-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Buhoodle Clan Elders Except Somaliland Peace Terms...
Xaaji Xunjuf replied to The Hermet's topic in Politics
Mashallah good news nabadu wa wax aad u macaan -
Ciidamada DKMG, Ethiopia iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Bakool Ceel-barde: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab ayaa caawa ku dagaalamay degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool. Dagaalkaani ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin duleedka Ceel-barde ee gobolka Bakool. dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac ay saameyn ku yeelatay dadka farao ku tiriska ah ee ku sugan deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah oo caawa la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid fashilmay islamarkaana fulaynimo ahaa oo ay kusoo qaadeen Ciidamada Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca Al Shabaab wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dagaalka inkastoo dagaalka uu qeyb ka yahay mid maalmihii u dambeeyay ka dhacay Ceel-barde ee gobolka Bakool oo ay isku hayaan Ciidamada dowladda KMG ah, Ethiopia iyo Al Shabaab. Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu iminka ay tahay mid degan, hase ahaatee mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada ku sugan halkaasi.
-
Live: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibada London Ka Socota Kaga Hadlay Go’aanadii Ka Soo Baxay Shirkii Soomaliya Ee London, Colaada Bariga Iyo Arimo Kale London (Ramaas) Feb 26,2012 – Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo caawa ka hadlayey munaasibad jaaliyadaha Uk London ugu sameeyeen ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii London. Md Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu ka hadlay colaadaha bariga ka taagan, waxaanu baaq u diray beesha gobolka Sool, waxaanu sheegay in xukuumadda iyo shacabka Somaliland diyaar u yihiin wax kasta oo ay raali ku noqonayaan. Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlaya ogolaanshihii natiijada doorashada Madaxtooyadda ee xisbiyadda Mucaaradka ah waxa uu yidhi “Waxaan uga mahad-naqayaa labada xisbi Mucaarad ee markii aanu doorashada ku guulaysanay haneeyay, waliba Faysal oo hore u hongoobay uu haneeyay, midhaheediina way muuqdaan oo waynagaa arkayna halka aynu maanta marayno.” Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu ka hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii Soomaliya loogu qabtay London “Shirkii London waxa ka soo baxay waxa uu noqday haloo garnaqo (Somaliland iyo Soomaliya), waana Ilaahay mahadii haddii adduunkii uu dhaafin waayay go’aankii aynu qaadanay 1991-kii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya shacabka Soomaliya “Walaalahayaga Koonfurta waxaan leeyahay waxaad nooga markhaati tihiin in Somaliland kow ka tahay wanaaga Somaliyeed, wax kastana Somlailand ayaa hormuud u ahayd haddii ay ahayd gumays diid iyo haddii kaleba, waxaan leeyahay labada dawladood ayaynu ahayn, dawladii aynu dhisnay lixdankii warab-baa galay, markaa waanu kala saaraynaa oo dib ayaanu u dhisaynaa oo waynu kala saaraynaa” Muuse Biixi waxa kale oo uu soo qaaday “Dhibaatada barigu waa kaa dhimay oo kugu dhimay, dagaalna waanu ka daalnay mana rabno, nin dagaal soo marayna kuma deg-dego, walaalayayaga Sool waxaanu leenahay 21-kaa sanadood waanu idinin damranahay oo gacan nabadeed ayaanu idin fidinaynay, idiinma quudhno waxaydaan gayin, waxaanu doonaynaa inaanu isfahano, wax kasta oo aad nagu xukuntaana diyaar ayaanu idiinla nahay, waxaanuna nahay walaaladiin oo diyaar idin nahay anaga oo dadkiinii ah” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo toos ula hadlay Dr Galaydh “Cali Khaliif Galaydh waxaan leeyahay Burco iyo Laascaanood ayaad isku keeni kari la’dahay ee ma Laascaanood ayaad ku daraysaa ……….” Filo khudbada Madaxwaynaha Somaliland.
-
Live: Munaasibad Balaadhan Oo Jaaliyadaha Uk London Ugu Sameeyeen Weftigii Somaliland Ee Ka Qayb-galay Shirkii London Oo Hadda Socota Iyo Nuxurka Kalmadaha Laga Yidhi London (Ramaas) Feb 26,2012 – Caasimada dalka boqortooyadda Ingiriiska ee London ayaa waxa hadda ka socota Munaasibad balaadhan oo qurba joogta UK ay ku qaabileen weftigii Somaliland ee ka qayb-galay shirkii Soomalia ee London. Munaasibadan oo hadda si toos ah u socota ayaa waxa kalmado ka soo jeediyay wasiiradda qorshaynta, gaashaandhiga, warfaafinta iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku sheegeen in go’aanada shirka ka soo baxay ay ahaayeen kuwo Somaliland dan u ah. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Soomaliya lala hadlo “Qadiyadii Somaliland meeshii ayuu yaalaa, inaguna waynu hagaajinayna (Soomaliya)” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe waxaanu intaa ku daray “Gabadh ayaa igu tidhi abooye miyeydaan naga naxayn, markaas ku idhi waanu idinka naxaynaa, markaas ayay tidhi ama aanu idiin nimaadno ama aanu idinku noo yimaada, markaa waala wada hadlayaa oo labada dawladood ayaa la samaynayaa” Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in maxkamadaha caalamka heshiisyo ay u kala qori doonaan Somaliland iyo Soomaliya “Maxkamadaha caalamka ayaynu isla tagaynaa oo waraaqo ayaynu kala qadaneynaa” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB oo isna halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in xisbiga UDUB ahaa xisbigii ugu horeeyay ee aqbala in laga qayb-galo shirka London”Ninkii xanuunanaya waa halkiisa laakiin UDUB iyadda ayaa ugu hor qaadatay in shirka London la tago” ayuu yidhi “Maadaama Somaliland wax badan ka soo gudubtay, waxa loo baahan yahay in mucaarad iyo muxaafidba loo halgamayo sidii xaqeena aynu u soo dhacsan lahayn” Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ka hadlay “Maalinta ay doortaan cid matasha waala wada hadli doonaa, laakiin inta ay u kala baxsan yihiin fariiqooyin oo Al-shabaab” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “20-kaa sanadood waxa dib inoo dhigay waa quluubteenii oo kala jeeday” Md Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu tilmaamay inaan calanka Somaliland aanu degayn “Calankani deggi maayo ILAAHAY amarkiisa ee aynu isku duubnaano” ayuu ydih. La soco khudbada Madaxwaynaha goor dhow
-
Aaaliyaah again wa inad fahantid meeshan siyasad ba ku dhehan wuxu maha black and white khaaatumo cali khalif Axmed karaash muxu uga dhigay madaxweyne mamuul wa ina tolka la isu ururiyo muhimadu wa intaas mamuul beeleedki garowe na laga so guuro. Waan ogahay waxay mah mahdu ka dhigantahay wa waxa lo Sameyey sadex madaxweyne in aan la isu cali gariyen Eeg Aaliyaah Qabilka dusha uun baad ka taqana laakin hoosta ayey u dhadhacaysa gudaha la isla galaya Madaxweyne Biindhe oo ka so jeeda deegaanka Boocaame. Madaxweynaha kale oo buhoodle ka so jeeda Mr Indhosheel, iyo Axmed karaash oo Xudun ka so jeeda, Wa sadexda aarda the Garaad clan wax u qeybsadan beesha la ururinaya Aaaliyaah wa inad fahantiid hadalka ku suntan Professor Cali khalif galaydh, Odayadan aad ka hadlaysid eeh la waydiyey hadalkooda waxa weye uun in the masses la tuso in dawladu wax ka qabanayso arinta khaatumo the ordinary citizen of Somaliland adiguna waxad u haysata jihaad in lugu jiro Aaaliyaah stop listening to Garaad selebaan. Hada in two months time wax badan ba kala cadaanaayaa waad arki doonta professor cali khalif will return back from Europe back to the motherland nimankan G9 la baxay waxyaalo kheyr badan bay so wadan oo la doonayo in beesha lo sameyo hogaan adag oo ka turjuma markay cid la hadlayaan wana arin wanaagsan. Madaxweyne Siilaanyo hawlo badan bu ku maqanyahay isaga iyo cali khalif na wa wada hadleen xita inti aan shirka ba la isla tegin magaalada taleex.
-
Aaaliyaah my dear sister waad yara qiireysantahay bal horta qiirada qaad oo intad qaadid albaabka kabadka fur qiirada ku so rid so noqo kumbyuutarka dib u fadhiiso marka aynu wada hadalno. Khaatumo lama diidana wa baahi ay dad sameyeen waxa marka la sugaya siday uga midho dhaliso hamigeeda Khaatumo wa sidu professor cali khalif sheegey wa in anu wada hadalno dawlada Somaliland waxba laga ma qabo miiska wada hadalka wa furanyahay gogashi madaxweyne silanyo wa taalaa waxan aminsanahay inaynan waxba isku diidaydan. Taleexi nabad wa inay bulshadu ku wada noolaadaan khaatumo na cidi ma diidana haka dhigin in khaatumo cidi diidayso adeer, Self determination walo bahanyahay laakin muxu ku dhisanyahay ma qiiro ma qabil ma jufo ma qurba joog ma cadho ka timi mamuulka garowe ma meel kale ma tabasho dhanka Somaliland Bal weynu eegi.
-
Somaliland political culture is that the elders in the republic have a say in solving the daily difficulties in the society and they are always asked for their advise in the country not a single elder called for war they merely called for the protection of the country. Listen to the first elder he says we advice the government not to wage war we never support war we need to find a peaceful solution his words. Now compare him to garaad selebaan Taleexi's uncle who called for a jihaad who is the warmonger here we have a tribal chief calling for a holy war smh.
-
Xukuumadda Somaliland Oo Heshiis Nabadeed La Gaadhay Madax-dhaqameedka Buuhoodle, Ka Dib Markii Ay Shir Ku Yeesheen Khadka Telefoonka Ee Loo Yaqaano (Teleconference) Hargeysa (Ramaas) Feb 25,2012 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa khadka Telefoonka ee “Teleconference”ka loo yaqaano kula hadlay in ka badan labaatan xubnood oo ah Madax dhaqameedka iyo waxgaradka Reer Buuhoodle, iyagga oo kaga wada hadlay in Shir Nabadeed ay isla qaataan haddii taas la helano Ciidamadda Qaranka ee jiidaa degan laga soo qaadi doon si wadahadl intaas ka dheer lo furo. Telefoonkan labada dhinac dhex maray oo ay marka hore wada bilaabeen Wasiir Duur iyo Caaqil Maxamud Xaaji Cumar Camay waxa uu u dhacay sidan: Wasiir Duur:“Ninku marka uu nabad soo jeediyo waa inuu si mudakar ah u yidhaahdo, waxaanan leeyahay nimankaa reer Buuhoodle waa inaan wax dagaal ahi na dhex marin ciidankana xabad joojin ayaan farayaa, idinkuna inaad tidhaahdaan nabadaa waanu la qaadanay waxay noo fududaynaysaa inaanu talaabooyin kale qaadno, dee intaasaanu isla qaadanaye idinka wax mugdi ahi miyuu idinkaga jiraa” Caaqil Camay“inkasta oo aan Odayaash waydiinayo,hadana aniga maxamuud ahaan waxaan qabaa hadii aad nabadaa ku dhawaaqdaan oo ka dhabaysaan inaan ajiibno waxaan qabaa inaan wax dhib ahi ku jirin oo ay si wanaagsan tahay” Wasiir Duur“Haddii aad nabadaa qaadataan oo la wada hadlo talaabada xigta ee aanu qaadaynaa waxay tahay in Ciidankaa goobtii laga qaado” Camay“waayahaye wasiir meesha waxa fadhiya 20 nin oo toban cuqaal tahaye sug aan waydiiyee…. waar sidaa wax miyaad ka qabtaan?. sidaa waanu isla raacnay wasiir ee ka soco” Wasiir Duur “waxaan doonaynaa in xagan nabad lagaga dhawaaqo oo si mug leh loogaga dhawaaqo, idinkuna tidhaahdaan waar nabadaa waanu qaadanay oo waanu ajiibnay, dabadeed labadaa dhawaaq markay soo baxaan ciidamadii goobta laga qaado” Caaqil Camay “hadii aad sidaa ku dhawaaqdaan waanu ajiibaynaa oo sidaa waanu isla garanay” Wasiir Duur: Taasii waa tii aanu maalintii hore isla qaadanay ee ahayd inaan nabada halkii ka sii wadno oo madaxweynuhuna sheegay , dabadeed Itoobiya ayaanu qabanay” Caaqil Camay:“Mayee madaxweynuhu hadalkii la doonayay muu odhane mid kale iminka aan furno” Wasiir Duur: Mayee aniguu Kii Habar-yoonis ayaan leeyahaye qodobkaa waa isla garanay Xaaji Maxamuudow, ee qodobka labaad waxa weeye ma la wada hadli karayaa intaasi haday dhacday” Caaqil Camay:Waar heedhe wada hadalku mar walba waa furanyahaybaan qabaaye horta sow ma ogolid inaan wada hadalno oo waxna isku yeeli karno, waxna isku diidi karno” Wasiir Duur:wada hadalka waxa weeye qolo waliba waxay sidataa waxeeda oo anigu Nin dhaqan yaqaan ahbaan ahay oo Ceerigaabo shaqaaqadii ka dhacday ninkii ka soo shaqeeyaybaan ahay oo in la heshiiyaa shardi maaha, laakiin in la wada hadlaabaa kow ah oo faral ah”. Caaqil Camay:diyaarbaanu u nahay in la wada hadlo oo khasabna aanu jirin, taladuna ay tahay rag wada hadlaya oo waxna ku isku diidi kara waxna isku yeeli kara, walaalo ah oo aan kala maarmi Karin ayaanu balan qaadaynaa wada hadalkana nina nin kale waxaanu ogolayn kuma khasbi karo”. Wasiir Duur: Caaqil aan midh ku idhaahdo, halkan wax khasab la yidhaahdaa ma jiraan cidina isma khasbi karto fikirrada siyaasadeedna waa lagu kala duwan yahay, reerka dhulbahantena waxaan u aqaanaa reer isku kalsoon oo afarta halkan joogaa way naga wada fariidsanyihiin, anigu Baarlamankana waan soo maray maantana wasiiradaan ka mid ahay, markaa raga halkan jooga ee *********** waa rag aan baqan oo walaahi baarlamaanka markaanu ahayn inta idiinku jirta ayaa na hogaamin jirtay, talada Isaaqana maanta hadii *********** si qiimo leh ugu soo fadhiisto inay waxa ka khaldama u toosin lahaayeen ayaan qabaa anigu ama aan leeyahay” Caaqil Camay:“Waar cidina idinma toosin karaysoo tooraybaad sidataane nagadaa” Wasiir Duur:“Caaqil ma I maqlaysaa horta cuqaasha raga la yaqaan ee Caanka ahbaad tahay oo ***** waad toosin karaysaa, isaaqna kaaga turjumaani maayoo ood baad la leedahay oo in cid badani kaala soo xidhiidhaybaa laga yaabaa oo Nin reer oday u ahbaad tahay, dhinacyo badanbaanad iska soo gashaan oo waan garan karaa, markaa maanta Nin ***** ah oo Qabiilnimo ku jirtaa ma jiro ee dawlad yar oo Somaliland la yidhaahdo ayaanu jecelnahay”.
-
Somaliland security forces arrest cawar xareed in gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Some guy who was accused of being behind the killings in seemaal in baki district of Awdal last year. -
Somaliland security forces arrest cawar xareed in gabiley
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidanka Booliska Gabiley oo ka hadlay Eedaysane Cawar Xareed oo ay gacanta ku dhigeen February 25th, 2012 Gabiley (Somaliland.Org)- Ciidanka Booliska ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa galabta hawl-gal ay fuliyeen waxay gacanta ku soo dhigeen Cawar Xareed oo ka mid ah sagaalkii eedaysane ee xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Tuuladda Seemaal ee u dhaxaysa Gabiley iyo Baki, sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo hawl-galkaasi hoggaaminayay. Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo ka hadlayay hawl-galkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu galabta abaaro salaadii casar gacanta ku dhignay eedaysane Cawar Xareed oo ku jiray Guri laba makhsin ah oo qabyo ah oo magaaladda gudaheedda ah, waxaana ILAAHAY mahaddii ay ciidanka Boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan iyadoo aanay wax khasaare ahi ka dhicin oo aanay qofna xabadi waxba yeelin.” Taliyuhu wuxuu sheegay in markii hore uu ciidanka Booliska ku soo riday rasaas, hase yeeshee aanay waxba cidi ku noqon. Taliyuhu wuxuu sheegay inaanay jirin cid kale oo la joogtay eedaysanahaasi gacanta lagu dhigay. Ismaaciil Rashiid Maxamuud, waxa uu sheegay inay eedaysanahan isla galabta ku wareejiyeen Taliska guud ee Booliska oo lagu xidhay magaaladda Hargeysa, waxaanu ammaan u soo jeediyay ciidanka Booliska Gabiley ee hawl-galkaasi fuliyay. Eedaysanahan waxa lagu xidhay xarunta Ciidanka CID-da ee magaaladda Hargeysa -
Puntland Is It The Next Qatar? By Dr Osman. Analysis and Hawk Eye Review
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
The Kings of Puntland don't mind secession from Somalia as long as they can wear arabic clothing fart around on the beach and drink tequila.But this is unacceptable division based along clan lines the Garowe enclave is part and parcel of Somalia and Somalis will not accept secession. Even if oil is found it belongs to all the people from raaskaambooni to raas caseer.So osman stop comparing you're self to Qatar. -
War deg deg ah: Ciidanka Booliska Gabiley oo Goor dhawayd Gacanta ku dhigay Cawar Xareed oo ku Eedaysnaa Dilalkii Foosha Xumaa ee ka Dhacay Deegaanka Seemaal. Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid...... Gabiley (GNS)-Hawl-gal Balaadhan oo ciidamada Booliska Gabiley ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Gabiley ayaa goor dhawayd lagu soo Qabtay Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed) oo ka mid ahaa Eedaysanayaashii Dilkii Seemaal ka dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay. Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid ayaa ku Qabtay Cawar Guri ku yaala Magaalada Gabiley oo uu ku dhuumanayay, ciidanka ayaa gaadh ka qabtay Gurigaasi iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaadhsiinin ayay gacanta ku soo dhigeen. Cawar Xareed ayaa isla markiiba loo gudbiyay Magaalada Hargeisa, Cawar Xareed ayaa ka mid ahaa sagaal nin oo dhawaan wasiirka wasaradda arimaha guduhu magacyadooda ka sheegay warbaahinta isla-markaana sheegay inay ku cadahay inay ka dambeeyeen dilka saddex qof oo dabayaaqadii sanadkii hore lagu dilay deegaanka Seemaal. Taliyaha ciidamadda Booliska ee Qaybta Gabilay ismaaciil rashiid oo warbaahinta u waramayay ayaa xaqiijiyay qabashadda Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed), waxaanu intaasi ku daray in ay hadda u soo gudbiyeen ciidamadda C.I.D ee magaaladda Hargeysa halkaaas oo hadda lagu hayo Waa Markii ugu horaysay ee Hawlgal noocan oo kale ah laga Fuliyo Gudaha Magaalada Gabiley kaasi oo lagu Baadi goobayo Eedaysanayaal Wasiirka Arimaha Guduhu Warbaahinta ka yeedhiyay Magacyadooda isla markaana lagu guulaystay Eedaysanahan oo uu Wasiir Duur sheegay inuu Ahaa Aabaha Eedaysanayaasha lagu tuhunsanyahay Dilkii Seemaal. Cawar Xareed Waxa kale oo uu ka mid ahaa Eedaysanayaal tan iyo xukuumadii Daahir Rayaale kaahin Baadi goobkiisa lagu jiray isla markaana lagu tuhunsanaa dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay Jidka Dilla iyo kala baydh iyo Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhamaadkii sanadkii tagay ka dhacay Seemaal.
-
peasant;794730 wrote: Xaaji wax walba meel ayey ka bilowdan, afar tan nin waxa ay tuseen somali in ay wada fariisan karto wadankoda gudahiisa ayna ka wada hadli karaan sidii xal waara loogu heli lahaa bulsha weynta somaliyed. Xaaji taa keli ah baa amaan mudan kadib inta aan la gudo gelin waxa ay ku heshiiyen. Sidoo kale Xaaji gogoshu somali oo dhan bay u fidsanayd lakiin idinku ma idin iman hadii aad tihiin mamulka somalida waqooyi tasina ma aha mid cid kale lagu eedi karo. Peasant mayaa wa fiicantahay in dalka gudihisa lugu shiro balse ma lo dhama wa mayaa wax aan loo dhamayn in ragi ku dhawaqaan oo ay xeer ka dhigtan in dadka somalia lugu hogaamiyo wa qalad weye. Ama u yeedha hiiraan dadka matala ximan iyo xeeb dadka matala azaniya cida matasha jubaland cida matasha gobolada koonfurta somaliya iyo inta shabatu haysato cid matasha dee ama naga dayaa. Mide labaad shirkani shir somali oo dhan maha ,miya loo yeedhay reer nfd miya loo yeedhay reer somali galbeed miya lo yeedhay Somaliland na looma yeedhin. Shirka Garowe wuxu aha shir ku sahabsan Somalia.