka badan intii aanu balanqaadnay, Dhammaan gobolada waaweyn waxaa lagu sameeyay dib u habayn, dayactir iyo qaar wax lagu kordhiyayba, weynu ognahay baahida dalkeenu way ka mug weyn tahay mid aynu kaligeen wada *****li karayno sidaa awgeed waxa gacan muuqata ka siiya dawlada oo ka caawiya haya’do caalamiya, inkastoo aanay gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa laakiin haba iska yaareetee waynu ugu abaal haynaa, waxaanan ku rajo weynahay in ay kordhin doonaan kaalmadaa caafimaad. Waxaan odhan karaa sanadkan dhammaaday waxa caafimaadka laga qabtay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawlwadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa, waxaa Ambalance-yo cusub loo qaybiyey Boorame, Gabiley iyo Ceerigaabo. Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalimi ah iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale Gabiley waxa laga furay cusbitaal cusub, Waxaa ballan-qaadkayagii ka mid ahaa inaanu shaqaalayno 443 isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada caafimaadka, waana la fuliyay oo way hawlgaleen. 5. Xoolaha: Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkood iyo daryeelka iyo deegaanka ay ku nool yihiin. Ballanqaadkayagii horena waxa uu ahaa in la Hawl-galiyo 6 kooxood oo ku wareega Gobolada dalka oo ah Dhakhaatiirta Xoolaha, nasiib wanaag waxa hawshaa ka qayb qaatay 30 kooxood oo dhakhaatiira. Waxaa sanadkan ka dhoofay Dekeda Berbera xoolihii ugu badnaa, taasi oo muujinaysa in dhoofka xooluhu uu sare u kacay. Waxaana xoolaha dhoofay kala yihiin: • Adhi = 2,386,705 neef • Lo’o = 529,195 • Geeluna = 470,540 Deegaaanka si loo xoojiyo ilaalinta dhirta iyo badbaadinta Deegaanka, waxa la shaqaaleeyay in ka badan boqol qof oo aqoon iyo khibrad u leh ilaalinta dhirta, deegaanka iyo duurjoogta kuwaasoo ka hawl galay goboalada iyo degmooyinka dalka. 6. Cadaalada iyo Garsoorka: Si kor loogu qaado waxa la qabtay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad ka sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeerilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd inuu soo saaro talo cilmi ku dhisan oo lagu saxo caddaalada iyo garsoorka dalka waxa ka soo baxay oo laga soo saaray Buug indha-fur u noqonaya dadaalka aynu ku doonayno inaynu dhisanno nidaam cadaaladeed iyo garsoor lagu bogsado. Anagoo ka duulayna talooyinkii kasoo baxay daraasadaas iyo ka midho dhalinta sidii ay bulshadu u heli lahayd cadaaladad sugan, waxaanu isbedel ballaadhan ku samaynay masuuliyiinta Gudiga Cadaalada, Maxakamada Sare, iyo dhammaan maxakamadaha Racfaanka, Gobolada iyo degmooyinka. 7. Biyaha: Biyuhu waa noloshii, waxaana xanuun wayn inagu haya abaarta soo noqnoqta iyo culayska ay biyo yaraantu ku hayso horumarkeena iyo dhaqaalaheena. Sanadkan dhamaaday waxa la dhamaystiray 22 Ceel-biyood oo dhaadheer, halka gacanta lagu hayo 19 Ceel-biyood oo dhaadheer kuwaasoo ku baahsan inta badan gobolada dalka iyadoo loo eegayo baahiyaha iyo helitaanka biyaha. Waxa dhamaaday 23 Barkadood oo laga qoday guud ahaan gobollada dalka. Waxaana socota biyo-galin lagu samaynayo 18 Tuulo, kuwaasoo ku kala yaaala gobolada Awdal, Salel, Maroodijeex, Togdheer, Saaxil iyo Sool. Iyadoo Xukuumaddu dedaal dheer ugu jirta sidii loo *****lilahaa baahida biyaha, waxay maal-galin dhan 27 ½ Milyan oo dollar, ka rajaynaysaa Midawga Yurub (EU), taasi oo kor loogu qaadayo habka biyo-galinta magaalooyinnka Hargeysa, Ceerigaabo, Wajaale iyo Burco. Wakaaladaha Biyaha Hargeisa iyo Burco waxay ku tallaabsadeen horumar fiican.