Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Weftigii Wasiirrada ee socdaalka ku joogay bariga Sanaag oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed January 23rd, 2012 Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Weftigii Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ee socdaalka shaqo ku joogay degmooyinka Bariga Sanaag, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cisbitaal cusub iyo Ceel-biyood Riig ah oo laga Hirgelinayo magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Badhan. Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka hadlay dhagax dhigii dhismaha cisbitaalka iyo ceel-biyoodkaasi ayaa madax dhaqameedka iyo dadweynaha gobolka Badhan uga mahad celiyay siday ugu soo dhaweeyeen deegaanka uu ka soo jeedo, waxaanu uga xog waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay inuu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa dhinaca ammaanka deegaanadaasi loogana hortagi lahaa wixii fad-qalalo gelin kara wada jirka ummadda. Wasiirka Gaashaan-dhigu wuxuu sheegay inay xukuumadda Axmed Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ay deegaanada bariga Sanaag u qorshaysan sanadkan 2012-ka ,mashaariic badan oo uu xusay in lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee deegaankaasi, waxase uu ka dalbaday waxgaradka iyo dadweynaha Badhan inay nabad-gelyo ku kasban karaan horumarka ay bulshadoodu u ooman tahay. Md. Cadami waxa uu u soo jeediyay dadweynaha gobolkaasi inay la shaqeeyaan maamulka dawladda Somaliland oo uu carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada. Sidoo kale, Suldaanka Guud ee beelaha War-sangalli Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan Cali Shire oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu xukuumadda Somaliland uga mahad celinayo dhismaha cisbitaalka iyo ceel-biyoodkaba, waxaanu tilmaamay inay labadaba baahi weyn loo qabay. Waxa kale oo uu Suldaanku weftiga Wasiirka ka dalbaday inay wax weyn ka qabtaan horumarinta gobolka oo uu sheegay inay adeegyadiisa aasaasiga ahi liiteen. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Cuqaasha deegaanka Badhan oo hadalo mahad naq iyo soo dhawayn ah weftiga ku qaabilay. Dhinaca kale, Weftiga Wasiirka Gaashaan-dhigu wuxuu kormeer ku soo maray xeryaha ciidamada ee gobolka Badhan, waxaanu salaam sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka oo degmada Badhan. Weftiga Wasiirka waxa xubno ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, Guddoomiyaha Gobolka Badhan C/Xakiim Wahaabi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee saldhiga sadexaad ee ciidanka qaranka Yaasiin Cismaan, waxaanay weftigu galabta ku soo guryo noqdeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Dhinaca kale, Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Maxamuud Siciid Gacamay oo isaguna socdaal ku maraya magaalada Dhahar ee degmada Badhan ayaa kulamo kala duwan oo la xidhiidha adkaynta nabad-gelyada la yeeshay cuqaasha iyo madax dhaqameedka deegaankaasi. Weftiga Wasiirku waxay maanta ka soo kicitimeen degmada Dhahar waxaanay galabta soo gaadheen tuulada Busle oo 20 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhahar.
  2. Magalaada berbera Saaxil province http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=A5nROP_42t4#!" frameborder="0" allowfullscreen>
  3. The people of baki strongly behind the Somaliland armed forces " frameborder="0" allowfullscreen>
  4. Jb miyanaad xiishoonayn ma qaran dhan oo dhakh ah ayaa jira waba duul rogmaday kuwaasi maad ugu yaraan tidhaahdiid hiil dhakh ileen dhakhda mar mar waba loo hiliyaa eh.
  5. The professor is looking for solutions for the problems in the somali peninsula hiil qaran is one of the initiatives he took the professor is a strong believer of his somaliland identity as a group of people who live in that particular region.He always talks about the reer woqoy as a selective group. This man is above silly clan mentality a unionist who understands that somaliland national unity is needed and needs to be supported regardless of their independence claim.He believes if he loses somaliland he loses all hope unlike abtigis a man who advocates for neo f@qashism in the horn africa so let's clear things up a bit. The professor is cool we don't agree on all points but we can get along fine.
  6. Brofosoorka maxa lugu haysta hadu qabyalaadi iyo mamuul beeleysi ka so horjeedo wa wax wanaagsan hala so dhaweyo qabyaaladu wa cudur dad na wali way faafinayaan. Brofosoorku hawlo qaran bu haya halaga danbeyo.
  7. I do post the news here and there Somalia but Dr Osman beats me with the oil thing:D
  8. (MAQAL IYO MUUQAAL) WAFDI HEER WASIIRO AH OO KA SOCDA SOMALILAND OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DHAHAR Dhahar (SPR): Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka hormarinta deegaanka iyo arimaha reer miyiga ee S/land ayaa maanta waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dhahar. Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa wehelinayay Gen. Ceydiid Axmed Nuur oo ah taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Sanaag, Duqa Magaalada Dhahar ee Somaliland, iyo Waliba Siyaasi Axmed Aadan Gurey ahna madaxa Dhahar Construction oo isla markaana barnaamijyo badan ka fuliyey degmada Dhahar. Wafdigan ayaa waxaa magaalada banaankeeda kaga horyimid shacab iyo ciidamo aad u fara badan iyagoo si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey ayaa waxay waqti kooban kula hadleen isla markaana u sheegeen in ay u yimaadeen magaalada sidii ay nabada iyo hormarka gobolka u xoojin lahaayeen. Wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta Reer Miyiga Dr. Maxamuud Siciid Gacmey ayaa sheegey in ay joogayaan maalmo isla markaana ay la shiri doonaan shacabka reer Dhahareed isagoo aad ugu mahad celiyey sidii ay usoo dhaweeyeen. Axmed Aadan Gurey ayaa u sheegey in ay u yimaadeen sidoo kale dhisida Maxkamada Derejada Koowaad, Iskool, iyo waliba Garoonka kubada cagta, maadaama ciyaartooyda kooxda Dhahareed ay soo hoyeen guula badan sanadihii ina weydaartey isla markaana ay yihin kuwa heersare kubada cagta ka gaarey. Axmed ayaa sheegey in mashaariicdan ay qaarna ka heleen hay'ado qaarna ay dowlada Somaliland ugu deeqday. Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley Nabadoonada ugu caansan gobolka iyagoo sheegey in ay si diiran usoo dhaweynayaan wafdiga, laakiin beeshu ay tahay beel balaadhan isla markaana ay u dhameystirneen adeegyada ay u baahanyihiin, laakiinse aysan saluugeynin waxa ay haatan u keeneen. Nabadoonada ayaa shacabka ku booriyey in ay intaasi in la mid ah ay ka qeyb qaataan hormarinta deegaanka
  9. Keyse abdi yusuf a good man he sees the bigger picture that the people of somaliland need unity and progress instead of small clan states well done mr keyse abdi yusuf.
  10. Nothing but cries from the garowe clan enclave so far in garowe and here on sol I say cry me a river.
  11. President silaanyos government is willing to talk he said his door is always open for talks let the khaatumo people accept the peace talks if they are really interested in talks. Keep in mind carafaat khaatumo is one section of the garaad clan than there are the ssc group xaglotoosiye. Let's see how it goes.
  12. Banaabax aad u balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland iyo ciidamada qaranka oo ka dhacay dagmada farawayne Bashiir Abdisalaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa isna ku dheeraaday taageerada hiil iyo hooba leh ee ay lagarabtaagan yihiin..... Hargeisa (GNS)-Banaabaxan oo aad la isugu soo baxay waxa soo qaban qaabiyey maamulka, waxgaradka iyo aqoonyahanka iyo bulsho waynta dagmada farawaye. Banaanbaxan oo ahaa kii ugu waynaa ee noociisa ah ee ka dhaca dagmada waxa ugu horayn ka hadlay Enginer Husein Abdi geedi (gudomiye xigeenka hay’ada wadooyinka SRA) isagoo aad ugu dheeraaday sida ay dagmo ahaan uga go’an tahay inay hiil iyo hooba la garab istaagaan ciidamada qaranka taageersan yihiina khudbadii uu madaxwayne Siilaanyo ka jeediyay labada gole. Bashiir Abdisalaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa isna ku dheeraaday taageerada hiil iyo hooba leh ee ay lagarabtaagan yihiin ciidamada qaranka eek u sugan jiida hore ee barri “ waxaan mahad u celinayaa dhaman dadka reer farawayne ee ka sooqayb galay banaanbaxan, dhinaca kale waxa dalka soo duulay cadaw, cadawgaas oowadanka gudihiisa soo galay waxaan muujinaynaa in aan hiil iyo hooba la garabtaganahay ciidamada qaranka”. Cabdi cumar giji oo halkaa ka hadlay ayaa isna ku dheeraaday sida ay uga xun yihiin una rabin in dalkooda uu soo weeraro wax cadaw ku ah qaranimada soomaaliland waxaanuuu baaq u diray dadka isku sheegay inay yihiin maamul goboleed oo uu ku tilmaamay inay yihiin ashkhaas ka soo biyaystay wadamada caalamka ujeedadooduna tahay inay helaan mashruuc ay wax ku cunaan “ fariinta aan u dirayno ciidanka qaranka eek u sugan jiida hore waxaan leenahay waxa idin la gudboon inaad gaadhan xuduuda Somaliland oo aad sugtaan xuduudaha Somaliland, anagana waxa lana waydiiyaa waa taageero dhaqaale iyo mid gacmeedba”. Gudoomiyahay dagmada farawayne Maxamud Aw cali oo halkaa isna hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay dadwayana dareenka muwaadinimo muujinaya ee isugu soo baxay manta dagmada farawayne, waxana uu gudoomiyihu aad uga hadlay xaalada ka tagan taleex iyo barriga dalka, waxaanuu fariin udiray kuwa ku riyoonaya waxii la odhan jiray somaliwayn in ay dhamaantay wakhtigeedii fikirkeedii horena Somaliland ay lahayd hadana ay danaheeda iyo danaha dadkeeda dalkeeda ka shaqaynayso loona baahnayn in lagu daba daalo, waxana uuu so dhaweeyay gudoomiyihu khudbadii u madaxwayne siilanyo ka jeediyay labada gole ee sanad laha ahayd Waxa iyaguna halkaa kahadlay Odayaal badan oo ay ka mid ahaayeen, cabdi gaydh, mukhtar sheikh maxamud, oday xaashi, maxamed axmed bidi, taliyaha booliska ee dagmada farawayne iyo maxamed dhago oo dhamaan ku dheeraaday sida ay uga goan tahay in ay ciidamada taageerayana oo ay biyo kama dhibcaan tahay jiritaanka qaranimada Somaliland
  13. ^^ What allies in Somalia did you not hear you're closest kin in Garowe rejecting you're new clan state?
  14. Capital city of Awdal Borama http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=m-Oi8dp2G1U" frameborder="0" allowfullscreen>