-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland vice president Cabdiraxmaan Seylici visits burco
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Somaliland vice president Cabdiraxmaan Seylici visits burco
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Lacag Guddoon Siiyay Dhaawacyadii Ciidanka Qaranka Iyo Maleeshiyada BuuhoodlePosted in February 12th, 2012 by lug in News Hargeysa- (Lug)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Booqday dhaawacyadii ku dhaawacmay dagaalkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Sool-joogto oo ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle, kaasi oo u dhaxeeyay ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo Nabad diid ah. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 40 qof oo iskugu jira dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo dhaawacyadii maxaabiistii laga soo qabtay maleeshiyadda nabad diidka ah, waxaanu halkaasi qofkiiba ku gudoon siiyay hal malyan oo shilin oo u dhiganta 160 Dollar. Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle. -
Xog hoose: Dawlada Puntland oo Madexweyne Biindhe ka Mamnuucday in uu Gaalkacyo ka dhoofo. Posted by Pi G 2 on February 12th, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Dawlada Puntland ayaa Mamnuucday duulimaadkii Madexweynaha 2aad ee Maamulka Khaatumo Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe) oo lagu waday in uu Gaalkacyo maanta ka dhoofo.Madexweynaha Dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sida aanu xogta ku helnay amar ku baxshay joojinta duulimaadka Gaalkacyo ee Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe) Madexweynaha 2aad ee maamulka Khaatumo, kadib Markii uu shalay Magaaladan Gaalkacyo soo gaaray. sida aanu wararka ku helayno Madexweynaha Puntland wuxuu sidoo kale amar ku baxshay in Biindhe mudo 24-saac ah uu uga baxo Gobolka Mudug kuna laabto deegaankii uu ka yimid, wuxuuna amarkani dhaliyay khilaaf weyn oo ka dhex abuurmay Maamullada deegaanka iyo waxgaradka qayb ka mid ah oo doonaysay in ay suurtagaliyaan duulimaadkii Mr. Biindhe. Waxaa hada soconaya dadaalo Odayaasha Degaanku ay hormuud ka yimiin oo arrintan lagu dajinayo, waxayse arrintu u badan tahay in Mr. Biindhe lagu qanciyo in uu dib deegaankii ugu laabto Gobolkana uga baxo mudada kooban ee loo qabtay. Inkastoo arrintani xasaasiga ah durbadiiba laga dareemay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug hadana waxay ku soo aaday xilli horay Madexweynaha Puntland uu deegaanada Puntland uga mamnuucay xubnaha Maamulka Cusub ee laga yagleeyay Gobollada SSC.
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Magaalada Burco, Dhaawaciii Ciidamadii Dagaalkii Buhoodlena Qadar Lacag Ah U Qaybiyay. Burco(Ramaas) Feb 12, 2012- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa maanta booqasho qaadan doonto maalmo ku tagay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Mr Saylici waxa booqashadiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiil kale, waxaana markii uu gaadhay Magaalada uu booqasho ku soo maray goobo kala duwan, oo uu ka mid ahaa cisbitaalka guud ee Burco, halkaas lagu daaweynayo dhaawicii ciidamadii waxyeeladu ka soo gaadhay dagaalkii ciidamada Somaliland iyo kuwa beelaha deegaanka Buhoodle ku dhexmaray jiida Sooljoogta. Waxa uu qadar lacag ah oo aan badnayn u qaybiyay askarta dhaawaca ah oo qaar ka mida xaaladoodu halis tahay, isaga oo u sheegay in xukuumada ay ka shaqayn doonto sidii loo daryeeli lahaa, laakiin ma sheegin nooca gargaarka loo fidinayo askarta dhibaataysan, iyada oo cisbitaalka Magaalada Burco aanu lahayn adeegyo caafimaad oo lagula tacaali karo xaaladaha halista ah. Mar uu ka hadlayay dagaalkii Buhoodle toddobaadkii hore ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyada beelaha dhexmaray, waxa uu sheegay in ay dagaalkaas wadeen kooxo dano gaar ah lahaa oo ku tilmaamay fidmawadayaal aan doonayn in nabadu ka islaaxdo Bariga wadanka.
-
British Parliament discusses Somaliland and Somalia issues
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
From 14:00 so some where in the middle Its very interesting the UK mps are discussing the upcoming conference also about Somalilands role and also about Somalilands quest for statehood how it has a legal case for dejure recognition there was one MP who suggested if Britain doesn't want to take the first step we must encourage african nations to take the first step.Also about the mismanagement of the TFG and the corruption and piracy was also discussed. -
:D:D i told you before khaatumo is somaliland but the Buhoodle nabadiid Militia is a different case.
-
:D:D sheikh sharif is like calanka bluega xaad ku so daraysiin ciidan ma ku so daraysiin
-
She was good NABAD KU NASO whitneyey she indeed was very talented a great singer
-
my fav song
-
http://www.parliamentlive.tv/main/Player.aspx?meetingId=9995
-
*ANWAR*;788101 wrote: Puntland having oil and south Somalia in peace, who needs Somaliland ?? I'd rather unite with Somali Galbeed cuz They have oil and much more Somali history!!! Well said
-
^^^ lool.
-
Jacaylbaro;788086 wrote: What if your donkey start flying to the moon ??? ... :D:D
-
Peace is needed it comes from both sides
-
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Wayahay taasi wa gar -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mario B;788046 wrote: Anglo iItalian borders were dissolved my friend, Somalia starts from Ras Kamboni to Saylac, those are the borders the that world recognises including every other entity in Somalia. British Somaliland and Italian Somaliland are not coming back, they became SOMALIA. Stop this delusion. And you know my friend the former Somali republic was dissolved in 1991 and there is no one that can change that haday kun ku kufrinayan iyo haday kun ku muslimayan. Somali leaders prior 1988 never recognized the Italian Abyssinian border they never recognized the Anglo Italian border the Somali republic had with Kenya they only accepted the Anglo french border the former Somali republic had with Djibouti. And General Muhammad Siyad bare was forced to recognize the Italian Abyssinian border in 1988. Mario its not what the world recognizes its what Somalis recognize that's where it all starts . -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taleexi;788043 wrote: Xaaji, Talo eexeed baad haysaa. Ee xalkaad haysaa xaal ha qaato . Ta kale qof walba maro rinji waa ku daadsan karaa oo calan ugu yeedhi karaa, dhowr qodob intuu qorona dastuur ugu yeedhi karaa, qariirad photoshop ku sawirona map ugu yeedhi karaa ee baa wal ninka laga badiyo. Koleyba midkeen baa waalane, tolow yaa ina kala saaraya? Kumaan odhan qof walaan ku dayo waxan ku idhi aynu wax wada qabsano Muhimadu wa taas dalkeeni wax so saar wa leeyahay dad ku filan wa leeyahay kheyraad wa leeyahay shacab wanaagsan wa leeyahay.Laakin Taleexi wuxu na leeyahay intan khatumeysanahay dadka walaan baan ku dayanaya taasina dee caqli maha aniga ku miir qaba:D -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mario B;788040 wrote: But the 'Somaliland' borders are just a fig of your imagination. You know that well. The political leaders in Somalia (Puntland galmudug ahlsunna waljamaca and the TFG) accept and recognize the Anglo Italian border Somalia has with Kenya, you should listen to Cabdi cawar when he talks about this issue. They fully Accept the Italian Abyssinian border Somalia has with Ethiopia. So rejecting the Anglo Italian border Somaliland has with Somalia what should we call that? -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mario B;788035 wrote: Yeah, Somali unity...from Ras Kamboni to Saylac!! Why not this -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taleexi;788034 wrote: Abti, afmiishaarnimadii waa dhamaatay. Taas uun baynu isla garanaynaa. Haddaa ma Somaliland baa ummadda xal u ah? Haaa Somaliland wa u xal sabab Somaliland nabad iyo hormar bay dalka gaadhsiiseey its not perfect laakin wa gurigeeni si aynu u hormarin lahayn wa inaynu ka shaqeyno taleexi. adeer adigu hadaad Nugaal godan isku xiidhid midna isku so xidho hargeysa ama borama ama badhan midna burco iyo caynabo isku so xidho maxaad so kordhisay. Imisa Somali ba ku nool oo ka yimi Somalia oo maal iyo lacag gashaday Somaliland. Laakin taleexi wuxu leeyahay anigu meeshi taleex la odhan jiray baan iska fadhiyaya inadeeerkay oo garowe joogana ma aqaan inadeerkayga kale eeh badhan jooga ma aqaan, abtigay oo caynabo iyo oog joogana ma aqaan. Halkeed u socota markaas war taleexiyow aniga ii dhegeyso aniga war ino haya aniga haya xalki ugu wanaagsana. -
Somaliland Unity - From South to North, East to West
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taleexi xal maad keenin waxad leedahay tuuladayda an ku xidhnaado dabeedna reer taleex iyo reer xudun ba odhanaya anigana meeshayda hala ii daayo garowe iyo laascanood soo may kala danaysan iyago tol ah xudun iyo taleex na wa kala tagayaan ileen qabyalaadu ma joogsato , taleexi xal ma haysid waxad leedahay tuuladayda aan iska dhex fadhiyo. Taleexiyow wax walba reer ha ku salayn reer awdal iyo reer gabiley wa isku umad reer ceerigaabo iyo reer badhan wa isku umad, reer caynabo iyo reer laascaanood wa isku umad dadka halkeed u kala wada