-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Wareysi: Madaxwayne Biindhe oo ku sugan Gaalkacayo Tuesday, February 14, 2012 - 04:17 PM Listen Madaxwaynaha Khaatumo State of Somalia oo ka warramay xaaladda safarkiisa uu ku sii jeeday Muqdisho iyo carqaladaha uu kala kulmay Magaalada Gaalkacayo (dhagayso). Mar uu ka warramayay Madaxwayne Biindhe safarkiisa uu ku sii jeeday Muqdisho ayaa waxa lagu xannibay inuu ka duulo magaalada Gaalkacayo. Maamulka Garoowe ayaa ku hawlan sidii uu u carqaladayn lahaa Khaatumo State oo dar dar iyo habsami u gudanaysa howlaha dowladnimo ee ay ka filayaan Shacab waynaha ree Sool,Sanaag iyo Cayn. Waxa uu madaxwaynuhu intaa ku daray in ay muhiim tahay in Khaatumo State ay yeelato xornimo ah gegi diyaaradeed oo shacabka SSC ku ilaashadaan xuquuqdooda bani aadanimo. http://www.xargaga.net/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=5027
-
Nice mirqaan ha walaato
-
Zinaawi Tells Siiilaanyo to talk JigJiga Admin
Xaaji Xunjuf replied to Jiiroow Bakaal's topic in Politics
source Puntland post.com:D -
Dagaalyahano Taabacsan Sheekh Atam Oo Duleedka Boosaaso Ku Dilay 17 Askarta Puntland Ah, Muddo Saacado Ahna La Wareegay Fadhiisinka Suqure Ee Ciidamada Ay Xasuuqeen Boosaaso (Ramaas) Feb 14,2012 – dagaalyahano taabacsan Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa weerar ay ku qaadeen fadhiisin ciidamada Maamul goboleedka Puntland ku lahaayeen deegaanka Suggure oo qiyaastii 40KM oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Boosaaso ay ku dileen 17 askari. Weerarkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa la sheegay inay soo qaadeen ciidamo badan oo taageersan Sheekh Maxamed Siciid Ata moo dagaal kula jira maamul goboleedka Puntland isla-markaana fadhiisimo ku leh buuraha Galgalla. Sarkaal ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Puntland oo aan magaciisa sheegin ayaa warbaahinta u sheegay sida wax u dhaceen “Weerarka waxaa lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland oo ku yaalla Sugurre khasaare badan ayaa ka soo gaadhay weerarka, deegaankana waxa muddo kooban la wareegay ciidamada xoogagga weerarka soo qaaday” ayuu yidhi sarkaalkaasi. Inkasta oo aan la ogeyn khasaaraha soo gaadhay dagaalyahanada Sheekh Atam ayaa haddana weerarkani waxa uu dhabar jab laxaadle ku yahay maamulka Puntland, kuwaasi oo xalay warbaahinta ka sii daayey inay gacanta ku dhigeen inay qabteen nin ay sheegeen inuu walaal la yahay Sheekh Atam.
-
Khaatumo might join Ethiopia after being ignored by Mogadishu
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Carafaat;789040 wrote: For some searching Somali unity might even lead to Ethiopia and Zenawi. :D:D -
War jacaylbaro waliga manad Masar tegin waagaan dhaliyarada ah ayaan mar so maray meeshu meel xun maha runti aad ha u nicin Masaarida iyaga iyo xabashida wey iska heshiin doonan si ay webiga nileka u wada dhuuqaan.
-
Jacaylbaro we don't hate Egyptians we hate their policies Egypt umu duniya
-
Wasiirka Arr. Dibada oo kulan uu la yeeshay wefti Masaari ah kaga hadlay cilaaqaadka labada dal February 14th, 2012 a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/02/photo-group.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay isku waafaqeen dalka masar inay iska kaashadaan Somaliland. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed binu Marwaan. Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan si diiran u soo dhaweeyo weftiga balaadhan ee ka socda dalka Masar ee aanu walaalaha nahay khaasatan Maxamed Ibnu Amiir oo safiirka Masar ee dalka Jabuuti oo dhawr jeer oo horena halkan noogu yimid farxad weyn ayay noo tahay socdaalkooda xiligan. Masar waa dal aynu walaalo nahay oo muddo dheerna dalkan Somaliland uu xidhiidh aad u dheeri ka dhaxeeyay oo la xidhiidha dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada .” < “Waxaan aad ugu faraxsan nahay xidhiidhka imika ka dhaxeeya Somaliland iyo Masar oo imika xoogaystay ka dib markii dawladaha Masar iyo Somaliland wada hadalo toos ahi dhex mareen. Waxaan uga mahad celinayaa socdaalkii aanu ku tagnay dalkaasi oo aanu la kulanay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasiirro kale, waxana nuxurkii aanu kulamadayadiina waxay ahaayeen in labada dal wada yeeshaan xidhiidh aad u adag.” “Waxaanu halkan u fadhinaa wefti masar uga yimid sidii xidhiidhkaasi loo hirgelin lahaa oo ay ka mid tahay in dawlada Masar ay dhisto maxtabad lagu barto dhaqanka carabta iyo luuqada carabigaba. Taasi waa guul weyn oo aanu uga mahad naqayno dawlada Masaaridda gaar ahaan safaaradaha dalkaasi ee Jabuuti iyo Nairobi,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu. Wasiirku wuxuu sheegay inay koox dhakhaatiir ah oo ka socota dalka Masar ay adeeg caafimaad ka fuliyeen Hargeysa, waxa kale oo uu xusay inay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay Masar siin doonto ardayda reer Somaliland. Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay ka wada hadli doonaan masaarida iskaashiyo kala duwan oo ku wajahan dhinacyada Ganacsiga iyo xoolaha ah. “Waanu soo dhawaynaynaa xidhiidhka aanu la leenahay dalka Masar, waxaana aanu dhawaan shirkii midowga afrika isku aragnay mar kale Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo aanu halkaasi ka sii ambo qaadnay xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi. Dhinaca kale, la Taliyaha safiirka Masar u qaabilsan wadanka Jabuuti Maxamed Binu Marwaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland. Maxamed Binu Marwaan waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal uu isa soo tarayo oo ay Somaliland iyo Masar, waxaanu tilmaamay inay iska kaashan doonaan dhinacyada Waxbarashada iyo ganacsiga. La Taliyaha safiirka masar u fadhiya Jabuuti waxa uu sheegay inay hadda u socdaan dhismaha maktabadda weyn oo ay ka dhisayaan magaalada Hargeysa. Sidoo kale, waxa kulankaasi lagu kala saxeexday heshiiska dhismaha maxkatabadda masaaridda..
-
Africa’s Newest Central Bank Opens in an Unexpected Location
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Last week, lawmakers in Somaliland (Somalia’s northern, semi-autonomous region) reportedly established Somaliland’s first central bank. The measure will pave the way for foreign commercial banks to start operating in Somaliland by 2013, providing much-needed financing support for Somaliland’s private sector businesses. Simultaneously, the donor community (represented by multilateral institutions and both Danish and US aid agencies) has expressed a strong interest in Somaliland. Two questions arise: How can international donors further support Somaliland’s businesses and what can they learn from the parliament’s new central bank? Somaliland claimed independence from Somalia in 1991 and has since formed its own parliament, government, schools, infrastructure, and healthcare systems. Certain sectors have flourished even in the vacuum of a strong central government presence, including telecommunications, mobile banking and money transfer services, and livestock trading. Despite Somalia’s problems, Somaliland’s private sector has grown and prospered. A 2010 CGD working paper highlighted how businesses made major contributions to Somaliland government and non-government institutions – despite the lack of international intervention. But as the international community enters the scene, how can they most effectively support private sector businesses in Somaliland and relatedly, in other African fragile states? In a forthcoming report entitled “Supporting Private Business Growth in African Fragile States” we present a three-pronged framework to increase the effectiveness of private sector assistance in Africa’s most challenging environments. The framework defines three criteria: Identify and target the most severe constraints to business growth. In African fragile states, the most frequently cited constraints to businesses are electricity, roads, and access to finance. Invest in sectors with proven track records. Successful sectors vary widely across African fragile states. Align project goals with stated aims of the host government. Government priorities also vary widely, but often parallel the needs of private business. Applying this framework to Somaliland’s central bank, we find that the parliament’s intervention aligns with all three targets. The central bank will 1) help alleviate business’ need for finance, 2) promote a successful sector via mobile banking and money transfer services, and 3) help achieve government priorities. The impact of the new central bank may already be evident – investors are taking risks in Somaliland, and their actions can pay large dividends. Stay tuned! -
PetroTrans negotiates to extend Somaliland port
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
PetroTrans negotiates to extend Somaliland port Mon Feb 13, 2012 4:27pm PetroTrans signed four petroleum exploration and production sharing agreements with the Ethiopian Ministry of Mines in July 2011, paying $130 million for the rights to explore Blocks 3, 4, 11, 12, 15, 16, 17 and 20 in the Calub and Hilala Gas fields in the country's eastern ****** region. Somaliland is an internationally unrecognised state that declared independence from Somalia in 1991, and hopes the deal will create thousands of jobs, raise its profile and attract more investments into the region. Hirschler said PetroTrans had approached neighbouring Djibouti on whether it could build an LNG facility there, but discussions were still in an early stage. Djibouti serves as a port for its landlocked neighbour Ethiopia. Hirschler said PetroTrans was also negotiating with South Sudan's government to build an oil pipeline from South Sudan oilfields to the Port of Djibouti. South Sudan, which seceded from Sudan last year, said on Thursday it was considering building an oil pipeline through Ethiopia and Djibouti. South Sudan produces about 350,000 barrels of oil per day and exports via Sudan to a Red Sea port. -
PetroTrans negotiates to extend Somaliland port Mon Feb 13, 2012 4:27pm GMT Print | Single Page By Mark Anderson HARGEISA (Reuters) - PetroTrans, a Chinese oil and gas producer could conclude preliminary negotiations with Somaliland for the extension of the key port of Berbera by the end of this year, but has scrapped plans to build a liquefied natural gas facility. Philip Hirschler, a legal adviser for PetroTrans, said from London the firm planned to extend Berbera port's container and mineral export services following an agreement it signed with the government of the breakaway enclave of Somalia last August. The Horn of Africa has been attracting increased investments in exploration by foreign oil firms, due to its proximity to east Africa, where oil has been discovered in Uganda and natural gas found in Tanzania. The Hong Kong based company had planned to build gas pipelines from the field and at least two trains and LNG tankers for possible export of the product. "Some of the project that was initially proposed such as the LNG facility, could not go into Berbera because it would be impossible to get any insurance on the facility," Hirschler said. "We're still talking about (developing) a container port, a dry cargo port, and a mineral export port, once there's sufficient minerals development in Ethiopia or further west." Ali Omer Mohamed, General Manager of Berbera port, told Reuters he expected the completion of preliminary negotiations with PetroTrans on Berbera's extension by the end of this year. "I expect studies, contracts and agreements to be finished this year," Mohamed said. http://af.reuters.com/article/investingNews/idAFJOE81C0B520120213?feedType=RSS&feedName=investingNews&utm_source=feedburner&utm_medium=feed&utm_campaign=Feed%3A+reuters%2FAFRICAbusinessNews+(News+%2F+AFRICA+%2F+Business+News)
-
Boosaaso: Inka badan 15-askari oo laga dilay Ciidamada Puntland Sugure Sh. M. Network) Weerar qasaaro badan gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland waxaa ku qaaday Maleeshiyaad taabacsan Ciidamo ka amar qaata Sheekh Max’ed Saciid Atam. Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay Ciidamo daacad u ah Wadaadka lagu magacabo Sheekh Max’ed Saciid Atam ay weerar ku qaadeen Saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii 40-KM dhinaca Koofureed kaga beegan Magaaladaasi. Maleeshiyaadka dagaalka ku qaaday Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay adeegsadeen hub cul culus oo qasaaro u gaystay Ciidamada Maamulkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah. 17-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka oo ahaa mid gaadmo ah, waxaana lagu soo waramayaa in deegaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Sheekh Max’ed Saciid Atam oo dagaalo kala soo horjeeda Maamulkaasi. Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay shalay howlgallo ka sameyeen Magaaladaasi ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu la dhashay Sheekh Max’ed Saciid Atam islamarkaana ay ku tilmameen in uu qeyb ka ahaa dagaalada ka dhacay deegaanka Galgala sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay Maamulka Puntland ayaa inoo suuro galin inaan qadka Taleefonka ku haleelno, waxaana saakay wararku ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan islamarkaana ay jirto cabsi soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.
-
dee wu ka hortagayaa wu ku sheegey:D
-
SHEEKH CALI DHEERE: "Shirka London waa Shirqool ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya waana ka hortagaynaa" Isniin, Feberaayo 13, 2012 (HOL) − Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta ka hadlayay dibadbax ka dhacay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa shirka London ku tilmaamay shir-qool la doonayo in Soomaaliya lagu geliyo maxmiyad wuxuuna sheegay inay ka hortagayaan. Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in midowga Al-Qaacida iyo Al-shabaab uu caro gelinayo gaalada iyo cadowga muslimiinta, sidoo kalena uu farxad u yahay dadka muslimiinta ah meel walba oo ay dunida ka joogaan, isagoo intaas ku daray in tani ay caddeyn u tahay inay soo dhawaatay dowladdii Islaamka. "Mujaahidiinta Soomaaliya waxay raalli ka yihiin heshiiskii Al-Qaacida ay la galeen, waxayna caddeyn u tahay in khilaafadii Islaamka ay soo dhawaatay," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay kumannaan qof oo ku sugnaa fagaaraha Calamada. Afhayeenku wuxuu sheegay in Al-shabaab ay la mid noqotay dagaalyahannada Al-Qaacida ee ku sugan dalalka Ciraaq, Yemen, Aljeeriya, Afgaanistaan iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla. "Waan ku qanacsan-nahay heshiiska aan la galnay Al-Qaacida, waxaana halkan ka caddeynaynaa inaan sii wadayno dagaallada aan kula jirno gaalada iyo cid walba oo la safan, waana ka guuleysan doonnaa Illaahay idankiis," ayuu Sheekh Cali Dheere u sheegay dadkii dibadbaxa ka qaybgalay. Mar uu soo hadal qaaday shirka London ayuu ku sheegay inuu yahay Shir-qool la doonayo in Soomaalida diintooda looga fidneeyo iyaguna ay kasoo horjeedaan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar-garoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen qodobbada kasoo baxa shirkaas. "Shirka Ingiriiska ka dhacaya waxaa ka qaybgalaya in ku dhow 50-dowladooda oo gaalo ah, waana mid looga tashanayo sidii muslimiinta Soomaaliyeed looga fidneyn lahaa diintooda... waan diidnay... waana ku dhimanaynaa diinteenna... shacabkuna waa inay diyaar-garoobaan," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab. Mudaahaaraadka ka dhacay deegaanka Calamada waxaa ka qaybgalay kumannaan qof oo ay ku jiraan arday iyo ganacsato, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka tirsan. Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee dibadbaxayaas ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay ula midoobeen Al-Qaacida ay tahay iyagoo arkay in gaaladu ay u midoobeen duulaanka Soomaaliya iyo Ciraaq, iyaguna ay go'aansadeen inay midoobaan si ay uga hortagaan. Dhanka kale, waxay dibadbaxyo midkan oo kale ah ka dhaceen degmooyin ay ka mid yihiin: Afgooye, Marko, Baraawe, Shalaanbood iyo kuwo kale oo ku yaalla gobolka Shabeellada hoose. Xubnihii dibadbaxyadaas ka hadlay ayaa waxay ku boorriyeen dadka degmooyinkaas ku nool inay u diyaar-garoobaan ka qaybgalka dagaallada ka socda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen kuwo lagu doonayo in lagu burburiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.